Sideed qof oo abaarta ugu geeriyooday Gobolka Gedo

0
Monday January 30, 2023 - 15:15:44 in Wararka by
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideed qof oo abaarta ugu geeriyooday Gobolka Gedo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ugu daran dalka, ee ay ka jirto abaarta baahsan ee dhammaadkii sanadkii 2021 ka dhufatay qaybo ka mida dalka.

Deegaanka Gariley oo dhaca xadka gobolkaasi la wadaago dalka Kenya ayaa waxaa la soo sheegaya in sideed qof ay deegaankaasi ugu geeriyoodeen abaarta ka jirta dalka. Dadkan ayaa ka mid ah qoysas barakacayaal ah oo dhawaan ay maleeshiyada Al Shabaab ka soo barakaciyeen tuulooyinka ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Baardheere iyo Gariley.

"Gariley abaar xun baa ku dhufatay, sanadkii la soo dhaafay cirkaba looga maba imaanin, middii ka sii horreysayna ayaduna roobkeeda, roob aad u yar buu ahaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha deegaankaasi, Maxamuud Cabdille Warsame.

Gudoomiyaha oo BBC la hadlay ayaa yiri "Waxaa nagu soo qaxay qolada la yiraahdo Takfiirka, oo nimankii Shabaabka ahaa ay soo qaxiyeen oo dadka danyarta ah, oo tuulooyinka ku hareereysan wixiiba Gariley iyo Baardheere u dhaxeeya, intaas oo dhan ayaa laga soo qaxiyay, xagga uma aynaan qaxi karinoo, waxay is lahaayeen xuduudda Kenya xageeda aad u qaxdiin. Dadkii asaga ahaana waa nagu soo dul degay, dadkaas waxay hadda geerida ku mareysaa sideed ruux.”

Gudoomiyaha oo wax laga weydiiyay waxa geerida dadkaasi sababay ayaa ku jawaabay "Abaarta haddii ay badato dadkii wuu tabar-yaraanayaa, haddii uu dadku tabar-yaraadana cudurkii bannaankuu iska imaanayaa, oo sidaasuu ku dhalanayaa. Dadka hadda dhimanaya waa dadkii yaryarka ahaa, oo qoysaska danyarta ay dhalleen, iyagoo hubeysnayn baa la yiri socda na dhaafa, annaga oo xaaladayada aad iska ogtahay oo awalba aan caadi ahayn ayay nafta nagu la soo dhaceen ayagoo maato ah, sidaasee baaba’a hadda u bilaabeen.”

Gudoomiyaha oo ka waramayay xaaladda dadka deegaanka iyo kuwa kale ee ku soo barakacay ayaa waxa uu yiri "Kuwaan qaxii bay dheer yihiin oo labada dad waa isku deegaan, abaartii way wada haysay, kuwaan laakiin qaxii bay dheer yihiin, waxaa weeye gogoshoodii bay ka soo qaxeen iyo meeshii ay baranaayeen. Adooba iska caafimaad qaba, haddaad meeshaan oo kale ka tagto oo Nairobi oo kale aad tagto ama gobol kale, laba biyood baaba iskaga kaa dhacayo, marka dadkaas intaas ayay dheer yihiin, laakiin dadka waa isku wada mid.”

Maxamuud Cabdille Warsame, Gudoomiyaha deegaanka Gariley oo la weydiiyay su’aal ahayd dadka reer Gariley ma beeraley bay ahaayeen mise xoolo dhaqato ayaa sheegay in dadka deegaankiisa ay ku tiirsanaayeen xoolaha nool, balse ay dadkii xoogga lahaa ula carareen meelihii ay u arkayeen inay roobabka ka da’een.

"Dadkan beer ma lahayn, noloshooda waxay ku tiirsaneyd xoolaha. Noloshooda xoolihii ay ku tiirsaneydna, abaar hadday ku dhufatay nin walbaba meeshii uu ula carari karay ayuu ula cararay. Wiilkii xoogga lahaa iyo waxaa la isku daray ruuxii dhaqdhaqaaqi karo, waxaa la yiri war la cararoo meeshii uun roob ka da’ay la aad.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray "Xoolaha wixii dhintay maahanee wixii kale waxay aadeen meelaha roobka uu ka jiro, sida Bu’aale, Jubbada Hoose iyo dhinacaan Kenya, illaa Garissa xageeda, meelahaasaa loo kala roob raacay. Marka noloshii lagu tiirsanaa iyadaas weeye, iyadaasna haddee abaartaasaa ku dhufatoo way taggeen, wax nolol ah oo hadda ay ku tiirsan yihiin maleh.”

Gudoomiyaha ayaa xusay inaanay wax gargaar ah ka helin dhanka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka, toona.

Abaarta ka jirta deegaankan ayaa albaabada u laabtay goobihii waxbarashada ee ku yiilay. Gudoomiyaha ayaana sheegay in muddo biloodba ay sii xiran yihiin goobihii waxbarashada ee deegaanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip