HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AHTALAADO 31-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Tuesday January 31, 2023 - 08:22:51 in Wararka by
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AHTALAADO 31-KA JANNAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Tirada Shaqaalaha Rayidka ee shaqada soo gala oo kor u kacday 26% kadib amarkii Ra’iisul wasaare Xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soo maaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan lagu dardargelinayo howlaha xukuumadda Shalay la ye eshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, isa goo ka dhage ystay warbixinno la xariira isbed del a shaqo ee yimid, kadib kulan kii 24 December 2022 uu la yee shay.

Kulanka ayaa lagu soo bandhi gay qorsheyaal muhiim u ah howlqabadka dowladda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada ay dowladdu gaa rsiiso shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo horey u faray Agaasim eyaasha Guud in ay wasaaradahooda ka dhaqan gel iyaan isla xisaabtan dadka aan shaqeysan ee hadd ana mushaarka ka qaata dowladda, ayaa waxa Gudd iga Shaqaalaha Rayidka ah soo bandhigeen in afartii toddobaad ee la soo dhaafay ay 26% korortay shaq aalaha shaqada u soo xaadira wixii ka danbeeyey khudbaddii uu Ra’iisul Wasaaraha amarka ku bixiyay bishii Diseembar.

Md.Xamse ayaa mar kale ku adkeeyay Agaasim eyaasha inay ka shaqeeyaan isla shaqeynta iyo isku xirka hawlaha ka dhaxeeya Wasaarradaha iyo la dag aallanka musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soo maaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo boggaad iyey natiijooyinka ka dhashay kulamadii hore, ayaa mar kale ku celiyey in aan la aqbali karin shaqaale qaata mushaar oo aan imaanayn goobtiisa shaqada. Waxuuna kula dardaarmay guddiya ku shaqada leh in ay dardargeliyaan isla xisaabtanka, si meesha loo ga saaro dadka cudur-daar la’aanta aan xaadirka ku ahayn shaqada.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo Ka Wada Hadlay Xooji nta Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaa lka Soomaaliya Mundane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan miro dhal ah kula qaatay magalada Muqdisho dhiggiisa Da lka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuu

ti Mudane Xasan Cumar Maxamed.

Kulanka ayaa inta uu soc day waxaa si weyn loogu gorfeeyay dagaa lka dagaalka ka dhanka ah Dagaalamaayasha Al-Shabaab iyo Daacish.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mundane Cabdiqaadir ayaa mar ka hore dhigiisa Jabuuti Iyo waftiga la socda uga ma had-celiyay hiilka walaalnimo ee ay mar kasta dadka Soomaaliyeed iyo dalkeenna la garab taagan yihiin, wuxuuna sheegay Wasiir Cabdiqaadir inay walaal aha Jabuuti ka go’an tahay in Soomaaliya laga saara Al- Shabab iyo Daacish.

Wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Xasan Cumar Maxamed ayaa dhankiisa cadeeyay in Jabuuti ay ka go’an tahay ku garab-siinta dowladda Soomaaliya sidii waddanka looga wada xoreyn lahaa AL-shabaab, isagoona hoos ka xariiqay Ciidanka Ja buuti ee HIIL WALAAL ay habeen iyo maalin dhiigoo da u hurayaan sidii shacabka Soomaaliyeed u garab istaagi lahaayeen.

Kulanka Labada Wasiir waxaa ku weheliyay Taliy aasha CIidamada Xoogga Soomaaliya iyo Jabuuti, Gen. Odawaa Yuusuf Raage, Gen. Sakariye Ibrahim Sh.&o saraakiil kale oo ka tirsan Wasaradaha difaaca

Guddoomiyaha G/Shacabka oo soo xir ay Waji ga 1aad ee Shirka dib u Heshiisiinta KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheikh Aa dan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Shalay soo xir ay wajiga koowaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta KGS oo ay ka qeyb gal een Golaha Odoyaasha Dhaqan ka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Fars amada Shirka Dib u Heshiiniinta KGS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunaa nadka wajiga 1aad ee shirka soo xiray ayaa Guddiga Farsamada Shirka iyo Guddiga ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka waxa ay la wadaageen war bxin ku aaddan qiimeyn ay ka sam eeyeen dhacdo oyinkii dhacay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa guddiga oday aasha dhaqanka ku wareejiyay lacag loogu tala gal ay ehelada dadkii ku dhintey, daaweynta dadkii ku waxyeeloobay, laguna dayactiro guryihii ku burburay Dhacdadii 23-kii December 2022, isagoona xusay wixii culeys ah ee ka yimaada la xalin doono, ismark aana wixii warbxintooda dib ay ugu soo celiyaan Guddoomiyaha.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa gaba gabada shirka, waxaa uu ku dhawaaqay inuu si ras mi ah u furan yahay wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo lagu wado in wajiga 2aad ee dagaalka Shabaab ka bilaawdo deegaanada Koonf ur Galbeed

Mahdi Guuleed oo BF ka sheegay in Somaliland ay tahay ‘dal madax bannaan’

Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka, ah na haatan xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka So omaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Shalay hadal buuq badan dhaliyay ka dhex sheegay kulankii Baarlamaanka Federaa lka Soomaaliya, kaas oo la xiriira arrinta madax bannaanida ee Somaliland.

Mahdi Guuleed oo ka hadlay dooda ku aadan hin dise sharciyeedka hay’adda NISA ayaa soo hadal qa aday sida uu sharcigaan uga hir-geli karo dalka, ul ana jaan qaadi karo waddamada dariska ah, isaga oo dalalkaas ka tilmaamay Somaliland oo uu ku she egay inay tahay dal daris la ah Soomaaliya.

"Haddaba is barbar dhig baanu sameynay oo aa nu la eegnay shuruucda kale iyo weliba Geeska Afr ika iyo Somaliland qudheeda, ninbaa oran jiray Som aliland waxay kamid tahay waddamada dariska ah” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dowla dda dhexe.

Intaas kuma ekaan, wuxuuna Mahdi Guuleed u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax banna an, isaga oo sheegay inay ku jirto wadamada dariska la ah Soomaaliya.

"Marka waddamada dariska ah waan wada eeg nay Somaliland-na ay ku jirto,” ayuu markale yiri xil dhibaan Mahdi Guuleed oo deegaan ahaan kasoo jeeda Hargeysa.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa sameeyey fal-celin, waxaana hadalka Mahdi Guuleed ka dhashay buuq ay sameeyeen xubnaha Golaha, waxaana ka dib soo farageliyay guddoonka.

"Xildhibaanada sharafta leh garaaca joojiya cidda toosin sameyneyso waa la siinayaa,” ayuu yiri guddo onka sare ee Golaha Shacaabka Baarlamaanka F S.

Arrintan ayaa sidoo kale hadal heyn xoogan ka dhex-dhalisay baraha bulshada, waxaana dadka ka falceliyay ay soo jeediyeen in tallaabo laga qaado Mahdi, si uu u bixiyo raali-gelin.

Si kastaba, Mahdi Guuleed ma’aha mudani hii u gu horreeyay ee Baarlamaanka ka sheega hadalkan, waxaana uga horrey say Xildhibaan Gobsan oo iyad ana ka soo jeeda Somaliland, taas oo shaac isay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo ay tahay in lagu ixtiraamo.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo dood adag ka yeeshay Hindise Shar ciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nab adsugidda Qaranka

Mudaneyaasha Golaha shacabka ee Barlama anka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Sha lay yeeshay Kalfadhiga labaad kulankiisa 14-aad ee Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeeshay Hind ise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugid da Qaranka oo horray loogu qeybiyay. Xildhibaannadda ayaa dul istaagay qodobada wax ka bedalka u baahan ee sharciga ku jira.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shac abka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ay aana shir guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 14-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ajandihiisu ahaa:

1-Ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciye edka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaran ka.

2-Qeybinta Akhrinta 2-aad ee Hindise sharciy eedka Korantada.

Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS, Xil. Nuur Axmed Diiriye ayaa xildhibaannada ka hor aqriyay Hindise Sharciye edka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaran ka oo uu guddigu ka soo shaqeeyay, asagoona she egay in diyaarinta sharcigaan ay la kaashadeen khub aro sharciyaqaano ah iyo khubaro ku xildheer shar cigaan, waxaana uu xildhibaannada ka codsaday in ay ansixiyaan sharcigaan oo muhiim u ah dalka.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay sharcigaan., iyagoo ay aa intooda badan doododu ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Sha cabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray kulanka maant, waxaana uu sheegay in 17 xildhibaan ay ka harsan yahiin ka doodista shar cigaan oo maalinta Arbacada ahna ay dhameeystiri doonaan ka doodista Hindise Sharciyeedka Hay’ad da Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo soo xiray shirka ansixinta Istiraatiijiyad da Qaranka ee dha qaalaha Bulluuga ah

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Shalay soo xiray shirka ansixinta istaatiijiyada qaran ee dhaqaalaha buluuga ah oo muddo saddex berri ah ka socday magaaladda Muqdisho kaasi ay soo wada qaban-qaabiyeen Wasaaradda Kaluuma ysiga Iyo dhaqaalaha Buluuga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, ayaa tilma amay in baahi weyn bulshada Soomaaliyeed u qabto ka faa’iidaysiga khayraadka dhaqaala ha buluuga ah si loo gaaro horumar, xasilooni, naba dgalyo iyo in ay laga ma maar-maan tahay in la gaaro isku filn aanshiyo dhaqaale, shaqo abuur iyo horumar bulsho, isagoo ku boggaadiyey Wasaaradda kalluu maysiga iyo dhaqaalaha buluuga iyo Wasaaradaha wada sha qaynta la-leh in ay ka shaqeeyaan qorsha qaran ee looga faa’iidaysano khayraadka ceegaaga badahee na.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaal aha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soom aali ya Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiiru-dowl aha wasaaradda Maxamed Bashiir Cali Baxnaan, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka soo qeyb galay xiritaanka shirka.

Shirkan oo si wada jir u soo qaban qaabiyeen Urur goboleedka IGAD iyo wasaaradda Kalluumeys iga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ayaa saddexdii maa lin ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray hirga linta qorshaha qaran ee Dhaqaalaha Buluugga ah.


Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe & Midowga Musharii xiinta KGS?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nuur Madobe ayaa kulan kula qaatay Mag aalada Baydhabo Midowga Mushar raxiinta, Golaha Babaadada iyo Madasha Samatabixinta K/ Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa kala hadlay ka guul gaarida Shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed oo gogoshi isa taala magalada Baydhabo wajigiisa labaad Sha lay si rasmi ah u furmay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Midowga Mu sharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Sam atabixinta KGS ku bogaadiyay sida hufnaanta leh ay uga qeyb galeen wajigii koowaad ee shirka isla-mar kaana Guddiga Farsamada gacan ku siiyay sidii uu u qabsoomi lahaa shirka lana xaliyiyey shaqaaqooyin kii dhacay ayaa siyaasiyiinta la wadaagay in wajiga labaad ee shirka si rasmi ah u furmay Shalay.

C/C/Shakuur oo dalbaday in hay’adaha amniga looga yeero BF kadib arrin soo badatay

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaal iya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhi baan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo xaadiray kulan kii Shalay ee Golaha Shacabka ayaa dalbaday in loo yeero hay’addaha amniga.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa shee gay in muwaadiniinta Soomaaliy eed, gaar ahaan shacabka ku nool Muqdi sho ay ku dhiban yihiin jidadka la iska xirto markii la rabo, ayada oo caasim ada ay wajaheyso culeysyo dhanka amniga ah.

"Muwaadinka Soomaaliyeed maalinkasta waxa uu ku dhiban yahay meel uu maro in uu waayo, inay jidadka ka xirnaadan in mararka qaarkood safarada la xayiro oo duulimaadka la hakiyo. Anaga xildhibaanimo iyo xasaanad ayaa jidka kusoo marna laakiin dadkii waa shaq eysan la’yihiin waana socon la’yihiin,” ayuu yiri.

"Sidee muwaadinka jid xirka looga joo jin karaa? waa in hay’addaha amniga na-horyimaadeen oo aan weydiino sababta ay jidka u xirayaan, sababta hooyo waayeel ah oo mooto saaran oo isbitaal u socota loo leeyahay ka noqo jidka.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale si adag uga horyimid saba baha inta badan loo xiro jidadka Muqdisho, kuwaasi oo la xiriira dhaq-dhaqaa qa madaxda ee gudaha magaalada iyo wafuuda dib ada ka timaada.

"Muwaadinka ayaa halkan u joogno dad kale uma joogno, waxaa rabna guddoomiye in dhab ahaan loo qaato madaxda hay’adda amniga ha la keeno. Sab abta jidadka loo xirayo maalinkasta iyo asbucu kasta ee loo leeyahay jidadka waa xiran yihiin in aan oga ano ayaa rabna si aan u noqon dad muwaadiniinta u shaqeeya.”

Dhinaca kale, xildhibaanka ayaa soo dhaweeyay sharciga NISA ee la horgeeyay Golaha, isaga oo tilmaamay in lagama maarman ay tahay in sharciga cusub sidiisa loo dhaqan-galiyo, oo aysan iska noqon wax waraaq lagu qoray.Sidoo kale waxa uu xusay in hay’adda NISA ay isku hayso laba shaqo oo ay ahayd in la kala qaado, kuwaasi oo kala ah; shaqadii sirdoonka oo amniga qaranka ka shaqeysa iyo qeybta amniga gudaha ka shaqeysa ee baaritaanka iyo dambiyada abaabulan ee argagixisada.

"Waxaa muhiim ah in hay’addaan aysan tallaabo qaadi karin iyada oo Garsoor haysan arrintaas muhiim waaye, hadda dad ayaa la soo qabta waa la xira oo la iska haya waxa celin kara waa sharcigaan, anagana waxa nagala rabaa in aan sharcigii taageerno.”

Dowlada Soomaaliya Oo Ku Amartay Hay’adaha Gargaarka In Muddo 3 Bilood Ah Ugu Soo Guuraan Gudaha Dalka

Wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa ku warge lisay in hey’addaha gargaarka iyo kuwa horu marinta ee mashaariicda ka fulin aya Soomaaliya inay si buu xda ugu soo wada guuraan dalka Soom aaliya laga bilaabo (30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023) iyadoo la tixgel in ayo xaalada amni ee dalka oo soo ha gaageysa kaddib howlgalada guuley stay ee ka dhanka ah Argagixisada.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Qor sheynta ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay gacan ka siin doonto hay’adaha sidii ay dalka Soomaaliya ugu soo guuri lahaayeen.

"Wasaarada Qorsheyntu waxa ay tallaabooyinka ku habboon ka qaadi doontaa hay’adaha fulin waayo a markan,dalkana si degdeg ah ugu soo guuri waa ya.”ayaa lagu yiri war saxaafadedka.

Qoraalka ayaa lagu wargeliyay hay’adaha in ay taba baradooda iyo shirarkooda ku qabsadaan gudaha dalka. Inta badan hay’adaha samafalka ayaa xarumo ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya,mana aha markii ugu horeysay ee dowlada Soomaaliya ugu baaqdo hay’adaha samafalka inay dalka u soo guu raan. dowlada soomaaliya oo ku amartay hay'adaha garg aarka in muddo 3 bilood ah ugu soo guuraan gu daha dalka

Dowladda Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay hanjabaaddii Cali Dheere

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaalya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ka hadlayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul ugu jaw aabay Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Wasiirka ayaa si weyn uga horyim id hanjabaadda uu Cali Dheere u diray ganacsata da Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay inuu yahay nin iska hadlay.

Jibriil Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in Cali Dheere aan waxba laga weydiineynin ilaalinta hanti da Ummadda Somaliyeed, sida uu hadalka u dhig ay

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in cidda la ga ilaalinaayo hantida shacabka ay tahay kooxda Al-Shabaab, oo uu ku eedeeyey inay baad ka qaado ganacsatada iyo shacabka.

"Ninka Cali Dheere la yiraa ee ku hadla Afka Kha waarijta, waxa aan u sheegayaa in aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinayaa ay tahay isaga oo ah khawa arijta Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga So omaaliya.

Sidoo kale wuxuu boggaadin u jeediyay ganacsa tada Soomaaliyeed ee dhaqan-geliyay amrka kasoo baxaa dowladda ee ku aadanaa in aysan la macaa milin Al-Shabaab, ayna iska diidaan farriimaha uga imaanayaa dhanka kooxda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowla dda Soomaaliyeed ay sii wadeyso dadaalkeeda, isla-markaana ay ka go’an tahay in la cuuryaamiyo Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa daba socda muuqaal uu dhowaan iska soo duubay Cali Dheer oo si adag uga hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen dowladda fed eraalka, isaga oo dhanka kale bangiyada iyo shirka da waaweyn uga digay inay bixiyaan xogta dadka ay hantida u hayaan.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa muuqata in looga adkaaday dhanka milatari iyo dhaqaalaha, maadaa ma dhul badan laga qabsaday, sidoo kalena laga xi ray akoono ay lacago ugu jireen.

Maamulka Jubbaland & howlgalka ATMIS oo ka shiray Amniga degaannada Maamulkaas

Waxaa kulan looga hadlayay Amniga gobolka Jub abda Hoose magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ku yeeshay Taliska Bool iska G/J/hoose iyo Saraakiisha Ciidamada ATMIS. Kulanka ayaa sigaar ah waxaa uu sigaar ah u dhex maray Koox ka soc otay ciidamada ATMIS ee dalka Itoobiya iyo saraakiisha ugu saraysa ciidamada bool iska Jubaland oo uu horkacayo tali yaha booliska G/ J/Hoose Sadiiq Maxamed.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaala dda nabad-gelyo ee degaannada Jubbaland & dhina cyada iskaashiga si loo horumariyo amniga loona bil aabo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiisha labada dhinac ayaa isku raacay in la dardar geliyo howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga, sidoo kalena la xoojio wada-shaqeynta u dhaxeeysa Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degaannada Jubb aland waxaa ka socday howlgallo ay wadeen Ciida mada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, waxaana ay kula wareeg een degaano ay gacanta kuhayeen Al-Shabaab.

Xaadoole oo shaaciyey ninka keenay qorshihii Sh/Dhexe looga saaray Al-Shabaab

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo ku sugan dee gaanadii Al-Shabaab laga xoreeyey ee gobolka Sh/ Dhexe ayaa shaaciyey qorshihii suurta-geliyey in la xoreeyo degaanka Nuur-dugle, isagoo soo bandhi gay go’aan halis ahaa, balse lagu faa’iiday oo Xildhi baan Yuusuf Kabaale uu ku adkeystay.

Xildhibaanka ayaa aad u amaanay beesha Kab aale Wacbuudhan ee Abgaal, isagoo shaaciyey in xo reynta deegaanada beeshaas uu sababteeda lahaa Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo hoggaaminayey ciid ankii xoreeyey Nuur-dugle iyo dee gaanada u dhow. "Maalintii aan Al-Shabaab ka xor eynay Masaajid Cali-gaduud, waxaan celi weynay Xildhib aan Yuusuf Kab aale, wuxuu na yiri aan 30 KM gudaha galno oo Nu ur-Dugle aan xorey no,waxaan dhahnay sidee isaga difaaci doonaa wee rarrada Al-Shabaab, wuxuu nagu yiri beesheyda Kab aale ayaan soo kicinayaa ee mar na geeya degaan ka,” ayuu yiri Xaadoole.

Wuxuu sheegay in go’aankaas lala qaatay Xildhi baan Yuusuf Kabaale, iyadoo cabsi badan la qabo oo Al-Shabaab lasoo dhex galay, balse waxaa guule ystay qorshihii xildhibaanka, maadaama ciidan xoog leh laga helay beesha Xildhibaan Yuusuf Kabaale, markii laga dul qaaday oo laga xoreeyey Al-Sha baab.

Sidoo kale Xildhibaan Xaadoole ayaa cadeeyey in xoreyntii Nuur-dugle ay u sahashay in la xoreeyey degmooyin iyo deegaanadii kale ee Sh/Dhexe ay Al-Shabaab ka joogeen, sida Aadan-Yabaal, ilaa Hiira an iyo Galgaduud.

Xildhibaan Xaadoole ayaa ku dheeraaday ka had alka heerka cabsidii ay qabeen dadka laga xoreeyey Al-Shabaab, isagoo ku amaanay geesinimada ay mu ujiyeen ciidankii is abaabulay ee beesha Kabaale oo dhul badan ka xoreeyey Al-Shabaab.

"Markii aad doorateen Yuusuf Kabaale, walee Da wac ma aadnaan doorane ogaada, Xildhibaanka isna waxaan lee yahay beel aad u fiican ayaad ka dhalat ay, hadii aad aragteen ciidan inta la soo weeraray la laayey, waxay ku cusubyihiin deegaanka, balse id inka waxay idinkugu soo dhiira waayeen dhulka aya ad uga aqoon badan tihiin, hadana yaan la is dhi gan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xaadoole.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole iyo Xildhibaan Yu usuf Kabaale ayaa hoggaaminayey dagaalladii Al-Shabaab looga xoreeyey deegaanada ay Sh/Dhexe ka degaan beelaha ay ku metelaan baarlamaanka federaalka, taas oo aad loogu amaanay.

2daan xildhibaan oo garab ka helaya dowlad da dhexe iyo madaxda ugu sareysa HirShabeelle ay aa ku guuleystay inay guud ahaan degmooyinka maa mulkaas ku soo celiyaan gacanta dowladnimada, wa xaana la sheegaa in Al-Shabaab ay hadda HirShabe elle uga dambeeyaan dhinaca galbeed ee w/Shabele

Ciidamada Huwanta ah oo howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan G/Mudug

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashan aya kuwa dadka deegaanka ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan sameeyay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Mudug.

Howlgalada ayay si gaar ah ciidamada waxay uga sameeyeen deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degm ada Xarardheere iyo deegaanka Caad ee gobolka Mudug, waxaana saraakii sha ciidamada hoggaamineysay ay warbaahinta qar anka u sheegeen, iney ka gaareen guulo la taaban karo.

Saraakiisha faahfaahin kama aysan bixin in khas aare uu ka dhashay howlgalada qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Mu dug ee maamul goboleedka Galmudug.

Deegaanada maamulka Galmudug ayaa haatan ah meelaha ugu badan oo ay ciidamada huwanta ah ka wadaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-sha baab, hayeeshee Galmudug ayaa sheegtay in haat an ay isku diyaarineyso in Al-shabaab ka saarto deg mada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ah deg mada kaliya ay haatan Shabaabka Galmudug ku xoogan yihiin.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Xaaska Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dow ladda Soomaaliya ayaa Shalay xukun adag ku ridday Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo ah Xaaska hogga amiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo C/qaadir Muu min.

Haweeneydan oo isticmaaley say magacyo kala duwan, sida Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa ayaa taariikhdu marka ay aheyd 21/03/2022 laga soo xeray gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, ayada oo loo heysto kamid ahaanshiyaha kooxda Daacish ee Soomaal iya.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa shaaca ka qaaday in Fartuun ay Daacish u qaabilsaneyd arrimaha lacagaha.

Sidoo kalena waxaa lagu eedeeyay in ay marti gelin jirtay xubnaha kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya magaalada Mudisho ama kuwa ku cusub.Haweeneyzan ayaa sidoo kale lagu helay inay xiriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish, ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee caalamlka Bilal-Alsudani kaas oo uu 27-kii bishan January howlgal uu ku dilay Mareykanka."Waxa ay tahay hadda Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho,”‘ ayey tiri Maxkamadda.

Waxa kale oo ay Maxkamaddu intaasi kusii dartay in ay la guur guureysay, isla-markaana ay ugu dhexeysay meelaha uu ku dhuunto, balse ay rasmi u daganeyd Gaalkacyo.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun, waxayna ugu dambeyn Maxkamadu fadhigeedii gabagabada ahaa soo dhamaysatay 17-kii bishaan January 2023.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Shalay ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu ku dhowaaqday Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo waxbarasho siinaysa carruurta ku nool degaanada laga xoreeyay Alshabaab

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo ah xasilinta waxbarashada kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo celiyo xaqa ay u leeyihiin waxbarashada carruur ta ku nool degaanada laga xoreeyay Shabaab.

Barnaamijkan ayaa la sheegay inuu bixindoono jawi ammaan ah oo waxbarasho oo loogu talagalay carr uurta ay saameeyeen afkaartii diimeed ee kooxda Alshabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi, ayaa warsaxaafadeed uu soo saa ray ku yiri: "Waxbarashadu waa xuquuq asaasi ah oo ay leeyihiin dhammaan car ruurta, iyadoo aan loo eegin meel ay ku nool yihiin.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka go’an tahay in dhammaan carruurta Sooma aliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh.

Wuxuu sheegay barnaamijkan xasilinta ah inuu ya hay tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo yoolkaas.

Barnaamijka xasilinta waxbarashada ayaa lagu she egay inuu yahay hindisihii ugu dambeeyay ee W/ arri maha gudaha, FS &dib u heshiisiinta, kaasoo wax lo oga qabanayo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed & sidii loo dhisi lahaa mustaqbal ifaya oo uu dalku yeesho.

Barnaamijkan oo ay Wasaaraddu ugu magacdart ay"Barnaamijka bisha” ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono nolosha carruurta Soomaaliyeed.

Somaliland Oo Warbaahinta Madaxa Banaan Dul Dhigtay Amar La Xiriira Laascaanood

Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa amar cu lus dul dhigtay warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha deegaanadeeda, iyadoo amarkan uu taab anayo sida loo tabinayo xaaladaha ka taagan M/ La ascaanood. Warsaxaafadeed ka soo baxay W/w/ta ayaa wariyayaasha lagu faray iney joojiyaan tabinta warar, warbixino iyo ra’yi ururin keeni ka ra in xaalada Laascaanood kasii darto.

"W/warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigali nta JSL, waxay uga digaysa dhamaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, iyo wariyayaasha ka howlgala gudaha Somaliland in ay baahiyaan warar, warbixino iyo ra’yi ururin dab kusii hurin karta xaalada ka taagan Laas caanood” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa ka carootay sida warbaahinta ka howlgasha deegaanadeeda ay u tabineyso xaaladda Laascaanood oo sanado dheer ka dib laga taagay calanka JFS, iyadoo hore cidii calankaasi lagu arko ay xabsi & jirdil la kulmi jirtay.Laascaanood waxaa maalin kii 3aad galay shirka aaya katashiga gobola da Sool, Sanaag iyo Ceyn, iyadoo war-murtiyeedka laga soo saarayo loo badinayo iney ku dalabdaan in Somaliland deegaanadeeda isaga baxdo ayna taag eeraan mowaifka Soomaali weyn.

AL-SHABAAB OO SHAACISAY MAGACA IYO QABIILKA NINKII WEERARAY XARUNTA G/BANAADIR

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeeday mid kamid ah raggii fuli yay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir, kaasi oo ku billowday qaraxyo kadibna uu xigay dagaal ay gudaha ku galeen maleeshiyadaas.

Kooxda ayaa ninkaan kamidka ahaa raggii fuliyay weerarkii G/ Banaadir ku sheegtay magaci isa Cilmi Cumar Xasan Afrax (Yaxye).

Ninkaan ayaa cod ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, oo laga duubay kahor inta ay maleeshiy ada weerarka kusoo qaadin xarunta ayaa wuxuu ku sheegay inuu ku dhashay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu kasoo jeedo beesha Daa’uud ee Abgaal, oo ah beesha uu sidoo kale ka dhashay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yu usuf Madaale.

Wareysi laga qaaday ninkaan intii aysan malee shiy ada weerarka ku qaadin xarunta maamulka G/ Banaadir oo ay baahisay warbaahinta kooxda ayaa wuxuu ku sheegay in xarunta u beegsadeen si ay u gumaadan madaxda muhiim ah ee halkaasi ku sug an.Waxa kale oo uu sheegay in dagaalka ku socda ee lagu gaarsiiyay jabka xoogan, uusan wax ka bad ali doonin beegsiga madaxda iyo masuuliyiinta dowl adda, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta warey siyo ay ka duubaan maleeshiyada weerarada fulisa, kuwaasi oo laga dheehan karo in dhalinyaradaas la gu maran-habaabiyay diinta, laguna shubay fikir qal dan oo galaaftay nafahooda.

22-kii bishaan ayay aheyd markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta G/Banaadir, kuwaasi oo markii dambe dagaal toos ah la-galay ciidamada dowladda.

Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaa day ayaa gudaha u galay dhismaha, inkasta oo saa cado kadib lasoo afjaray, waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawa cmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay DFS.

Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa ahaa kuwa lug aynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay magaalada Muqdisho kadib dagaalka culus ee kaga socda gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada.

Xigasho:Caasimadda.net

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay shirka Laascaanood uga socda waxgaradka SSC

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu rajaynayo in wax wanaagsani ka soo boxo shirka Laascaanood uga socda waxgarad ka G/Sool & qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn.

"Shirka madax dhaqameedka ee La ascaanood ka socda waxaan ka raja ynaya wixii laga rajayn jiray ee caada da u ahaa madax dhaqameed kasta, dadkasta oo islaan ah, cidkasta oo waxgaranaysa shirarka madaxdhaqameedka iyo oda yaashu fadhiyaan wuxuu ka taliya mar walba nabad" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in xukuumadu ay diyaar u ta hay in si walaalnimo iyo wadajir leh ay kaga garnaq do tabasho kasta, si xaalada daganaansho loogu soo celiyo, waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay kasoo horjeedaan qofkasta oo dhibaato abuuraya, iyo qofkasta oo diidan nidaamka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wax garadka reer Laascaanood laga dhaadhiciyay in xukuumada Somaliland ay ugaadhsatay shacabka reer Laascaa nood, waxaanu sheegay in loo bahanyahay in fagaa re layskugu yimaado si arrinta runteeda daaha looga qaado.

"Dadka arrintaa rumaystayow waxaynu u bahanah ay Somaliland wax garad keeda arrinta laga dhaadha csiiyay ee wada iyo dowlada ay ku eedeynayaan in aynu isla gaadhno fagaarihii ay kusoo bandhigi lah ayn, ee cadowgu tuu doonayo aan loo dhaga nugla an," ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in xukuumadu fagaare loo dhanyahay kusoo bandhigi doonto dadkii galaaftay nolosha haldoorka magaalada Laascaanood "Nin kii leh dowlada wax yeeshayow caddaankeeda ayaa ku hor iman kii dilay oo la hayee in aad halkaa sugto, la kiin aan loo dhaga nuglaan kuwa fidmada wada".

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidanku aa nu ka bixi doonin Sool, isla markaana uu amniga sug ayo "Ciidanka Somaliland, Somaliland ayuu cadowga ka ilaalinayaa, dalkiisu ilaalinayaa, waa eray ay soo tuur ayso argagixiso doonaysa in ay meesha fidno ka rido. Madaxweynuhu kooxa argagixiso ah oo aanu carabaabin ayuu ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan qallalaasaha magaalada Laascaanood, waxaanu sha cabka reer Sool ka codsaday in ay ka shaqeeyaan Nabadda.

SIDEED QOF OO ABAARTA UGU GEERIYOODAY GOBOLKA GEDO

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ugu dar an dalka, ee ay ka jirto abaarta baahsan ee dham maadkii sanadkii 2021 ka dhufatay qaybo ka mida dalka.

Deegaanka Gariley oo dhaca xadka gobolkaasi la wadaago dalka Kenya ayaa waxaa la soo sheegaya in sideed qof ay deegaankaasi ugu geeriyoodeen ab aarta ka jirta dalka. Dadkan ayaa ka mid ah qoysas barakacayaal ah oo dhawaan ay malee shi yada Al Shabaab ka soo barakaciyeen tuu looyinka ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Baardheere iyo Gari ley.

"Gariley abaar xun baa ku dhufatay, sanadkii la soo dhaafay cirkaba looga maba imaanin, middii ka sii horreysayna ayaduna roobkeeda, roob aad u yar buu ahaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha deegaanka asi, Maxamuud Cabdille Warsame.

Gudoomiyaha oo BBC la hadlay ayaa yiri "Waxaa nagu soo qaxay qolada la yiraahdo Takfiirka, oo nim ankii Shabaabka ahaa ay soo qaxiyeen oo dadka danyarta ah, oo tuulooyinka ku hareereysan wixiiba Gariley iyo Baardheere u dhaxeeya, intaas oo dhan ayaa laga soo qaxiyay, xagga uma aynaan qaxi kar inoo, waxay is lahaayeen xuduudda Kenya xageeda aad u qaxdiin. Dadkii asaga ahaana waa nagu soo dul degay, dadkaas waxay hadda geerida ku mare ysaa sideed ruux.”

Gudoomiyaha oo wax laga weydiiyay waxa ge erida dadkaasi sababay ayaa ku jawaabay "Abaarta haddii ay badato dadkii wuu tabar-yaraanayaa, ha ddii uu dadku tabar-yaraadana cudurkii bannaankuu iska imaanayaa, oo sidaasuu ku dhalanayaa. Dadka hadda dhimanaya waa dadkii yaryarka ahaa, oo qoysaska danyarta ay dhalleen, iyagoo hubeysnayn baa la yiri socda na dhaafa, annaga oo xaaladayada aad iska ogtahay oo awalba aan caadi ahayn ayay nafta nagu la soo dhaceen ayagoo maato ah, sidaa see baaba’a hadda u bilaabeen.”

Gudoomiyaha oo ka waramayay xaaladda dadka deegaanka iyo kuwa kale ee ku soo barakacay ayaa waxa uu yiri "Kuwaan qaxii bay dheer yihiin oo laba da dad waa isku deegaan, abaartii way wada hays ay, kuwaan laakiin qaxii bay dheer yihiin, waxaa we eye gogoshoodii bay ka soo qaxeen iyo meeshii ay baranaayeen. Adooba iska caafimaad qaba, hadda ad meeshaan oo kale ka tagto oo Nairobi oo kale aad tagto ama gobol kale, laba biyood baaba iskaga kaa dhacayo, marka dadkaas intaas ayay dheer yih iin, laakiin dadka waa isku wada mid.”

Maxamuud Cabdille Warsame, Gudoomi yaha deegaanka Gariley oo la weydiiyay su’aal ahayd dad ka reer Gariley ma beeraley bay ahaayeen mise xoo lo dhaqato ayaa sheegay in dadka deegaankiisa ay ku tiirsanaayeen xoolaha nool, balse ay dadkii xoog ga lahaa ula carareen meelihii ay u arkayeen inay roobabka ka da’een.

"Dadkan beer ma lahayn, noloshooda waxay ku tii rsaneyd xoolaha. Noloshooda xoolihii ay ku tiirsa neydna, abaar hadday ku dhufatay nin walbaba me eshii uu ula carari karay ayuu ula cararay. Wiilkii xoo gga lahaa iyo waxaa la isku daray ruuxii dhaqdhaqa aqi karo, waxaa la yiri war la cararoo meeshii uun ro ob ka da’ay la aad.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo inta asi ku daray "Xoolaha wixii dhintay maahanee wixii kale waxay aadeen meelaha roobka uu ka jiro, sida Bu’aale, Jubbada Hoose iyo dhinacaan Kenya, illaa Garissa xageeda, meelahaasaa loo kala roob raa cay. Marka noloshii lagu tiirsanaa iyadaas weeye, iya daasna haddee abaartaasaa ku dhufatoo way tage en, wax nolol ah oo hadda ay ku tiirsan yihiin maleh.”

Gudoomiyaha ayaa xusay inaanay wax gargaar ah ka helin dhanka Jubbaland iyo Dowladda Feder aalka, toona.Abaarta ka jirta deegaankan ayaa alba abada u laabtay goobihii waxbarashada ee ku yiilay. Gudoomiyaha ayaana sheegay in muddo biloodba ay sii xiran yihiin goobihii waxbarashada ee deegaanka.

XIGASHO:-DHACDO.COM

Xoghayaha arrimaha dibadda ee mareyk anka oo gaaray dalka Masar

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, si uu wadahad al ula yeesho dhiggiisa Masar, iyo sidoo kale madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareyk anka ayaa sheegtay in Mr Blinken la fila yo in uu sidoo kale ka hadlo arrimaha gobolka sida Liibiya iyo Suudaan.

War ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka ayaa su’aal ka keenay sababta Masar ay u hesho in ka badan hal bilyan oo doollar oo gar gaar milatari oo Mareykan ah sanad walba, iyadoo la eegayo xaaladda xuquuqaha ee dalkaas.

Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in kumanaan maxaabiis siyaasadeed ah ay la kulmaan xaalado adag iyo qolal maxaabiistu ay buux dhaafiyeen.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK oo loo hanjabay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK, Boris Joh nson ayaa shaaciyey inuu Madaxweynaha Raashiya, Vladimir Putin ugu hanjabay inuu dalkiisa u adeegs an karo Gantaal wax ka yar hal daqiiqo.

Wareysi uu siiyey Telefishinka BBC2 ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Putin isaga ku yiri: "Ma doonayo inaan ku dhaawaco, balse Gabtaal igu qaadan karta Hal Daqiiqo”.

Boris Johnson waxa uu tilmaamay inuu Putin ha dalkaasi ugu hanjabay Wada-sheekeysi caadi ah oo ay yeesheen bishii February ee sanadkii hore, xilli uu booqasho ku te gay Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, si uu Madaxda Ukraine ugu muujiyo fursadii ugu dambaysay ee Taageerada Reer Galbe edka ee cabsidii sii kordhaysay ee Duullankii Raa shiya.

Boris Johnson oo taageere u ahaa Madaxweyna ha Ukraine, Volodmyr Zelenskyy waxa uu bilowgii bi shii February ee sanadkii hore ku tegay magaalladda Kyiv, si uu uga digo Zelenskyy in Duullaanka Raashi ya Raashiya noqon karto.

Boris Johnson oo xilka RW si khasab ah kaga de gay bishii September ee sanadkii hore ee 2022-kii waxa uu Wareysiga uu siiyey BBC2 ku xusay inuu dib u waxay Putin ugana digay in lagu soo rogi doo no Cunaqabatayn Reer Galbeedka, haddii uu Ciidd ankiisa ku amro Qabsashada dalka Ukraine.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Putin yiri: "Waxaad sheegtay inaysan Ukraine si degdeg ah ugu biiri doo nin Isbahaysiga NATO”. Boris Johnson waxa uu til maamay inuu Putin ugu jawaabay inaysan Ukraine doonaynin inay ku biiraan NATO.

Si kastaba ha ahaatee, Telefishinka BBC2 oo ah Kanaal qeyb ka ah Warbaahinta BBC-da waxa uu ba ahin doonaa Wareysiyo Taxane ah ee Barnaamijko oda Khaaska ee The Putin vs The West Programme, iyadoo Wareysiga Boris Johnson la baahiyey, waxaa na Habeen hore oo Isniin ah la baahin doono Ware ysi uu Xoghayaha Difaaca ee UK, Ben Wallace kaga hadli doono Socdaalkii uu ku tegay Caasimadda dal ka Raashiya ee Moscow bishii February ee sanadkii hore.

Talyaaniga iyo Liibiya oo kala saxeex day heshiis shidaal oo ku kacaya $8 bilyan

Wakaaladda tamarta ee Talyaaniga ee Ani iyo shirkadda Shidaalka ee dalka Liibiya ayaa kala saxe exday heshiis ku kacaya illaa $8 bilyan oo ah soo saarista gaas ta.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu khafiifiyo gaas yarida soo wajahday qaaradda Yurub, inkasta oo Liib iya ay ka jirto xaalad amni darro iyo weliba fawdo siy aasadeed. Heshiiskaan ayaa waxaa laga yaabaa in ay kasoo horjeestaan dalal dhowr ah oo katirsan wadamada Khaliijka, kuwaas oo go’aankooda hadda ka baaraan degaya

17 qof oo ku dhimatay halka in ka badan 90 qof ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaalla dalka Pakistan

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 90 qof ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaalla dalka Pakis tan.

Dadka dhaawacmay qaarko od xaaladdoodu aad ayay u liida taa, kadib qaraxan ka dhacay masaajid ku yaala mag aalada Peshawar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen qaraxa’

Qaraxa ayaa burburiyay qeyb ka mid ah dhismaha masaajidka.

Saraakiisha ayaa sheegay in tiro dad ah ay ku hoos jiraan masaajidka burburay.

Adeegyada caafimaad ee deegaanka ayaa laga deyrinayaa iyadoo tobanaan qof oo ku dhaawacmay qaraxa la geeyay isbitaalada

Dad ku dhintay toogasho ka dhacday Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika

Dabley hubeysan ayaa 8 qof ku dilay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii ay rasaas ku fureen dad u dabaaldegayay xaflad dhala sho oo ka dhaceysay magaalada Cape Town ee dal ka Koonfur Afrika.

Laba nin oo hubaysnaa ayaa fiid nimadii xaley gudaha u galay bar xadda guri ku yaalla xaafadda Ge berha, oo hore loo oran jiray Port Elizabeth, waxayna si rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa goobta ee ka qeybgalayay xafladda, sida ay sheegeen booliska.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah Milkiilihii guriga, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka u qaabilsan booliiska Bheki Cele iyo mada xa booliiska Fannie Masemola ayaa lagu wadaa inay hogaaminayaan wafdi Shalay gaarayaa goobta uu weerarka ka dhacay si loo baaro sababta ka damb eysay. Ma jirto cid loo soo qabtay weerarka, waxaa na la wadaa baaritaan la xiriira toogashada, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

2 Qarax oo Is Xiga oo ka Dhacay Magaalada Stoc kholm ee Caasimada Sweden

Labo qarax ayaa dhacay waqooyi-galbeed ee Sto ckholm, kii ugu horreeyay ayaa ka dhacay Uplands Bro, labo saac oo keliya kaddibna waxaa qarax laba ad ka dhacay Uplands Väsby Qaraxyada ayaana Dhacay Dorraad oo Axad Ah.

Booliiska ayaa helay digniintii ugu horreysay ee qarax xooggan oo dhacay 02.16 habeenimadii Axad da. Waxaa la ogaaday in qaraxa uu ka dhacay jaran jarada dhismo ay degan yihiin.

Digniintan ayaa ku soo beegantay qarax labaad oo dhacay 03:58, kaas oo sidoo kale lala beegsaday jaranjarooyinka dhismo la deggan yahay.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo bini’aadam ah oo ka dhashay labada qarax.

Sida uu sheegay goob jooge, waxaa markiiba go obta gaaray ciidamada booliska iyo kuwa gurmadka degdega ah, waxaana la xiray goob ballaaran, waxa ana su’aalo weydiinayay dhowr qof oo shacab ah.

Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay labadaasi qar ax, iyadoo boolisku labadaasi dhacdo ku tilmaamay kuwo burbur guud ah geestay

Diyaarado DRONE ah oo weeraray xarun ay leedahay wasaaradda difaaca IRAN

Iiraan ayaa Axaddii sheegtay in weerar loo adeegsa day diyaarad drone ah lala beegsaday xarun ay lee dahay wasaaradda difaaca, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka taagan barnaamijka Nukiliyeerka.

Nidaamka lidka diyaaradaha ay aa burburiyey hal drone, halka laba kale ay qarxeen, ayey tiri wasaara dda difaaca, waxayna intaas ku dartay in wax khasaa re ah uusan ka dhalan weerarka oo ka dhacay go bolka bartamaha ku yaalla ee Isfahan.

Holac xooggan ayaa hawada qabsaday sida ay ay muujiyeen muuqaallo lagu baahiyey baraha bulsh ada, iyo warbaahinta dowladda, ayada oo la arkyey dad kala cararaya iyo gawaarida gurmadka deg deg ga ah.

"Weerar aan guuleysan ayaa lagu soo qaaday dhi sme ay leedahay wasaaradda difaaca,” ayey tiri was aaradda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowl adda ee IRNA.

Mas’uuliyiinta ma aysan sharxin dhaq-dhaqaaq yada ka socday goobta, hase yeeshee IRNA ayaa sheegtay in weerarka uu beegsaday "warshad soo saarta rasaasta.”

Mohammad-Hassan Assafari, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Iran, ayaa wakaaladda wararka Mehr u sheegay in "cadowga iyo mucaaradka” Iran ay doonayeen inay weerar "ku arbushaan awoodda difaaca,” Iran. Weerarka drone-ka ayaa imanaya xil li xaalad kacsan ay ka jirto Iran, oo ay ruxeen dibadb axyo ka dhashay gabar Kurdish-Iranian ah Mahsa Amni, oo bishii September ku dhimatay gacanta bool iska, iyo is-mari waaga ka taagan barnaamijkeeda Nukliyeerka oo aan xal laga gaarin.

Iran ayaa sidoo kale waxay dalalka Reer Galbeedka kala kulantay eedeyn ah inay diyaarado drone ah oo hubeysan u qeybineyso Ruushka si uu ugu isticmaa lo dagaalka Ukraine, eedeyntaas oo Tehran ay been isay.

Iran ayaa sanado badan waxay dagaal dadban ku la jirtaa Israel, oo lagu eedeeyey weeraro curyaamin ah iyo dilal qorsheysay oo lala beegsaday barnaamij ka Nukliyeerka Iran.

Iran ayaa waxay gobolka Isfahan ee weerarka uu ka dhacay ku leedahay xarumo dhowr ah oo lagu sa meeyo daraasaadka Nukliyeerka oo ay ku jirto xarun lagu beddelo uranium-ka.

Mareykanka oo shaaciyay in ciidamada Eritrea aysan weli ka bixin gobolka Tigray

Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa markii u hor eysay shaaciyay in ciidamada Eritrea ay weli ku su gan yihiin Itoobiya, inkasta oo ay dib uga laabteen xuduudda.

Arrintan ayaa waxay been ineysa hadalkii mas’uul iyii nta dowladda Itoobiya ee ahaa in ciidanka Eritrea ay mar hore ka baxeen dhulka Itoobiya.

Ciidamada Eritrea ayaa ka barbar dagaallama yey ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad isbaheysi ah oo labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal ku dhex maray dowladda Itoobiya iyo xoogagga goolka Tigreega ee TPLF.

Bishii November, si kastaba ha ahaatee, dowladda Ito obiya iyo ciidamada Tigrayga ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo colaadda, waxaana heshi iskaasi uu amrayay in dhammaan ciidamada shishe eye laga saaro gobolka Tigray.

"Arrinta Eritrea, waxaan fahamsanahay inay ku noqdeen xuduudda, lagana codsaday inay ka bax aan,” ayay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Mid oobay Linda Thomas-Greenfield ku sheegtay shir jar aa’id mar ay booqasho ku joogtay caasimadda Kenya ee Nairobi.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo Sab tidii warbixin siinayay saraakiisha ajnabiga ah ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo ka socda Eritrea oo ku sugan Itoobiya.

"Ma jiro ciidan kale oo ka hawlgala gobolka Tigray marka laga reebo ciidamada difaaca Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.,” ayuu yiri Major General Teshome Gemechu.

Afhayeenka ciidamada Tigreega Getachew Reda ayaa isna meesha ka saaray sheegashada dowladda Itoobiya ee ah in ciidamada Eritrea ay ka baxeen Tigray, wuxuuna sheegay in "kumannaan” ka mid ah ay weli halkaas ku sugan yihiin.

Dhallinyaro si qaldan u isticmaashay Tiktok oo lagu xiray Dalka Masar

Laba qof ayaa lagu xiray dalka Masar kadib markii ay baraha bulshada ku faafiyeen qoraal ay ku muujina yaan in ay booqdeen xabsi.

Basma Hegazi iyo Mohamed Hosam ayaa la dhi gay xabsiga ka dib markii lagu eedeeyay inay faafiye en warar been abuur ah iyo inay ka tirsan yihiin urur argag ixiso.

Xariga ayaa ah kii ugu da mbeeyay ee dhawaan ka dhac ay dalka Masar oo lagu xann ibay baraha bul shada, iyadoo haweenka qaar lagu eedeeyay inay ku xad gudbeen qiyamka qoyska.

Halka kiis ee sida weyn lo hadal hayo ayaa ah ha weeney lagu magacaabo Haneen Hossam, oo sam eysa jilliin xagga heesaha iyo qoob ka-ciyaarka, ayaa lagu xukumay toban sano oo xarig ah.

Xukunkeeda ayaa markii dambe laga dhigay sad dex sano ka dib markii ay dadweynuhu ka gadoo deen.


SOMALIA

OGAYSIISKA-CALAAMADAHA GANACSIGA

----------------------

WINSTON



OGEYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsiga ee sare ay tahay astaanta ganacsiga:

JAPAN TOBACCO INC. of 1-1, Toranomon 4-chome, Minato-ku, To



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip