Cayaar yahan caan ah oo laga soo saaray burburka dhismayaashii dhulgariirku saameeyay

1
Tuesday February 07, 2023 - 13:08:14 in Wararka by
  • Visits: 1411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cayaar yahan caan ah oo laga soo saaray burburka dhismayaashii dhulgariirku saameeyay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciyaaryahan Christian Atsu, ayaa laga soo saaray burburka dhismo "isaga oo dhaawac ah,” kadib markii shalay uu ku dhuftay dhulgariir dalka Turkiga, sida uu idaacadda Turkiga ku xigeenka madaxa kooxdiisa, Mustafa Özat.

Atsu, oo u ciyaara kooxda Hatayspor, ayaa ku xayirmay dhulgariirkii ay ku dhinteen ugu yaraan 4,800 oo qof.

Weeraryahankii hore ee Ghana, oo 31 jir ah, ayaa 107 kulan u ciyaaray kooxda Newcastle, waxaana uu waqtiyo lasoo qaatay kooxaha Chelsea, Everton iyo Bournemouth.

Aggaasimaha ciyaaraha ee Hatayspor, Taner Savut, ayaa weli ku sugan dhismaha dumay.

Xatay ayaa ka mid ah deegaanada ugu dhow goobta xudunta u ah dhul gariirka, waxaana soo gaaray burbur xoogan.

"Christian Atsu waxaa laga soo saaray burburka isagoo dhaawac ah,” Özat, ayaa u sheegay Radyo Gol.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip