Madaxweyne Xasan oo Qurba joogta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka khawaarijta

0
Monday February 13, 2023 - 08:16:54 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo Qurba joogta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka khawaarijta

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay kulan ay qabteen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub kuna taageerayeen dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee xiligaan ka socda inta badan gobolada dalka ayaa ka hadlay qorshaha dowlada uga dagsan ciidamada Xoogagga kacdoonka dadweynaha,guulaha dowladda ay ka gaaratay dagaalka khawaarijta iyo kaalinta jaaliyadaha Soomaaliyed ee ka qeyb qaadasahada howlgalada socda.

Madaxweynaha oo khudbada ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah khawaarijta kaalinta ugu weyn ee howlgalkasi ay leeyihiin Ciidamada qaranka oo kaashanayo ciidanka dib u xoreeynta degaannada (Macawiisleyda),oo khawaarijta u diiday in wax dhaq dhaqaaq ah ka sameyaan degaannada lagala wareegay isla markaana qorshahoodu uu yahay sidii Ciidamadaas loo qarameyn lahaa loogana dhigi lahaa Boolis ilaalinaya amniga goobaha laga saaray khawaarijta

"Dalka Soomaaliyed meel fiican ayuu marayaa niyadu wey wanaagsan tahay iyagaa dowladda garab taagan tilmaamayo, khawaarijtu maanta kuma dhax socon karaan degaannada waxa u diiday waa Macawiisleey,macna weeyn ayayna noogu fadhiyaan ,xoreyayaasha maanta waaye barrina waa Booliikii degaanadaā€¯sidaa waxa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa inay qeyb weyn ka qaataan oo dhaqaalo ku taageeraan dagaalka dalka looga saarayo kooxda khawaarijta oo mudda dheer dhib ku heysay shacabka Soomaaliyeed





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip