Ma dulmiyaa? Ma isku Dira?Ma daacadaa?ilxumaddii Maanta aan soo arkay ilma fiicneeyn
Shalay waxaan arkay Lo’ badan oo ey hor socdaan Ciidanka ilaalada deegaanku. Nin ayaan weeydiiyay sababta. Waxa uuna igu yiri: Dowladda Hoose ayaa Seminar u qabanee Lo’da. Waan ku qoslay, waana isaga tagay.
Maanta.
Haddii Qofka iska leh uu Lacagtaa bixi waayo 24 Saac gudahood waa la qalayaa. Kii shaabadeysan ee Mar Labaad la soo qabto, halkii lagu arko ayaa lagu qalaa neefka, kalamdaha uu isticmaalay ayaa ahaa: halkii lagu arko ayaa Amarka qaliinka lagu fulinaa, Howlgalkiina waxaa lagu fuliyay 11 Ari ah iyo 50 Lo’ ah. (In kasta oo Galabta intaa ey ka sii badnaaayeen tiradu). ( F.S: 1-14aad).
Waxaan la yaabay kalmadaha uu isticmaalayay ee Howlgalka iyo isla Goobtii ayaa lagu fulinayaa oo aheyd kalmado Sharcigu u isticmaalo burcadda, Laakin Lo’da ku cusub. Waxa uu raaciyay, Hadda kadib Moorada ayaan ugu tageeynaa waana la gowracaa, waa in baadiyaha loo celiyo. Xoolahaa qaar Agoonaa loo lisaa, qaar Qooysas Dan yar ah ayaa iska leh, qaar waxaa leh Rag Ciidan ah oo Mushaarkoodu uuna ku filneyn qooyskooda, Xaasaskooda ayaana Biilka ku kaba dhakhliga Caanaha Lo’da.
Haddii Bilic Magaalo iyo daryeel Bulsho laga fikirayo, Kooliistayaasha joogo meel u muuqato xarunta Dowladda Hoose maa wax loo qabto? .
Caanaha Lo’da Dowladda Hoose waxa ey ka qaadaa Cashuur, kuwa Cowska keeno iyo Gaadiidka lagu soo qaado waxaa laga qaadaa Cashuur. Sida kuwa Cowska Jaadka dibadda ka keeno looga qaado cashuurta Cowska Jaadka.
Haddii Xayawaanku Dhib ku yahay Magaalada, Eeyo xanuunsan ayaa ku saxaroodo wadooyinka, Eeyahaa oo 50 ka badan ayaa wada jiifo Darbiga Dowladda Hoose, Qaar kalena xaafadaha u dhaw. ( F.S: 15-20aad)
Tukaha muuq ahaan ka yar yar keenii hore ee isaga oo Maraakiibta la socdo Hindiya ka yimid ee dhameeya Shimbirihii Magaalada, maa wax laga qabto, iyo Daanyeerada ku ilma dhalay Dhirta ku wareegsan Xarunta Gobalka.
Mid Xoolaha qalaayay ayaa igu yiri: Xoolahaan la qalayo hal qabiil ayaa iska leh. Cidda leh muhim ma ahan, waxaa muhim ah Nolosha muwaadiniinta ku tiirsan Xoolaha. Ma ahan in Nin Baabuur "Bullet proof” ah wato oo leh Habeenkii ayeey wadada nagu cariiriyaan in warkiisa la tix galiyo.
Xooluhu Nadaafadda Magaalada ayeeyba Qeeyb ka qaataan, Maqaayadaha iyo Hoteelada qaar ayaa haraaga Cuntada ku daadiyo Wadada dhaxdeeda, Waxaana ka cuno oo ka nadiifiyo Lo’da Magaalada.
Madaxda Dowladda Hoose ma ogo miyaa. In Dowladda Hoose ee Xamar ey Warmaxan iyo Degmada Yaaqalshiid ey ku leheyd Laba xarumood oo waaweyn oo lagu dhaqo Lo’da, Caanahana laga iibi jiray Madaxdii Qaranka iyo shacabka.
Anigu markii aan Xamar imid Aabe iyo Hooyo iima joogin, waxaan ku jilnaay Habar yarteey Faadumo Hiraabe Siyaad AUN, oo leheyd 5 Sac, caanahooda ayeey ku iibi jiratya Suuqa Ansalooti, iyaga ayeyna nagu Billi jirtay Buugaatana iigu soo iibi jirtay.
Galabta markii aan tagay xarunta lagu xabisay Lo’da. Iridda waxaa safnaa Dad dan yar ah oo Lo’ laga heeysto oo aan iska bixi karin ganaaxa oo ku badnaa, Kuwa leh waxaan nahay masaakiin Hilib ayaan rabnaa iyo Dad weyne kale oo leh waa xaaraan in la cuno Hilibkaan, Gaadiid kale oo uu saarnaa Hilib baceeysan ayaa ka sii baxayay xarunta Ceel Galabta ee Lo’da lagu qalayay. Jidadka hor maro xarunta waa la xiray, iridana waxaa joogay Ciidan Qayilayo. ( F.S:21-29aad)
Gudaha ayaan Fasax iyo in aan sawira karo weeydiistay waana la ii ogolaaday.
Qaabka loo qalayo ima cajabin, waa igala duwanaa Habkii islaamku na faray. Waxaa kale oo la qalayay Lo’ badan oo irmaan ah iyo Weeylo yar yar oo nuugayay, Qaar ayaa markii la qalay laga soo saartay weeylo uurka ku jiray oo saacado kadib dhalan lahaa.
Ciidamada iyo Madaxda qaar waa ka xumaayeen sida wax u socdaan, laakin waxaa ka muuqatay in ey fulinayeen Amar la siiyay. Qaar ayaa igu yiri: Dadkii Xoolaha lahaa qaar ayaa Shalay noola soo baxay Warmo Mariid leh.
Magaalooyin badan oo aan Aduunka ku soo arkay qaarkood Lo’ ayaa wadaayinka joogatay. Magaalada Mogadishu waxaa joogo Dad Lo’du ka nacfi badan tahay.
Waxaa is weeydii mudan:
1. Ma diidani haddii Lo’da dhib loo arkay in xal loo helo, laakin Xal kale miyaa la waayay?
2. Shaqo ma u heysaa, Dadka Noloshoodu ku tiirsan tahay Xoolahaa, kuwa Cowska u keeno iyo Gaadiidka ey ku keenaan?.
3. Haddii aan leeyahay dhul banaan oo qeyb aan dego, qeybna aan ku xirto ma la ii ogol ahay. Marka la i leeyahay Magaalada ka saar? .
4. Adigu ( ma ogtahay, Cadkii Xaaraana ee Jirkaaga Galo in Midi Naareed looga jarayo) Dowladda Hoose ayaa tiri: Hilibkaa waxaa la siinaa, Masaakiinta, Maxaabiista iyo Ciidanka Asluubta. Xoolaha Agoonta, Saqiirada iyo Masaakiinta, Hilibkoodu Diiniyan Xalaal ma yahay ? Dambi ma ku yahay kii Cunay? kii Qeeybiyay? kii qalay? Iyo kii Amray?
5. Howlgalkaan ma laga fulin karaa xaafadaha xamar qaar?.
6. Wakhtigaan oo xaaladda Dalka ee Nabagalyo iyo heerka noloshu ey marayaan meel aad u Adag, Ma la waayay wax Lo’oda ka muhimsan oo nalagu mashquuliyo?.
7. Sagaaradeeyda iyo Bakeylaheyga miyaa loo Dan leeyahay. Qooleydu ma ku jirtaa. Kuwa la isku ganaaxayo?
8. Wadooyinka Magaalada hadda Lo’da ka sokoow, Bilicu makaaga muuqataa?
9. Ma dulmiyaa? Ma Dowladda iyo Dadkaa la isku dirayaa?. Mise waa Howl ummadda danu ugu jirto?.
Haddii Dikareetada la sheegay ee Duqa Magaaladu ey sharci tahay hala raaco. Haddiise eynan aheyn, Heyadaha ka sareeyo ha loo dacwoodo. Dowladda Hoose waxaa ku waajibayo Mag dhaw, iyo ciqaab sharci ah.
FG: Wixii iga khaladan ka sax, Wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir
Ma dulmiyaa? Ma isku Dira?Ma daacadaa?ilxumaddii Maanta aan soo arkay ilma fiicneeyn
...