HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 29-KA JANNAAYO 2023-KA
Madaxweyne Xasan Oo Soo Fara Geli yay Xiisa dda Ciidamaddii Laga Keenay Eritrea
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii danbe ee Shalay gaaray xerada Jeneraal Gordon ee ku taala degmada Hodan, halkaasoo ay ku xareysan yihiin cutubyo ka tirsan ciidamadda lagu soo tababaray dalka Eritrea.
Madaxweynaha oo wadooyinka ugu muhiimsan ee caasimadda Shalay loo xiray ayaa halkaasi u tagay sidii uu u dajin lahaa ciidamadda oo qaarkood ka carooday hab dhaqanka dowladda, iyadoo dhawaan lasoo tabiyay in tiro askar ah ay xerada ka baxsadeen, kuwaasoo wali aan dib u soo laaban.
Sida xogaha ay tilmaama yaan, madaxweyne Xasan iyo saraakiisha ciidan ee we hlineysa ayaa kalmado isugu jira dajin, dhiira gelin, darda aran iyo balnqaadba u jeedin aya ciidamadda oo hadafka laga leeyahay ay tahay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Dorraad oo Jimce eheyd sidan oo kale waxa uu mad axweyne Xasan kormeeray xerada Maslax oo uu kula soo hadlay qaar kamid ah askartii laga keenay dalka Eri trea oo iyaguna halkaasi lagu xareeyay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale habeen kahor la kul may ehelka askarta laga keenag Eritrea, iyagoo laga dal baday iney soo celiyaan caruurtoodii lasoo tababaray ee xerada isaga baxsatay, dowladdana ay xalin doonto tabashooyinka ay qabaan.Xiasho:jowhar.com
Duqa Muqdisho, Yuusuf Madaale: "Isu imaatinka Culimada Dadku way abshireysteen”
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan casho ah u sameeyay Culimada ka qaybgashay shir weynihii Muqd isho lagu soo gabagabeeyay 26kii Janaayo 2023 ee mar tiqaadkiisu lahaa Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho Sh.Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ka hadlay kulankaan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay wax u qabashada Shacabka si ay u helaan adeegyada ay u baahan yihiin oo uu amniga ugu horreeyo.
Waxa uu ‘AS’ ku eedeeyay in ay isku dayeen in ay Xarunta Maamulka G/Banaadir ku ‘Xasu uqaan’ Dad shacab ah isla markaana ay damceen in ay burburiyaan xaruntaas balse ciidamada Dowladda ay kahortageen.
"Nimankii iyaga ahaa ee Khawaariijta ahaa ee talo xu madu haleeshay ee isku dayay in ay halkaan Shacabka Soomaaliyeed ku xasuusaan uma suuragelin, waxa aan Xalay fadhinaa meeshii ugu dambeysay ee ay islaahe en qabsada ee burburiya waa alle mahadi, Kulankiinii & isu imaatinkiinii Dadku way abshireysteen sida ay u ab shireysteen ilaahey ha uga dhiga, ” Duqa Muqdisho.
G/G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho ayaa gunaanad kii soo jeediyay in la xoojiyo wadashaqeynta si looga hor tago weerarada & qaraxyada ‘AS’ loona dardargeliyo sidii gacanta loogu dhigi lahaa waa sida uu hadalka u dhigay.
R/Wasaare Xamse: Wax aan ku faraxsa nna hay in culimada Somaliyed nagala qeyb qaataan kacdoonka ka dhanka ah argigixisada
In ka badan 300 oo culimada Soomaaliyeed ah oo to dobaadkii hore shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday inay taag eerayaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabab.
Culimada ayaa hadalkaan
ku sheegay bayaan ay soo saareen ka dib shir afar maalmood socday oo ay culimada yee sheen, laguna dhisay golaha sare ee culimada. Waa markii ugu horeysay muddo sanado ah oo ay isugu yim aadaan culumaa’udiin Soomaaliyeed oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada si ay u cambaaree yaan ficilada Alshabaab.
Isku soo wada duuboo culumada Soomaaliyeed ay aa dowladda Soomaaliya waxay ka dooneysaa in ay ka la qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Kulankan ayaa qeyb ka ah weeraro saddex geesood ah oo ay dowladdu ku qaadeyso Al-Shabaab, kuwaasoo is ugu jira howlgalo ciidan iyo kuwo maaliyadeed oo ay u dheer tahay ka hortagga dacaayadaha xagjirka ah. R/ Wasaare Xamse ayaa markii uu shirka soo xiray wu xuu sheegay bayaanka kasoo baxay culimada in uu wax weyn ka tari doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.
Wuxuu sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu arko culimo kala duwan oo meel wada fadhiya oo ba yaan soo saaraya. R/wasaaruhu waxa uu sheegay in ay la dagaalamayaan Cadow ay Culumaa’udiinka ugu yee reen Khawaarij, uuna ku faraxsan yahay in ay dagaalka kusoo biiraan.
Sheekh Aweys Cabdi oo ka qeyb galay shirka ayaa ku baaqay in la sameeyo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.
"Kuwa ay dilaan oo ay qaraxyo la beegsadaan oo ay gaalo ku sheegaan dhamaantood waa muslimiin, sidaas darteed waa in lala dagaalamo," ayuu yiri. "Askari kasta oo dila Al-Shabaab ama ay dilaan Shabaab waa sha hiid”.
Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bishii July ee san adkii hore waday olole militari oo ka dhan ah Al-Shab aab. Gobollada dhexe ayaa ciidamada dowladda oo kaa shanaya maleeshiyo beeleed waxa ay ka qabsadeen deegaano iyo tuulooyin dhowr ah, waxaana ay sheeg een in ay dileen in ka badan 2,000 oo ka tirsan Al-Shab aab.
Wasiir ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug oo lagu dilay Muqdisho
Kooxo hubeysan ayaa Xalay M/Muqdisho ku dilay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Haw ada ee Galmudug, Farxiya Cabdi Maxamed.
Kooxahan ayaa haweeneyda ku toogtay Degmada Wa rta Nabadda (Ex Wardhiigley), iyagoona dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi.
Haweeneydan ayaa waxa ay ka mid ahayd Golihii Wasiirada ee 5-tii bi shii December uu magacaabay Madax weynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaa riye (Qoorqoor).
Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumadda, isagoona dilkeeda ku eedeeyay kooxaha argagixisada.
Farxiya Cabdi ayaa door weyn ku laheyd abaabulka gulufkii ballaarnaa, ee ay ciidamadu 16-kii bishan kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkeeda, waxa ase si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Dal ka Sene gal Kula Kulmay Madaxweynaha Bangiga Horu marinta Afrika
Wasiirka Maaliyadda XFS Dr.Cilmi Maxamuud Nuur ayaa M/Dakar ee dalka Senegal kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (A fDB) Dr. Akinwumi Adesina iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga. Wasiirka Maaliyadda Soomaal iya Dr. Cilmi ayaa warbixin ka sii yay Madaxw eynaha Bangiga xaal ada Dhaqa alaha Soomaaliya iyo horumar la ga gaaray arrimaha dib-u-habeyn ta dhaqaal aha iyo ko rdhinta mashariicda Bangigu uu ka wado Soo maaliya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka wa rbixiyay heerka uu marayo hannnaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo horumarka wayn DFS ka sameysay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa shee gay in Soomaaliya ku dhaw dahay in laga cafiyo dham maan deymaha lagu leeyahay waqti dhaw. Wasiirka ay aa u sheegay Bangiga in Soomaaliya marka deymaha la ga cafiyo ay mashaariic badan u baahan tahay, sida kor dhinta dakhliga gudaha, isbeddelka cimilada, shaqa abuurka iyo Horumarinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda.
Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Aki nwumi Adesina ayaa ku bogaadiyay DFS inay horu mar wayn ka samaysay barnaamijka Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta hannnaanka Dhaqaalaha dalka. Madaxweyna ha Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in Bang iga uu garab taagan tahay Soomaaliya si ay ugu guula ysato arrimaha dib-u-habeynta iyo dhamaystirka Barn aamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dhamaystirka ku dhaw. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxa muud Nuur iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika ay aa sidoo kale ka wadahadlay mashaariicda iyo barnaam ijyada horumarineed ee Bangiga uu ka taagero Soomaa liya. Madaxweynaha ayaa sheegay in sidoo kale ay DF S ku taageri doonaan mashariicda dheeraad ka ah Dee qaha Bangiga ugu talagalay Soomaaliya ka baxsan.
wasiirka maaliyadda soomaaliya oo dalka senegal kula kulmay madaxweynaha bang iga horumarinta afrika
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kul an la qaat ay qaar kamid ah ergada ka qeyb-galaya Shirka dib u heshiisiinta K/galbeed
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS Md.Sh.Aadan Max amed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay kulan la qaatay waf diga ka socda Gobolka Bakool ee magalada Baydhabo u jooga ka qeyb galka Shirka Dib u Heshiisiinta Koofur Galbeed.
Guddoomiye Sh.Aadan Madoobe & wafdiga ka soc da G/Bakool ayaa kulankoo da dii radda lagu saaray sidii loo suura-gelin lahaa guul ka gaarista Shir ka Dib u Heshii siinta KGS iyo in uu natiijo wanaagsan ku soo dha maado shirka.
Wafdiga oo isugu jiray odayaal dhaqameed, siyaasyi in iyo bulshada rayidka ayay Guddoomiyaha u sheege en in ay garab taagan yihiin sidii shirkan loogu guuleys an lahaa isla-markaana degaannada looga xorreyn lah aa kooxda
RW Xamza oo magacaabay Xoghayaha Cusub ee Wasaaradda Armiha dibbadda
R/Wasaaraha XFS,Md.Ham za Abdi Barre ayaa u magacaabay Xamza Adan Xaadoow, Xo ghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arr imaha Dibe dda
iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS.
Xilkaan ayaa muddoyinki danbe la ogaa in la badali doo no xoghayihii hore hase ahaaye waxaa Shalay si rasmi ah xilkaas loogu magac aabay xamza asan waxayna Ma gacaabistani dhaqanga leysaa 28-da Janaayo 2023.
Golaha Shacabka oo akhrinta 2-aad marsiiyay Hind ise Sharciyeedka Hay’ad da Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaran ka
Guddoomiye ku xigeenka 2ad ee G/Shacabka Md. C/hi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfa dhi ga 2-aad Kulankiisa 13-aad ee Golaha Shacabka BJFS.
Kulanka ayaa ajandihiisu ah aa; 1. Qeybinta Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’ad da Sirdoonka & Nabadsugidda Qar anka.
Furitaanka Aayadaha Qur’aanka karii mka Shalay waxaa xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ka hor Aqr iyay Sheekh Xasan Al-Waajidi oo kamid ahaa xubnaha culimadii ka qeybgalayay Shirka Culimada Soomaaliye ed ee dhawaan ku soo gabagaboobay magaalada muq disho.
Guddoomiye Ku-xigeenka 2ad ee G/Shacabka BJFS Md.. Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa soo xiray kul anka Shalay Asigoona xildhibaanada siiyay muddo 3 maalin ah in ay ku soo Aqiryaan Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee Shalay loo qeybiyay
Meydka nin Tanzaniana oo lagu dilay Ukraine oo dalkiisa la keenay
Meydka muwaadin u dhashay dalka Tanzania oo la gu dilay dalka Ukraine, oo ay ka barbar dagaalamayey ciidamada Ruushka, ayaa Shalay oo Jimco ah dib looggu soo celiyey dalkiisa.
Nemes Tarimo, oo 37 jir ah, ayaa dhintay saddex bilood ka hor, kadib markii uu ogolaaday inuu la saxiixdo heshiis kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruu shka ee Wagner.
Meydkiisa ayaa qoyskiisu kula wareegeen garoonka weyn ee magaalada Dar es Salaam, iyadoo lagu wado in maalinta sabtida lagu aaso tuulada uu ka soo jeedo ee ku taal buuraleyda koonfureed ee dalka Tanzania.
Tarimo ayaa waxa uu magaalada Moscow ku sugnaa si uu shahaadada Masterka ee ICT, uu uga barto Jaamac adda Farsamada ee Ruushka. Laakiin waxaa loo xiray bishii Janaayo sanadkii 2021-kii wax lagu tilmaamay dembiyo la xiriira daroogo.
Sannadkii hore, ayaa waxa uu galay heshiis, isagoo la saxiixday kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ru ushka ee Wagner, oo la hor digay in la cafiyo ama xabsiga uu ku sii jiro, in midkood uu doorto.
Mahdi Guuleed oo cambaareeyay fal ay Somalil and ka geysatay Laascaanood
Xildhibaan Mahadi Guuleed oo haatan ka tirsan Go laha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana shantii bil ood ee la soo dhaafay ka maqnaa gudaha dalka ayaa ka hadlay arrinta ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Mahdi Guuleed ayaa marka hore cambaareeyay tallaabadii milatari ee ay qaaday Somaliland, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in xoog iyo cudud loo adeegsado reer Laascaanood.
Sidoo kale wuxuu taageero u muujiyay dibad-baxayaa sha ku sugan magaaladaasi, isaga oo tilmaamay inay cabi rayeen dareenkoooda oo kaliya, si ay uga hadlaan dhibtooda.
"Ugu horreyn waxaan cambaareynayaa xoogga iyo cududa lagu isticmaalay shacabka biri mageydada ah ee aragtidooda cabiraayey ee reer Laascaanood” ayuu yiri Mahdi Guuleed.
Xildhibaan Mahadi Guuleed oo horay usoo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa farriin u diray labada dhi nac, wuxuuna ugu baaqay inay wadahadal ku dhamee yaan xiisadda.
"Waxaan soo jeedinayaa in si nabad ah wixii faraq ah ee jira Somaliland iyo reer Laascaanood ay ku dha mmeystaan,” ayuu markale yiri Mahdi Guuleed.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli ay taa gan tahay xiisadda Laascaanood, waxaana Shalay mag aaladaas ka furmay shirweyne looga tashanayo aayaha magaaladaas.
Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku dhan Isi mada dhaqanka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaray arrinta magaalada Laasca anood.
Ismimada ayaa la filayaa in go’aan ka soo saaray xa aladda taagan iyo sidii laga yeeli lahaa ciidanka Som aliland, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday.
Sidoo kale waxaa shirweynahan lagu falanqeyn doo naa sida laga yeelayo mustaqbalka saddexdaas gobol oo sanadihii la soo dhaafay hoostagayay Somaliland.
Madaxweyne Deni: Daacish iyo Shabaab inta la shaq eysata waala yaqaano waana raadsanaynaa
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdull aahi Deni ayaa sheegay inuu soo socdo qorshe amni oo lagu beegsanayo dadka Shabaab iyo Daacish la sha qeeya.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay og yihiin dadka la shaqeysta Shab aab iyo Daaciash. Wuxuuna sheegay inta aan loo gudbin dagaalka uuraha in wax laga qabanayo kuwa magaaloo yinka ku sugan."Xaqiiqdan idiin sheegayaa, qorshaha amni ee soo socda inta aanan buuraha aadin, kuwa gu daha joogaan raadsanaynaa,” ayuu yiri madaxw eyne Deni.
Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmay, xil li degaano katirsan gobolka Bari loo gaarsiin waayay di iwaan galinta doorashada, cabsi laga muujiyay halista amni ee ka imaan karta Shabaab iyo Daa cish, oo ku su gan buuraha gobolka Bari.2 maalin ka horna Maraykan ka ayaa duqayn uu ka fuliyay gobolka Bari ku dilay sar kaal sare oo katirsa naa ururka Daacish.
Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeshay Gudd oomiyaha Hay’adda Maare ynta Musiibooyinka Qar anka
Madaxweynaha D/Goboleedka Jubbaland Md. Ax med Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay ’adda Maareynta Musiibooyinka Qa ranka Maxamed Macalin Cabdulle.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Ma areynta Musiibooyinka Jub baland Axmad Xassan Cumar iyo Masuuliyiin kale oo ka tiran maamulka Jubbaland.
Intii kulanku socday waxaa laga wada hadlay sidii Ju bbaland looga hirgalin lahaa xarunta Qaran ee Gurmad ka deg dega ah taas oo Shalay la dhagax dhigay iyo si dii deegaanada Shabaab laga xoreenayo loo gaarsiin la haa gurmad iyo gargaar raashin ah oo dhameystiran, si lamid ah sida gobolada kale ee dalka ay u gaarsiisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo Mad axa EUCAP-SOM kala hadlay A/Cadaaladda dalka
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Max amed Maxamuud ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kula kulmay, madaxa xafiiska EUCAP-SOM ee Soomaaliya Mr. Kauko Aalt oma.
Labadda mas’uul ayaa ka wadahadlay sidii xafiiska Xeer ila alinta guud ee Qaranka iyo Xafii ska EUCAPSOM ay isaga kaash an lahaayeen, kor u qaadidda, daadajinta iyo sidoo kale helidda adeegyada cadaalad da dalka.
Sido kalelabadda mas’uul ayaa isla soo qaaday si dii kor loogu qaadi lahaa qorshaha tayeynta xirfadaha shaqo ee howlwadeenadda xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.
Daadajinta adeegyada caddaladeed iyo tayaynta xir fadda hawl-wadeennada xeer ilaalinta ayaa ka mid ah hawlaha hortabinta u leh xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo ujeeddadeedu tahay sidii shacabka loo gaar siin lahaa adeeg hufan, tayo leh oo loo siman yahay.
Goorta lasoo dooranayo kursiga MAH AD SALAAD oo la shaaciyay
Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka ban aan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kursi ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si oo soo buu xiyo booskaasi.
Kursiga jadawalkiisa la shaaciy ey ayaa ah Hop147, waxaana horay ugu fadhiyay Mahad Salaad oo loo magacaabay taliyaha hay’ad da Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, sidaasina uu ku waayey xubnimadiisii Baarlam aanka oo uu muddo ka soo tirsanaa,Guddiga ayaa shaa ca ka qaaday in Shalayba la guda-galayo diyaar garow ga doorashada kursigan oo ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.
Qoraal ka soo baxay guddiga doorashada ayaa wax aa lagu sheegay in kowda bisha soo socota ee February la qabanayo doorashada kursigan oo ah mid aad isha loogu hayo.
Habraaca kuraastan loo mari doono ayaa sidoo kale ah midkii ay horay u dajiyeen xubnaha guddiyada SEIT ee doorashooyinka ka qabtay dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale guddiga ayaa farriin u diray ka qayb-galayaasha tartanka, isaga ku wargelinayay inay diyaar garoobaan, iskana xaadiraan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.
Sida ay Sheegtay In ay ogaatay Caasimada Online, kursigan ayaa waxaa loo saadaalinayaa inuu kusoo baxo nin lagu magacaabo Sheekh Axmed, kaas oo kalsooni badan ka heysta beesha.
Guddiga ayaa sidoo kale qaban doono doorashada kuraasta kale ee bannaan, waxaana kamid ah kursiga Fahad Yaasiin oo isagana deegaan doorashadiisa ay tahay Beledweyne.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii hore ka dhacday doorashooyin ay hareeyeen murano xoogan, taas oo keentay in kuraasta qaar laga keeno doodo xoo gan.
Garaad Jaamac: Jabuuti iyo dowlada Soomali ya dhulkayaga ha nooga saaraan Somaliland
Garaadka Guud ee Beelaha G/Sool, Sanaag iyo Ca yn Garaad Jaamac Garaad Cali, ay aa sheegay in uu ra bo in dowlada ha Soomaaliya iyo Jabuuti ay soo faraga liyaan arrinta Laascaanood.
Garaad Cali oo waraysi siiyay Brit Somali TV, ayaa sheegay in uu Soomaaliya iyo Jabuuti ka codsanayo in ay soo kala gaadhaan iyaga iyo So maliland, oo ay dhu llooda uga saar aan waa sida uu hadalka u dhiga ye.
"Ama Jabuuti ha ahaato oo walaalaheen oo dariske ena ah, ama dowladan aanu ka tirsanahay ee federaal ka ha ahaato, walaalayaalow inta waxani meesha ay ma rayaan ayna dhaafin, oo kumanaan ayna isku dhiman waad aragtaane dee qabta, oo dalkayaga nooga saara" ayuu yidhi Garaad Cali.
Garaadka ayaa sheegay in uu Laascaanood muddo ka dib ugu soo laabtay, si uu shacabka uga bad baadiyo xukun iyo maamul anay rabin, sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay isaga iyo garaadada kale dadaal ko oda wadi doonaan inta uu halgan koodu guulaysanayo.
Waxa kale oo uu sheegay in ay rabaan in ay ka foga adaan in dhiig ku daato Laascaanood iyo deegaanada kale ee ay rabaan in ay maamulka ka dhistaan, isla markaana ay xukuumada Somaliland ka codsanayaan in ay ciidankeeda kala baxdo gobolka Sool iyo gobolada kale.
Waxa uu sheegay in anay wax wadahadal ah la gala yn xukuumada Somaliland ilaa oo ay Somaliland qirto in ay iyagu leeyihiin talada dhulka Sool, Sanaag iyo Cayn ee ay dagaan.
Shirwaynaha garaadada, isimada iyo madax dhaqa meedka kale ee kasoo jeeda gobolka Sool iyo qaybo kamid ah gobolada Sanaag iyo Cayn, ayaa Shalay la filaya in uu si rasmi ah uga furmo Laascaanood.
Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda
Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Bay dhabo kusoo bandhigey Aadan Isxa aq Xasan oo Magaciisa Afgara shada uu yahay (Jacfar) oo ka mid ahaa mudo 3-Sano ah Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka.
Jacfar ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada, isago ona ka soo howlgalley Gobolada Baay, Bakool iyo Jub bada Dhexe.
Wuxuu sheegey in sababta ku Kaliftey in Al-Sha baab isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay Habeen iyo Maalin ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay kasoo tagaan ragga kale ee weli
ka barbar dagaalamaya.
Fallaagada M23 ee Congo oo la wareeg tay magaalo muhiim ah
Fallaagada bariga Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo ayaa qabsatay magaalo muhiim ah, sad dex maalmood uun kadib markii ay dagaal culus la galeen ciidamada dowladdda.
Afhyeen u hadlay kooxda M23, oo lagu magacaabo Willy Ngo ma, ayaa BBC-da u sheegay in ay iyagu hadda gacanta ku hayaan mamaulka magaalada Kitshanga.
Raadiyaha maxalliga ah ee Qaramada Midoobay ay taageerto ee la yiraahdo (Okapi) ayaa sidoo kale wariyay qabsashada magaalada halkaasi oo ahayd jidkii ugu dambeeyay ee furnaa una dhexeeyay xarumaha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee kalaah gobollada Kivu iyo Butembo.
Saraakiisha Qaramada Midoobay ee ee Conga ayaa cambaareeyay horusocdka dagaalyahanada M23 oo sanadkii hore lagula heshiiyay in ay isaga baxaan goo bihii ay qabsadeen. Falaagada — oo u badan qowmiyad da Tutsi— waxay shee geen in lagu qasbay inay soo far ageliyaan deegaannadaas si ay uga hortagaan xasuuq kale oo iyaga ka dhan ah.
Ruushka oo lagu eedeyay inuu ku xad gubay carruur ka qaxday Ukraine
Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ku eedeeyay xukuumadda Moscow inay ku xad gudubtay mabaadi’da aasaasiga ah ee ilaalinta xuquuqda carruurta xilliyada dagaalka iyadoo baa saboorka Ruushka siisay carruurta aan lala socon ee ka qaxay Ukraine una ogolaatay inay qaataan qoysaska Ruushka.
Filippo Grandi ayaa hadlayay ka dib booqa sho lix maalmood ah oo uu ku tagay Ukraine. Mr Grandi ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan baaxadda dhibaatada.
Laakiin waxa uu sheegay in UNHCR ay isku dayi doonto in ay si dheeraad ah u hesho carruurtan oo kale, oo ay ka shaqayn doonto xal u helida dantooda – sida isu keenidda qoyska iyo wixii la mid ah.
Ukraine ayaa sheegtay in in ka badan afar iyo toban kun oo carruur ah loo tarxiilay Ruushka, iyadoo lagu eedeey ay in Ruushku afduubtay, hase-yeeshe Ruushka ayaa ku andacoonaya in ay badbaadinayaan carruurtaas.
FAR ARRIMOOD OO WAAWEYN OO LAGA FAA’ IIDAY
SHIRKII CULIMADA
Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan kusoo idla aday shirweynihii Culimada Soomaaliyeed, waayahan shir noociisa ah ma aanay arag Soomaalidu.
Culimada firqooyinka oo sanado badan saxafada iyo kulan diimeedyada isku xukmin aayay, si weyna isku diidana ayay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay isku keento.
Waxaa la isku keenay xilli lagu jiro marxalad xasasi ah oo ay Al-Shabaab magac diime ed ku laynayso dad muslimiin ah oo cibaado iyo ganacsi ku jira.
Sidoo kale dhaqankii Soomaalida ee Diinta Islaamka raacsan ayaa u muuqda in Teknoolijayada casriga ah ay u xoog sheegatay.
Wuxuu shirweynaha culimada uu qabsoomay xilli aad muhiim ugu ah dadka Soomaalida oo baahi badan loo qabo in xaqa la cadeeyo.
Haddaba, Sheekadan waxaa kusoo koobeyna dhowr arrimood oo laga faa’iiday shirkii culimada.
1. Midnimada Culimada: Culimada Soomaa liyeed ayaa geedaha ku kala jiray waqti fog, mas’alooyin khila afi ah ayaa dhaliyay in qaar is-xukmiyaan.
Afartii maalmood ee shirka uu socday, culimada waxay isla qaateen in loo midoobo badbaadinta diinta iyo dalka oo aan dib loo eegin waxyaabihii hore.
In xoogga culimada la mideeyo waa faa’iido umaddeed oo waxay yareyn doonto khilaaf diimeedka iyo in maga ca diinta lagu geysto dambiyo waaweyn.
2. Xukunka shareecada Islaamka ee dhaqanka Al-Shabaab: Culimada waxay soo saareen go’aan mideys an oo daliil wata, kaasi oo ay ku cadeynayaan in Al-Sha baab ay yihiin koox Khawaarij ah.
Dagaalka lagula jirana inuu yahay Jihaad ayaa ku jir tay bayaanka culimada xaqna ay tahay in dalka iyo diin ta laga badbaadiyo kooxdaas.
Culimada waxay si adag bayaankooda ugu yiraahde en Al-Shabaab iyo Daacish waa cadowga Diinta Islaam ka. Xukunkan wuxuu baajin doona kuwa laga yaabo in xiligaan kooxdu Diin ahaan uga iibin rabtay mashruuce eda.
Hadda majiro qof diin ahaan ugu dhiiran kara inuu ku biiro koox intaas oo culimo ah ay xukun diini ah ka soo saartay dhaqankooda khilaafsan shareecada Isla amka.
3. Shidaalka kacdoonka shacabka: Mar haddii ay cu limadii yiraahdeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waa Jihaad ee ha laga wada qeyb-galo, waxay u badan tah ay in la heli doono jihaad doon badan oo iska qoraya cii danka dowladda iyo macawiisleyda.
Culimaddu waxay sheegen in dagaalka lagula jiro ko oxaha Al-Shabaab iyo Daacish inuu yahay mid lagu difa acayo maqaasida waaweyn ee shareecada Islaamka.
Culimadda ayaa sidoo kale sheegay in aanay iyaguna guryaha iska fadhin doonin balse ay ka qeyb-gali doon aan dagaalkan oo Jihaad ku tilmaameen.
4. Firaaqii dowladda iyo culimada oo dhamaaday: Soo bixintaankii Al-Shabaab iyo inay afkaartooda shaqe yso waxaa ugu wacna cilaaqaad la’aanta culimada iyo dowladda.
Iskaashi la’aantaas ayay kooxda ka faa’iideysatay laakiin shirkan waxa uu soo afjaray firaaqii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo culimada Soomaaliyeed, wax ayna taasi ka dhigan tahay in wixii hadda ka dambeeyay aan afkaarta Al-Shabaab lagu dhex iibin karin dalka.
Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isku raacday in la dhiso golaha sare ee culimada oo saldhig u noqon do ono go’aamada dhaqan dowladeedka iyo midka bulsha da, ayada oodowladda Soomaaliya loo xil-saaray inay bi llowdo dhismaha golaha sare ee culimada.Kooxda xuk unkaan laga soo saaray ee Al-Shabaab ayaa muddo shan iyo toban sanno ku dhow waxay dadka Soomaaliy eed u qeybisay in ay dishay iyo in ay gaaleysiisay.
SHIRWEYNE GO’AAN LOOGA GAARAYO ARRINTA SSC OO KA FURMAY LAASCAANOOD
Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in Shalay gu daha magaaladaasi uu ka furmay shirweynaha Aayo-Katalinta gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku dhan Isimada dhaqan ka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaray arrinta magaalada Laascaanood.
Sidoo kale waxay ismimadu go’aamin doonaan sidii ci idanka Somaliland ay isaga bixi lahaayeen halkaasi, ma adaama ay xaaladdu faraha ka baxday dilalkana ay kordheen.
Waxaa sidoo kale shirweynahan lagu falanqeyn doo naa sida laga yeelayo mustaqbalka saddexdaas gobol oo sanadihii la soo dhaafay ho ostagayay Somaliland.
Arrimahan waxay ku soo aad ayaan, maalmo ay xaaladad ag ku jirtay Laascaanood oo ra bshado ay gilgeleen, kadib markii ay isku dhaceen shacabka iyo ciidanka.
Kacdoonkan oo keenay in dhaqanka ay ku laabtaan magaalada, kana baxaan ciidamada Somaliland ayaa ka dhashay dilalka qorsheysan ee loo geysto haldoorka gobolka Sool. Sidoo kale waxay shacabka careysan la wareegeen magaaladda oo dhan, kadib markii ciidam ada deegaanka ay isku fidiyeen halkaasi.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa haatan laga war dhowrayaa natiijada ka soo baxda shir eynahaha Shalay ka furmay halkaasi.
Dhanka kale Somaliland ayaa dhaqdhaqaa qyo xoo gan ka wada aaga Laascaanood waxayna ciidamade eda hada ku sugan yihiin duleedka magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Somalia.
Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland oo gaaray deegaanka Janaay Cabdalle oo laga xorreeyay Khawaarijta
Madaxweyne ku xigeenka 2-aad Jubbaland Md. Ca bdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ay aa gaaray jiida hore ee ay Ciidanka Xoogga iyo Daraa wiishta Jubbaland So omaa liya ku suganyihiin ee deega anka Janaa cab dalla ee G/Jubada Hoose.
Wefdiga ayaa isugu jira Wa siirka Caafimadka Jubaland mudane Maxamed Oogle, Wasiir Howlaha Guud iyo Guryeenta Injineer Ismaciil Ax med Garas iyo Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Masuuliyiintan Ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka waxa ay gaarsiiyeen Daawooyin ay wasaar ada Caafimadka ugu talagashay iney kaga qayb qaada to tageerida Ciidamada iyo xoolo nool oo iyagana loogu talagalay in loo qalo Ciidamada.
Madaxweyne kuxigeenka Jubaland iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa la kulmay dadka deegaanka Ja naa Cabdalla waxa ayna ka wareesteen xaaladda Dee gaanka iyo joogitaanka Ciidamada, dadkii joogay Janaa Cabdalle ayaana ka mahad sheegtay Ciidamada oo si wanaagsan ula dhaqmay inta ay joogeen deegaankan, iyagoo ka codsaday masuuliyiinta Dowlada in baahiyaha deegaanka ay Dowlada daboosho.
Deegaankan Jana Cabdalle ee laga saaray gacanta kooxaha khawaariijta ah waxaana uu 60 km u jiraa M/Kismaayo, waana halbowlaha isku socodka kooxda ee Gobolada Jubaland iyo Wadanka Kenya.
Turkiga oo qaaday tallaabo deg deg ah kadib falkii Denmark ee lagu gubay Qur’aanka
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Tu rkiga ay aa u yeertay danjiraha Denmark ee dal keeda fadhiya, iy ada oo ku eedaysay De nmark inay taageertay "dembi nacay b ah”.
Arrintan ayaa daba socota kadib markii nin caan ku ah nacaybka Islaamku uu Jimcihii gubay laba nuqul oo ka mida kitaabka baraysan ee Quraanka Kariimka ah, xil li uu mudaharaad ka dhigayey caasimad da dalkaas ee Copenhegan.
Rasmus Paludan oo u dhaq-dhaqaa qa aragtida midigta fog, haystana dhal ashooyi nka Denmark iyo Sweden, ayaa hore u qaaday tallaabo ka caraysiisay dalka Turk iga iyo dunida Islaamkaba, kadib mar kii uu gubay nuqul ka mida kitaabka Quraanka ah intii uu so cday mudaharaad ka dhacay dalka Sweden bishan January 21-keedii.
Jimcihii isaga oo ku sugan meel u dhow masaajid iyo weliba barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee ku taalla Copenhegan, wuxuu wacad ku maray inuu tall aabadan sii wadi doono Jimce kasta illaa dalka Sweden looga ogolaanayo inay ku biiraan isbahaysiga NATO.
Dalalka Sweden iyo Finland ayaa gudbistay codsi ay doonayaan inay ugu biiraan isbahaysiga gaashaan buurta ah ee NATO, hase ahaatee codsigooda ayay ta hay inay ansixiyaan dhamaan xubnaha isbahaysiga NATO.
Turkiga ayaa dhawaan muujiyey inuu hor istaagi doo no, illaa ay dalalkani tallaabo ka qaadaan mintidiinta Kur diyiinta ah iyo weliba kooxaha kale ee dalkiisu uu ku daray liiska argagixisada.
Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu ay u yeertay danjiraha Denmarka, iyaga oo masuuliyiin ta dalka Turkigu ay si adag u cambaaree yeen oggolaan shaha Denmark ee falkan daandaansiga ah, kaasi oo muujinaya dembi nacayb ah.
Turkiga ayaa u sheegay danjiraha Denmark, inaan la aqbali karin dhaqanka dalkiisa, Turkiguna uu filayo in oggolaanshaha lagala noqdo, sida ay sheegtay wakaal adda wararka ee Anadolu.
wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa warbaahinta Denmark u sheegay in dhacdadani aanay waxba ka bedeli doonin "xidhiidhka wanaagsan” ee Denmark iyo Turkiga.
Waxa kale oo uu sheegay in Copenhegan ay damacsan tahay inay Ankara kala hadasho sharciyada Denmark ee dhawraya xorriyadda.
Wararkii ugu danbeeyay Toogasho saba btay khasa aro badan oo ka dhacday Kaniisad
Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 10 kalena wey ku dhaawacmeen Toogasho Habeen hore oo Jimco aheyd ka dhacday Kaniisad ama Majmac Yuhu udi oo ku yaalla Deegaanka Neve Yaakov ee Bariga magaaladda Quddusta La-haysto ama Jerusalem.
Booliska Israa’iil ayaa waxaa sheegeen in Ninkii we erarka geystay la dilay,xilli uu doonayey inuu baxsado, waa sida ay hadalka u dhigeen. Adeega Ambalaasyada ee The Magen David Adom ambulance service waxay xaqiijiyeen inay 5 meyd ka qaadeen goobta ay toogashada ka dhacday.
Taliyaha Booliska Degmada Quddus, Doron Turgman oo Weriyayaasha la hadlay ayaa waxaa uu tilmaamay in 2 qof oo dhaawac ahaa ay geeriyo odeen, isagoo xusay in Tirada Guud ee dhimashada ay gaartay 7 qof.
Wasiirka Difaaca ee Israel, Yoav Gallant oo Socdaal khaas ah (a personal trip) ku joogay Mareykanka waxaa uu si degdeg ugu soo laabtay Israa’iil, kadib, weerarka ka dhacay Quddusta La-haysto.
Si kastaba ha ahaatee, Toogashada ka dhacday Bariga Quddus waxay ku soo beegantay iyadoo la aas ayey 9 Muwaadiniin Falastiiniyiin ah oo ay Askarta Israel Dorraad ku dileen Iska-horimaad ka dhacay Xerada Qaxo otiga ee magaalada Jeniin ee Daanta Galbeed ee Dhulalka La-haysto ee falastiin.
Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Md.Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooy ada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiy aha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxa med Macalin Cabdulle.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaarad da Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Axmad Xassan Cumar iyo Masuuliyiin kale oo ka tiran maamulka Jubbaland.
Intii kulanku socday waxaa laga wada hadlay sidii Jubbaland looga hirgalin lahaa xarunta Qaran ee Gur madka deg dega ah taas oo Shalay la dhagax dhigay iyo sidii deegaanada Shabaab laga xoreenayo loo gaar siin lahaa gurmad iyo gargaar raashin ah oo dhameyst iran, si lamid ah sida gobolada kale ee dalka ay u gaarsiisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.
GO’AANADA KA SOO BAXAY SHIRKA CULIMADA SOOMAALIYEED IYO CIRIB TIRKA KHAWAARIJTA
Culumada Soomaaliyeed ayaa si midnimo leh umm adda Soomaaliyeed ugu soo bandhigay baadinimada ko oxaha Khawaarijta ficilada gurracan iyo afkaaraha qa ldan ee ay faafiyaan iyo garab istaagga ay u muujiyeen Jiha adka dalka looga ciribtirayo.
Sheikh Cusmaan Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaal iya ayaa sheegay in culumada iyo shacabkuba ay u mid oobeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta rajo wana gsanna ay ka qabaan in laga guuleysto.
”Khawaarij culumada Soomaaliyeed iyo shacabkuba waa u midoobeen mana sii jiri doonaan insha allah” ay uu yiri Sheekh Cusmaan Usuuli.
Sidoo kale, Sheikh Mustafa Yuusuf Cali ayaa cadeey ay in argagixisada dagaalka ay wadaan uusan ahayn da gaal ay Diinta iyo dalkaba ay ku difaacayaan, balse uu yahay dagaal ay ku bur burinayaan Diinta.
Dhanka kale, Sheikh Aadan Qudubi ayaa shacabka Soo maaliyeed ugu baaqay in ay si isku mid ah u go’aans adaan in ay iska dul qaadaan cadowga argagixisada ku dul habsaday,islamarkaana ayidaan jihaadka lagula jiro Khawaarijta.
Ugu dambeyntii, Sheekh Cabdulqaadir Soomoow ay aa shacabka Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan arg agixisada.
"Shacabka Soomaaliyeed waxa aan leeyahay Khaw aarijta kusoo duushay Diinteenna yeeysan maalinba qof naga diline aan u midowna oo iska soo afjarno”, ayuu yiri Sheekh Cabdulqaadir Soomoow.
Culumada Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay howlgall ada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawa arijta, islamarkaana Al-shabaab iyo Daacish ay la mid yihiin cadowga Diinta islaamka.
Shirweynaha culimada waxa u ku saabsanaa uje edooyin waaweyn:
In kooxaha khawaarijta oo ay ugu horreeyaan Khawa arijta Al-shabaab iyo Daacish aysan lahayn wax sharci yad diineed ah iyada oo la burinayo fasiraadaha gurrac an ee aan salka laheyn diinteena Islaamka;
Sharciyad-siinta Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabkeeda dagaalka jihaadka ah ee ay kula jirto Khawaarijta Al-shabaab iyo Daacish kuwaas cadow ku ah diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Cadeynta in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas ’uul ka tahay guud ahaan ilaalinta iyo daryeelka diinta Islaamka.Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Sooma aliyeed iyada oo laga dhigayo hay’ad ka mid ah hay’a daha dawl ada oo leh xeer la marsiinayo habraacyada dastuuriga oo ku saleysan la tashiyada qayb ka kala yi mid culim ada Soomaaliyeed.
Go’aannada Shirweynaha:
Shirweynaha wuxuu isku raacay ujeeddooyinkii shir ka ka dib markii uu yeeshay doodo iyo aragti wadaag mi rodhalay oo dib loogu milicsaday axkaamta iyo mabaadi i’da diinta Islaamka iyo ujeeddooyinkeeda waaweyn, qo ddobada soo socda;Shirweynaha ayaa isla qaatay in Culimada Soomaaliyeed ay si walaaltinimo & isku duu bni ah ugu adeegi doonaan diinta & Ummadda, arrima ha la isku khilaafsan yahayna loo xallinayo si cilmi & caddaalad ah.
Shirweynaha wuxuu isku raacay in Alshabaab, Daa cish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah ay yihiin kooxo habawsan oo ah cadowga diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed.
Shirweynaha wuxuu isku raacay in aysan bannaan eyn in la faafiyo afkaartooda gurracan ee kooxaha kor ku xusan waana xaaraan in lagu taageero xoog, xoolo ama xog ama cod midna.
Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu cod mi deysan ugu sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed in Ko oxda Al-shabaab iyo Daacish ay yihiin dembiileyaal Kha waarij ah oo qofkii ka dhintaa uu dhiiggiisu qiimo laheyn (hadur yahay) waxaana waajib nagu wada ah in aan la dagaallanno; qofkii la dagaallama ama ku dhinta daga alka lagu jiro Khawaarijta waa shahiid loo rajeynayo in uu soo galo dadkii uu Rasuulkeenna, naxariis iyo na badgelyo dushiisa ha ahaatee, uu ku sheegay in ay Jan no u sugnaatay:
} ُطوبى ِل َم ْن قَتَلَھم وقَتَلوه {Shirweynaha Culimada Soomaal iyeed wuxuu isku raacay in la macaamilka kooxaha Khawaarijta ah, nooc kasta uu yahayba sida xoolo-siin ta, garsoor u doonasho iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suu ban ee diinteennu na fartay:
4 ﴿ وتَعاونُوا علَى ا ْلب ّر والت َّ ْقوى و َلا تَعاونُوا علَى ا ْلإثْم وا ْلع ْدوان وات َّقُوا َّH إَّن َّH َش ِدیدُ ا ْل ِعقَاب﴾ َََََََََََََُِِِِِ ََِ ِ
Shirweynaha wuxuu ku isku raacay in qofkii la wadaa ga Dawladda xogta Khawaarijta uu ajar uga helayo Alle agtiisa maadaama uu ka qeybqaatay badbaadinta shac abka Soomaaliyeed.
Shirweynaha wuxuu u caddeynayaa Ummadda Soo maaliyeed in dagaalka lagula jiro Khawaarijta uu yahay jihaad lagu difaacayo maqaasidda waaweyn ee Sharee cada Islaamka: badbaadinta diinta, nafta, hantida, caqli ga, iyo sharafka qofka aadanaha ah.
Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, isaga oo ka ambaqaadaya in diintu ay tahay arrin si isku mid ah u taabanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuu caddey nayaa in Culimada Soomaaliyeed oo isku duuban ay Da wladda ku garab taagan yihiin dadaalka ay ku horumar inayso hannaan lagu ilaalinayo diinta Islaamka isla mar kaasna waxaan isku raacnay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta diinta. Shirwe ynaha wuxuu isku raacay in Dawladda Federaalka Soo maaliya ay billowdo iyada oo si degdeg ah u dhammeyst ireysa diyaarinta hannaankii iyo sharcigii lagu dhisi lah aa Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed oo noqon aya weelkii lagu ilaalin lahaa diinta isla markaasna ka mid noqonaya Goleyaasha Dawladda una madaxbanna an gudashada waajibaadka iyo hawlaha loo igmaday.
Shirweynaha wuxuu ku dhawaaqay in Ummadda Soom aaliyeed ay tahay shacab sunni ah marka laga reebo ko oxaha khawaarijta ah iyo kuwa la midka ah (Al-shabaab, Daacish, Shiico, iyo kuwa Ummadda si guud u gaaleysi iya) kuwaas oo aan la oggoleyn in fikirkooda lagu faafiyo gayiga Soomaaliyeed.
11.Shirweynaha wuxuu isku waafaqay in ku dhaqan ka Shareecada Islaamka gaar ahaan fiqiga uu gundhig u noqonaya mad-habka Shaaficiga kaas oo Culimadu isku raacsan yihiin in uu taariikh fog ku
]المائدة:2[leeyahay gayiga Soomaaliyeed iyada oo mada ahibta kale ee Sunniga ah laga faa’ideysan karo marka ay baahi timaado.
12.Shirweynaha, isaga oo ka duulaya in Ummadda Soomaaliyeed ay af, dhaqan, diinba ka mideysan yihiin, ayuu xoojinayaa in Islaamka ay Ummadda Soomaaliye ed ku dhaqanto uu mid yahay iyada oo magacyada kala duwan yahay ee Culimadu isku aqoonsadaan ay yihiin sida magacyada uu waalidku ula baxo ilmihiisa isla markaasna wixii lagu kala aragti duwan yahay la isku ixtiraamayo loogana doodi karo si cilmiyeysan oo aan midnimada waxba u dhibeynin.
13.Shirweynaha, isaga oo dareensan in dawlad-dhi ska Dalka uu ragaadiyay khilaaf siyaasadeed, ayuu Mad axweynaha Soomaaliyeed Dr. Xasan Sheekh Maxamu ud ku adkeynayaa in uu xil gaar iska saaro dhammeystir ka Dastuurka KMG ah oo dib-u-eegistiisu ay qaadatay muddo aad u dheer maadaama xasiloonnida siyaasad eedee Dalka ay ku xiran tahay dastuur dhammeystir an.14.Shirweynaha wuxuu isku raacay in Culimada Soo maaliyeed ay sannad kasta yeeshaan shir sannadeed looga arrinsanayo arrimaha diinta ee Dalka.
Shirweynaha bogaadin kasoo baxday shirwey naha.
Shirweynaha wuxuu ku bogaadinayaa Madaxwey naha J.F.S. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud in uu noqday mad axweynihii ugu horreeyay ee la yimaada aragti bisil oo dib u heshiisiinaya Dawladda, Diinta iyo Culimada isaga oo ka tacsiyeeyay dhacdadii xanuunka badneyd ee lagu laalay culimada 23 Jannaayo 1975.
Shirweynaha wuxuu ku dhawaaqayaa in uu gebi aha anba uu meesha ka baxay shakigii iyo kalsooni-darradii kala dhex taallay Dawladda, Diinta iyo Culimada shirk aan ka hor.
Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu ku bog aadinayaa Madaxweynaha JFS dadaalka uu geliyay la dagaallanka Khawaarijta (Al-shabaab iyo Daacish) wuxu una ku adkeynayaa Dawladda in ay awooddeeda isu geyso ciribtirka fikirka xagjirka ah iyo horumarinta maba adii’da diinteenna suuban ee ku aaddan ilaalinta xasil oonnida, is- aqbalaadda iyo wada-noolaanshaha .XIGASHO:-SONNA.SO
MAALINTII AY BILAABATEY MUSIIBADA DAGI LA' EE DALKEENA HOOYO, 23KA JANAAYO 1975
Bismillaaahi Raxmaani Raxiim,
Mahad oo dhan Allaah(S.W) kaliya ayaa iska leh. Na bad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabigeenii Mu xammad(S.C.W) ee Allaah uu u soo diray dunida si uu uga saaro mugdiga iyo jahliga kuna hogaamiyo jidka ift iinka iyo cilmiga.
Intaas kadib,Muddo laga joogo 48 sano oo ku aad an maalin khamiis ah oo taar iikhda milaadiga ay aheyd 23ka Janaayo 1975 kuna beegneed 10ka bisha Muxar am (Yoomul Cashuuraa) ee sanadka 1395ka hijriyadawaxaa magaalada Muqdisho ee caasimadadalka Soo maaliya lagu toogtey 10 wadaad oo culimaa'udiin ah oo ka soo horjeestey barnaamijkii shuuciyada caalamigaahaa ee ay hor kacayeen golihii sare ee kacaanka ee af ka qalaad lagu oran jiray Supreme Revolutionary Cou ncil (SRC) oo markaas ka koobnaa 25 sarkaaloo rag soomaaliyeed ah. Golahaaswaxaa gudoomiye u ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Bare. Golahaas sare ee kac aanka oktoobar waxaa ay talada dalka Soomaaliya la wareegeen 21kii Oktoobar 1969kii. Isla sanadkii 1970kii bishii Janaayo 10keeda waxa ay soo saareen sharci ay ugu magac dareen Law No 1 laguna aasaasey ciidanka nabadsugida soomaliyeed ( NSS), sharcigaas oo awood u siinaayey ciidanka nabadsugida in qofkii ay tuhmaan ay jir dili karaan isla markaana qofka tuhmana uu xirnaan karo muddo dheer maxkamad iyo xukun a'aan taasoo keentey in xabsiga loo taxaabo dhamaan siyaasiyiintii dowladii rayadka aheyd iyo cid walba oo sa ameyn laheed oo ay golihii sare ee kacaanka u arkay een in ay aragtidooda kasoo horjeedaan. 10kii bishii Si teembar 1970kii waxaa ay golihii sare ee kacaanka soo saareen sharci ay ugu magacdareen Law No 54 oo ka koobnaa 26 qodob. Isla sanadkii 1970kii golihii sare ee kacaanka waxa ay abuureen maxkamada badbaadada Qaranka oo gudoomiye looga dhigay Korneyl Maxamu ud Geele Yuusuf ,xeer ilaaliyana kornel Maxamed Cis maan Maye. Sharcigaas Law No 54 waxaa lagu tiriyaa sharciyada ugu yaabka badan ee soo maray dunida aan ku noolnahay uguna adag ee bani aadam lagu xukumo. Law No 54 waa sharciga lagu dilay ama lagu xiray dha maan dadkii soomaaliyeed ee ku baxay ama lagu xiray gacantii golihii sare ee kacaankii 21ka Oktoobar. Xuku nada maxkamadeed ee Law No 54 wax abiil ah lagama qaadan karin waxaana xukumi jirey oo dhaqan galin jirey maxkamada Badbaadada dalka.
Bishii Oktoobar 1970kii waxa ay ku dhawaaqeen gol ihii sare ee kacaanka Oktoobar in jamhuuriyada Sooma aliya lagu dhaqi doono nidaamka shuuciyada caalamig ah ee loo yaqaano hantiwadaaga cilmiga ku dhisan ( Sceintific socialism) waxaana lasoo saarey xeerar xooj inaya in dhamaan hay'adaha dowlada Soomaaliya iyo nolosha qofka muwaadinka ay ka dhex muuqdaan nid aamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan waxaana lala wareegay dhamaan hantidii gaarka aheyd iyo shirkadihii waaweyn ee ay lahaayeen ganacsatada soomaaliyeed iyo maalgaliyayaashii shisheeyaha ahaa.
Waxaa la dhisay golayaal hanuunin oo dadka soomaali yeed lagu baro nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhi san. Dhamaan goobaha la isku yimaado iyo jidadka waa weyn ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa la suray sa wiro waaweyn oo ay ku xardhan yihiin aabayaashii nida amka shuuciyada caalamiga ah kuwaas oo kala ahaa Carl Marx (1818-1883), Vladmir Lenin (1870-1924) iyo Friedrich Engels (1820-1895).
Nidaamkaan shuuciyada ee ay soo rogeen golihii sare ee kacaanka wuxuu yaab ku noqdey dadkii waxgar adka soomaaliyeed iyo culumaa'udiinkii waqtigaas joo gey iyaga oo sheegay inay adkaan karto in mujtamac muslim ah 100% in laga hirgaliyo nidaam shuuciyad oo saldhig looga dhigayo hantiwadaaga cilmiga ku dhisan laakiinse ma jirin wax ka hor imaansho muuqda oo lagu sameeyey nidaamkaas shuuciga ahaa maadaama dha maan dadkii waxgaradka ahaa ee ka hor imaan karay kacaanka Oktoobar ama abaabul sameyn karay ay ku jir een xabsiyada dalka.
11kii Janaayo sanadkii 1975kii waxaa golihii sare ee kacaanka oo markaa ka koobnaa 25 nin oo rag ah ay
ansixiyeen waxa loogu magac daray xeerka qoyska oo ah nidaam lagu saleeyey hantiwadaaga cilmiga ku dhis an aadna uga hor imaanayey xeerarkii shareecada Islaa mka ee soomaalidu ay isku xukumi jirtey mudada dheer. Sharcigii cusbaa ee xeerka qoyska wuxuu baabi'iyey dhamaan xeerarkii ka horeeyey ee lagu dhaqi jirey ari maha qoyska.
Maalin jimco ah kuna beegan 17ka bishii Janaayo sa nadkii 1975kii waxaa qaar ka mid masaajidada magaal ada Muqdisho ka biloowdey kacdoon bulsho oo si nab adgelyo ah ay dadku ugu muujinayaan sida ay uga xun yihiin ku dhaqanka nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan gaar ahaan xeerkii qoyska ee ay la yimaadeen golihii sare ee kacaanka.
Kacdoonkaas dadweyne waxaa hor kacaayey qaar ka mid ah culumaa'udiinka Soomaaliyeed oou arkaa yey ineysan jirin nolol ay sugi karaan hadii mar loo soo dhacay diintoodii iyo mabaadii'dii ay kasoo dhaxleen awoowayaashood isla markaana ay ku fashilmeen gum eystayaashii reer Yurub ineyka badalaan dadkii sooma aliyeed ee ay gumeysanayeen muddada dheer.
Ciidamadii xooga badnaa ee kacaanka waxa ay awood xad dhaaf ah ku muuqineyeen kacdoonkaas nabadeed ee ay culumaa'udiinka soomaaliyeed horkacayeen, wa xaa la xiray culumaa'udiin badan iyo dad weyne badan oo soomaaliyeed.
Isla usbuucaas waxaaqaar ka mid ah culumaa'udiin ka as lasoo taagey maxkamada badbaadada dalka waxaa na lagu xukumay dil toogasho iyo xabsiyo dhaadheer oo aan wax abiil ah laga qaadan karin.
10 ka mid culumaa'udiinkii lasoo qabtey
waxaa lagu
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 29-KA JANNAAYO 2023-KA
..