HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 4-TA FEBARAAYO 2023-KA

0
Saturday February 04, 2023 - 08:25:45 in Wararka by
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 4-TA FEBARAAYO 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheikh oo safarkii labaad labo todobaad gudaheed ku tagay Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydh aba halkaasi oo uu ka socda wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

Safarka Madaxweynaha oo ah kii labaad ee uu ku tago magaalada Bay dhabo muddo 11 maalmood gudaho od ah ayaa lagu sheegay inuu ku saabsan yahay xaqiijinta sidii uu miro dhal u noqonlahaa shirka dib u heshiisiinta ee Baydhabo uga socda, siyaasiy iinta iyo qaybaha bulshada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Shirkaan ayaa lagu wadaa inuu soo xiro madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, islamarkaana go’aano lagusoo afjarayo qalalaasaha ka dhashay muddo kororsiga maa mulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Shekh Aadan Maxa med Nuur (Madoobe) oo shirkaan isagu horey ugu baaqay, ayaa rajo weyn ka qaba inuu guul kusoo dhamaado.

Guddoomiye Madoobe oo horey Baydhabo ugu sugnaa ayaa kulamo looga hadlayay dardargelinta shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed la qaatay madaxweyne Lafta Gareen iyo golihiisa wasiiradda

Sheekh Aadan Madoobe Oo Mar Kale Kulan Gaar Ah La Qaatay Midowga Musharixiinta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Mado obe ayaa Habeen hore magaalada Baydhabo kula shiray midowga musharraxiinta Koofur Galbeed, halkaas uu ka socodo shir ka dib u heshiisiinta maamulkaas.

"Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxa med Nuur ayaa Midowga Musharrax iinta, Golaha Badbaadada iyo Mad asha Samatabixinta KGS u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka oo lagaga arr insanaayo hanaanka geedi socodka nabada iyo sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taala magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Al-Shabaab” ayay qortay warbaahinta dowladdu.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli la haa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, waana markii saddexaad oo uu Sheekh Aadan Madoobe la kulmo mucaaradka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 17-kii bishii hore ee January furay shirka dib u he shiisiinta Koonfur Galbeed oo ay kasoo qeyb galeen maa mulka iyo mucaaradka, wuxuuna ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur Galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

Xoghayaha Difaaca Talyaaniga Oo Soo Gaaray Muq disho, Lana Kulmay Madax weyne Xasan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahalay ku qaa bilay Xarunta Madaxtooyada Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayey ku xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Mudane Matteo Perego.

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowla dda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga dowladda Talyaaniga la wadaagay guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ay argagixisadu dadka ku dhibaateyn jirtay, isaga oo tilma amay sida ay uga go’an tahay dowladda in la dhammeystiro cirib-tirka argagixisada.xoghayaha difaaca talyaaniga oo soo gaaray muqdisho, lana kulmay madaxweyne xas anxoghayaha difaaca talyaaniga oo soo gaaray muqdisho, lana kulmay madaxweyne xasanxoghayaha difaaca taly aaniga oo soo gaaray muqdisho, lana kulmay madaxweyne xasan

Xamza oo sheegay 2 arrin oo uu aad u dhibsaday

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ahalay ka hadlay nidaamka qabaliga ah ee xilalka lagu qeybsado, isagoo sheegay inuu aad u dhibsaday hanaanka ay hadda wax u qeybsadaan dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sidaan ay ka wanaagsan tahay in qof kasta lagu qiimeeyo aqoontiisa oo qabiilkiisa aan loo fiirin.

Hadii taasi ay suurta-gasho wuxuu sheegay inay dhici doonto in la arki doono laba qof oo walaalo ah oo aqoontooda ku gaaray heerar sare oo hadda aysan suurtagal aheyn inay dhacdo, maadaama 4.5 wax lagu qeybsado."Nidaamka xukunka ee aan wax ku qeyb-sano waa in aan iska saxno, runtii layaab ayuu leeyahay nidaa mkaan, laba qof oo walaalo ah hadii ay tartan galaan oo guuleystaan waa in aan lala yaabin, waa in laba walaal ay xafiis wada fariisa karaan,” ayuu yiri Xamza Barre.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan Taliyaha booliska Soomaaliya loo magacaabay sarkaal isaga ku heyb ah, taas oo hadal-heyn iyo guux bad an abuurtay.

"Waa in nidaamkaan 4.5 ah aan k baxaa, waa in Xildhi baanka laga daayo cadaadiska oo aqoon lagu raadiyo jag ooyinka dowliga ah, sida aan isku xukumeyno markii aan is ka saxno ayey cadaaladu imaan doontaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday musuq maasuqa lagu sheego Soomaalida, iyadoo dhawaan uu dalkeenu kaalimaha ugu horeeya ka galay qiimeynta dalalka ugu musuqa badan dunida.

"Waxaa musuqa looga saari karaa dadkeena in la fahamsi iyo dowladnimada, musuqu wuxuu noqday Soomaalida meheradeeda, meel kasta ayuu ka jiraa, marka wax yaabo badan ayaa saxid nooga baahan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Duqa Muqdisho Oo Aqalka Dowlada Hoose Ku Soo Dhaweeyay Wafdi Ka Socda Bulshada Bariga Afrika

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaa lada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku soo dhawee yay xubno ka socda Bulsh ada Bariga Afrika "East Afr ican Community” oo maalm ahaan Muqdisho u joogay howla shaqo.

Munaasabadan soo dha weynta ah waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildh ibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnahaan sare ee Aqalka Dowladda Hoose lagu soo dhaweeyay ayaa mudda Todobaad ah Muqdisho u joogay si ay u qiimeeyaan u diyaargarowga in Soomaaliya ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika, oo ku mideysan yihiin Dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, DR Congo, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.

Goobta soo dhaweynta ka socotay ayaa lagu soo ban dhigay waxyaaba ka turjumaya astaamaha dhaqankeena suuban ee Soomaalida, gaar ahaan Aqal Soomaaliga, Dharka hidaha iyo dhaqanka, Ciyaara dhaqmeed iyo Cuntooyinka Wadaniga ee uu dalkeena Hodanka ku yahay.

Soomaaliya oo sanadkaan ku biireysa ururka Bulshada Bariga Afrika.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ururka Bulshada bariga Africa Cabdisalaan Hadliye ayaa sheegtay in Sanadkaan gudahiis Soomaliya ay kamid noqon doonto is bahaysiga la magac baxay ururka Bulshada Bariga Afrika.

Ergayga oo ka hadlay Xaflad sago otin ah oo loo sameeyo guddi ka so cda ururkaasi oo maalmahaan Mu qdisho u joogay sahan la xiriiray qaabka Soomaaliya ay uga qeybgali karto Isnaheysiga ayaa bulshada la wadaagay faa iidada Soomaaliya ugu jira ka mid noqoshada is bahaysiga Bulshada Bariga Afrika.

Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibadda XFS Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdii sagootinta wafdigaasi oo oo ka kooban 40 xubno od oo kana socday dalalaka Kenya,Yugandha, Tansaa noya,Ruwanda Burundi Jamhuuriyadda Koongo iyo ko onfurta Suudaan,kuwaas oo muddo 12 ci sho ah oo ay joogaan dalka la kulmay hey adaha dowladda iyo ururada bulshada.

Qodobada aasaaska u ah ururka Bul shada Bariga Afrika,waxaa kamid ah mide ynta canshuuraha xuduudaha,suuq wadaag,mideynta lac agaha iyo mideynta siyaasadda,hasa yeeshee xiligaan waf diga ka socda ururka waxay qiimeynayaan sidii loo heli la haa suuq wadaag iyo mideynta canshuuraha.

Ganacsatada Soomaaliya ee ka xoogsada dalalka geeska Afrika ayaa la filayaa in kamid noqodhada Soomaaliya ee ururkaasi ay ku soo kordhiyaan faa’idooyin badan oo ay ku jiraan badbaadinta naftooda iyo ganacsigooda.

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo Habeen hore kulan sagootin ah Muqdisho ugu sameeyey waftdigii ka socday Bulshada Bariga Afrika Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo Habeen hore kulan sago otin ah Muqdisho ugu sameeyey waftdigii ka socday dalalka Bulshada bariga afrika. Kulan casho sharaf sagootin ah ayaa Habeen hore loogu sameeyey Magaaladda Muqdisho wafdigii ka socday Ururka Bulshada bariga Afrika oo dhowaan safar shaqo ku yimid caasimadda Soomaliya,safarkan oo ay ku qiimaynayeen heerka ka mid noqoshada Soomaliya ee xubnimada dalalka Bulshada bariga Afrika.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa waxa ka qayb galay xubnaha golaha was iiradda XFS,hoghaanka Hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS iyo masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday heya’addaha dowladda.

Wasiirka arrimaha dibedda oo faahfaahin ka bixiyey uje edka kulanka sagootinta ah ayaa yiri ” Waxaan Habeen hore kulan sagootin iyo casho ah ugu samaynay caasimadda Muqdi sho wafdigii ka socdey Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo soo gabagabeeyay safarkoodii qiimaynta ka mid noqoshada dalkeena ee waddamada ku midaysan Bulshada Bariga Africa (East Africa Community)”

Wafdigan ayaa ka kooban in ka badan 40 xubnood oo ka kala socdey waddamada xubnaha ka ah Ururkan iyagoo muddo 10 maalmood oo qiimayn ah ku joogay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Dowladda Somaliya oo loogu baaqay inay difaacdo xorr iyadda iyo xuquqda muwaadiniinta deegaanada SSC

Raysal wasaarayaal hore, guddoomiyayaal barlamaan oo hore, Wasiiro hore, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soo maaliyeed, ayaa dowladda federalka ugu baaqay in ay cad deyso mowqifkeeda ku saabsan qaddiyada shacabka SSC.

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheeg een in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay mabda’ ahaan u difaacdo xorriyadaha iyo xuquuqaha muwaadiniinta aaminsan una taagan midnimada iyo qa rannimada Soomaaliya.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen in fursado badan ho ray loo lumiyey 30kii sano ee la soo dhaafay oo ay ahayd in xal waara oo degdeg ah laga gaaro gooni-isutaagga Som aliland, iyadoo loo marayo dib-u-heshiisiin in la sameeyo oo dib loo mideeyo dalka.

Waxay sheegeen shacabka kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn in aanay xaq u lahayn in lagu caburiyo ama lagu colaadiyo aragtidooda iyo dareenkooda ku aaddan qadd iyadda Soomaalinimo.

"Waxaan ugu baaqeynaa dowladda Federaalka in ay deg-deg u billowdo wadahalada Soomaaliya iyo Somaliland una magacawdo guddi khibrad, karti iyo aqoon u leh wada xaajoodka," ayaa lagu yiri bayaanka lasoo saaray.

Waxay soo jeediyeen in muhimad gaar la siiya sugidda matalaad dhab ah oo isu dheelli tiran kana tarjumaya mow qifyada kala duwan, si loo abuuro jawi kalsooni iyo is-aamin leh oo suuragalin kara wada-xaajood laga dhaxlo muwaaf aqo iyo heshiis.

Qaar kamid ah shacabkii ku dhaawacm ay qaraxii Zoobe-2 oo lagu soo daweeyey dalka Imaaraatka yaa shalay dalka dib ugu soo laabtay

Waxaa Ahalay Dalka dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe-2 kadib markii lagu soo da weeyay isbitaallada Dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Carabta,iyadoo gar oonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyeen qaar kamid ah ehelladooda iyo Safiirka Ima araatka Carabta u fadhiya Soomaliya Danjire Axmed Jumca Al-Rumaythi.

Dhaawacyada lagu soo daweeyay dalka Isutaga Ima araadka Carabta ee ahalay Dalkooda hooyo dib ugu soo laabtay ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Imaaraadka sida ay u garab taagan yihiin markasta walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxaa weli cisbitaalada dalka Imaaraatka ku jira qaar kale oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe-2 kuwaasi oo marka ay dhameystaan ​​daweyntooda dib ugu soo laaban doona dalkooda hooyo.

dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalal ka Soomaaliya saaxiibka dhaw la ah ee ka taageera arrim aha gargaarka bini’aadantinimada iyo horumarinta, waxay na mar walba gacan ka geystaan daaweynta walahooda Soomaaliyeed ee ku dhaawacma qaraxyada kooxa khawaa riijtu ka geystaan ​​Dalkeenna.


DF oo taageero u heshay qaadista cunaqabatey nta saaran Soomaaliya ee…

Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Jabuuti, Ethi opia iyo Kenya ayaa Arbacadii shir muhiim ah ku yeeshay M/ Muqdisho, kaasi oo ay ku gaareen in ay si wada-jir ah u qorsheeyaan istaraatiijiyada howl-gal loo dhan yahay oo ka dhan ah Al-Shabaab

Shirkaas ayaa waxay Soomaaliya ku heshay taageero horleh oo la xiriirta qorshaheeda qaadista cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo ra’I isul wasaaraha Ethiopia ayaa isla qaatay in ciidamada ama anka oo si wanaagsan loo qalabaeeyay ay guulo la taaban karo ka gaari karaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha arg agixisada.

Madaxdan ayaa war-murtiyeed ay soo saareen Arbaca dii waxay beesha caalamka kaga codsadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, taasi oo u ogolaaneysa DFS inay si wanaagsan u qalabeyso ciida nkeeda la-dagaalamaya argagixisada.

Shir madaxeedka ayaa sidoo kale isku raacay muhiima da ay leedahay in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha, si loo baabi’iyo dhaq-dhaqaaqyada arg agixisada ee ee xuduudaha iyo xaqiijinta marin sharci oo ay helaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

DFS ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay aa dadaal badan galineysa sidii looga qaadi lahaa cunaq abateynta hubka ee saaran.

Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey Linda Thomas-Greenfield oo dhawaan soo gaartay M/Muq disho ayuu sidoo kale madaxweyne Xasan hordhigay dalab la xiriira arrintaan.

Md.Xasan ayaa waxa uu Linda ka dalbaday in Mareyk anka uu gacan ka siiyo sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran ,waxa uu sheegay in cuna-qaba teynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagi xisada, xilli uu dalka ka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa xilligaan ka qeyb qaata duqeynta Al-Shabaab oo dagaal culus lagula jiro, wuxuuna dhawaan ciidamada DANAB ee uu tababaray soo gaarsiiyay saanad iyo hub lagu qiimeeyay illaa 7 milyan oo dollar.

G/Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii ku soo ro gay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada DFS.

Ilhan Cumar oo ka jawaabtay tallaabadi looga saaray

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ay aa ka hadashay tallaabadii xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada uga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga oo ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

Ilhaan ayaa sheegtay in ay u hada sho dadka dhiban ee caddaaladda raadinaya guud ahaan caala mka, howshaas ayay tilmaamtay in ay sii wadi doonto illaa ay dadkaas ka helayaan waxa ay raadinayaan, sida ay sheegtay.

Xubinnimada Aqalka Congress-ka ayay ku sheegtay in ay tahay mid ka tarjumeyso u hadlidda dadka ay wakiilka ka tahay iyo kuwa kale ee dhibaatooyinka la kulmaya balse aan heli karin meel ay kusoo bandhigaan, islamarkaana ay tallaabadan caburin doonin.

"Waan sii wadi doonnaa in aan u hadlo qoysaska cadd aaladda raadinaya guud ahaan Caalamka, dabcan kama ba aqsan doonno in aan codkooda noqdo dadka ku xareysan xeryaha qaxootiga iyo kuwa guryaha ku cabursan, halkaan uma imaan in aan aamuso ee waxa aan u joogaa in aan codkeyga muujiyo una hadlo dadkaas,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Ilhaan ayaa hore u sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaliila ee ugu horreeyo afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka Kevin McCarthy uu isku dayayo in ay ka saa raan guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mar eykanka, taasi oo markii dambe uu Jamhuuriga u codeeyey.

Waxa ay sheegtay in sababta u weyn ee Kevin iyo qaar kamid ah dadka dhaliila u beegsanayaan ay tahay "waa Mu slimad qaxooti ah kana soo jeeda Soomaaliya.”

Ilhaan ayaa sidoo kale waxay sheegtay in lagu eedey nayo inay neceb tahay Yuhuudda, iyadoo tilmaamtay in ay kala shaqeyso asxaabtayda iyo bulshadeeda si ay ula daga allamto nacaybka Yahuudda.

Waxay sheegtay in qaar badan oo kamid ah xubnahan aysan rumaysnayn "in qof Muslim ah, qaxooti ah, Afrikaan ah, uusan xitaa joogin Congress-ka, iska daa inuu fursad u helo inuu ka mid noqdo guddiga arrimaha dibadda.”

In xildhibaano laga saaro guddiyada Aqalka ayaa ahayd wax aan horey u dhicin illaa Dimoqraadiga ay laba sano ka hor u codeeyeen inay ka saaraan Marjorie Taylor Green oo laga soo doorto Georgia iyo Paul Gosar oo ka yimid Ariz ona, kuwaas oo ka mid ah xubnaha Jamhuriga midigta-fog.

Ilhaan ayaa ah mid kamid ah labadii gabdhood ee u gu horreyey ee Muslim ah ee loo doorto Congress-ka

Xubin katirsanaa ururka Daacish oo iskusoo dhiibay Puntland

Cabdullaahi Xadeed Cali Mire oo katirsa naa ururka Daa cish ayaa iskusoo dhiibay ciidamada amniga Puntland.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka PSF ayaa lagu sheegay inuu ninkan tagay degaanka Balidhidhin ee gobolka Bari, wuxuuna sheegay inuu kasoo goostay kooxda Daacish.

PSF ayaa ugu baaqday cid kasta oo kat irsan ururada Daacish iyo Alshabaab inay iskusoo dhiibaan laamaha amniga ee Puntland.

Isisoo dhiibada ninkan ayaa kusoo aaday todobaad ka dib markii uu Maraykanku duqayn ku dilay sarkaal lagu mag acaabo Bilaal Alsuudaani, oo katirsanaa Daacish.

Sarkaalkan oo lagu dilay gobolka Bari ayaa la sheegay inuu muhiim u ahaa isku xirka Daacishta ku sugan gudaha Soo maaliya iyo Daacishta dibbeda ku sugan.

Daacish ayaa xarumo qarsoodi ah ku leh gobolka Bari, halkaas oo ay kasoo abaabulaan weeraro ka dhan ah ciida mada amniga Puntland.

Todobaadyo ka hor waxay soo weerareen degaanka Balidhidhin, halkaas oo looga dilay sarkaal sare.

Dad ka careysan dilkii ay geysteen Ciida nka ATMIS oo xirtay Isgoyska Ceelgaa bta & bannaanbax ka socda

Ciidamo katirsan kuwa howlgalka ATMIS ayaa dil ugu geystay Isgoska Ceelgaabta ee degmada Xamarjajab Wiil Dhalinyaro ah, kaas oo kamid ahaa Ciyaalka darbi jiifka ee Koolada caba

Askarta ayaa ilaa laba xabadood ku dhu ftay Wiilka dhalinyarada, waxaana mud do saacad ku dhow oo uu yaallay Goob ta uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray xabad ay Ciida mada ku dhufteen.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Koontoroolka laga ga lo Madaxtooyada ee Ceelgaabta ayaa u diiday Gaadiidka ay wataan Ciidamada ATMIS ee Wiilka Dhalinyarada ah di lay inay ka gudbaan, iyada oo intaas kadib dad ka careysan dilka ay bannaanbax dhigeen.

Warkaan oo dhameystiran halkan ka daawada

Mareykanka oo shaaciyay in Soomaaliya ay khatar ugu jirto xaalad macluul ah

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya iyo dalalka kale ee Geeska Afrika ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan, iyadoo Soomaaliya ay ka duwan tahay dalalka dariska la ah, maadaama iyada ay waj aheyso xaalado is-biirsaday oo ka dhashay abaaraha ku dh uftay dalka iyo dagaalka lagula jiro Al- Shabaab.

Safiirka Mareykanka ee Q/Mid oobay, Linda Thomas, ayaa sheegt ay in Soomaaliya ay haatan dhex dabaalaneyso gaajo, abaar iyo dag aal ay ku micneysay xaalad haliste eda wadata.

Iyadoo wareysi siineysay Idaacadda NPR fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, ayaa danjire Linda, waxay she egtay in Soomaaliya ay u baahan tahay gurmad deg deg ah si wax looga qabto abaaraha islamarkaana looga hortego macluul ka dilaacda dalka.

Waxaa sidoo kale ay xustay in abaaraha ay baabi’iyeen dalagyadii beeraha taasoo keentay in xoola dhaqatada ay waayaan cunno ay ku quudiyaan xoolahooda.

Q/Midoobay ayaa ku qiyaastay in ka badan 1.7 milyan oo Soomaali ah in ay ka barakaceen guryahoodii.

Kumanaan dadkaasi ka mid ah ayaa soo buux-dhaafiyay gu daha iyo duleedka Magaalada Muqdisho si ay halaan garg aar bini’aadantinimo halka qaar kalena la soo warrinayo in ay ka talaabeen xadka Kenya ama Itoobiya.

DS ayaa dedaal xoogan ku bixineysa sidii gurmad loo ga arsiin lahaa dadka ku hanti beelay baaraha, iyadoona howl aha gurmad oo ay mas’uul ka tahay Hay’adda SODMA laga dareemo degaanno iyo degmooyin dhaca koonfurta iyo barhamaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti oo dhex-dhexaadin ka sa meeyay xiisada Magaalada Laas-Caanood

Urur goboleedka IGAD ayaa madaxw eynaha dalka Jabu uti Ismaaciil Cumar Geelle ku amaanay, dadaalo dhexdhex aadineed oo uu ka wado xiisada ka taagan Magaalada La ascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. War kasoo baxay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, ayaa lagu sheegay in xiisada Laascaanood ay ka urur ahaan ku abuurtay walaac, loona baahan yahay in xal nabadeed si looga gaaro fiiro gaar ah loo yeesho.

” Waxaanu soo qaadanayna xiisada ka dhawaanahan ka jirtay Laascaanood, taasi oo walaac abuurtay, marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay, xaalada Somalila nd waxay u baahan tahay in fiiro gaar ah oo ku aadan heshiis nabadeed laga yeesho” ayuu yiri Gebeyehu.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa bogaadiyay dadaalo dhex dhexaadin ah oo uu madaxweynaha Jabuuti ka wado xii sada Laascaanood, waxaanu sheegay in ururku uu Geelle ku dhiirigalinayo in uu sii wado dhexdhexaadinta.

"Hada IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadi need ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta” ayuu yiri Gebeyehu.

7aadyo ka hor M/laas-Caanood ee Xarunta G/Sool wax aa ka taagnaa xiisad u dhaxeeysay Ciidamada Somaliland iyo dadka shacabka ka ah ee ka careysnaa dilalka ka dhaca magalada, balse daka Shacabka oo kaashanaya Mal eeshiyo beeleed ay Magaalada kala wareegeen Ciid amada Somaliland.

Sidoo kale M/laas-Caanood waxaa ka socda shir ay lee yihiin salaadiinta dhaqanka ee gobolada Sool iyo qaybo ka mid ah Sanaag iyo Cayn, kaas oo looga hadlayo masiirka si yaasadeed ee bulshada deegaanadan dagta uga socda isla magaalada.

Isimida Laascaanood ku shirsan oo war lama filaan ah ka soo saaray fara-gelintii Geelle

Isimada G/ Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn ee maalmihii dambe uu shirka uga socda M/ Laascaanood, ayaa markii u horeysay ka hadlay mowqifkooda ku aadan dhex-dhexaadinta madaxwey na ha Jabuuti ee xiisada taagan.

Afhayeenka guddida 33 ka ah ee maamulaysa shirka, Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug oo la hadlay BBC ayaa sheegay in xilligaan aysan jirin wax dhex-dhexaadin ah oo ay aqbalayaan, kadib hadalkii Dorraad ka soo yeeray urur goboleedka IGAD.

"Maya hadda diyaar uma nihin arrintaan, hadii aanu nahay dadka gobolada waxaa weli isbitaalada noo yaala dhaawicii ay gaysatay Somaliland, xaalada dadkayaguna waxay maraysa meel adag, magaalada 80% ama 90% waa laga qaxay,” ayuu yidhi Falaalug.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay jirto cabsi ay ka qab aan in ciidamada Somaliland ay soo galaan, sidaa darteed aanay ku jirin jawi ay wada-hadal iyo waan waan kula gala an Somaliland.

"Macquulna maaha, meel ay ka shaqaysana garan maa yo qof aad qoorta kaga taagan tahay ila hadal, meel ay ka dhacdaa ma jirto,” ayuu yiri Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug. Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu ku celceli yay in aanay jirin cid ay dhex-dhexaadin ka aqbalayaan, balse taas badalkeed ay xiligaan rabaan in Geelle iyo IGAD oo ka yimid baaqa dhex-dhexaadintu ay ciidanka Somalil and ka saaran guud ahaan gobolka.

"Majirto cid aan dhexdhexaadin ka aqbalaynaa, IGAD ha ahaato, ama Jabuuti, DFS ama dowladaha kale ee caa lamka ilaa ciidanka Somaliland ba xo. Ismaaciil Cumar Ge elle iyo IGAD ha saaraan ciidanka dadka yaga dilay.”

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii urur goboleedka IGAD uu shaaciyay in uu bogaadinayo door nabadeed uu madaxweynaha dalka Jabuuti, Md.Geelle ku leeyahay xiis adda ka taagan Laascaanood, si xal waara loogu helo.

"IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti I wax ayna ku dhiirigalinaysa inuu sii wado dhexdhexaadinta” ay uu yiri xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee de egaannada SSC ayaa dhawaan ka dalbaday DFS iyo Jabu uti inay soo fara-geliso xiisada Laascaanood.

Garaadka ayaa DFS iyo Jabuuti ka dalbaday inay dhulko oda uga saaran Somaliland, ayna soo kala gaadhaan iyaga iyo maamulka Muuse Biixi inta ay isfara-saarin, sida uu had alka u dhigay. Si kastaba, M/Laascaanood ayaa marti-gel isay maalmo rabshado ah, ayada oo xasaradda ka taagan magaalada ay sababtay in dadku ka qaxaan, xili ciidamada Somaliland ay magaalada dibada ka joogaan, islamarkaana ciidamo hubaysan oo garaadada daacad u ah ay gaaf war eegayaan gudaha magaalada.


DF Soomaaliya oo go’aan ka soo saar tay doorasho muran badan uu ..

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha So omaaliya, Maxamed Barre Maxamuud oo ahalay shir jar aa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa markale ka had lay muranka ka taagan doorashada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, isaga oo shaaciyay go’aanka dowladda federa alka ee ku aadan doorashaasi.

Wasiir Barre ayaa sheegay in aysan Was aaraddu aqbali doonin doorasho hal dhinac ah,wuxuuna u digay shaqisiyaad uu sheegay inay ku howlan yihiin arrintaasi.

"Annaga ka Wasaarad ahaan go’aanka do orashooyinkaas inaan la aqbali karin doora shooyin is-barbar yaac ah ama qolo gaar ah ay isku caana shubaan,” ayuu yiri Wasiirku.

Barri ayaa sidoo kale sheegay in xiriirada ka jira dalka ay madax banaan yihiin, balse siyaasad ahaan ay hoosta aan Wasaaradda oo ayadii mas’uul ka dhan ciyaaraha dal ka.

"Xiriirada kala duwan ee ka jira dalka waa ka madax bannaan yihiin shaqo ahaan wasaaradda farsamo ahaan iyo maamul ahaan, laakin siyaasad ahaan wasaaraddaa wa xay dalkoo dhan mas’uul uga tahay siyaasadda qaran” ay uu hadalkiisa sii raaciyay Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mowqifka Wasa aradda Ciyaaraha uu yahay in la qabto doorasho hufan oo cadaalad ah, maadaama ay tahay wax la wada leeyahay.

"Ka Wasaarad ahaan roolka nooga aadan waxaa wa ayey inaanan aqbalin wax Ummadda Soomaaliyeed ka wa da dhexeeya in qolo ay si gaar ag ugu takri fasho,” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo,ayada oo uu si weyn u soo ifbaxay khilaaf xoogan u dhaxeeya guddiga doorash ada guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah musharaxiinta guddoomiyaha, kaas oo haatan gaaray meeshii ugu sarreysay.

Khilaafka ayaa lagu soo warramayaa in uu salka ku ha yo habsami u socodka doorashada hoggaanka xiriirk, ay ada oo baaqyo isxigxiga ay soo kala saareen Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo qaabilay Madax ka tirsan Safaaradda Norway ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Ho rumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaa liya, Mudane Maxamuud Cabdiraxm aan Faarax (Beenebeene), ayaa ku qaabilay xarunta dhexe ee Wasaarad da Qorsheynta u qaabilsanaha Safa aradda Norway ee Soomaaliya Md. Haakon Svane iyo Madaxa Xirrirka Iskaashiga Horumarinta Md. Erling hess Johnsen.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Agaasimaha Guud wasaaradda Qorshe ynta iyo Madaxa Xafiiska Isu-duwida Deeqaha iyo Barnaamijyada ayaa diiradda lagu saaray ista raatiijiyadda dowladda Norway ay ku taageereeyso Sooma aliya, iyadoo la waafajinayo Qorshaha Horum arinta Qara nka NDP-9 iyo mashaaricda horumarineed ee ay Dowladda Norway ku taageerto Soomaaliya

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay in la dardar-galiyo mashaariicda xasilinta ee goboladda dhawaan laga xorree yey khawarijta, iyadoo taageerada lagu sallee ynayo waxy aabaha mudnaanta u leh dalka SoomaliyaWasiirka Wasaar adda Qorsheynta Mudane Maxamuud iyo Mas’uuliyiinta safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa isla meeldhigay in mashaariicda kala duwan ee la qorsheynayo iyo howlaha socda sidii wadajir loogu hergalin lahaa.

Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo aqoonsigii kala laabtay Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida

Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa gabi ahaanba waxba kama jiraan ku tilahalayy Urur la magac baxay Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida, iyadoo ku tilahalayy mid aan sharci ahayn.

Haddaba Warqad goor dhawayd kasoo baxday Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida, ayaa lagu sheegay in Ururkaas la magac baxay Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida uusan haysanin wax sharciyad ah, islamarkaana aysan ka diiw aan gashanayn heer degaan iyo heer dalba.

Waxa kale oo lagu xusay Warqadda kasoo baxday Xafi iska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida, in Ururkaasi uu maalmahan billa abay waxa uu ku tilmaamay Xafiisku abaabul iyo kicin bulsho oo ay sheegeen in lagu marin habaabinayo xasiloo nida degaanka Soomaalida.Ugu dambayn, Xafiiska Warfaa finta ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa faray dhamma an hay'adaha amniga ee degaanka Soomaali in talaabo sha rci ah laga qaado Ururkaas la magac baxay Ururka Saxaf iyiinta degaanka Soomaalida.

Ururkan ayaa la aasaasay wixii ka dambeeyay isbaddel kii ka hana qaaday dowlad degaanka Soomaalida iyo dalka Itoobiya, waxaana ku midaysnaa ururkan qaar kamid ah Wariyayaasha ka howlgala degaanka Soomaalida, oo intooda badan dhawaan dowladdu ay ka xannibtay shaqadii ay degaanka ka hayeen, iyadoo u cuskatay inaysan wax ru qsad ah ka haysan heer degaan iyo heer federaal midna.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli maalmo ka hor la xann ibay dhawr Warbaahinnood oo madax banaanaa oo ka how lgali jiray dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo Xukuu mada dowlad degaanka Soomaalidu ku eedaysay inaysan wax fasax ah ama ruqsad ah ka haysan Xafiiska Maamulka Warbaahinta ee Itoobiya, kaas oo bixiya fasaxa ay Warba ahin madax banaan oo dibadda laga leeyahay ay kaga shaqayn karto gudaha dalka Itoobiya.

Qaar Ka Mid Ah Maxaabiista Ku Xiran Xabsiyada Puntland Oo Cafis Loo Fidiyay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa cafis gaar ah u fidiyay maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madax weynaha Puntland ayaa lagu sheegay in maxaabiis tiradoodu gaareyso 57 maxb uus cafis loo fidiyay kadib markii ay muuji yeen hab dhaqan wanaagsan.

Hase yeeshee Maamulka Puntland ayaa sheegin dambiyada ay galeen maxaabiistan iyo weliba faa hfaahin dheeraad ah oo la xiriirta xabsiyada ku kala xiran yihiin.

Halkan hoose ka akhriso Wareegtada lagu cafiyay maxa abiistan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Md. Siciid Cabdulla ahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 007 ee 29ka January, 2022, kuna saabsan Cafis gaar ah oo loo fidi yey maxaabiis ku xiran xabsiyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11-aad

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa cafis gaar ah loo fidiyey 57 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland kuwaas oo mutaystay in cafis loo sameeyo ka dib markii uu habdhaqankoodu wanaagsanaa day loona sameeyey dhaqan celin.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynu hu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Kulan su’aalo lagu weydiiyay Wasiir ka tirsan Xuk uumadda oo ka dhacay Villa Hargeysa

Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maa lgashiga ee Golaha Shacabka BJFS, ayaa kulan su’aalo weydiin ah kula yeeshay Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo Maalgashiga Xafiiska Guddiga ee Villa Hargeysa ee magaaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa daarnaa su’aalo weydiin ku saabsan hindise sharciye edka Hay’adda Maalgashiga Soomaal iya oo ay soo gudbisay Wasaarada Qor sheynta Hormarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga, si xog dheraad ah uu gudiga uga helo hindis aha iyadoo la waafajinayo Sharuucda kale ee maalgashiga

Wasiirka Wasaarada Maxamud Cabdiraxmaan Benenene iyo Kooxdii la socotay ee aqoonyahanada Maalgashiga a haa ayaa faah faahin ka bixiyay su’aalihii la weeydiiyay.

Guddiga ayaaa waxaa uu doonayaa in uu dhidibada u aaso Hay’adda Maalgashiga Qaranka sidaa daraadeed wadata shiyada kulamada iyo ka baaraan degida sharcigan ayaa ah asalka wadatashiga guud taas oo ku dhisan Dowlad wan aag baraxtiran.

Booliska Muqdisho siyaabo kala gaar ah u soo bandhigay Nin ‘Gaangis ah’ oo loo haysto dambiyo Culus iyo 4 Burcad hubeysan iyo Ciyaal weero ah la soo qabtay

Ciidanka Booliska Saldhiggayada Hodan,Kaaraan iyo Dharkenleey ee gobolka siyaabo kala duwan howlagallo ay sameeyeen ugu soo kala qabqabteen rag falal amni darro ka geysnaya muqdisho wax aana Degmada Hodan ee G/Banaadir oo uu hor-kacayay Taliyaha Saldhigga G/le Dhicis ayaa ku guleystay qabashada Koox iskugu jirtay burcadda Hubaysan iyo Ciyaal-weerada Kuwaas oo Ciidanku ka qabtaan isla D/Hodan.Kooxdaan oo 4kamid ah ay yihiin Ciyaal-weero ayaa dhaawac u geysatay labo Muwaadin, iyaga oo ku Dhaawacay Mindiyo ay wateen, Ka dibna ka qaatay Taleefanadoodii, Ciidanka Booliska D/Ho dan ayaa sidookale qabtay Mid kamid ah Burcada hubays an ee dadka baarta kaasi oo isna dhac kasoo geystay dhi naca kale Boliska Degada Darkeyneelya ayaa iyana ku gu uleysteen in ay soo qabtaan Nin iyo Mooto Bajaaj uu watay.

Taliska Qeybta guud ee Booliska G/Ban aadir War ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay inaysan aqbaelyn in la dhibaatee yo dadka Shacabka, isla markaana cid kas ta oo khalqal gelineysa Amniga Caasim adda tallaabo ka qaadi doonaan.

Dhanka kale Booliska ka howlgala Degmada Kaaraan ee M/Muqdisho ayaa iyana gacanta ku soo dhigay eedeys ane loo heysto inuu Habeen hore Toorey ku dilay nin lagu magaca abi jiray Salaad Maxamuud Cabdulle.

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska G/Bana adir, ninkaan ayaa ka mid ahaa waxa loogu yeeray ‘gaangiska’ dadka dhaca, wuxuuna tele efankiisii gacanta ka qaatay ninkii uu dilay Habeen hore.

"Ciidanka Booliska Saldhigga D/Kaaraan ayaa gacanta ku dhigay eedeysane kamid ah Kooxda Gaangiska ah oo Habeen hore D/Kaar aan ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo la gu magacqabi jiray Salaad Maxamuud Cabdulle, isaga oo ku dilay toorey, ka dibna ka qaatay teleefankiisii gacanta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska qeybta guud ee booliska G/Banaadir ayaa qora alkaan ku sheegay inay ka ayey ku sheegeen in ay ninkaa isagoo baxsad ah ka soo qabteen xaafadda

Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan haatan uu ku xiran yahay sandhigga degnada kaaraan waxaan loo gudbinayaa heya’adah caddaaladda si loo waafajiyo sharciga dalka u yaala

Taliska Boliiska ayaa sheegeen in ay ka go’antahay in caasimadda Muqdisho iyo deegaannada kale ee hoos yimaada laga ciribtiro dadka ku howlan amniga darrada iyo dhibaateynta bulshada, sida burcadda hubaysan, ciyaal-weerada iyo argagix isada.

Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Laas-Caanood & faah faahin kasoo baxeysa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Habeen hore Ciidamada Somaliland ay halkaasi kudileen Wiil hal inyaro ahaa oo kamid ahaa dadka Canka ka ah Magaa ladaas.Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Axmed Dhay loos ayaa xilliga la dilayay oo uu ku sugnaa meelo kamid ah

Magaalada laascaanood uu ku hubeysnaa Qoriga AK47, balse Ciidamada Somaliland oo ka shakiyay ay dileen, sida ay Warbaahinta u sheege en dad goobjoogayaal ah.

Ehellada Wiilka la dilay oo kamid ahaa dadkii bilaabay kacdoonka ka dhanka ah Somaliland ayaa tegay halka lagu dilay Axmed Dhayloos, iyaga oo goobta ka qaaday meydka, waxaana ay sheegeen inay u aargudi doonaan dilkaas.

Habeen hore ilaa Shalay ayaa siweyn waxaa siweyn Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool looga dareemay di lka loo geystay Axmed Dhayloos, waxaana xusid mudan in Magaalada ay ku sugan yihiin Wasiiro katirsan Xukuu madda Soaliland.

Si kastaba, dilka Habeen hore Magaalada laas-Caanood logu ge ystay Axmed Dhayloos oo kamid ahaa dadka waday kac doonka ka dhanka ah Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli magaalada uu ka socdo Shir looga hadlayo mustaqbalka Gobolka Sool, sidoo kalena weli aan xal laga gaarin xiisada ka taagan Magaalada Laas-Caanood.

XIGASHO:-SRADIORISAALA.COM

Laba Carruur ah oo laga afduubtay MUQDISHO

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa afduub Habeen hore laba caruur ah loogu geystay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dha cday Kaamka Cali Dheere oo ku yaallo xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadib markii ay koox hubey san oo watay gaari Surf ah ay laba carruur ah ka wateen halkaasi, kadibna ay la baxsadeen.

Muno Muxudiin Maxamed oo la dhalatay mid kamid ah wiilashada la afduubtay ayaa sheegtay in walaalkeed Saciid oo 10 jir ahaa laga watay bannaanka xaafadda, waxayna sheegtay in gaariga lagu qaatay yy taargo la’aan ah ayna la socdeen saddex nin, oo uu mid kamid ah xirnaa dareeska ciidanka dowladda, isla-markaana uu hubeysnaa qoray AK47 ah.

"Habeen hore Maqribkii waxaa la watay walaalkeyga sanadkiisa waa 10 jir laamiga siliga, gaar ahaan Jaamacadda akteeda ayaa laga watay, isaga iyo wiil kale oo yariis ah. Waxaa wa teen mid ciidan ah oo usoo dagtay oo dharka ciidanka wato iyo laba kaleeto oo funaanado ciyaartoy ah watay, gaari Su rf ah oo taargo la’aan ah ayey ku wateen,” ayey tiri Muno.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ilmaha ay iyadu heys ay,maadaam ay Hooyadood dhimatay, sidoo kalena Aabaha uu ka maqnaa guriga, xilliga uu dhacayey afduub ka.

"Hooyo way dhimataym Aabaheyna maba joogin, xalana la raadinaayey war dhan lagama haayo,” ayey ku dartay Muno Muxudiin Maxamed.

Dhinaca kale wiilka la afduubtay eedadiis oo lagu mag acaabo Farxiyo Maxamed ayaa farriin u dirtay dadka Soo maaliyeed iyo madaxweynaha oo ay ka dalbatay in lala raadiyo ilmaha.

"Madaxweynaha iyo walaalaheyga Soomaaliyeed wiilkaas yar hooyadiisa waa dhimatay waxaan ka codsanayaa si nax ariis leh inay noogu soo celiyaan,” ayey tiri Farxiyo Max amed

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in illaa iyo hadda aysan helin wax raad ah oo ku aadan ilmaha la afduubtay, isla-markaana ay weli baadi goobayaan.

"Waa u dhibanahay Habeen hore ma seexanin waxaan ka imaaday Tareedisho walaalahey hadda waa maqan yihiin meel loo raacana malaha,” ayeyey hadalkeeda kusoo gabagabey say. Xigasho:radioshabelle.net

Xubno katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan deg madda Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa waxaa la she egay inay Ahalay isku-soo dhiibeen labo Xubnood oo ka tir sanaa ururka Al-Shabaab.

Labada xubnood oo dhalinyaro ah ay aa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdif itaax Cabdullaahi Sheekh Xamse iyo Ca bditaax Aadan Abiikar Ibnu-Dayib, kuw aas oo muddo dhowr sano ah ka tirsanaa Al-Shabaab, kana yimaadeen furimaa dagaalka ee dhinaca degaanka Caad.

Raggaan oo Warbaahinta kula hadlay degmada Xarardhee re ayaa waxaa ay sheegeen in ay u adkeysan waayeen da gaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dhibaato ay sheegeen inay dadka ku hayaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen Xubnaha kale ee weli katirsan Al-Shabaab ,kuwaas oo ka barbar dagaalamaya in ay isaga soo tagaan, isla markaana isku soo dhiibaan Cii damada dowladda iyo kuwa degaanka.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya eek u su gan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ee soo dhaweeyay labada Xubnood ayaa sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in raga wel katirsan Al-Shabaab isa soo dhiibaan aysan soo dhaweyn doonaan.

Tan iyo markii Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ku wa degaanka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bila abeen Gobolada dalka ayaa waxaa soo batay Xubnaha kati rsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda Soom aaliya.

Willian Ruto: Waa inaan baabi’innaa shabakada ha argagixisada Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisada Geeska Afrika uu u baahan yahay dadaal wadajir ah.

Willian Ruto ayaa xusay in gobolku uu qaato istiraatijiyad mideysan oo lagula dag aalamayo argagixisada iyo dambiyada la xiriira. Wuxuu sheegay in dadaal wadajir ah, madaxdu ay awood u leeyihiin in ay dib u dhisaan bulshooyin xasiloon oo ay sugaan wanaagga dadka. "Waa inaan burburinaa shabakadaha argagixisada iyo kaabayaasha taageerada dhaqaale; tani waa in lagu dham aystiraa ka hortagga xagjir nimada iyo faafinta xagjirnim ada,” ayuu yidhi."Waxaan ugu hambalyeyneynaa Madaxwe yne Xasan Sheekh Maxamuud is bedelka istaraatiijiyadeed iyo guusha hadda ka muuqata qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri Mada xweyne Ruto.

Madaxweyne Ruto ayaa Soomaalida ka codsaday inay si geesinimo leh ugu kacaan sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen Al-Shabaab.

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay ka-qaybgalka bulshada deegaanka ee ka hortagga Al-Shabaab ay tahay mid aad u geesinimo leh oo cajiib ah.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay Arbacadii magaalada Muqdisho oo uu ka dhacay shirka madaxda dalalka safka hore ee Soomaaliya oo looga hadlay dadaallada ciribtirka argagixisada Soomaaliya.

Mareykanka iyo Uganda oo ka wada-hadlay arrin ku saabsan Soomaaliya

Dowladdaha Mareykanka iyo Uganda ayaa kulan ka yee shay dagaalka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda koonf urta iyo bartamaha dalka Soomaaliya kadib markii mas’u uliyiin ka kala socday labada dowladood ay ku kulmeen Magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay Safaaradda Mareykanka ee Mag aalada Muqdisho ayaa waxaa yeeshay Danjiraha Mare ykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas, mas’uuliy iin ka socda Safaarrada Uganda ee Soomaaliya iyo Madaxa howlgalka ATMIS.

Labada dhinac ayaa kula nkooda diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula jirto Ururka Al Shabaab.

Danjire inda Thomas ayaa ku amahalayy Dowladda Uganda, gaar ahaan ciidamada ka jooga Soomaaliya sida ay garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka.

Danjire Linda ayaa xustay in Ciidanka Uganda ay ka caa wiyaan Dowladda Federaalka soo daabulida askarta ku dhinta ama ku dhaawac dagaalka ka socda dalka.

Dhinaca kale, Qoraaal ka soo baxay Safaarada Uganda ayaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay dagaalka Al Shabaab, taageerida Ciidanka Xoogga, howl galka ATMIS, maadaama uu socdo qorshe ku aadan sidii ammaanka dalka loogu wareejin lahaa DFS

Dowladda Uganda ayaa Mareykanka uga mahadcelisay ka qeyb qaadashada dagaalka ay DFS ay ku dooneyso in Al Shabaab ay uga saarto Dalka.

Si-kastaba, Dowladda Uganda ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo haatan ku howgalla magaca ATMIS, iyadoona xusid mudan in Dorraad Magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay Madaxda dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya kuwaasi oo go’aan ka gaaray mustaqbalka Ururka Al Shabaab

Urur Goboleedka IGAD OO War kasoo saaray xaaladda ka taagan M/Laas caanood

Urur goboleedka IGAD oo ka warbixinayay xaaladda Go bolka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda M/Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

"Xiisadda Laascaanood waxay noqot ay arrin walaace eda leh oo horseeday inay tiro dad ah ay ku dhinteen halka khasaare kalena uu ka dhashay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay IGAD.

Ururkan ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay ku howlan tahay sidii xal nabadeed looga gaari lahaa xiisadda.

IGAD ayaa sidoo kale u mahadcelisay in dadaallada nabadeed ee uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ee ku aadan joojinta colaadda Laascaanood.

Bayaanka kasoo baxay IGAD ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ka shaqeeyaan xaqiijinta amniga, xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya

Somaliland oo war cusub ka soo saartay xiisadda ka taagan Laascaanood

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Axm ed Kaahin oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa mar kale ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee xar unta gobolka Sool, halkaas oo weli laga dareemayo dhaq-dhaqaaq iska soo horjeedo.

Kaahin ayaa soo hadal qaaday shirweynaha ka socdo Laascaanood, isaga oo eedeyn u jeediyay waxgaradka ku shiraya magaaladaasi ee kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo CayWasiirka ayaa sheegay in dadkooda ay ka barakicyeen magaalada, ayna ka shaqeynayaan hurinta xiisadda ka jirta halkaasi. Dhinaca kale Somaliland ayaa gobolka Sool ku soo bandhigtay ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka taas oo u muuqato in Somaliland ay xalka ku raa dineyso aw ood milatari. Dhaq-dhaqaaqyada ay Somaliland ka wado Sool ayaa uga sii dari kara xiisadda ka taagan Laa scaan ood oo aan weli xal loo helin, maadaama ay isaga baxeen ciidamada Somaliland, kadib markii ay iska hor ima ad kala kulmeen maleeshiyaadka deegaanka ee Laacs aanood.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, bal se waxaa isha lagu wada hayaa natiijada ka soo baxda shir ka ay leeyihiin hoggaanka dhaqanka ee gobollada Sool, San aag iyo Cayn ee haatan ka socda magaalada Laasc aanood ee waqooyiga Soomaaliya.

Wasiir Koore: Siyaasada dowladu waxa weeye in dadka Laascaanood anay dareemin cabudhin

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in ciidanka magaalada Laascaanood looga saaray si anay dadku u dareemin cab udhin. Waxa uu sheegay in ay ogyihiin nada am daro hada ka jirta Laascaanood, lakiin cii danka maga alada laga saaray si shacabku anay u daree min in awood ciidan loo isticmaa layo, isla markaana la dareensiiyo in ciidanku ay dadkoodii yihiin.

"Buuqa magaalada ka jira waa la ogyahay, ciidanka qaranka iyo dhamaan siyaasada dowladu waxay noqotay, in dadku anay dareemin in la cabudhinayo, ama awood ciidan loo isticmaalayo, ee dadku dareemaan in ciidanka iyo dowladu yihiin dadkoodii oo ay jeceliyiin oo anay dhib la rabin" ayuu yidhi Wasiir Koore.

Waxa uu sheegay in iyadoo la ilaalinayo nabada ciid amada habeen madow laga saaray magaalada, isla mar kaana magaalada ay joogaan ciidamo deegaanka ah oo lay sla ogolyahay, waxa uu sheegay in xukuumadu ay rabto in ay wanaag iyo wadahadal ku dhamayso waxkasta.

Waxaanu sheegay in bulshadu fikirka ku kala duwan yihiin, lakiin ay Somaliland wada leeyihiin, isla markaana an ay jirin cid cid kale ka saari karta, lakiin loo bahanyahay in wadaha



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip