WARBIXIN : Dowladda oo doonaysa in doorasho la'aan lagu kala baxo KGS

1
Thursday February 02, 2023 - 10:58:23 in Wararka by
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN : Dowladda oo doonaysa in doorasho la'aan lagu kala baxo KGS

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay , waxaa ka bilowday wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta ee – gogolashiisa uu dhigay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.


Wajigan labaad waxaa looga hadlayaa sida ay tahay in deegaanada maamulka Koonfur Galbeed lagu qabto doorasho la ogyahay waqtiga ay dhacayso , una siman yihiin dhamaan dhinacyada.



Shirka mar ayuu qarka u fuulay inuu burburo ka dib markii magaalada Baydhabo ay ka bilowdeen shirarka beelaha oo markii hore mamnuuc ka ahaa waxyar uun ka dib markii magaaladaas uu ka soo tagay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha mucaaradka ee Baydhabo ku sugan ayaa doonaya wajigan labaad in looga hadlo waqtiga saxda ah ee doorasho la isla ogol yahay ay ka dhacayso magaalada Baydhabo waqti dhan seddax bil ama ugu yaraan lix bil.

Xog RBC ay heshay ayaa sheegaysa in Dowladda Federaalka Soomaaliya dhankeeda ay doonayso in sanad uu sii joogo Madaxwaynaha hadda talada haya Cabdicasiis Laftagareen ka dibna isaga oo aan doorasho galin uu xafiika baneeyo.

Sida ilo xog-ogaal ah ay inoo sheegeen Dowladda Soomaaliya ayaa talaabadan waxa ay u xil saari doontaa fulinteen xubno uu ka mid yahay Wasiirka amniga gudaha Ahmed Macallin Fiqi marka la gaaro dhamaadka shirka ka socda magaalada Baydhabo.

Dhabahan oo kale waxaa laga soo minfuuriyay oo hore u qaatay Dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si xoog ah kursiga ku gaystay Cabdicasiis Laftagareen cadaadisna ku saartay shariif Xasan Sheekh Aadan inuu isaga Baydhabo isaga oo aan galin wax doorasha ah.

Waa laba sheeko oo malaha aad isugu dhaw , marka loo eego sida hadda ay wax u socdaan oo galangal xooggan ku leh Villa Soomaaliya oo la warinayo in ay iyado doonayso in maamulka KGS hoggaankiisa ay u dhiibto qof iyada ay wadato lana shaqayn kara inta xukunka uu hayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wada- shaqaynta Cabdicasiis Laftagareen iyo Villa Somalia ma ah xilligan mid wanaagsan , waxaa uu ka mid ahaa Cabdicasiis Laftagareen maamuladii aadka u taageersanaa kooxdii Nabad iyo Nolol ee xukunka banaysay oo ay adag tahay sidii ay isku fahmi lahayeen Laftagareen iyo Villa Somalia iskaba daaye in wada-shaqayn ay dhaxmarto.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeyaa in ay bilow u ahayd khalaalasaha siyaasadeed ee xilligan ka jira Koonfur Galbeed oo ay abuurtay xubnaha mucaaradka ee ka soo horjeeda Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Lama oga sida qorshahan Villa Soomaaliya ay ka damacsan tahay KGS uu ugu dhaqan gali karo iyo in kale iyadoo la ogyahay in deegaanada maamulkaas xilligan uu ka jiro khalalaase xaga siyaasadda ah taas oo u baahan in la helo qorshe wada qancin kara dhamaan dhinacyada is haya si loo gaaro wax daw ah shacabka koonfur Galbeed.

WARBIXIN : Dowladda oo doonaysa in doorasho la’aan lagu kala baxo KGS

W.Q Hanad Ali Guled


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip