War murtiyeed kasoo baxay shir-madaxeedka dalalka safka hore kaga jira dagaalka Alshabaab

0
Wednesday February 01, 2023 - 20:51:37 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War murtiyeed kasoo baxay shir-madaxeedka dalalka safka hore kaga jira dagaalka Alshabaab

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
Shir madaxeedka dalalka safka hore uga jira dagaalka Alshabab ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxay war murtiyeed ay ku midaysan yihiin madaxda shirka.
Shir-madaxeedku waxa uu dib u eegis ku sameeyay gunaanadka shirweynihii wasiirrada difaaca iyo Taliyayaasha Ciidamada Difaaca ee Dawladaha Jiida Hore, kaasoo ku saabsanaa muhiimadda ay leedahay isku dubaridka howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.


Halkaan ka akhriso war murtiyeedka.

Madaxweynayaashu waxay ku nuuxnuuxsadeen baahida degdega ah ee loo qabo in si wadajir ah loo qorsheeyo istaraatiijiyad hawlgelineed oo muhiim ah oo ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la qiray in loo baahan yahay in la abaabulo taageero waqtigeeda ah.

Waxay soo dhaweeyeen codsiga dowladda Soomaaliya ee ah in la taageero oo loo qalabeeyo cutubyada cusub ee ciidamada xoogga dalka.

Madaxweyaashu waxay kaloo codsiyo dheeri ah u jeediyeen saaxiibada caalamku si ay u taageeraan Soomaaliya dadaallada xasilinta ee degaanada cusub ee la xoreeyay si loo fududeeyo adeegga dowladnimada.

Madaxweynayaashu waxay bogaadiyeen horumarka laga sameeyay nidaamka hubka iyo rasaasta ee Soomaaliya, waxayna taageereen doonista Soomaaliya ee ah in gabi ahaanba laga qaado cunaqabataynta hubka dhamaadka 2023.

Shir-madaxeedka waxa uu soo dhaweeyay aragtida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in diiradda la saaro ka adkaanta argagixisada iyadoo loo marayo hab ciidan, dhaqaale, iyo fikrado.

Shirku wuxuu isku raacay in la sameeyo la dardargaliyo hawlgallada wadajirka ah, si ay gabi ahaanba loo xoreeyo Soomaaliya oo dhan, loona fududeeyo dhimista ciidamada ATMIS.

Shir-madaxeedka wuxuu ku celiyay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax banaanida, dhuleed daacadnimada, madaxbannaanida siyaasadeed, iyo midnimada Soomaaliya.

Shirku wuxuu ammaanay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo muujiyay sida ay uga go’an tahay inay dalka laga sifeeyo Al- Shabaab.

Waxaa la aqoonsaday dadaallada ilaa hadda ay wadaan golaha wadatashiga qaran ee ku wajahan siyaasadda loo dhan yahay waxayna dhiiri galiyeen

Dowladda federalka iyo dowad goboleedyada in ay abaabulaan dhammaan dadaallada ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip