HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 8-DA FEBARAAYO 2023-KA

0
Wednesday February 08, 2023 - 09:53:24 in Wararka by
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 8-DA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xasan oo si kulul uga hadlay dagaalka Laasca anood iyo xiisadda Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sh. Maxamuud oo Shalay jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa si kulul uga hadlay xaaladda adag ee M/Laas caanood iyo xiisadda kasoo cusbnoonaatay maam ulka Puntland.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhi ntay dagaallada haatan ka socdo M/ Laascaanood, isaga oo shaaca ka qaaday inuu ka xun tahay xiisaddaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shee gay in arrinta Laascaanood ay tahay mid siyaasade ed, xalkeedana ay tahay lagu raadiyo deganaan iyo wadahadal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xalka uu ku jiro midnimada iyo in rabitaankooda loo daayo shacabka ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

"Mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag xalkee du waa xal siyaasadeed in si siyaasad ah loo xaliyo. Siyaasadda guud ee Soomaaliya iyo midnimadeeda lagu raadinayo ayaana xalka Sool & Sanaag uu ku dhex jiraa” ayuu yiri madaxweynaha DFS

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo xabad joojin, kadibna labada dhinac ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xaaladda Laascaanood.

"Rabitaanka dadka hala ixtiraamo qorayga hala dhigo, xabadda hala joojiyo miiska hala’isku yimaado oo hala wada-hadlo,” ayuu mar kale yiri Md.Xasan.

Dhanka kale madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday xaalada siyaas adeed ee kasoo cusboonaatay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Xasan Sh.Maxamuud ayaa ku baaqay in la dajiyo xaaladda, isla-markaana la ilaalinayo nabadda ay caanka ku tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.Waxa kale oo uu farriin u diray odayaa sha dhaq anka ee maamulkaasi, isaga oo ka dalbad ay inay qaataan doorkooda ku aadan sidii loo qaboo jin lahaa xiisaddaasi siyaasadeed.

"Odayaasha dhaqanka ha qaataan kaalinta ay leeyihiin oo ah kaalin nabadeed, haddana ay qaat een, waana ku boggaadinayaa,” ayuu yiri madaxwe yne Xasan Sheekh.

R/Wasaaraha Hamza Abdi Barre ayaa guddoo miyey kulan aan caadi ahayn oo Habeen hore ay yee sheen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka Soo maaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa guddoo miyey kulan aan caadi ahayn oo Habeen hore ay yeesheen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Golaha ayaa wadajir u ansixiyey Xeerka Gaadiid ka Badda oo ay soo gudbis ay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Hindi se-sharciyeedka Horumarin ta iyo Maareynta Kalluumey siga Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraad ka Buluugga ah iyo Heshiiska u dhaxeeya Soomaal iya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ee ku saabsan Iskaashi militari iyo amni, iyo la dagaallanka argagi xisada.

R/Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku am maan ay Wasaaradaha soo diyaariyey xeerarka iyo heshii syada ay ansixiyeen Golaha Xukuumaddu, waxa uu na tilmaamay sida ay muhiimka ugu tahay horu mar ka dalka.

Dhinaca kale, Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu bogaadiyey heshiiskii lagu ga aray shirkii dib u heshiisiinta Koonfur-Galbeed.

Ugu dambeyn Golaha ayaa uga tacsiyeeyay Dowlad da Turkiga iyo shacabkeeda dadka ku dhintay dhul gariirka ku dhuftay waddankaasi, iyaga oo Alle uga baryay inta ku dhimatay naxariistiisa Janno, inta ku dhaawacantayna in caafimaad degdeg ah uu siiyo.---DHAMMAAD---

Xasan oo Aqoonsigooda ka gudoomay safiira da Turkey iyo laba dal oo kale

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Bu rundi iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaa liya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtoo yada Qar anka ayuu Madaxewe ynuhu kaga guddoomay warqadaha Aqoonsiga Dan jireyaasha kala ah, Mudane Ibrahim Me te Yagli, Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Marwo Evelyne Hab onimana, Danjiraha Cusub ee Burundi iyo Mudane Sassanit Tangulrat oo ah Danjiraha cusub ee dalka Thailand u fadhin doona dalkeenna.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaag ay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hogg aanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Somaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaa sha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay DFS la leeyihiin dalalkoodu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa is-dul taagay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaag ga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul lo oga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey shacabka iyo dowladda Turkiga dhul-gariirkii ka dhacay dalkaas, waxa uuna muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada ula qeybsanayaan.

Dhul-gariir galaaftay nolosha kumanaan qof ayaa ka dhacay dalka Turkiga, waxayna dowladda Soom aaliya ku jirtay dowladaha ugu horeeyey ee ka tacsi yeeyey musiibadaas.

Soomaaliya ayaa saaxiib dhow la ah dowladaha Turkiga iyo Thailand oo laba ka mid ah safiirradaan ay ka socdeen, halka Burundi ay ciidamo ka joogaan dalkeenna, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midow ga Afrika ee ATMIS.

Farmaajo oo xiriir la sameeyay odayaa sha SSC kadibna

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Md. Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan dibad joog ah ayaa war xasa asi ah kasoo saaray xaalada murugsan ee ka taagan magaalada Laascaanood.

Farmaajo ayaa marka hore tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay dagaalka dib uga qarxay magaa ladaasi, kaas oo u dhexeeyo ciid amada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

"Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageyda da ahaa ee ku naf-waayey xaaladda colaadeed ee ka taagan magaal ada Laas caanood, aniga oo Alle u weydiin aya in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa,” ayuu yiri mad axweynihii hore.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu khadka talef oonka kula hadlay odayaasha dhaqanka ee SSC, is la-markaana uu la wadaagay tacsida dadkii lagu dilay magaalada Laascaanood.

"Waxaan si gaar ah murugada tacsida ula wada agay Madax-dhaqameedka Deegaanka oo aan khad ka talefoonka kula hadlay,” ayuu markale sii raaciyey Maxamed Farmaajo.

Dhanka kale waxa uu baaq kasoo saaray xaalad da magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaas aysan xamili karin colaado horleh.

"Shacabka ku dhaqan magaalada Laas caanood iyo guud ahaan dadka Soomaali yeed ee awalba la daalaadhacayey colaad aha, Shalay ma xamili kara an colaad iyo dhibaato hor leh, sidaas awgeed waxa an ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo dirirta,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dagaal ka ka socdo Laascaanood uu galay maalintii labaad oo xiriir ah, kaas oo saameyn ku yeeshay dadka sha cabka ah ee magaaladaasi.

Si kastaba, dagaalkan ayaa sababay khas aare xoogleh oo isugu jiro dhimasho, dhaa wac iyo sidoo kale burbur xoogan oo soo gaaray goobihii lagu dag aalamay ee Laascaanood.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulan la qaataysa fiirka midowga yurub u fadhiya Soomaliya

Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa M/ Muq disho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ay aa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mrs, Tiina Intelmann.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta iskaa shiga ka dhaxee ya Maamulka Gobolka Banaa dir iyo Mid ow ga Yurub, gaar ahaan horuma rrinta Amn iga, dib-u dhiska goo baha Danta Gu ud, bilicda Ca asimadda, shaqa abuu rka Dhal linyar ada,maar eenta Baraka cayaa sha iyo Qaxoot iga.

Kulankan ayaa si doo kale waxa looga hadlay hoos u daa dajinta adeeg yada Bulshada, naleynta magaalada, diyaarinta doo rashooyinka gol ayaasha dee gaanka, iyo Maqaamka Caasimadda.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimah ada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrim aha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xam se Aadan Xaadoow ayaa Shalay kulan kula yeeshay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda danjiraha dowladda Qatar ee Soomaa liya Amb. Abdullah bin Sal em Al Nuaimi.

Xoghayaha Joogtada ah iyo safiirka ayaa ka wada had lay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda isk aashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada Diblumaasiyad da, horumarinta iyo gargaarka.

Md. Xamse Aadan Xaadoow iyo danjire Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa sidoo kale isla soo qaaday bo oqashada Madaxweynaha J FS Md. Dr.Xasan Sh. Maxamuud uu horraanta bisha Maarso ku tegi doono dalka Qatar, iyadoo safiirku uu xoghayaha la wadaag ay diyaar garowga ay dowladdiisu ugu jirto soo dho weynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Kulankan labada mas’uul waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Habmaamuuska qaranka Abukaate Xirsi Xaaji Culusow iyo agaasimaha waaxda Carabta wasaaradda Arrimaha dibadda Md.Mustaf Aadan Dagaal, iyo sidoo kale saraakiil ka socotay safaarad da Qatar.

Xubno katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda

Labo Xubnood oo sare sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu kala magacaabo Cabduqaadir Yu usuf Aadan (Sahal) iyo Salaad Maxamed Ganees( Xamza ) ayaa isku soodhiibey Ciidanka Xoogga Dal ka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad.

labadan xubnood waxaa ay mudo 6-sano ay ka tirsanaaye en Al-Sha bab iyagoo ka qeyb qaatey Daga alo dhowr ah oo ka dhacay Gobol lada Dalka Soom aaliya. Labada Xubno od oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka codsanayaan inay cafiyaan Shacab kii ay dhibaateeyeen intii ay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.


Xildhibaan Habeen hore lqgu dilay magaalada Muqdiasho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa Habeen hore mag aalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenley ku dilay Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo katir sanaa baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa xildhibaan Isaaq Maxamed ku dhuftay dhoor xa badood, iyagoona dilka kaddib goobta isaga baxsa day, ciidamada ammaanka oo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaana ku guuleesan soo qabashada koo xda dilka geesatay.

Madaxweynaha dowlad goboleed ka Jubaland Mudane Axmed Maxam ed Islaam ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii uu ka baxay Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo Habeen hore lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowso ehe lkii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka bax ayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo.

Dilka Habeen hore magaalada Muqdisho loogu geestay xildhibaankan katirsanaa baarlamaanka Jubbaland ayaa imaanaya, xilli isbuuc kahor sidan oo kale Muq disho loogu dilay wasiir katirsaneyd dowlad gobol eedka Jubbaland.

DF oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag uga hada shay xiisadda dagaal ee ka taagan gudaha magaa lada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo sababtay khasaare xoogan.

War-saxaafadeedkan oo uu warba ahinta u aqriyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Axmed Macallin Fiqi ayaa lagu shaaciyay mowqifka do wladda ee arrinta Laascaanood.

Ugu horreyn dowladda Soomaaliya ayaa sheeg tay inay aad uga xun tahay dagaallada ka socdo hal kaasi, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

"Dowladda federaalka waxa ay ka xun tahay dag aallada halkaasi ka dilaacay ee geysanayaa khasa araha nafeed, barakaca Ummadeed iyo burburka” ayuu lagu yiri qoraalka Fiqi.

Wasiirka oo sii wada aqrinta bayaanka ayaa she egay in xaaladda ka taagan Laascaanood ay salka ku heyso arrin siyaasadeed, wuxuuna ka digay in la sii wado dhibaateynta shacabka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya war-saxaafadee dkan ku shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda haatan ka taagan magaalada Laascaanood, waxay na sheegtay in uu xil ka saaran yahay ilaalinta midni mada dhuleed iyo tan badeed Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya.

Dowladda dhexe ayaa sidoo kale xustay inay so dhaweyneyso go’aanka kasoo baxay Isimada SSC iyo sidoo kale rabitaanka reer Laascaanood oo Dorraad ku dhawaaqay inay hoostagayaan dowladda federaalka, isla-markaana aysan kasii mid ahaaneyn Somaliland.

"Dowladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yah ay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaan ka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ku baaqday in la dajiyo xiisadda haatan ka aloolsan ma gaaladaasi, wax welibana lagu dhammeeyo wada-hadal iyo degnaan.

Ugu dambeyn waxaa war-saxaafadeedkani farriin loogu daray hay’adaha Samafalka iyo kuwa Caalami ga ah oo laga dalbaday inay u gurmadaan dadkii ka barakacay Laascaanood.

G/le Sare Xasan Cali Nuur ” Shu ute ” Gudoomiy aha Maxkamada Daraj ada 1 ee CQS Afka furtay

G/le Sare Xasan Cali Nuur ” Shuute ” Gudoomiy aha Maxkamada Darajada 1 ee CQS ee Soomaaliya oo Daboolka ka qaaday in Maxkamadu dardargalin doonto Toogashada.

” Tusbax Furtay ayey noqotay fulinta Xukunada Toogashada ee ay qaadeyso Maxkamada Mi latariga cidii bilaa micno qof u di shana tiirka la geyn doonaa ” ayuu yiri Col Xasan Shuute oo ka hadlayay munaa sabad ay Soo qaban qaabiyeen Taliska Ciidanka Booliska oo.looga hadlayay Xoojinta Amaanka iyo wada shaqeynta Booliska iyo Maxkamada Milata riga.

” war askariyow fariintaan aan jeedinayo ee fulin ta Toogashada ay dardarfalisay Maxkamada CQS ee Soomaaliya qaado oo gasho gows dambeedka gana ku degdegin in Si macno daro ah aad u disho Shacabka aad u adeegeyso iyo askariga aad wada shaqeyneysaan ” ayuu yiri taliye col shuute oo ugu baaqay askarta bikaa micno darada wax u dileysa in ay joojiyaan kana tarjumaan magaca sharfan ee Qar anka oo ay huwan yihiin.

Taliyaha maxkamada Darajada 1 ee CQS ee Soo maaliya Col Shuute waxa uu hoosta ka xariiqay in ful inta Xukunada Toogashada ay noqdeen tusbax go ay ayna Maxkamadu dardargalin doonto

DF oo amar ka dhan ah Al-Shabaab dul dhigtay mu’adimiinta masaajidda

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ayaa soo saartay amarro Imaamyada iyo Khadiibya da masaajidda looga digayo inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda oo xoojisay amarro horay uga soo baxay ayaa soo saartay amarro seddax qodob ah oo digniin adag loogu dirayo culum ada, gaar ah aan khadiibyada iyo imaamy ada masaajidda.

Wasiiradda diinta ayaa culum ada uga digtay in ay la macaa milaan kooxda Al-Shabaab, sidoo kale amarkaan ay aa quseeya qof kasta oo doonaya inuu la macaamilo kooxda Al-Shabaab.

Qodobada ayaa u dhignaa sidaan:

1 – in habayaraatee wax marmarsiiyo ah aan loo heyn nooc kasta oo la macaamil Khawaarij ah.

2 – In Imaamyada, Khadiibyada, Mu’adimiinta iyo culimada kale ay ka feejignaadaan dhagarta koo xaha Khawaarijta ah, una hoggaansamaan awaam iirta dowladda.

3 – In dadka shacabka ah ay ka fogaadaan goob aha ay gabaadka ka dhigtaan Khawaarijta oo mar walba bartilmaameed u ah dowladda.

Wasaaradda diinta ee XFS ayaan qoraalkaan ku shaacin sababta ka dambeysa inay soo saarto good intaan ku socota culumada, gaar ahaan imaamyada iyo mu’adimiinta masaajidda dalka.

Wasiirka diinta Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa loo arkaa nin muhiim u ah dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab, kaas oo taaban aya dhinacyada diinta, dhaqaalaha iyo furimaha dagaalka oo hormar muuqda ay dowla ddu ka sameysay.

Hoos ka eeg warqadda

Xildhibaano War kasoo saaray dagaalka Magaalada Laas-Caanood

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka kana soo jeeda Gobollada Sanaag iyo Haylaan ee degaa nnada Puntland oo war ka soo saaray xaaladda Laascaa no od ayaa ugu baaq ey in dowl adda Soomaaliya in ay cadday so mowqifkeeda ay na garab istaagto calanka bulu ugga ah.

Xildhibaannada oo gaaraya ilaa lix mu dsne ayaa soo dhoweeyey aaya-ka-tashiga deegaannada SSC, iyaga oo ugu baaqey dadka deegaannada Sanaag iyo Haylaan in ay garab istaagaan dadka kunool Gob olk Sool.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeed ay soo saareen.

Dib u dhac ku yimid Diiwaan gelin doorasho ee gobolka Nugaal

Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Puntl and, ayaa la filayay Shalay inay ka bilaabaan diiwaan gelin doorasho ee gobolka Nugaal, balse ay markale Shalay dib u dhacday.

Sababaha ugu weyn ee keenay dib u dhaca ayaa lagu sheegay in uu weli taagan yahay khilaaf gacan ka hadal dhaliyey oo dha cay shaley, kaas oo u dhaxeeya ciidamo diidan diiwaan gelinta doorasha da, iyo kuwo ilaalo ka ha ya goob ay ku sugan yi hiin hawl wadeenada doorashada.

Ciidamada is khilaafsan, ayaa kala joogga meelo isku dhow oo ku yaalla magaalada Garoowe, wax aana taasi ay cabsi ku abuurtay dadka Shacabka ah ee kunool Magaalada.

Qaar kamid a Isimada Gobolka Nugaal ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in xal laga gaarao khilaafka doorashooyinka la xiriira ee ka taagan Gobolka Nugaal, labada Ciidan aysan u dagaalamin.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka sare oo kala hadlay Wasiirka Caafimaadka XFS horumarinta caafimaadka

Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrim aha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aq alka Sare ayaa Shalay xafiiskooda ugu yeeray mas’ uuliyiinta Wasaaradda Caa fimaadka iyo Daryeelka Bul shada oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaar adda Md. Cali Xa aji Aadan.

Kulanka oo ahaa si xog -waray si, kala war qaada sho iyo su’ aalo waydiin ayaa si gaar ah diiradda loo gu saaray Cafimaad ka Dalka, tayada Dawooyinka isbitaalada, dhaqaatiirta, masha ariicda caafimaad ee Dalka ka socda, iyo qorshaha caafimaad ee wasaar adda uga deggan Degmooyinka iyo deegaanada la ga xorre eyay Khawaarijta Al shabaab. Kulanka oo ku soo dhamaaday sidii loo qorshe eyay ayaa la isku raacay in la isla jaanqaadaan gud diga iyo Wasaarad da, si loo gaaro daryeel Bulsho oo dhamaystiran

Garaadada Laascaanood oo bogaadiyay dowlada Soomaaliya

Isimadii Laascaanood shirku uga socday ayaa dowlada Soomaaliya ku bogaadiyay taageerada ay u muujisay qodobadii shirkooda kasoo baxay.

Garaad afka isimada ku hadlay, ayaa dowlada Soo maaliya uga mahadceliyay taageerada ay u muujisay qodobadii kasoo baxay shirka garaadada ee Laascaanood.

"Aad aad ayaanu ugu faraxsana hay in ay dowladu soo dhaway say go'aamadii kasoo baxay shirkii garaadada SSC, waanu taageerayna waxaanu leenahay waad mahadsantihiin, madaxweynaha, wa siirka arrimaha guddaha iyo dhamaan xukumada ar rinta waa ku bogaadinaynaa".

Dhinaca kale, Ciidamada Somaliland ayuu ku eed eeyay in ay dagaal magaalada kusoo qaadeen subax dii hore ee Shalay, isla markaana ay madaafiic ku gar aaceen, goobo dad rayid ahi daganyihiin, isagoo she egay in madaafiic kusoo dhacday isbitaalka Laasca anood.

Xukuumada Somaliland ayaa dhankeeda shee gtay in ciidamada garaadada taageersan, ciidamo Pu ntland ka yimid iyo kooxo argagixiso ah oo anay car abaabin ay weerar kusoo qaadeen fadhiisimada ciidamada.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalka Shalay ka dhashay, dhawaqa rasaasta ayaa la ma qlayaa isla markaana adeega korontada ayaa ilaa Dorraad ka maqan magaalada Laascaanood.

Beesha Caalamka oo war culus kasoo saartay xiisadda magaalada Laascaanood

Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan ay uga jawaabayaan dagaal ka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo maalintiisii labaad gal ay.

Beesha Caalamka ayaa qora alkeeda baaq deg deg ah ugu dirtay dhinacyada ku dagaal amaya Laascaanood, iyadoo lagu soo hadal qaaday dhibaatooyinka soo gaaray dadka rayidka ah.

Qoraalka ayaa ugu horeyn lagu yiri, "Saaxiibada beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan rabshad aha haatan Laascaanood ka socda ee sababay wa xyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.”

Sidoo kale beesha caalamka ayaa ugu baaqday Somaliland iyo dagaalyahanada beesha degta Laas caanood inay isugu yimaadaan miiska wadahadalka oo la joojiyo xabadda, iyadoo si gaar ah shacabka lo ogu turayo.

"Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qab oojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aad amnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay beesha caa lamka.

Xiisad adag ayaa ka taagan magaalada Laascaa nood, tobanaan qof aya alagu dilay gacan ka hadal ka socda weli, kumanaan qoys ayaa ka barakacay, halka duqeyn culus oo Somaliland ay gudaha mag aalada ka geysatay lagu laayey dad rayid u badan.

Maleeshiyaad hubeysan oo ka soo jeeda magaalada, balse si cad u diidan in maamulka Somaliland uu sii xukumo Laascaanood ayaa ka dhex dagaalamaya magaalada, kuwaas oo ku guuleystay in qeybo bad an oo magaalada ah ay ka saaraan ciidamada Som aliland.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay arrinta La ascaanood waxay ka istaagtay mowqif horay loo fil ayey, waxayna ku baaqday in dadka dagaalamaya ay is xaliyaan inta aysan dhiigooda dhulka isaga qu bin.

Si lamid ah dowladda ayey beesha caalamku wa dahadal ugu yeertay dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood, qadiyadda ka jirta deegaankaas wa xay dadka falanqeeya siyaasadda ku tilmaamayaan in xalku uu ku imaan karo wadahadal oo kaliya.

Bayaankaan waxaa wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afr ika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jab uuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ire land, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Brit ain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Dagaal markale ka dhacay Laas-Caanood & Somaliland oo ka hadashay

Dagaal ayaa Shalay markale ka dhacay Magaal ada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeyay Ciida mada Somali lamd iyo Ciidamada degaanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wa saaradda Arrimaha Gudaha Xukuum adda Soomaaliland loogana hadlay dagaalka ayaa waxaa lagu sheegay in Shalay ay Ciidamadooda soo weerareen Kooxo Argagaxiso ah oo ay taageerayaan Ciidamada Puntland.

” Waxaa Shalay 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii Dorraad subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Wasa aradda.

Kooxahan Argagixisada ah ee Shalay soo ware era ray Fadhiisimada Ciidanka , waxaa taageer aya Ciid amo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaa soo si toosa ugu jira dagaalka Shalay, waxaa kale oo iya na dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Kha atumo ayay sidoo kale tiri Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale u sheegtay Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaa macada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Pu tland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira.

” Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo hor umar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabke eda ka difaacdo cadawga ku soo duulay. Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Putland dag aal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fariisimada Ciidamada Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka Qaranku diyaar u yihiin is difaac ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka Somaliland.

Faahfaahino kasoo baxaya weerar khas aare gey stay oo ka dhacay M/Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad kooban oo Habeen hore degmada Heliwaa ku dhe xmaray ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo rag hub eysan oo la sheegay iney ka tirsanayeen kooxda Al-shabaab.

Iska hor imaadka ayaa dhac ay kadib markii ragga huby san oo ahaa sadax ruux ay weerar ku qaadeen barkoon tarool oo ciidanka Booliiska ku lahayeen Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir oo war qoraal ah kasoo saaray weerarkaasi waxay sheegeen in ciidanka ay iska difaaceen, islamarka anka ciidanka halkaasi ku dileen mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday oo watay qoriga loo yaqaano Baasuukaha.

"Kooxdaan Khawaarijta ah ee weerarka kusoo qa aday Barta Kontorool ee ciidanku ka sugayaan am niga ayaa isku dayay in ay la dagaalamaan ciidanka, balse ciidanka ayaa mid kamid toogtay, dhagarqab aha la toogtay ayaa watay qori RBG ah oo hadda ay la wareegeen ciidanka booliska Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir.Majirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada weerar kaan Habeen hore ka dhacay degmada Heliwaa, waxuuna ku soo beegmaya weerarkan iyadoo ciidamada dowl adda Soomaaliya ay si weyn u kordhiyeen mudooyin kii dambe howlgalada xiliga habeenkii ah ay ka sam eeyaan xaafadaha iyo degmooyinka magaalada Muqdisho.

Xaafad ku dhow garoonka magaalada Muqdi sho oo gubatay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa haatan la ga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dab xoogan oo Habeen hore sadqii dhexe ka kacay agagaar ka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/ Muq disho.

Dabka oo geystay khas aare ha ntiy eed oo xoog leh ayaa ka kacay guryo ku yaalla xaafadd a Kalluunka oo ku dhow xeyn daab ka xarada Xalane ama garoonka magaalada Muqd isho.

Wararka ayaa sheegaya in goor dambe lagu guu leystay daminta dabkan, kadib gurmad ay sameey een dadka deegaanka iyo gaadiidka dab-damiska ee maamulka gobolka Banaadir.

Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la had ashay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in dab ka an uu khasaare culus ka soo gaaray qoysas dan-yar ah oo ku nool xaafaddaasi.

"Horta hanti ma koobi karno dad masaakiin ahay ey u badnaayeen oo ilmahooda la xoogsada, koley waxay cuni lahaayeen, waxay cabi lahaayeen, waxa ay xiran lahaayeen iyo wax ay koglan lahaayeen wa xa uga baxay malaha” ayey tiri hooyo daggan Kal lu unka.

Sidoo kale wiil kamid ah dadka deegaanka isna hadlay ayaa sheegay inay gubteen ugu yaraan illaa 4 guri, isla-markaana uu dabka ka dhashay Koronto .

"Dabka waxa uu ka billowday Koronto inta mee sha ku basbeeshayna waa illaa afar guri,” ayuu yiri wiilka dhalinyarada ah oo sidoo kale kamid ahaa dad kii gurmadka sameeyay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dabkan uu sababay dayacaad ay sameeyeen qolada Korontada, isaga oo sheegay in horay loogu wargeliyay ciladda dhalisay dabka.

"Cidda waxa ay innoo sheegeen in Korontada ma almo kahor ay haleysneyd ay wiilasha farsamaya qa anada u waceen ayna isku dayeen inay hagaajiya an, balse hadda isla meeshii ay ka dayactireen uu dabka ka kacay waana dayacaad xagga Korontada ah” ayuu raaciyay.

Si kastaba, habeeno kahor ayey aheyd markii uu gubanayay Suuqa weyn ee Bakaaraha oo uu isna qabsaday dab ka dhashay Koronto, kaas oo ay ku hanti-beeleen ganacsato badan.

Dhimashada dhul-gariirka Turkey iyo Syria oo dhaaftay 5,000

gurmadka ee Turkey iyo Syria, oo ku shaqeynaya cimilo aad u qabow, ayaa weli wada inay dadka ka raadiyaan burb urka dhismayaasha, ayada oo khasa araha dhimasho ee dhul-gariirkii Dorraad ku dhu ftay uu dhaafay 5,000 oo qof.

Hay’adaha maareynta mus iib ooyinka ayaa sheegay in ku manaan dhisme, oo ku yaalla magaalooyinka gobol aad u ba axad weyn, ay dhulka la sinme en. Burburka ugu weyn ayaa ka dhacay xarunta dhu l-gariirka oo ah inta u dhaxeysa gobolka Kahram anmaras iyo Gaziantep, oo ah magaalo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof.

Turkey ayaa tiradii ugu dambeysay ee dhima sha da dalkaas ku sheegtay 3,419 — taasi khasaaraha dhimasho ee illaa hadda la xaqiijiyey ee Turkey iyo Syria ka dhigeysa 5,021.

Waxaa jirta cabsi ku aadan in khasaaraha uu inta as aad uga badan karo, ayada oo saraakiisha Urur ka Caafimaadka Adduunka (WHO) ay qiyaasayaan in laga yaabo in 20,000 oo qof ay dhinteen.

Kooxaha caafimaadka ayaa la xarbinaya inay daw eeyaan qiyaastii 20,000 oo qof oo dhaawac ah.

Dhul-gariirkii koowaad oo aad u xoog badnaa ay aa laga dareemay illaa Greenland, waxaana xigay ku wo yar yar oo uu ku jiro mid cabirkiisu aha 7.5, kaasi oo ku dhuftay xilli ay kooxaha gurmadka ku jireen ba

adigobka dadka ku waxyeeloobay dhul-gariirkii 1aad

Puntland oo cambaareysay dagaalka ka socda Laas-Caanood iskana fogeysay ku lug lahaa nshaha

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleed ka Puntland ayaa sheegtay in, iyada oo ka duulaysa dagaalka gumaadka ah ee ay Maamulka Somaliland ka waddo Magaalada Laascaanood soo saartay qodobada hoos ku xusan:-

1.Puntland waxay cambaareynay saa xasuuqa ay Ciidamada Maa mulka Somaliland ka wadaan Magaalada Laascaano iyo dee gaanada hoos yimaada. Waa nasiib darro in Maamu lka Somaliland ku tilmaamaan Shacabka Magaalada Laascaano iyo hogaankooda dhaqanka in ay yihiin Argagixiso.

2. Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka ahayn dagaalka ka socda Magaalada Laascaano od, uuna yahay dagaal dadka Shacabka ah ee Reer Laascaanood ay isaga difaacayaan gumaadka ay ku hayaan Ciidamada Somaliland ee muddada 15ka sano ahayd ku haysta Shacabka Magaalada Laasca ano caburin, dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kale ba si ay qori caaraddiis ugu khasbaan rabitaankooda gooni goos adka ah, una hor istaagaan midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

3.Puntland, sidii ay horeyba u sheegtay, waxay soo dhaweynaysaa in dadka Deegaanka oo ay hog aaminayaan Isimada dhaqanka ay aayahooda ka tashadaan.

4. Puntland waxay magacaabaysaa Guddi dadka deegaanka kala shaqeeya gurmadka iyo taakuleynta arrimaha bini’aadantinimada. Sidoo kale, Puntland waxay hay’adaha Caalamiga ah ugu yeeraysaa in ay gacan ka geystaan sidii gargaar deg deg loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaalka Magaalada Laa scaano iyo kuwa dhaawacmayba.

5. Waxaan Maamulka Somaliland ugu baaqey naa in ay si deg deg ah u joojiso gumaadka ay dadka shacabka ah ku hayso, kalana baxdo ciidankeeda Laascaano iyo deegaanada kale ee Gobolka.

Somaliland oo sheegatay inay maxaabiis ku qabs atay dagaalka iyo siday ka yeeshay

Xukuumadda Somaliland oo Shalayeyd war ka soo saartay dagaalka Laascaanood ayaa shaacisay inay sii deysay maxaabiis ay ku qabsatay dagaalka socda, kuwaasi oo dhaawac kasoo gaaray dagaalka.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta ahna Afhaye enka xukuumadda Som aliland ayaa sheegay in maxaabiista lasii daayay Shalay ay ahaayeen ku wa deegaanka, islamarkaana lagu wareejiyay ehelad ooda.

"Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo ku jira iska difaacidda weerarada kaga imanaya kooxaha Argagixisadu waxa ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo iskugu jira argagixiso, ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland iyo dad deega anka ah oo la soo qalday,” ayuu yiri.

"Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay siidaysay maxaabiistii u dhalatay deegaanka kuna dhawaacmay dagaalka ka socda Laascaanood oo eheladoodii lagu wareejiyay Shalay.”

Maxaabiista uu sheegay in Somaliland ay gacanta ku dhigeen ayaa waxay iskugu jiraan argagixiso iyo ciidanka PSF ee dowlad-goboleedka Puntland, lam ana oga waxa ay ka yeelayaan maxaabiista kale marka laga reebo kuwa deegaanka oo lasii daayay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Som aliland ay ku jiraan is-difaac ka dhan ah weeraro uu sheegay in ay ka imanayaan kooxo argagixiso ah, ay ada oo la ogyahay in dagaalka u dhaxeeyo ciidama da Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa markale Shalay aroortii hore uu dagaal culus dib uga qarxay gudaha magaalada, kaasi oo la she egay inay soo qaadeen ciidamada Somaliland oo be egsaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada SSC-Khaatuma. Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan, waxaa na la soo wariyay in dagaalka socdo uu ka xoogan yahay kii Dorraad, islamarkaana uu ku fiday xaafado hor leh. Dadka deegaanka ayaa shee gay inay soo waja hday cabsi xoogan, maadaama uu dagalku is qabsa day dhowr jiho ah oo Magalada ah.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa sababay dhimashada illaa afartameeyo qof, halka dhaawac ana uu ka badan yahay intaasi, waxaana ku jira dad shacab ah oo aan waxba Shalaysan.

Madasha siyaasadda puntland oo ugu baaqday dowladda puntland inay difaacdo laascaanood

Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku miday san yihiin hoggaamiyeyaal isbeddel-doon ah ayaa si adag u dhaleeceeyay weerarka ciidanka Somaliland ku soo qaadeen M/Laasc aanood oo uu ka socday shir madax-dhaqameedka SSC uga tashana yeen aayahooda.

"Madasha Siyaasadda Puntland waxay canbaa ray naysaa weerarkii qaa wanaa ee maamulka Soma liland Shalay ku soo qaadeen magaalada Laasca anood ee gobolka Sool

. Madashu waxay soo dhaweynaysaa si buuxdana u taageersantahay go’aamada ay soo saareen isi mada, cuqaasha iyo waxgaradka SSC-Khatumo iyo guddigii farsmo ee ay magacaabeen kuwaas oo soo saaray go’aamo ay u dhanyihiin. Sidoo kale waxaa ay madashu ugu baqaysaa hoggaanka Puntland in uu guto wajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ila alinta badqabka shacabka SSC-Khatumo” ayay Mad ashu ku caddaysay warsaxaafadeedka.

Shalay ayay ciidanka Somaliland soo weerareen Laascaanood si ay u carqaladeeyaan warmurtiy eedka ay soo saareen madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo oo ku shirsanaa magaalada.

Masuul ka tirsan degmada Waabari oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa Shalay toogasho ku dilay gu doomiye waaxeed ka tirsan Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. Marxuum Cabdi Mu use (Cabdi Olol) oo ahaa gud oomiyihii waaxda 1da Maajo ee degmada Waaberi ayaa lagu dilay wadada Via-Liberia oo ka tirsan deg madaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ragga dilka gey stay oo bastoolado ku hub eysnaa ay goobta ka baxs adeen markiiba.

Sida caadada ah ciidamada amaanka dowlada Somalia ay aa gaaray goobta uu di lku ka dhacay, halkaasoo ay ka wada an baaritaano, laman sheegin illaa hadda cid loo soo xiray dilkan.

Cabdi Olol ayaa ka soo kabsaday dhaawac halis ah oo kooxo hubeysan ugu ge ysteen degmadiisa, kuwaasoo meyd ahaan uga tagay dhaaw aciisa balse ka badbaaday, dabayaaqadii sanadkii 2021.

Laamaha amaanka DF iyo Maamulka gobolka Ba naadir iyo kan degmada Waaberi ayaan weli ka hadl in dilka Cabdi Olol oo ahaa nin si weyn loogayaqa ano degmada Waaberi

Iskuul ku yaalla Kenya oo sharci ka dhigay in gabdhaha timaha laga xiiro Qaar ka mid ah ardayda cusub ee sanadka 1aad ee dugsiyada sare u tagaya iskuulada ku yaalla galb eedka Kenya, ayaa timaha laga xiiray, si ay ugu hog gaansamaan xeerka "dharka” ee adag.

Ardaydan cusub oo ay galbinayaan waalidiinto oda iyo mas’uuliyiintooda, ayaa safaf dhaadheer u ga lay miisas kala duwan, si ay u maraan nidaamka ogo laanshaha, kuwa lagu helo inay timo dhaadheer leeyi hiin, ayaa loo diray koox timo-jareyaal ah.

"Ku soo dhawaada iskuulka gab dhaha u gaarka ah ee Kereri, hab laha halkan u jooga waa inay mar aan hab raacyada looggu ogola anayo ku biirista iskuulka, haddii aad timo dheer leedihiin, waa siy aasadda dugsiga in la idinka xii ro,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta iskuulka, si da ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

TV maxali ah, ayaa baahiyay muuqaal ardayda wax ka baranaysa iskuulka oo timahooda laga xiir ayo.

Qaar kamid ah dadka falan qeeyey sheekadan, ayaa dhaleeceeyay dugsiga hoyga ah ee ismaamul ka Kisii, iyaga oo sheegay in uu diirada saarayo arr imo aan muhiim ahayn, halkii ay awoodda saari laha ayeen daryeelka ardayda.

Sharciyada adag ee lebbiska, ayaa waxay ku ba dan yihiin xarumaha waxbarashada ee dalka Kenya, oo ay ku jiraan jaamacadaha qaar.

Mucaaradka Itoobiya oo sheegay in wali ciidamo Eritariyaan ah ay kusugan yihiin gobolka Tigreega

Afhayeenka jabhadda Tigreega (TPLF) ee, Get achew Reda, ayaa sheegay in inkastoo ay si ab aabulan uga baxeen ciidamada Eritrea gobolka Tig ray, ay haddana "cutubyo yar yar” weli ku harsan yih iin gob olka.

Getachew ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu la qaatay warbaahinta maxali ga ah, kadib kulankii ugu horeey ay ee ay yeeshaan saraaki isha kooxda TPLF iyo Ra’iisul wasa araha Itoobiya Abiy A xmed, sida uu baahiyay TV-ga Tigreega ee ay maa musho TPLF.

"Inkasta oo ay jirtay marar ay si habaysan uga baxeen [ciidamada Ereteriya] gobolka Tigreega, had dana waxa jirta in cutubyo yar ay marna soo galaan, marna baxaan, taasna waa in si buuxda wax loogga qabto,” ayuu yiri Getachew.

Waxa uu intaa ku daray inay isku afgarteen kul ankii toddobaadkii hore ay la yeesheen ra’iisul wasa are Abiy Ahmed, in ciidamo federaal ah la geeyo de egaanada xuduudka la leh dalka Eritrea "si loo sugo amniga, taasoo qeyb ka ah heshiiskii lagu gaarey ma gaaladda Pretoria, ee ah midka [nabadda] keenay”.

Midowga Afrika ayaa bishii November ee sanadkii hore ee 2022-ka kasoo shaqeeyey heshiis dhex ma ray kooxda TPLF iyo dawladda Itoobiya, si loo soo afj aro colaada, iyo in dib looggu soo celiyo adeegyadii aasaasiga ahaa gobolka Tigreega.

Ciyaaryahan Christian Atsu oo laga soo saaray burburka dhismo "isaga oo dhaawac ah, kadib markii shalay uu ku dhuftay dhulgariir dalka Turkiga

Ciyaaryahan Christian Atsu, ayaa laga soo saaray burburka dhismo "isaga oo dhaawac ah,” kadib mar kii Dorraad uu ku dhuftay dhulgariir dalka Turkiga, sida uu idaacadda Tur kiga ku xige enka madaxa kooxdi isa, Mustafa Özat.

Atsu, oo u ciyaara kooxda Hatays por, ayaa ku xa yirmay dhulgariirkii ay ku dhinteen ugu yaraan 4,800 oo qof. Weeraryaha nkii hore ee Ghana, oo 31 jir ah, ayaa 107 kulan u ci yaaray kooxda Newcas tle, waxa ana uu waqtiyo la soo qa atay kooxaha Chel sea, Everton iyo Bourne mouth.

Aggaasimaha ciyaaraha ee Hatayspor, Taner Sav ut, ayaa weli ku sugan dhismaha dumay. Xatay ayaa ka mid ah deegaanada ugu dhow goobta xudunta u ah dhul gariirka, waxaana soo gaaray burbur xoogan.

"Christian Atsu waxaa laga soo saaray burburka isa goo dhaawac ah,” Özat, ayaa u sheegay Radyo Gol. Atsu, oo u guuleystay 65 jeer kooxdiisa qaranka ee dalka Ghana, ayaa ku biiray Hatayspor Sebtembar 2022, kadib xilli ciyaareed uu la qaatay kooxda Saudi



MUSE BIIXI: TALO IGA HOO..!!


Somaliland nabad-galyada ay haysato waa mid dadka somalilnad degan ay ka shaqeeyeen, isla mar kaana midhah eedii ay guran ayaan. Lkn nab ad-glayad aas faa’iidadeedu ku ma koobna reer Somalialnd kal iya ee Somali oo dhan ayaa ka faa’iidaysata, ug ana faa’iidaysata siya abo badan oo ay ka mid tahay ku dayasho, ku noolaansho, iyo la tartamid. Sidoo kale, markii gobol somaaliyeed uu khal-khal iyo xasilooni la’a an ay ka dhacdo, dhibkiisu Somali oo dhan ayuu gaadhi, haba loo kala badnaadee.

Maqaalkan waxaan markii hore ugu talo galay inaan kaga hadlo arrin maalin dhoweyd ka dhacday Borama, Lkn maadaama arrintii Laas Caanood cirka isku shareer tay, dhowr kalmadoodd ayaan ka odhan Laas Caanood.

Madaxweyne Biixiyow, nasiib darro, waxaad cagta saartay waddadii ay ku burburtay dowladiii M.S. Barre.

Markii uu M.S. Barre sawaariikhda ku garaacayay Ha rge isa, wuxuu lahaa waxaan bad-baadinayaa midnima da qaranka Somaliyeed. Adiguna hadda waxaad leeda hay "Laas Caanood ama aniga ayaa xukumi, ama dhul ka ay aan la simi!, si aan u badbaadiyo midnimada qar anka Somaliland” Arrintaasi way u shaqayn weyday M.S .Bar re, adigana kuu shaqayn mayso. Dorraad Shalay u ekaa! Dad badan ayaa meelo badan ku sheegay, oo ka aga digay, oo yidhi, "Waxaad adigu Dorraad ka diiday M.S. Barre, Shalay adiga lagaa yeeli maayo!” Midda ka le, nimaan kuu furi doonin, yuusan kuu rarin. Ismaaciil Cumar Geelle oo dadkii Jabouti khaati ka taagan yihiin, Laas Caanood waxba kaagama qaban karo, ee yuusan jar kaa tuurin. Dowladii M.S. Barre kuma burburin Xam ar, ee waxay burburtay maalintii ay Hargeysa ku qaaday dagaalkii lagu hoobtay. Hadaad maantta Laas Caanood dagaal ku qaado, tii M.S. Barre iyo dowladii Somaliya ku dhacday ayaa idinku dhici adiga & Somaliland. Caqligu ha shaqeeyo.

Taa, intaas ayaan kaga baxay.

Bishan Feb.4, 2023, Shaqaaqo ayaa ka dhacday magaalada Boorama. Taas oo salka ku haysay dad dhalin-yaro ah, oo rag iyo dumar isugu jira, ayaa isu soo baxay iyagoo sheegay inay doonayaan inay xusaan dad kii Boorama iyo Dila lagu laayay bishii Feb. 1991, laynt aas oo lagu eedeeyay inay ka dambaysay jabhadii SNM.

Dhallin-yarada Borama waxay ku doodayaan in mar haddii dadkii isaaqa ahaa ee dowladdii Maxamed Siy aad Barre laysay taalooyin loo dhisay, inay iyaguna xaq u leeyihiin in dadkii Gadaboursiga ahaa ee lagu laayay Borama inay xusaan. Dooda ay dhalinyaradani soo jeedi yeen, waa mid macquul ah, oo cadaalad ku dhisan oo qof kasta oo maskax fayow uu gran karo. Lkn nasiib da rro, dowladdii Somaliand gaashaanka aya ku dhufatay, oo sida wararku sheegayaan, dhalinyaradii qaarna jeel asha ayaa loo taxaabay, qaarna waa la kala caydhiyay.

Arrinta dadkan Borama ku dhintay, dabcan waxay ga rab socotaa midda dadkii ku dhintay Hargeisa. Marka ka soo qaad, u fiirso, waxaan idhi kasoo qaad, haddii dad ka Borama lagu laayay ay dili lahayd dowladdii Maxam ed Siyaad Barre, sida ay u dishay dadkii ku noolaa Har geisa, oo dabadeedna kuwii Hargeisa lagu laayayna taa looyin loo sameeyay, ku wii Awdal lagu dilayna la yidha ahdo lagama hadli karo, arrintaasi waxay ahaan lahayd dulmi.

Waayo taasi waxay ka dhignaan lahayd in dadka re er Hargeisa ka sareeyaan, ama ka qiimo badan yihiin dadka Borama.

Lkn marka dadkii Borama lagu laayay ay ka dambay say Jabahadii SNM, ee madaxweyne Muse Biixi uu qay bta ka ahaa, in dadka reer Borama lagu yidhaahdo ka ma hadli kartaan oo ma xusi kartaan dadkii ay SNM idin ka laysay, dulmigii wuu sii xoogaysanayaa oo wuxuu no qonayaa laba-jibaar. Arrintani waxay bannaanka usoo saaraysaa dowladdii Somaliland ee 30 sano lahayd waa nala laayay, ee taalooyinka u dhistay dadkii laga laayay, inay Shalay tidhaahdo "Dadkii annagu aan Borama ku laynay lagama hadli karo” ceeb iyo sumcad-xumo weyn ayay u tahay dowladda Somaliland. Waxaa laga yaabaa in lays wey-diiyo oo la yidhaahdo, "30 kii sano ee lasoo dhaafay reer Borama arrintan kama aysan hadline, uje edadoodu

maxay tahay?, oo maxaa soo kiciyay Shalay?”

Runtii waa su’aal macquul ah, jawaabteeduna waa mid fudud. Waana sidan: 30 kii sano ee lasoo dhaafay, reer Borama way ogaayeen inay tahay dulmi in dadkii Isaaq laga laayayna taalooyin loo dhiso, kuwii Gadab oursi laga laayayn aan waxba laga soo qaadin. Lkn dur uurfta ayaan u saamixin inay arrintan hadda ka hor ka hadlaan. Hadda duruurfta ayaa is badeshay. Taas aya ana keentay inay xaqoodiina u kacaan.

Ceebaha Somaalida waxaa ka mid ah inaan wax walba qabiil ku turjunno sida dulmi iyo cadaaladda, IWM. Tusaale, haddii uu qof ka hadlo dulmi ka taagan magaalo Somaaliyeed, waxaan caado u leenahay in qaar badan oo inaga mid ah, aysan fiirinin waxa qofku sheegay inuu sax yahay iyo in kale, balse ay is wayd iiyaan qofka hadlaya qabiilkiisa, dabadeedna yidhaahd aan, oo maxaa ka galay arrinta ka taagan Baydhaba iyo Beled-Weyne? Dulmigu qabiil ma leh. Qof kasta oo So maliyeedna xil ayaa ka saaran in haddii uu arko dulmi inuu ka hadlo, oo ku baaqo in dulmiga la joojiyo. Taasi waxay caawinaysaa qofka dulmanaha ah. Marka haddii dad badan ay dulmigaaas ka hadlaan, ninkii dulmiga waday wuu baraarugayaa, oo danta ayaa ku kallifaysa inuu dulmiga joojiyo.

Arrintan Borama ka taagan waxay I xusuusisay muuq aal ka mid ahaa Riwaayadii caanka ahayd ee Xorriyo, ee uu sameeyay AUN Maxamud Cabdullahi Singub. Wa xay doodi dhex martay nin gumayste ah, oo aanan xusu usanin cidii matalaysay iyo nin Somali ah, oo uu matala yay AUN Maxamed Cumar Huryo. Doodii sidan ayay u dhacday:

Gumayste: Habeen hore waa habeenkII ay hooyayday dhalatay.

Huryo: oo aniga hooyaday goormay dhalatay?

Gumayste: war ma hooyadaa iyo hooyaday ayaad sim aysaa?!

Huryo: ok, ka soco….

Gumayste:dhalashada hooyaday ayaan u dabaal dagayaaye, hablihiinii u yeedh.

Huryo: oo habilhiinii meeye ama aaway?

Gumayste: war annaga hablahayagu waa cirka!

Huryo: oo kuwayaga ayaa hadaa faraajin ah?

Huryo: hadda waxaad tidhi :

---Islaantu islaantii haka ayaan roonaato.

---Inantu inantii intaas ha dheeraato.

---Idinkuna aniga amarkayga abidkiinba maqla.

---Innaa lillaah! War dadka miyaanu ilaahay wada abu uran??

Somaalidu way is taqaanaa. Waxyaabaha qabiilka issaaq lagu yaqaano oo ay ku fiican yihiin waxaa ka mid ah, khalad iskuma-wada-raacaan, oo way is qabtaan. Tusaalaha ugu dhow ee arrintan caddaynaya wuxuu ku saabsan yahay dhibaatada ka taagan magaalada Laas Caanood. Waxaad baraha bulshada ku arki dad badan oo Isaaq ah, oo r



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip