HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 6-DA FEBARAAYO 2023-KA

0
Monday February 06, 2023 - 08:06:11 in Wararka by
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 6-DA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalab cusub u gudbiyey Bankiga Adduunka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bankiga Adduunka qeybtiisa Bariga iyo Koonf urta Afrika Marwo Victoria Kwakwa iyo wafdi ay hoga amineysay.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay howlaha horutab inta u leh Soomaaliya, isagoo ku dhiirigaliyey Bankiga Adduunka in mashaariicda hadda socda iyo kuwa soo wajahan ay noqdaan qaar horumarinta, nabada, maalg alinta, shaqaaleynta iyo addeega bulshada wax ka tari kara, isla markaasna raad muuqda reebi kara.

Madaxda Bankiga Adduunka waxay balan-qaadeen inay sii wadi donaan xiriirka adag ee miradhalka ah ee u dhx eeya dowladda Soomaliya iyo Bankiga Addunka. Si gaar ah qeybaha ay danaynayso dowladda federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka ayey Shalay Madaxweynaha ka balan-qaadeen madaxdaan.

Qeybaha ay Soomaaliya aad u daneyneyso in laga garab siiyo waxaa ka mid ah, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u soo jeediyay mas’u uliyiinta Bankiga Adduunka inay kordhiyaan tirada muwa adiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Bankiga, kuw aas oo fahmi kara baahiyaha horumarineed ee dalka.

Dhinaca kale, xubnahaan ay Victoria Kwakwa oo mar kii ugu horeysay timid Soomaaliya waxaa sidoo kale qaa bilay Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre, Kulan ay ku sheegeen xafiiskiisa waxaa looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo Soo maaliya iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Shalay Muq disho ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka

Raysal Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaal iya Xamse Cabdi Barre ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaab ilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamin eysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.

Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka Golaha wasii radda Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa ahaa mid si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumar ineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waa fajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo in ay noqdaan kuwo ay ka muuqato in uma ddu ay leedahay.

Raysal wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hanaan ka deyn cafinta ay u jeesaneyso fulinta mashaariicda wa aweyn ee Kaabayaasha dhaqaalaha iyo in laga faa’ii deysto Kheyraadka badan ee Alle ku manaystay dalka.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in dowlad da ay dib u eegis ku sameyn doonto qorshaha horuma rinta Qaranka (NDP 9), iyadoo ay halkaas ka iman doon to buu yiri, meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bangiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado.

Madaxweyne ku xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koo nfurta Afrika Victoria Kwakwa ayaa dhinaceeda soo dha weysay dadaalka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta dhameystirka hannaanka deyn cafin ta, amniga dalka iyo daryeelka bulshada, waxayna bala nqaaday in Baanka Adduunka sii wadi doono taageera da kala duwan ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ku boggaadisay xukuumadda dada alka ay u gashay meel marinta shuruucda wax ka taray sa dhiirigelinta maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha dal ka, iyadoo balanqaaday in dowladda Soomaaliya ay kala sii shaqeyn doonaan hirgelinta mashaariic lagu xoo jinayo kaabayaasha dhaqaalaha, kadib marka la dham eystiro deyn cafinta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha Buundo ay isaga gudbi doonan dadweynaha Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Mag aalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Ma daale) ayaa dhagax dhigay Buundo loogu tala-galay fud udeynta isku socodka dad-weynaha istecmaala wadada dheer ee Buulo Xuubey gaar ahaan Ardeyda wax ka barta Dugsiga Jabuuti ee Degmada Wadajir

Dhagax-dhiga Buundada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobol ka Banaadir Mudane Xasan Jimcaale iyo Guddoomiya ha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle, iyadoo na ay noqoneyso markii ugu horeesay oo Buundo nuuca an oo loogu tala galay fududeynta isku socodka dadwey naha laga hirgeliyo Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Mag aalada Muqdisho ayaa xusay in Maamulkiisa ay ka go’ an tahay dib-u-dhiska Caasimadda iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socodka dadweynaha iyo gawaarida istecma ala wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoona Qorsha ha Maamulka uu ku jiro sidii loo dhisi lahaa Buundooyin hor leh oo ku cusub Magaalada iyo dib-u-dayactirka ku wii hore u jiray.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxa med Nuur Gacal ayaa Shalay Magaalada Muqdisho kul an kula yeeshay safiir ka Qatar ee Soomaal iya Mudane Dr.Abdoll ah bin salem Alnuaimi

Guddoomiyaha iyo sa fiirka ayaa ka wada ha dlay sidii Dowlada Qa tar ay Baarlamaanka Galmudug uga taageeri laheyd mashruucyada hormarineed ee lagu hormarinaayo Baarlamaanka Gal mudug.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmud ug ayaa safiirka qatar ka codsaday in Dowlada qatar ay gargaar gaarsiiyaan dadka kusugan Deegaanada Khawaarijta laga xoreeyay ee katirsan Galmudug.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga gobolka Bana adir oo shir guddoomiyay kulanka degmooyinka gobolka Banaadir

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shir guddoomiyay kulanka degm ooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay dardarg alinta horumarrinta Caasimadda kaas oo ka dhacay xarunta Degmada Shangaani.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciid anka Ilaalinta Deegaanka D.H.X, Saraakiisha ciidanka Amniga,Aggaasimayaal iyo Guddoomiyaasha degmo oyinka.

Kulankan ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saa ray fulinta amarkii uu dhawaan soo saaray Guddo omi yaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdi sho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) kaas oo la xariiray in talaaba adag laga qaado Xoollaha lagu soo fasaxo Magaalada, kuwaas oo caqabad ku ah bil icda Caasimadda.Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xig eenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Bana adir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa fa ray Madaxdii iyo Saraakiishii kulankan ku sugneyd in la xoojiyo howlaha lagu horumarinayo Amniga, Nadaaf ada, Kobaca Dhaqaalaha, iyo hoos u daadajinta adeeg yada Bulshada.

Yaa adkaaday madaxweyne Laftagareen iyo muc aaradka maamulka Koonfur Galbeed?

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay wax aa Habeen hore lagu soo gabagabeeyay shirkii dib u heshi isiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo ma almo qaatay una dhexeeyay madaxw eyne Lafta-gareen & xubnaha mucaaradka.

Shirkan oo uu furay, sidoo kalena uu xiray madaxwe yne Xasan Sheekh ayaa waxaa heshiis rasmi ah looga gaaray muranka doorashada guud ee kusoo socota maamulkaasi.

Haddaba yaa adkaaday Lafta-gateen iyo mucaarad ka?

Sida lagu caddeeyay heshiiska waxaa ay arinta ku soo dhammaatay sidii la filayey oo aheyd in muddo kor orsiga loo daayo madaxweyne Lafta-gareen, si uu u qabto doorashada guud.

Xubnaha mucaaradka oo qaddiyaddan ka taagnaa meel adag ayaa ugu dambeyn ku qasbanaaday inay og olaadaan halka sano ee ay xubnaha Golaha Wakiilada ugu dareen madaxweynaha, taas oo guul u ah Lafta-gareen, maadaama uu uga adkaaday mucaaradka.

Tallaabadan cusub ayaa fursad siineysa madaxweyn aha oo markii horeba aan u diyaar-garoobin qabashada doorashada, isaga taasi beddalkeeda go’aan ku gaaray in uu waqtiga dheereysto, waxaana la qaatay go’a ankaas madax goboleedyada kale oo ku darsaday.

Mucaaradka ayaase lagu qanciyay in doorashada la bilaabayo isla sanadkan gudihiisa, si loo dhaqan-gelo heshiiska lagu gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxaa sidoo kale la go’aamiyey in odayaasha dha qanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Waki iladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashan aya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed.

"In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad gobolee dka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxe ysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iy aga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qodobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka.

Lafta-gareen iyo mucaaradka ayaa sidoo kale isku raacay in ugu dambeyn doorashada guddoonka Baarl amaanka iyo midda madaxweynaha la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo ee sanadka soo socdo 2024-ka, markaas oo la geli doono tartan aad u adag.

Si kastaba, arrintan ayaa meesha ka saareysa, walaacii laga qabay xaaladda Koonfur Galbeed oo gacan ka ha dal gaartay, marii ay Baydhabo ku dagaalameen labada dhinac.

Pakistaan:Pervez Musharaf Oo Ku Geeriyooday Imaar Aadka Carabta

Madaxweynihii hore ee Dalka Pakistan Pervez Musharaf ayaa la sheegay in uu ku dhintay Cisb itaal ku yaalla magaalada Dubai, ka dib markii uu xanuunsanaa in muddo ah .

Pervez Musharaf oo da’diisu aheyd 79 jir ayaa u dhintay cudur naadir ah oo sababa dhaawaca xubnaha jirka , sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo militari oo u waramay Al Jazeera Shalay oo Axad ah.

Musharaf oo ahaa jeneraal ayaa Dal ka Pakistan soo xu kumay ku dhawaad toban sano kadib markii sanadkii 1999-kii uu xilkaasi kula wareegay afga mbi aan dhiig ku daadan

Hormuud Salaam Foundation Oo $100,000 Ugu Deeqdey Dadkii Ku Hanti Beeshay Dabkii Suuqa Bakaaraha.

Hay’adda Hormuud Sala am Foundation oo ah garab ka Gargaarka iyo horumarinta u qaabilsan shirkadda Hor muud iyo Salaam Somali Bank ayaa iyada oo ka jawaabeysa Codsi uga yimid guddiga gurmadka suuqa Bakaaraha ku wareejisay deeq lacageed oo gaareysa $100,000, taas oo ay ugu talo ga shay dadkii ku hanti beelay dab kii dhamaadkii bishii tagtay ee Janaayo ka kacay suuqa Bakaar aha.

Gudoomiyaha Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullahi Nuur Cusman, oo ugu horeyn goobta ka ha dlay ayaa uga mahad celiyey guddiga ka kooban cul imada iyo ganacsatada ee u isutaagay in ay dhaqaale u aruuriyaan ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha. Gudoomiye Cabdulaahi ay ay aa yiri "Tani waxa ay qeyb ka tahay barnaamijyada Hay’ adda Hormuud Salaam Foundation ay ku caawinayso dadka Soomaaliyeed ee ay la soo gudboonaadaan xaaladaha adag.”

Gudoomiyaha Suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif, oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegey in ganacsatada ku hanti beeshay dabkaas aay ahaayeen intii ugu nu gleyd ganacsatada xoogsatada ah, ayna ka kooban yih iin ilaa 420 qofood oo u badan, harqaanleyaal, bacadle yaal iyo dadkii ka ganacsanayey ganacsiyada yar yar, kuwaasoo aanan hada heeysanin wax ay siiyaan re erahoodi, una baahan garab istaag buuxa.

Gudoomiye Dhiif ayaa intaasi raaciyey in deeqdan la cageed ay tahay tii ugu badneyn uguna horeysay ee guddiga soo gaarta tan iyo markii ay bilaabeen dhaqa alo uruurinta, isagoo dhanka kale aad uga mahad celi yey Hormuud Salaam Foundation is garab taaga gana csatadii ku hanti belay dabka.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa aalaba door weyn ka qaadata howlaha gurmadka deg deg ah ee loo fidinaayo dadka soomaaliyeed iyadoo lagu xusu usto kaalmooyin muuqda oo ay ka qaadatay dhiba atooyin badan oo soo wajahay shacabka sida gurmadka abaaraha, fatahaadaha iyo dhacdooyin kale.

Xasan Sheekh oo hal arrin u ballan-qaaday K/Galbeed

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee So omaa liya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey heshiiska laga gaaray xiisadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee u dhexeeyay madaxwene Lafta Gareen iyo mucaaradka ayaa sameeyay ballan-qaad ku aadan heshiiskaas oo ku soo aaday, xilli aad loogu baahnaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore bog gaadiyay heshiiska ay gaareen labada dhinac, kadib ma almo ay wada-hadallo ku lahaayeen gudaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo uu laba jeer madaxwey nuhu u tegay, xal u helida Koonfur Galbeed.

Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale u ma had-celiyay dhammaan intii ka qayb-qaadatay dib u he shiisiinta oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka ee maamulkaas.

"Waxa aan rabaa in aad aad iyo aad ugu mahad celiyo dadka reer Koofur Galbeed guud ahaan gaar ahaan dadka magaalada Baydhabo degan ee muujiyay si xilkasnimo ah, dulqaad aad u badan, muujiyay in ay u hiilinayaan oo wax weliba u hurayaan nabadda iyo xasiloonida, Mucaaradka oo intii tanaasul ah intoodii badnaa sameeyay, maamulka Madaxweynaha uu hog gaaminayo oo muujiyay is baddelo waaweyn, Odoyaa sha dhaqanka oo aan ka caajisin in la boogo dhayo wixii dhacay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa ball an-qaad u sameeyay reer Koonfur Galbeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay hubineyso dhaqan-galka heshiiska Habeen hore lagu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed. "Dowladda Federaalka waxa ay diyaar u tahay oo dhinaceeda ka ballanqaaday in wixii kaalin ah ee uga aaddan arrimaha dib u heshiisiinta, qalbi xaarista iyo arrimaha lagu ballamay hubinteeda iyo xaqiijinteeda, dhibaato haddii ay dhacday in la xaliyo iyo in laga ball amo in aanay berri dib usoo laaban,” ayuu markale yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyay in qof kasta oo ka horyimaad wixii lagu heshiiyay ay gacanta ka qaban do onto dowladda, si looliyo nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

Qofkii ka leexanaya wixii lagau ballamay in dowladdu gacanta ka qabato oo dhahdo ka joog, in la ilaaliyo nab adda, kalsoonida iyo qalbiga Dadka waaye dardaaranka guud.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Habeen hore war-murtiyeed rasmi ah laga soo saaray shirkii Baydhabo, kaas oo ay ku heshiiyeen madaxweyne Lafta Gareen iyo Mucaaradka oo ugu dambeyn ogolaaday muddada halka sano ah ee loogu daray hoggaanka maamulkaasi.

Muran ka taagan maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug

Odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha reer xaaji saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan Beesha Ha bargidir ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Waxgaradka labada beelood ayaa mid waliba waxay sheeganeysa iney tahay beesha ugu badan ee degta de gmada Hobyo, islamarkaana ay mudan tahay mid walba in noqoto cida mataleysa maamulka degmada Hobyo.

Qeybaha kala duwan ee Beesha reer Xaaji Saleeb aan oo kulan ku yeeshay gudaha degmada Hobyo ayaa ku baaqay in Hobyo loo dhiso Gole deegaan sida horay gole deegaan loogu soo dhisay degmooyinka kale ee maamulka Galmudug oo aysan noqon mid maamulke eda lasoo magacaabo.

"Anaga reer Xaaji hadaan nahay waxaan gobolka Mudug ku leenahay 68 deegaan waxaan xaq u laheyn helitaanka guddoomiyaha gobolka, Taliyeyaasha ciid anka iyo waxyaabo kale oo badan waxaana intaas oo dhan ku weynay in madaxwe ynaha Galmudug uu kasoo je edo reer Xaaji Saleebaan oo haduu noo magacaabo boos ka xaqa u laheyn la leeyahay beeshiisa ayuu u roonaaday" ayuu yiri mid ka mid ah odayaash beesha reer Xaaji Saleebaan.

Waxaa sidoo kale jirta in waxgarad ka tirsan Beesha Sacad oo dhankooda sheegeen in degmada Hobyo ay tahay mid deegaan ahaan wax laga weydiinayo beesha Sacad, islamar ahaanta ay mudnaanta maamulka degm adaasi leedahay.

"Reer Xaaji Saleebaan waa walaalaheen, daris baa nahay deegaankana waan kala leenahay, horay waxaa inoo soo dhexmaray dhibaato badan mana dooneyno in markale waxaas dhacaan, waana in wax lagu qeybsada sidi xalka horay loogu gaaray, Cadaado horay Sacad ay aa u lahaa ayaga nala soo dagay way naga soo saar een, waxaan leeyahay walaalaheen ma yeeleyno inaan idinku xad gudubno ee ha nagu soo xad gudbina" ayuu yiri mid ka mid waxgarad Beesha Sacad.

Murankaan is qabqabsi ee ka dhexeeya beelaha re er Xaaji Saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan Hab argidir ayaa imaanaya, iyadoo dagaalo xoogan ay ka so cdaan inta badan deegaanada maamulka Galmudug.

Ciidanka Danab ee Puntland oo qaaday tallaabo kasii dartay xiisadda siyaasadeed

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa marba ma rka ka dambeysa kasii dareysa, taas oo salka ku heysa doorashada maamulkaasi, waxaana si weyn la’isugu hayaa arrinta diiwaan-gelinta oo haatan ka socota magaalooyina qaar.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay Habeen hore tallaabo lama filaan ah qaadeen ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland, gaar ahaan guutada 2-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Gar oowe ee xarunta gobolka Nugaal, kuwaas oo digniin cu lus soo saaray.Qoraal kasoo baxay ciidamada ayaa wa xaa looga hadlay xaaladda Puntland, wuxuuna talisku sheegay in jujuub iyo diiwaan-gelin hubeysan ay ka so coto caasimada Garoowe.Sidoo kale waxa qoraalkan la gu sheegay in arrintan ay ka dhalaneyso amni darro iyo qalalaase ka dhaca Puntland, ayna uga digayaan dhin acyada ku lugta leh arrintaasi.

"Ciidanka Kumaandooska waxay ka digayaan mar kale diiwaan-gelinta hubeysan iyo doorasho aan heshiis lagu aheyn oo keeni karta dambiyo la xiriira ku takrifal awoodeed iyo qalalaase ka abuurma gudaha Puntland,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay ciidamada.

Ciidamada kumaandooska ee soo saaray diniintan culus oo liddi ku ah madaxweyne Saciid Deni ayaa ku baaqay in wadahadal la’isugu yimaada, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in waajib uu ka saaran yahay amniga iyo kala dambeynta, ayna gudan doonaan shaqada loo igmaday ee kaga aadan Puntland

"Hadaba deganaasho la’aanta jirta, si looga gudbo waxaan faraynaa cid kasta oo ay khuseyso inay isugu yimaadaan wadahadal, si loo dhowro amniga iyo kala dambeynta, lagana noqod wax weliba oo keeni kara xasilooni darro,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale waxaa la joojiyay tababar magaalada Garroowe uga socday shaqaale loogu talagalay in diiw aan-gelinta ay ka sameeyaan gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan caasimadda Puntland ee magaalada Garoowe.

Arrintan ayaa salka ku heyso tallaabada ay qaadeen ciid amada kumaandooska Puntland oo ka horimid diiwaan-gelin laga bilaabo gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, wax ayna arrimahaan kusoo aadayaan, ayada oo haatan De ni ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ka wa do kulamo siyaasadeed oo ku aadan xaaladda doora shada ee maamulkaasi.

DFS oo dowladda Suudaan kala hadashay joojinta lacag lagu soo rogay Ardayda

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Suu daan ayaa la kulmay dhigiisa dalka Suudaan Dr. Hay tham Mohamed Ibrahim.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah oo qaatey saacado badan laguna gorfeeyey xoojinta xiriirka iyo horumarinta qeybaha Caafimaadka dal alka Soomaaliya iyo Suu daan iyadoona madasha ay kasoo baxeen qodobo muhiim ah sida.

1.In la xoojiyo wada shaq eynta iyo iskaashiga labada Wasaaraddood.

2.in la xaliyo caqabadaha ka taagan lacagta lagu soo rogay Ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jirta sanadka u danbeeya ee waxbarashada Caafimaadka( Internship)

3.in Soomaaliya laga tageero dhinacyada dhisidda iyo xoojinta qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Wasaaradda

4.In Wasaaradda Caafimaadka dalka Suudaan ay usoo dirto Soomaaliya dhaqaatiir ka fulisa qaliimada kala duwan.

5.In Soomaaliya laga taageero tababarada Shaqa alaha Caafimaadka qaybahooda kala duwan.

6.In Hey’addaha Caafimaadka dalka Suudaan ay ka qayb qaataan dhismaha iyo xoojinta Hey’adaha Caafim aadka Soomaaliya, sida dhisidda golaha sare ee taqa susiga Caafimaadka, xoojinta iyo dardar gellinta shaqa da goloha Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo dhamaystir ka hey’adda Qaranka ee nidaam usamaynta Dawada.

Golaha sare ee Mihnadlayaasha Caafimaadka dalka Su udaan oo la aasaasay Sanadkii 1955 ayaa Guddoomi yahoodu aqbalay in booqasho rasmi ah uu ku imaan doono Soomaaliya si golahaasi ay gacan uga geystaan tayeynta iyo howlgalinta qeybta Caafimaadka ee Soom aaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta iyo horumarinta Caafimaadka Dalkeena si Muw aadiniinta Soomaaliyeed ay u hellaan adeeg Caafimaad oo tayo sare leh isla markaana la gaarsiiyo

goob kasto oo ka mid ah Dalkeena.

Bannaanbaxyo ka dhacay degmada Ceel-afwayn ka dib dil loo gaystay qof shacab ah

Dadwayne cadhaysan ayaa Shalay iskugu soo baxay wadooyinka degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ee Somaliland, kadib dil ay ciidamada booliisku u gay steen qof shacab ah.

Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee RRU-da ayaa goob magaalada u dhaw ku dilay muwaadin la odhan jiray Abokor Cumar Cali, hadaba booliisku wax faah faafaahin ah kama bixin sababta keen tay dhimashada mu waadinkan.

Dadwaynaha isku soo baxay ayaa taayiro ku gubay wadooyinka waa wayn iyadoo qaar koodna ay siteen calanka buluuga ah ee So omaaliya, inta kadibna ciidamada booliiska ayaa rasaas ku kala dareeriyay mudoharaadayaasha.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland deegaankan kasoo jeeda ayaa xukuumada ugu baaqay in ay wax ka qabato dilalka ciidamadu gaystaan oo ma rar kala duwan soo noqnoqday.

"Waxa na daashaday in ay yidhaahdaan baadhitaan ayaanu samaynaynaa, oo waxba anay kasoo baxaynin, anagu Shalay waxaanu u taaganahay cadaalad ayaanu ka sugaynaa dowlada" Xildhibaan Iid Xidig ayaa sida yidhi.

Dadwaynaha mudaharaadaya iyo xildhibaanada ayaa sheegay in 4 qof deegaankan lagu dilay mudooyinkii ugu danbeeyay, dadwaynaha ayaa si gaara dilalka ugu eedeeyay badhasaabka gobolka Saanaag "Arrintaasi badhasaabka ayay dul taalaa cidi lama ogayn, arrinta shicibku ka kacay".

Wasaaradda Caafimaada XFS oo ku dhawaaqay qorshe adeeg caafimaad hor leh lagu gaarsiinayo goobaha la xoreeyay

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka xukuu madda federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan ayaa warbaahinta qaranka uga warbixiyay qorshaha ay dee gaannada laga xoreeyay Khawaarijta lagu gaarsiinayo adeegyo caafimaad.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe saddex weji leh oo adeegyada caafimaad lagu gaarsiinayo goobaha la xoreeyay.

"Waa ay socdaan dadaalladoo dii, koox ayaa loo xilsaaray oo ka shaqeynaya qorshahaas, wasiiru dowle ayaa tagay oo si hordhac ah goobaha Khawaarijta laga saaray u geeyay adeeg caafimaad oo isugu jira daawo iyo agab kale oo cisbitaaladaas gaarsiiyay,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in wax Illaah lo ogu mahdiyo ay tahay in dadkii ku dhaawacmay qarax yada Khawaarijta ay ka geysteen magaalada Muqdisho ee arrimaha caafimaadka ugu maqnaa dalka dibaddiisa in iyagoo caafimaad qabo dalka dib ugu soo noqonay aan, kuwaas oo helay daryeel caafimaad oo dhamme ystiran.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa markii ay la wareegeen gacan ku heynta deegaannada iyo degm ooyinka argagixisada ay ku sugnaayeen, waxay bulsha da deegaanka u sameeyeen adeegyo muhiim u ah noloshooda iyaga oo u qeybiyay raashin isugu jirta bur, sonkor, timir iyo Adeeg Caafimaad oo lacag la’aan ah.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa horay u bal an qaaday in si deg deg ah adeegyo caafimaad loo gaa rsiinayo goobaha laga xoreeyay Khawaarijta si Bulsha da halkaas ku nool u helaan adeeg caafimaad oo tayo leh, waxaana qorshahaas fulisay wasaaradda caafim aadka.XIGASHO:SONNA.SO

Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deeg aan ka tirsan gobolka SANAAG

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la ware egtay gacan ku haynta deegaanka deegaan Durduri oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaal-yahano ka tirsan kooxda ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Durduri oo u dhaxeeya degmada Laas qoray iyo Calaayo.Sidoo kale waxay sheegtay in qarax miino lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo uu maamulka Puntland gurmad ah aan uga soo diray dhanka magaalada Boosaaso.

Cabdirashiid Cali Xiireey [Abees Dhuuni] oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Puntland iyo sarkaal kale ayaa ku dhintay qaraxaas, sida ay sheegtay warbaahin ta kooxda Al-Shabaab.

Illaa hadda majiro warar madax-banaan oo xaqiiji naya sheegashada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale majiro wax war ah oo kasoo baxay maamu lka Puntland iyo Somaliland, oo iyagu isku haya qeybo kamid ah gobolka Sanaag, una joogaan maamulo kala taabacsan.

Sanadkii hore ayay aheyd markii ay sidan oo kale ko oxda u sheegatay inay la wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu dhawaan madaxweyna ha Somaliland uu sheegay in falalka amni darro ee ku soo noq-noqday qeybo kamid ah gobolka Sool ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada.

Qaar kamid ah Mucaaradka

Mucaaradka oo dowlad degaanka Soomaalida ku eedeeyay inay cabudhinayso Saxaafadda, iyo do wladda oo eedaas ka jawaabtay

dowlad degaanka Soo maalida ayaa dhaliilo u badan dhanka Saxaafadda usoo jeediyay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida.

Haddaba Ibraahim dheere oo madax u ah mid kamid ah Xisbiyada mucaaradka ee ka jira degaanka Soomaalida oo lagu magacaabo FEP, ayaa Xukuumadda degaanka Soomaalida ku dhaliilay inay wado cabudhin dhinac walba ah, Ibraahim dheere waxa uu sheegay in dowla ddu ay horey usoo af duub tay doorashadii horey dega anka Soomaalida uga dha cday, oo uu ku guulaystay xisbiga talada haya ee PP.

Ibraahim dheere waxa kale oo uu dowladda ku dhal iilay inay kala jabisay oo ay kala qaybisay xisbiyadii mu caaradka ahaa, sida ONLF iyo FEP, isla markaana wa khti xaadirkan ay cabudhin ku billowday Saxaafaddii ma daxa banaanayd ee ka jirtay degaanka Soomaalida.

Ibraahim dheere waxa kale oo uu sheegay in dega anka Soomaalida ay dib ugu soo noqdeen dhaqamadii xukuumaddii hore ee dadka lagu dhibi jiray, sida dadkii habeen badhka guryaha loogu daadanayay, dadkii deg aannada kale laga soo xiri jiray, iyo hadda oo Sax aafaddii madaxa banaanayd hawada laga saarey, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Xisbiga muca aradka ah ee FEP Ibraahim dheere.

Balse Xukuumadda degaanka Soomaalida oo ka ha dashay dhaliilahaas mucaaradku usoo jeediyay ayaa is ka fogaysay dhaliilahaas, iyadoo ku tilShalayy mid aan waxba ka jirin, sida uu Warbaahinta la wadaagay Was iirka Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaa lida Cabduqaadir Rashiid.

Wasiirka ayaa xusay in degaanka Soomaalida aan cidna loo cabudhin fikirkiisa Warbaahinna aan loo xirin fikir ay gudbisay, isagoo sheegay in eedaymahan ay da ba socdaan turxaan bixin iyo sixid lagu wado qaab shaq eedka Saxaafadda dowlad degaanka Soomaalida, waa siduu hadalka u dhigay Wasiirka Warfaafinta degaanka Soomaalida.

Warbaahinta shaqada laga joojiyay iyo Ururka isna la gala noqday ruqsaddii ayuu wasiirku sheegay inay mar kii horeba sharci darro ahaayeen, oo Warbaahinnadii la xannibay aysan wax fasax ah ka Xafiiska heer federal ee maamula Warbaahinta Itoobiya. Wasiirku waxa uu xusay in Saxaafaddu ay leedahay shuruuc u degsan iyo xeer qabanaya, sidaas darteedna waxa uu Wasiirku sheegay in Warbaahintii ku xad gud ubta shuruucda dalka u yaala in laga tallaabo qaadayo, waa siduu hadalka u dhigay Wasiirka Xafiiska Warfaafin ta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabduqaadir Ra shiid.

Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhawaan xanibtay dhowr Warbaahin oo madax ban naanaa, muddo dheerna ka howgali jiray dowlad deg aanka Soomaalida, iyagoo fasax ku meel gaar ah ka haystay Xafiiska Warfaafinta ee degaanka Soomaalida.

Maalmo ka hor ayay dowladdu xannibtay Warbaahi ntaa oo badankood laga leeyahay dalka Itoobiya dibaddiisa, iyadoo dowladdu u cuskatay xannibaad aas inaysan wax fasax ah Warbaahinnadaasi aysan haysan, taas oo u cuntami wayday Wariyayaashii ka howlgali jiray Warbaahinnadaas la xannibay.

Sharci-dajiyaayasha Soomaalida Maraykan oo camb aareeyay go’aanka Ilhaan Cumar looga saaray guddiga arrimaha dibaddda

Sharci-dajiyayaasha Soomaali-Mareykan ee ku sug an gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa ca mbaareeyay tallaabada Ilhaan Cumar looga saaray xub inimadii guddiga arrimaha dibadda ee Koongareeska.

Sharci-dajiyaashan oo soo saaray bayaan wadajir ah ayaa go’aanka an ku tilmaamay fal cunsurinimo ah iyo Islaam nacayb.

"In loo diido Ilhaan Cumar sh aqada guddiga arrimaha dibadda waa fal cunsurinimo ah iyo Islaam nacayb. Wa ayo-aragnimadeeda Muslim, soo galooti, iyo qaxooti nimo waa mid ay wadaagaan mal aayiin Maraykan ah oo aan ku jirno, iyo dad badan oo ay matasho,” ayaa la gu yiri bayaanka.

Sharci-dajiyayaasha Soomaalida waxay sheegeen Ilhaan Cumar inay bartilmaameed u ahayd xaalado cab si leh iyo weerarro islaam nacayb ah illaa xitaa ka hor int aanay xafiiska ka qabanin Washington.

Waxay sheegeen in xisbiga Jamhuuriga ay kaga xun yihiin Ilhaan Cumar ku jiritaankeeda guddiga arrimaha dibadda, sababtoo ah sinjigeeda iyo haybteeda, waxay na intaas ku dareen inay la kulanto hanjabaad.

Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka ayaa Ilhaan Cu mar ka saaray guddiga arrimaha dibadda Khamiistii, iy agoo tixraacaya hadallo hore oo ay ka sheegtay Israa'iil.

Balse xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in go'aanka GOP uu ahaa mid bareer ah oo lala beegsaday hawe eney Muslimad madow ah.

Qarax ruxay Kabul & Qoys la gawracay

Xilli dambe oo Habeen hore oo Sabti ahayd ayaa waxa uu Qarax ka dhacay Fagaaraha Pashtunistan Square ee Degmadda Labaad ee Caasimadda dalka Afgaanistaan ee Kabul.

Afhayeenka Taliska Boliska ee Kabul, Khalid Zadran ayaa xaqiijiyey inay 2 qof ku dhaawaceen Qaraxaasi oo ah aa nooca Birlabta leh ee lagu dhejiyo Gawaarida (a magnetic mine).

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Gaari nooca Toyota Hilux oo lagu xiray miinada dhejiska uu ku qar xay Fagaare ku yaalla Kabul, , iyadoo ay 2 qof ku dha awacmeen.

Afhayeenka Boliska Kabul ma bixinin Faahfaahin dhe eraad oo ku aadan Weerarkaasi, balse, waxaa socota Baaritaanka waxa sababay Qaraxaasi, mana jirto Koox sheegatay inay ka dambeeyeen dhacdadaasi.

Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalladda Kabul wa xay Qaraxaasi ku tilmaameen mid laga Argagaxo, iya doo Dayaankiisa laga maqlay goobo aad u Fog.

Dhanka kale, 7 qof oo isku Qoys ahaa ayaa waxaa Dorraad Syria looga jaray Degmadda Chimtaal oo ka tir san magaalladda Mazara Shariif ee Waqooyiga dalka Afgaanistaan.

Lama yaqaano sababta loo gawracay dadkaasi iya doo aan weli la aqoonin Dembiilayaashii geystay Falk aasi naxdinta badan.

Labo Toddobaad ka hor, Xildhibaanad hore uga tirsa nayd Barlamaanka afgaanistaan oo lagu magacaabi ji rey Mursal Nabizada iyo mid ka mid Ilaaladeeda Khaa ska ayaa lagu dilay Bartamaha Caasimadda dalkaasi ee Tehran Kabul


SIDA MARAYKANKU USOO RIDAY BUUFINTII SHIIN AHA IYO WAXA UU KA DAMCSANYAHAY HARAADIGEEDA

sawir muujinaya buufinta oo lasoo ridayo

Maraykanka ayaa soo riday buufin weyn oo Shiinuhu leeyahay taas oo uu ku sheegay in ay ilaalo ku ahayd goobaha muhi imka ah ee ciidamada Maraykanka oo dhan.

Wasaaradda difaaca Maraykanka nayaa xaqiijisay in diyaaradaheeda dagaalka ay soo rideen buufintan hawada sare ee Mareykanka maray say.Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa markii dambe muujisay "qanacsanaan la'aan iyo diidmo ka dhan ah adeegsiga xoogga ee ciidamada Mareykanku kusoo rideen buufintan".

Muuqaallo ay baahiyeen shabakadaha iyo TV-yada wa rarka Maraykanka ayaa muujinayay buufinta oo ku dha caysa badda kadib markii uu dhacay qarax yar oo ka dha shay gantaalkii lagu dhuftay buufinta.

Diyaarad nooca F-22 ee Maraykanka ah ayaa ku dhu fatay buufinta oo joog sare ku socotay hal gantaal oo nooca - AIM-9X loo yaqaan ah - waxayna ku dhacday meel qiy aastii lix mayl u jirta xeebaha Mareykanka saacaddu mar kay ahayd 2:39pm xilliga bariga Maraykanka, ayuu saxaaf adda u sheegay sarkaal ka tirsan gaashaandhigga.

Saraakiisha difaaca ayaa u sheegay warbaahinta Mare ykanka in burburku uu ku dhacay meel badda dhexdeeda ah oo dheerarkeedu yahay 14 mitir – taas oo aan u qoto dheereyn sidii la filayey – oo ah meel u dhow xeebta Myrtle ee gobolka Koonfurta Carolina.

Milatarigu waxa ay hadda isku dayayaan in ay soo ceshadaan burburka oo ku firdhay ballac gaaraya illaa todobo mayl. Labo markab oo uu ku jiro mid wata wiish culus oo loogu tala galay in lagusoo bixiyo haraadiga buufinta ayaa ku sugan aagga.

War qoraal ah oo ka soo baxay Pentagon-ka ayuu sar kaal sare oo ka tirsan waaxda difaaca Mareykanka ku yiri "inkasta oo aan qaadnay dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan uga ilaalino in buufinta Shiinaha ay qaaddo macluumaadka xasaasiga ah, hadana in buufintan sahanka ah ay soo gasho hawada Mareykanka ayaa faaiido kale noo leh. "Waxaa noo suurtagalaysa in aan baaritaan ku sameyno buufinta iyo qalabkeeda oo ah mid qiimo leh,” ayuu sarkaa lku hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cadaadis la gu saarayay inuu soo rido buufinta tan iyo markii saraaki isha gaashaandhigga ay ku dhawaaqeen inay la socdaan marrinka buufintan.

Ka dib markii buufinta la toogtay, ayuu Mr Biden yiri: "Si guul leh ayay u soo rideen, waxaana ku amaanan duuliyeya asheenna soo riday."

War saxaafadeed ay soo saartay saacado ka dib, wasaa radda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa lagu yiri: "Dhin aca Shiinaha waxuu si isdaba joog u wargelinayay Mar aykanka ka dib markii la xaqiijiyay in buufintan ay tahay mid rayid ah oo hawada Maraykanka usoo gashay si aan ku tala gal ahayn - gabi ahaanba waxay ahayd shil."

Helitaanka buufinta ayaa kicisay xiisad diblomaasiya deed, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu isla markiiba joojiyay safar uu usbuucan ku tagi lahaa Shiinaha "falka mas’uuliyad darroda ah” awgii.

Maamulka Shiinaha ayaa beeniyay inay tahay buufin wax basaasta, waxayna taasi bedelkeeda sheegeen inay ahayd mid loo adeegsado cimillada oo qadka ka luntay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan oo ka falcelin aysa dhacdadan ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: "Falal ka xukuumadda xisbiga shuuciga ee Shiinaha ee ka hor imanaya shuruucda caalamiga ah iyo ku xad-gudbidda hawada iyo madax-bannaanida dalalka kale waa inaanay u dulqaadan beesha caalamka oo ilbax ah."

Shiinuhu wuxuu u arkaa Taiwan oo iskeed isu maamu sha; inay tahay gobol ka go'ay oo aakhirka hoos iman doo na maamulka Beijing. Madaxweyne Xi Jinping ma uusan meesha ka saarin in awood loo isticmaalo si taas loo gaa ro.Laakiin Taiwan waxay isu aragtaa inay madaxbann aan tahay, iyada oo leh dastuur u gaar ah iyo hoggaamiyeyaal si dimoqraadi ah loo soo doortay.

Madaxweyne Biden ayaa markii ugu horreysay ansixiyay qorshaha lagu ridayo buufinta Arbacadii, balse Pentagon-ka ayaa sheegay in uu go’aansaday in la sugo ilaa shaygu uu ka gaarayo dhinaca badda si aysan dadka dhulku ugu gelin khatar aan loo baahnayn.Qorshaha hawlgalka ayaa la dejiy ay markii Maam ulka Duulimaadyada Federaalka ee Mareyk anka ee loo soo gaabiyo (FAA) ay si kooban u hakiyeen dhammaan duullimaadyadii rayidka ahaa ee saddexda gar oon ee ku yaalla xeebta gobolka koonfurta Carolina Shalaynimadii Sabtida sabab lagu sheegay "dadaal amniga qaranka". Ilaalada xeebaha ayaa sidoo kale kula taliyay ba dmaaxiinta inay ka baxaan aagga howlgallada milatari ay ka socdaan "kaas oo keenaya khatar weyn".Goobjooge ku sugan xeebta, oo la yirahdo Hayley Walsh, ayaa BBC-da u sheegtay in ay aragtay saddex diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo wareegaya ka hor inta aan gan taalka la ridin, ka dibna "waxa aanu maqalnay bug weyn, gurigu waa gariiray".dad daawanaya qaraxa buufinta

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Mid ka mid ah saraakiisha sare ee militariga ayaa u sheegay CNN in soo saarista burburka ay tahay "mid fudud" oo ay qaadan karto "waqti gaaban". Sargaalka ayaa intaa ku daray in "Diyaaradaha badda ee awooda leh" la diri karo si ay gacan uga geystaan howlgalka.

Saraakiisha difaaca ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday Sabtidii in buufinku uu markii ugu horeysay soo galay ha wada Mareykanka 28-kii Janaayo meel u dhow jasiiradaha Aleutian, ka hor inta uusan u dhaqaaqin hawada Kanada se ddex maalmood ka dib, oo uu dib u soo galay Mareykanka 31-kii Janaayo. Shayga ayaa lagu arkay gobolka Montana ee dalka Mareykanka, halkaasoo ay ku yaallaan dhowr goobood oo xasaasi ah oo ay yaallaan gantaallada Nukliyeerku.

iriirka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa waxaa uga sii dar ay shilkan, iyadoo Pentagon-ku uu ku tilmaamay "xadgudub aan la aqbali karin" oo ka dhan ah madax-banaanida Mareykanka.

Mr Blinken - xog hayaha arriimaha dibadda Mareykan ayaa u sheegay Beijing inay tani tahay "fal mas'uuliyad darro ah" ka hor safarkiisa hadda la baajiyay ee 5 illaa 6 Fe braayo - waxay noqon lahaa kulankii ugu horreyay ee heer sare ah kaas oo Mareykanka iyo Shiinahu ku kulmaan hal kaas sannado badan kadib.

Laakiin Shiinaha ayaa doonayey in uu hoos u dhigo baajinta booqashadiisa, isagoo bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in labada dhinacba aysan si rasmi ah u shaacin qorshe safar.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in Beijing "aysan aqbali doonin mala-awaal aan sal lahayn ama buunbuunin" waxayna ku eedaysay "siyaasiyiinta iyo warbaahinta Mareykanka qaarkood" inay dhacdada u ad eegsadeen "fursad ay ku caayaan kuna sumcad dilaan Shiinaha." Jimcihii, ayuu Pentagon-ku sheegay in buufin labaad oo Shiinaha laga leeyahay lagu arkay - markan isagoo dul mar aya waddamada Latin America ee Costa Rica iyo Ven ezuela.

Ciidamada Cirka ee Kolombiya ayaa sheegay in 3-dii Febraayo hawada dalkaasi laga helay shay la aqoonsaday – oo la rumeysan yahay inuu yahay buufin.

Waxa ay sheegtay in ay la socotay shaygaas ilaa ay ka baxay hawada dalkooda, iyada oo intaa ku dartay in aanay u ekayn wax khatar ku ah amniga qaranka.

Shiinaha weli si cad ugama hadlin buufinta labaad ee la sheegay.XIGASHO:-BBC

MUSHARRAF: KUMUU AHAA MADAWEYNIHII PAKISTAN EE HORAY DILKA LAGU XUKUMAY EE HADDA GEERIYOODAY PERVEZ MUSHAR RAF

Xirfadda siyaasadeed ee Pervez Musharaf, oo ahaa taliy ihii ugu dambeeyay ee militariga Pakistan, ayaa lagu qeexaa xagjirnimo.

Ka dib markii uu xukunka ku qabsa day afgambi 1999-kii, Musharaf waxaa uu wajahay tiro isku dayo dil ah oo uu ka badbaday, isaga oo dhexda u galay safka hore ee halganka u dhexeeya Islaamiyiinta xagjirka ah iyo reer galbeedka.

Waxaa xusid mudan, in uu isbahaysi la samaystay Mar aykanka, isaga oo ku tilmaamay in uu ka caawiyay cas riyaynta Pakistan iyo horumarinta dhaqaalaha.

Balse sannadkii 2008-dii, Musharraf waxa uu guul darro kala kulmay doorashadii waddankaas ka dhacday waxaana qasab looga saaray xafiiska. Mihnadiisa siyaasadeed waxay ugu dambeyntii ku dhammaatay ceeb iyo xarig: wa xaa lagu xukumay khiyaano qaran iyo dil isagoo maqan 2019kii.Waxaa loo ogolaaday in uu ka tago Pakistan sanadkii 2016 si uu u raadsado caafimaad dibadda ah, taasoo dhigan in xukunkan aan la fulin. Balse waxay bahdil ku ah ayd millatariga oo dalka Pakistan soo maamulayey muddo dheer.

Bishii Juun 2022, ka dib markii ay soo baxeen warar aan xaqiiq ahayn oo sheegaya in Musharaf ku dhintay Dubai, ayey qoyskiisu ku dhawaaqeen inay jirto suurta galnimo yar oo uu kaga soo kabsan karo xanuun nadir ah oo qayba badan oo jirkiisa ka mid ah hawlgab ka dhigay kaas oo lagu magacaabo amyloidosis.Pervez Musharraf Sannadihiisii hore Pervez Musharraf waxa uu ku dha shay Delhi 11-kii Ogosto 1943, laakiin qoyskiisu waxay ka mid noqdeen malaayiin kale oo Muslimiin markii Pakistan-ta cusub ee la sa meeyay, ka dib qaybsigii Hindiya 1947 markii uu dham maaday xukunkii Ingiriiska. Waxa uu iskuul ku qaatay Karachi iyo Lahore ka hor inta uusan galin Akademiyada Militariga Pakistan 1961kii.

Waxa uu ka soo shaqeeyay dagaalkii hindiya iyo Pakistan ee 1965-kii iyo dagaalkii labaad ee u dhexeeyay dalalkan muddo shan sano ah ka dib, wakhtigaas oo uu ahaa taliye ko oxeed.

Musharaf ayaa xilka ugu sareeya ee Pakistan qabtay sanadkii 1998-dii marka asoo taliyihii ciidamada Pakistan Gen Jehangir Karamat uu is casilay labo maalmood ka dib markii uu ku baaqay in ciidamada laga siiyo door muhiim ah habka go’aan qaadashada dalka.

Dad badan oo indha indheeya siyaasadda ayaa iscasil aada u qaatay in ay calaamad u tahay in awooda siyaasad eed ee Ra’iisal Wasaare Nawaz Sharif ay noqotay mid xoog ahaan ku filan in u uku hanto mustaqbalka fog ee maa mulka rayidka ah.

Burburinta xagjirnimada

Hogaamiyihii Pakistan, Musharaf waxa ay ahayd in uu la tacaalo dhibaatadii dalkiisa ka soo gaadhay weeraradii 11-kii Sebtembar 2001 ay kooxaha Islaamiyiinta ahi ku qa adeen bartilmaameedyada Maraykanka.

Farriinta aan qarsooneyn ee ka soo yeertay maamulkii xilligaas ee Mareykanka George W Bush waxay ahayd "Adigu ama annaga ayaad nala jirtaa ama naga soo horj eedaan”. Markaa Musharaf waxa uu u leexday siyaasadii Pakistan oo muran dhalisay: in uu taageero ololaha milatari ee Maraykanku hogaaminayo ee lagaga saarayo taliska Taliban dalka dariska la ah ee Afgaanistaan, halkaa oo ga baad u noqotay xagjiriinta Muslimiinta ah ee lagu eedeeyay weerarada.

Bishii Janaayo 2002, wuxuu soo saaray cambaareyn xooggan oo ku saabsan xagjirnimada, isagoo ballan qaaday inuu la dagaallami doono argagixisada Islaamiga ah ee Pa kistan. Waxa uu sidoo kale mamnuucay dhammaan lacag aha dibadda laga bixiyo ee masaajidda iyo xarumaha waxb arashada Islaamka, wuxuuna xaddiday tirada ardayda ajna biga ah ee Pakistan u imanaysa barashada diinta Islaamka.

Ka dagistii awooddasawirka Pervez Musharraf oo lakala jeexayoTani waxay ahayd dilkii naxdinta lahaa ee ra'iisal wa saarihii hore ee Benazir Bhutto, oo uu gaystay qof is qarxi yay December 2007, taas oo wax kasta ka badan ka sama ysay in la wiiqo sheegashadii Musharaf ee ahayd in musta qbalka Pakistan uu gacantiisa ku jiro.

Ka dib doorashooyinkii horaantii 2008dii, xisbiga Bhutto ee Pakistan ayaa xukunka ku qabsaday madaxa isbahay siga xukunka oo uu nka mid ahaa xisbigii Nawaz Sharif, oo Musharraf uu xilka ka tuuray 1999. Waxay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay ku qasbayaan madaxweynaha inuu iscasilo iyo sidoo kale inay ka shaqeeyeen hann aan xil ka qaadis.

18-kii Ogosto 2008, Musharaf ayaa khudbad dheer oo uu jeediyay ku shee gay in uu xilka iska casilayo, isagoo markaasi ku difaacay go'aamadii uu qaatay.

Musharaf ayaa markaas ka dib la galiyey baadhitaano ba dan, oo uu ku jiro mid khiyaamo qaran ah oo la xidhiidha xaaladda degdegga ah ee 2007dii uu dalka kusoo rogay.

Eedeymahaas ayaa horseeday muran sharci oo sanado badan ka socday maxkamadaha ugu sarreeya dalka.

Sannadkii 2016-kii, kaddib markii xayiraaddii dhanka soc daalka laga qaaday arrimo caafimaad, Musharaf ayaa mar kale ka dhoofay dalka. Waxay qaadatay in ka badan sad dex sano in garsooraya asha kiiska khiyaanada qaran ay ku dhawaaqaan xu kunkooda naxdinta leh: Musharaf wuxuu aha a dambiile waxaana lagu xukumay dil.

Laakin Musharaf oo musaafuris iskiis ah ugu maqnaa Dubai, waxaa jirtay fursad yar oo xukunkan oo kale ah in lagu fuliyo. Warbixin muuqaal ah oo laga soo saaray sariirta isbitaa lka, ayuu ku sheegay inuu aad u xanuuns anayo oo uusan u safri karin Pakistan.

Kadibna qaab kale, bil ka dib markii xukunka la riday, waxaa nidaamka oo dhan ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn maxkamadda sare ee Lahore .Waxay maxkamadu shaki gelisay sharci ahaanshaha xuk unka, balse ma caddayn inay si toos ah u baabi'isay xu kunkiisa dilka ah.

Ka dib markii qoyska Musharaf ay ku dhawaaqeen bishii Juun 2022 in qaar badan oo ka mid ah xubnihiisa jidhka ay xumaadeen, waxaa jiray baaqyo lagu doonayey in loo ogalaado inuu ku laabto Pakistan si uu halkaas si nabad ah ugu geeriyoodo. Ciidanka Pakistan ayaa sheegay in ay ku taageeri doonaan qoyska Musharraf haddii sidaasi ay tahay sida ay rabaan.Laakiin qaar kale oo badan ayaa ku baaqay in taliyihii hore ee milatariga Pervez Musharraf la xidho marka uu soo laabto waxayna ku adkaysteen in la waydiiyo

jawaabta dambiyadii uu galay.XIGASHO:-BBC



SAFARKII GAARIGA EE KU WAJAHNAA MADA

 XTOOYADDA SOOMALIYA(MAQAAL)


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shee gay in dhinacyada Soomaalida ay nabad ku wada nool aan karaan, siyaasadda Islaamiga ahna ay tahay inay san noqon mid rabshaddeed, Dimuqraadiyeynta dalku na ay kori karto. Waa kan wareysi gaar ah oo uu la yee shay Jariiradda The Guardian Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarka gaariga ee ka yimaada gegida diyaaradaha ee Muqdisho kuna wajahan Aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayay tahay in uu qaato ku dhawaad 15 daqiiqo. Badanaase sidaasi ma dhacdo,Boqolkii tillaabo ee kasta waxaa yaalla bar hubin uu leeyahay ciidanka Booliiska.

Sida muuqata wax aan laga taxada rin ma jiraan; sababo la xiriira qarax yada lala eegto baraha hubinta ee ciidanka.

Si looga fogaado habacsanaan am ni ma jirin cid kale oo sii og booqashada Observer mar ka laga reebo tiro yar oo ka mid kaaliyeyaasha Madaxw eynaha. Waxaan ku nimid gaari Hilux nuuca aan xabadd a karin oo uu galbinayo gaari dul bannaan ah oo aysaaran yihiin toddoba askari, qorina ku rakiban yahay .

Waxaan marnay waddo dheer oo hareeraha ay ka xiga an kunteenaro carro lagu geddaamay iyo darbiyo silig lagu wareejiyay.

Subaxdaas goor hore markii aan soo gaaray gegida diyaaradaha, aniga oo jiidaya jaakadda nuuca culus ee xabadaha karin iyo koofi, waxay ila noqotay xushmad darro inaan la imaado oon ku hor xirto nin ka badbaaday dhawr isku day dil oo ka dhan ahaa- oo uu ku jiro mid la gula beegsaday gudaha xayndaabka Madaxtooyada, haddana xukuma dal lagu doodi karo in uu yahay kan u gu halista badan dunida guudkeeda.

Unug ciidan dhallinyaro ah oo aad foojigan, xiranna muraayado (Awkiyaaleyaal) madow ayaa ilaalo ka haya halka laga galo xafiiskiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaligiis fadhiya miis alwaax ah gadaashiis isaga oo hortiisa uu suran yahay sawirka Aaden Cabdulle Cisma an Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya. Waxa uu ku labisan yahay suud iska caadi ah oo midabkiisu buluug yahay, shaarka kuleetigiisuna furan yahay.

Maxamuud waxa uu u muuqdaa mid deggan si wacan ayuuna ii gacan qaaday,Inaad ahaato Madaxweynaha Soomaaliya dal magaciisa wali si weyn loogu adeegs ado inkastoo ay si marin habaabin u tahay tilShalay ast aanta "Dal fashilmay”ayaa u muuqata shaqodhib badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah labo jeer ugu guuleeystay hanashada xafiiska dalka ugu sareeya. Dawladdiisuu intii u dhaxeysay 2012-2017 ayaa ahayd tii ugu horreysayeen kmg gaar ahayn tan iyo 1991 markii la riday



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip