HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 11-KA FEBARAAYO 2023-KA

0
Saturday February 11, 2023 - 08:45:19 in Wararka by
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 11-KA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Oo Khudbad Xasaasi Ah ka Jeediyay Shir Ka Dhacay Dalka Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa Khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dha cay Jamaacada LUISS Guido Carli University ee mag aalada Rome.

wadaxweynaha ayaa had al-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, halganka dowla dda iyo shacabka soomaaliy eed ee ciribtirka Khawaarijta, qorshaha dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay amni-darr ada iyo colaadaha iyo fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adke eyay muhiimadda in loo midoobo dabar-goynta kooxaha Argagixisada ah si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumar san, caddaalad ah isla markaana si siman oo loo dhanyahay u wadaagta fursadaha jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale hoo sta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotadadheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talya aniga iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah, si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya.

Aadan Madoobe oo booqday Xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gu doomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federa alka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ge linkii dambe ee Shalay booqday Xarunta Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho, si uu dowladda iyo shacabka dalkaasi ula qaybsado tiiranyada iyo xanu unka tacsida dadkii ku geeriyooday dhulgariirkii maalintii Isniinta ka dhacay koonfurta Turkiga iyo waqooyi galbeed Suuriya.

Gudoomiyaha oo booqasha dan ay ku wehlinayeen xubno ka tirsan Xildhibanaada Gol aha Shacabka ayaa Alle naxari istiisa uga baryay dadka ku dhintay dhulgariirkaasi.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadka ku dhintay masiibadii 6-dii bi shan ka dhacday dalkaasi, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan Madaxweynaha JFS ayuu sheegay in ay aad uga xun yihiin, isla-markaana ay uga tacsiyeynayaan do wladda iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga.

Khasaaraha nafeed ee dhulgariirkaasi ka dhashay oo ah mid isa soo taraya ayaa la sheegay in tirada dhimash ada ee labada dal ay hadda gaartay in ka badan sagaal iyo toban kun (19,000) oo qof, kuwaa oo 16,546 ka mida ay ku geeriyoodeen dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamza Oo Kala Hadlay Wasii rada Waxbarashada Qaadashada Macalimiinta Cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soom aaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kulan la yee shay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Farah Sheikh Abdulkadir iyo Wasiirrada Waxbarashada Maamul Gobolleedyada, ka dib markii ay Talaadadii daahfureen hannaanka qaa dashada 3000 oo macallimiin cusub ah.

Kulanka oo ay ku wehliyeen Wasiirru Dowlaha, Marwo Nuura Mu staf Guudow, Wa siir Ku Xigeenka, Md.Axmed Cism aan Daqare iyo maamulka Gobol ka Banaadir, ayaa waxay warbixin faahfaahsan ka siiy een Ra’iisul Wasaaraha Daahfurka Hannaanka iyo Habr aaca loo maray qaadashada macallimiinta cusub.

Wasaaradda Waxbarashada oo toddobaadkan daa hfurtay barnaamijka qaadashada macallimiinta cusub, ayaa sheegtay in habraaca ay ka wada heshiiyeen ma daxda heer federaal iyo heer maamul gobolleed, kadib kulan 10 maalmood qaatay oo wasaaraddu soo qaban qaabisay oo magaalada Muqdisho ku yeesheen mas’u uliyiinta wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobol leedyada. Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay kul anka ayaa ku amaanay Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee waxbara shada waxqa

badka iyo tallaabooyinka mu uqda ee ay qaadeen taasi oo wax weyn ka tareysa haq abtirka baa hida waxbarasho ee ubadka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaal ka ay sare ugu qaadayaan heerka waxbarashada dalka.

C/C/SHAKUUR: 10 Sano kaddib iyada oo in ka bad an 7 Bilyan oo Dollar ay baxday, maxay Soomaa liya u Wajaheysaa halista Abaarta?

Magaalada Muqdisho waxaa Shalay lagu qabtay munaasabadda lagu daahfurayayQorshaha Ka falc elinta Baahiya Bini’aadannimo ee Soomaaliya ee 2023, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ergeyga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Bini’aadannimada, Agaasimaha Hay’a dda Gurmadka Qaranka iyo Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Gargaarka.

Kulanka oo ka dhacay Airport Hotel oo ku yaala Gud aha Garoonka Caalam iga ah ee Aden Cabdulle ayaa madax da ka soo qeyb galay kulanka ku lafa guray sida Sooma aliya uga bixi lahayd xaaladda ay ku jir to ee Bini’aadannimo.

Ergeyga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Bini’aadanni mada Cabdiraxmaan Cabdishak uur Warsame oo ka ha dlay kulanka ayaa yiri ”10 Sano ka dib iyada oo in ka ba dan 7 Bilyan oo Dollar ay baxd ay, maxay Soomaaliya u Wajaheysaa halista Abaarta? Dadka iyo dowladda Soo maaliyeed waxa ay Aaminsan yihiin in aan la rabin in ay isku filnaadaan”

Sannadka 2023, dad lugu qiyaasay 8.25 milyan oo qof, oo ku dhow kala bar dadka Soomaaliyeed ayaa u baahan caawinaad naf badbaadis ah oo degdeg ah. In ka badan 1.4 milyan oo qof ayaa guryahooda ka barak akacay si ay u helaan biyo, cunto iyo hab nololeed cu sub. Bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo Macluul Bilaha Abriil iyo Ju un ee sannadkan, haddii aan la joogteynin gargaarka bini’aadannimo, xilliroobaadka Gu-gana (Abriil-Juun 2023) uu noqdo mid hooseeya, sida ay saadaalintu haddaba muujineyso

Boqolaal Soomaali ah oo ka qeybgalay daahfurka safaaradda Soomaaliya ee London

Boqolaal Soomaali ah oo ku dhaqan Dalka Ingiriiska iyo wadamo kale ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamu usaayey furitaanka safaaradda Soomaaliya ee magaala da London. Xafladdaan oo xarigga looga jaray safa aradda, waxaa ka hadlay Safi irka Safaaradda Soo maaliya ee Dalka Ingiriiska C/qaa dir Axmed Kheyr iyo xubno kale oo muhiim ah.

Xafladdaan oo ay sidoo kale ka qeybgaleen dad can ah oo uu kamid ahaa Moow faarax iyo xubno kale, wa xaa halkaasi mahadcelin loogu jeediyay guddigii dadaal ka u galay daahfurka safaadda oomaalida.

Safaaradda ayaa la filayaa in adeeg muhiim ah u qa bato in ka badan Shan boqol oo kun oo soomaali ah oo ku nool Dalka Ingiriiska.

Sii hayahaTaliyaha Ciidanka Asluubta oo booqday xarumaha ay ku jiraan maxaabiista soomalida ee Sacuudi Carabiya

Sii hayahaTaliyaha Ciidanka Asluubta C/Kariin cali Afrax iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo maalmahaan boo qasho shaqo ku jooga Dalka Sacuudi carabiya ayaa booqday maxaabista soomaa lida ee ku jira xabsiyada Magaa lada Jiddah ee dalka Sac uudi Carabia

Taliya Ciidanka Asluubta iyo xubnaha kale ee la socd ay,wax aa xarumaha xabsiyada asi ku soo dhoweeyay taliyay aasha xabsiyada Shimees iyo Dabbaan, Maajid Band ar,isagoo u kuurgalay xaalad da ay ku sugan yihiin dad ka maxaabiista ah ee Soomaaliya. C/Kariin cali Afr ax oo boqashaasi kaib kulanla yee shay madax ka socotay asaaradda arrimaha gudaha, ay aa dalbaday in la daboolo guud ahaan baahiyaha dadka maxaabiista ah ee ku jira xabsiyada dalkaasi.

Sii hayaha taliyaha Ciidanka Asluubta,waxaa booqasha daasi ku wehelinaayey Qunsulka Soomaalida ee Jiddah Axmed Maxamuud Diiriye Macruuf

Deni oo magacaabay Guddiga gurmadka dadka ku soo Barakacay Colaada Laascaanood

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabid Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayuu ku magacaabay Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka soo barakacay, waxaana Guddiga oo Wasiiro u badan ay ka kooban yihiin 13-xub nood, iyadoona Guddoomiye looga dhigay Wasiir Juxa.

Guddigaan ayaa magacaabistooda waxaa ay ku timid, Baahida loo qabo in loo diyaar garoobo dadka dhibaa tadu kasoo gaartay M/ Laascaano od, oo ay du ullaan kusoo qaadeen ciidanka maa mulka Somaliland.

Dagaal galay maalintii afaraad oo xir iir ah ayaa ka so cda magaalada Laas caanood, khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka, ciidanka Somalil and ayaa xasuuq ba’an ka geystay hal kaas, iyagoona madaafiic adeegsan aya.

Hoos ka Akhriso magacyada xubnaha Guddiga uu magacaabay Deni.

1-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye.2- Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xig een.

3- Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faa rax Xassan Xubin.

4- Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garooma da Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin.

5- Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin.

6- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masii booyinka Layla Cabdi Cartan Xubin.

7- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin.

8-Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin.

9- Maxamed Caydiid Jaamac Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin.

10- Dr Siciid Warsame Shahaado xubin.

11- Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin.

12- Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin.

13- Cabdikaafi Axmed Siciid Ganacsade Xubin.

Agaasimihii hore ee Villa Somalia oo kusoo biiraya loolanka kursiga HOP086

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Cab dinuur Maxamed Axmed ayaa kusoo biiraya musharax iinta doonaya kursiga xildhibaan ee HOP086 oo dho waan doorashadiisa la qabanayo, sida ay sheegtay in ay ogaatay Caa simada Online.

Kursigan ayaa ah kii uu horey ugu guuleystay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, balse ay diideen islamarka ana is-hortaageen guddiga doorashada heer federaal.

Kusoo biiritaanka Cabdinuur ee loolanka kursiga ayaa imaneysa kadib markii uu loolanka ka tanaasulay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faa rax Sheekh Cabduqaadir, oo la rumeysnaa inuu kursiga doonayo.

Doorashada kursigan ayaa la filayaa in la qabto daba yaaqada bishan Febraayo, wax aana musharaxnimada Cabdinuur ay abuur eysaa loolan adag maadaama UPD ay soo sharraxeen Dr. Maxamed Xaaji Ax med oo ah madaxa urur diime edka Da mul Jadiid.

Wararka aan heleyno ayaa tilmaa maya in diyaar ga rawga munaasabad da shaacinta musharax nimo ee Cab dinuur Maxa med Axmed ay Shalay iyo Dorraad ka soco tay magaa lada Muqdisho, waxaana la filayaa inuu ilaa habeen dambe si rasmi ah ugu dhawa aqo inuu kursigan u taag an yahay. Cabdin uur Maxamed Axmed ayaa xilal kala duwan hore uga soo qabtay Madaxtooya da Jamhuuriyadda si da Agaasimaha Warfaafinta, Ku Xigeenka Agaasima ha Guud iyo Ku Simaha Agaasima ha Guud ee Villa Sooma Ali a, waxayna musharaxni madiisu muujinaysaa in tartanka kursigan uu noqon doono mid adag.Xigasho:casimadda.net


Hormuud Telecom Oo Ku Guuleysatay Shahaadada Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Iyo Maareynta Amniga Macluumaadka

hirkadda Hormuud Telecom, ayaa la siiyay Shahaa dada caalamiga ah ee ISO/IEC 27001:2013 ee Nidaam ka Maareynta Amniga Macluumaadka iyadoo ay bixisay Bureau Veritas. Kadib qiimeyn iyo hubin balaaran oo ay shirkada Bureau Veritas Group ku sameeysay shirka dda Hormuud telecom ayey gudoonsiisey shahaadadan caalamiga ah.

Bureau Veritas oo ah shirkad Caalami ah oo laga leeyahay Fara nsiiska lana aasaasay 1828 ayaa qirtay in Hormuud ay buuxisay hee rarka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee dejinta, hirgelinta, ilaalinta iyo hagaajinta joogtada ah ee hababka maaraynta amniga macluumaadka.

Guddoomiyaha Hormuud Axmed Maxamuud Yuusuf oo ka hadlayay guusha Shirkadda, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Hormuud Telecom in ay door muhiim ah ka qaadato abuurista jawi u suurtagelinaya ganacsiyada in ay horumaraan, dadkuna ay barwaaqoobaan.

"Adeegga Digital-ka ah waa laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya. In la aqoonsado amniga macluumaadka Shirkadda Hormuud si heer-caalami ah, waxay muhiim u tahay guusha mustaqbalka fog,” ayuu yiri Axmed Max amuud Yuusuf.

In ka badan afar meelood saddex meel dadka Soo maaliyeed oo lagu qiyaaso illaa 15 milyan oo qof, ayaa isticmaala EVC Plus, adeegga lacagta mobile-ka ee Ho rmuud Telecom, oo sidoo kale bixisa adee gga Internet-ka u jaban/raqiisan qaaradda Afrika oo dhan.

Waxay sidoo kale Shirkadda xal u keentay caqabad ka taagnayd xaga lacag-usoo-dirista dalka, iyadoo xitaa Hay’adaha Caalamiga ah u sahashay in ay usoo diraan lacagaha mucaawinada ah dadka ay abaaruhu saameey een, oo ay adagtay in gargaar lagu gaarsiiyo meelahaay ku noolyihiin.

Hormuud ayaa hadda ku biirtay liiska Shirkadaha Isgaarsiinta Caalamiga ah ee la guddoonsiiyay abaal-marinta ISO/IEC 27001:2013 ee Nidaamka Maareynta Amniga Macluumaadka .

Ugu dambeyn, shahaadaan ayaa kamid noqoneysa aba almarino iyo shahaaadooyin calami ah oo ay shir kaddu horey ugu guuleysatay sida ISO 9001-2015. ,GSMA, CHANGING LIVES AWARD iyo GLOMO.

Mareykanka oo war kasoo saaray dagaalka Laasc aanood

Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasa are xooggan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibed da Mareykanka ayaa lagu yiri "Duqe ymaha aan loo meel dayin ee lagu ha yo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waa na in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.”

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay dalbaneyso "Badbaadinta dadka shacabka, gargaar ka bani’aadannimo oo aan la carqaladayn iyo xiisadda oo si nabad ah iyo wada-xaajood lagu xaliyo.”

Qoraalka Mareykanka ayaa daba socday qoraal laba maalin kahor kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya oo lagu sheegay "inay aad uga walaac san yihiin rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.”

"Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboo jiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si na bad ah iyadoo loo marayo wadahadal,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Dagaalka oo billowday Isniintii ayaa u dhaxeeya ciid amada Somaliland iyo kuwa deegaanka oo kasoo hor jeeda joogitaankooda magaalada, kuna baaqay inay ka baxaan. Saddexdii maalmood ee ugu horreeyey ayaa wax a dagaalka ku dhintay ku dhowaad 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen. Xogta khasaar aha dagaalkii Shalay ayaan weli la helin. Dag aalka ayaa billowday saacado un kadib markii odaya asha gobolka o toddobaadyo ku shirsanaa magaalada ay soo saareen go’aanno ay ka mid yihiin inaysan qeyb ka ahayn Somaliland, islamarkaana hoos-tagaan dowla dda federaalka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale sheegay in degaanada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo Soomaaliya.

Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidanko oda ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah odayaasha. Hase yeeshee mid ka mid ah oda yaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland.

Go’aano kasoo baxay Shir looga hadlayay Amniga Gobolka Bari

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Shir-guddomiyey Shirka Amn iga Gobolka Bari.

Shirka oo ay kasoo qayb-galeen Guddiga Amniga Gobol ka Bari iyo xunbo ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa lo oga hadlay Adkeynta Nabadgelyada, Horumarinta mag aalada iyo garab istaaga mashaariicda horumarin iyo Nashqadeynta magaalada.

Kulanku markuu dhammaaday waxaa kasoo baxay qodobadan: –

Adkaynta Nabadgalyada guud ahaan Gobolka bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Ka hortaga falalka waxa loogu yeero Argagixisada iyo La dagaalanka Maandooriyaha.

In dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee Maamulka In la sameeyo naqshadaynta magaalada Boosaaso (Master Plan) oo la baneeyo dhammaan jidad ka xiran ee nashqadu tilmaamayso.

In dhulka banaanka laga jaro dhulka danta guud ee 30% ka ah, ayada oo la tixraacayo Xeerka maareeynta dhul ka magaalooyinka ee Puntland.

In dhammaan guryaha Magaalada Boosaaso, Biilasha Biyaha iyo Korontada lagu daro $1 dollar oo lagu horum arinayo M/ Boosaaso laga bilaabo 1 Bisha March 2023.

In la sameeyo Guddiga horumarinta magaalada Boosa aso. In dhammaan baalayaasha korontada laga qa ado meelaha aan munaasibka ku ahayn sida jidadka.

In Bulshadu ka qeyb qaadato mashaariicda horuma rine ed ee ka socota magaalada Boosaaso, Iyadoo cidii ka hortimaadana Sharciga la horkeeni doono.

Go’aankaan kasoo baxay shirka looga hadlayay Amn iga Gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihi la soo dhaafay xiisad ka dhalatay diiwaangelinta doora sho oyinka ay ka taagneyd Magaalada Garoowe ee Caasim adda Puntland

Booliiska Banaadir oo gacanta ku dhigay Hawen eey Afduubatay Muwaadin Xanuunsana iyo Askari xeebta Liido ku dilay qof shacab ah

Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay haweeney lagu magac aabo Faadumo Maxamed Cabdullaahi oo la sheegay in ey hogaamineysay koox afduu btay Muwaadin Soo maal iyeed oo xanuunsa naa.

Ciidanka Booliiska deg mada Wadajir ayaa la sheegay iney soo qabteen haweeneydaan hog gaamineysay kooxda af duuba tay Muwaadinka xanuunsanaa oo magaciisa lagu sheegay Mahad Xasan Cameey, kaa soo laga soo afduu bay degmada Wadajir laguna haay ay guri ku yaala deg mada Howlaadaag.

"Haweenaydaan ayaa horkaceysay koox afduubtay Mahad Xasan cameey oo ah Muwaadin xanuusan oo ay ka afduubteen waaxda 5-aad ee Degmada wadajir iyaga oo ku hayay guri ku yaala Degmada Howlwadaag. Sal dhigga Degmada Wadajir ayaa hataan laga soo xiray Haweenaydaan, waxaana la hor geenayaa Sharciga" ay aa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Dhinaca kale ciidanka Booliiska Saldhigga degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa Shalay gac anta kusoo dhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la sheegay inuu Shalay xeebta Liido ku dilay Wiil dha linyaro ah oo ka mid ahaa dadka u soo damaashaad ta gay maalinta Jimcaha ah xeebta Liido ee magaalada Mu qdisho. "Wiilka yar iyo askariga ayaa murmay, kad ibna askariga ayaa xabad ku dhuftay, ciidanka saldhig ga degmada Cabdicasiis oo goobta gaaray ayaa xabs iga dhigay askarigii, waxaana la hor geenayaa Maxka madaha dalka, si loogu fuliyo xukunkiisa, sidoo kale cii danka booliska saldhigga Cabdicasiis ayaa marxuumka dhintay ku wareejiyay ehelkiisi" ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Ban aadir.

Booliiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale Shalay soo bandhigay sadax rag ah oo la sheegay iney kaarar been abuur ah ku dhacayeen dadka barakacayaasha ah ee ku nool duuleedka magaalada Muqdisho.

Ciidanka Booliiska oo gacanta ku dhigay rag kaarar been abuur ah u qeybiyay qoysas barakacayaal ah

Ciidanka Boliiska ee ka howlgala saldhigga Degma da Dharkenleey ayaa gacanta ku dhi gay seddex nin oo la sheegay in kaa rar been abuur ah ay ku dhacayeen dadka barackayaasha ah ee ku nool duleedka Magaa lada Muqdisho

Taliska Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in raggaasi ay lacag min 10 dollar ah ay ka qaateen dadka danyarta ah, kadibna u qeybiyay Kaarar been ah , oo ay tilmaam een inin dhawaan ay ku heli doonaan deeq lacageed iyo raashin.Eedeysanayaashaasi ayaa dadka barakacay aasha ah u u sheegay in ay yihiin Hey’adaha Ka shaqe eya Arrimaha gargaarka.

Jubbaland oo sheegtay iney u diyaar garoowday la wareegista deegaanada ka maqan gacanteeda

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa degmada Af madoow ee gobolka Jubbada Hoose ka bilaabay dha qdhaqaaqii ugu dambeeyay ee ku aadan qorshaha 2aad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada Jubbaland.

Saacadahii lasoo dhaafay waxaa D/Af madoow la dajiyay ciidamo fa rabadan oo laga qaaday D/Dhoo bleey, kuwaas oo ka mid noqona ya howlgalada Al-sha baab looga xureynayo magaalooy inka Jilib iyo Bu'aalle ee maamulka Jubbaland, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Jubbaland.

Wasiirka W/amniga Maamulka Jubbaland Yuusuf Xu seen Cismaan Dhuumaal oo hoggaaminaya qorshaha howlgalada Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Jubbaland ay u diyaar garoowday la wareeg ista dwegaanada ka maqan oo ay ka taliso kooxda Al-shabaab.

"Howlgalkaan waxaan dooneyna in Shabaab isaga xureyno miyi iyo magaalo intaba, anaga dhan dhimasho ayaan ku ilaaheey ugu xukumanahay mar hadaan dhim aneyna intaa si xun u noolaan laheyn waa inaan si wa naagsan u noolaano oo aan iska dhicino cadawga Shab aab iskana xureyno" ayuu yiri Wasiirka amniga Jubbal and Yuusuf Dhuumaal.

Si kastaba ha ahaatee howlgalada iyo dhaqdhaqaaq yada ciidamada Jubbaland ay ka wadaan deegaanada maamulkaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali kooxda Al-shabaab ay awood badan ku leeedahay deegaanada maamulka Jubbaland, sida Jilib iyo Bu'aalle oo haatan Shabaab u ah Saldhigyadooda ugu waa weyn ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.

Feysal Cali Waraabe oo Xukuumadda Somaliland ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabbad joojin

Iyada oo weli dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciid amada Somaliland iyo dadka degaanka ay ka socdaan M/laas-Caanood ayaa waxaa markii uu horreysay ka hadlay hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in si xal nabadeed loo gaaro looga baahan ya hay Xukuumadda Somaliland ee uu hog gaamiyo Muuse Biixi Cabdi inay ku dha waaqdo xabad joojin iskeed ah lana wada-hadlo.

"Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeed na loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dha waaqdo xabbad joojin hal dhinac ah. Dawladdu waa in ay fududaysaa gargaarka bini’aadantinimo ee dadka bar akacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabaddaayuu yiri" Feysal Cali Waraabe.

Hadalkan kasoo yeeray hoggaamiyaha Xisbiga muc aaradka Somaliland ee UCID Injineer feysal ayaa kusoo aadaya xilli weli dagaalo xoogan ay ka socdaan M/Laas-Caanood, isla markaanaay san dhaqan gelin baaqyo ka soo baxay Madaxda dowladda iyo Caalamka intaba.

Xaglatoosiye: Maan filayn in dad masaakiin ah oo dhagax tuuraya ay Muuse iyo gacan yara yaashiisu layaan

Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka Shacabka ee Somaliland, ayaa xuk uumada ugu baaqay in ay millatariga ka saarto gobolka Sool.

Xaglatoosiye ayaa dhaliilay sidii ay xukuumadu uga jawaabtay shacabkii ka gadooday dilalka Laascaanood, isaga oo dhashay in anay ahayn in shacabka xabad loo isticmaalo.

"Shacab kaasi kacdoon ayay same eyeen ay ku diidanyihiin sida ay wax u socdaan, iyo sida maamulku ugu guuldaraystay sugida amnigooda, taasina waxay dha shay halkii garowshiyo laga sugayay in dad masaakiina oo dhagax tuuraya ay Muuse iyo gacan yarayaashiisu la ayaan" ayuu yidhi Xaglatoosiye.

Waxa uu sheegay in erayga argagixiso ee xukuuma da Somaliland ay isticmaalaysa uu muujinayo cadowtin imo, waxa uu sheegay in Laascaanood anay argagixiso joogin lakiin, dadkii deegaanku ay dagaalamayaan.

Waxa uu inta ku daray in anay xabadi xal ahayn, isa ga oo sheegay in ay ahayd in xukuumadu kala baxdo cii damadeeda gobolka, si buu yidhi wadahadalka loo siiyo deegaan nabdoon, waxa uu ku baaqay in Somaliland cii dankeeda la baxdo oo dadka taladooda loo ogolaado.

Xaglatoosiye waxa uu xusay in anay jirin dowlad joojin karta kacdoonka shacabka, wuxuuna intaa ku daray in madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha guduhu ay arrinta xogogaal u yihiin, oo ay hore usoo mareen, lakiin aanu ka filanayn in ay Shalay xoog isticmaalaan.

Xaglatoosiye ayaa hore u hogaamin jiray jabhad la odhan jiray SSC, kadibna wuxuu heshiis la galay xuku umadii Siilaanyo, isaga oo soo noqday wasiirada caafim aadka iyo dib u dajinta, imika waa guddoomiyaha ururka Shacabka ee Somaliland.

Dagaalka Laascaanood oo sababay in mas’uuliyiin ay is casilaan

Guddoomiye ku xigeenkii Somaliland ee Gobolka So ol Saleebaan Diiriye Cabdi ayaa ku dhawaqay in uu is caisilay . Saleebaan Diiriye Cabdi oo warbaahintaa la ha dlay kueedeeyay Somaliland in xasuuq ay gesatay ka dib markii madaafiicdii lagu garaacay M/ laascaanood.

S idoo kale ‘ Waxaa uu waxba kama jiraan Tilmaamay in warar Somaliland ay faafisay ee la xiriira in argagi xiso laga saarayo Laascaanood waxaana uu sheegay in shacabkii degaanka la xasuuqayo.

"Waxa aan caddaynayaa in dadkii la xasuuqayo oo ruux nool, neef xoola ah iyo guryaha isku si’ loo beegs anayo, ma jirto argagixiso waxa dagaallamaya ciidanka Soomaliland iyo dadkii deegaanka, anna dagaalka aya an ku biirayaa, xalka waa in uu Muuse la baxo ciid ankiisa” ayuu yiri Saleebaan Diiriye Cabdi.

Mas’uulkan Iscasilay ayaa dhawaan waxaa Soomali land ay u magacawday gudoomiye ku xigeenkaG/Sool.

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ka socda Laas-Caanood oo la keenay Muqdisho

Waxaa Shalay Muqdisho gaar ahaan garoonka di yaaradaha Aadan-Cadde soo caga dhigatay diyaarad si day qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ka socda magaalada Laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka degaanka.

Dhaawacyada oo gaaraya ilaa 30 Ruux ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Mu qdisho kusoo dhaweeyay Xubno katirsan labada Golle ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Gaadiidka gurmadka deg dega ee lagu diyaariyay Gar oonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho ayaa dhaawacyada soo qaaday, kuwaas oo geeyay qaar kamid ah isbitaallada Magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo.

Dhaawacyada Shalay la keenay magaalada muq disho ayaa isugu jira kuwo culus iyo kuwo fudud, wax aana lagu wadaa in sidoo kale saacadaha soo socda M/Muqdisho la keeno dhaawacyo kale.

Maalmo ka hor Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in loo gurmado dadka ku waxyeeloobay dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanood maadaama dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed.Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS oo isaga baxay Soomaaliya

Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu am maanay horumarinta nabadda iyo xasilloonida koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo dalkooda dib ugu laabtay.

Ciidamadaan oo fadhigeedu ahaa degmada Jalala qsi ee Gobolka Hiiraan ayaa qeyb weyn ka qaatay guluf yada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka Hii raan, waxaana ay xiriir wada shaqeyn oo xoogan la yeesheen dhigooda ciidamada XDS.

Isagoo ka hadlayay xafladdii sagootinta ahayd ee ka dhacday M/Beledweyne, ayuu Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS Col. Xasan Jaamac Faarax ku bogaadiyay cii damada sida ay u horumariyeen ujeeddooyinka how lgalka ee ah ilaalinta nabadda iyo xasilloonida aagga ay ka howlgalaan.

"Ciidanka baxayay waxay gaareen natiijooyin aad u badan intii ay joogeen; waxay xilkiisa u guteen si karti iyo xilkasnimo leh; waxay ku guulaysteen inay nabadda ka ilaaliyaan magaalada Jalalaqsi iyo deegaanada ku dhow dhow,” ayuu yiri Col. Faarax. "Waxay caawiyeen dadka deegaanka xilliyadii abaarta ba’an ay jirtay. Ciida mada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garabsanaaya, ayaa ka qeyb qaatay howlgalladii ugu dambeeyay ee la gula dagaalamayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.”

Ciidamada Jabuuti ee qeybta 4-aad ee ka howlgala G/Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle. Ciidamada Jab uuti oo si dhow ula shaqeynaya dhigooda Itoobiya ayaa si weyn u garab istaagay ciidamada XDS oo dagaal kula jira Al-Shabaab oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Somaliland " Waxaanu haynaa maxaabiis Al Shaba ab ah iyo kuwo Puntland ah”

Xukuumada Somaliland ayaa markale sheegtay in ay hayso maxaabiis ka tirsan Al Shabaab, iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

"Waxaanu hayna maxaabiis Al Shabaab ah, maxaa biis Puntland ah, waxay soo weerareen xeryaha millate riga, waxaananu u diyaar nahay in aanu usoo bandhi gno beesha caalamka” Wasiirka Arrimahada Dibada Ci ise Kayd Maxamuud ayaa sida BBC News u sheegay.

"Ma jiro dagaal u dhexeeya dadka reer Laascaanood iyo ciidanka Somaliland, waxa jira maleeshiyaad gacan saar la leh Al Shabaab” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Kayd.

Inkasta oo xukuumada Somaliland ay ku andacoon ayso in kooxo xagjir ahi ay dagaalka ka danbeeyaan, ha dana maayarka, xubno kamid ah golaha deegaanka, gar aado iyo siyaasiyiin reer Laascaanood ah ayaa arrintaa beeninaya.

Waxay sheegayaan in millateriga Somaliland uu duq aymo u gaystay masaajido, kaalmo shidaal iyo isbitaalo, duqaymahaas oo jiritaankooda ay xukuumadu gabi ahaanba beenisay.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo cii damo beeleed taabacsan garaadada gobolka, ayaa soc onaya maalintii 4aad oo xidhiidha, xukuumada ayaa she egtay in wali ciidankeedu anay weerar qaadin oo ay is difaac ku jiraan.

Shabaab Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Magaa lada Laascaanood

Al-Shabaab ayaa beenisay hadalkii wasiirka arrim aha dibadda Somaliland ee ahaa in ciidmada Somali land ay la dagaalamayaan ‘aragaxiso, iyo maliishiyaad ku xiran Alshabaab’ waa sida uu hadalka u dhigaye xilli uu waraysi gaar ah siiyey BBC-da qaybteeda focus on Africa, sida ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda ee Somalimemo. al-shabaab ayaa sheegtay inay xaqiijinayso in hada lka kasoo yeeray Somaliland uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, sida lagu baahiy ay Somalimemo.

Al-Shabaab ayaa qoraal ka ay soo saartay ku sheegt ay in aysan aqbaleyn in maga ceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, ma alka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood.

Si kastaba, Waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday /Laascaanood dagaal dhex maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka, dagaalkaas ayaa sab abab barakac ballaaran oo dadku u qaxayaan deegaan nada nabadoon ee u dhawdhaw Laascaanood

XOG: SOMALILAND OO BEDESHAY QORSHAH EEDA DAGA ALKA MAGAALADA LAASCAANOOD

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood, xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay la she egaya in ay bedeshay qorshaheedii weerar ee M/Laasc aanood.

Xogta aan helayno ayaa sheeg aysa in xuddunta qorshaha cusub ee Somaliland uu yahay waddada Yagoori ilaa Dhooddi oo hadda ay sahaydu u soo marto ciidamada Somaliland. Nin lagu magacaabo Mahad Cambaashe oo isagu u xil-saaran ilaalinta sahayda ayaa waxaa loo dhiibay fulinta qorshahan cusub.

Sahayda zu Mahad Cambaashe soo gudibnteeda u xil-saaran yahay ayaa waxaa loo soo wadaa Tukaraq oo ah meesha ay Somaliland weerarka kaga soo qaadayo magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in isbeddelka qor shaha dagaal uu sababay sida uu maamulka Muuse Bi ixi u fasirtay war-murtiyeedkii kasoo baxay Puntland, ka asi oo ay ku cadeysay inaysan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda Laascaanood.

Somaliland waxay u aragta hadalka Puntland mid u fududeynaya inay hub, saanad iyo ciidan ku soo ur ursato si ay u soo weerarto magaalada iyo kuwa kale ay isku hayaan maamulka.

Mahad Cambaashe oo ah ninka Somaliland u xil-saa rtay qorshaha cusub ayaa waxa uu durtaba dhaleeceyn xoogan kala kulmaya beeshiisa, ayaga oo sheegay in shaqada hadda uu hayo ka halis badan tahay tii uu hayay markuu Laascaanood joogay.

"Mahad Cambaashe halis weyn ayuu beeshiisa gali nayaa haddii uu shaqada sahay ilaalinta sii wado waayo dagaalku wuu sii daba-dheeranayaa maadaama hal be el oo Laascaaood degta ay dagaal kula jirto beelo bad an oo isku hayb ah,” ayuu yiri nin la hadlay warbaahinta gudaha oo ku sugan Laascaanood.

Masuul hore uga tirsanaa golaha deegaanka degm ada Laascaanood oo isaguna arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri "Halista qorshaha Tukaraq haddii aan laga hortagin oo aan lagu baraarugin, waxaa dhici doonta isir sifayn uu Muuse Biixi ku taamayo.”

Saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa xiligaan uje edkooda u weyn uu yahay in dagaal uusan ka dhicin ga lbeedka Sool, dhulkaasi oo uu saadku u soo maro ahna meesha ay ciidamada Somaliland ka hagayaan qorsh aha dagaalka Laascaanood.

Dagaalka Laascaanood oo u dhaxeeya ciidamada So maliland iyo kuwa deegaanka oo kasoo horjeeda joogit aankooda magaalada, ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaara ha uu intaas kasii bato, maadaama uu weli socdo dag aalka.

Dagaalka ayaa billowday saacado un kadib markii odayaasha gobolka oo toddobaadyo ku shirsanaa maga alada ay soo saareen go’aanno ay ka mid yihiin inaysan qeyb ka ahayn Somaliland, islamarkaana hoos-tagaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale sheegay in degaanada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo Soomaaliya. Taas oo ay soo dhaweysay dawladda fede raalka oo ayadu hadda qeyb ka ah gurmadka loo fidi nayo dadka reer Laascaanood.

Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidanko oda ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah odayaasha. Hase yeeshee mid ka mid ah oda yaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland.


Somaliland oo xabad joojin uga dhawaaqday Laascaanood

Xukuumadda Somaliland ayaa Shalayeyd ku dha waaqday xabad joojin bilaa shuruud ah oo la xiriirta da gaalka magaalada Laascaanood, kaasi oo socday shan maalin ooo xiriir ah. Go’aankan cu sub ayaa waxaa ku dhawaaqay wa siirka warfaafinta Somaliland oo ay barbar taagan yihiin wasiirada arri maha gudaha iyo gaash aandhiga Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in go’aankan ay Somaliland u qaadatay si ay u muujiso inay diyaar u tahay in doorkeeda ka qaadato dejinta xiis adda, si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

"Mowqifka dowladda ay ka gaadhay waa in ay Soma liland ku baaqdo xabad bilaa shuruud ah ku dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka xukuumad aha an aad uga xun yihiin mashaqada ka dhacday Laasc aanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waa yey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

"Dhibaatada hadba meesha ay taagan tahay ayay ugu yar tahay. Shalay halka ay taagan tahay haddii aan ku af-qabano guul ayaa joogna. Wixii loo dhaafa waa kh saare ka badan kii hore, kaas oo dhankasta taabanaya.”

Waxa intaas kusii daray "Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada jooj iso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan Isimida ku sugan Laascaanood, oo ayagu hore u sheegay in wax wada-hadal ah la gali doonin Somaliland illaa ay ciidam adeedu ka baxaan dhulkooda.

Go’aankan ay Xalay ku dhawaaqday Somaliland ay aa imanaya saacado un kadib markii mucaaridka Som aliland uu ka dalbaday madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo geystay khasaare xoogan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Fay sal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somali land ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed.

"Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabad eedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yir guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sii raaciyay "Dawladdu waa inay fududays aa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ay na samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.”

Go’aanka Somaliland ayaa sidoo kale imanaya, xili uu si weyn isku soo tarayeen baaqyada maxaliga iyo caal amiga ah ee loo dirayo labada dhinac, kaasi oo ku qo tomay in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan, ayada oo afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, halka in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, waxaana la rumeysan yahay in uu khasaaruhu intaas ka sii badan yahay, maadama aan weli tirakoob rasmi ah la sameyn.

Xisbiga Waddani oo soo dhaweeyay xabad joojinta xukuumadu ku dhawaaqday

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, oo soo dhaweeyay xabad joojinta halka dhinac ah ee xuku umada Somaliland ku dhawaaqday.

Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in xisbigiisu soo dhawaynayo xabadjoojinta shuruud la'a anta ah, waxaanu ku baaqay in dhinac yadu ay wadahadal iskugu yimaadaan.

"Xisbiga Waddani wuxuu soo dhaweynayaa xabbad-joojinta ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday. Mar 2aad, Xisbiga Waddani wuxuu ku celinayaa oo uu dirayaa baaq nabadeed iyo in wadahadal ay 2da dhinac miiska isugu yimaaddaan" ayuu yidhi Xirsi. Waxa uu she egay in ay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaataan, wadahadal iyo dadaalkasta oo la doonayo in si nabada loogu dhameeyo xiisada ka taagan M/Laas caanood.Xukuumada Somaliland ayaa Xalay ku dhaw aaqday xabad joojin hal dhinac ah, iyada oo sheegtay in ay joojinayso xabada kadib dhowr cisho oo dagaalo ka socdeen Laascaanood.

Kenya oo soo bandhigtay Magacyada & Sawirada rag katirsan Al-Shabaab oo weeraro geystay

Hoggaanka danbi baarista DCI ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay shacabka inay si iskaa wax u qabso ah u soo gudbiyaan xogta shan eedaysane, oo lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin shabakadaha argagixisada gaar ah aan Ururka Al-Shabaab.

Afar ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen Weeraradii ugu dambeey ay ee ka dhanka ahaa ciidamada ammaanka ee ka dha cay ismaamulka Lamu iyo deegaanka Boni, halka tuhm anaha shanaad uu ku lug lahaa weerarkii lagu hoobtay ee ka dhacay Jaamacadda Garissa sanadkii 2014-kii, kaas oo sababay dhimashada 147 qof oo u badan arday.

"Haddii aad hayso wax macluuma ad ah oo ku saabsan halka ay ku sug an yihiin tuhmanayaasha aan kor ku soo xusnay ee haw lahooda ay khatar weyn ku yihiin ammaanka Kenyaanka aan waxba Shalaysan, ha ka labalabayn inaad nala soo xiriirtaan ayaa lagu yiri ,” Warka kasoo baxay Hay’adda dambi barista Kenya DCI.

Xubnaha ay dowlada Kenya baadi goobeyso oo gaa raya ilaa 5 ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin:

Ramadan Hamisi Kufungwa

Kufungwa ayaa ka amar qaata dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana uu isku dubbaridaa weerarada ka imaanaya Soomaaliya ee lagu bartilmaameedsanayo dadka Kenyaanka ah.

Waa isku xirka Kassim Musa Mwarusi, oo lagu eed eeyay in uu mas’uul ka ahaa fulinta weerarradii Boni iyo dhaqdhaqaaqa dadka la qorayo si ay ugu biiraan Al Sha baab iyo kooxaha kale ee argagixsada ee Kenya.

Ciise Cabdalla Axmed

Axmed oo ka soo jeeday magaalada Malindi ee ism aamulka Kilifi ayaa ku biiray Al Shabaab, waxaana uu u safray Soomaaliya sanadkii 2014-kii.

Dhowr jeer oo hore ayuu ka qeyb qaatay weeraro dalka ka dhacay, waxaana uu ka gaaray darajooyin uu ka mid noqday guutada is qarxinta.

Waxa uu hadda ku hawlan yahay qorsheynta weeraro ka dhan ah bartilmaameedyada dalka gudihiisa.

Axmed Cumar Siciid oo ku magac dheer Dogo Tabi buu, Saciid ayaa sidoo kale ka soo jeeda deegaanka Ma lindi ee ismaamulka Kilifi, waxaana uu sanadkii 2016-kii ku biiray ururka Al-Shabaab, waxaana uu ka tirsanaa gu utada Jaysh Ayman ee garabka sirdoonka Al-Shabaab.

Waxaa lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay weeraro dhowr ah oo ka dhacay Keymaha Boni.

Macallin Yuusuf Xasan Cabdullaahi oo ku magac dheer Isaaq Xasan Cabdullaahi

Cabdullaahi ayaa loo raadinayaa dil saddex macalin lo ogu geystay deegaanka Qarsa ee ismaamulka Wajeer sanadkii 2018-kii iyo dilkii kaaliyihii madaxa deegaanka Gumurey December 2020.

Macalin Cabaas oo ku magac dheer Cabaas Guyo.

Waxaa lala xiriirinayaa qorsheynta weerarkii Jaamacad da Gaarisa ee bishii Abriil 2014 halkaas oo hal 147 qof ay ku naf waayeen weerarro kale oo ka dhacayD/ Kenya

Dowlada Sweden oo diiday in Kitaabka Ilaahay lagu gubo Safaarada Turkiga Dalkaasi

Sweden ayaa diidey in la sameeyo mudaaharaad cusub oo Qur’aanka lagu gubayo afaafka hore ee Safaaradda Turkiga ee Stockholm.

Talaabadan ayaa timid ka dib mar kii heyadda Nabad Sugidda dalkaas ee SÄPO ay ka digtey khatarta sii kordhaysa ee Swed en kaga imaneysa arrintan

Codsiga oo ku saabsanaa bannaanbax dhici lahaa 12 duhurnimo ee Khamiista Shalay ah ayaa ka yimid urur dhagameed ka jira agagaarka Stockholm. Booliiska ayaase diiday isagoo ku sababeeyey inay meesha ka saarayso nidaamka iyo amniga guud ee dalka. "Sida caadiga ah waxa aanu wada hadal la yeelann ay Säpo kahor inta aanan go’aankan gaarin.” ayuu yiri Ola Österling, afhayeenka saxaafadda u qaabilsan Booli iska Stockholm. Allaahu akbar

Xaaji muuse xaaji xasan

Qaramada Midoobay oo ku baaqday gargaar dheera ad ah oo la siiyo Turkiga iyo Suuriya

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ay aa ugu baaqay beesha caalamka in ay lacag badan ku bixiyaan gurmadka loogu talagalay dadkii ku waxyeelo obay dhulgariirkii ka dhacay Turk iga iyo Suuriya.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku dhawaaqay shir deeq ah oo dhacaya todobaadka soo socda,kaas oo ay isugu imaan doonaan dalalka de eq-bixiyayaasha caalamiga ah .

Dhinaca kale,Bangiga Adduunka ayaa u ballan qaad ay Turkiga lacag dhan $1.78-bn oo gargaar soo kaba sho ah.

Kolanyadii ugu horreeyay ee gargaarka Qaramada Midoobay ayaa gaaray waqooyiga-galbeed Suuriya ee ay gacanta ku hayaan mucaaradka, iyadoo aan la soo marin goobaha ay maamusho dowladda Suuriya

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada Turkiga iyo Suuriya ayaa dhaaftay 21,000. Ugu yaraan 17,674 qof ayaa ku dhintay Turkiga, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Fuat Oktay, halka la og yahay in 3,377 ay ku dhinteen Suuriya.

Tirada dadka ku dhintay Turkiga iyo Syria oo gaartay 21-kun

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirradii ka dhacay Tur kiga iyo Suuriya ayaa sii dhaafaya 21,000,xilli ay sii yar aanayaan rajada laga qabo dad nool oo weli ku jira bur burka dhismayaasha.

Ugu yaraan 12,873 qof ayaa ku dhintay Tur kiga, sida ay xaqiij iye en saraakiisha, halka ugu yaraan 3,162 lagu dilay Suuriya.

Rajadii laga qabay in la helo dad ka badbaaday dhul gatriirka ayaa si degdeg ah u sii yaraanaysa, iyadoo dad ka deggan koonfurta bari ee Turkiga iyo waqooyi-gal beed ee Suuriya ay dhaleeceeyay waxa ay ugu yeereen qaabka ay u socdaan dadaallada baadi goobka iyo sam atabbixinta dadka. Iyadoo qabowgu jiro, shaqaalaha sa matabbixintu wa xay weli dadka ka soo saarayaan bur burka maalintii 4aad .

Mexico oo eeyo burburka wax ka baara u soo dirtay Turkiga oo Isniintii ka dhacay dhulgariirka

Caasimadda dalka Mexico waxaa dhowaan ka soo ambabaxay diyaarad ay saran yihiin 16 eey oo ah kuwa ka qeyb qaata howlaha samatabixinta iyo barista dadka xilliyada ay dhacaan dhulgari irada .

Mexico xilliga waxy caan ku tahay dhul gariirada waxayna le edahay kooxo rayid ah iyo mili tari taqasus ku ah arrimaha badbaadinta iyo samatabixi nta kuwaas oo la geeyo meel kasta oo ay masiibo ka dhacdo.

Eeyaha hadda la soo qaaday ayaa ku guuleystay in ay hantaan qalbiyada dadka Mexico xilliguu uu dhacay dhul gariirkii dalkaas ka dhacay 2017kii xilligaas oo ay badbaadiyeen nafo fara badan.

Mid ka mid ah eeyaha oo Frida la yiraahdo ayaa noqot ay mid caan ah oo calami ah ka dib markii la arkay iyad oo burbur ka baaraysa burbur hoostiis gudha magaala da Mexico City xirana kabo boot ah iyo muraayadaha aragga . Ciidamada Badda ayaa ku sharfay eydaasi in ay ba dbaadisay 12 qofisla markaana isla markaana 40 qof ay bannaanka keentay howlgaladii ka dhacay Mexico. Eygaasi Freda ayaa geeriyootay sanadkii horeiyadoo duqowday.

Eeyihii kale ee ay isku kooxda ahaayeen ee ay 2017kii howlgalada ku wada jireen ayaa haatan loo soo qaaday Turkiga . Abaabulkan kooxdan eeyaha tabab aran ayaa loo maray wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mexico si ay gacan u siiyaan dadka Turkiga ee qaarko od laga yaabo in ay weli ku hoos jiraan burburka dhul gariirkaCroatia , Jamhuuriyadda Czech, Jarmalka , Giriigga , liibiya , Poland , Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa sidoo kale keenaya eeyo tababaran

Duqa Barcelona oo waraaq yaab leh u diray ra’iisal wasaaraha Israa’iil

Duqa magaalada Barcelona Ada Colau ayaa jartay xiriirka rasmiga ah ee magaaladeedu ay la leedahay Isr aa’iil, iyada oo ku eedaysay in dalkaasi uu ku kacay "dembiyo la xiriira, midab ta koor ka dhan ah dadka Falastiiniyiinta”.

Go’aanka ay qaadatay maayarka Barce lona ayaa saamayn yar ku yeelanaya Israa’iil, hase ahaatee waxaa tallaabadani keeni doon taa in meesha laga saaro, heshiiska 25 jirsaday ee lagu mataaneeyey Barcelona iyo Tel Aviv.

Magaalada Barcelona oo caan ku ah dhinaca dalxii ska, iyo xataa kooxaha kubadda cagta ee dunida ugu magaca dheer, ayaa tallaabada ay qaaday wuxuu si guud u muujinayaa, dhaleecaynta sii kordhaysa ee ka dhanka ah dalka Israa’iil, taas oo lagu eedaynayo inuu ku kaco falal midab-takoor ah.

Israa’iil ayaa iyadu diiday eedaha loosoo jeediyey, iyada oo ku tilShalayy inay yihiin uun Yuhuud Nacayb.

Maayarka ayaa waraaq u dirtay ra’iisal wasaaraha Isr aa’iil taas oo ay kula socodsiinayso go’aankeeda, iyada oo u sheegtay inay tallaabadani jawaab u tahay, olole xooggan oo ay sameeyeen ururo kala duwan oo maxalli ah iyo kumanaan qof oo u dhaqdhaqaaqa arr



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip