WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 11-KA JUUN 2016-KA

0
Saturday June 11, 2016 - 10:05:57 in Wararka by
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 11-KA JUUN 2016-KA

    MADAXWEYNAHA: ''JABKA XOOGGAN EE LOO GEYSTEY AL SHABAAB WAA GUUL U SOO HOYATEY SHACABKA SOOMAALIYEED EE NABADDA JECEL'' Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha Guud ee C.Q. Sida, Md. Xasan Sh.Maxamuud ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoo g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA: ''JABKA XOOGGAN EE LOO GEYSTEY AL SHABAAB WAA GUUL U SOO HOYATEY SHACABKA SOOMAALIYEED EE NABADDA JECEL'' Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha Guud ee C.Q. Sida, Md. Xasan Sh.Maxamuud ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoo gga Dalka So omaaliyeed iyo Ciidammada Itoobiyo ee qeyb ta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta M/Afrika ee AMISOM, oo Dorraad si Geesinimo leh isaga caabbiyey Maliishiyada Arg agxisada Al-Shabaab oo weerar ku soo qaadey farisimada ciidanka ee degaanka Halgan ee G/Hiran. Waa siduu yiriye

 


 


Ciidammada Itobiyo iyo kuwa Soomaaliya ayaa weerarkaasi kooxda nabad-diidka ee Al Shabaab kaga dilay in ka badan laba boqol oo maliishiyaad ah."

Anigoo ku hadlaya Magaca J.F/Soomaaliya, waxaan si diirran u soo dhoweynayaayaa Guusha ballaaran ee ay soo hoyeen ciidankeena iyo kuwa Itoobiyo Cashar lama Ilaabaan ah u dhigey cadowga. Jabkani xooggan ee Al Shabaab loo geys tey waxaa uu muujinayaa in argagixisada la iska dhicin karo, loona geysan karo dhirba axo ka kulul kan maanta loo geystey’’, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Dorraad .

Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud ayaa sheegay in jabka loo geystey cadowga uu niyadda u dhisayo shacabka nabadda jecel, isagoo intaa ku darey in hadafka dowladda Soomaaliya uu yahay in gebi ahaanba dalka iyo gobolka Geeska Afrika laga ciribtiro arg agixisada Al Shabaab iyo kooxaha kale ee ku fikirka ah. Ayuu sii raaciyey mar kale

"Dagaalka lagula jiro Al Shabaab wuu sii socon doonaa. Goobo badan ayaa lagu jebiyay, meelaha kooban ee ay ku harsan yihiinna goor dhow ayaa laga sifeyn doonaa. Waxan sidoo kale u hambalyeynaya shacabka Soomaaliyeed oo mar walba garab taa gan dadaalka ciidanka geesiyaas ha Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee inaga caaw inaya dagaalka lagula jiro argagixisada’’. Kooxda argagixisada Al Shabaab ayaa weerar ka ay dorraad subax ku fashilmeen waxaa sidoo kale looga qabsadey hub tiro badan iyo saanad kale. Ayaa lagu yiri wasaxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha soomaa liya Md. Xasan Sh. Maxamuud –DHAMMAAD-

WASIIRKA GAASHAANDHIGA SOMALIYA OO SHEEGAY 120 SHABAAB IN LAGU DILAY DAGAALKA HALGAN

W/Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha oo shir Jaraa’id qabtay ka dib weerarkii khasa araha badan ka soo gaaray koo xda Alshabaab ee ka dhacay deegaanka Hal gan ee G/ Hiiraan, ayaa ka warbixiyay si dii ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

W/Amniga Gudaha Md.C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay weerarkii fashil may ee dorraad Subixii hore ay kooxda Alshabaab ku qaadeen fariisin ay deega anka ku lahaayeen Ciidamadda AMISOM ee Itoobiya uu jab xoogan ka soo gaaray Alshabaab, wuxuna tilmaamay in qorshu hu ahaa sidii ay horey u sameyn jireen in ay dhibaato xoogleh gaarsiiyaan Ciidam adda AMISOM, balse ay ciidamaddu u diy aar sanaayeen ka hortagidda weerarada cadowga.

W/G/dhigga Somaliya Gen.C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa sheegay in weerarkaa la gu dilay in ka badan 120 dagaal yahan, la guna qabtay hubkii ay wateen oo isugu jir ey qoryaha fudud iyo kuwa darandooriga u dhaca. "Abaare shantii aroornimo ee Khamiistii C.AMISOM ee ee Itoobiya fari isin ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ayaa waxaa weerar qorshaysan ku soo qaaday Alshabaab, wuxuuna weerarkasi ku bilowday Qaraxyo ka dibna dagaal to os ah ayuu isu badelay, inta naloo xaqiijiy ay waxaa dagaalkaas lagu dilay 120 daga al yahan oo ka tirsan AlShabaab waxaa sidoo kale la qabtay hubkii ay wateen.

Dhanka Ciidamadda AMISOM iyo ku wa Soomaaliya waxaa la xaqiijiyay 10 ask ari inay ku dhinteen.”ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka ayaa xusay dagaalkaasi dhac ay ka qeyb qaateen Ciidamadda Dowlada Soomaaliya ee deegaanka fariisinta ku leh in kooxaha shabaab oo khasaarihii u gu ballaarnaa muddooyinkan uu ka soo gaarey Dagaalkaasi, isla markaana CXD. Soomaaliyeed ay sii xoojin doonaan bish an barakeysan ee Ramadan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

AGOONTA LAGU HAAYO XARUMAHA M/ MU QDISHO OO LOO QAYBIYAY IN KA BADAN BOQOL KUN OO DOLLAR

Hay’adda maxaliga ah ee Hormuud Foundation, ayaa deeq lacageed oo cad adkeedu gaaraya boqol iyo shan kun oo lacagta Mareykanka ah ($105,000) u qa ybisay 21 xarumood oo lagu hayo carru urta agoonta. Xarumaha deeqdan lacage ed loogu yaboohay, ayaa ku kala yaala M/Muqdisho iyodeegaa nada hoostagga, waxaana xaru mahaasi ka mid ah Daryeel Lafoole,Imam Shaafici,U mu Caa’I sha, Qu raa, Orph an Care, Xanaa no Or pha n,Hal gan Or phan Care Ce nter, Xarun ta Agoon ta Muqdisho iyo qaar kaloo ba dan. Xafl addorraad lagu qabtay Hotelka Shaam ow ee M/Muqdisho, ayaa maamu lada xar umahan loogu qaybiyay lacaga ha, si ay u gaarsiiyan carruurta agoonta, ee ku xa reysan goobaha ay masuulka ka yihiin. Xarun kastana waxaa loogu tallagalay oo la siiyay shan kun oo dollar.

Hormuud Foundation, ayaa deeqdan ugu tallagashay in carruurta agoonta ay kula ciidaan maalmaha ciidda, carruurta kale ee la nool waalidiintooda, si ay u dar eeman farxadda ciidul fitriga. G.Hay’ adda Hormuud Foundation, Muuse Axm ed Nu ur oo ka hadlay madasha xafladda, ayaa deeqdan ku sheegay mid qayb ka ah dee qaha ay Hormuud Foundation ugu tallagashay in ay bixiso maalmaha lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan.

"Tani waxay qayb ka tahay deeqaha ay bixinayso Hormuud Foundation malmaha bishan Ramadanka ah. Maalmihii la soo dhaafay deeqihii aan dadka u qaybineyn ay ayuun bay qayb ka tahay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa yiri "Hormuud Fou ndation waxaa ka go’an in ay sii wado kaalmada ay gaarsiinayso dadka kuwoo da ugu nugul, inta ka harsan maalmaha bishan naxariista iyo fadliga badan.”

SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA OO QODOBO KALA DUWAN LOOGA HADLAY.

Golaha Wasiirada ee XFS ayaa khami istii isugu yimid kulankoodii joogtada aha a, waxaana kulanka shir guddoominayay Kusimaha RWasaaraha oo ah W/Cadd aaladda Md.C/laahi Axmed Jaamac "Ilkajiir”, waxaana looga hadlay qodobo kala duwan oo u badnaa, warbixino laga dheg eystay W/Amniga Gudaha oo soo bandhi gtay qorshaha Bisha Ramadan ee Sugid da Amniga Caasimadda. W/Amniga Guda ha Md.C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Golaha warbixin ka siiyey qorshaha lagu sugayo inta lagu guda jiro bisha barakeys an ee Ramadan Amniga Caasimadda, iya goo iska kaashanayaan Ciidamadda Dawl adda qeybahooda kala duwan, Maamulka G/Banaadir iyo kuwa Nabad ilaalinta M/ Afrika ee AMISOM, golaha ayaa boggaa diyey qorshahan waxana ay ku biiriyeen tallooyin lagu kabayo Amniga. W/Caafima adka ayaa golaha Wasiir ada warbixin ka siisay qaabkii ay ula taca aleen dhaawac yadii weerarkii Hotel Amba ssador, waxa na uu goluhu ku booriyey Wasaaraddu in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo gac an lagu siinayo dadka u baahan caafimaa dka dibedda ah, iyadoo iskaashi lala sa meynayo dawladaha sax iibka la ah Soo maaliya.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixinno kala duwan oo la xiriira Hiigs iga 2016 iyo shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ka dhageystay W/Arrimaha Gud aha oo si faahfaahsan uga hadashay wa xyaabihii ka soo baxay shirka. Wasaarad da ayaa sidoo kale ka hadashay Markab sida mucaawino loogu talagalay dadka Soomaaliyeed oo hadda taagan Dekadda Muqdisho, waxana ay tilmaamtay in si de gdeg ah loo gaarsiin doono bulshada Soo maaliyeed ee tabaal eysan.

DHAMAAD

MADAXWEYNAHA PUNTLAND C/WALI GAAS OO FARRIIN U DIRAY ALSHABAAB

Madaxweynaha Maamulka Puntland Md.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka ta csiyadeeyay geeridii G.Haweenka G.Mud ug Dhudi Yuusuf Aadan, isagoo ku eedee yay AlShabaab marka looga soo adkaa do dagaalada inay dib ugu soo laabtaan birimigeydada oo ay dilaan.C/wali Gaas ayaa fariin u diray AlShabaab, waxaana uu tilmaamay in xabsiyada Puntland ay ka buuxaan maxaabiis Shabaab ah.

"Waxaa u sheegeynaa Shabaab marka dagaalada ku ceeboobaan inay dib ugu soo laabtaan birimigeydada oo ay dilaan, waxaa u dirayaa baaq AlShabaab, xabsi yadeena ayay ka buuxaan, markaad shan dishaan anagana 20 ayaa dileynaa, waan heynaa”ayuu yiri Madaxweynaha Puntl and.

Inkastoo aanay jirin koox sheegatay dil kii Dhudi Yuusuf, ayaa haddana loo arkaa hadalkiisa mid jawaab u noqon kara, oo ay ugu aargudayaan. Puntland ayaa xab siyadeeda waxaa ku jira max aabiis AlShabaab ah oo lagu qabtay dagaaladii bi shii Maarso ka dhacay deegaano ka tirs an Punt land, markii dagaalyahano ka tirs an AlShabaab ay doonyo ku gaareen xe ebaha Puntland. Dadka odorasa siyaasa da ayaa aamins an in hadalka Madaxwey naha Puntland jawaab u noqon karo dilkii Dhudi Yuusuf oo aanay wali koox sheeg an, hase ahaa tee waxaa horay u jiray in Puntland dil too gasho ku fulisay xubno la gu soo eedeey ay inay ka tirsan yihiin al shabaab

MADAXWEYNE XASAN OO KORMEE RAY DHISMAHA SAFAARADDA SOM. NAYROOBI

Madaxweynaha JS, ayaa Khamiistii ko rmeeray Dhismaha Safaaradda Somaliya, ay ku leedahay M/Nayrobi ee Xarunta Wadanka Kenya. MadaxweyneXasan Sh. Ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinaayay Mid ka mid ah xaaskiisa ,Ra’iisal Wasaa re Ku Xigeen ka, Maxamed Cumar Carte, W/Arrima ha Dibadda, C/salaan Cumar Hadliye, W/Dowlaha Arrimaha Gudaha, C/rash iid Maxamed Xidig iyo Xildhibaano Baarla maanka ka tirsan.

Safiirka Somaliya ee dalka Kenya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan iyo Ku Xigeenkiisa, ayaa Madaxweynaha iyo xub nihii kale ee la socday ku soo dhaweeyay Xarunta Safaaradda. Safaaradda waxaa iminka ka socda hawlo lagu dayactirayo, waxaana billaha soo socda lagu wadaa in dib loo hawlgeliyo, sida uu yahay qorsha ha masuuliyiinta Safaaradda.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa soo kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Dhismaha Safaaradda, waxaadna mood daa in meel wanaagsan ay mareyso soo noollaynta billicdii Safaaradda. Madaxwey ne Xasan Sh. ayaa mahad celin u jeediy ay dhammaan intii ka qayb qaadatay dib u soo celinta Safaaradda, oo mar uu iibs aday ganacsade Kenyan ah, inkastoo sifo sharcidarro ihi uu ku iibsaday.

"Dhammaan dadkii iyo sharciyaqaana dii ka qayb qaatay dacwadda dib loogu soo celiyay Safaaradan waan u mahad ce linaya. Safaaraddani waa hanti Somaliye ed, dhammaan hantida Somaliyeed ee maqana dib ayaa loo soo celinaya.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

G/ MIDOWGA AFRIKA OO CAMBAAREYSAY WEERARKII HALGAN, KUNA TILMAAMTAY MID DHICISOOBAY

G/Guddiga Sare ee M/Afrika Drs. Nkosaz ana DlaminiZuma ayaa si xooggan u ca mbaareysay weerarkii khamiistii AlShab aab ku qaaday xero ay degenaayeen Ciid amada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM oo ku taal deegaanka Halgan ee G/Hiiraan.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiis ka G/Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid fashilmay, isla markaana khasaare culus uu ka soo gaaray AlShabaab. Waa siday hadalka u titye

Kooxda weerarka geysatay ayaa iska caabbin xooggan kala kulantay ciidanka M/Afrika ee AMISOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliya, waxaana gaaray khasaare culus., Boqollaal ka tirsan dagaalameyaa sha AlShabaab ayaa la dilay”ayay tiri Drs. DlaminiZuma. Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Ciidanka AMISOM iyo kuwa aranka Soomaaliya ay gacanta ku dhige en hub badan oo ay isticmaaleysay koox daasi Alshabaab. Waxaa ay ku ammaa ntay ciidanka Ito obiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo ciidan ka Soomaalida sida deg degga ah ee ay uga jawaabeen wee rarka iyo geesinima da ay muujiyeen. "We erarrada kan oo kale ah waxay muujinay aan dabciga liita ee AlShabaab, oo hadaf keeda oo qura uu ya hay faafinta argagax iyo sii wadista dada lkeeda ay ku doonay so inay wiiqdo xasil oonida Soomaaliya. Waxay tani sii adkay naysaa go’aankeen na ah inaan sii wadno dagaalka ka dhan ka ah AlShabaab tan iyo inta Soomaaliya laga xorraynayo dha manAl shabaab” ay ay tiri Drs.Nkosazana.

Waxay carrabka ku adkaysay in weer arka fashilmay uu caddayn u yahay awo odda ay AMISOM u leedahay inay si saa meyn leh uga jawaabi karto halista argag axiso. Ugu dambeyn G/waxay tacsi u dirt ay qoysaska askarta geeriyootay, waxay na la xanuunsaneysaa kuwa dhaawacm ay iyadoo u rajeyneysa caafimaad degd eg ah, waxaana ay ku celisay ka go’naa nshaha M/Afrika inuu sii wado taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya iyo dadk eeda ee dadaalka ugu jira inay helaan nabad waarta.

MUUQAALKII U HORREEYAY EE DEEGAANKA HALGAN LAGA SOO QAADAY KA DIB DAGA ALKII DORRAAD

Muuqaalkii ugu horreeyay ka dib dagaal culus oo dorraad subaxnimadii ka dhacay Deegaanka Halgan ee G/Hiiraan oo Xoogag ka Tirsan AlShabaab ay ku qaadeen saldhigyo ay ciida mada D/ Som aliya iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin dee ga ankaas. M//mulka DS. iyo Saraakiisha Itoobiya ee Qeybta ka ah howlgalka Uru rka M/Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], ayaa u Oggolaaday Koox Wariyeyaal ah inay tagaan Magaaladaasi hal kaa ay idh ahooda ugu soo arkaan khasaaraha ka dhashay daga alka oo sababay dhima sho baahsan.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo ku wa M/mulka DS ayaa wa riyayaasha tus ay Meydadka Dagaalyahanno ka tirsa naa Alsha baab oo meelo kala duwan lagu Dilay, Waxaana ka mid ahaa ra gga la soo bandhigay shaqsi u muuqday ajn abi oo la sheegay inuu ka bar bar dagaall amayay kooxda. Meydad ka oo Dhamm aantood u muuqaal ekaa Dagaallamaya asha Alshabaab ayaa intooda badan ras aastu kaga tiilay ma daxa, halka qaar kal ana laga toogtay laabta.Ma jirin khasaare badan ama burbur ka muqday xaafadd aha Magaalada, balse guud ahaan marka aad eegto magaalada Waxaa si weyn la ga dareemayay saameynta uu dagaalkaa si ku reebay deegaanka.

Dowladda Soomaaliya, Itoobiya iyo AMI SOM ayaa isku khila afay ka hadalka tira da saxda ah ee looga dilay Alshabaab dag aalka, hase ahaatee muuqaalkan la ga soo duubay goobihii lagu Dagaallamay ayaa muujiya in uu jiro khasaare baahsan oo gaa ray xoogagga Weerarka soo qaa day.

Noocyada kala duwan ee hubka oo ay ka mid yihiin Gant aa lada culus ee gara bka laga gano iyo Agab kale sida Taleef oon nada Gacanta ee lagu xiriiro ayaa ka mid ahaa wax yaabaha la soo bandhigay ee la sheegay in laga furtay Alshabaab.

Dhanka kale, Wali Ciidamada Waa kuwo ku jira Feejignaan dheeraad ah, wa xaad arkeysan gadiidka dagaalka ciidan ka AMISOM iyo kuwa Dowladda oo Ga afwareegaya Xaafaddaha deeg aanka Halgan ee Gobolka Hiiraan. Weerarka De egaanka Halg an oo la mid ahaa Wee raro kale oo horay uga dhacay Gobollada Sh/Hoose iyo Gedo, ayaa la oran ka raa dhinaca kale wuxuu uga Duwanaa ku wa as hore khasaaraha kasoo gaaray Alsha baab oo ahaa mid ka badan kuwii horay u soo Gaaray, lagana dil ay tiro bad an oo xoogag ah. Saraakiisha dowladda Sooma aliya ay aa sheegay in Weerar kaan uu ahaa mid horayba looga sii war hayay taa soo u sahash ay ciidammada Itoobiya iyo kuwa D/Somalia inay ka Hortagaan Ugu danbeyntii, taliyaha Ciidanka Militariga Dowladda Somalia ee G/Hiiraan, Col Tow ane Axmed Gurey ayaa sheegay in ay Xa qijiyeen geerida 245 ka tirsan Xoogagga Alshabaab, waxaana tirada marka la eego la oran karaa waa mid aad uga Ged disan Tiradii ay horay u soo saareen how lgalka midowgga africa AMI SOM.Hiiraan Online,NewsDesk.

Xigasho:hiiraan.com

WIIL MADAXIISU AAN CAADI AHAYN OO KU DHASHAY ISBITAALKA JOWHAR

Waxaa isbitaalka ku yaal M/Jowhar ee ay gacanta ku ha yso hay’ada IMC ku dha shay ilmo madaxiisa uu san caadi ahayn iyad ooxaalada ca afimaad ilmaha as laga deyrinayo. Il mahan ay aa dha shay 6dii bi sha ni yadoo aabba ha wii lkan oo ah Shiikh Axm ed Cismaan oo ah mu ’adinka Masj idul Rahma oo ka mid ah masaajidyada ku yaal M/Jowhar uu ka co dsaday umm ada Soomaliyeed in ay gac an ka siiyaan sidii dawo loogu heli lahaa wiilka yar oo loogu magac daray Cumar. Oo isagoo dhi ban dhashay mad axiisa oo madax kale oo ka weyni ku dheggan yahay Dhakha atiirta isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee M/Jowhar ayaa sheeg ay in cudurka wiilkan haya uu yahay hyd rosiifa las. Lama oga in cudurkan haya il mahan oo xitaa hooyadii aysan siin karin naaska in lagu daweyn karo dalka Sooma aliya.

Haddaba muxsiniinta dooneysa inay wax u qabato ilmahan dhibaateysan waxa ay kala xiriiri kartaa taleefanada kala ah; Shiikh Axmed Acraabi 0615500627 ama Cabdi Xiirey 0615521890 Walaal hadaad awoddo u gargaar alle hakuu gargaaree

MADAXWEYNE OBAMA OO SI RAHMI AH U AYIDAY HILLARY CLINTON

Madaxweynaha Mareykanka President Obama ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu garab taaganyahay Hillary Clinton in ay musharax u noqoto xisbiga uu ka tirs anyahay ee Dimoqraadia doorashada ma daxweynaha ee sanadkaan ka dhaceysa Mareykanka. Ayiditaankiisa ayaa timid ka dib kulan uu la qaatay senatoorka laga soo doorto gobolka Vermont ninka la yira ahdo Bernie Sanders kaasoo musharax nimada xisbiga si weyn ugula tartamay marwo Clinton. Isaga oo ka hadlayey muu qaal video ah oo ay barteeda twitterka ku shaacisay Hillary ayuu Mr Obama ku she egay inay la tahay in Hillary Clinton ay tah ay qofki ugu munaasabsanaa xilka mada xweynaha ee uu abid arko.

Labadoodaba waxaa lagu wadaa in dhawaan ay si wada jir ah u bilaabaan ola laheeda doorashooyinka ee sanadkaan ka qaboomi doona dalka Mareykanka. Ob ama iyo Clinton, labaduba waxay aad ugu loolameen xilka musharaxa xisbiga dimoq raadiga sanadki 2008, waxaana markaas ay guusha raacday Obama oo isna marki uu xilka madaxweynaha qabtay u magic aabay Hillary Clinton xoghayaha arrimaha

dibada ee Mareykanka.

DAD DANYAR AH OO LOO SAMEEYAY QALLIIN INDHO FIIQID IYO BAARITAANNO CAAFIMAAD

Ku dhawaad 50 ruux oo dan yer ah ku na nool degmada Xamar wayne ayaa khamiistii loogu sameeyay xarunta degm adda qalliin iyo baaritaanno indho fiiqid lacag la’aan kaasi ay u fuliyeen Hay’adda Horn Afric save vision, oo ka shaqeyso ta aguleynta dadka danta yar kuwa la xanu unsanaya indhaha, iyadoo goobta indha fiiqista iyo baarista lacag la’aanta uu goo bjoog ka ahaa maamulka Degmada Xamareyne,

Mashruucan la dagaallanka indha fiiqis ta iyo baarista indhaha ee lacag la’aanta ah ayaa waxaa fuliyay dhaqaatiir Sooma aliyeed oo uu ka mid ahaa Dr, Maxmaed Amiin Cumar, iyagoo baaraya dadka ka xanuunsan indhaha. Dr.Axmed Maxam ed Cali oo ah guddoomiyaha , Mu’asas da Horn Afric save vision ayaa sheegay in ay farxad u tahay in degmada Xamar we yne ay ka fuliyaan mashruucan indho fiiqista ah. "Mashruucan la dagaalanka in dhaha, waxaa dorraad ka furaynaa degm ada Xamarweyna,waxaana dadka aan u smaeyn doona , qalliin iyo baaritaanno indho qiifis ah, waxaana jaclahay in So omaaliya oo dhan inaa ka fulino, mashuu racan guud ahaan dalkeena ,anigoo dad ka aan danta yer ah , aan u smaeyno ku dhawaad 3,000 kun oo ruux, ah” ayuu yiri Dr Axmed.

G/D/Xamrweyne Cabdiqaadir Maxma ed Cabdiqaadir,ayaa u mahadceliyay dha qaatirika fulineyso qalliinka indho fiiqista iyo baaritaanka lacag la’aanta ah, "Waan u mahad cinayaa, dhammaan dhaqaatiir ta, dadka ku nool degmada Xamarweyna waxaan uga baaqayaa inay ka faa’iideys taan mashruuca ,waxaa jira dad aan aw oodin inuu dhaqtar tagi karo. marka kuwa aan awoodin ayaan u rajeynaa inay ka fa a’Iideysan doonaan” ayuu yiri G/ Degma da Xamar weyne. Qaar ka mid ah dadkii loo sameyay qalliinka indhaha iyo baaris ta lacag la’aanta ah ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid lagu farxo.

CIIDAMADA MARAYKANKA OO SHAACIYAY IN DUQAYN KU DILEEN SARAAKIIL KA TIRSAN ALSHABAAB.

Ciidanka Mareykanka ee Q/Afrika ku sugan ayaa sheegay in duqeyn ay ka ful iyeen soomaaliya ay ku dileen labo sark aal oo a tirsan Malee shiyaadka Al Shaba ab. Dhamaadkii Bishii hore 27dii , ayeey she egeen inay diyaarado ay duqeynta ka fuliye en bartamaha K/ soo maaliya, hal kaasoo lagu beegsaday Abdu llahi Haji Da’ud oo ahaa, taliyaha milit eriga Al Sh abab, sarkaalkaasi ayaa haa si doo kale qeybta fulisa weeraradda, sida ay heegeen howgalka Mareykanka ee Q/ Africa ee AFRICOM.Duqeyn kale oo isla howgalka Mare ykanka ee Qaaradda Afr ica ee AFRIC OM, ay ka fuliyeen 31 bishii may, ciidama da dowlada soomaaliya iyo kuwo Marey kan ah weeraro ka fuliyeen meel ku dhow buulo Gaduud, ayna ku dile en sarkaal ka tirsanaa AlShabaab oo la oran jiray Moh amed Dulyadeen.

Qoraal ka soo baxay howgalka Marey kanka ee Qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa lagu cadeeyay in duqaymahaasi lagu dilay saraakiil AlShabaab ka tirsan.

Dhanka kale Ciidamo yar oo Maraykan ah ayaa jooga Soomaaliya, kuwaas oo taloo yin xaga ciidamda siiya Ciidamada dowl ada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee .AMISOM.

AMMAANKA PARIS OO SI AAD AH LOO ADKEEYAY, KA HOR FURITAANKA TARTANKA

Ammaanka M/ Paris ayaa si aad ah loo adkeeyay, ka hor furitaanka ciyaaraha Q/Yurub ee Euro 2016 oo ay marti geline yso Faransiiska. Kuxigeenka Duqa M/Pa ris Patrick Klugman ayaa xaqiijiyay in tal laabooyin dhinaca ammaanka ah lagu soo kordhiyay Tartanka Ciyaaraha Euro 2016, isagoo taageerayaasha xulalka ugu baaqay inay ka shaqeyaan amniga.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga ayaa la dhigay garoomada ay ka dhici do onaan ciyaaraha, waxaana tani ay ka hortag u tahay weeraro argagixiso oo laga ya abo in lagu qaado Tartanka Euro 2016.

Garoonka kubadda cagta ee Stade de France ayaa ka mid ah goobaha ammaan kooda la adkeeyay, waxaana banaanka garoonka lagu arkayaa ciidamo fara bad an oo sugaya Amniga. Furitaanka Koobka Q/Yurub ayaa laga yaabaa inay hareyso shaqo joojinta ka jirta Faransiiska, taasoo sababtay in qashin badan uu ku uruuro waddooyinka Caasimada Paris, iyadoo da rawalada Tareenka ay ku hanjabayaan in ay shaqo joojin sameynayaan.

D/Faransiiska ayaa dib u habeyn ku sa meysay sharciga shaqaalaha, taasoo kee ntay in shaqaalo badan ka gadoodaan.

W/gaadiidka,Alain Vidalies ayaa ku hanj abay inuu ku qasbayo darawalada taree nada inay ku soo laabtaan shaqooyinka si taageerayaasha u gaaraan cayaarta.

Bishii November ee sandkii 2015 ayaa waxaa banaanka garoonka Stade de Fra nce isku qarxiyay 3 mintidiin ka tirs anaa kooxda IS, xilli ay socotay ciyaar saaxibtin imo dhex mareysay xulalka Fransiiska iyo Jarmalka. Ciyaarta furitaanka ee Xalay dhaceysay ayaa waxaa isaga hor yimid Xulka France iyo Romania, iyadoo la qab tay munaasabada lagu furayey tartanka Euro 2016, waxaa ka qeyb galay M/naha Frace Francois Hollande iyo madax kale.

DAGAALADII HINTIRE IYO WACDAAN KU QAADEEN



ISTICMAARKII TALYAANIGA

ARAAR: Aqristoow,waxaan isku dayay in aan aad u soo ko bo qormadaan,si aadan uga daalin aadna wax uga ogaato taarii khda iyo dagaaladii somalidii hore iyo gumeeystaha dhax mar tay oo laga yaabo in aad ka ogtahy in kabadan inta aan ka aqriyay.

HINTIRAHA:oo dagaala badan oo hore uu u galay ka soo kabanayay ayaa waxaa gacan weydiistay Wacdaanka oo mar kaa dagaal kula jiray Talyaaniga, Hintiruhuna waxey ku jawaab een in ayna dagaal u aadeyn meel deegaankooda ka baxsan ila a iyaga la soo weer aro.waliba hogga ami yaha Hint ire CAASHIR sidaa uma diida neyn Tal yaaniga ha se yee shee markii uu dhin tay Caashir, bi shii May 1907dii, ay aa saddexdiisii wiil ee Bahda yar u dha shay waxey isku raaceen in Talyaaniga lala daga al amo,saddexdaa wiil oo kala ahaa: Xasan, Xuseen iyo Aw Yuun is, inkasta oo uu ka fikir duwanaa wallaalkood Curadka ahaa Muxudiin dhax layna hoggaankii Caashir iyo Sh. Ismaaciil oo Curad xigeen ahaa oo inta badan cilmiga bari jiray qabiilka Hu beyrta ee Daafeed dega.

Waxaa kale oo isna jiray wallaalkood Abuukar oo Daraawiish ta ka soo noqday, Abuukar oo aaminsanaa fikirkii Daraawiishta wuxuu bilaabay dagaalkii Talyaaniga looga difaacayay Mareerey (Afgooye), dagaalkaa oo lagu dilay 70Hintire ah waxaana la gu bay tuuladii xarunta u aheed Hintire kaddibna waxaa dagaalladii duurka ka sii waday dad iskood Daraawiishta u taageersanaa oo ka koobnaa jilibyada Hintiraha ee Daa’uud, Suleymaan iyo Yas miin, shaqsiyaadkii dagaaladaa ku caan baxay waxaa ka mid ahaa: Xuseen Maxamed Yaxyow iyo Ibraahim Shuceyb oo lab aduba heystay buntuqyo (qoriyoGuns) kuwii berigaa la isticmali jiray ee xabbad kaliyaalaha ahaa, sida uu sheegay Dr.Lee burb urkii xiriirkii Gellediga iyo Hintire ma saameyn xiriirkii Gellediga iyo wacdaan oo dhinaca bari iyagu ka soo xigay Hintiraha.

WACDAAN: qarnigii 19aad, Wacdaan Geelley ah ayaa dege naa inta u dhaxeysa Xamar iyo Afgooye, bartamihii qarnigaa ay aa qaar beeraley noqdeen, beeraha Wacdaanna waxaa tacbi jir ay addoon la keenay 1840kii FM buugga,Lee V. Cassanelli Bogga 215aad, Wacdaanku colaad joogto ah ayey Talyanniga kula jireen iyagoo diidanaa in Talyaaniga dhinaca xeebaha ka soo fidayay inuu dhulkooda sii maro, waxeyna ka xireen wadadii ganacsiga ee xamar iyo Afgooye isku xireysay, taasi Talyaaniga wax bey u tartay oo dadkii waddada ku lahaa danaha ganacsi iyo Wacdaankii ayuu iska hor keenay Wacdaanka laba cadow ayuu yeeshay oo kala ah Talyaaniga iyo ganacsato, ganacsata dii waa weyneyd ee danaba ku laheyd waddadaasi waxaa ka mid ahaa reer Abbow. Maxamed Suubis iyo reer Xaaji oo sadde xduba ahaa ganacsatada Xamar ee jidka isticmaalayay, dhinaca kalena taajiriintii Afgooye ee berigaa oo ay ka mid ahaayeen Aw Nuur Axmadow iyo Maxamed Abtiyow, ganacsatadaa oo culeys ku hayay Wacdaanka intii u dhaxeysay 18961907dii iyadoo ga nacsatadu aad u daneynayay raashinka dulsaarka ah oo ay ka qaataan beeraleyda yar yar.Weeyna adkeed in talyaanigu wadada dhinaca waqooye uga leexdo halkaa oo uu ka jiray maamul aad u adaka aadna lagana baqayay oo Moobleenku uu lahaa kaa oo katalinayay bariga iyo galbeedka wabiga shabeele illaa cirifyada Hiraan iyo degaanka u dhaw buur,talyaaniguna wuxuu ka baqayay in uu isku furo dagaal cusub oo Moobleenka uu la galo,Moobleenku wuxuu lah aa ciidama adoon u badnaa oo tababaran daacadna u ahaa hog aankooda iyo saraakiil Moobleen ah oo dagaala hore khibrad ka kasbaday. Waxa talyaaniga soo gaarayay in Moobleenku ay ciid ama difaac ah ku diyaarinayaan inta u dhaxeeysa Taytayleey iyo Cadayga,ayna wacdaanka ka balan qaadeen in aan dhin acooda laga soo dhabar jabin .cabsidaa laga qabay awooda Moobleenka ayaa talyaaniga ku kaliftay in uuna aadin dhinaca waqooye ee moobleenka xooggana uu saaro wacdaan ka.

wacdaanku markii dambe ma helin gacantii uu ka sugayay Gelidaiga oo markaa waxaa jiray khilaaf Galadiga dhaxdiisa aha a,Cidda kaliya oo markaa wacdaanku gacan ka helay waxa ay aheed qabiilka Murusadaha,waa s ida ku qoran buugga”Rico rdi del Banadir” ee uu qoray Sorrentino, Bogga 3234.

Wacdaanku markii dambe waxey diyaariyeen duullaan weyn oo Xamar ay rabeen iney uga qabsadaan Talyaaniga, taa oo la aaminsan yahay in ay awoodeen in xamar ay si fudud ku qabsa daan, hase yeeshee waxaa ka joojiyay Sheekh Abuukar Yarow oo la yiraa wuxuu ahaay wadaad Sheekhaal ah oo yiri; jimco ha duulina ee suga ilaa Ri’ iyo Mas laga qalo, oo lagu tacdaarto, dib u dhacaasi wuxuu hakiyay ciidamadi Wacdaan ee maalintaa Xa mar qabsan lahaa, arrintaasi waxa ay Talyaaniga u nogotay fur sad uu ku badbaado. Kadibna waxaa Wacdaaanka awoodiisii wi iqay abaartii 1899kii ku dhacday deegaankooda, taa oo keentay in shacabkii deegaankaa barkiis in ka badan ay dhulkoodii abaar uga qaxaan oo ay gudaha carra madowda u gudbaan iyadoo da dka deriska la ahina ay aad uga baqi jireen, Wacdaanka wax aa hogaankooda ugu sareeya ee dhinaca diinta ka mid ahaa Sheekh Axmed Xaaji Mahadi oo u dhashay qabiilka Bandhab ow, Sheekhu wuxuu fidinayay diinta wuxuuna ku xirnaa Sheekh Suufi iyo Sheekh Muqtaar.

Sheekhu wuxuu ku soo qaxay tuulada Nimow markii Talyaan igu madaafiic ku garaacay Wuxuuna tegay Daay Suufi oo ka tirs an degaanka Wacdaan, sida uu yiri Dr. Lee. Sheekhu wuxuu xir iir wanaagsan la lahaa hoggaamiyaha Wacdaanka Xasan Xuse en oo madax u ahaa jilibka Abuukar Mooldheere oo ahaa kuwa ugu badnaa uguna dagaalyahansanaa Wacdaanka, Xasan Xus eenna si a toos ah ayuu uga soo horjeestay Talyaaniga, Dr. Lee wuxuu leeyahay Wacdaanka kale ee Mahad Mooldbeere Waxey degaan Afgooye iyo Adablaha, hase yeeshee labada Wacdaan dagaalkii Lafoole waa wada galeen, Mahad Mooldheere inkast uu Gellediga la xeer ahaa waxaa hoggaaminayay Abiikar Axm ed Xasan, Talyaanigu iyagoo doonaya a iney labada Wacdaan kala jaraan ayey nabadoonkii Mahad Mooldheere mushaar u qoreen, kan Abuukar Mooldheerana waa u diideen oo dagaal ay ey sii wadeen ilaa 1908dii markii Talyaanigu qabtay jilibka Abii kar, inkastoo ay jabeen hadana nabadoonka Abiikar waxaa loo qoray mushaar kan Mahad ka yar.. ilaa 1960kiina nin reer Mahad ah ayaa loo magacaabayay nabadoonka guud ee Wacd aanka bacdamaa ay Tayaaniga raaceen, 52da sano oo dagaal ah kadib Wacdaankii carooday 1908dii ee Darwaashiita aaday waxaa ka mid ahaa Barqash Yuusuf, Maxamed Geedi, Cali Cum ar Carrarey iyo Mustafa Xuseen FM buuega Dr. Lee oo ka tirsan jaamacadda Bensalofania bogga 217aad.FG.Ma ahi taariikh yaqaan ku taqasusay taariikhda sidaa darted Qoraalkan ,wax waad ku kordhin kartaa, sixi kartaa,dha liilina kartaa.

W/Q:YAHYA AMIR

RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA {Q3Aad}

 

(Dersiga Sadaxaad)

Waxaan horey usoo sheegnay in ay jiran gafaf ay haboon tahay inuu iska dhowro ruuxa Muslimka ah ee Sooman waayo hadii aan Soonka laga dhowrin qaladaadka waxaa dhici karto in ruuxii Soonaa ee gaajeesnaa ee oomanaa wax ajar ah ka soo gaarin soonkiisa.

Hadaba waxaa kaloo jira gafa kale oo loo baahan yahay ina an ka digtoonaano Bishaan Barakeysan ee Ramadaan sida:

1In ruuxa sooman xifdin xubnaha jirkiisa Sida: Indhaha Dhagaha , Carrabka iyo xubnaha kale ee jirka oo dhan.

Tusaale ahaan waxaa looga baahan yahay ruuxa Sooman in uu Indhahiisa ka ilaaliyo wax walba oo ku xun Shareecada sida: filimaanta loo yaqaan Musalsalaadka oo inta badan soo kordha Bisha Ramadaan si looga fasaadiyo Muslimiinta soonkooda , maxaa yeelay haddii ruuxa uusan ka dhowrsan Munkaraadka waxaa burbura ajarkii uu ka filaayay Soonka Ramadaanka.

Waxaa kaloo looga baahan yahay ruuxa sooman inuu dhagi hiisa ka dhowro waxyaabaha shareecada reebtay sida Heesaha iyo Xanta dhageysigeeda kuwaasoo shareecada islaamka aad uga digtay dembiyadooda kuna tilmaantay gaar ahaan Xanta in ay la mid tahay inaad Cuneyso hilibka walaalkaa Muslimka ah oo meyd ah, haddaba soow la yaab ma aha in ruux ka soomo Cunadii Xalaasha aheyd isla markaana uu ka Soomi waayo Hilbihii Muslimiinta.

Waxaa badan kuwa sooman oo Carrabkoodu aan marna wax kaga sheegin Yuhuud iyo Nasaaro laakiin lagu ebteleeyay Musli miin ayna dhici karto ayagoo Sooman in ay Takfiiriyaan Muslim iin kale waana wax aad u badan waayahaan inaad aragto dad Xamaasadu ka tan badisay oo wanaag jaceylkii ka tan badshey laakiin aan dhowreyn Shareecda islaamka, maxaa yeelay Shar eecada Islaamka waxa ay mar walbaa Xaaraantinimeysay in la gaaleysiiyo Muslimiinta ama loogu yeero magacyo xunxun max aa yeelay haddii aad qof Muslim ah gaaleysiiso hadduusan noq an waxa aad ku sheegatay waxaa ay Gaalnimadii ku soo noqo neysaa Naftaada sidaa daraadeed soow ma habooneyn in aan ka digtoonaano inaan Muslimiinta Carrabkeena wax ugu dhinaa si aan u ilaashano marka hore Muslimnnimadeenna marka laba adna soonkeena haddiiba aan dooneyno inaan dhowrno Soon ka.

Waxaa muhiim ah in lagu baraarugsanaado Muslimiinta oo la gaaleysiiyaa macaasi ay galeen darteed ama Ijtihaad ay same yeen dartiis waa arin aan shareecada meel ku laheyn waxaana sidaas lagu yaqaanaa Firqooyinkii Bidcada ahaa Sida Khawaarij ta oo ku caan baxday in ay Gaalnimo ku xukunto cid walbaa oo fekerkooda qilaafsan marka haddii ay sax tahay inaan u nasab sheeganno Manhajkii Saxiixa ahaa ee Salafkii Suubbanaa mareen, waxaa haboon eyd in aan Muslimiinta ula dhaqano sidii ay Salafkii ula dhaqmi jire en xataa ha ddii ay gafsan yhiin, haddii aysan gafsa neyn oo ay adi ga kula tah ayna waa arin aad u xun inaad hawadaa da raacdo adigoo u Nasab sheegana ya Dariiqii Salafka.

Gafafkaas aan sheegnay kuwa ugu badan ee maanta ku dha caa waa kuwa Diinka iyo Dacwada in ay u taagan yihiin sheegta marka waxaan ugu naseexeynayaa Dacwada waxa ay u baahan tahay Xikmad iyo Aadaab ee ma haboona inaan Dacwada ku gudunaa sida hawadeena jeceshahay.

Marka Ducaada waxaa looga baahan yahay in Muslimiinta ay dacwada gaarsiinayaan baraan in Muslimiinta Xuquuqo badan isku leeyihiin xataa haddii uu ka dhexeeyo qilaaf ayna jiraan wax badan oo Muslimka Muslimka kale kala dhaxeeya oo aysan su uro gal aheyn in la yiraahdo Qori iyo Qaaciisa waa leesla tuuraa haddii kale oo ay Ducaadu dhawrsan weydo waxaa ka dhalana ya in ay Caammada u noqdaan Qudwo xun…

2Gafafka dhaca Ramadaanka waxaa ka mid ah gaf gaar ah aan ka dhaca Dumarka sida in ay Maalinta Ramadaanka oo dhan ka dhigaan Cuno Diyaarin taasoo meesha ka saareysa fur sadihii loo baahnaa in ay Gabadha Muslimada ah ka faaiideys ato.

Waxaa kaloo jira gafaf ka dhaca Dumarka gaar ahan sida in ay Masaajida habeenkii aadaan ayaga oo Catar iska soo Buuxi yay oo labisyo dhaldhalaalayana soo xerta, taasoo shareecada Islaamka ku ah xaaraan sida uu cadeeyay Nabigeenii Suubanaa (nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee)

Waxaa kaloo gafafka Dumarka gaar ahaan ka dhaca ka mid ah marka ay ka soo baxayaan Masjidka in ay Raga jidka ku dhex galaan waxaana arintaas ay tahay gaf maxaa yelay Nabi ga (scw) waxaa uu faray haweenka inay dib maraan isla mark aana jidka hareerta ka maraan.

Marka Ramadaanka waa fursad qaali ah mudan in laga dhow rto gaabiska iyo gabood falka waana waqti ahaan wax kooban oo aan damaanad loo heysan in mar kale uu kusoo marayo si daa darteed waxaa hobboon in Maalmihiisa iyo Habeennadiis aba ka Faaiideysannaa

La soco qeybta 4aad ee ku Xigata insha allaah

WAXAA DIYAARIYAY CALINUUR XOOGSADE

CALIXOOGSADE@HOTMAIL.COM

 

NATIONLIN TELECOM

BISHAARO BISHAARO BISHAARO

Shirkada isgaarsiinta Casriga Caalamiga ah eeNATIONLINK TELECOMWaxay Macaamiisheeda Sharafta Leh Ugu Bishaareyneysaa in ay U sameeysayQiimo Dhimis Ballaaran,taas oo ah ku shubo1$ DoollarKuna hadal140 Daqiiqo oo Gudaha dalka ah Xilli kasta Habeen iyo Maalin intaba, Sidoo kale ku Shubo1$ Doollar kuna Hadal 16 Daqiiqo oo Dibadda ah, waana35 Daloo kuwa Soomaalidu ku badan tahay oo ay Wado

Haddaba WIXII FAAHFAAHIN AH WAC NAMBARRADAAN 100 / 222 / 333.

Nationlink Isku Xiraha Dadweynaha




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip