Laba nin oo hubaysnaa ayaa fiidnimadii xaley gudaha u galay barxadda guri ku yaalla xaafadda Gqeberha, oo hore loo oran jiray Port Elizabeth, waxayna si rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa goobta ee ka qeybgalayay xafladda, sida ay sheegeen booliska.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah Milkiilihii guriga, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka u qaabilsan booliiska Bheki Cele iyo madaxa booliiska Fannie Masemola ayaa lagu wadaa inay hogaaminayaan wafdi maanta gaarayaa goobta uu weerarka ka dhacay si loo baaro sababta ka dambeysay.

Ma jirto cid loo soo qabtay weerarka, waxaana la wadaa baaritaan la xiriira toogashada, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.