HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 1-DA FEBARAAYO 2023-KA

0
Wednesday February 01, 2023 - 08:43:02 in Wararka by
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 1-DA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Villa Somalia oo shaacisay 4 qodob oo shirka berri looga hadlayo + madaxda imaneysa

DFSayaa Muqdisho ku marti-gelinaysa Shirka So omaliya iyo Dalalka Safka hore (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Jan aayo iyo 1-da Febraayo.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Kenya Md. William Ruto, R/Wasaar aha X/F/Itoobiya Md.Abiy Axmed & Madaxweynaha J/Jabuuti Md.Ismaaciil Cumar Gee lle. DFS ayaa waxaa ugu danbaysay in ay marti-geli so shirar-Madaxeedka heer Gobol sannadkii 2016-kii oo Muqdisho ay isugu yimaadeen Madax weyneya asha dalalka IGAD.

Ujeedooyinka Shirka Soomaaliya iyo Dowladaha Safka hore:

1-Taageerada gulufka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixisadu muddo ay gacanta ku haysay.

2-In la sameeyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dal ka Soomaaliya iyo Ciidamada Dalalka Safka hore.

3-Baaq mideysan oo ku wajahan Caalamka, kaas oo lagu dalbanayo in la xoojiyo taageerada iyo qalab eynta Ciidamada Soomaaliyeed, si ay degdeg ugu soo afjaraan dagaalka argagixisada. 4-Muujinta kha tarta argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida gobolka iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka shucuubta qaaradda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sii hor marsatay cu dur-daarka in shirkaas uu sababi doono xirraansho dhinaca wadooyinka ah, waxayna Muqdisho Xalay galeysaa bandow sii jiri doona ilaa habeen dambe, maadaama ay joogto wafuudaas isaga imaaneysa gobolka Geeska Afrika.

Golaha wasiirrada oo Xalay yeeshay shir aan caadi aheyn oo lagu ansixiyey

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Xalay isugu yimid shir aan caadi aheyn, kaas oo lagu ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis oo kala quseeya dhinacya da amniga iyo dhaqaalaha.

Afhayeenka Xukuumad da Soomaaliya, Farxaan Ji mcaale ayaa ka warbixiyey kulankii ay Xalay yeesh een Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay Sharc iga La Dagaallanka Argagixisada, Sharciga Socdaal ka iyo Heshiis Iskaashi Ganacsi oo Soomaaliya ay la galayso Uganda.

"Shirka waxaa lagu ansixiyey laba hindise sharciy eed oo muhiim u ah dhinacyada la dagaallanka arg agixisada iyo socdaalka, sidoo kale waxay wasiirradu ansixiyeen heshiis is afga rad ah oo dowladda So omaaliya ay la gashay wa danka Uganda,” ayuu yiri Afhayeenka XFS .

Sharciga1aad ee Xalay ay ansixiyeen G/wasiir rada Soomaaliya wuxuu ahaa ‘Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada’ oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, maadaama lagu jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale hindise sharciyeed kale oo dhinaca soc daalka quseeya ayaa lagu ansixiyey shirkii Xalay, waxaana labadaas hindise sharciyeed soo diyaarisay wasaaradda amniga Soomaaliya.

"Golaha ayaa Xalay si aqlabiyad ah u ansixiyey heshiis is afgarad ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Uganda, heshiiskaan ayaa ku saa bsan iskaashiga dhinaca ganacsiga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Farxaan Jimcaale oo warbaahinta u faah faahiyey shirka golaha wasiirrada.

Heshiiskaas ay wada-galeen Soomaaliya iyo Ugan da waxaa golaha hor keentay wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, wuxuuna wasiirka ganacsiga ka hor she egay golaha in heshiiskaan uu wax badan ku soo kor dhi doono ganaciyada dadka Soomaaliyeed ee ku no ol dalka Uganda, isla markaana uu muhiim u yahay iskaashi dhinaca dhaqaalaha ah oo dhex mara laba da dal ee Soomaaliya iyo Uganda.

Shirka Wasiiradda Gaashaandhigga iyo Taliyeya asha Ciidamadda dalalka safka hore oo Shalay Muqdisho ka furmay

Waxaa si rasmi ah Shalay magaalada Muqd isho uga furmay shirka Wasiiradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaal iya, Ja buuti, Kenya iyo Itoobiya ee la isku yiraa hdo dalalka safka hore.

Wasaaradda Warfaafinta Xu kuumadda Fedaraalka Soom aaliya ayaa shaacisay in shir kaan uu yahay mid diirada la gu saarayo dhameystirka howlg alada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo doorka taagee rada dalalkaan ka geysan karaan dib u xureynta de ega anada ay wali kaga harsan yihiin Shabaab gud aha Soomaaliya.

"Kulankan waa mid muhiim ah, sababtoo ah xaa ladda amni ee hadda ka jirta Soomaaliya ma ahan mid saameyneysa Soomaaliya oo kaliya, balse sidoo kale waxaa saameynaya dalalka deriska ah. Shirkan wuxuu sahlayaa in si wadajir ah loo ciribtiro Khawaa rijta” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac.

Shirkaan Shalay u furmay Wasiirrada iyo Taliyeya asha ciidammada ayaa ah mid ayku diyarinayaan Ajendaha shir madaxeedka beri dhacaya oo la filayo iney kasoo baxaan natiijo qeexi doonta hawlaha ba axadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada mila teri ee ka dhanka ah Ururka Al-shabaab iyo guud ah aan amaanka gobolka.

Madaxweynaha DFS Xasan Sh. Maxamuud ayaa berito shir guddoomin doona shirka madaxda dalalka safka hore ku ye elanayaan M/Muqdisho ee Caasima dda dal ka Soomaaliya.

Dhinaca kale maalmaha kulanada waddamada saf ka hore ee Midowga Afrika ee Muqdisho ugu socon ayo kulmada ayaa dadweynaha soomaaliyeed lagu wargekiyey inay adkeysi muujiyaan si amaanka loo sugo ayna xirnaan doonaan qeybo ka mid ah adeegyada waddooyinka iyo meelo kale

Xiriirka Xasan iyo Mareykanka oo sii xoo geysa naya iyo dalab cusub oo uu hor dhigay

Xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ay aa sii xoogeysanaya, siiba madaxweyne Xasan Sh. oo xilligaan helaya taageerada iyo garab istaaga Wa shington dagaalka uu kula jiro koox da Al-Shabaab.

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaartay danjiraha Marey kanka u fadhida Qara mada Mi doobey Linda Thom as-Gree nfield, ayada oo Dorraad la kul antay madaxwey ne Xaasn Sheekh.

Linda ayaa isla Dorraad ku dhawaaqday in Marey kanka uu bixinayo lacag ka badan 41 milyan oo doo llar oo dheeraad ah, si loo badbaadiyo nolosha dad ka abaaruhu saameeyeen.

"Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun,” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield mar ay khudbad ka jeedinaysay Muqdisho. "Isku dar ka xiisadda cimilada; dhibaatada gudbinta saadka ee uu kiciyay COVID; iyo colaadaha – sida midda Al-Shabaab, ayaa eraygaas naxdinta leh ee -macluul- dib ugu soo celiyey Soomaaliya,” ayay raacisay.

Macaluushu waa fashilka ugu dambeeya ee bee sha caalamka. Dadkuna waa inaysan marnaba gaajo u dhiman. Waan diiday inaan aqbalo guul-darrada as.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hordhigay Lin da dalab la xiriira inay gacan ka siiyaan sidii Soomaa liya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran.

Waxa uu sheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhis ka ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisa da, xilli uu dalka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa xilligaan ka qeyb qaata duqeyn ta Al-Shabaab oo dagaal culus lagula jiro, wuxuuna dhawaan ciidamada DANAB ee uu tababaray soo ga arsiiyay saanad iyo hub lagu qiimeeyay illaa 7 milyan oo dollar. Washington ayaa si weyn u kordhisay ta ageerada millateri iyo gargaar ee uu siiyo Sooma ali ya, wuxuu na illaa billowgii sanadkii hore ugu deeqay lacag dhan 1.3 bilyan oo dollar oo gargaar ah.

Dadkii soo abaabulay qaraxyadii Zoobe 2 ‘oo la dilay’

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sh. C/dir ayaa Shalay sheegay in la dilay inta badan rag gii soo abaabulay qaraxy adii Zoobe. Wasiir Faarax ayaa ka mid ahaa guddigii ay dowladda Soomaaliya u xil-saa rtay ka jawaabidda musii ba dii qarax yadii Zoobe 2, wuxuuna Shalay guddigaasi oo bandhigay tirada carruurtii waalidkood lagu dilay qaraxyadaas.

Ugu yaraan 300 carruur ah ayaa la diiwaan geliyey in ay ku agoontoobeen ama ku rajoobeen qaraxyadii ay Al-Shabaab ka geysteen isgoyska Zoobe, 29-kii October 2022-kii.

"Waalidiintii carruurtaan kuwii dhibka u geystay ee dadkaas dilay ama wax ka soo qorsheeyey qaraxya dii lagu laayey, waa la dilay ayagana, Shalay shuh adadii laga laayey carruurtaan waa ahlu jano, waxay na farqaha ku dhegan yihiin kuwii xasuuqa u geystay oo laga daba geeyey,” ayuu yiri W/Faarax Sh. C/dir.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa soo ban dhigay dhibaatooyin la diiwaan geliyey oo heysta dad kii ehelkooda lagu dilay qaraxyadii Zoobe 2, sidoo kale wasiirku wuxuu agoontii uu la kulmay ugu laab qaboojiyey in laga jawaabay qaraxyadii lagu laayey waalidkood oo ciqaab adag ay ku socoto Al-Sha ba ab."Markii aan Shalay fiiriyey liiska waxaan arkay in dhibaatadu sameysay 363 qoys, waxaa murgo igu dishay qoysaska agoontoobay ama rajoobay, waxaa ku jira 12 qof ah, waxaa ku jira qoys 9 qof ah, waxaa ku jira kuwo noloshu aad ugu adkaatay markii waal idkood la dilay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiir Faarax.

Wuxuu sheegay in wasaaradda wax barashada ay balan qaadeyso in carruu rtaan barbaarinteeda iyo waxbarashadooda ay kaalin ka geysa doonto ilaa inta ay ka gaarayaan isku filaansho.

Ugu yaraan 119 qof ayaa lagu dilay qaraxyadii Zo obe 2, dadkii halkaas lagu laayey waxay u badnaaye en waalidiin xoogsato ah oo qoysas u soo dareeray, taasi waxay badisay aqoonta ama qoysas badan oo noloshu ku adkaatay, madaama la dilay qofkii u shaqo tegi jiray.

Wixii qaraxyadaas ka dambeeyey dalka waxaa ka bilowday halgan looga aar-gudanayo Al-Shabaab, ka as oo deg deg guulo looga gaaray, waxaana bilihii iyo todobaadyadii lasoo dhaafay kooxda laga saaray dhul aad u baaxad weyn.

Wasiirka Deegaanka XFS oo safar shaqo ku tagt ay dalka Findland

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS, Khadiijo Maxam ed Al- Maqsuumi oo safar shaqo ku joogta dalka Finland ayaa kulamo la leh madax ka tirsan dowladda waddankaas.

Marwo, Khadiijo Maxamed Al-Maqsuumi ayaa kulan la qaada tay dhiggeeda dalka Findland, Maria Ohis alo iyo madax kale oo ka tirsan Wasaar adda Deega anka iyo isbeddelka cimillada dalka Finland.

wasiir, Khadiijo ayaa sheegtay in dowladda Finland ay ka wada hadleen sidii ay Soomaaliya uga garab siin lahayd dedaalka ay XFS ugu jirto la tacaalidda dhibaatooyin ka ka dhashay isbeddelka cimillada.

” Finland waxay nagu garab siineysaa dedaalka aan ugu jirno la tacaalidda dhibaatooyinka ka dha shay isbedelka cimilida”.

Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay wajahays ay abaaro & roob yari ka dhalatay isbeddelka cimila da oo faraba’an ku haya dalal badan oo caalamka ah


Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda XFS oo Gaadiid ka gu ddoomay dowladda Kuuriya

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrim aha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Xam se Aadan Xaadoow ayaa guddomay gaadiid ay dowl adda Kuuriya ugu deeqday Wasaaradda Arimaha Dibada Dibada iyo Iskhaa shiga Caalamiga ah.

Gaadiidkan oo ka koo bnaa afar(4) gaari oo ah nooca Hyundai Santa ayaa ah qeybtii labaad ee taa geero gaadiid ah oo dowladda Kuuriya ay soo gaars iiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS.

Xoghayaha Joogtada ah ee wasa aradda Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa uga maha d cel inay dowladda Kuuriya taagee rada gaadiidka ah, isagoo sheegay inay uga faa’iid aysan doonaan fududaynta hawlaha Wasaaradda.

Doon Berbera ka qaaday xoolo badan oo badda ku degtay, 11 qof oo doonta ka hawlgalayay oo la laayahay raq iyo Ruux

Doon Somaliland ka qaaday Habeen hore xoolo ayaa ba dda ku degtay, 11 qof oo doonta ka hawlgalayay ay aa iyagana la la yahay raq iyo Ruux Mareeyaha Waa xda Dekkada Berbera Ee Jamhuuriyada

Somaliland Siciid Xsan Cabdilahi oo faahfahiyay doo nida degtay iyo khasaaraha ka dhashay ayaa yidhi, "Doonta SK Marwah oo Habeen hore xoolo ka qaaday Dekedda Be rbera ayaa ku degtay meel u dhaw marinka Baabul Mandab. Doontan degtay oo ku wajahnayd Yemen, waxay u rarnayd ganacsatadeenna xoolaha dhoofisa. Waxay qaaday xoolo tiradoodu dhan tahay 1780 neef oo isugu jiray Lo’ iyo Adhi.Sidoo kale waxa saarna doo nta shaqaale 10 baxaari ah iyo naakhuudihii doonta waday oo aan ila hadda raq iyo ruux midna aan laga haynin. Waxaan Alle uga baryayaa in uu cawil-naq khayr qaba ka siiyo ganacsatadeenna maalkoodii ku waayay masiibadan rabbaaniga ah.

Saddex walaalo ah iyo dad kale oo lagu laayey duqeyn ka dhacday Hiiraan + Magacyada

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga hela yaa duqeyn culus oo ay gelinkii dambe ee Isniintii diyaarado dagaal ka fuliyeen agagaarka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, taas oo uu khasaare kasoo gaaray dad shacab ah.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaan ka Quracley oo hoostaga degmad aasi, halkaas oo ay gacanta ku hayaan xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Caa simada Online ay Tiri waxaa innoo sheegay in du qeynta ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 7 qof oo shac ab ahaa, ayna ku jiiraan Carruur.

Dadkan shacabka ah ee lala laayey oo dhalinyaro ahaa ayaa ku xirnaa goob ay dacwadaha ku qaada an xubnaha Al-Shabaab, waana meesha lala bar tilmaame edsaday duqeynta.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xirii rnay ayaa innoo xaqiijiyay in markii hore saddex ka mid ah dhalinyarada ay Al-Shabaab u xireen fowdo dhacday deegaanka, halka afarta kalena ay meesha ugu geeyeen qado, sidaasna ay kula kulmeen duqe ynta.

Todobada qof ee duqeynta lagu dilay ayaa saddex kamid ah waxay ahaayeen walaalo isla dhashay, kuwaas oo kala ahaa:- 1-Axmed Maxamed Nuur oo 20 sano jir ahaa 2-Cabdiqadar Maxamed Nuur oo 18 sano jir ahaa, 3-Qeys Maxamed Nuur oo 8 sano jir ahaa 4-Cumar Maxam Abuukar oo 18 sao jir ahaa 5-Cabdullaahi Maxamuud Ciise 6-Axmed Khadar Ibra ahim Cismaan oo 13 sano jir ahaa 7-Casir Xasan Cabdi oo isna 14 sano jir ahaa. Dhacdadan ayaa xanuun ku reebtay dadka deega anka, gaar ahaan waalidiinta carruurtooda lagu laayey weerarkaasi dhanka cirka ah ee Dorraad ka dhacay gobolka Hiiraan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo ba xay dowladda federaalka, HirShabelle iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan dhali nyaradaasi duqeynta lagu xasuu qay.

Hiiraan ayaa maalmihii u dam beeyay waxaa ka dhacayay howlg allo culus oo ay barbar socdeen duq eymo diyaarade ed oo uu Mareykanka ka fulinayey gobolkaasi oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabab, balse illaa iyo hadda cidna ma sheegan du qeyntan ay wa xyeelada kasoo gaartay shacabka, gaar ahaan dhal inyaro ku nooleed duleedka Jalala qsi.

Si kastaba, dhacdadan mid lamid ah ayaa horay uga dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeel aha Hoose kadib markii duqeyn diyaaradeed lagu laa yey shacab ku sugnaa halkaas.

Adeeg muhiim ah oo dib loogu soo celiyay deega anadii laga saaray Al-Shabaab

Tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray deegaano badan oo muhiim ah waxaa socday dadaalo dib loo gu soo celinayo adeegyadii muhiimka ahaa ee meesha ay ka saartay kooxda.

Wasiirka boostada iyo isga arsiinta Galmudug xildhibaan Muxuyadiin Suni oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyay in adeega internet-ka dib loogu soo celi yay deegaano kamid ah dhulkii lagala ware egay Sha baab, kuwaasi oo ay kamid tahay degmada Ceel dheer iyo deegaanada hoostaga.

Kooxda ayaa inta badan jarta adeegyada wicitaan iyo internet-ka ee deegaanada ay faarujineyso, maad ama aysan iska caabin xoogan kala hortagi karin howl-galada culus ee ciidamada huwanta.

"Deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta si tartiib tartiib ah ayay ugu soo noqonayaan adeegyadii aas-aasiga ahaa sida; biyaha, isgaarsiinta, caafimaadka iyo waxbarashada,” ayuu yiri wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Galmudug.

"Dadkii waa soo noqdeen inta duurka jirtana wa xa rajeynaynaa inay soo noqdaan, dowladooda waa ku kalsoon yihiin shacabka. Dadka deegaanka iyaga ayaa abaabulan oo ku jira dagaalka Khawaarijta oo iskood u dhibsaday inay iska qaadan cadowga.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in horumarkii ay Al-Shabaab dhowr iyo toban sanno ka hortaagneyd deg mooyinkaas, ee kula tartami lahaayeen deegaanada dhigooda ah ay dib ugu soo celin doonaan si dham eystiran.

"Degmada Ceeldheer adeega internet-ka waa shaqeynaya hadda, degmada Xarardheere waa la dhameeyay howsheeda oo hadda wixii ka dambeeya waa lasii deynaya. Deegaanadaas aad iyo aad ayay ugu dhib qabeen adeega isgaarsiinta internet-ka, ni manka cadowga ah waxyaabaha horumarka ah ee dadka kala dirireen ayay kamid tahay.”

"Degmooyinka, deegaanada iyo tuulooyinka inta dhiman waa gaarsiineyna kuwa aan xoreysneyna marka la xoreeyo hore ayaa looga sii deynaya oo waxay kamid yihiin horumarka degmooyinka kale kula tartamayaan.”

Booliska oo gacanta ku dhigay Nin dil iyo dhaaw ac geystay

Ciidanka Booliska degaanka Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah Kooxda Burcadka hubeysan ee dadka Sha cabka ah dhaca, sidoo kal ana rasaas uu ku fu ray Ciidanka Amniga ku dilay qof shacab ah, laba kalana ku dhaawacay.

Ciidanka ayaa Ninkaan burac adka ah ka qabtay Waaxda 3-aad ee degaanka Garasbaley, xiligaas oo uu dhacaya qof dumar ah oo uu ka qaatay tele efan ay wadatay, waxa uuna watay Qoriga loo yaqa an M-16. Ciidanka Ammniga ee Booliska ayaana haatan ku soo xiray Saldhigga Degmada Dharkenley, waxa ama la hor geenayaa Maxkamada ciidamada si loo marsi iyo Xukunkiisa.

Booliska oo markale gacanta ku dhigay rag ku eedeysan Burcadnimo

Ciidanka Booliska Saldhigga Deegaanka Garasb aaley oo Hoos yimaada Taliska Qeybta Guud ee Boo liska Gobolka Banaa dir ayaa markale qabtay koox burcad hubaysan ah, kuwaas Mi ndiyo ku dhacayay dad shacab ah.

Ciidanka ayaa labadaan nin ka qabtay Waxaada 1-aad ee Dee gaanka Gar asbaaley, waxaana lagu qabtay ilaa dhowr Taleef an oo ay ka dhaceen dad shacab ah, waxaana haat an lagu soo xiray Sal dhigga Deegaanka. Burcadda hubeysan waxa ay ka mid yihiin kuwa lidiga ku ah Ammniga Bulshada iyo badqab-kooda, Hadaba Fadlan Muwaadin la shaq eey ciidanka Booliska.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo u jawaa bay madaxweyne Biixi

Garaad ka guud ee beelaha SSC Garaad Jaam ac Garaad Cali, ayaa sheegay in gobolka Sool anay argagixiso joogin, isaga oo ciidamada Somaliland ku eedeeyay argagixisonimo.

Garaad Cali, oo u jaw aabayay madaxwe yne Bi ixi ayaa sheegay in dad ka shiraya anay argagixiso ah ayn, wuxuuna inta ku daray in hadalka madaxwey nuhu uu dhibaatadii hore ee jirtay sii hurinayo.

"Waanu ka xunahay hadal kaa waxaanu cadaynay naa in aanay argagixiso ahayn, dadka shiraya ee reer SSC ee ayaahooda ka tashan aya ... ayna arg agixiso ahayn, dhibaatooyinkii hore ee Muuse iyo maamulkiisu ay dadkan u gaysteen uun bay sii laba jibaaraysa" ayuu yidhi Garaad Cali.

Garaadku ciidamada Somaliland ayuu argagixiso ku tilmaamay, waxaanu sheegay in anay jirin argagi xiso aan ciidamada Somaliland ahayn oo gobolka jo ogta, waxaanu sheegay in dhibaato kasta oo gobolka ka dhacda ay u qabsan doonaan madaxweyne Mu use Biixi.Waxaanu adduunka ugu baaqay in anay taa geerin ciidamada Somaliland, isaga oo sheegay in taageeradii hore ee caalamku siinayay Somaliland ay dhibaato kasoo gaadhay shacabka ku dhaqan gob olada SSC, waxaanu sheegay in anay jirin argagixiso Sool joogta.

Madaxweynaha Somaliland oo Dorraad ka hadlay xaalada gobolka Sool, ayaa sheegay in dilalkii ka dhacay Laascaanood ay kooxo argagixiso ah oo uma da isku dirayaa fuliyeen, isla markaana waxa uu dhin aca kale shirka isimada SSC ka raje eyay in ay ka soo baxdo talo nabadgalyo.

Maxaa kq taqanaa shaqsiga ugu Taaji rsan Asiya

Gautam Adani, wuxuu u dhashay dalka Hindiya, wa ana Milkiilaha iyo Maamulaha guud ee Shirkadda Adani Group.

Gautam, waa qofka ugu taajirsan Aasi ya, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa 10-ka qof ee addduunka ugu taajirsan san adkan 2023.

Nasiib xumo Adani, waxa uu seddex maalmood gudahood ku waayay lacag lagu qiyaasay $34 bilyan, waxaana uu sidaas uga baxay liiska 10-ka qof ee adduunka ugu taajirs an sida laga soo xigtay Blo omberg Billionaires Index.

Adani hadda wuxuu fadhiyaa kaalinta 11-aad hantidiisa guudna waa $84.4 bilyan.Gautam, waxa sidaas u galay oo qasaarada geliyay waa cadaankii saamiyadda ku lahaa shirkadiisa oo kala baxay kadib markii ay ka shakiyeen kadibna odaygu waa hoobtay

Ilhaan Cumar oo sheegtay in la isku day ayo in laga saaro guddiga arrimaha dibbada Maraykanka

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykan ka ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaliila ee uu ugu horreeyo afhayeenka aqalka Congress-ka Mareyk anka Kevin McCarthy uu isku dayayo in ay ka saaraan guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Co ngress-ka Mareykanka, sabab too ah waa Musl imad qaxooti kana soo jeeda Soomaa liya.

Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ayaa sheegtay in lagu eedey nayo inay nec eb tahay Yuhuudda. Waxayse sheegtay in ay kala shaqeyso asxaabtayda iyo bulshadeeda si ay ula dagaallamto nac aybka Yahuudda.

Ilhaan Cumar waxay ku dooday in ololaha lagaga saarayo guddiga uu yahay mid siyaasadaysan. Wax ay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah xubnahan aysan rumaysnayn in qof Muslim ah, qaxooti ah, Afrikaan ah, uusan xitaa joogin Congresska, iska daa inuu fursad u helo inuu ka mid noqdo guddiga arri maha dibadda."

Waxay sidoo kale iftiimisay odhaah Islaam naca yb ah oo ka soo yeedhay Wakiilka Georgia Marjorie Taylor Greene iyo Waki ilka Colorado Lauren Boe bert. Waxayna kusoo oogtay dacwad Islaam nacayb.

Si kastaba ha ahaatee, in Ilhaan Cumar laga tuu ro Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka waxa ay u baahan tahay in ay u codeeyaan aqal Koongareeska Maray kanka.

Tiro yar oo ka mid ah wakiilada Jamhu uriga ayaa si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan isku dayga lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga saaro guddigan.

Dagaal jab culus lagu gaarsiiyay Al-Sha baab oo ka dhacay GALGADUUD

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Habeen hore dagaal u dhexeeyay ciidanka dowl adda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-Shabaab oo dhinac kale ah uu ka dhacay duleed ka magaalada Wabxo ee go bolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii ay ciidam ada huw anta weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Sha baab oo isku uruursan ayey de eg aanka Cee lgorof ee gobol kaasi.

Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weerar ay ay aa lagu soo warramayaa in xilligaasi ay qorshey na yeen inay weeraraan degaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya oo la had lay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku qaadi laheyd aag ga Maxaas.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in da gaalka ay ku dileen in ka badan illaa 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, gaadiidna ay ka guu been.

Howlgallada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u dhexeeya labada gobol ee Hiir aan iyo Gagaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda ayaa sidoo kale ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, taas oo cabsi ku abuur tay dadka deegaanka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aaddan dagaalka as ee ay guulaha ka sheegten ciidamada huwanta

Hiiraan iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada xoreynta ah, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo looga saa ray dhulkii ugu ballaarnaa.

Biden oo meesha ka saaray in diyaara dahisa F-16 uu dirayo Ukraine

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in aanu taa geersanayn in diyaarada F-16 loo diro dalka Ukraine, taas oo uu sheegay in ay u baahan tah ay in ay la wa reegto maamul ka hawadee da, ku dhawaad sanad kadib markii uu Ruushku uu ku duu lay Ukraine.

Biden ayaa hadalkan kooban jeediyay mar ay wariy ayaashu su’aalo weydiiyeen xilli uu ka baxayay Aqalka Cad.

Dalabka Ukraine ayaa noqday mid aad loo hadal hayo kadibmarkii Washington ay ka laabatay diidma deeda muddada dheer ee ahayd ee ku saabsaneed in taangiyada Mareykanka loo diro Ukraine .

7aadkii hore Jarmalku waxa uu sidoo kale meesha ka saaray in uu dirayo F-16, balse kuwa kale oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Holland ayaan wali jawaab rasmi ah ka bixin.Diyaaradda F-16 Falcons ayaa lagu tilma amaa mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee lagu kalsoonaan karo caalamka, waxaana adeegsa daa dalalka sida Belgium iyo Pakistan.

Mareykanka oo ku cadaadinaya dowladaha Khaliijka iyo Midowga Yurub inay sare u qaadaan kaalmada ay u fidiyaan Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ku cadaadinaysa ma alqabeenada gacanka Carbeed, iyo sidoo kale Yu rub, inay sare u qaadaan gargaarka bini'aadantinimo ee Soomaaliya ka hor inta aysan cunto yari noqonin macaluul.

Linda Thomas-Greenfield, safiir ka Mareykanka ee Qaramada Mi doobay, ayaa ku eedeysay waddamada qaniga ah ee ah xulafada Mareykanka iyo kuwa kasoo horje edaba in ay ka gaabiyeen waajibaadkii damiiriga ah aa ee ka saarnaa quudinta dadka Soomaaliyeed.

"Tani waa mas'uuliyad wadareed. Tani waxay ku saabsan tahay bini'aadantinimada. waa wax laga xu maado in la daawado qaar ka mid ah deeq-bixiyeya asha oo jaraya miisaaniyadahooda arrimaha bani'a adamnimada,” ayay tiri.

Ms. Thomas-Greenfield waxay diiday inay si fag aare ah u magacowdo wadamada uu Maraykanku aaminsan yahay inay ku guuldaraysteen taageerada Soomaaliya.Hase ahaatee, saraakiil kale oo Marakan ah ayaa si gaar ah u sheegay in ay ula jeedo Sacuu diga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, iyo M/Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa geeska Afrika ugu deeqay $2.5 bilyan oo gargaar bini'aadant inimo tan iyo Oct. 1, 2021.

$1.3 bilyan oo ka mid ah lacagtaas waxaa loogu talagalay Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil Ma reykan ah. UNICEF, oo qaabilsan carruurta, ayaa ku amShalayy gargaarka Mareykanka inay badbaadiye en 460,000 oo carruur Somaliyed ah sannadkii hore.

Ra’iisal Wasaaraha Denmark oo booqatay Ukraine

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelen sky iyo ra’iisul wasaaraha dalka Denmark Mette Fred eriksen ayaa gelinkii dambe ee Do rraad ku kulmay magaalada Myk olaiv ee ku taalla koonfurta Ukra ine.

Denmark ayaa hore u sheegtay in ay ku caawin doo nto Ukraine 19 ka mid ah gantaalaha uu samee yo dalka Faransiisku.

Dowladda Ukraine ayaa waxaa weli heysta dhibaatooyinka kala duwan ee ka dhashay weerarkii ay ku qaadeen Ciidamada dalka Ruushka.

Madaxa shabakadda TikTok oo looga yeeray Baarlamaanka Maraykanka

Guddoomiyaha fulinta ee sha ba kadda bulshada ee TikTok Shou Zi Chew ayaa ka soo hor muuqan do ona guddida tamar ta iyo ganacsi ga ee aqalka wakiillada ee Mar aykan ka, iyada oo ay sharci-deji yayaasha Maraykanku ay baa dhayaan hannaanka wadaaga muuqaallada ee barnaamijkan laga leeyahay dalka Shiinaha.Shou Zi Chew ayaa ka hor markhaati furi doona guddida, bi sha March 23-keeda, taasoo noqon doonta markii ugu horraysay ee uu ka soo hor muuqdo guddiyada baarlamaanka ee Maraykanka, sida laga soo xigtay Cathy McMorris Ro dgers oo ah Md. ka tirsan aqalka wakiillada isla mar kaana madax ka ah guddiga ta marta iyo ganacsiga ee golaha.

Arrintan ayaa ku soo beegma ysa, iyada oo guddiga arrimaha debedda ee aqalka wakiillada ee Marayk anku uu qorshaynayo inuu bisha soo socota u cod eeyo, hindise sharciyeedka looga horteg ayo isticma alka aaladda TikTok ee gudaha dalka Maray kanka, sababo la xidhiidha amniga qaranka.

Tirada dadka ku dhintay qaraxii Masji dka Pe sha war oo gaartay 100 qof

Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Dorraad ka dhacay Masaajidka ku yaala Magaalada Peshawar ee dalkaasi ay hadda gaartay 100 qof.

Taliyaha Ciidanka Booliska Pesh awar, Muhammad Ijaz Khan ay aa sheegay in nin xirnaa jaakad da ka sameysan walxaha qarxa uu Masaajidka ku beegsaday dad u badan Saraakiil Boolis.

Shaqaalaha Gurmadka Degdegga ayaa Talaadadan sheegay inay soo afjareen halwgalkii samata-bixinta, ka dib markii ay burburka hoostiisa ka soo saareen dadkii uu dhismaha ku dumay.

Waaxda Caafimaadka ayaa sheegtay inaanay jirin cid kale oo ku hoos jirta burburka, dhammaan dadkii ku hoos jirayna lagu guuleystay in laga soo saaro.

Sida ay sheegeen dhakhaatiirta ka hawlgasha magaaladaasi, inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay in ka badan 100 qof.

Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa sheegay in argagixisadu ay iminka tahay caqabad amni oo dalkiisa soo food-saartay, waxa uu intaasi ku daray in kuwii ka dambeeyay qaraxaasi aanay shaqo ku lahayn Islaamka, qaranka oo dhana uu hal meel uga soo wada jeedsan doono dhibaatada kooxaha argagixisada.

Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay weerark aasi lagu qaaday Masaajidka, waxa ayna wax laga xumaado ku sheegtay in weerar ceynkani oo kale ah lagu qaado goob lagu cibaadeysto.

Taliban-ta Pakistan ayaa iska fogeysay wararka shee gaya in ayagu ay ka dambeeyeen weerarkaasi.

Masaajidkan ayaa ku yaala xeendaab amnigiisa si weyn loo ilaaliyo, oo ay ku yaallaan Xarumaha Ciid anka Booliska Gobolka iyo Ha’yadda La dagaalanka Argagixisada. Dadka ayaa wax iska weydiinaya, sida ismiidaamiyuhu uu goobta ku soo galay. Saraakiisha Booliskuse waxay sheegeen inay dhacdadaasi baar ayaan.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Peshawar, muddo toban sano ah, waxaana uu weerarku imaanaya, xilli Taliban-ta Pakistan ay kordhisay weeraradeeda ka dhanka ah ciidamada amniga ee dalkaasi

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaa bilay Madaxa Ergada OIC

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caal amiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa ee Wasaaradda,Madaxa Er gada Ururka Iskaa shiga Islaa mka (OIC) u qaabilsan Sooma aliya, Amb Mohamed Bamba M. Boba. waxa uu kala hadlay sidii loo sii wadi lah aa, loona balarin lahaa how laha samafal ee ururku ka wado dalka Sooma aliya, loona gaarsiin lahaa gobollada dalka oo dhan.

Ururka waddama da Islaam ka ayaa Soomaaliya ka fuliya ma shaariic samafal oo isugu jira qodista ceelal biyood, dhis maha iyo dayactirka xarumo caafimaad iyo kuwo wax barasho, wuxuu sidoo kale ururku fuliyaa hawlo garg aar oo degdeg ah. Ururkan oo ay ku mideysan yihiin 56 dal oo Muslim ah ayaa lagu asaasay wad danka Morroco bishii Sebtembar 1969, waddankeen una wuxuu ku biiray Isla

sannadkaas

XOREYN, XAKAMAYN IYO XASILIN: MUSTAQBALKA MACAWISLEY

Bilihii ugu danbeeyay Soomaaliya haddii uu eray si weyn u qabsaday baraha bulshada, waa erayga ‘Macawisley’Warbaahinta caalamkana eraygaa sidii sa ayay usoo naqlisay. Waxaa tebiyay, New York Times, Washington Post, BBC, The Economist, The Guardian, VOA, Reuters & kuwa kale oo tira beel ah.

Waxay qoreen maqaallo ay ku muujiyeen lama fil aan ceel iyo cadduun ka dhacay dhulka miyiga ah ee bartamaha Somaliya.

Ku dhawaad dal kasta caalamka, waa dal kasata caalamka - iga qor - wuu gaaray magacaa iska baxay ee macna ahaan haddii lasoo koobo loola jeedo:

Qabaa’il kacay oo u dagaallamaya si aan qoshay snayn oo aan hoggaan sugan lahayn oo dan qasabt ay ay qaadday. Waxa ay noqdeen waxa Soomaal idu tiraah "sunta shabaabka ka ilmaysiisa”

Ama si rasmi haddii loo dhigo waxay noqdeen cud ud cusub oo awood badan oo lagu soo afjari karo da galka Shabab ee dalka ka socday muddo15 sano ah.

Haddaba haddii ‘Macawisley’ ay si lama filaan ah u halgaadeen shabaab, haraantidii ugu danbaysay si sugan ma ula heli doonaan?

Seddex qodob oo ay muhiim tahay in ay isa saar maan ayaa horyaalla si guualaha ‘Macwisley’ u ye eshaan saamayn togan.

Waa: Xorayn, xakamayn iyo xasilin

Sawirka guud ayaan 3daa isku saari doonaa, waa anigoo ah Maxamed Xaraare.

Marka hore maaha marki ugu horraysay ee ay soo baxaan kooxo ama ciidan DF ka baxsan oo u babac dhiga Shabaab. Laakin qaar kooxahaa ka mid ahi wa xa ay lahaayeen nidaam u deggenaa hannaankuu do ono ha lahaadee. Sida urukii Ahlu Sunnah Waljamaa ca ee Galgaduud kula dirayay Alshabaab iyo maamul goboleedyo iskood dagaallo koobkooban meela kala duwan dalka la galay kooxda.

Sidoo kale qabiillo is abaabula oo iskood ula dag aallama Shabaab waxay guud Soomaaliya ka jireen ugu yaraan 10-kii sano ee ugu danbaysay gaar aha anna gobollada Galgaduud, Bakool, shabeellada dhe xe iyo Hiiraan. Laakin Shabaab waxaa xilliya hore u suuragashay in ay qabaa’ilkaa qaarna la heshiiy aan qaarna si daran u ciqaabaan.

Dagaalladan cusub ee Macawisley ee gobolka Hii raan ka hanaqaaday ee waqtiga kooban laga gaaray horumarro baaxad leh, waxa ay kulansadeen dhowr sadar oo sahlaya in la famo waxa kiciyay iyo waxa kaalin siiyay.

1- Ka bixistii alshabaab ee magaalooyinka.

Dowladihii kal danbeeyay laga soo billaabo 2011-kii, iyaga oo kaashanaya ciidanka nabad sugidda ee Afrikaanka ahi, waxa ay siyaabo kala duwan u suura geliyeen in magaalooyinka alshabaab laga saaro.

Magaalo kabixista Alshabaab ee inteeda kusoo aadd ay 2011 illaa 2013 waxaa ka dhashay in kooxdu ay dhulka miyiga ah isku fidiso oo macaamil dhow la ye elato dad xoolo dhaqato ah, kuwo reer guuraa ah iyo kuwo beeralay ah. Macaamilkaa muddaba maahayn mid ay dadku soo dhaweynayeen laakin waxa ay ku dhaafayeen maalmaha daran.

2- Baaqii madaxweyne Xasan Sheekh

Ka dib doorashadii bishii May ee 2022, Madaxwe yne Xasan Sh.waxa uu ku baaqay inay ka go’an tah ay in Alshabaab uu la dagaaallamo. Baaqaa waxa uu dhiirro gelin siiyay dad sugayay maalin uun inay hel aan ilays u baxa - kuwa aan hore ku soo sheegay ma alaha daran ku dhaafayay maalmaha rajada. Sidoo kale dowladda ayaa durba saad iyo saanado hub ah ku taagertay qabiillada is ababulay markii ay kacen.

3- Duulaankii Alshabaab ee Ethiopia

Bartamihii July ee sannadkii hore tiro Alshabaab ah oo illaa 500 lagu qiyaasay ayaa duullaan ku qaaday gobollada bari ee Ethiopia ee ismaamulka Soomaalida. Illaa 95% waxa ay maamulka deegaanku sheegeen in la laayay ama nolol lagu qabtay kooxdii shabaab ee halkaa weerartay ee do onaysay inay gudaha u gasho Ethiopia si ay calanka madow uga dhex taagaan.

Iska caabintaa Alshabaab waxaa si weyn uga qayb qaatay dadka deegaanka taas oo cashir u noqotay qabiillada ay Alshabaab muddada dul fadhiyeen ee xadka dhinaciisa kale deggan.

4- Abaaraha Soomaaliya.

Seddexda qodob ee sare ayaa kusoo beegmay iyadoo Soomaaliya ay sannadkii hore ka billaabantay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah oo dalka ka dhacda. Macluusha iyo dhimashada dadka ayaa tira beel noqotay gobollo badan. In ka badan saddex milyan oo neef oo xoolo ah ayaa u baaba’ay baad iyo biyo la’aan. Taa waxay kalliftay in dadka reer miyiga ah ee masiibadu ay ku habsatay ay awoodi kari waayaan in ay bixiyaan xoolihii noolaa, canshuurihii iyo zakawaatkii ay Al-Shabaab siin jireen.

Alshabaabna waxa ay uga jawaabeen ciqaab adag, gabagabayn xoolo, qafaal dhallinyaro iyo ceelal aas.

Afartaa oo isbiirsaday ayaa dhiig cusub geliyay dadkii ‘Macawislayda’ la baxay ee Alshabaab u babac dhigay, ee guulaha tira badan kasoo hooyay, ee warbaahinta dunida qabsaday isla markaana dhan kale u rogay rajada dib usoo celinta amniga iyo xasiloonida dalka.

In yar Soomaaliya haddi aan ka baxo, ma waxaa jira tijaabooyin caalami ah oo macawisley la mid ah oo wax laga baran karo?

Dabcan haa, tan ugu mudan ee aan isleeyahay waa lagu misaali karaa waa saxawaadkii ama kacdoonkii Sunniyiinta Ciraaq.

Wuxuu ahaa kacdoon u eg kan macawisleyda oo dayrtii 2006-dii ka kacay gobollada loo yaqaanno seddex xagalka sunniyiinta ee waqooyi iyo galbeed ka jira caasimadda Baghdad - kaaso oo lagu jabiyay Alqaaddida Ciraaq kaddib markii ay dadka deegan nadaasi qaati ka noqdeen.

Isla sidaa si lamid ah, isla Ciraaq, 2014-tii markii ISIS ay kusoo dhawaadeen Baghdad isla mar ahaantaana ay si goonni ah u bartilmaameedsadeen dadka Shii cada ah, waxaa ka hortagay xoogag is abaabulay oo Shiica ah oo ka jawabayay fatwooyinka culima dooda.

Labadaa dhacdo waxa ay Ciraaq gayeysiiyeen guulo ay ka gaareen Alqaacidda iyo ISIS.

Inta aan Ciraaq ka bixin, waxaa xusid mudan in 8 sano kaddib, dagaalkaa danbe, Ciraaq bishan lagu qabtay koobka Kubadda Cagta Khaliijka oo waliba Ciraaq ay ku guuleestay.

Malaayiin qof oo guud ahaan dunida ka kala yimid ayaa garoomo casri ah si nabad ah ugu daawaday kulamada koobkaa.

Haddaba waa maxay qodobada muhiimka ah ee taagan ee lagama maarmaanka ah in la qaado si kac doonka Macawisley uu u yeesho saamayn togan?

1. Xorayn

Dhammaystirka howgallada ka hanaqaaday Hiira an ee gaaray Shabeellada dhexe iyo Galgaduud ee ay iska kaashanayaan dadka deegaanka iyo ciidanka dowladda. Waxaa lama huraan ah sida ay khuburra da ammaanku sheegayaan in si degdeg ah ay howlg alladaasi ugu baahaan dalka intiisa kale - gaar ahaa nna maamul goboleedyada: Koofur Galbeed iyo Jubb aland.

2. Xakamayn

Midda 2aad waxaa lama huraan ah in laba la xa kameeyo. Marka hore in goobaha la xureeyay la su go amnigooda si aaney kooxdu dib danbe ugu soo noqon. Xusuusnow horay deegaamo badan oo ay cii danka dowladdu ka saareen Alshabaab waxaa dib u xagal daaciyay isla ciidankii oo dib uga baxay.

Tusaale ahaan M/Ceelbuur ee iminka ay Alshaba ab haysato illaa 3 jeer ayay gacanta dowladda ga shay, halka Jannaale illaa 4 jeer horay looga saaray Alshabaab. Tan 2dna waa in la jiheeyo oo la xakame eyo ciidanka macawisleyda ah laftooda si aaney u noqon xujo mustaqbalka la furfuri kari waayo.

3. Xasilin

Qodobka 3aad ee ugu danbeeya waa in la helo xa silooni siyaasadeed mid amni iyo mid adeeg. Waa in goobaha dhawaan la xureeyay ay gaaraan laamaha garsoonka, laamaha bulshada sida: waxbarashada, caafimaadka iyo kuwo la mid ah. Haddii aanay si daa u dhicin waxaa suuragal ah in kacdoonka Mac awileyda ee dal iyo dibab loo riyaaq ay uu ribbado ama uu soo rogo dabaylo kale oo lama filaan ah.

Ma isku kaa saaran yahay sawirka guud?

By:- Maxamed Xaraare

XIGASHO:-IIRAA.COM

XAALAD CAKIRAN OO KA TAAGAN DHULKII LAGA XOREEYEY MALEESHIYADA AL-SHABAAB

Waxaa dhaqan geli waayey oo dhegaha laga fur eystay go’aankii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucay isbaarooyin ka la dhigto gobolka Sh/Dhexe.

25-kii bishii November ee sanadkii tegay kulan ka dhacay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe ayuu madaxweyne Xasan Sheekh uga dhawaaqay go’a anka ka dhanka ah isba arooyinka.

Madaxweynaha oo hal kaas kula shiray odayaa sha dhaqanka beesha degta Sh/Dhexe ayaa yiri, "Isbaaro dambe lama dhi ga karo, qofkii lagu soo qabtana sharciga ayaa la hor geynayaa ama waa lagu dilaa, cid igala hadli karta ma jirto qof isbaaro lagu soo qabtay,” ayuu yiri Mada xweynaha oo ay la socdeen masuuliyiinta maxkama dda ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalintaas aad uga dardaarmay isbaaroo yinka, maadaama dhulka laga xoreeyey Al-Shabaab, wuxuuna ku goodiyey in awood ciidan uu ku suuli doono isbaarooyinka la dhigto Sh/Dhexe. Hayeeshee dhegaha ayaa laga fur eystay go’aankii madaxweynaha, waxaana Sh/ Dhe xe la bilqay isbaarooyin aan horay loo arag, waxaana dhashay walwal ah in gobolkaas iyo Muqdisho ay kala go’aan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo tebisay xaal adda dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe oo dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab, balse la dhig tay isbaarooyin, halkaas oo ay ku xayiran yihiin toba naan gaadiid ah oo qaar Muqdisho u socday, qaarna ka yimid.

Telefishinka Dalsan ayaa soo bandhigay muuqaal ka gaadiid badan uu u xayiran lacago ay weydiisteen rag isbaarooyin dhigtay, iyaguna iska bixi waayey, ku waas oo habeeno ku hoyday deegaano ay doonaye en inay safar ku maraan.

"Aad ayaan u dhibanahay, boonadii ay HirShabeel le noo jartay wax naga fiirinaya malaha ee nin kasta isbaaro ayuu dhigtay, lacagta ugu yar oo ay qaataa na waa 600 oo shilin Soomaali ah, hada lacagtii waa naga dhamaatay, halkaan ayaan isaga xayiranahay, waxaan codsaneynaa in dhaca nalaka daayo oo si sax ah naloo canshuuro,” ayuu yiri mid ka mid ah ga adiidleyda.

Ninkaan ayaa sheegay in markii ay rarka ka qaa daan Muqdisho lagu bilaabo baadda oo ay isbaaro bilqan tahay ilaa ay ka gaaraan halkii ay u socdeen, taas oo rajo xumo iyo khatar ku abuurtay nolosho oda, sida uu sheegay.

2 bilood ayaa laga joogaa markii uu go’aankaas ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, walwalka laga qabo in isbaarooyinku xarkaha goostaan ayaa soo bilowday markii la xoreeyey dhul badan oo Hir Shabeelle ay Al-Shabaab ka heysteen, balse waa dhacday sidii laga cabsi qabay oo inta badan deega anadii laga saaray Al-Shabaab, waxaa la sheegay in la dhoobay isbaarooyin.

Xigasho:-Caasiamadda.net

DOORKII FANKA SOOMAALIDA EE GOBONIMO DOONKA XILLIGII GUMEYSIGA IYO KACDO ONKII LOOGA SOO HORJEEDAY DOWLADDII KACAANKA

Gabdha Soomaaliyeed oo ciyaaraya

Taxanaha BBC-da ee Dhambaallada Saxaf iyiinta Afrika ayuu Ismaaciil Ceynaanshe ku eegayaa sida uu muhiim ugu yahay ku mudaharaadka muusigu; dhaqanka Soomaalida ee ba dbaadada.

Anigoo ku soo barba aray magaalada Harg eysa ee xarun ta Jam huuriyadda Iskeed u gu dhawaaqday Madaxbanaan ida ee Somaliland hor aantii sagaashamaadkii, ma ji ro wax aan ka jeclahay la fadhiga habar yartey ee gu daha gurigayaga duqe ynta lagu burburiyey halkaas oo habar yartey kula qa adeynna heesaha gobonima doonka ee Soomaaliya.

Waxaan oo dhageysaneynaa mid ka mid ah cajala dahayaga daxaleystay ee qadiimka ah, waxaana ka mid ka mid ah xidigaha muusiga ee aan aadka u je clayn ee Saado Cali Warsame oo lagu yaqaan inay qaadi jirtay heeso lagu dhaleecaynayo xukunkii Mila tariga ee Siyaad Barre.

Iyada oo adeegsanaysa hal-ku-dhegyo qani ah, waxa ay ku dhaliili jirtay dawladdii milateriga ahayd ee ku xaragoon jirtay gawaadhida raaxada iyada oo in badan oo shacabka ka mid ah ay "gaajo la il da rraayeen", waxaana ka mid ahaa heesaheeda heestii Landcruiser, taas oo dareen ku sii shidday dagaall adii sokeeye ee sababay in Siyaad Barre xukunka la ga tuuro 1991-kii, ka dibna Somaliland ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Intii lagu guda jiray kacdoonkaas, ciidamada mila terigu waxay ka baxeen Hargeysa - oo mar loo arki jiray inay tahay magaalada fanka iyo dhaqanka Soo maalida casriga ah oo ay markii hore ka bilowdeen mudaaharaadyadii gumaysi-diidku.

Waxay lahayd maktabadda dadweynaha ee ugu weyn dalka, waxay ku faantaa masraxiyad qurux ba dan oo Shiinuhu dhisay waxayna lahayd meelo kala duwan oo bandhig faneedyo lagu qabto, sidoo kale waxay ahayd hoy muusig oo kobcaya.

Hamuunta xorriyadda

Waxay ahayd 1940-meeyadii markii fanka casriga ah ee Soomaalida uu runtii la yimid hab faneed uu ho rmuud ka ahaa Cabdi Sinimo, oo loo yaqaannay "balwo”.

Sinimo waxa uu ahaa darawal kaxeeya baabuurta xamuulka masaafada dheer u qaada, sida sheekadu sheegaysana gaadhigii uu watay Sinimo ayaa maalin uu ka ciladoobay uu allifay hees intii uu hagaajinayey gaadhiga.Waxaa halkaas ka dhashay kacdoon muu sik oo ay ka mid ahaayeen fannaaniin waaweyn sida Xudeydi oo loo yaqaanay "boqorkii Cuudka" iyo Cab dullaahi Qarshe oo 1957-kii heestiisii Qoloba Cala needu 53 sano ka dib loo qaatay heesta calanka Soo maaliya.

Heestan oo la sameeyay dhawr sano ka hor xorn imadii Soomaaliya ee 1960-kii, waxay ka tarjumay saa himiladii xorriyadda ee qaarada Afrika.

Xorriyadda oo horseedday in maal-gelin ballaar an oo dhanka waxbarashada iyo fanka ah la samee yo, ayaa sannadihii 1970-aadkii noqotay xilligii dahab iga ahaa ee fanka Soomaaliyeed, iyadoo hoteello ku yaalla caasimadda Muqdisho, sida Al-Uruba iyo Jaz eera Palace, lagu soo bandhigay bandhig faneed aad u xiiso badnaa oo loo soo bandhigay.

Waaberi ayaa ka soo baxday Tiyaatarka Qaran ka oo ay maamusho dowladda, waxaana ay ka mid ahayd kooxo aad u fara badan oo sidoo kale socda allo ku soo maray caalamka.

Gabdhaha bandhig faneedkan ayaa masraxa ku sugnaa iyagoo madax qaawan, waxaana kasoo ba xay xiddigo ay ka mid tahay Magool oo caan ku aha yd heestii Afrikaay hurudooy oo ay ka hor qaadday shir madaxeedka ururka Midowga Afrika oo Muqdi sho ka dhacay, iyadoo si xooggan uga digtay hoggaa miyeyaasha dalalka da’da yar ee qaaradda nooca cusub ee guumeysiga.

Fannaanadda kale ee ka tirsanayd Waaberi ee ca anka noqotay waxay ahayd Maryam Mursal, oo ka mid ahayd fannaaniintii Soomaaliyeed ee ugu horrey say ee isku dhex dartay muusig dhaqameed iyo noo ca muusiga jazz-ka oo casri ahaa xiligaas, taasoo la soo muuqatay halyeygii Maraykanka ahaa ee Nina Simone.

Madaxweynihii xiligaas Maxamed Siyaad Barre waxa uu hub ahaan u isticmaalay muusiga si uu ugu buunbuuniyo barnaamijkiisii kacaanka, waxaana fan naaniinta lagu qasbay in ay qaadaan heeso lagu am aanayo taliskii milatariga.

Markii ay Soomaaliya burburtay 1991-kii, xubnihii fanka, sida fannaaniinta intooda badan iyo boqolaal kun oo kale, ayaa dalka isaga cararay.

Muusiga gudaha dalka ayaa waxa uu soo wajah ay waqti adag gaar ahaan 17-kii sano ee la soo dhaa fay iyada oo Islaamiyiinta mayalka adag ay u arkaye en wax ka baxsan diinta Islaamka.

Kooxda Al-Shabaab oo weli ka talisa deegaanno bad an oo dalka gudihiisa ah ayaa mamnuucay in laga shido muusiga goobaha ay ka taliyaan.

Saado Cali Warsame oo ahayd fannaanadii caanka ahayd ee Soomaaliya oo dib ugu soo laabatay dalka sannadkii 2012-kii markaas oo ay ka noqotay xildhi baan, ayay Al-shabaab laba sano kaddib toogasho ku dileen, kaddib dil qorshaysan.

Fanka hal mar kacay

Waxaa ka mid ah Keynaan oo ah Soomaali kana diyaan ah kaas oo heer sare ay gaadhay heestiisii Wavin Flag markii uu kusoo bandhigay koobkii adu unka ee 2010 – waxaana Keynaan eeddo u ah Magool.

Waxuu mar dhow hees la qaaday fanaanka ka soo shaac baxay gudaha dalka sharma Boy iyaga oo wada qaaday heesta (Waayo Waayo.)

2} Waa hees caalami ah oo caan noqotay, iyada oo ku dhawaad lix milyan oo qof ka daawadeen barta YouTube-ka, waxaana lagu heesayaa erayo isugu jira Soomaali iyo Ingiriisi - waxayna ka sheekaynay saa sheeko dhiirri-gelin ah oo ku saabsan dadaal, adkaysi, hammi, rajo iyo mustaqbal ifaya.

Aragtideeda yididiilada leh waxay ka tarjumaysaa xaqiiqda ah in muusiggu uu mar kale ku soo kobcayo Soomaaliya - iyadoo xaflado muusig oo toos ah lagu soo celiyay Muqdisho iyo Hargeysa.Aniga xageyga fannaanada sida dhabta ah weli uga tarjumeysa dagaalyahannimada Soomaalida ayaa weli ii ah Maryam Mursal. Laxankeeda quruxda ba dan, sheeko-nololeedkeeda iyo ereyadeeda awood da leh waxay iila hadlaan si gaar ah.

, 3} Waxaan nasiib u yeeshay inaan mar ku arko iyada oo saaran masrax London ku yaal, markaas oo ay ku labisanayd diraac dheer, madaxduub midabba badan leh iyadoo gacmaheeda jinjimaha dahabka ahi ku xdhanyihiin u taagaysay dadka, waxayna qaadaysay heesteedii caanka ahayd ee Somali Udiida Ceeb.

Waxay ku saabsan tahay "hodannimada" muuqaalka Soomaaliya "ee aay colaaduhu burburiyeen". Waxay heesta ku soo gabagabaysay, iyadoo Soomaalida ku amShalayy inay khilaafkooda meel iska dhigaan oo ay iska kaashadaan dib u dhiska dalkooda burbursan.XIGASHO:-BBC

Nin u dhashay dalka Shiinaha oo lagu dilay dalka Itoobiya

Muwaadinkan u dhashay dalka Shiinaha ayaa Habeen hore lagu dilay deegaanka Gebre Guracha, oo 160 km dhanka waqooyi kaga beegan Xarunta Gob olka Oromada ee Nazret. Ninkan ayaa ka mid ahaa sa gaal muwaadin oo Chinese ah oo lagu wee raray deeg aanka asi, sida ay xaqiijisay Safaar adda Shiinaha.

Bayaan ka soo baxay Xarunta Safaaradda Shii na ha ee Magaalada Addis Ababa ayaa muwa adini in ta lagu wargeliyay in ay ka soo baxaan goobaha hal ista ah.

"Nasiib-darro mid ka mid ah muwaadiniintayada ayaa toogasho lagu dilay.” Ayaa la gu yiri bayaanka.

Gobolkan ayaa waxaa ku badan dagaalada qowmi yadaha, oo kooxaha abaabulan ee Oromada ay ku bartilmaameedsadaan dadka gobolkaasi looga tirada badan yahay ee Amxaarada. Labadan qowmiyadood oo ood wadaag ah ayaa waxaa mararka qaarkood dhex mara iska dhacyo hubeysan.

Sidoo kale qowmiyadahan ayaa xilliyada qaar ku dagaalama deegaanka Special Zone ee Gobolka Am xaarada, waana deegaan ay ku badan yihiin dadka Oromada. Bayaanka Safaaradda Shiinaha ayaa la gu sheegay in falal dembiyeedyada halista ah, wee rarada hubeysan, afduubka iyo dhaca ay ku badan yihiin gobolkaasi.

Safaaradda ayaa muwaadiniinteeda ugu yeertay, kuwooda ku sugan goobaha halista ah in ay feejign aan badani muujiyaan, ayna tahay in ay isaga soo baxaan gobolada ay weli colaaduhu ka jiraan.

"Haddii aad horey u joogtay aag halis badan, waa inaad isla hadda uga bedelataa goob nabdoon.” Ay aa lagu sheegay bayaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay aa horaantii bishan walaac ka muujisay xaaladda Go bolka Oromada. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mar eykanka, Antony Blinken oo khadka teleefanka kula hadlay Raysal Wasaare Abiy Ahmed ayaa la wadaag ay walaaca Washington ee gobolkaasisocda hakinta doorasho lagu wado in beroto ay Muqdisho ku qabta an Guddiga dooraashooyinka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, taasoo Wasaaraddu ku sheegtay iney tahay mid si bar bar socota.


DOWLADDA SOOMAALIYA OO SOO SAARTAY AMAR KU SOCDA HAKINTA DOORASHOOYINKA IS BARBAR SOCDA EE XIRIIRKA KUBADDA CAGTA SOOMAALIYA

Wasaaaradda amniga gudaha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku

War qoraal ah oo kasoo baxay Wa saaradda amniga gudaha Sooma aliya ayaa lagu faray Taliye yaasha ciidamada Nab ad su gida iyo Booliiska Soomaaliya iney hakiyaan doorashadaan ay Guddiga doorashooyinka Xiriirka Kubadda Soomaaliyeed u qorsheyeen in berito ka dhacdo magaalada Muqd isho.

Talaabadaan ay qaaday Wasaaradda amniga gudaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Sooma aliya ay Dorraad galinkii dambe soo saartay amaro ka dhan ah isbar baryaac ka dhex jira Xiriirka Soomaal iyeed ee kubadda cagta, islamarkaana wasaaraddu ay sheegtay ineysan aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashooyinka is barbar socda.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedyada kasoo baxay Wasaaradaha Amniga iyo Dhalinyarada:-





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip