Axmed Macallin FIQI oo ka jawaabay hadalkii Cali Dheere

0
Sunday January 29, 2023 - 17:33:50 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Macallin FIQI oo ka jawaabay hadalkii Cali Dheere

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa u jawaabay Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer) oo shalay ka hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen dowladda.

Wasiir Fiqi oo war qoraal ah soo saaray ayaa hadalka Cali Dheere ku tilmaamay inuu yahay calaacal ah, isla-markaana muujinaya tabar darrida kooxda, sida uu hadalka u dhigay.

‘Cali Khawaarij dadka uu wax uu sheegayo ama isku dayayo inuu magacooda ku hadlo sida uu dhibkooda ugu farxi jirey iyo Alxamdulillaahidiisii miyuu ilaaway mise Cali waxa wareeriyey dharbaaxooyinka asaga iyo kooxdiisa soo gaaray!.!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu imntaasi ku daray in kooxda Al-Shabaab ay jab iyo weerar xoogan kala kulanta dagaalka ay ku qaadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaan xalay daawaday muuqaal uu iska duubay Cali Khawaarij oo xiran dharkii dawacadii wax wacdinaysay oo kale asagoo iska dhigaya nin u damqaya ganacsatada Soomaaliyeed, Mararka qaarna cataabaya asagoo ilgeeriyaad ka muuqdo!

Cali Khawaarij hoteeladii iyo guryihii uu marka uu burburiyo "Alxamdulillaah” dhihi jirey sow ma ahayn hanti shacab Soomaaliyeed, xoolihii uu zakawaatka beenta ah uu ka qaadi jirey, baabuurtii shacabka ee ay gubeen ama dhaceen, guryaha ay miinooyinka ku xireen baad ay bixin waayeen awgeed iyo boqolaal gardarrooyin kale oo ay hantida umadda ku dhacayaan kuwaasoo dhami sow ma ahayn hanti umadeed.

Cali Khawaarij dadka uu wax uu sheegayo ama isku dayayo inuu magacooda ku hadlo sida uu dhibkooda ugu farxi jirey iyo Alxamdulillaahidiisii miyuu ilaaway mise Cali waxa wareeriyey dharbaaxooyinka asaga iyo kooxdiisa soo gaaray!.!

 

Si kastaba Cali Khawaarij calaacalkiisa iyo tabar-darradiisa waxaan leenahay Alxamdulillaah meeshii shacabku kula rabay ayaad ku socotaa!.!




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip