HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 15-KA FEBARAAYO 2023-KA

0
Wednesday February 15, 2023 - 08:23:15 in Wararka by
  • Visits: 423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 15-KA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Soomaaliya oo laga cafiyey malaayiin dollar iyo Xasan oo war ka soo saaray

Dowladda Soomaaliya ayaa loo cafiyey ugu yaraan $30 Milyan oo lagu yeeshay intii ay bur burka ku jirtay, lacagtaan ayaa si gooni ah u qus eysa sanduuqa beeraha ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha ee IFAD ayaa uga mahad celiyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaal iya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka door ka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo mada sha Dorraad lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka han naanka dayn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhig ay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gur mad iyo quudin degdeg ah.

Madaxweynaha ayaa shirkii Dorraad ka shee gay in caqabadaha dib u dhigay wax-soo saarka beeraha Soomaaliya ay ugu horreeyaan argagixi sada Al-Shabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.

"Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaa gno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka hel aya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xore ynta deegaanno badan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku sii daray, "Dhulka la xore eyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddel ka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsam ooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horu marka beeraha dalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wxuuu xaqiiji yey in dowladda Soomaaliyeed ay dadaal ku bixi nayso sidii loo kobcin lahaa fahamka iyo tabcash ada beeraha dalka, maadaama ay Soomaaliya lee dahay dhul ku wanaagsan tabaca dalagyada kala duwan ee cunada.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay la war eegayso hanti kaste oo lala xiriiriyo Alshabaab

Guddiga la-dagaalanka Lacag dhaqidda & Ka-hortagga Maalgelinta waxa loogu yeero Argagi xisada ee dowladda Soomaaliya ayaa shacabka ku wargaliyay in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo caawin karta kooxda Alshabaab.

Warsaxaafadeed ay guddigan soo saareen ayay ku sheegeen inay dowladdu la wareegeyso si waafaqsan sharciga ka hortaga lacag dhaqida & La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, hanti kasta oo lala xiririyo Alshabaab, isla markaana xayiraad safar ayay kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la leh Shabaab.

Guddigan ayaa sidoo kale kusoo rogay shiraka daha ganacsiga, dadka ka ganacsada dhulalka & dhismayaasha inay iska diiwaange liyaan wasaa radaha iyo hay’adaha ku shaqada leh muddo sadex 3 usbuuc gudahooda ah.

Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay xarunta Xirfadda Farsamada Gacanta ee Haweenka Degmada Shibis

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Mudane, Cab dicasiis Cismaan Maxamed ayaa dhagax-dhigay xarunta Xirfadda Farsamada Gacanta ee Haween ka Degmada Shibis

Munaasabada Dhagax-dhigga ayaa waxaa go objoog ka ahaa Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Marwo, Jawaahir Maxamuud Jaamac (Baarqab) Guddoomiyaha Degmada Shi bis Mudane Cali Soomaali, Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Ururka Haween ka Degmada Shibis iyo marti sharaf kale.

Xaruntan ayaa loogu tala-galay in Hawee nka ay kusoo bandhigaan xirfadaho oda Farsamada Gacanta, taas oo dhiirri gelin u noqoneysa Haw eenka kale.

Kudhowaad 100 Xildhibaan Oo Saxiixay Moo shin Mudo Kordhin Loogu Sameynayo Xassn Sheekh

In ka badan 60 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa saxiixay mooshin lagu kordhinayo in waajibaadka Baarlamaanka Federaalka laga dhigo muddo shan sano ah, taas oo qeyb ka ah qorshaha muddo kororsiga sanadka ee ay horay u sameysteen Dowlad Goboleedyada.

Inkastoo muddo xileedka Baarlamaanka labada Gole iyo Madaxweynaha aanu muddo sanad ah gaarin, haddana waxaa muuqata in loo sii diyaar garoobayo muddo kororsi hor leh.

Xasan Sheekh ayaa hormuud u ahaa siyaasiy iinta diidaneyd mudo kororsi in loo sameeyo madaxweynihii hore Farmaajo, iyadoo muranka mudo kororsigaasi uu isu rogay gacan ka hadal, waxaana lagu dagaalamay magaalada Muqdisho.

Muddo kororsigan halka sano ee la diyaarinayo iyo muddo kororsigii labada sano ee horay loo diiday ayaa ku kala duwan waqtiga lagu soo aadi yay, waxaana la sugayaa sida ay noqoto falcelinta lagala hortago muddo kororsigan aan waqtigiisa la gaarin.Xigasho:Jowhar.Com

Taliska booliska oo meesha ka saaray fudude eyihii laga qeyliyay ee xarunta CID-da

Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Jen eraal Sulub Axmed ayaa Dorraad shaaciyay in uu xaliyay caqabado badan oo bulshada reer Muqdi sho ka haystay shaqada CID-da.

Taliye Sulub ayaa waxa uu sheegay in uu gebi ahaanb meesha ka saaray wixii la or an jiray fududeyaha, kaasi oo lacago laaluush ah dadka uga qaadan jiray u fud udeynta howlaha shaqo ee CID-da.

"Cabasha ka jirtay CID xageeda waa soo xali nay inteeda badan waxaa rajeynaynaa Dorraad la ga bilaabo qofka muwaadinka ee CID aadaya asa goo niyad-san uu aado. Waxaa baabiinay safkii dheera ee dadku ka cabanayeen iyo wixii fudude eye la oranayay,” ayuu yiri Jeneraal Sulub.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda kadib ay san jiri doonin qof la weydiinayo lacag dheeraad ka ah adeega uu CID u tagay, taasi oo meesha ka saareysa musuq-maasuqii hore uga jiray xaru ntaan.

"Majiri doonto intan tuur waraaqda dube lagu soo saaraya. Qofka waa in uu hadda kadib kalso oni ku aado CID iyaga oo ku xisaabtamaya inay si wanaagsan ula macaamilaan ciidanka booliska meesha jooga.”

Waxa uu intaas kusii daray "Wax alaala wixii sharci darro ah ee ka jiray meeshaas loogu adee gayo bulshada waxa rajeynayna Dorraad laga bil aabo CID waxay ku shaqeyn doonta qaabkii sax da ahayd ee ciidanka booliska uu ku shaqeyn jiray.”

Taliye Sulub ayaa 4-tii bishaan xilka kala war eegay taliyihii hore ee booliska, wuxuuna ballan-qaaday aheyd inuu ka shaqeyn doono wax ka qab ashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada boolis ka, si awood badan uu u yeesho booliska Sooma aliyeed. Taliyaha cusub ayaa sidoo kale waxa laga sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaa lada Mu qdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saa rtay cul eys xoogan, xilli uu dagaal culus uga soc do gobo lada dalka. Si kastaba, dib u habeynta la gu sam eeyay xar umaha CID-da ee bulshada Mu qdisho u adeeg doonato ayaa si weyn loo boga adiyay, maa daama ay hore u aheyd xarun ku sun tan musuq-maasuq.


NISA oo war culus ka soo saartay gana csato ay Al-Shabaab u yeereen

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qa ranka ee NISA ayaa soo saartay digniin ku socota ganacsato xogtooda la helay oo kooxda Al-Shabaab ay u yeertay.

Sida lagu cadeeyey qoraal ka hey’adda, kooxda Al-Shaba ab ayaa ganacsatada reer Mu qdisho qaar ka mid ah ku ama rtay inay ugu tagaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, waxayna NISA digniin u dirtay qof kasta oo amarkaas ay Al-Shabaab dul-dhigeen.

"Hey’addu waxay uga digeysaa ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna hantidaas loo isticmaalo gumaadka dad shacab ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Qoraalkaan oo lagu baahiyey bogga Twitterka ee hey’adda ayaa sidoo kale digniin loogu diray dad ka Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha ay ka dho wyihiin Al-Shabaab, iyadoo qoraalka lagu cadeey ey in kooxdu ay mar kasta bartilmaameed u tahay hey’adaha amniga.

"Hay’addu waxa ay ugu baaqeysaa shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadan xarumaha Khaw aarijta, maadaama ay bartilmaameed u yihiin hay ’adaha aminga dowladda federaalka.”

Digniintaan ka soo baxday hey’adda NISA ay aa ku soo aadeysa iyadoo Dorraad Guddiga Qar an ee ka hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalan ka Maal-gelinta argagixisada uu soo saaray go’a ano culus, kuwaas oo la xiriira maal-gelinta argag ixisada iyo shirkadaha dalka qeybahooda kala duwan.

Guddiga ayaa ugu horeyntii uga digay muwaa diniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan arr inta la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.

"Lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada waa dambiyo waaweyn, si waafaqsan qoddobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dha qida iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri digniinta guddiga.

Go’aanada kasoo baxay guddigan ayaa waxa lagu faray shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada telefoonada (mobile money service providers) in ay diiwaan-geliyaan dadka qaadanaya lambarada cusub, oo ugu yaraan sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta oo loo furayo sim-kaar cusub.

"Kuwa horay u qaatay Sim-kaararka waa in dib loo diiwaan-geliyo muddo aan ka badneyn 90 ci sho gudahood, si waafaqsan qoddobka 5-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gel inta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Guddigu waxa kale oo uu faray hay’adaha ma aliyadeed sida; Bankiyada, Xawaad alaha iyo Shir kadaha bixiya adeegyada lacagaha telefoonada in ay kusoo gudbiyaan warbixinada ay warsadaan ha y’adaha ku shaqada leh sida FRC & Xafiiska Xe er-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac gudahood.

"Cidii kusoo gudbin weysa warbixinada mudada as, waxaa laga qaadayaa tallaabooyinka ku cad sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixis ada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

DFS ayaa hore ugu guuleysatay inay si weyn u curyaamiso lacagihii baada ahaa ee kooxda ka heli jirtay gudaha caasimada, waxaana xiligan adag in ganacsatada si bareer ah ugu dhiiradaan inay lacag siiyaan Al-Shabaab, hase yeeshe waxaa jira culeys uga imanaya kooxda oo ayadu wajaheysa dhaqaale xumo baahsan.Si kastaba, tan iyo markii uu billowday dagaalka noocyada ba dan leh ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga sa aray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Hoos ka Eeg digniinta NISA

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo Dorraad ka dhacay deegaanka Qeycad

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo duhurnimadii Dorraad ka dhacay deega anka Qeycad oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada do wladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Galmudug ay weerar ku qaadeen fari isin halkaasi ku lahay een kooxda Al-shabaab oo mudooyinkii dambe ku sug neyd magaalada Bacaadw eyn.Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Dorraad ka dhacay deegaanka Qeycad oo qiyaas ahaan u jirta magaalada Bacaadweyn ilaa 4 KM, waxaana dadka deegaanka ay sheege en inuu dagaalka ahaa mid socday dhowr saaca dood, islamarkaana hubka la isku adeegsanaayay jugtiisa laga maqlaayay deegaano ka fog fog hal ka uu dagaalka ka dhacay.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Maxa med Cabdi Gaboobe oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysa ciidamada huwanta ah ee dagaa lada ka wada deegaanada Galmudug ayaa sheeg ay in ciidamada ku dhaw yihiin inay gudaha u gala an Bacaadweyn oo ay haatan isaga baxeen kooxda Al-shabaab.

Magaalada Bacaadweyn ayay kooxda Al-sha baab waxay gacanta ku dhigtay bishii Agoosto ee sanadkii 2021-kii kadib markii halkaasi ay isaga soo baxeen ciidamada dawladda.

Millateriga Somalia oo gacanta ku dhig ay ma daxii Al shabaab u qaabilsa naa qaraxyada iyo caafimaadka

Ciidamada xooga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ee milatariga Somalia ayaa sheegay inay gac anta ku dhigeen dagaal ame ka tirsan AL-Shabab, ka aasi oo ay ka qabteen degaan u dhaw Camara.

Dagaalamaha lasoo bandh igay ayay Saraa kiisha Cidiamada Millaterigu she egeen inuu ahaa madaxii al shabaab u qaabilsa naa qar axyada iyo caafimaad ka. Wax aana magaci isa lagu sheegay Salmaan Daadir. Ama aduulaha guutada 13-aad ee qeybta 21-aad ee ciidanka xooga Gaashaanle Sur cad ayaa shee gay iney soo qabteen shaqsigaan asaga gaari ku wada agabka laga sameeyo waxya abaha qarxa iyo daawooyin Isla markaasna u wado fariisimaha al shabaab ay ku leeyihiin k/ta G/ Mudug.

Soomaaliya iyo Qaramada midoobay oo ka wada hadlay xaaladaha barakacay aasha

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wa saaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horuma rinta dhaqaalaha XFS, Md. Xildhibaan Cabdi ra shid Jire Qalinle oo ay wehliso Agaasimaha Xalka-Waara ahna Agaasimaha Kormeerka iyo Qii mey nta, Marwo Sahra Cabdi Maxamed ayaa Dorr aad kulan kula qaateen La-taliyaha Gaarka ah ee Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaab ils an Arrimaha Barakacayaasha, Mudane, Robert Piper iyo Madaxada Hay’adaha Caalamiga ee dal ka ka shaqeeya.

Qodobada laga wada hadlay waxaa ka mid ah habab hore u jiray iyo dadaalada la sameeyay si wax looga qabto xaaladaha barakacayaasha So omaaliyeed.

Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la dardarg aliyo hirgelinta Istaraatiijiyada Xalka Waara si xal waara loogu helo barakacayaasha.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyay taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha sidii wax loogu qabanlahaa barakacayaasha laguna gaari lahaa xal-waara iyadoo lala kaashanaayo dowlada dhexe iyo dowlad Goboleed yada.

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay Imaaraadka

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo caya araha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxam uud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada iyo ka qayb-galkooda xukunka.

Shirweynahan oo ay ka soo qayb-galeen wufuud gaar aysa 4000 oo xubnood kana kala socda 150 dal ayaa ka kooban 22 madal oo mid walba dood gooni ah lagu soo bandhigayay.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galay madal gaar ah oo ay lahaayeen wasiir rada Dhalinyarada iyo cayaaraha ee wadamada Carabta ayaa diirradda lagu saarayay ilaalinta luu qadda iyo firka dowladaha carbeed, waxaa sidoo kale laga dooday fursadaha iyo caqabadaha dhalli nyarada dunida Carabta iyadoo Wasiir Maxamed Barre uu soo bandhigay fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo shirka ka caddeeyay in dhalinyaradu ay tahay awoodda ugu badan ee Soomaaliya ay ku tiirsantahay dhinacyada horum arka ammaanka, dhaqaalaha iyo Hal-abuurka ca sriga ah intaba, wuxuuna caddeeyay in dadka ka yar da’da 35 jirka ay gaaryaan 80% taasoo ah fur sad aysan haysan dunida inteeda badan.

Wasiir Maxamed Barre ayaa sheegay in xuku umadda uu ka tirsanyahay ay ku hawllantahay in meesha laga saaro dhammaan qodobada caqab ada ku ah ka qayb-galka siyaasadda ee dhalliny arada si looga faa’iidaysto awooddooda.

Xubnaha wafdiga ee wasiirka ku weheliyay shir kan waxaa ka mid ahaa agaasimaha guud ee Was aaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo isna ka qayb-galay doodo la xiriira sidii farsamo ah aan loo jihayn lahaa dhallinyarada dunida Carabta iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ah la-taliyaha Was iirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha.

Mucaaradka Somaliland oo dalab yaab leh kasoo saaray xaaladda Laascaanood

Mucaaradka Somaliland ayaa markii u hore ysay ku baaqay in ay faraha kala baxaan arrinta ka taagan Laascaanood gacmo shisheeye oo uu sheegay inay ku lug leeyihiin xiisadda ka aloosan magaalo madaxda gobolka Sool.

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Ucid ee uu ho ggaamiyo Faysal Cali Wara abe ayaa waxa lagu sheegay in ay ka xun yihiin xaalada colaadeed ee ka taagan Laascaanood, iyaga oo soo dhaweeyay xabad-joojintii ay dhaw aan ku dhawaaqday Somaliland.

"Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka Ucid waxa uu soo dhaweynayaa xabad-joojintii halka dhinac aheyd ee ay ku dhawaaqday xukuumadda, taasi oo ahayd talladii guddoomiyaha xisbiga Ucid.”

Qoraalka kasoo baxay UCID ayaa sidoo kale waxa loogu baaqay garaadada ku sugan Laascaa nood in ay dhankooda ku dhawaaqaan xabad-joo jin bilaa shuruud ah.

"Xisbiga UCID waxa uu ka digayaa durbaana da qabyaaladeed iyo waxkasta oo sii hurinaya xa aladda. Wuxuu ugu baaqaya in ay faraha kala bax aan dhamaan gacmaha shisheeyee ee ku lug leh arrinta Laascaanood.”

Xisbiga ayaa waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ugu baaqay in uu sida ugu dhakhsaha badan u qabto doorashada Madaxto oyada, si xal looga gaadho khilaafka siyaasadeed ee curyaamiyay siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada -jirka shacabka reer Somaliland, sida lagu yiri qor aalka kasoo baxay xisbiga.

Ugu dambeyntiina wuxuu ka codsaday dham aan hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Somali land, in ay gacan ka geystaan taakuleynta dadkii rayidka ahaa ee ku barakacay coladda ka taagan magaalada Laascaanood.

Hadalka mucaaradka Somaliland ayaa ima naya, xilli uu weli dagaal xoogan ka socdo magaa lada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isla markaana uu galay maalintii 9-aad.

Shacabka Xamar, Hargeysa iyo Garoowe oo 15 sano ka dib laga farxiyay – Fallanqeyn

Soomaaliya shirkadaha isgaarsiinta ayaa fuliyay heshiis macaamiishooda isku wici karaan si jaban.

Shirkadaha isgaarsiintu is ma wici karin, dadka jooga Soomaaliya ee haysta telef oonada waxay ku qasbanaa yeen in qof walba uu la-ma caamilo inta ay isku shirkada isticmaalaan ama la ba shirkadood lambaro ka qaato, si mid walba inta sidata si gaar ah ula xiriiro.

Hadda mushkiladaas waa dhamaatay, hay’ad da isgaarsiinta qaranka ee Soomaaliya ayaa ku gu uleysatay bishii December ee sanadkii dhamaad ay inay shirkadaha isgaarsiinta ka saxiixdo he shiiska is-wicida.

Waxaa saxiixay heshiiskaas shirkadaha Horm uud, Somtel, Amtel, SomLink, Golis iyo Telesom. Dorraad ayaa si buuxda loo dhaqan-galiyay heshi iskaas.

Hadda waxaad awooda in adiga oo isticmaal aya Hormuud Telecom in aad wacdo Somtel. Khi dmada wicida ee shirkadaha ku heshiiyeen waa 0.05 halkii daqiiqo.

Lacagaha hoose ee xirmooyinku kuma jiraan, kuwaas oo loogu tala-galay markii hore wicitaanka gudaha ee shirkada aad xirmada ka iibsatay. 2008 iyo 2014 ayaa sidan oo kale mar la iskugu furay shirkadaha isgaarsiinta, laakiin wax badan ma shaqeynin. Caqabada ugu weyn xiligaas wa xay aheyd lacagaha shirkadaha isku yeeshaan oo qaarkood aanay bixin jirin, taas oo gunaanadkii muran keeni jirtay.

Balse hadda waxaa la sameeyay nidaamkii lagu xalin lahaa oo waxa heshiiska dhanka maali yada qeyb ka ah Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba, maxay tahay faa’iidada dheeriga ah ee ku jirta heshiiskan Dorraad dhaqan-galay.

1. Macaamiisha haysata telefoonada waxa ka ya raaday culeyskii oo hadda uma baahnid adeegsi ga dhowr simcard meel walba oo aad ka joogto dalka. Sida Muqdisho, Hargeysa ama Garoowe.

Lix bilood kadib waxaa heshiiskan lagu sameyn doonaa dib u eegis dhanka maaliy ada ah, iyada oo hay’adda isgaarsiinta ee Soomaaliya ay raje ynayso in qiimaha intaan laga sii yareeyo.

2. Faa’iidada kale waa in uu isbedeli doono tartanka suuqa isgaarsiinta, kal hore maareeyaha hay’adda isgaarsiinta qaranka Mustaf Yaasiin Sheikh waxa uu sheegay in heshiiskan uu dhali do ono caafimaad qab ka suuqa isgaarsiinta Sooma aliya.

Hadda, maadama macaamiilka uu hal lambar ku filan yahay waxaa lagu tartamay aa tayo.

3. Dhaqan-gelinta heshiiskan ayaa abuuri doona fursado kale oo shirkadaha wax badan isku weyd aarsan karaan. Shirkad aha qaar waxaa u abuu rmi doona maada ma hadda kadib ayna jirin simca rd gaar ah oo qofka ku qabsan yahay in uu qaato.

4. Waxa kale oo sahlanaan doonta inay shirkado cusub yimaadan suuqa isgaars iinta Soomaaliya, maadaama hadda tartan ka u wareegay dhanka tayada, adeeg fulin ta, amaanada iyo suuq-geynta casriga ah.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa soo dha weysay dhaqan-gelinta heshiiska is-wicitaanka shirkadaha isgaarsiinta.

Maareeyaha hay’adda ayaa waxa uu sheegay in dhaqan-gelintan ay caawineyso dhaqaalaha guud ee dalka, si gaar ah dad ka haysta telefoo nada, ayna dhinaca kale abuureyso tartan caafi maad qaba oo xamb aarsan hal-abuur iyo maa lgashi.

Dad badan ayaa bogaadiyay tallaabadan la gu dhaqan-geliyay is-wicitaanka shirkad aha isgaars iinta, maadaama ay hore bulsh ada uga wajahi jir een caqabado dhowr ah.

Maxaa ka jira in shacab kasoo jeeda Sool lagu dhibaateeyay Hargeysa?

Guddoomiyaha maamulka gobolka Maroodi-je ex ee Somaliland, Mudane Maxamed Cilmi Axmed oo Dorraad shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi, gaar ahaan arrinta Laascaanood.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa beeniyay inay jiraan dad kasoo jeeda gobolka Sool oo lagu dhibaateeyay magaalada Hargeysa, wararkaas oo maalmihii dambe la hadal hayey.

"Qof wax la yeelayo iyo qof dhib heystaa ma jiro gobolka. Bulshada ku no ol gobolka Maroodi-jeex waa bulsho og in Qar anka la wada leeyahay,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Maxamed Cilmi Axmed ayaa ugu baaqay sha cabka reer Laascaanood ee ku nool Hargeysa, in ay daganaan muujiyaan, isla-markaana ay wataan shaqooyinkooda iyo waxbarashadooda cadadiga ah, isagaoo hoosta ka xariiqay in lagu waxyeeleyn karin gobolka Maroodi-jeex.

"Cid alla waxaa weeyaan cid wax u dhimeysa oo waxyeeleysaa ma jirto been yaa la’idin sheegin baan leeyahay dadka waxaan leeyahay sidii ay go bolka u daganaayeen ha u daganaadaan howlahoo dana ha qabsadaan,” ayuu markale had alkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa soo hadal qaaday xiisadda weli ka jirta magaalada Laasca anood, wuxuuna tilmaamay in la buun buuniyay dagaalka ka socda halkaasi.

Guddoomiye Maxamed Cilmi Axmed ayaa hoo sta ka xariiqay in reer Laascaanood aan laga xigin Somaliland, ayna yihiin dad deegaanka ah oo ka tirsan maamulkaasi.

"Shaqaaqada ka jirta gobolka Sool waa la bu un-buuniyay waxa jira dad Facebook-ga iyo Yout ube-ka been aad ugu baahinayo waxaan u sheeg ayaa Umadda Somaliland in la wada leeyahay Somaliland,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabee yay guddoo miye Maxamed Cilmi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalintii 9-aad uu galay dagaalka ka socdo gud aha magaalada Laascaanood, kaas oo geystay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogleh.

SHIRKADDA FLY DUBAI OO KU DHAWAAQ DAY INAY DUULIMAADYO MAALINLE AH KU TAGAYSO SOOMAALIYA

Shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ayaa maanta ku dhawaaqday in ay bilowday duulimaad maalinle ah oo ay ku tagi doonto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga bilaabo 9-ka March sanadka 2023-ka.

Shirkaddu waxay sheegtay inay doonayso in Soomaaliya ay si toos ah ugu xirto Dubai iyo Imaaraadka Carabta.

Hamad Obaidalla, oo ah madaxa ganacsiga ee flydubai, ayaa yiri: "Waxaan sii wadeynaa raadinta fursadaha aan ku kobcineyno shabakadaha Bariga Afrika iyo furitaanka suuqyo aan la isticmaalin. Gobolkani waxa uu sameeyay koboc dhaqaale iyo horumar la taaban karo sannadihii u dambeeyay.

Masuulkan wuxuu sheegay in duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya ay sii kicin doonaan dhaqaalaha islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan abuurista isu socodka iyo ganacsiga.

Shirkadda Fly Dubai waxay sidoo kale sheegtay inay ballaarisay shabakadeeda Afrika ilaa 11 goobood, taasoo siinaysa rakaabka Imaaraadka iyo gobolkaba ikhtiyaarro ku habboon safarkooda.

Shirkadda meelaha ay isku ballaarisay waxaa ka mid ah Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar.


Somaliland oo dagaalka ka socda Laas-Caanood ku eedeysay Al-Shabaab

Afhayeenka Ciidanka Somalilamd Cabdira xmaan Cabdilaahi Xassan (Cabdi Dheere) ayaa oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka ka warbixiyay xaaladda Magaala dda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo Maalibtii 9aad uu dag aal ka socdo.

Afhayeenka waxaa uu she egay inay la dagaalamayaan dhal inyarro cadiifays an oo ay argagixiso & Puntland ka damb ee yaan, oo ay hubka iyo agabyada bixinayso.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka Somal iland aysan wali qaadin dagaal, ayna u turayaan bulshada iyo magaalada in ay duntana ay diidan yihiin, hayeeshee Isimadda SSC cidna aysan maa mulin sidoo kalena aysan jirin cid dhageysato had ala dooda, balse ay talada kala wareegeen Al Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Somalilamd Cabdiraxm aan Cabdilaahi Xassan (Cabdi Dheere) oo ka had layay madaafiicda ku dhaceysa Magaaada Laas-Caanood ayuu sheegay in Madaafiicda magaal ada lagu garaacayo iyo guryaha la duminayo ay ka dambeeyaan Al Shabaab oo kusoo tuuraysa madaafiicda magaalada, si dambiga loo saaro ciidanka Somaliland.

Madaxa NATO oo Hub ku taageeraya Dalka Ukraine

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stolten berg ayaa sheegay in saadka hubka, gaar ahaan rasa asta ay ciidamada Ukraine u isticmaalayaan daga alka Ruushku, inuu gabaabsi yahay, isla markaa na ay tahay in dalalka Isbahaysigu inay kor u qaa daan wax soo saarka, si loo daboolo baahida Ukr aine.Xoghayaha NATO ayaa intaas ku daray in Ruu shku uu haat an bilaabay weeraro cusub oo uu ku qaaday dhinaca bari ee dalka Ukr aine, xilli lagu sii dhowaanayo sannadguuradii 1aad, ee ka soo war eegtay markii ciidamada Ruu shku ay bilaabeen dagaalka Ukraine, xilligaas oo ku beegnayd, bishii February 24-keedii, ee sann adkii hore.

Stoltenberg ayaa u sheegay weriyayaasha, in ay cadday in dhinaca saadka ay caqabadi ka taa gan tahay, gaar ahaan, rasaasta, shidaalka iyo qa ybaha kale ee qalabka daga alka, isagoo sheegay inay tah ay in saadka milateri uu gaa o Ukraine, ka hor inta aanay Ruu shku la wareegin goobaha daga alka.

Maraykanka oo beeniyey inuu Shiinaha ku bas aasay ‘buufimaha joogga sare ku duula’

Dawladda Maraykanka ayaa si adag u diiday eedaha uga yimi dalka Shiinaha ee ku saabsan, in Maraykanku uu sannadkii hore dul mariyey haw ada dalkaas, in ka badan 10 bu ufimood oo ah ku wa wax bas aasa oo ku duulaya joog aad u sarreeya.Arrintan ayaa ku soo beegm aysa iyada oo xiisadda labada dal ay meel sare marayso, ka dib markii ay ciidamada Maray kanku ay soo ride en boofin ka timi dalka Shiinaha oo soo gashay hawada Maraykanka. Afhayeenka golaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa u sheegay telefishanka MSNBC "inaanay run ahayn eed aha ka yimi Shiinuhu, isla markaana aanu Maraykanku dul marin wax bu ufimo ah”

Koonfur Afrika oo ku dhawaaqday mas iibo qaran,kadib fatahaado ka dhacay dalkaasi

Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqday Dorraad oo Isniintii ahwtd masiibo qaran, ka dib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen in todobo ka mid ah sagaalka gobol ee ay ka kooban tahay ay daadad ku rogmade en,isla markaana ay burbu riyeen wadooyin iyo buundooyin.

Hay’adda cimilada ee qaranka ayaa saadaa lisay in roobabka xooggan ay sii jiri doonaan maa lmaha soo socda, iyadoo khasaare badan uu soo gaaray beeralayda dalkaasi,sida lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada.

Dawladdu waxay ku dhawaaqday xaalad mas iibo ah oo heer qaran ah si ay awood ugu yeelato in si degdeg ah looga jawaabo saameynta fatah aadaha,sida lagu sheegay bayaanka, balse lag uma sheegin khasaaraha ka dhashay roobabk aasi.

Qoysas badan iyo shakhsiyaadka darbi-jiifka ah ee ku dhaqan dalka K/Afrika ayaa u baahnaan doona in la siiyo hoy ku meel gaar ah, cunto iyo bustayaal,waxaana bayaankaasi ka soo baxay dowladda lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dayactir ballaaran oo qaali ah lagu same eyo kaabayaasha dadweynaha.

Roobabka xooggan ayaa la saadaaliyay in ay keeneen ifafaalaha cimilada caalamiga ah ee La Niña, taasoo ka dhacda badwe ynta Pacific-ga.

Toogasho ka dhacday Maraykanka & Khasaaro ka dhashay

Ugu yaraan 3 qof ayaa la dilay, 5 kalena wey dhaawacmeen Toogasho Habeen hore oo Isniin ahayd ka dhacday Jaamacadda Michigan State University (MSU) ee dalka Maraykanka.

Toogashadaasi waxay 8:15 Fiidnimo ee Habeen hore (xilliga dalkaasi) ka dhacday meel u dhow Berkey Hall ee bariga Kambaska Lansing Campus ee Jaamacadda MSU.

Boliska waxay sheegeen in 2 qof lagu dilay toog asho ka dhacday Berkey Hall, halka qof kalena ku dhintay Dhismaha the Union Building.

Mar sii horeysay Boliska waxay soo bandhig een Sawirka Nin hubeysan, kaasi oo la rumeysan yahay inuu keligiisa geystay Toogashadaasi.

Baadi-goob socday 3 saacadood kadib, Boliska waxay xaqiijiyeen inay maydka Dableygii ka hele en bannaanka Jaamaca dda, isla markaana uu u muuqday inuu u dhintay dhaawac uu isaga isku gey tay. Boliska waxay kaloo tilmaameen inaysan kala caddayn inuu Dablayga wax xiriir ah la lahaa Jaamacadda MSU ee uu dilka ka geystay.

Dhanka kale, Ku-xigeenka Boliska Jaamacadda MSU, Chris Rizman waxa uu sheegay in la jooj iyey Waxbarashada Jaamacadda muddo 48 saa cadood, waxaana socda Baaritaanka dhacdad aasi. Toogashadii Habeen hore ka dhacday Jaa ma cadda MSU waxay ku soo beega ntay 14 bil ood kadib, Toogasho Wadareed bishii November 30-dii ee sanadkii 2021-kii ka dhacday Dugsiga Ox ford High School ee Gobalka Oakland, Mi chigan oo 80 miles dhanka Bari kaga toosan mag aalada East Lansing oo ka tirsan isla Gobalkaasi.

Arday 15 jir ah ayaa rasaas ku furay Arday ay isku Fasal ahaayeen, isagoo dilay 4 Arday, halka ay ku dhaawacmeen 6 Arday iyo Macalinkooda.

Mareykanka oo soo riday ‘walxo’ kale oo meel ay ka yimaadeen aan la garanayn

Dawladda Maraykanka ayaa Isniintii sheegtay inaanay illaa haatan garanaynin meesha ay ka yimaaddeen, saddex walxood oo joog sare ku duulayey oo la soo riday dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey, iyaga oo dul sabbaynaya haw ada sare ee Woqooyiga America.

Dawladdu waxay sheegtay in aanay rumaysnayn in walxahaasi ay ahaayeen diyaaradaha wax lagu basaaso, inkasta oo aan arrintaas si buuxda mee sha looga saari karaynin.

Afhayeenka golaha amniga qaranka ee Mara ykanka John Kirby ayaa u sheegay saxafiyiinta aqalka cad, in walxahani aanay u muuqanin kuwo awood u leh inay wax basaasaan, hase ahaatee aanay arrintaas meesha ka saari karaynin.

Wuxuu sheegay in hadhaaga walxahaasi inay ku soo dhaceen goobo aad u fogfog oo ay adag ta hay in la gaadho, gaar ahaan, meelo aad u baraf badan oo ku yeella xeebaha gobolka Alaska ee Woqooyiga Galbeed ee Maraykanka, Yukon oo Canada ah iyo harada Huron oo ku taalla xud uudda Maraykanka iyo Canada.

Wasiirka difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay inaanay ku guulasanin inay soo saaraan hadhaa ga walxahaasi.

Wasiirka oo Belgium kaga qaybgelaya shirka NATO ayaa sheegay, inay mudnaanta koowaad siin doonaan, sidii loo soo heli lahaa hadhaaga walxahaas, si aragti looga qaato waxay ahaayeen.

Kirby ayaa isagu beeniyey in saddexdan walx ood uu xidhiidh kala dhexeeyey, buufintii ka timi Shiinaha ee Maraykanku soo riday.

Afhayeenka ayaa sheegay, in sababta walxa han, meel durugsan loogu soo riday inay ahaaye en, iyaga oo ku duulaya joog dhexe oo ah, 40,000 feet, taas oo halis gelinaysa duulimaadyada diyaa radaha madaniga ah.

Maadaama ay kooban yihiin, xogta laga hayo saddexdan walxood ee ay soo rideen diyaaradaha Maraykanku, waxaa soo batay, wararka kutiri-kut eenta ah ee sheegaya in walxahani ay yihiin, ku wo ay ku lug leeyihiin, noolayaal kale oo duni kale innaga soo booqday. Xitaa arrintaasi waxaa car rabka ku dhufatay xoghayaha warfaafinta ee Aqal ka Cad, iyada oo sheegtay inaanay jirin wax cal aamad ah oo muujinaya in walxahani ay ka yimaa ddeen meel ka baxsan koonkan.

Warbixintan oo uu qoray Ken Bredemeier wax aa sidoo kale wax ku daray, Jeff Sheldin iyo Carla Babb, sidoo kale qayb ka mida waxaa laga soo xigtay AP



QAAR KA MID AH DALALKA ASKAR TOODA DIL TOOGASHO KU XUKUMAY FULEYNIMO AWGEED? ASKAR ORDAYSA

Inta aynaan u gudbin waddamada ku xukumay qaar ka mid ah askartooda dil too gasho fuleynimo lagu eedeeyay awgeed, muxuu yahay xukunka noocan ahi? mase ya hay mid iska caadi ah marka laga hadlayo ciidamada milatariga ee dagaallada ku jira?

Xukunka dilka amaba ciqaabta ciidamada milatariga lagu xuk umo marka lagu eedeeyo fuleyno ayaa ah xukun in badan la adeegsaday xillayada dagaalka.

Waxaa askariga loogu xukumi karaa fuleynimo hadii uu sameeyo mid ka mid ah arrimahan; in uu diido furinta hore is agoo la amray, in uu ka cararo goobta dagaalka, in uu isdhiibo isagoo ku amran in aa nu is dhiibin iyo waxyaabo kale oo muujinaya in askarigu uu muujiyey baqdin. Balse waxaa suurta gal ah in sabab kale askar loogu xukumo fuleynimo iyada oo ujeedku ugu weyn uu yahay farriin loo dirayo askarta oo ah hadii ay ka cabsadaan cadowga in ayna ka badbaadayn taliskooda.

Waxaa sidoo kale suurta gal ah in xeerkan loo cuskado askari fikir ahaan kasoo hor jeeda hawlgalka markaas lagu jiro kaas oo amar diidda sameeya balse aanay ful eynimo haynin.

Haddaba iyada oo dhammaadka toddobaadkii aan kasoo gudubnay ay Jamhuuri yadda Dimuqraadiga ee Kongo dil toogasho ah ku xukuntay qaar ka mid ah ciidam madeeda Milatariga ee dagaalka kula jira jabhadda M23; sida hoos ku cad ma aha dal kii ugu horeeyay ee sidan sameeya.

Markii uu ingiriisku askartiisa qaar ka mid ah fuleynimo u laayey

dable Harry farr gabadh uu dhalayQoraalka sawirka,

dable Harry farr gabadh uu dhalay oo ku dadaalaysa inay magaciisa bari yeesho

18-kii bishii Oktoobar sannadkii 1916, dable Harry Farr oo ka tirsa naa Ciidanka Xoogga Dalka Ingiriiska (BEF) ayaa loo toogtay fula ynimo ka dib markii uu diiday inuu horay u sii galo safka hore ee Furinta Galbeedka intii lagu jiray Dagaalkii Dunida ee 1-aad.

Ka dib markii uu ku biiray ciidamada xooga dalka Ingiriiska 1914, Farr waxaa loo diray jiidda hore ee Faransiiska; Bishii May ee xi gtay, waa uu suuxay, wuuna gariiray, waxaana loo diray isbitaal si loogu daweeyo. Waxa uu ku soo noqday goobtii dagaalka oo uu ka qayb qaatay weer arkii Somme. Si kastaba ha ahaatee, bartamihii bishii Sebtembar 1916, Farr wuxuu dii day inuu la sii galo difaaca cadowga isaga iyo kooxdiisa inteeda kale; ka dib markii xoog loo sii jiiday iasaga oo diidan, ayuu ka fara baxsaday dib ayuuna u cararay. Ka dib waxaa lagu soo oogay maxkamad ciidan oo ah xukun fulaynimo waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Farr waxa uu ka mid ahaa 306 askari oo ka kala socday Ingiriiska iyo wadamada Barwaaqo-sooranka kuwaas oo xukunka dilka ee fuleynimada lagu fuliyay dagaalkii weynaa ee aduunka. Sida laga soo xigtay qoyskiisa oo dagaal dheer u galay sidii magaciisa loo nadiifin lahaa, Farr waxa soo gaadhay dhaawac aad u daran, xaaladdu waa mid wakhtigaas la garanayay, waxaana dhaawac jidheed iyo mid nafsi ahaane edba soo gaadhay waayo-aragnimadii uu u lahaa dagaalka. duqeymaha culculus ee soo noqnoqday ee isaga iyo asxaabtiisa hore ee dagaalka lala beegsaday awgood.

Calaamadaha "Shell-shock" – oo ah erey markii ugu horreysay 1917 uu isticmaalay sarkaal caafimaad oo lagu magacaabo Charles Myers - ayaa ka mid ah welwelka taag darrida, qaraw joogto ah iyo xanuunno jireed oo ay ka mid yihiin shuban iyo indho mad oobaad. Dhammaadkii dagaalkii 1aad ee aduunka, ciidamada Ingiriiska waxa lagu qas bay in ay la tacaalaan 80,000 oo kiis oo dhibaatadan ah, oo ay ku jiraan askar aan waligood la kulmin duqeyn toos ah. In kasta oo daawayn lagu sameeyay, shan mee lood mee kali ah, ragga ay dhibaatadu saamaysay ayaa dib u bilaabay hawshooda ciidan.

Nigeria- 2014-kii Askar Nigerian ah

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Sannadkii 2014-ka, afar iyo kontan askari oo ka tirsan ciid amada gaarka ah ee dalka Nigeria ayaa lagu xukumay dil too gasho ah, kadib markii lagu helay fal-dambiyeed iyo fuleynimo, kadib markii ay diideen inay ka qeyb qaataan duulaanka ka dhanka ah kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram oo dalkaas ka dagaqalanta.Raggan ayaa dhamaantood lagu eedeeyay "in ay maleegayeen gabood fallo ka dhan ah maamulka Qeybta 7-aad ee Ciidanka Nigeria". Boko Haram ayaa xilli gaas la wareegtay deegaano badan oo ku yaala waqooyi bari Nigeria

Waxaa lagu amray inay hormuud ka noqdaan weerar ay ciidanku ku qaadeen saddex magaalo oo ka tirsan gobolka Borno, oo ku yaalla waqooyi bari ee dalkaas, ahna xudu nta dagaalka.

Ciidamada Nigeria ayaa xilligaas ka cabanayey inaysan haysan awood ay kula dag aallamaan Boko Haram waxayna sheegeen in inta badan looga tago cunto iyo rasaas aan ku filnayn. Xaasaska askarta ayaa markaas mudaharaad ku sameeyay bannaan ka xarumaha ciidamada si ay u joojiyaan in raggooda la geeyo furimaha dagaalka.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo Askarta DRC 7 Askari oo u dhalatay dalka Con go ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu eedeeyay in ay fulaynimo u muujiyeen cadawga, islamarkaana ay argagax isku abuureen markii ay ka carareen fallaagada M23 oo dalkaas ka dagaalanta.

Askarta ayaa dafiray eedeymaha loo haysto, waxaana qareenadooda ay sheege en inay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka maxkamadda, sida ay sheegeen maam ulka gobolka Waqooyiga Kivu. Labo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, afar kalena dhaa wacyo halis ah ayaa soo gaaray intii uu socday shilkan uu sababay falka cararka ee askarta, xeer ilaalinta ayaa ku tilmaamay in ay ahaayeen ‘fuleyaal’. Kumanaan qof ay aa dhawaan ka qaxay guryahoodii Goma iyo Minova iyadoo fallaagada M23 ay si tar tiib tartiib ah ugu soo wajahan yihiin magaalada Masisi ee galbeedka. Bishii Nofembar, maxkamad milatari oo ku taal Goma ayaa saddex askari ku xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii lagu helay inay ka carareen dagaalka intii ay socdeen dagaalladii M23.

Xukunka dilka ah ayaa weli ka socda DR Congo, ha se yeeshee markii ugu dambeysay ee la fuliyo 2003, ayaa si nidaamsan loogu beddelay xabsi daa'in.

54 xubnood oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee dalka Nigeria ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay fal-dambiyeed iyo fuleynimo, kadib markii ay diideen inay ka qeyb qaataan duul aanka ka dhanka ah kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram.

Saddexdan waddan oo kali ah ma isticmaalin xukunka dilka ee askrta fuleynimada lagu eedeeyo, waana xeer sida aan hore kusso xusnay aad loo adeegsado xilliyada dagaalka, Maraykanka ayaa ka mid ah waddamada leh xeerka ciqaabta askarta lagu helo dembiga fuleyn imada iyo kuwa kale oo suurta gal ta hay in askarigu ku muteysto ciqaab dil ah. XIGASHO:-BBC

MAREYKANKA OO U DIGAY DADKA HEYSTA LABADA BAASABOOR

Safaaradda Mareykanka ee Moscow ayaa ka digtay inay xaddidan tahay awood deeda ah inay caawiso muwaadiniinta ku sugan Ruushka XIGASHADA Qoraalka , Sa faaradda Mareykanka ee Moscow ayaa ka digtay inay xaddidan tahay awooddeeda ah inay caawiso muwaadiniinta ku sugan Ruushka

Mareykanka ayaa uga digay muwaadiniintiisa labada dhalasho heysta in ay si deg deg ah uga soo baxaan dalka Ruushka isagoo ka cabsi qaba in si khaldan loo xiro si loogu qafaalo ka dibna si khasab ah looga qeybgeliyo dagaalka Ukraine.

Digniin dhanka safarka ah oo hor leh oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibad da ayaa lagu sheegay in laga yaabo in Ruushka uu diido in uu aqoonsado dadka heys ta labada dhalasho ee Ruushka iyo Mareykanka.

Digniintu waxay intaa ku dartay in muwaadiniinta Maraykanka mar hore "la war aystay sabab la'aan isla markaana loo hanjabay".

Saraakiisha Ruushka ayaa iska indho tiray la-talinta safarka ee Mareykanka ee la cusboonaysiiyay. Ma kala cadda tirada muwaadiniinta Mareykanka ee u safraya ama ku nool Ruushka, Afhayeen u hadlay wasaa radda arrimaha dibad da ayaa BBC u sheegay in aysan la socon socdaalka muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda.

Ka dib duulaankii uu Ruushka ku qaaday Ukraine bishii February 2022, dhowr kun oo qof oo u dhalatay Marey kanka ayaa la sheegay inay ka carareen dalka Ruushka.

Digniinta safarka ee Mareykanka, waaxda arrimaha dibadda waxay sheegtay in kuwa weli ku sugan Ruushka ay la kulmaan suurtagalnimada "tacaddiyo iyo in la bartilmaa meedsado".

Dadka heysta labada baasaboor ee Mareykanka iyo Ruushka ayaa sidoo kale waj ahaya in la askareeyo taasoo qayb ka ah abaabulka ballaaran ee militariga Ruushka si ay u taageeraan howlgallada Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dib adda. "Ruushku waxa laga yaabaa inuu diido inuu aqoonsado laba dhalasho gaar aha an midda Mareykanka, inuu u diido inay helaan inay adeegyo ka helaan qunsuliyada Maraykanka, in la abaabulo dadkaas, lagana hortago inay ka baxaan Ruushka ama inay askareeyaan," sida ay sheegtay wasaaradda.

Tiro muwaadiniin Mareykan ah - oo ay ku jiraan shaqaale hore iyo kuwa hadda ku jira dowladda iyo ganacsato - ayaa mar horeba xabsiga la dhigay, waxaana la weydiyay su'aalo , waana la dhibaateeyay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Dagaalka Ukraine

Waxaa laga yaabaa in laamaha amniga Ruushka ay ku guuldareystaan ​​in ay oga ysiiyaan safaarada Maraykanka xariga muwaadin Maraykan ah oo ay si aan macquul ahayn uga daahiyaan in uu caawimaad ka helo qunsuliyada Maraykanka" ayaa lagu yiri digniinta. "Laamaha amniga Ruushka waxay sare u qaadayaan fulinta howgallada sharci-darrada ah ee la xiriira sharciyada maxalliga ah si ay u beegsadaan hay'adaha ajnaaniibta ah iyo kuwa caalamiga ah oo ay u arkaan in aan loo baahnayn'."

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Maraykanka uu marar bad an soo saaray digniinno lamid ah ah kuwan, sida laga soo xigtay war qoraal ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS.

"Ma ahan markii ugu horreysay ee aan maqalno digniintan," ayuu yiri.

Digniintii ugu dambeysay ee Mareykanka uu jeediyay muwaadiniintiisa ee ku saabsan eyd inay isaga baxaan Ruushka ayaa timid bishii Sebtembar, markii mas'uuliyiinta Ruushka ay ku dhawaaqeen abaabul qeyb ka mid ah ciidamada keydka ah si ay uga qeybgalaan dagaalka Ukraine.Marka laga soo tago Ruushka, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa muwaadiniinta uga digtay inay u safraan " 18 waddan oo kale oo ay ku jiraan Afg aanistaan, Suuriya, Haiti, Kuuriyada Waqooyi, Soomaaliya, Ukraine iyo Yemen. XIGASHO:BBC

WARARKII UGU DAMBEYE DHIMASHADA DHUL-GARIIRKII TURKIGA IYO SUURIYA OO DHAAFTAY 41,000

Dalka Turkiga, sagaal qof ayaa Talaadadi shalay nolol loogu tagay oo laga soo badb aadiyay darbiyada burburay hoostooda, hal todobaad kaddib, dhul-gariirki xoogganaa ee garaacay Turkiga iyo Suuriya

Kuwa lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaal ah oo mid uu ahaa 17 jir kan kalana 21 sano jir. Labaduba waxaa laga soo bixiyay guri dabaq ah oo ka mid ah gur yaha ku burburay gobolka Kahramanmaras ee dalka Turkeye

M/ Antakya ee caasimadda gobolka Hatay ee dalka Turkiga, waxaa burburka hoostiisa laga soo badbaadiyay gabar iyo wiil u dhashay Suuriya, kuwaas oo darbiyada dumay hoostooda ku go’doonsanaa wax ka badan 200 oo saacadood

Mid ka mid ah dadka lasoo badbaadiyay ayaa kooxaha gurmadka u sheegay, in wali ay jiraan dad nool oo ku go’doonsan burburka hoostiisa

Tir ada dadka ilaa iyo hadda ku dhintay dhul-gariirka labada waddan ee diriska ah ee Turkey iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 41,000

Kumannaan kun oo qof ayaa hooy la’aan ah xilli darajada qaboowga xilliga qaboobaha ay tahay mid aad u daran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip