Garaad Jaamac Garaad Cali oo u jawaabay madaxweyne Biixi

0
Tuesday January 31, 2023 - 17:22:01 in Wararka by
  • Visits: 395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garaad Jaamac Garaad Cali oo u jawaabay madaxweyne Biixi

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
Garaad ka guud ee beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in gobolka Sool anay argagixiso joogin, isaga oo ciidamada Somaliland ku eedeeyay argagixisonimo.
Garaad Cali, oo u jawaabayay madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dadka shiraya anay argagixiso ahayn, wuxuuna inta ku daray in hadalka madaxweynuhu uu dhibaatadii hore ee jirtay sii hurinayo.

"Waanu ka xunahay hadalkaa waxaanu cadaynaynaa in aanay argagixiso ahayn, dadka shiraya ee reer SSC ee ayaahooda ka tashanaya ... ayna argagixiso ahayn, dhibaatooyinkii hore ee Muuse iyo maamulkiisu ay dadkan u gaysteen uun bay sii laba jibaaraysa" ayuu yidhi Garaad Cali.


Garaadku ciidamada Somaliland ayuu argagixiso ku tilmaamay, waxaanu sheegay in anay jirin argagixiso aan ciidamada Somaliland ahayn oo gobolka joogta, waxaanu sheegay in dhibaato kasta oo gobolka ka dhacda ay u qabsan doonaan madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaanu adduunka ugu baaqay in anay taageerin ciidamada Somaliland, isaga oo sheegay in taageeradii hore ee caalamku siinayay Somaliland ay dhibaato kasoo gaadhay shacabka ku dhaqan gobolada SSC, waxaanu sheegay in anay jirin argagixiso Sool joogta.

Madaxweynaha Somaliland oo shalay ka hadlay xaalada gobolka Sool, ayaa sheegay in dilalkii ka dhacay Laascaanood ay kooxo argagixiso ah oo umada isku dirayaa fuliyeen, isla markaana waxa uu dhinaca kale shirka isimada SSC ka rajeeyay in ay kasoo baxdo talo nabadgalyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip