Daraasad:- Quraanjada oo la ogaaday in kansarka lagu baari karayo

0
Saturday February 04, 2023 - 21:58:48 in Wararka by
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daraasad:- Quraanjada oo la ogaaday in kansarka lagu baari karayo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Qudhaanjo caleen dul saaran

Sida laga soo xigtay cilmi-baadhis cusub oo la sameeyay, Qudhaanjada ayaa loo isticmaali karaa in lagu ogaado kansarka ku dhaca bini'aadamka, taas oo ay ugu wacan tahay habka ursashada qudhaajanada oo xasaasi ah.

Saynis yahanadu waxay go'aamiyeen markii ugu horreysay marxaladan in qudhaanjadu ay ogaan karto kansarka iyadoo lagu tijaabiyey jiir qaba xanuunka kansarka.

"Waxa qudhaanjada lagu tababari karaa in ay kansarka ka ogaato kaadida jiirka toban daqiiqo gudahood," ayuu yidhi Baptiste Piqueret, oo ah hormuudka daraasadda.

Piqueret wuxuu bilaabay cilmi baaristiisa 2017-kii waxaana u suurta gashay inuu tababaro quraanjada si ay u kala soocaan unugyada caafimaadka qaba iyo unugyada kansarka ee lagu sameeyay shaybaarka dhexdiisa.

Hadda Piqueret iyo kooxdiisu waxay qaadeen tallaabo dheeraad ah waxayna awoodaan inay ogaadaan burooyinka kansarka ee ku dhasha quraanjada iyo jiirka.

Tababarka qudhaanjada si ay soo saarto urka xun

Piqueret iyo kooxdiisu waxay isticmaaleen farsamo loo yaqaan xenograft (ku-tallaalidda unugyada shisheeye) si ay unugga kansarka naasaha bini'aadamka ugu geliyaan jiir si ay buradu u korto.

Ka dib waxay ka soo ururiyeen tijaabooyin kaadi ah oo laga soo qaaday jiirarka kansarka qaba iyo kuwa si kale u buka labadaba.

"Intii lagu jiray tababarka, waxaan ku uruurinay qudhaanjada meel wareeg ah waxaanan kaadida agteeda u dhignay cunto abaal-marin ah oo aan ka keennay jiirka kansarka qaba," ayuu yiri Piqueret.

Marka ay Qudhaanjadu heshay cuntada abaal marinta ah, waxay abaalgudka ku xidhay in laga helo oo kali ah unugyada kansarka kadibna waxay qudhanjadu baratay inay unugyada kasnsarka qaba ka aqoonsato kuwa kale.

laba qudhaanjo oo afka isa saaraya

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

"Unugyadu waa sida warshadda oo kale, waxay u baahan yihiin cunto ay ku noolaadaan waxayna soo saaraan qashin. Unugyada kansarku waxay sidoo kale soo saaraan qashin laga ogaan karo urka,” ayuu yidhi.

Si kale haddii loo dhigo, daraasadda, waxaa lagu go'aamiyay in unugyada kansarka leh ay leeyihiin qaab-dhismeed dabiici ah oo gaar ah oo laga ogaan karo kaadida ama neefta.

Haddaba, Qudhaanjadu ma loo isticmaali karaa in lagu ogaado kansarka dadka? "Weli maya," Piqureet ayaa yidhi. "Si aan u sii wadno, waxaan u baahanahay inaan tijaabino kaadida bini'aadamka," ayuu yidhi, isagoo ku nuuxnuuxsaday in tani ay ka sii adag tahay tijaabinta kaadida jiirka.

Sababtoo ah waxaa jira doorsoomayaal badan oo kala duwan, sida da'da, jinsiga, caadooyinka cuntada, iyo ur u gaar ah qof kasta, si ay Qudhaanjadu u ogaato urta unugyada kansarka ee aadanaha.

 

Si kastaba ha ahaatee, saynis yahanku waxa uu go'aansaday in uu cilmi-baadhis dheeraad ah ku sameeyo mawduucan waxaana uu rumaysan yahay in qudhaanjadu ay noqon karto qalab aad u faa'iido leh oo aan u baahnayn tababar badan.

"Fa'iido kale ayaa ah in Qudhaanjadu ay u nooshahay sida deegaanka aadmiga oo ay xogta la wadaagaan midba midka kale," ayuu yiri Piqueret, isagoo xusay in haddii 10% ka mid ah qudhaanjada halkaas ku nool la tababaro, ay gaadhsiin karaan macluumaadkan kuwa kale;

"Waxaa laga yaabaa in macluumaadka uu faafo, mana aha inaan waqti ku bixino tababarka qudhaanjo tiro badan"

Piqueret ayaa sheegay in aragtidan la caddeeyey inay ku shaqaynayso shinnida, balse loo baahan yahay in cilmi-baadhisyo badan lagu sameeyo qudhaanjada.

Maxay yihiin xayawaanka kale ee waxtarka u leh ogaanshaha kansarka?

Dhaqaatiir

XIGASHADA SAWIRKA,DERRICK L. TURNER/MICHIGAN STATE UNIVERSITY

Dr. Debajit Saha oo ka tirsan Jaamacadda Michigan State ayaa ka shaqaynayay inay ogaan karaan ayaxa iyo unugyada kansarka muddo 10 sano ah.

Kooxdiisu waxay ogaadeen in ayaxu ama kabajanku kala saari karo urta unugyada kansarka iyo kuwa caafimaadka qaba. Si kastaba ha ahaatee, iskuma dayayaan inay tababaraan ayax, laakiin waxay doonayaan inay dhaqaajiyaan awood hore ugu dhex jirtay maskaxda ayaxa.

"Waxaan si toos ah u abbaari karnaa maskaxda oo aan qaab cusb kasoo dhisi karnaa seenyaalaha maskaxda," ayuu Dr. Saha BBC-da u sheegay.

Saha iyo kooxdiisa ayaa rajaynaya in macluumaadka maskaxda ee ayaxu ay aasaas u noqon karto aalad lagu ogaan karo kansarka neefta bukaanka oo keliya, iyadoo la isticmaalayo dareen gubiyeyaasha xasharaadka.

"Waxaan jeclahay in aan ka shaqeeyo fikradda ah sida loo isticmaalo xubnaha noolaha si loo ogaado cudurka," ayuu yiri Saha.

Ey cad

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Si kastaba ha ahaatee, cayayaanku maaha noolaha kaliya ee inaga caawin kara arrintan.

Hay'ad samafal oo UK ka dhisan oo lagu magacaabo Medical Detection Dogs ayaa ka shaqaynaysa samaynta sanka elegtarooniga ah ee lagu ogaan karo kansarka qanjirka 'prostate'.

"Shaqadayadu waxay ka bilaabantay bal in eeydu ay ogaan karaan kansarka kaadiheysta," Sophie Aziz, oo ah agaasimaha cilmi baarista iyo horumarinta ganacsiga ee hay’adda, ayaa u sheegtay BBC. "Waxaan barannay waxtarka eyda si cudurka looga ogaado kaadida bukaanka kansarka."

Hay’addu waxay tababartay lix nooc oo eey ah 2004tii waxayna ogaadeen in saxnaanta ogaanshaha ay saddex jeer ka wanaagsan tahay baadhitanka aan loo meel dayin. Daraasado dambe ayaa lagu ogaaday in eydu ay ogaan karaan xaaladaha kansarka kaadiheysta 90%.

Daraasad kale ayaa muujisay in eydu ay awoodaan inay ogaadaan kansarka ugxan-sidaha ee dhiigga bukaanka. eyda tababaran waxay soo saari karaan 99% kiisaska.

Wareegga xiga, horumarinta sanka elektaroonigga ah ayaa bilaabmay, balse tani waxay caddaynaysaa inay adag tahay sababtoo ah kala duwanaanshaha aadka u yar ee urta.

"Gaar ahaan marka ay timaaddo cudurrada, urtu waxay ku xirnaan kartaa xaaladda jidhka bukaanka iyo jawaabta nidaamka difaaca jirku ka bixiyo cudurka," ayuu yiri Aziz.

Balse waxa uu rumaysan yahay in cilmi-baadhista cusubi ay ku dari karto shaqo kale, ogaanshaha kansarka ee cayayaanka.

"Inta badan oo aan ka baran karno xayawaanka, way ka sii fiicnaan doontaa. Macluumaadka badanna waxay ka yimaadaan kooxaha sidayada oo kale ah, ama cilmi baaris lagu baarayo sida qudhaanjadu u ogaato kansarka, way ka sii wanaagsanaan doontaa uun. Dhammaantood waxay gacan ka geysanayaan abuurista sawirka weyn."

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip