HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 7-DA FEBARAAYO 2023-KA

0
Tuesday February 07, 2023 - 08:51:31 in Wararka by
  • Visits: 423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 7-DA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhul Gariir ka dhacay Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Dowladda iyo Shacabka Turkiga oo la dhibaatoonaya dhul gariir khasaare badan geestay oo dalkaas ku dhuftay.

"Anigoo ku hadlaya magaca shac abka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan shacabka iyo dowladda Turkiga uga tacsiyeynayaa dhulgari irkii ka dhacay Kahramanmaraş oo laga dareemay gobollo badan oo Turkiga ah,Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa intii ku dhimatay, intii ku dhaawacanta yna waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah” ay uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacab ka Turkiga kadib markii subaxnimadii hore ee Shalay uu dhulgariir xooggan ku dhuftay degmada Pazarcik ee gobolka Kahramanmaras ee koonfurta dalkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa loogu tacsiyadeeyay dowladda iyo Sha cabka Turkiga.

RW Xamse oo guddoomiyay Shir looga had layay la dagaalanka Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoo miyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dal ka. Wasaaradaha Gaash aandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nab adsugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maalgelinta Al-Shabaab, iya da oo sheegtay in la xiray Akoonno bangi ee hor leh oo ay adeegsan jireen, taas oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaall amo.

R/Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa hoos ta ka xarriiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin la gu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay Al-Shabaab ku tiirsan yihiin. Waxuuna faray dhammaan hey’a daha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan Xarun ta Warbixinnada Maaliyadeed ee (FRC).

R/Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Taliyaha cusub ee Booliska oo amar siiyay saraa kiisha iyo Taliyeyaasha kale

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gu uto Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan Taliye ku xigeennadiisa ayaa Shalay kulan looga hadlay xoo jinta amniga la qaatay Taliyeyaa sha hoggaamada & fadhiyada ma daxa-ban naan ee Ciidanka.

Sarreeye Guuto Sulub Firin ay aa isbarasho iyo kala waraadasho kaddib warbixin guud oo amniga la xiriirta ka dhag eystay Taliyeyaa sha Hoggaamada & Fadhiyada Mad axa-bannaan si ay ula wadaagaan qorshaha lagu su gayo amniga Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/ Guuto Sulub Axmed Firin ayaa saraakiisha uu la kul may faray in ay kordhiyaan adkeynta amniga Caasim adda & in ay xoojiyaan iska warqabka dhexdooda.

S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa 4tii Febar aayo 2023 xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliya Sarreeya Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo lagu baddelay oo 26kii Janaayo 2023 lagu baddelay kaddib markii Golaha Wasiirada XFS uu ansixiyay Taliyaha cusub.Sulub Axmed Firin ayaa ballanqaaday in uu darda rgelinayo howlaha lagu sugayo amniga M/Muqdisho, isku xirka Ciidamada Booliiska heer Federaal & Heer Dowlad-Goboleed, wax ka qabashada duruufaha jira & horumarinta ciidamada iyo saraakiishooda.

Madaxweynaha dalka Iraq oo martiqaad ras mi ah ka helay Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Ciraaq Laif Rashiid ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Sooma aliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu shee gay war kasoo baxay madaxtooyada Iraq.

Casuumadan ayaa waxaa soo gaarsiiyey Safiir ka Soomaaliya u fadhiya Baqdaad Liibaan Sheekh Maxamuud oo uu qaabilay Ma daxweyn aha Ciraaq, sida lagu sheegay war ka soo baxay Ma daxtooyada Ciraaq.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ah ee ka dhexeeya dalalkooda.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa mahad elin u jeediyay dalka Ciraaq, wuxuuna rajee ynayaa in dib loo furo safaaradda Ciraaq ee Muqd isho, isagoo intaas ku daray muhiimadda ay leedah ay horumarinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinac yada beeraha iyo ganacsiga.

Casuumada uu fidiyay Madaxweynaha Soomaali ya ayaa loo arkaa tallaabo loo qaaday dhanka sare u qaadista xiriirka labada dal, isla markaana bog cusub u furaya xiriirkooda diblomaasiyadeed.

R/wasarahii hore Md. Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay colaada ka aloosan G/Sool

Bismilaah, Waxaan aad uga xumahay colaadda iyo dagaalka Shalay dib uga soo cusboonaaday ma gaalada Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah. Waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan ehelada iyo qaraabada dadka shacabka ah ee geeriyooday, waxaanna Allah uga baryayaa in uu Jannaddii ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu u boogo-dhayo

Waxaan ugu baaqayaa Maamulka So maliland, madaxda, Isimadda iyo du ubabka dhaqanka, aqoon’yahanka iyo siyaasiyiinta reer laasacaanood in dagaalka si deg-deg ah loo joojiyo, la na ilaaliyo rabi taanka iyo xuquuqda shacabka ku nool Gobolka Sool.

Hey’adaha gargaarka waxaan ugu baaqayaa in ay u guntadaan sidii daaweyn, gurmad iyo samatabix in deg-deg ah loogu samayn lahaa dadka shacabka ah ee waxyeeladu kasoo gaareen dagaalka.

DFS waxaa masuuliyad dastuuri ahi ka saaran ta hay ilaalinta midnimada Dalka iyo badqabka shacab ka Soomaaliyeed

Xildhibaanada BF oo Shalay ansixiyay sharciga NISA

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo Shalay kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda Mu qdisho ayaa meel-mariyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka kaas oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha mars iiyeen illaa sa ddex akhrin oo ay uga doodaye en Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Illaa 144 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh ugu co deeyay sharcisan, waxaana ka aamusay saddex xil dhibaan waxaana diiday hal mudane sida uu shaa ciyay gudoonka Baarlamaanka.

53 sano kadib Shalay ayey NISA yeelatay sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaas oo lagula xisaab tami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awo odeeda.

Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo siddeed bil lood xafiiska jooga ayaa Golaha Wasiirada horgeey ay sharciga NISA, taas oo golaha wasiirada ay ansixi yeen kadibna loo soo gudbiyay Baarlamaanka Soom aaliya oo Shalay isuguna ansixiyay, weliba cod aq labiyad leh.Sidoo kale sharcigan ayaa toos ugu sii gu dbi doono Xubnaha Golaha Aqalka Sare, si ay uga doodaan, una meel mariyaan, kadibna xafiis ka mad axweynaha, si uu u saxiixo.

dhinaca kale agaasimaha guud ee NISA, Mahad Maxamed Salaad oo isla-markiiba ka falceliyay go’a anka Baarlamaanka ayaa uga mahadceliyay ansixin ta sharcigan. Sidoo kale Mahad Salaad ayaa farriin u diray gud doonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare isaga oo ka codsaday inay iyaguna meel-mari yaan sharcigaan, si ay ugu shaqeyso NISA.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sharcig an uu muhiim u yahay amniga qaranka iyo sidoo kale la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Soomaaliya oo lagu wareejinaayo furaha ha gista Duulimaadyada hawada dalka

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Ha wada ee XFS Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal oo ay wehliyaan Safiirka JFS ee dalka Kenya iyo maare eyaha Hay’adda Duulista Rayidka Somaliya ayaa Kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Afrika iyo Barriga dhexe ee hey’adda Duulimaad yada Caalami ga ee IATA Mr. Kamil Al-Awadhi.

Shirka ayaa dhinacyadu is ku raaceen in wixii ha dda ka dambeeya Soomaaliya lagu wareejiyo Code-ka lagu Jaro Tikidhada Gaadiidka isticmaa la Hawa da Soomaaliya oo markii hore aysan heysan.

Wasiirka G&D/H/XFS Marwo Fardowso ayaa she egay in heshiiskan Soomaaliya lagu wareejiyo Code-ka lagu Jaro Tikidhada Gaadiidka isticmaala Hawada Soomaaliya uu yahay mid miro-dhal ah oo muhiim ah hawada iyo duulimaadyada Soomaliya.

Kulanka ayaa dhan kale looga hadlay xoojinta isk aashiga hey’adda Duulimaadyada Caala miga ee IATA iyo hey’adda duullista rayidka ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la isla meeldhigay in la soo celiyo mataalada iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA.

Madaxweyne ku xigeenka Afrika iyo Barriga dhexe ee hey’adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA Mr.Kamil Al-Awadhi oo ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya horumarka ballaaran ee Soomaaliya ka gaartay dhanka hawada gaar ahaan in hawada Soomaaliya ay si rasmi ah ugu wareegto heerka ugu sareeya ee qiimeynta Caalamiga ah ayaa sheegay in heshiiskaan uu isku soo dhaweynayo Soomaaliya iyo hey’adda IATA.

Hawada Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ugu guuleysatay inay u wareegto heerka ugu sarreeya ee qiimeynta caalamka (Class A), taas oo ka dhigan in badqabka duulimaadyada hawada Soomaaliya ay gaartay meeshii ugu sareysay, waxaana ku soo dhiir anaya diyaarado badan oo caalami ah.

Wasaaradda waxbarashadda XFS oo daah furtay tartanka 3000 oo Macallin

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliin ta Sare (WWH&TS) ee DFS iyadoo fulinaysa amarka Madaxweynaha

JFS Md.Xasan Sh.Maxamuud, sidoo kalena gudanaysa waajib aadkeeda dastuuriga ah ee baah inta waxbarashada aas-aasiga ah si ubad kasta oo Somaliyeed oo gaaray da’da waxbarashada uu u he lo waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah waxay wa saaraddu shaqaaleysiinaysaa 3000 Macallin oo ka hawlgeli doona D/Goboleedyada & G/ Banadir.

Haddaba si loo helo macallimiin leh aqoon & khibr ad ku filan oo ay wax Ku baraan ubadka Somaliyed, WWH&TS waxay ballanqaadaysaa in shaqaal aysiin ta macallimiinta loo mari doono hannaan daahfuran, kana fog eex iyo qof jeclaysi.

Munaasabadaan oo lagu daahfurayay hanaanka qaadashada mucalimiinta waxaa kasoo qaybgalay Wasiirada waxbarashada Dowlada dhexe iyo D/Go boleedyada, Wasiiro xildhibaanada 2 Golle ee Baar lamaanka iyo Qaar kamida barayaasha waxbarasha da dalka.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray dagaalka Laascaanood

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaal iya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Ca bdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay dagaalka Shalay ka qarxay Laascaano od. Ergeyga ayaa waxa uu ayaan-da rro iyo wax laga xumaado ku tilmaa may dagaalka Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somalil and iyo kuwa dadka deegaanka.

Waxa uu ku baaqay in colaadda dagaal ee Laasca anood si degdeg ah loo joojiyo, isaga oo xusay in ar rinta taagan ay tahay mid xalkeedu siyaasad yahay oo wada-hadal iyo wada-xaajood u baahan.

"Waxaan ku baaqayaa in colaadda degdeg loo joo jiyo. Waxaan Alla uga baryayaa inuu dadkii ku dhin tay naxariistiisa siiyo, kuwa ku dhaawacmayna caafi yo, kuwa hanti beelayna uu ciwad celiyo,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay "Awood is maquunis Irid ugama furna. Sida aan midnimada Soomaaliya awood sheegad lagu gaari karin, kala go’eedana xoog laguma keeni karo.”

Ergayga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in DFS uu xil ka saaran yahay ilaalinta madax-banaan ida, midnimada iyo wada-jirka dhulka Soomaaliya, ta asi oo ka dhigan in loo baahan yahay fara-gelin dhan keeda ah oo la xiriirta xiisada Laascaanood ee daga alka isku rogtay.

"Allaha dadkeenna gaarsiiyo xili uu caqligu caadhif ada ka adagyahay, siyaasadda qaran ay tan haybta ah ka xoog badan tahay, qiyamka madaniga ahna ay kuwa qabiilka ka sareeyaan.”

Iska hor-imaadka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13 qof, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa la sheegayaa inay jiraan dhaawacyo kale.

Dhaawacyada ayaa waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaan ood Dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo odayaa sha iyo waxgaradka SSC ay soo saareen go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay si toos ah u hoostagaan DFS ayna u taagan yihiin midnimo.

Madaxda sare ee DFS ayaa illaa hadda ka hadlin dagaalka Laascaanood, ayada oo dadka reer Khaatu mo ay sheegeen inay ka mid yihiin dhul weynaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS oo kulan la yeesh ay Bulshada M/ Wabxo ee Galgaduud

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS Xasan Macalin Maxamuud oo uu wehliyo wasiiru dowlaha Gaashaandhigga iyo Wasiir ka Cadaaladda Galmudug ayaa kulan la qaatay qe ybaha kala duwan ee Bulshada M/Baxdo ee G/Galg aduud.

Kulanka ayaa looga hadlay baahiy aha bulshada Reer Baxdo u qabaan W/Cadaaladda &garsoorka,iyagoo na wasiirka la wadaagay, Wasiirka Cadaaladda ayaana bulshada u she egay in dowladdu ka jawaabeyso intii ay awoodo baahiyaha bulshadu soo bandhigeen.

WWC & Arrimaha Dastuurka ee XFS Xasan Macalin Maxamuud oo dhawan gaaray Galmudug ayaa kula mo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulsha da deegaanka iyo mas’uuliyiinta D/G/Galmudug, wa xaana diiradda lagu saaraya kulamadaas dadaallada lagu daadajinayo nidaamka garsoorka, isla markaa na qiimeyn guud ku in lagu sameeyo heerka caddaa ladd deegaanada laga xoreeyay khawaarijta.

Deni oo magacaabay Xeerliyaaha guud ee DG Puntland & Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku magacaabay Xeer Ilaal iyaha Guud ee Dowladda Puntlnad iyo Guddoom iyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiy ada Culus.

Saciid Dani ayaa Axmed Maxamed Yusuf (Taaraan) u magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud oo ahaa Guddomiya ha Maxkamadda Sarre Puntland, isaga oo xilka ka qaaday xeer ilaaliyaha guud Maxamuud Xasan Aw-cismaan.

Sidoo kale wareegtda ka soo baxday Madaxtoo yada Puntland ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda C/Q/Sida & Denbiyada Culus ee D/Gobaleedka Pun tland loogu magacaabay G/le sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyna ha ayaa lagu sheegay in "Xeerkani uu dhaqan gela yaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxi ixay” sida lagu yiri wareegtada uu soo saaray Mada xweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga oo raali gelin ka bixiyey gabood-falladii ay hor ay u geysa tay Hay’adda Sirdoonka NISA

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo Shalay ka hor hadlay xildhi baanada Golaha shacabka markii ay sharciga NISA ansixiyeen ka dib, ayaa Raali gelin ka bixiyey gabo od-falladii ay horay u geysatay hey’daas.

Wasiir Xagaa ayaa sheegay inuu ka xunyahay in magaca hey’adda NISA horay dhibaatooyin badan lo ogu geystay, isagoo sheegay inuu ka xunyahay wax yaabihii xumaa ee horay u dhacay.

"Xildhibaan kasta oo u codeeyey sharcigaan wux uu ku metelayey beeshiisa, si dhibaatada looga leexi yo dadkiisa, waxaad tirtirteen magac xumadii lagu sa meeyey hey’addaan, waxaan ka raali gelinayaa dadkii Soo maaliyeed ee magaca hey’ad da NISA dhibaatada loogu geys tay,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya.

Wasiir Xagaa ayaa sheegay in wax weyn ay ka dhigan tahay in 53 sano kadib ay Shalay suurta-ga shay in la sharciyeeyo hey’adda NISA oo muhiim u ah amniga qaranka.

Sharcigaan oo ahaa mid xasaasi ah ayey G/Shac abku marsiiyeen 3 Akhrin oo ay uga doodayeen qo dobada qaar ee sharcigaan oo noqonaya kii ugu hor reeyey oo ay yeelato NISA.

3 maalmood oo dood iyo akhrin ah kadib 144 xildhi baan ayaa sharcisan si aqlabiyad leh ugu codeeyay Shalay, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan, waxaa na diiday hal md., sida uu shaaciyay gudoonka gol aha shacabka.

Dhinaca kale Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad oo isla Shalay ka falceliyay go’aanka Baar lamaanka ayaa uga mahad celiyay ansixinta sharci gaan.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa farriin u diray gud doonka iyo senatorrada Aqalka Sare, isaga oo ka co dsaday inay iyaguna meel-mariyaan sharcigaan, si ay ugu shaqeyso NISA.

Mahad Salaad wuxuu hoosta ka xariiqay in sharcig aan uu muhiim u yahay amniga qaranka iyo la dagaa lanka kooxda Al-Shabaab oo hadda hadafka 1aad u ah dowladda Soomaaliya.

Faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

Dagaalka ka socda M/Laascaanood ee u dhaxe eya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC ayaa geystay khasaare dhim asho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dadka shacabka ah, marka laga tago dhinacyada dagaaalamaya.

Khasaaraha ugu weyn ee warbaahintu ay tebinay so ayaa ah, geerida 7 carruur ah iyo hooyadood oo iyaga oo ku sugan hoygooda uu haleelay mid kamid ah madaafiicda ay isku adeeg sanayeen dhinacyada dagaalamaya Dhacdadan ayaa kamid ahayd dhacd ooyinkii naxdin lahaa ee lagasoo tebiyay M/Laascaanood, halkaas oo uu weli ka socdo dagaal aad u xooggan oo sababay dhimashada taboneeyo qof iyo dhaawac intaas kasii badan.

Dadkii Magaalada horey ugu sugnaa ayaa kasii baracakaya guryahooda, kadib markii hoobiyayaal ay kusoo dhaceen xaafadaha qaar, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo burbur ah. Dhinacyada dagaalamaya ayaa midba midka kale ku eed eynaya masuliyada dagaalka.

Dagaalka ayaa kusoo aaday kadib markii Shalay isimada SSC ay shaaciyeen go’ aano masiiri ah oo kasoo baxay shirkii maalmahan uga socday magaalada Laascaanood.

Waxay sheegeen inay gobolada SSC hadda kadib ka tirsan yihiin oo ay hoos imaanayaan DFS, laguna xukumidoono dastuurka KMG ag ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa ka hortimid go’aanadan, iyadoo garaadada shirsan ku tilmaamtay nabad diid ka shaq eynaya hurinta colaadda gobolka Sool.

Iskusoo wada duuboo, weli si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda Laascaanood. Isbitaalada ayaa la gaarsiiyay ti ro badan oo maydad iyo dhaawac ah. Saraakiil laba da dhinac ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dagaalka.

Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Uga as Kha liif ee magaalada Baledweyne oo la hakiyay

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye ayaa soo saaray amar lagu hakinaayo duul imaadyada diyaaradaha sida maalin laha ah uga dagi jiray garoonka diya aradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

War qoraal oo kasoo baxay Xafiiska Wasaar adda Gaa diidka iyo Duulista Hawada maamulka Hirshabeelle ay aa lagu sheegay in hakinta duulimaadyada diyaaradaha garoonka Baledw eyne ay la xariirto dib u dayactir lagu samey nayo garoonka oo socon doonta mudo hal todob aad ah oo ka bilaabaneysa Shalay oo Isniin ah, islamarkaana ku eg Isniinta dambe.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Baledweyne ay soo gaareen wafdi ay hoggaamineysay Wasiirka Wasaarad da Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Fardowsa Cism aan Cigaal, kuwaas oo Baled weyne u yimid qiimeynta dhismaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baledweyne.

Wasiiradda iyo wafdigii la socday ayaana kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay garo onka diyaaradaha Ugaas Khaliif, waxayna sheegtay in burburka ka muuq da qeybta diyaaradaha ku ordaan awgiis halis ugu jiro garoonka in uu xirmo, iyadoona balan qaaday in maal mo ka dib wajiga koobaad ee dhismaha garoonka uu bil aaban doono, lana hakin doono dhamaan duulimaadya da diyaaradaha.

Garoonka diyaaradaha Baledweyne oo ka mid ah gar oomada ugu duulimaadyada badan Soomaaliya ayaa sa nad walba xirma marka la gaaro xili roobaadka, maada ma garoonka ay dhex fariistaan biyaha roobka, hayee shee lama oga waxa uu ka badali doono dhismahaan ay haatan hormuudka ka tahay dowladda Soomaa liya ee lagu dayactiraayo garoonka Ugaas Khal iif ee magaa lada Baledweyne.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaa radda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirsha beelle:-

DAGAALKA SHABAAB OO BISHII SIDEE DAAD GALAY IYO XASUUSTA XAGAAGII 2016 (WARBIXIN)

Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dagaalka socda ayaa waxa uu galay bishii siddeedaad, waxayna dowladda federaalka isku diyaarineysa inay furimo cusub ka furto Koonfurta Soomaaliya, sida uu ku dhawaa qay wasiirka difaaca.

Taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ismaaciil Daahir Cismaan oo la hadlay VOA ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay sameysay dib u gurasho tan iyo markii ay dowladda bilowday taageerida ciidamada deegaanka.

Ismaaciil ayaa waxa uu sheegay in dagaalkan siddeed billood jirsaday uu soo ifbixiyay daciifn imada kooxda Al-Shabaab oo sanado badan ka talineysay qeybo badan oo Soomaaliya.

"Tan iyo markii uu billowday duullaanka dowlad du ay ku taageerayso shacabka deegaanka, kuwaasi oo qaati ka taagan cadaadiska kooxda, waxay Al-Shabaab luminaysay deegaano iyo tuulooyin ay horay uga sugnaayeen gobolada dhexe,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, waxaa jira aragtiyo ay qabaan dadka qaar oo ah in Shabaab ay soo gaartay marxalad lamid ah tii 2006-dii lagu jabiyay maxkamadihii Islaamiga ee haystay Muqdisho iyo deegaano kale.

Maxkamadaha ayaa xilligaasi muddo bil ah lagu jabiyay, ayada oo ciidamadii ka tirsanaa dowladii KMG ahayd ay taageero ka helayeen ciidamada Itoobiya.

Haddii dib u gurashada kooxda Al-Shabaab ay sii soco ta, ma ahan markii ugu horeysay oo maqaamka kooxaha argagixisada Soomaaliya ay soo gaarto guul-darooyin dhowr ah, balse mida macnaha sameynaysa ayaa ah in dagaa lka socda ay libtiisa u weyn leeyihiin Soomaalida.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan si shaacsan u shee gay in guusha laga gaar ay dagaalka socda ay gaareen Soomaali oo kaliya.

"Waxa ugu muhiimsan ee guusha dhadhanka la sii-leed ahay Soomaali kaligeed ayaa gaartay, dadka saaxiibada ah ee Afrika iyo Caalamka ka socda ee inoo yimid wax badan ayay soo dadaaleen laakiin howshaan anaga u xayd-xayda ney oo mushtamicii oo dhan ayaa u istaagay, inta dhiman Insha-Allah waxay ku imaan doonta intaas oo lasii xoojiyo oo la isku duubnaado,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in markii hore ee dagaalka Shabaab ay bilaabayeen aysan ku qanacsaneyn bulshada Soomaaliyeed qaarkood iyo beesha caalamka, oo iyagu markii dambe ku qancay in la iska dhicin karo kooxdan.

"Waa tabar yarnahay oo dowladd yab-yab ah oo talla abo barad ah waaye laakiin tabar yaraantu ma ahan waxa maadiga ah ee waa qalbiga, haddaadan Caqiidada iyo Caqliga ka tabar-yareyn qof ka xoogan adduunka majiro. Laakiin marka qalbiga daciif ka noqoto markaas ayaa daciif tahay sikasta oo qalab waaweyn iyo xoola badan u lee dahay daciif ayaa tahay.”

Xasan Sheekh Maxamuud oo tallada dalka dib ugu soo laabtay 15-kii May ee 2022 ayaa wuxuu ku dhiiraday ku dhawaaqista dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu dadaal badan ku bixiyay in kooxda lala galo dagaal fikri ah, ayada oo dhawaan ay culimada Soomaaliyeed soo saareen go’aano ay ugu weyn tahay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay "Jihaad”, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay "Shahiid”.

Heshiiska Lafta-gareen iyo mucaaradka K/Gal beed oo jideynaya waddo cusub oo

Shirkii dhex-dhexaadinta madaxweynaha Koonfur Gal beed Cabdicasiis Lafta-graeen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa Habeen hore lasoo geba-gebeeyey, ayada oo heshiis buuxa ay gaareen dhinacyada.

Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ayaa isku raacay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhi yey muddo xileedka madaxweyne Lafta-gareen, ayada oo doora shada madaxweynaha lagu qababnayo sanad gudihiis.

Waxaa la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudd ada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlam aanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waa faqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed.

Shaqada doorashada ayaa waxaa la wareegaysa oo ma amuleysa sida heshiiska ku qoran Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoddobkaas waxaa codsaday mucaaridka, oo ka shikisan in Lafta-gareen uu boobayo ha ddii isaga loo dhiibo shaq ada doorashada.

Muddo kororsiga Habeen hore la sharciyeeyay wuxuu dowladn imada Soomaaliya u furaya dariiq ku darsasho oo heer kasta ah.

Heshiiskan ayaa marka dhinaca kale laga istaago waxa uu khilaafaya Dastuurka Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya, dalkana uu ka jideynayo xeer ku darsasho ayaa haddana waxa uu dhinaca kale dadka reer Koonfur Galbeed u tahay xasilooni looga baaqsan karo inay siya asiyiinta isku gacan qaadan mar labaad, islamarkaana uu ku bilaaban karo dagaal dhab ah oo goboladaasi looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Mucaaridka Koonfur Galbeed ma awoodi karin cadaadis siyaasadeed oo intaan ka badan maadama dowladdii federaalka ay dhinaca kale aaday.

Waxay arrinta soo gaarsiiyeen mucaaridka Koonfur Galb eed meel macquul ah oo ay tahay in lala hadlo oo waxna lagu heshiiyo.

Koonfur Galbeed waxay hadda u diyaar-garoweysa dag aalka Al-Shabaab, dadka xukunka rabana waxay haystaan waqti ay ku diyaar-garooban.

Deegaanka ayaa wuxuu ka badbaaday gacan ka hadal la baad, Xasan Sheekh-na waxa uu ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, wallow in muddo kororsi la jideeyo ay dhinaca kale dhaawac ku tahay dowladnimada Soomaaliya.

Howlgalka ATMIS oo War kasoo heshiiskii KGS iyo Mucaaradka

Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo dhawee yay heshiiska doorasho ee Magaalada Baydhabo ku gaa reen Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo musharr ixiinta mucaaradka.

Qoraal kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu yiri” ATMIS waxay ugu hambalyeyneysaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madoobe iyo Madaxweynaha C/casiis Xasan Maxamed, Lafta gareen oo ay wehliyaan mas’ uuliyiin kale oo caan ka ah siyaasadda iyo mas’uuliyiinta Ko onfur Galbeed gabagabada shirkii dib u heshiisiinta siyaasadeed ee Baydhabo.

ATMISayaa sidoo kale sheegtay in, iyada oo ka duulay sa waajibaadkeeda ah in ay taageerto dawladnimada iyo dadaallada nabadaynta Soomaaliya, ay soo dhaweynayso adeegsiga wada-hadal nabadeed oo lagu xallinayo khilaaf kasta oo jira, ayna ay ugu baaqayso dhammaan dhinacya da ay khusayso in ay sii xoojiyaan guushaas, taas oo shaki la’aan ku imanaysa isu-tanaasul walaalnimo iyo naf-hurid.

Maalin ka hor ayaa waxaa la soo geba-gabeeyay Shirkii dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, iyada oo labada dhinac ay heshiis ka gaareen arrimaha doora shooyinka

Cabdiraxmaan Cirro "Dhibaato kasta oo dha cda, xalkee du xabad & rasaas maaha, xalku waa wadahadal iyo nabadeyn.”

Musharax Madaxweynaha xisbigi Mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo ka hadlay dagaalka Aroornimadii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Gobolka ayaa ugu baaqay in la joojiyo Xabadda.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa Xukuumad da uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixi ugu baaqay in ay muujiso dulqa ad iyo dhibrrsanaan halka Gaaradada dhaqanka ee ku sug an Magaalada Laascaanood qudhooda uu ugu yeeray in ay ka shaqeeyaan Nabadda iyo Xasilloonida.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Fecebooka ayuu ku yiri "Waxa aan si dareen iyo damqasho leh uga xumahay dhib ta Shalay ka dhacaysa Caasimadda Gobolka SOOL ee La ascaanood, waxa aan si weyn ugu baaqayaa in colaadda af ka la qabto” waa sida uu yiri Cabdiraxmaan Cirro

Sidoo kale Musharax Madaxweynaha xisbigi Mucaarad ka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdir axmaan Cirro) ayaa Xukuumadda iyo Odayaasha Dhaqan ka ugu baaqay in ay ka wada sheeqaan Nabadda "Xukuu madduna muujiso dulqaad iyo dhibirsanaan, Garaadada dhaqankuna nabadda iyo xasilloonida ha ka shaqeeyaan, magaaladana yaan dagaal laga ridin oo aan maatidana la qaxin.”

Ugu dambeyn Qoraalka uu soo dhigay Cabdiraxmaan Cirro ayuu ku soo gabagabee yay in si wada jir ah loogu wada shaqeeyo naba dda, xalkane uusan ku jirin Xabad "Dhibaato kasta oo dhacda, xalkeedu xabad iyo rasaas ma aha, xalku waa wada-hadal, wada-xaajood iyo nabadeyn.”

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiyihii hore ee Xisbiga mucaaradka ee Waddani ahna hadda Musharax Madaxwe yne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku soo beegmaya xilli Shalay Magaalada Laascaanood uu ka qarxay dagaal u dhaxeeyay Ciidan ka amar qaata Xukuumadda Soomaaliland iyo kuwa taabacsan dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa geestay Qasaare isugu jira dhimashao iyo dhaawac kaas oo soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay Maga alada, inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay todobo qof halka ay ku dhaawacmeyn in ka badan labaatan ruux.

Xiisad dagaal oo ka taagan Garoowe & rasa as la maqlayo

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Shalay ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada Puntland iyo Ciidamo diidanDiwaangelinta Doorashada qof iyo cod ee Puntland.

Maalin ka hor ayaa waxaa Magaalada Garoowe ku hadlay Saraakiil katirsan Ciidamada DANAB ee Puntland, kuwaas oo ka digay sii socoshada diiwaangelinta doorasha da lagu muransan yahay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegayo in Gudaha Mag aalada Garoowe ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Ciidamada kale ee diidan diiwaangelinta doorasho oyinka, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Dhinaca kale waxa jira wada-hadallo aan weli guuleysan oo u socda Madaxda Xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiin ta mucaaradka ah.

Berri ayaa Guddiga Doorashooyinku ay u qo rsheeyeeen in ay gobolka Nugaal ka bilaabaan Diwaan gelinta Doorshada, balse ay u muuqato inay dib u dhici ka rto maadaama laba Ciidan ay isku horfa dhiyaan Maga alada.

Xukuumada Somaliland oo hadda ka hadash ay xaalada Laascaanood

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo tikniko wata ay ciidamada Somaliland weerareen, lakiin ay ciidam adu kaliya is difaaceen, xerya hoodiina anay ka bixin.

Wasiirka Arrimaha Gud aha Maxamed Kaahin Axm ed, oo Laascaanood ku sugan, ayaa yidhi "Ciidan hubaysan oo tikniko wata, oo hoobiyaya al wata, oo baasuukayaal waa ta ayaa weeraray qaar kamid ah xeryihii ciidamada qaranka, ciidamada qaranku ilaa iyo hada way iska caabiyeen xeryahoodiina may dhaafin".

Qaraarka isimadu soo saareen ayuu ku tilmaamay mid aan loo dhamayn, isaga oo sheegay in ay ahayd talo guri gaara lagu gaadhay oo isimo badani ka maqnaayeen.

Waxa uu sheegay in qorshaha dagaalka Shalay dhacay uu ahaa mid hore loo gaadhay, oo isimada qaar ay hore u go'aamiyeen, isaga oo sheegay in aanu garanayn cida laga xoraynayo Laascaanood, waxaanu ku baaqay in xabada la joojiyo.

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo hore u sheegay in ay la dagaalami doonaan ciidamada Somaliland hadii anay go bolka ka bixin, ayaa Shalay shacabka ugu baaqay in ay is dif aacaan oo dagaalka galaan, waxaana magaalada gacanta ku haya ciidamo beeleed taabacsan garaadada.

Garaadada ayaa Shalay soo saaray bayaan ay ugu muhi imsantahay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan gob olada ay dagaan beelaha shirku Laascaanood uga socday, garaadada ayaa raba in Laascaanood xarun u noqoto maamul ka madaxbannaan Somaliland.


AKHRISO: WAR MURTIYEEDKA SHIRKII LAASCAA NOOD KA SOCDAY IN KASTA OO AY QORAALKA KU SOO SAREEN LUQADA ENGLISH-KA BALSE TURJUMAADEEDU WAA INTAN

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya

Og: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Labada Aqal)

Advertisement

Og: Xubnaha Golaha Ammaanka

Og: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Og: Guddoomiyaha Midowga Afrika

Og: Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta

Og: Dawladaha xubnaha ka ah IGAD

CC: Dhammaan ergada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya

BAAQ LAASCAANOOD

5 Febraayo 2023.

Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan Beesha Caa lamka ayaa ka warqabta in 15-kii sano ee u dambeeyay ay deegaanada SSC-Khaatumo kala kulmeen dhibaatooyin ba dan oo ay sababeen in ay si sharci darro ah ku joogaan ma amulka gooni-goosadka ah ee Somaliland. Dhibaatooyink aasi waxa ka dhashay kacdoonkii loo yaqaanay "Kacdoon ka Buluuga ah” kaas oo shacabka ku dhaqan goboladaasi ay u istaageen inay ka soo horjeestaan gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo si hagar la’aan ah u taagay calankii So omaaliyeed ee buluugga ahaa.

Waxay ka dhiidhiyeen ajan dayaasha xasuuqa ah ee la gu beegsanayo muwaadiniinta caanka ah, cunaqabataynta dhaqaale ee ka hortagaysa joogitaanka hay’adaha horu marinta ee goboladan, ku xad-gudbida xuquuqdooda nolol eed, xoriyada iyo raadinta farxadda.

Si looga hortago dhibaatooyinkaas, waxaa lagama maar maan noqotay in la qabto shirweyne aayo-ka-tashi ah oo ay isugu imaanayaan madax-dhaqameedka, culumaa’udiinka, waxgaradka, haweenka iyo ururada dhalinyarada iyo dha mmaan qeybaha bulshada rayidka ah. Waxay shirka ku qab teen magaalada Laascaanood ee xarunta u ah gobolada SSC-Khaatumo 28 January 2023 ilaa 5 February 2023.

Falanqeyn dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka dib, ergadu waxay si wadajir ah isugu raaceen qodobbada soo socda.

1- Waxaan cadeyneynaa in aanan ka tirsaneyn Maamul ka Somaliland, isla markaana aanaan marnaba ogoleyn, kana qeyb qaadaneyn barnaamijka gooni-isu-taagga, in kastoo maamulka Somaliland uu isku dayayo inuu nagu kha sbo si ka soo horjeeda xeerarka iyo xeerarka caalamiga ah.

2-Deegaanka SSC-Khaatumo waxay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna u taagan yihiin midnimada iyo wadaj irka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Ergadii shirka maamul u samaynta SSC iyo Khaatumo waxay doorteen 45 xubnood oo ka kooban 45 xubnood oo maamuli doona arrimaha deegaanada SSC-Khaatumo.

4-Shirweynaha aayo-ka-tashi ee SSC iyo Khaatumo wuxuu ku dhawaaqayaa in dhulka SSC- Khaatumo lagu maamuli doono dastuurka iyo shuruucda Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya.

5. Annagoo ka duulayna qodobka 48-aad ee dast zuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xubinti isa 2-aad, waxaan go’aansannay in Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya ay maamusho gobollada SSC-Khaatumo inta laga dhameystirayo federaaleynta dhulka Somaliyeed.

6. Maamulka Somaliland waa in uu ixtiraamaa rabitaan ka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo ee ku aaddan aayo-ka-tashigooda, maamulka Somaliland-na uu ciid amadiisa kala baxo dhulka SSC-Khaatumo shuruud la’aan.

7. Waanu soo dhawaynaynaa wadahadal kasta oo lala yeesho Somaliland, waa marka ay si buuxda ciidamadooda ugala baxaan deegaanada SSC-Khaatumo.

8. Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanu ahayn argagixiso sida uu maamulka Somaliland isku dayayo in uu nagu sumadeeyo. Anagu waxaanu nahay dadkii lahaa dee gaanada SSC-Khaatumo ee ay Somaliland ku soo duushay oo ay xoog ku qabsatay. Isla markaana aanu diyaar u nah ay oo aanu awood u lahayn in aanu ilaalino oo aanu ilaalino amniga deegaamadayada, waxa aanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno maamulada iyo gobolada aanu dariska nahay wax kasta oo khuseeya amniga, nabadgalyada iyo xasiloonida.

9. Shaki kuma jiro in Maamulka Somaliland uu masuul ka yahay dilalka iyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo shacabka SSC- Khaatumo ee 15-kii sano ee u dambeeyay ay dhulkeena xoog ku heystaan. Waxaaba laga yaabaa in taasi ay sare u kacdo olole lagu xasuuqayo shacabka SSC-Khaatumo. Tani waxay abuurtay jawi cabsi leh oo saameyn xun ku yeeshay maal-gashi iyo dhaqdhaqaaq ganacsi.

10. Waxaan ugu baaqaynaa Madax-dhaqame edka, Cul imo-awdiinka iyo Waxgaradka Beesha Isaaq inay maamulkooda ku qanciyaan inuu ciidamadiisa kala baxo SSC-Khaatumo.

dhulalka iyo ka hortagga amni-darrada iyo suurta galnimada colaad aan loo baahnayn oo waxyeello leh.

11. Waxaan beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ugu baaqaynaa inay baaritaan ku sameeyaan gab ood-fallada uu maamulka Somaliland u geystay dadkeenna.

12. Waxaan ugu baaqaynaa dowladda federaalka Soom aaliya iyo beesha caalamka in ay si toos ah ula macaamila an guddiga maamulka loo doortay ee u xilsaaran in ay maa mulaan dhammaan arrimaha khuseeya deegaanada SSC-Khaatumo.

13. Natiijadii iyo go’aamadii ay si wadajir ah oo wada jir ah u gaadheen dhammaan ergadii ka qayb-galaysay shir weynihii aayo-ka-tashi ee ka dhacay magaalada Laascaan ood, waa kuwii ugu dambeeyay, waxaana lagu beddeli karaa ama lagu beddeli karaa hab-raac iyo hab-maamuus isku mid ah.=DHAMMAAD=

SHAN ARRIMOOD OO WAAWEYN OO HOR YAALLA TALISKA CUSUB EE BOOLIS KA SOOMAALIYEED

Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegay xafiiska, waxaana soo afjar may dhowr sano oo taliska uu joogay taliye lagu eedeeyay ku milanka siya asadda iyo u adeegida shaqsi gaar ah.

Jeneraal Sulub, Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliya oo muddo ciidanka dhex joogay ayaa waxa hortaala shaqo culus, wuxuuna la wareegay ciidan loo haysto eedo siyaasadeed, dilal iyo tuhumo la xiriira wada-shaqeynta Al-Shab aab.

Sheekadan waxaa kusoo koob eyna waxyaabaha horyaalla taliyaha cusub oo ay tahay in uu wax ka qabto ama mudnaan siiyo.

1. Ka-saarida ciidanka ee siyaasadda: Boolisku waxay si weyn ugu milmeen siyaasadda Soomaaliya dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, si gaar ah waxay mar isku dayeen inay joojiyaan doorashadii dalka.

Shacab ayay caburiyeen, waxayna ka horyimaadeen qoddob dastuuri ah oo fasaxaya xoriyada isku soo baxyada. Banaanbaxayaal iyo madax ayay weerareen. Aad ayuu dhaqankaas u dhaawacay booliska.

Taliyaha cusub waa inuu beddala ayaa la leeyahay fikirka ciidanka ee u shaqeynta shaqsiyaadka iyo ku milanka arrimaha siyaasadda.

2. Dilalka shacabka: Magaalada Muqdisho dilal joogto ayay boolisku ku lug yeesheen saddexdii sano ee u da mbeysay. Dilalkaas dad shacab ah ayaa loo geystay waxay u badnaayeen dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata.

Baraha amni ee magaalada Muqdisho waxaa jooga boolis. Taliyaha shaqada la wareegay waxaa looga fadhiya wax ka qabashada dilalka joogtada ah ee ciidanka booliska u geystaan shacabka iyo inuu keeno hal abuur cusub oo ay ku kala badbaadi karaan shacabka iyo booliska.

3. Ku-milanka Al-Shabaab: Baraha amni ee Muqdisho ee ay booliska joogaan waxaa si fudud kusoo dhaafa gaadi idka qaraxyada sida kadibna waxay geystaan khasaare laxaad leh.

Shacabka waxay qabaan inuu jiro isku milan u dhaxe eya ciidanka iyo Al-Shabaab, gaar ahaan booliska.

Arrintaas waxaa dhawaan xoojiyay madaxwe yne Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiinta maxaliga ah ayaa sidoo kale duray dhaq aalaha tira beelka ah ee ay haystaan taliyayaasha qeybaha iyo kuwa degmooyinka, taasi oo si weyn u khilaafsan mu shaarkooda bilaha ah iyo gunada ay helaan.

Aad ayuu u xoogan yahay tuhunka isku milanka, waana mid kamid ah shaqooyinka culus ee xaqiijinta iyo wax ka qab ashada u baahan ee horyaalla taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya.

4. Amniga caasimada: Jeneraal Sulub oo aad xogagaal ugu ah xaalka magaalada Muqdisho iyo sida uu amnigeeda muhiim ugu yahay shacabka iyo dowladda-ba, waxa uu ku soo beegmay xilli aad xasaasi u ah.Qaraxii u dambeeyay waxaa lagu weeraray xarunta maamulka gobolka Banaadir, oo ah goob aad loo ilaaliyo.

Taliyaha cusub shaqada ugu badan ee hortaalla waa wax ka qabashada amniga caasimada, iyada oo la fahams an yahay in Al-Shabaabkii gobolada kusoo jabay inay maga alada soo galeen, sidoo kalana ay isku dayayaan in khas aarihii kasoo gaaray dagaalkii gobolada inay uga aargutaan shacabka magaalada Muqdisho.

Shacabka caasimadu aad ayay u eegayaan taliyaha cusub.

5. Deegaanada laga saaray Al-Shabaab: Goobaha laga saaray kooxda Al-Shabaab waxay u baahan yihiin xasilin. Boolisku waa baahida koowaad ee deegaanadaas.

Iyada oo la ogyahay horumarka laga sameeyay dagaalka la gula jiro kooxda Al-Shabaab, haddana in aanay kooxda ku soo laaban deegaanadii laga xoreeyay waa shaqo weyn oo qeyb kamid ah hortaallo booliska.

Qoddobadaan iyo qaar kale ayaa horyaalla taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo Dorraad xilka la wareegay.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Dhulgariir ka dhacay gobolo katirsan dalka Turkiga oo galaaftay nolasha ku dhawaad kun qof

Dhulgariir xooggan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 ayaa ku dhuftay gobolka koonfureed ee Kahramanmaraş, kaas oo galaaftay nolosha ugu yaraan 1912 qof, waxaana ku dhaawacmay 5,385 kale.

Dhulgariirkan oo lagu qiyaasay 7.7 ayaa ku dhuftay meel 7 kilomitir (4.3 mayl) ka hoos aysa oogada sare ee degmada Kahramanmaraş ee Pazarcık, lix dii Febraayo saacadu markay ah ayd 4:17 aroornimo, sida laga soo xigtay Madaxtooyada Turkiga.

Dhulgariirku wuxuu sidoo kale ruxay gobollada deriska la ah ee Gaziantep, Şanlıurfa, Diyarbakir, Adana, Adiyaman, Mal atya, Osmaniye, Hatay iyo Kilis iyo dalalka deriska la ah oo ay ku jiraan Suuriya iyo Lubnaan.

Labo dhulgariir oo kale oo cabirkoodu ahaa 6.4 iyo 6.5 ayaa ku xigay kii hore, kaas oo sidoo kale ruxay koonfurta dalka Turkiga.

Waxaa la sheegay khasaaraha nafeed iyo burburka ugu badan in uu ka dhacay degmooyinka Pazarcık, Elbistan iyo Türkoğlu ee Kahramanmaraş.

Sida ay sheegayaan xogta hordhaca ah ee laga helayo xa fiiska guddoomiyaha, 300 oo dhismo ayaa ku dumay guud ahaan magaalada Kahramanmaraş .

1,710 dhismo oo kuyaalay 10 gobol ayaa sidoo kale ku dumay baaxada dhul gariirka awgiis, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka dalka Turkiga, Fuat Okay

70 ka mid ah muwaadiniinta Turkiga ayaa naftooda ku wa ayey Kahramanmaraş, oo ah xarunta dhulgariirka. Khasa araha waxay u badan tahay inay sii kordhi doonaan.

Magaalada Gaziantep, ugu yaraan 80 qof ayaa la xaqiiji yay inay ku dhinteen, 600 oo kalena waa ay ku dhaawacm een. Ugu yaraan 47 qof ayaa ku naf waayey Malatya, iyad oo 550 kalena ay ku dhaawacmeen. Ilaa 300 oo dhismo ay aa ku soo dumay gobolkaas, iyadoo dhulgariirkii xoogganaa uu dhacay subaxnimadii hore.

Isbitaal ku yaal degmada İskenderun ee Hatay ayaa ku dumay dhulgariirka dartii, sida uu sheegay Oktay.

Waddada ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaarad aha ee Hatay ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan ka dib markii uu dhulgariirku gaaray, iyadoo isla markiiba la joojiyay duulimaadyadii.

Gobollada Gaziantep iyo Kahramanmaraş ayaa sidoo ka le laga xiray duulimaadyada rayidka ah.

Turkish Airlines ayaa ku dhawaaqday inay diyaarisay duulimaadyo dheeri ah oo ay ku tagi doonto aagga dhul gariirka.

Madaxdii hore ee Dalka Iran oo ku baaqay in loo baahan yahay isbedel siyaasadeed

Madaxweynihii hore ee dalka Iran Mohammad Khatami iyo ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas Mir Hossein Mousavi ayaa ku baaqay in loo baahan yahay isbedel siyaasadeed oo ka dhaca dalka Iran, xilli ay dal kaas ka socdaan mudaharaado ka dhashay dhimashadii gabadhii yar ayd ee lagu magcaabi jiray Mahsa Amini, taas oo ku dhimatay gacan ta laamaha ammaanka ee dalkaas.

Iyada oo ay soo dhowaatay sannadguuradii 44aad ee kacaanka Islaamiga ah ee Iran oo dalkaas ka curtay san nadkii 1979, ayaa Mir Hossein Mousavi oo ka mida mucaa radka ugu waaweyn ee dalkaas ka jira, ayaa ku dhiiraday inuu ku baaqo "isbedel aasaasi ah” oo lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalkaas, isaga oo sheegay inuu waajahayo qalalaase sharci.

Madaxweynihii hore ee dalkaas Khatami ayaa isaguna hoggaamiya dhaqdhaqaaqa isbedel doonka ee dalkaas, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku sheegay "in dhacdooyin ka Shalay muuqdaa inay yihiin kuwo si weyn looga niy adjabo”. Khatami ayaa sheegay inuu rajaynayo in adeegsiga "ha babka madaniga ah ee aan rabshadaha wadan” inay "ku qasbi karaan nidaamka dalkaas ka arimiya, inuu bedello habka uu wax u xukumo, isla markaana uu dib u habayn la yimaado”.

ARDAY SOOMAALI AH OO IYAGOO HURDAYA UU KU DHACAY DHUL GARIIRKII TURKIGA AFAAFKA HORE EE JAAMAC ADDA GAZIANTEP

XIGASHADA SAWIRKA,CABDIRAXIIM GIINDHE

Waxaa Habeen hore xilli dambe dalka Turkiga ku dhuftay dhul gariir xoog badan oo galaaftay nolosha dad badan iyo hantiba. Dhul gariir labaad ayaa dhacay Shalay iyadoo weli ay soo baxeyso faahfaahinta ku saabsan khasaaraha.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga, Suleyman Soy lu ayaa sheegay in 10 magaalo oo ku yaalla dalka Turkiga uu saameeyay dhulgariirku.

Magaalooyinkan waxaa ka mid ah Kahramanmaraş, Hatay, Gaziantep, Osmaniye, Adıyam an, Malatya, Şanlıurfa, Adana, Diyarbakir iyo Kilis.

Waxa uu wasiirku sheegay in kooxaha baadigoobka iyo samatabixinta ee dalka la galiyey "heegan”.

Tirada dadka ku dhintay dhul gariirka Turkiga ka dhacay ayaa marba marka ka danbeysa isa soo tareysa, iyadoo ha atan lagu qiyaasay in ka badan kun qof. Dad badan oo kale ayaa ku xannibmay dhismeyaasha ay ku jireen, maadaama xilliga uu dhul gariirku dhacay ay hurdayeen.

Arday Soomaali ah oo ka warramay sida uu u sameeyay dhul gariirka

Dhisme ku burburay dhul gariirka

XIGASHADASAWIRKA,CABDIRAXIIM GIINDHE

Magaalada Gaziantep oo ah halka uu ka bilowday dhul gariirkani ka hor inta uusan ku fidan magaalooyin kale ee Turkiga waxaa ku sugan arday Soomaali ah oo ka mid ahaa dadkii hurdada uga toosay.

Cabdiraxiim Axmednuur Giindhe oo arday ka ah jaamacadda Gaziantep ayaa u warramay BBC-da isagoo sheegay in ardayda Soomaalida Turkiga uu dhul gariirku ku cusbaa halka muwaadiniinta Turkiga ah ee magaaladiisa ku sugan ay horay u arkeen dhul gariir sidaas darteedna ay diy aar garow fiican haysteen halka Soomaalida uu ku ahaa ma qal iyo wax ay daawadeen oo kal



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip