HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 12-KA FEBARAAYO 2023-KA

0
Sunday February 12, 2023 - 09:40:58 in Wararka by
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 12-KA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Golaha Shacabka oo loo qeybiyay hindise sharciyeedyo dhowr ah

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Sha cabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ay aa shir Guddoomiyay kalfadhiga 2-aad kulankiisa 17-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya oo Aja ndihiisu ahaa;

1-Qeybinta warbixinta Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliy eed.

2)Qeybinta warbixinta Akhrinta 2-aad Hindise Sha rciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.

Qeybinta Hindise sharciyeedka Akhrinta 1aad ee kala ah: A)Hindise Sharciyerdka Dhowrista Maalga shadayaasha iyo maalgashiga.

B)Hindise sharciyedka La-dagaalanka Argagixisada.

C)Hindise Sharciyeedka Socdaalka.

D)Hindise Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaa sha Soomaaliyeed.

E)Hindise Sharciyeedka Hormarinta Maareynta Kalluumeysiga Soomaliyeed.

Intaasi kadib Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cu mar Abshirow Ayaa soo xiray kulanka Shalay Asigoo na sheegay in sharciyadaan Shalay lahorkeenay Gol aha ka doodistooda iyo turxaanbintooda ay noqon do onto kulankaan kulankiisa xiga Shalayna ay tahay Qeybin kaliya.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ku baaqay in wada hadal nabadeed lagu dhameeyo colaadda Laascaanood

Raysal waaaare ku xigeenka xukuumadda Soo maaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ku baaqay in wada hadal nabadeed lagu dhameeyo colaadda ka jirta magaalada Laascaanood, halkaas oo uu dagaal ka socda mudo dhowr maalmood ah.

Qoraal uu soo saaray ayuu ray sal wasare ku xigeenku ku sheegay inan wax natiijo ah lagu gaari karin xabbad. Wuxuuna sheegay in xaala dda magaalada Laascaanood ay u baahan tahay in marka hore xabbada la joojiyo, xal kana lagu raadiyo jid nabdoon.

Salaax wuxuu Somaliand ugu baaqay inay joojiso maquuninta shacabka islamarkaana wuxuu sheegay in hoggaankeeda looga baahan yahay inuu qaato go' aano adag oo ummadda lagu badbaadinayo.

Hadalka raysal wasaare ku xigeenka ayaa kusoo aaday xilli Somaliland ay ku dhawaaqday xabbad joo jin, si loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood.

Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka oo si habsami leh uga socda xarrumaha hay’addaha Dowladda

Waxaa si habsami leh xarruumaha Dowladda uga socda Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka, si loo dardar galiyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaala ha.

Agaasimaha Guud ee Wasaar adda Shaqada iyo Arrimaha Bul shada XFS, ahna Guddoomiya ha guddiga korjoogtaynta iyo kor meerka habsami usocodka tira koobka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa Shalay kormeeray qaar kamid ah hay’addaha ma anta uu ka socday tirakoobka.

Ujeedada tirakoobka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo hufnaanta Sha qada, tan oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Dawl adda ee adeegyada qaranka iyo Bulshada ay u haya an Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad taagan, dad fadhiya iyo gudaha Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan iyo gudaha Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taa gan, suud iyo gudaha

Golaha Aqalka sare oo loo gudbiyey laba hindise sharciyeed

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdull aahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa Shalay shir gud doomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 10-aad.

Ajandaha kulanka ayaa waxa lagu guddoomay laba hindise sharciyeed oo kala ah.

1. Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Korontada Qaranka

2. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Hey ’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Bad da Jaamac Taqal Cabaas iyo Wasiir Dowlaha Wasa arada Amniga Maxamed Cali Xagaa, ayaa Sanatarr ada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimiyadda labadaas sharci oo ay golaha hor keeneen

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim oo Shalay kulanka shir guddoomiyay ayaa faray gu ddiyada golaha ee shaqada labadaas sharci u xil saaran in ay la wareegaan sharciyadaas kana soo shaqeeyaan.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaa bilsan abaaraha oo ka qayb galay kulan looga ha dlayey halista cuno yarida dalalka geeska Afrika

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabd iraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb gal ay kulan xal loogu raadinayey halista cunto yarida dalalka ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen ee Geeska Afrika.

Kulanka oo ka dhacay xaru nta Midowga Afrika ee Add is ababa ayay isugu yima adeen Wasiirrada Beeraha dalalka ay abaaruhu wax-yeellada ba’an u geysteen ee Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan. Shirka oo ay wadajir u marti-galiyeen Midowga Afrika, Hay’adda IFRC, FAO iyo Baanka Horumarinta Afrika, ayaa diiradda lagu saaray xal u raadinta qatarta cunto yarida dalalka afarta ah iyo sidii loo dhisi ahaa mashaariicda adkaysiga iyo soo kabashada bulshada abaaruhu saameeyeen.

Dhinacyadu waxa ay isku ra aceen in wadajir loo ga shaqe eyo xooggana la saaro mashruucyada wax ku oolka ah ee dhisaya adkaysiga, soo kabashada iyo xalka waara.

Malaayiin qof oo ku nool Geeska Afrika ayaa waj ahaya cunto yari, xilli gobolku la daalaa-dhacayo mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee soo mara in mu ddo ah, waxaana u sii dheer colaado iyo xasillooni darro sanado badan jirta.

Wasaaradda ganacsiga XFS oo hirgelinaysa Xarunta Mideynta Adeegyada dawladda

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Was aaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibba an Cisman Maxamed Cabdi (Daallo) oo Shalay shir guddoomiyey shirkii toddobaadl aha ahaa ee Wasaaradda, ayaa looga hadlay dar-dar-gelinta hawl aha shaqo ee Wasaaradda gaar ahaan dhinacyada shuruucda, siyaasadaha iyo weli ba sidoo kale ma shaariicda ho rumarinta iyo fududeynta ee ganacsiga dalka.


Shirka oo warbixino laga dhageystay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada, ayaa diiradda lagu saaray Hindise Sharciyeedka Laysimada Ganacsiga oo muh iim u ah habraaca soo dalbashada, bixinta Laysinka iyo nidaaminta ganacsiyada kaas oo kor u qaadaya kobaca dhaqaalaha iyo ilaalinta xuquuqda macaamil ka, waxaana la isku raacay in Wasaaraddu ay dedaal dheeri ah geliso qorshaha iyo meel marinta sharciga as sidoo kale na ay kala tashado cid kasta oo uu khuseeyo si looggu gudbiyo Golaha Wasiirada XFS.

Waxa kale oo shirka looga hadlay hir-gelinta Xarunta Mideynta Adeegyada Dawladda(OSS) oo muddooyin kii dambe ay ku hawlanayd Wasaaraddu kaas oo khu seeya in hal meel la iskugu keeno adeegyada Gan acsiga si loo fududeeyo ganacsiga Dalka.

Ugu dambayn, waxa shirka laga ga hadlay dham meystirka iyo weli ba sidoo kale dar-dar-gelinta Hab ka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta Shirkadaha iyo Bixinta Laysimada Ganacsiga si loo gaarsiiyo Dawl ad Goballeedyada dalka iyo weli ba sidoo kale in la sameeyo wacyi-gelin kor looggu qaadayo fahamka Ganacsatada ee adeegsiga iyo isticmaalka Habkan Onlaynka taas oo u sahli doonta in iyaga oo xafiisy addooda jooga ay si fudud u soo dalbadaan Laysi madooda Ganacsi.

Dhageyso: Al-Shabaab oo dagaalkii Mudug looga dilay 117 iyo Biixi oo xog bixiyey

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jen eraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bix iyey dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dha cay koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo u dhaxeeya deegaanada Shabeelow iyo Camaara oo hoos taga degmada Wisil.

Jeneraal Biixi oo u waramay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in 117 xubnood Shalay Al-Shabaab loo ga dilay dagaalkii ka dhacay koonfurta gobolka Mu dug, isagoo sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid gacanta la iskula tegay oo aan waxaba la isku ree ban.

Ugu yaraan sideed saacadood ayuu Taliyuhu sheegay inuu socday daga alkaas, isla markaana afar dhufeys ay ka kiciyeen dagaalyahan adii Al-Shabaab oo mudo halkaas ku diyaar garoobaayey.

Weerarka waxaa qaaday ciidanka Danab ee xoo gga dalka oo kaashanaya daraawiishta Galmudug, wax aana Al-Shabaab loo geystay duqeymo xoog leh oo waxaa dagaalka ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka.

"Halka aan Shalay cadowga ku weerarnay wax ay ku lahaayeen saldhigyo waaweyn, dagaalkii ugu cuslaa oo waayahaan aan la galno Khawaarijta ayaa dhacay, afar goobood ayaan ka kicinay, welina waa noo hareereysan yihiin oo waxaa naga go’an in hal kaan aan ku soo afjarno,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Sidoo kale Taliye Biixi wuxuu sheegay in seddax jiho ay ka weerareen kooxda Al-shabaab, isla marka ana ay ku go’doomiyeen deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Xarardheere, Hobyo iyo Wisil ilaa Caad iyo Camaaro, isagoo sheegay in maalmaha soo socda ay soo afjarayaan Al-Shabaab ka dagaalamaya aagg aas.

"Waxaan u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed in meydadka 117 ka mid ah Khawaarijtaaan dul istaag nay, dagaalka oo ahaa mid culus aragagixisada uma suurta gelinay meyd iska daaye inay dhaawac qaa taan,” ayuu yiri.

Jeneraal Biixi oo sii hadlaayey ayaa sheegay in kooxda ay ku go’doomiyeen koonfurta gobolka Mud ug oo halkaas ay ugu dhimanayaan gaajo iyo sahay la’aan, isagoo cadeeyey in Jimcihii Dorraad ay ku bil aabeen dagaal aan laga jooji doonin ilaa inta laga soo afjarayo maalmaha soo socda


Madaxweyne Deni oo loogu awood sheegtay Garoowe

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu maalmo badan la dhibaatoonaya inuu magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ka dhaqan-geliyo isdiiwaan-galinta da dweynaha iyo barnaamijkiisa oo ugu magac daray dimuqraadiyeynta Pun tland, kaas oo la kulmay diidmo dha qan, mid siyaasadeed iyo mid cii dan.

Dhowr maalmood kahor ciidan ku abtirsada ma gaalad Garoowe oo diidan sida uu Saciid Deni wax u rabo ayaa weeraray goob loogu tala-galay in lagu dii waan-geliyo dadweynaha.

Odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay inay ciidanka la hadlaan oo xabada joojiyaan. Ciidanka diidan qorshaha Saciid Deni ayaa waxaa hogaamin aya nin la yiraahdo Jimcaale oo reer Garoowe ah.

Ninkan iyo Saciid Deni ayaa isku saf ahaa dagaal kii kal hore ka dhacay Boosaaso ee ay la galeen Ilmo Diyaano, laakiin hadda jihada uu Saciid la rabo xuk unka iyo sida Jimcaale ugu weyn tahay tarihii soo jire enka ahaa oo hadda beeshiisa maraya ayaa kala dilay labada nin.

Ciidan xoog leh ayuu Jimcaale haysta, waana tali yaha guutada labaad ee kumaandooska Puntland.

Siyaasiyiinta reer Garoowe ayaa miisaankoodu sidoo kale weli diidan yahay sida uu S/ Deni wax u rabo.

Garoowe iyo Gaalkacyo waa labada meel ee lagu tijaabinayo qorshaha Saciid Cabdullaahi Deni oo ay dadku badi sheegayaan inuu yahay mid uu ra bo inuu u dhexmaro muddo kororsi laba sano ah.

Arbacadii waxaa jiray qorshe uu Deni rabay in isdiiwa an-galintu kaga bilaabato magaalada Garoowe, laakiin waa suurtoobi weysay.

Odayaal uu hogaaminayo Islaan Ciise ayaa la sheegay inay wadaan wada-hadal. Indheer-garadka siyaasadeed ee beesha degta magaalada Garoowe waxay ku doodayaan in xisaabta sidii hore ku socoto ee ahayd saddexda tiir, waxay u arkaan in la joogo kalkoodii.

Deni magaalada Boosaaso ayuu kasoo qabtay isdiiwaan-gelinta, laakiin waxa jira kala duwanaansho labada magaalo ah. Mid waa hal dhari waana Garoo we oo ay u badan tahay inay beesha xoogeedu isku aragti noqoto.

Midna waa dhawr digsi oo waa Boosaaso oo had dii qolo kaa diido aad heli kartid qolo kale oo kusoo baxda. Inkasta oo ay jiraan siyaasiyiin reer Garoowe ah oo safka dhanka Deni kaga jira haddana weli ku ma aanay guuleysan in dadka magaalada iyo miis aanka gobolka Nugaal ka iibiyaan mowduuca Saciid Deni, kaas oo wararka qaar ay sheegayaan inuu isna ciidan xoogan ku ilaalinayo sanaadiiqda.

Illaa bisha May ee sanadkan Deni waxa uu rabaa in degmooyin badan ka sameeyo diiwaan-gelinta kad ibna uu codsado muddo kororsi laba sano ah, isaga oo marmarsiyo ka dhiganaya dhameystirka qorshihi isa ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland ay ay leeyihiin mucaaridka Puntland, oo iyagu si weyn u diidan arrintan.

Saciid C/hi Deni dabeylaha ayaa weli ruxaya, xaa lkiisuna ma deganeyn tan iyo markii uu kusoo jabay doorashadii guud ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka hadlay xiisada ka taagan Garoowe, wux uuna ku baaqay in xiisada halkaas ka taagan wada-hadal lagu xaliyo.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo ka qeyb galay ba rnaamijka Dood-furan oo looga hadlay tayeynta Waxbarashada dalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulq aadir ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ka go’ antahay tayeynta Waxbarashada dalka iyo si siman ay ardayda u heli lahaayeen Waxbarasho.

Wasiirka ayaa ka qeyb galay Barnaamijka Dood Furan oo ku saabsan Tayeynta Waxbarashada Dalka oo ay marti ku ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan Dow ladda iyo Ardayda wax ka barata Iskuulada iyo Ja amacaddaha Muqdisho.

Ardayda ka qeyb gashay Barnaamijka ayaa su’aalo la xiriira baahiyaha Waxba rashada way diiyay Wasiir Faarax Sheekh Cabduqa adir.

"Waxaa lagu soo arkay deegaannada laga xor reeyay Khawaarijta in aysan haba yaraate ka jirin wax fursad waxbarasho ah, dowladdana ay ka lee dahay qorshe waxbarasho lagu gaarsiinayo’’ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Abduqaadir mar Arday kamid ah ka qeyb galeyaasha Barnaamijka uu waydiiyay.

Wasiirka oo mar laga waydiiyay Mashruuca Dowlad du ku shaqaaleeysiinayo 3000 oo isugu jira Macal imiin iyo Tababareyaal ayaa sheegay in dad badan ay soo dal badeen, isla markaasna ay socoto sidii loo kala xuli lahaa.

"Haddii aad tahay macalin uma baahnid in aad qabiilkaaga soo sheegto, uma baahnid qof kale in aad soo wadato, waxaa kaliya lagaaga baahan ya hay Shahaado sax ah iyo in aad Imtixaanaadka ku guulleysatid” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

Isaga oo sii hadlaya wasiirka ayaa yiri "Mushaar ka la siinayo macallimiinta ku soo gudubta tartanka waxaan weydiisanay deeq bixiyeyaasha Caalamka, waan kasoo weynay wax taageero ah, nasiib wanaag mushaarka macallimiinta waxaa bixinaya Canshuur Biyayaasha Soomaaliyeed”

Si guud wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muuji yay sida Dowladda Soomaaliya uga go’antahay in la hagaajiyo Nidaamka Waxbarashada dalka, si loo soo saaro jiil la jaan qaadi kara dunida inteeda kale, hays tana aqoon iyo xirfad sare.

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyin ka Oo La Kulmay Madax Ka Socotay UNDP

Gudoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin ayaa Shalay kula la qa atay madax ka socotay hay’adda UNDP oo uu hog gaaminayay Jocelyn Mason Madaxa UNDP ee Soo maaliya isagoo oga mahadceliyay taageerada hay’ad da SoDMA.

Gudoomiyaha ayaa si gaara kaga mahadceliyay dib u dhiska ay UNDP ku samaysayxarunta hay’ad da SoDMA.

Sidoo kale shirka ayaa looga hadlay sii xoojinta iyo wada shaqaynta heyadda iyo UNDP si loo xoojiyo awooda SoDMA ee maareaynta masiibooyinka ka dhaca magaalooyinka waawayn iyo miyagga dalka.

gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka oo la kulmay madax ka socotay undpgudoomiyaha hay ’adda maaraynta musiibooyinka oo la kulmay madax ka socotay undp

Madaxweynaha Galmudug oo heshiis la saxiixd ay kusimaha Ergeyga Gaarka ee QM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa Shalay he shiis dhul loogu asteeyay Xaf iiska Qaramada Mido obay la saxiixday kusimaha Ergeyga Gaarka ee QM u qaabilsan S maliya Kiki Gbeho.

Munaasabadda Saxiixa heshiiskaan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo maamulka caasimadda.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay booqa shada wafdiga ay hogaamineyso Ku simaha Ergeyga Gaarka ah iyo sida ay Qaramada Midoobay uga go ’antahay inay xarun rasmi ah ka sameysaan caas imadda Dhusamareeb. Ugu danbeyntii, Madaxwe ynaha Galmudug iyo ku simaha Ergeyga gaarka ah ayaa beeray geedo ast aan u ah dhireynta Galmudug cagaaran mustaqbalka dhow.Z

Jubbaland oo sheegtay inay fashilisay weerarkii lagu qaaday Saldhigga degmada Afmadow

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xoo gga dalka ee fadhigoodu yahay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa la sheegay inay fa shiliyeen Weerar Qaraxyo ah oo ay Shalay Al-Shab aab ku qaaddaeen fariisima ha Ciidanka ee degmadaas.

Taliyaha Ururka 9aad ee Ciid anka Darawiishta jubbaland iyo kuwa xoga Dalka ee uu fadhigoodu yahay degmada Afmadoow, ayaa sheegay in aysan jirin wax khas aaro ah oo weerarka ka dhashay, balse dhankooda ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu hadalkiisa uu ibta asi kudaray in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jub baland xilligaan wixii ka dambeeya aysan difaac ku jiri doonin, isla markaana ay qaadi doonaan howlg allo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ka socday aba abulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ku sugan Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Cisma an Dhuumaal iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Jabuuti oo qaar kamid ah askarteeda kala baxday SOOMAALIYA + Sababta

Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa qaar ka mid ah ciidamadeeda kala baxday gudaha Soomaa liya, kuwaas oo ku sugnaa gobolka Hiiraan, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS.

Ciidamadaan ayaa laga saaray xero ay ku lahaa yeen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolkaasu, wax aana dib loogu celiyay dalkooda, sida ay ku warra meen ilo wareedyadu.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in sababta loo saaray ciidamadaan ay tahay in ay dhameysteen waqtigoodii, isla-markaana lagu soo beddalayo kuwa kale oo cusub.

Col. Xasan Jaamac Faarax oo ah Taliyaha Qeyb ta 4-aad ee ATMIS ayaa ciidamada la beddalay bog gaadiyay, wuxuuna sheegay in shaqo wanaagsan oo horumarineed ay ka qabteen aagga gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka shaqeeyeen xasiloonida halka asi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay wada shaqeyn wanaagsan la lahaayeen saraakiisha ciidamada Xo ogga dalka iyo maamulka ka jira halkaasi, taasina ay ku amaanan yihiin.

Col. Xasan Jaamac Faarax ayaa sidoo kale farriin u diray askarta kale lagu soo bedalaya, isla-markaa na ka imaanaya Jabuuti, isaga oo ka codsaday inay ku deydaan ciidamada haatan ka baxay gudaha Soo maaliya, ayna la yimaadaan fir-fircooni iyo shaqo wanaag.

"Waxaan ku boorineynaa guutada imaaneysa in ay si adag u shaqeeyaan oo ay gaaraan xitaa wax ka badan wixii horay loo qabtay,” ayuu yiri Taliyaha Qey bta 4-aad ee ATMIS.

Jabuuti ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan DFS kula shiray M/Muqdi sho waxayna ka wada-hadl een dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo amniga guud ee gobolka.Si kastaba, ciidamada ATM IS ayaa qorshuhu yah ay in dhammaadka bisha Dec ember ee sanadka soo socda ee sanadka 2024-ka in ay isaga baxaan dalka, markaas oo ay amniga guud ay la wareegi doonaan ciidamada Soomaaliya oo

haatan ku jira diyaar-garow xoogan.


Isimida Laascaanood oo laba shardi ku xiray dhaqan-gelinta xabad joojinta Somaliland

Isimada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo Shalay shir deg deg ah ku yeeshay magaa lada Laascaanood ayaa ka hadlay xabad joojintii ay Habeen hore ku dhawaaqday Somal iland.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo warbaahinta la had lay kadib markii uu soo idlaa day shirka Isimada ayaa wux uu sheegay inay marka hore soo dhaweynayaan go’ aanka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Garaadka ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin dad qaadan kara xabad joojin, hase yeeshe ay marka hore rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada Laascaanood, islamarkaana raali-gelin uu maamulku ka bixiyo in uu argagixiso ku tilmaamo.

"Haddii xabad joojinta dhab idinka tahay ciidankan aad magaalada ku caburineysaan ee ku duqeynay saan ku laynaysaan dadka. Dad ciidankooda u taliya nahay oo fulin kara xabad joojin laakiin ficilkiina idinkama muuqato xabad joojintii Habeen hore jeediseen,” ayuu yiri.

Garaad Jaamac ayaa sidoo kale wax laga xumaa do ku tilmaamay in Somaliland ay dadka magaalada iyo dhaqankeeda ku tilmaaman argagixiso.

"Xabada iyo hadalka xumi waa isku mid, hadaanu hadalka xumi fogeyn. Waa Argagixiso raali-gelin ka bixiya, ciidankiina ka saara oo ka fogeeya meesha ciidankayaga iska gaarayaan.”

Xukuumadda Somaliland ayaa Habeen hore ku dhawaaq day xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheeg tay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

"Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada taag an) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bil aa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xoog aga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sida as si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soma liland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dha cday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

"Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wa da-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladay ada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Xabad joojinta ay Habeen hore ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonti, maada ma Isimida ku sugan Laascaanood ay laba shardi ku xireen arrintaan.

Arrimahan ayaa imanaya, ayada oo dagaal culus oo markale Shalay dib uga qarxay Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariis imo ku leeyihiin milatariga Somaliland.

Illo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocya diisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhi masho iyo dhaawac. Somaliland oo ka hadshay dagaalka Shalay dib u qarxay ayaa waxay sheegtay in la weeraray xeryaha ciidamadooda, kadibna ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

"Xukuumadda JSL ayaa Habeen hore ku dhawaa qday xa bad joojin aan shuruud lah ayn, halka isla Shalay ay kooxihii argagixisada ah aa ay weerar soo qaad een si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu,” ayaa la gu yiri qoraalka Somaliland. Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana Maga alada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fo gaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaa

Caanood oo shaaciyey xogta khilaaf ka dhex-qarxay amiirrada Al-Shabaab

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soo maaliya Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood oo ka ha dlay howlgalladii ugu dambeyey ee ciidanka dowl adda ay Al-Shabaab uga saareen deegaano badan oo ka tirsan HirShabeelle iyo Gal mudug ayaa xog cusub ka bix iyey waxa ka socda gudaha Al-Shabaab.

Jeneraal Caanood ayaa shaa ciyey in gudaha Al-Shabaab uu ka qarxay khilaaf adag iyo is eedeyn ka dhalatay gu ul darada ay kala kulmayaan furimaha dagaalka, isla markaana ay qarka u saaran yihiin in gacan ka hadal uu ka dhex-bilowdo.

"Markii dagaal dhaco ee la guul dareyso waxaa sunno ah in la is eedeeyo oo mararka qaar la isku gacan qaado, marka hadda Al-Shabaab gudahooda waxaa ka taagan khilaaf adag iyo is eedeyn ay ku kala tageen kuwa ugu sareeya kooxda,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Xubnaha qaar wuxuu sheegay in kalsooni darro weyn ay soo wajahday, "Sida lagu yaqaano dagaalka ciidankii laba jeer jaba dib dambe uma dagaalamaan, wuxuuna aaqirka isku dhiibaa cadowgiisa, taas waxaa hadda qarka u saaran maleeshiyaadka u dag aalamaya Shabaab-ka,” ayuu yiri.

Jananka ayaa sheegay in Amiirro ka tirsan Al-Shabaab ay quus ka joogaan sii socoshada dagaal ka, "Amiirrada markii ay gacantooda ka baxeen deeg aanadii ay maamulayeen waxay qarka u saran yihiin oo mar dhow aad arki doontaan Amiirro waaweyn oo isisoo dhiibaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jener aal Caanood. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa ku taliyey in dib loo bilaabo abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo yareeyo khasaaraha, iyadoo muhiimad la siinayo sidii bulshada loogu soo celin lahaa dhalinyarada u dagaalameysa Al-Shab aab, iyagoo nabad-qaba.

"DF iyo dowlad goboleedyada waa inay sameeya an dad u qaabilsan wacyi gelinta, si dariiqa saxda ah loogu tilmaamo dhalinyarada la qalday, carruuntaan ay qaldeen dilkooda waxaa nooga fiican inay dib ugu soo laabtaan bulshadooda, inta dowladda isku soo dhiibeysa waxaa ka badan kuwa deegaanadoodii u laabanaya,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Wuxuu sheegay in mar kasta oo koox ka tirsan Al-Shabaab ay is dhiibaan ay suurta-gal tahay inay ku jiraan xubno aan daacad aheyn, taas oo khasab ka dhigeysa in xubnaha isisoo dhiibaya la marsiiyo nidaamka dhaqan celinta dowladda ee xero Sarandi.

Jeneraal Caanood ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku qasbanaadeen inay isaga baxaan deegaanadii ay maamulayeen, si aan looga leyn maleeshiyaadka u dagaalamaya, si ay weerarro rogaal celis ah u geys taan, taas oo hadaba dhacda.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in taatikadaas ay adeegsanayaan loo heli karo mid lamid ah oo lagu dhabar jebi karo kooxda, taas oo sida uu sheegay ay qorsheynayaan inay ku dagaal tegi doonaan dhaw aan, inkastoo uu ka gaabsaday inuu hadda warbaa hinta la wadaago.

Mucaaradka iyo xukuumada SOMALILAND oo go’aan ka gaaray xaalada Laascaanood

Xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi muca arad ayaa Shalay gaaray heshiis cusub, xilli maalmi hii dambe ay ku kala aragti duwanaayeen xaaladda ka taagan magaalada Laascaa no od.

Kulan Shalay ay ku yee sheen Qasriga Madax tooya da Somaliland ayaa waxay dhinacyadu iskula qaate en in arrinta Laascaanood si nabada lagu dhameeyo, islamarkaana laga fogaado wixii colaadda sii huri naya. "Shir Qaran oo Shalay ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL oo uu shir-guddoominayay mad axweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna gudd oomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cab di, kuna wehelinayeen ma daxweyne ku-xigeenka Somaliland, guddoomiye yaa sha labada xisbi muca arid ee Ucid iyo Wadani ayaa waxa lagu go’aamiyay in arrimaha Qaranka si wada-jira loo wajaho lagana wada tashado,” ayaa lagu yiri qoraal lagu shaaciyay go’aamada kasoo baxay kulan kaan.

Sidoo kale waxaa kulanka Shalay ay yeesheen mucaaridka iyo xukuumadda is-afgarad looga gaaray khilaafka doorashada, kaasi oo loo xil-saaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si loo sii am ba-qaado kulan heshiis kama dambeys ah looga gaa rayo arrintaan.

"Saddexda Xisbi Qaran waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiina xabad joojinta xukuumadda Ja mhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabad joojinta.”

Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarid ayaa waxa kale oo ay isla qaateen in loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laasc aanood, sida ugu dhaqsaha badana kaalmo loo gaarsiiyo.

Xukuumadda Somaliland ayaa Habeen hore ku dhawa aqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo shee gtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

"Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada ta agan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xo ogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

"Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wa da-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladaya da waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Xabad joojinta ay Habeen hore ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonti, maada ma Isimida ku sugan Laascaanood ay laba shardi ku xireen arrintaan.

Arrimahan ayaa imanaya, ayada oo dagaal culus oo markale Shalay dib uga qarxay Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisi mo ku leeyihiin milatariga Somaliland.

Xabad Joojintii Laascaanood Oo Burburtay Iyo Dagaalka Culus Oo Galay Maalinkii 6-Aad

Maalinkii 6-aad oo xiriir ah ayaa duqeyn kusoc otaa magaalada Laascaano, hub culus ayaa ku soo dhacaya goobaha rayidka, Banaanka magaalada waxaa ka socda dagaal culus, tani ayaa ka dhigan in Xabadjoojintii lagu dhawaaqay aysan hirgalin oo ay burburtay.

Wali lama oga hadii uu jiro khasaare ka dhashay dagaal ka Shalay mar kale dhexmaray ciidamada So maliland iyo ciidamo beeleedka taabacsan garaa dada ee magaalada ku sugan. Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cak iran, waxaana magaal ada isa ga barakacay qoysas kii daga naa, si ay uga fogaadaan wa xyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas

Somaliland ayaa Habeen hore sheegtay in ay xaba da joojina yso oo ay nabad raadinayso, kahorna Isi madda dhaq anka SSC ayaa ku eedeeyey Somlila nd in ay duul aan qorsheynayso


Maamulka Somaliland oo Puntland ku eedeysay in ay ciidamo keentay aagga Tukaraq

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland ayaa maamul-goboleedka Puntland ku eedeeysay in ay ciidamo ku soo daabuleyso aagga Tukaraq oo horey marar badan ay ugu dagaallameen iyaga iyo Puntl and.

Qoraal ka soo baxay xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xa aladda Laascaanood ka taagan ay tahay mid ka weyn tabasho bulsho balse tahay qor she ay ku midaysan yihiin kooxo "cadow ku ah jiri taanka iyo qarannimada Somaaliland” oo ay ugu hor reeyaan bey tiri "koo xaha argagixisada ahi.”

"Xukuumadda JSL waxa ay u digaysaa dawala dda Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Pu ntland oo ciidamo tiro badan keenay xuduudda lab ada dal wadaagaan ee aagga Tukaraq taas oo keeni karta isku dhac ciidan,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Somaliland. Dhanka kale, Somaliland waxay shee gtay in ay wali ka go’antahay dhaqangelinta go’aankeedii ahaa xabbad-joojinta aan shuruudda lahayn, waxayna dhinaca kale ee dagaalka kula jira ku eedeysay in uu san "diyaar u ahayn xabbad-joojin si buuxda uga dha qangasho magaalada Laascaanood.”

Laamaha Ammanka Kenya oo heegan sare ku jira.

Waxaa heegan sare la galiyay ciidammada am maanka ee waddanka Kenya ka dib markii ay soo baxeen warar sirdoon oo sheegaya inay suuragal tahay in dalka uu ka dhaco weerrar argagixiso.

Khamiistii ayey aheyd markii dowladda Mare ykanka ay soo saartay digniin dhanka ammaanka ah oo ay u di rtay mu waadiniinteeda ku nool Kenya, saacado uun ka dib mar kii mas ’uuliyiinta waddankan ay shaaciyeen magacyada shan qof oo loo doon doon ayo xiriir ay la leeyihiin ururka Alshabaab


WADDAN UU RUUSHKU KU QASBAY INAY XUKUUMADDIISU IS CASISHO


Natalia: Raysal wasaarihii hore ee MoldovaX

IGASHADA SAWIRKA,EPA

Qoraalka sawirka,

Natalia Gavrilita: Raysal wasaaraha is casishay ee Moldova

Dowladda Moldova ayaa burburtay, waxaana xilka ka degay ra'iisul wasaarihii taageersanaa Midowga Yurub, kadib 18 bilood oo qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale ah.

Dalkan oo ugu saboolsan Yurub ayaa la halgamayay "dhibaatooyin badan", Ra'iisul wasaaraha xilka ka degaya Natalia Gavrilita ayaa tiri Jimcihii.

Iyadoo dagaalka uu ka socdo dalka ay jaarka yihiin ee Ukrain, Moldova waxa ay wajahday sicir barar, qiimaha tamarta oo circa galay, qulqulka qaxootiga iyo gardarada Ruushka.

Warkan ayaa soo baxay saacado un kadib markii gantaalada Ruushka ay dul mareen hawada Moldova.

Marwo Gavrilita oo ku dhawaaqday in ay xukuumaddedu xilka iska casishay jimcihii ayaa sheegtay in markii dawladeeda la doortay 2021, aysan cidina ku xisaabtamayn in ay maarayn doonto "dhibaatooyin badan oo ay sababeen gardarada Ruushka ee Ukraine".

Moldova waxa ay aad ugu dhowdahay furinta dagaalka – waxa ay xuduud dhan 1,222km (759 mile) la wadaagtaa dalka Ukraine, waxa ayna dhibaato weyn kala kulantay duulaanka Ruushka ee Ukraine.

"Waxaan la wareegay dowladda si aan uga hortagno musuqmaasuqa, horumarinta iyo taageerada Midowga Yurub xilli shabkadaha musuqmaasuqu ay qabsadeen dhammaan hay'adaha, Dambiileyaashuna waxay dareemeen inaan la taaban karin," Ms Gavrilita ayaa shir jaraa'id ku sheegtay.

"Markiiba waxaa nala soo gudboonaatay xadgudub xagga tamarta ah, kuwa sidaan sameeyayna waxay filayeen inaan is dhiibno," ayay tiri, iyadoo ula jeedda Ruushka.

Qalalaase dhanka tamarta ah ayaa ka dhashay sanadkii hore markii Ruushku uu si lama filaan ah u dhimay gaaska uu siin jiray Moldova, dalkan 100% ku tiirsanaa gaaska Ruushka. Waxay sababtay sicir bararka oo cirka isku shareeray, waxaana jiray kacdoon dadweyne oo ka dhashay kharashka badan ee tamarta ku baxaya.

Madaxweyne Maia Sandu ayaa uga mahadcelisay Ms Gavrilita "naf hurnimada ay sameysay iyo dadaalka ay ku hogaamineyso dalka xilli ay jiraan dhibaatooyin badan".

"Waxaan haysanaa xasillooni, nabad iyo horumar, halkaas oo kuwa kale ay doonayeen dagaal iyo khasaare," ayuu yiri madaxweynaha.

Waxay isla markiiba u magacawday lataliyihii hore ee difaaca Dorin Recean - oo sidoo kale taageersan Midowga Yurub - inuu noqdo ra'iisul wasaaraha xiga. Baarlamaanka Moldova ayaa u codayn doona si loo xaqiijiyo magacaabistiisa toddobaadka soo socda.

Madaxweynaha Moldova Maia Sandu

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha Moldova, Maia Sandu waxay u ololeysaa kamid noqoshada Midowga Yurub ee Moldova

Maalmihii hore ee dagaalka Ukraine, waxaa jirtay cabsi laga qabay in isku dhacu uu u gudbo Moldova, ama laga yaabo in Ruushku uu sidoo kale soo galo dalkan.

Walaacaasi hadda wuu yaraaday, balse markii ay Moldova ku sii dhawaanaysay inay ku biirto Midowga Yurub, waxa kordhay cadaadiska ka imanaya Ruushka - oo isku dayay inuu wiiqo dawladdan hore ee Soofiyeedka, iyo saamaynta Midowga Yurub.

Digniin adag oo uu jeediyay Khamiistii, ayuu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ku sheegay in Ruushku uu wado qorshe uu ku "burburinayo" Moldova, sida ay sheegeen sirdoonka Ukraine.

Dhukumeentiyadani waxay muujinayaan cidda, goorta iyo sida uu Ruushku u jebinayo dimuqraadiyadda Moldova una maamuli doono," ayuu hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ugu sheegay shir madaxeedkii uga socday magaalada Brussels ee xarunta ururkan .

"Waxaan isla markiiba uga digay Moldova hanjabaadahaas," ayuu raaciyay.

Ciidamada sirdoonka Moldova ayaa markii dambe xaqiijiyay in ay sidoo kale aqoonsadeen "dhaqdhaqaaqyo qaran dumis ah" oo looga dan leeyahay "in lagu wiiqo dawladda Jamhuuriyadda Moldova, khalkhal gelinta iyo ku xadgudubka nidaamka dadweynaha."

Waxay sidoo kale xiisad ka soo cusboonaatay gobolka Transnistria, oo ah dhul ka go’ay dalkaasi oo ay maamulaan kooxaha gooni u goosadka ah ee taageersan Ruushka, kaasoo mara xadka Moldova uu la wadaago Ukraine, waxaana halkaasi ku sugan ilaa 1,500 oo askari oo Ruush ah.

Toddobaadkii hore, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku eedeeyay reer galbeedka in ay isku dayayaan in ay Moldova ka hor keenaan Ruushka - sida uu ku andacoodey in ay hore ugu sameeyeen Ukraine.

Natalia Gavrilita ayaa ra’iisul wasaare noqotay bishii Ogosto ee sannadkii 2021 ka dib markii xisbiga Madaxweyne Sandu oo u ol’oleeysa ka mid noqoshada Midowga Yurub ay ku guuleystey doorashadii baarlamaanka ee aqlabiyadda ahayd.

Waxay hore u soo noqotay wasiirka maaliyadda Juun 2019 ilaa Noofambar 2019 markaas oo Maia Sandu ay ahayd ra'iisul wasaare XIGASHO:BBC

Eritrea oo dib ugu biireysa ururka IGAD 16 sano kadib

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo maal mihii lasoo dhaafay ku sugan magaalada Nairobi ay aa markii u horeysay xaqiijiyay in dalkiisa uu markale dib ugu biiri doono urur goboleedka IGAD.

Eritrea ayaa muddo ku siman 16 sanno ka maqnaa urur goboleedka IGAD, wuxuuna Afwerki uu hadda dadaal xoogan ugu jira hanashada xubinimadeedii ururka.

Madaxweynaha Eritrea iyo dhigiisa Kenya ayaa sidoo kale gaaray heshiis ay kamid yihiin sidii loo fud eyn lahaa socdaalka iyo xiriirka ganacsiga labada wa dan ee Kenya iyo Eritrea, kadib kulamo ay maalmihii dambe ku lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

"Waxaan markale kusoo laabanayna IGAD inaga oo wadana fikrad ah in dib loo xoojiyo ururka isdhex-galka gobolka, si iskaashi kasta oo laba geesood ah oo macno leh oo dhexmara Eritrea iyo Kenya mid ka turjumaya isdhex-galka gobolka,” ayuu yiri madax weyne Afwerki.

"Ma gaari karno yoolal laba geesood ah inaga oo aan haysan gobol si ballaaran isku dhex-galay, kaasi oo aan tobaneeyo sano ku riyoonay in aan abuurno, tani ma ah hal-abuur cusub ma ahan dib u abuuris, tani waa waajib.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu dhigiisa Eritrea kala shaq eyn doono sidii ay Eritre markale ugu soo biiri laheyd urur goboleedka IGAD.

"Si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah iyo is dhex-galka gobolka, waxaa ka wada-hadlnay iska ashiga istiraatijiyadeed ee u dhaxeeya labadeena dal, taasi darteed mudane madaxweyne (Afwerki) wa xa si aad ah kaga mahad-celinaya sida ay kaga go ’an tahay in aad dib u eegis ku sameyso ka qeyb-gal ka dalkaaga ee urur goboleedkeena IGAD.”

"Waxaa rajeynayaa in aan si dhow ula shaqeeyo adiga iyo dowladaha kale ee xubnaha ka ah IGAD, si dii aan dib ugu habeyn laheyn ugana dhigi laheyn ur ur si hufan uga jawaabaya ujeedkiisa.”

Eritrea ayaa waxaa waayadii ugu dambeeyay sa arna cuna-qabateyno kala duwan, socdaalka uu Afw erki ku tegay Nairobi iyo xiriirka kala duwan ee uu la saxiixday madaxweynaha Kenya ayaa la fahamsan yahay in uu ka caawin karo xiligaan xal u helida ma shaakilka dalkiisa ka haysta adduunka intiisa kale.

WARARKII UGU DAMBEEYEY B EE DAGAALKA LAASCAANOOD

Dhakhtarka ayaa sheegay in 57 qof ay ku dhinteen dagaal toddobaadki ka dhacay magaalada Somaliland

Ugu yaraan 57 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska horimaad maalmihii u dambeeyay ku dhex maray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool xo ogaga ka soo horjeeda maamulka Somaliland iyo cii damada maamulka Somaliland, kadib markii madaxda deegaanka ay sheegeen inay doonayaan inay dib ugu biiraan dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay dhakhtar.

Cabdimajiid Xuseen Sugu lle oo ah agaasimaha guud ee cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in in ka badan 400 oo qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen dagaal ku dhawa ad ​​todobaad socday.

Maamulka Somaliland oo ah gobol ka go’ay Sooma aliya soddon sano ka hor, doonayana in loo aqoonsado dal madax-bannaan, ayaa habeenimadii Jimcaha ku dha waaqay xabbad-joojin hal dhinac ah. Balse dadka deegaanka ayaa sheegay in iska horimaadyadu ay ka socdaan gudaha iyo hareeraha magaalada bari.

Somaliland iyo maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa muddo sannado ah ku muransanaa Laas caanood, balse magaaladaas ayaa ahayd mid gacanta ugu jirta Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedaysay maleeshiyo beeleed inay beegsadeen xarumaha ciidankooda. Dha nkooda, Madax-dhaqameedku waxay ku eedeeyeen ciid amada Somaliland inay soo galeen magaalada, waxaan ay sheegeen in sida keliya ee nabadda lagu soo celin karaa ay tahay in ciidamadu ka baxaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ay ku barakaceen in ka badan 80,000 oo qof. Biyihii iyo kor ontadii ayaa go’ay iyadoo ay duqeymo dhacayeen.

"Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joo jiyo," Q.M.

Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa sheeg tay in dadka dhintay uu ku jiro mid ka mid ah mutadawic iinteeda, kaasoo uu ku dhintay rasaas habow ah


WAA MAXAY BAAHIDA KEENATY IN BUUFIN LOO ADEEGSADO BASAASID IYADOO DAYAX GACMEEDYO JIRAAN?

Sawir buufin dhulka taa

lXIGASHADA SAWIRKA,MARTY MELVILLE/AFP/GETTY IMAGES

Bishii May Sannadkii 2002-dii, buufin laga diray Xarunta Buufinnada Sanriku (SBC) ee woqooyiga dalka Japan, ayaa si tartiib ah u jabisay taariikh walba oo joog sare ah oo aad migu dhigay abid.

Waxay si dhaqsi ah u dhaaftay jooggi ay gaartay buufintii abid kor loo diro si guul ah sannadkii 1783 – waxay dhaaftay halkii ay gaartay buufintii kale ee 1901 lagu ogaaday lakabka jawiga sare ee dhulka ku xeeran ee loo yaqaan ‘stratos phere’ taas oo kor u kacday masaafo dhan 10.8km. Waxay kor u dhaaftay joog walba oo abid ay diyaaradi gaarto, ha ahaato helikobtar, diyaaradaha dagaalka amaba kuwa shacabka.

Buufintani xataa waxay dhaaftay halka ay gaartay buufintii uu ku duulay madaxii hore ee shirkadda Google sannadkii 2014 taas oo gaartay 41.4km ka hor inta uusan baarashuut kaga boodin sanduuqa ay buufiinadu qaadan.

Kor ayey usii kacday waxayna gaartay qaybaha ugu sareeya jawiga hawada dhulka oo ka mid yihiin meelaha ugu qabow oo heerkulku ka hooseeyo -143c oo ka qabow heerkul kasta oo abid laga diiwaan galiyey dusha sare ee dhulka.

Ugu dambentii waxay buufintu gaadhay joog dhulka ka sareeya 53km ama (173,900ft). walxaha lagu gano gantaallada iyo dayax gacmeedyada oo kali ah ayaa halkaas ka sare mari kara. Ma aha diyaarad balse waa buufin shayga sayniska ee aadanah gaarsiiyey cidhifka ugu fog ee hwada sare .

Qalabkan u hawada ee u muuqda mid iska fudud ayaa alaabta iyo qalabka cilmi baarista gaarsiin kara meel aanay diyaarad gaarsiin Karin waxayna ku nagaan kartaa halkaas muddo dheer.

Maalmo kadib markii buufin basaasimo looga shakiyey ay soo rideen ciidamada Mara ykanku waxay BBC-du u kuur gashay sababta buufinta ay u tahay dookha ugu horeeya ee saynisyahannada, shirkadaha internet-ka, kuwa cimilada, iyo dabcan wakiillada dawladaha wax u basaasa.

Joog sare intee dhan ayey buufintu gaari kartaa?

Buufintii shiinaha ee Maraykanka dul martay

Qoraalka sawirka,

Buufintii shiinaha e Maraykanka dul martay

Buufinnada gaaraya joogga aadka u sareeya sida middii Japan ee 2002-dii taariikhda dhigtay iyo toddobaadkii hore dhacdada diblomaasiyadeed ka dhex dhalisay Shiinaha iyo Maraykanka ayaa dabcan ka duwan kuwa raaxada ee dadweynuhu ku duulaan. Maxay ku kacaysaa in la sameeyo buufinta joogga sidan u sareeya gaari karta – halkaasna ku nagaan karta?

Russ Van Der Werff oo ka shaqeeysa shirkadda sameeya buufinnada joogga sare ku duula ee Maraykanka Raven Aerostar waxuu hayaa fikir ka wanagaasan kuwa kale badankood. Van Der Werff, gudoomiye ku xigeenka shirkadda ee xalalka stratospheric, waa injineer hogaaminaya kooxda naqshadaynta buufinnada si ay ugu isticmaalaan kiiloomitir ka sarreeya saaxada diyaaradahu gaaraan.

Raven Aerostar waxay ka shaqaysaa labada qaybood ee difaaca iyo ganacsigaba, waxayna u naqshadeynaysaa buufinnada mashruuca internetka degdegga ah ee Google Loon.

10-kii sano ee la soo dhaafay, Raven Aerostar waxa ay daah furtay in ka badan 3,000 buufin. "Waxa aanu samaynay noocyo kala duwan oo baco ah, waxa aanu haynaa dhawr shay oo aanu hadda isticmaalnay oo aad uga wanaagsan kuwii aanu isticmaali jirnay 10 sano ka hor marka waa geedi socod gaar ah oo aan wax badan ku soo kordhinay."

Hagaajintani kaliya kama caawinayso buufinadu inay sare u kacaan, balse sidoo kale waxay ka caawiyaan inay kor u kacaan muddo dheer. "Kaliya si aan ku siino nooc ka mid ah fikradda, Thunderhead, oo ah wax soo saarka ganacsiga ee hadda, waxaan sameynay duulimaadyo 150 maalmood ah oo aan ku jirno hal buufin hadda.Ri koorkeena dhamaadka wuxuu ahaa 320 maalmood.

Markaa kuwanu waa tirooyinka aynaan heli karin 30 sano ka hor, agabka iyo farsa mooyinka wax soo saarkuna waxay sameeyeen farqi weyn muddadaas.” Mashruucii Loon waxa la joojiyay 2021, laakiin Van Der Werff waxa uu sheegay in uu rajaynayo in shirkadiisu ay dhawaan awood u yeelan doonto in ay soo saarto buufin kor ku maqnaan karta sannad buuxa.

Buufinta Shiinaha ayaa la soo riday toddobaadkan ka dib markii ay soo martay kumanaan mayl oo ka mid ah badda Baasifigga iyo qaaradaha Mareykanka waxayna tani muujinaysaa masaafada weyn ee buufinnada noocan oo kale ah ay awoodaan inay duulaan. Masafada ay duuli karaan waxay sidoo kale ku xirantahay inta uu la egy ahay culayska buufintu iyo waxa ay sidddo.

Maxay qaadaan Buufinnada Jooga sare ku duula?

Iyada oo ku xiran waxa hadafkoodu yahay, buufinnadani waxa ay qaadaan wax kasta oo ka soo baxa qalabka cabbiraadda sayniska ilaa qalabka isgaarsiinta ama - haddii basaas loo isticmaalayo - dareen-qaadayaal ama kaamirooyin si ay u eegaan dhulka ka hooseeya. Waa jawi adag in loo naqshadeeyo qalabka, ayuu yiri Van Der Werff. "Naqshadeynta qalabka Elektiroonigga ah ee buufinta waxay la mid tahay naqshadeynta qalabka Elektaroonigga ah ee dayax-gacmeedka, jawiga 27.2km oo inanga sareysa waa qiyaastii 1% cufnaanta halkan.

"Halkaas aad bay u qabowdahay, waxaan hoos ugu degi doonnaa ilaa -80C (-112F)," ayuu yiri. "Laakiin waxa xiisaha leh ayaa ah, sida caadiga ah, marka dadku u naqshad eeyaan qalabka Elektiroonigga ah ee stratosphere, waxay dhab ahaantii dhib badan ku qabaan inay qaboojiyaan marka loo eego diirimaad, sababtoo ah halkaasi malaha wax hawo ah. Markaa, ma awoodid inaad afuufto marawaxada kuleyliyaha si aad u dhaqaajiso kul



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip