
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur " Shuute " Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1 ee CQS Afka furtay
,,
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur ” Shuute ” Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1 ee CQS ee Soomaaliya oo Daboolka ka qaaday in Maxkamadu dardargalin doonto Toogashada.
” Tusbax Furtay ayey noqotay fulinta Xukunada Toogashada ee ay qaadeyso Maxkamada Milatariga cidii bilaa micno qof u dishana tiirka la geyn doonaa ” ayuu yiri Col Xasan Shuute oo ka hadlayay munaasabad ay Soo qaban qaabiyeen Taliska Ciidanka Booliska oo.looga hadlayay Xoojinta Amaanka iyo wada shaqeynta Booliska iyo Maxkamada Milatariga.
” war askariyow fariintaan aan jeedinayo ee fulinta Toogashada ay dardarfalisay Maxkamada CQS ee Soomaaliya qaado oo gasho gows dambeedka gana ku degdegin in Si macno daro ah aad u disho Shacabka aad u adeegeyso iyo askariga aad wada shaqeyneysaan ” ayuu yiri taliye col shuute oo ugu baaqay askarta bikaa micno darada wax u dileysa inay joojiyaan kana tarjumaan magaca sharfan ee Qaranka oo ay huwan yihiin.
Taliyaha maxkamada Darajada 1 ee CQS ee Soomaaliya Col Shuute waxa uu hoosta ka xariiqay in fulinta Xukunada Toogashada ay noqdeen tusbax go ay ayna Maxkamadu dardargalin doonto
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur " Shuute " Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1 ee CQS Afka furtay
,,