Musharraf: Kumuu ahaa madaweynihii Pakistan ee horay dilka lagu xukumay ee hadda geeriyooday

1
Sunday February 05, 2023 - 17:17:18 in Wararka by
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharraf: Kumuu ahaa madaweynihii Pakistan ee horay dilka lagu xukumay ee hadda geeriyooday

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Pervez MusharrafXirfadda siyaasadeed ee Pervez Musharaf, oo ahaa taliyihii ugu dambeeyay ee militariga Pakistan, ayaa lagu qeexaa xagjirnimo.

 

Ka dib markii uu xukunka ku qabsaday afgambi 1999-kii, Musharaf waxaa uu wajahay tiro isku dayo dil ah oo uu ka badbaday, isaga oo dhexda u galay safka hore ee halganka u dhexeeya Islaamiyiinta xagjirka ah iyo reer galbeedka.

 

Waxaa xusid mudan, in uu isbahaysi la samaystay Maraykanka, isaga oo ku tilmaamay in uu ka caawiyay casriyaynta Pakistan iyo horumarinta dhaqaalaha.

 

Balse sannadkii 2008-dii, Musharraf waxa uu guul darro kala kulmay doorashadii waddankaas ka dhacday waxaana qasab looga saaray xafiiska. Mihnadiisa siyaasadeed waxay ugu dambeyntii ku dhammaatay ceeb iyo xarig: waxaa lagu xukumay khiyaano qaran iyo dil isagoo maqan 2019kii.

 

Waxaa loo ogolaaday in uu ka tago Pakistan sanadkii 2016 si uu u raadsado caafimaad dibadda ah, taasoo dhigan in xukunkan aan la fulin. Balse waxay bahdil ku ahayd millatariga oo dalka Pakistan soo maamulayey muddo dheer.

 

Bishii Juun 2022, ka dib markii ay soo baxeen warar aan xaqiiq ahayn oo sheegaya in Musharaf ku dhintay Dubai, ayey qoyskiisu ku dhawaaqeen inay jirto suurta galnimo yar oo uu kaga soo kabsan karo xanuun nadir ah oo qayba badan oo jirkiisa ka mid ah hawlgab ka dhigay kaas oo lagu magacaabo amyloidosis.

Pervez Musharraf

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Sannadihiisii hore

Pervez Musharraf waxa uu ku dhashay Delhi 11-kii Ogosto 1943, laakiin qoyskiisu waxay ka mid noqdeen malaayiin kale oo Muslimiin markii Pakistan-ta cusub ee la sameeyay, ka dib qaybsigii Hindiya 1947 markii uu dhammaaday xukunkii Ingiriiska.

Waxa uu iskuul ku qaatay Karachi iyo Lahore ka hor inta uusan galin Akademiyada Militariga Pakistan 1961kii.

Waxa uu ka soo shaqeeyay dagaalkii hindiya iyo Pakistan ee 1965-kii iyo dagaalkii labaad ee u dhexeeyay dalalkan muddo shan sano ah ka dib, wakhtigaas oo uu ahaa taliye kooxeed.

Musharaf ayaa xilka ugu sareeya ee Pakistan qabtay sanadkii 1998-dii markaasoo taliyihii ciidamada Pakistan Gen Jehangir Karamat uu is casilay labo maalmood ka dib markii uu ku baaqay in ciidamada laga siiyo door muhiim ah habka go’aan qaadashada dalka.

Dad badan oo indha indheeya siyaasadda ayaa iscasilaada u qaatay in ay calaamad u tahay in awooda siyaasadeed ee Ra’iisal Wasaare Nawaz Sharif ay noqotay mid xoog ahaan ku filan in u uku hanto mustaqbalka fog ee maamulka rayidka ah.

Burburinta xagjirnimada

Hogaamiyihii Pakistan, Musharaf waxa ay ahayd in uu la tacaalo dhibaatadii dalkiisa ka soo gaadhay weeraradii 11-kii Sebtembar 2001 ay kooxaha Islaamiyiinta ahi ku qaadeen bartilmaameedyada Maraykanka.

 

Farriinta aan qarsooneyn ee ka soo yeertay maamulkii xilligaas ee Mareykanka George W Bush waxay ahayd "Adigu ama annaga ayaad nala jirtaa ama naga soo horjeedaan”. Markaa Musharaf waxa uu u leexday siyaasadii Pakistan oo muran dhalisay: in uu taageero ololaha milatari ee Maraykanku hogaaminayo ee lagaga saarayo taliska Taliban dalka dariska la ah ee Afgaanistaan, halkaa oo gabaad u noqotay xagjiriinta Muslimiinta ah ee lagu eedeeyay weerarada.

 

Bishii Janaayo 2002, wuxuu soo saaray cambaareyn xooggan oo ku saabsan xagjirnimada, isagoo ballan qaaday inuu la dagaallami doono argagixisada Islaamiga ah ee Pakistan. Waxa uu sidoo kale mamnuucay dhammaan lacagaha dibadda laga bixiyo ee masaajidda iyo xarumaha waxbarashada Islaamka, wuxuuna xaddiday tirada ardayda ajnabiga ah ee Pakistan u imanaysa barashada diinta Islaamka.

Ka dagistii awoodda

sawirka Pervez Musharraf oo lakala jeexayo

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Tani waxay ahayd dilkii naxdinta lahaa ee ra'iisal wasaarihii hore ee Benazir Bhutto, oo uu gaystay qof is qarxiyay December 2007, taas oo wax kasta ka badan ka samaysay in la wiiqo sheegashadii Musharaf ee ahayd in mustaqbalka Pakistan uu gacantiisa ku jiro.

 

Ka dib doorashooyinkii horaantii 2008dii, xisbiga Bhutto ee Pakistan ayaa xukunka ku qabsaday madaxa isbahaysiga xukunka oo uu nka mid ahaa xisbigii Nawaz Sharif, oo Musharraf uu xilka ka tuuray 1999. Waxay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay ku qasbayaan madaxweynaha inuu iscasilo iyo sidoo kale inay ka shaqeeyeen hannaan xil ka qaadis.

 

18-kii Ogosto 2008, Musharaf ayaa khudbad dheer oo uu jeediyay ku sheegay in uu xilka iska casilayo, isagoo markaasi ku difaacay go'aamadii uu qaatay.

Musharaf ayaa markaas ka dib la galiyey baadhitaano badan, oo uu ku jiro mid khiyaamo qaran ah oo la xidhiidha xaaladda degdegga ah ee 2007dii uu dalka kusoo rogay.

Eedeymahaas ayaa horseeday muran sharci oo sanado badan ka socday maxkamadaha ugu sarreeya dalka.

Sannadkii 2016-kii, kaddib markii xayiraaddii dhanka socdaalka laga qaaday arrimo caafimaad, Musharaf ayaa mar kale ka dhoofay dalka.

Waxay qaadatay in ka badan saddex sano in garsoorayaasha kiiska khiyaanada qaran ay ku dhawaaqaan xukunkooda naxdinta leh: Musharaf wuxuu ahaa dambiile waxaana lagu xukumay dil.

Laakin Musharaf oo musaafuris iskiis ah ugu maqnaa Dubai, waxaa jirtay fursad yar oo xukunkan oo kale ah in lagu fuliyo.

Warbixin muuqaal ah oo laga soo saaray sariirta isbitaalka, ayuu ku sheegay inuu aad u xanuunsanayo oo uusan u safri karin Pakistan.

Kadibna qaab kale, bil ka dib markii xukunka la riday, waxaa nidaamka oo dhan ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn maxkamadda sare ee Lahore .

Waxay maxkamadu shaki gelisay sharci ahaanshaha xukunka, balse ma caddayn inay si toos ah u baabi'isay xukunkiisa dilka ah.

Ka dib markii qoyska Musharaf ay ku dhawaaqeen bishii Juun 2022 in qaar badan oo ka mid ah xubnihiisa jidhka ay xumaadeen, waxaa jiray baaqyo lagu doonayey in loo ogalaado inuu ku laabto Pakistan si uu halkaas si nabad ah ugu geeriyoodo. Ciidanka Pakistan ayaa sheegay in ay ku taageeri doonaan qoyska Musharraf haddii sidaasi ay tahay sida ay rabaan.

Laakiin qaar kale oo badan ayaa ku baaqay in taliyihii hore ee milatariga Pervez Musharraf la xidho marka uu soo laabto waxayna ku adkaysteen in la waydiiyo jawaabta dambiyadii uu galay.

XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip