HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 28-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Saturday January 28, 2023 - 08:51:07 in Wararka by
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 28-KA JANNAAYO 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xasan Sheekh oo sheegay ‘cidda kaliya ee leh’ guusha la gaaray kadib sanado badan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud oo Habeen hore casho sharaf ku maamuusay Culu madii ka qayb-gashay shirweynaha Culimada Soo maaliyeed ee kusoo gaba-gaboobay

M/Muqdisho ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in guusha laga gaaray dagaalka socda ay gaareen Sooma ali oo kaliya.

"Waxa ugu muhiimsan ee guusha dhadhanka la si i-leedahay Soomaali kaligeed ayaa gaartay, dadka saaxiibada ah ee Afrika iyo Caalamka ka socda ee in oo yimid wax badan ayay soo dadaaleen laakiin ho wshaan anaga u xayd-xaydaney oo mushtamicii oo dhan ayaa u istaagay, inta dhiman Insha-Allah waxay ku imaan doonta intaas oo lasii xoojiyo oo la isku duu bnaado,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in markii ho re ee dagaalka Shabaab ay bilaabayeen aysan ku qanacsaneyn bulshada Soomaaliyeed qaarkood iyo beesha caalamka, oo iyagu markii dambe ku qancay in la iska dhicin karo kooxdan.

"Waa tabar yarnahay oo dowladd yab-yab ah oo tallaabo barad ah waaye laakiin tabar yaraantu ma ahan waxa maadiga ah ee waa qalbiga, haddaadan Caqiidada iyo Caqliga ka tabar-yareyn qof ka xoogan adduunka majiro. Laakiin marka qalbiga daciif ka no qoto markaas ayaa daciif tahay sikasta oo qalab waa weyn iyo xoola badan u leedahay daciif ayaa tahay.”

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu bogaadiyay culim ada Soomaaliyeed sida midnimada leh ee ay umad da Soomaaliyeed ugu soo bandhigeen dhibaatada ay Al-Shsbaab ku hayaan dadka.

Culimada ayuu ka codsaday inay meesha ka saar to kala qeybsanaanta ka dhex jirta bulshada Soomaa liyeed, islamarkaana ay ka shaqeeyaan midnimada iyo isdhex-galkooda si mid loo noqdo.

"Waa kala miiranay asalkii inta ay dowladnimo bi laaban ee isticmaarka iman sida u nooleyn ayaa u no qonay, in aan kasoo noqon ayaa u baahanahay. Wa naag ma helayno illaa aan isdhex-galno oo dib isku dhex-galno oo Soomaali, Muslimiin noqon inta kala qoqobanahay rejo lagama qabo in aan yeelaano dow lad xoog leh oo macno leh adduunkana u dhiganta in aan yeelano rejadeeda aad ayay u yar tahay.”

Xasan Sheekh Maxamuud oo tallada dalka dib u gu soo laabtay 15-kii May ee 2022 ayaa wuxuu ku dhiiraday ku dhawaaqista dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, wuxuuna dadaal badan ku bixinaya dhismaha hay’ad culimo oo marjac u noqota dowladn imada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Golaha wasiirada Soomaaliya oo Shalay ansixi yey heshiis ay Soomaaliya ugu biireyso ciidan caalami ah

Xubnaha Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Shalay kulankoodii caadiga ahaa oo ay ku yeesheen M/Muqdisho , ayaa ahaa mid lo oga hadlay arrimo dhowr ah, laguna ansixiyey he shiis caalami ah.

kulankan ayaa waxaa guddoom iyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Md.Saalax Axmed Jaamac, ayada oo ay goobjoog ka ahaaye en inta badan xubnaha Golaha Wasiiradda , Kulan kaa oo marka hore iskaga xog wareysteen xaaladda Guud ee dalka, iyadoo si gaar ahaan looga waraya dhinaka amniga iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Intaas ka dib Golaha Wasiirada XFS ayaa ansixi yay Heshiiska aas-aasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika, kaas oo ay qayb ka tahay S oomaaliya. Sidoo kale waxaa ku jira dalalka badan oo Afrika ku yaalla sida Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Ke nya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.

Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu ay tahay in la hirge liyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasillo onida gobolka, sida uu shaaciyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya Dhinaca kale DFS ayaa muddooyinkii dambe dadaal xooggan gelineysay wax la qaybsiga Dalalka Afrika iyo sidoo kale dalalka caalamkaba, iyada oo loo marayo dhanka diblumaasiyadda.

Dhanka kale Soomaaliya ayaa hal tallaab u jirta ku biirista suuqa Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ay ku mideysan yihiin illaa todobo waddan oo Afri kaan ah. Dorraad waxaa sidoo kale Muqdisho ka furm ay Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulsh ada Bariga Afrika, kaas oo ay ka qayb-galayaan 7bada waddan ee ururka EAC.

Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa la gu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorsh aheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

Wasiir ROOBOW oo xog ka bixiyay qaabka loo dhisayo Golaha Sare ee Culimada

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuu madda federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa markii u horeysay shaaciyay in dowladda ay ku degdegi doonin dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed.

Wasiir Roobow ayaa sheegay in golaha culimada ee la dhisayo aanay xiligaan u baahneyn degdeg, ba lse marka hore ay sharci u sameynayaan, kadibna la horgeyn doono Golaha Wasiirada

Sidoo kale waxa uu xusay in marka sharciga loo sameeyo hay’adda lasoo marsiin doono labada Aqal ee baarlamaanka, sidaasina lagu dhisi doono Golaha Sare ee culimada.

"Golaha waa la sameynaya, idinku ayuu ka iman aaya go’aamadiisa wax badan, xeer la sameeyay oo gaba-gabo ah oo la dhameystiro ho rta majiro ee ogaada. Xeerka wax kale ma ahan ee waa Golaha Culimo ee shaqeynaya qaabkee ayuu u dhis mayaa, go’aamada muxuu ku qaad anaya, imisu noqonaya, ma iska joogayaan culimada loo dhiibo mise waa war-wareegi doonaan sida dowl adda,” ayuu yiri.

"Idinka ayaa dhameystiri doono ee Shalay iyo be rri ma ahan waqti ayuu u baahan yahay. Si qanuuni u noqdaan Golaha Culimo ee la dhisayo oo qanuun ahaan ayaa loo hubinaya.”

Roobow ayaa sidoo kale sheegay in hay’adda culimada ay u baahan tahay miisaaniyad, taasina aan la heli karin haddii aan laga dhigin hay’ad sharci ah oo nidaamka la waafajiyay.

Arrintan ayaa wax cusub ku noqotay inta badan culimada kasoo qeyb-gashay shirka, maadama ay filayeen in geba-gabada shirweynaha lagu dhawaaqi doono hay’adda culimada.

Culimada ayaa Dorraad qoraal dheer oo ay kasoo saareen shirweynihii maalmihii dambe uga socday M/Muqdisho waxay DFS uga dal badeen inay si degd eg ah u dhameystirto diyaarinta hanaankii iyo sharci gii lagu dhisi lahaa Golaha ee culimada Soomaaliy eed.

Golahan ayay culimada ku sheegeen in uu noqo nayo "weelkii lagu ilaalin lahaa Diinta” islamarkaana wuxuu kamid noqonaya goleyaasha dowladda, kaasi oo u madax-bannaan gudashada waajibaadka iyo howlaha loo igmado.

"Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaali yeed iyada oo laga dhigayo hay’ad ka mid ah hay’ad aha dawlada oo leh xeer la marsiinayo habraacyada dastuuriga oo ku saleysan la tashiyada qayb ka kala yimid culimada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qor aalka kasoo baxay culimada.

Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday iyo mid kale oo la magacaabay

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Shalay kulan koodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdi sho ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxam ed (Xijaar). Golaha wasiirada ayaa sidoo lale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciid anka Booliska Soomaaliyeed.

Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaarad da Gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda dee gaan ahaan Jubba land. Magacaabistan ayaa timid, kadib soo jeedin ka tiid, Wasaaradda Amniga Gudaha, ayada oo goluh una uu ku raacay, kadibna asnixiyay magacaabista taliyaha cusub.

Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad ammaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxya da ah iyo dilalka kala duwan ee ka dhacaya gudaha caasimadda.

Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey, balse soo daahay, kadib doorashadii dalka ka dhacday 15-kii bishii may ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Taliyaha cusub ayaa waxaa la sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hata an Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, waxayna todobaadkan oo kaliya ay laba weerar ka fulisay caasimadda, waxaana mid kamid ah lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir, halka kan kalena oo ah hoobiye lagu garaacay agagaarka Xarunta Madaxto oyada.

Dhana kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo Shabaab.

Labada Wasaaradood ayaa sheegay in 7aadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku ka gaareen dagaallada ka socdo gobol lada dalka.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Mus iiboo yinka Oo Gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyin ka Maxamuud Macalin Cabdulle oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Hey’adda Qatar Charity iyo Sanduuqa Horumarinta dowladda Qatar ayaa Shalay gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdigan oo ka baxay M/Muqdisho waxaa garo onka Kismaayo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland

Mas’uuliyiintan ayaa M/Kismaa yo ka furi doona barnaamij deeq gargaar ah oo lagu gaarsiin doo no 46,000 oo qoys oo dalka gudi hiisa ah oo ay dowladda Qatar maalgineyso.

Maxamuud Macalin Cabdulle Guddoom iyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay laba laabay safarada uu ku kala bixi nayo gobolada dalka, wuxuuna hore u aaday maam ulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

Gudoomiyaha hay'adda maareynta musiibooyinka oo gaaray kismaayo gudo omiyaha hay'adda maareynta musiibooyin ka oo gaaray kismaayogudoomiyaha hay' adda maareynta musiibooyinka oo gaaray kismaayo

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa meelo ka mid ah dalkaas waxaa ay kudileen Wiil Dhalinyaro Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa Soo maalida dalkaasi u tegay inay ka Shaq eystaan, iyaga dilka kadib goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Beyle ayaa xilliga la dilay ay ku sugnaa Goob Ganacsi uu ku Shaqeeynayay, sida uu Risaaa u sheegay qof goobjooge ah.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa mar walba la gu dilaa Soomaalida, iyadaa oo dilalka loo geysan ayo aysan wax ka qaban dowladda Koonfur Afrika, iy ada oo dalkaasi lagu dilay Boqolaal Soomaali ah.


Xasan Sheekh Oo La Kulmay Guddiga Waalid iinta Ciidanka Lagu Soo Tabab aray Ereteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay Dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa tilmaam ay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, isla mar ka ay soo dhameystaan tababaroo da si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay ful inta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula mid oobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay hel aan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii.

Qaar ka mid ah ciidamada tababarka loogu qaad ay dalka Eritrea ayaa dalka dib loogu soo celiyay ha se ahaatee waxaa weli ku maqan dalka Eritrea cii damo badan oo halkaas tababar u joogta. Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay inay dalka dib ugu soo celineyso ciidamada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Hooyo Racwi Cismaan "Wiilkeyga 10 kun oo Shar ci daro ah ayay weydiiyeen wuu dhibay hadana wey dileen"

Askari ka tirsan ciidanka dowla da Soomaaliya ayaa 10 kun oo Shilin Soomaali u dilay Wiil dhalin ya ro ah aa oo ku shaqeysanaayay Mooto Baj aaj xili uu maraayay Carbiska ee duuleedka magaalada Muq disho.

Wiilkaan dhalinyarada ahaa ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ma xamed Xasan Jabuuti, waxaana la sheegay inuu bixiyay 10-ka kun ee uu u dilay, hayeshee askari ku sugn aa goobta Isbaarada aheyd uu mo oto kale kusoo bursaday Marxuumka kadibna uu xabad ku dhuffay.

"Marxuumka waxaa loo dilay si bareer ah isago baxshay lacag 10 kun oo baad aheyd ayaa hadana askari isbaarada joogay intuu mooto Fekon ku burs aday sidii cadawgii ayuu xabad si bareer ugu dhuftay asagoo lacagta waan bixiyay maxa iga rabta, dhiig baxa ayuuna u dhintay xabada xidid halbowle ah ayay uga dhacday" ayuu yiri qof goob jooge ahaa.

Goobjoogaha ayaa intaasi ku daray in askariga markuu dilka geystay inuu qorigii ku wareejiyay askar tii kale ee Isbaarada la jooggay, dabadeedna uu go obta isaga baxsaday iyadoo cidna aysan la hadlin.

Hooyada dhashay marxuumka dhintay oo warbaahin ta la hadashay ayaa sheegtay in wiilkeeda uu ahaa qofka kaliya ay ku tiirsaneyd noloshooda, taasoo markii loo soo sheegay dhimashada wiilkeeda laba jeer miir daboolantay waxayna dowladda Soomaaliya ka codsatay in Cadaalada loo horkeeno askariga dilay Wiilkeeda.

"Wiilkeyga xaqdara lagu dilay lacagtii la weydii isa goo dhiibay ayaa hadana si bareer xabad loogu dhuf tay, wuu noo shaqo tagay subaxnimadii hore xooga markuu naga sii maqan yahay kadib waxaa leysoo sheegay in wiilkeyga uu dhintay, dowladda Soomaal iya waxaan ka codsana in cadaalad aan ka helo oo si deg deg ah uga qabato askari sida xaqdarada u dilay wiilkeyga" ayay tiri Hooyada dhashay wiilka dhintay Racwi Cismaan.Mudooyinkii dambe waxaa M/Muqdi sho ku soo kordhaayay dilalka macna darada ah oo ay askarta dowladda Soomaaliya u geysanayaan dadka Shacabka ah haba u badnaadaan dhalinyara da ku shaqeysata Mooto Bajaajta

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay koox Ti kTok-ley ah oo sameysay Prank yaab leh

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee So om aaliya ayaa Shalay go’aan kasoo saartay kiis la ya ableh oo ka dhashay muuqaal Prank ahaa oo ay

 

sameeyeen koox Tik-Tok-ley ah oo ku sugan maga alada Muqdisho ee caasimadda dal ka.

Maxkamadda ayaa waxaa la soo taagay 4 nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baraha bulshada ku faafiy ay muuqaal jiliin ah oo ay lacag madax furasho ah

 

uga dalbanayaan hooyo Soomaaliyeed.

Sheekada jiliinka ah ayaa waxaa hormuud u ahaa wiil lagu magacaabo Zakariye Maxamuud War same oo dhaqan celin ahaan looga keenay dalka Sweden, isaga iyo saxaaxibadiisa ayaa iska soo duubay muuqaal ay ku jilayaan inuu afduuban yahay

 

Zakariye, waxaana muuqaalka ka soo muuqday labada wiil oo hubeysan, isla-markaana garaacaya Zakariye oo hooyadiisa farriin u diraya, kana cods anaya inay bad-baadiso oo ay lacag u soo dirto.

Ujeedka ay arrintaan u sameeyeen dhalinyarada ayaa ahaa in Zakariye uu hooyadiis ka qaato lacag uu ku iibsado Tikid, si uu ugu laabto waddanka laga keenay ee Sweden.

"Aniga dalka dhaqan celin ayaa la’ii keenay waa lidkey ayaana ii keensaday, iyaga ayaana diinta i bar aayey dalka dibaddiisaa ku dhashay, kuna soo bar baaray ,” ayuu yiri Zakariye.

Sidoo kale labada nin ee kale ee maxkamadda la soo taagay ayaa sheegay in sheekadan uu keenay Zakariye, si uu hooyadiis uga qaato lacagta tikidka uu ugu labaan lahaa Sweden.

"Asiga ayaa fikraddaan noola yimid, annaga oo Tik Tok iska istcimaaleyno asaa dhahay hooyadey la cag ayaa ka rabaa asaa weydiistay,” ayuu yiri ma mid ah ragga lasoo xiray.

Sidoo kale Nuur Xayle Cismaan Cali oo kamid ah ragga la maxkamadeeyay ayaa sheegay in lama fil aan ay ku noqotay in isaga oo dambiile ah la horke eno Maxkamadda Ciidamada.

"Shuute aniga weligey waan arkaayey in Al-Sha baab uu ciqaabaayo oo xukun uu ku ridaayo, balse ma aamin saneyn adiga oo shacab ah micnaha ina ad dambi gashid ayaa Shuute lagu horgeynaa,” ayuu isna yiri Nuur Xayle Cismaan oo Prankiga wax ka sameeyay.

Sidoo kale maxkamadda aya waxaa la horkeenay askarigii lahaa hubka oo sheegay in ay daris ahaa yeen wiilasha, isla-markaana ay gurigiisa imaan jir een, balse uusan waxba kala socon arrinta ay same eyeen iyo muuqaalka ay ku duubeen hubkiisa iyo dharkiisa ciidan.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa afartan nin ku soo eedeysay, in suurad xun ay ka bixiyeen amniga qaranka, waxayna codsatay in lagu rido xukun u qal ma ciqaabtooda.

Ugu dambeyn Garsoorka Maxkamadda ayaa go’a amiyay in dhammaan raggaan loo diro dhaqan celin, halka askarigana loo diray feel celin oo ah ilaalinta hantida qaranka, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute).

Bilal al-Sudani oo lagu dilay howlgal dhulka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Somalia

Ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykan ka ayaa dilay hoggaam iye sare oo ka tirsanaa kooxda Daaci sh ee Soomaal iya iyo 10 argagixiso oo kale, kadib howlgal ka dhacay waqooyi ga Soo maaliya. Howlgalkan oo dhacay Arbacadii ayaa lagu bee gsaday Bilal al-Sudani, oo u dhashay dalka Sudan islamarkaana kooxda u qaabilsanaa dhanka maa liyadda, islamarkaana ku dhuumanayey meel buuraley ah. "Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo saaxiibad iisa ka dhigeysaa kuwo amaman ah, wax ayna ka tar jumaysaa sida ay uga go’an tahay inaan Mareykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada guda ha iyo dib adda,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaa ca Marey kanka Lloyd Austin oo bayaan soo saaray.

Madaxweyne Joe Biden ayaa toddobaadkii teg ay lagu wargeliyey qorshaha howlgalkan oo yimid ka dib bilo la diyaarinayey. Waxa uu ansixintii ugu damb eysay ee howlgalka bixiyey toddobaadkan kadib mar kii ay ku taliyeen Austin iyo madaxa ciidamada Mar eykanka Gen. Mark Milley.

Al-Sudani, oo sanado badan ay isha ku hayeen saraakiisha sirdoonka Mareykanka, ayaa door muhiim ah ka qaatay maalgelinta howlgallada Daac ish ee Afrika iyo sidoo kale laanta Daacish ee Afgha nistan ee ISIS-K, ayuu Austin yiri.

Waaxda maaliyadda ee Mareykanka ayaa sannad kii hore tuhuntay in Al-Sudani uu si dhow ula shaqe eyay sarkaal kale oo ka tirsan Daacish, Abdella Hu ssein Abadigga, kaasi oo dhallinyaro ka qoray Koonfur Afrika una diray xero lagu tababaro.

Abadigga, oo maamuli jiray laba masaajid oo ku yaalla Koonfur Afrika, ayaa xilkaas u adeegsaday in uu lacago baad ah ka qaato xubnaha masaajidda.

Al-Sudani waxa uu u arkay Abadigga taageere la aamini karo oo ka caawin kara taageerayaasha Daacish ee Koonfur Afrika in ay noqdaan kuwo si wanaagsan u abaabulan oo ay xubno cusub qortaan, sida ay sheegtay Waaxda Maaliyadda.

Al-Sudani ayaa markii hore lagu daray liiska argagixisada ee Waaxda Maaliyadda 2012-kii doorkii uu ku lahaa Al-Shabaab darteed.

Wuxuu ka caawiyay dagaalyahannada ajnabiga ah inay u safraan xero tababar oo Al-Shabaab ay leed ahay, wuxuuna fududeeyay maalgelinta xagjiriinta rabshadaha ka wada Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.

Ma jiro dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay howlgalka, sida ay sheegeen saraakiisha Pe ntagon-ka. Mid ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku lugta lahaa howlgalka ayaa waxaa qaniinay Ey mil itari, balse ma uusan soo gaarin dhaawac halis ah, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa faah-faahin koob an un ka bixiyay sida uu howlgalka u dhacay iyo xaa ladihii ku xeernaa dilka Al-Sudani.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in ciid amada Maraykanka ay markii hore damceen inay qabtaan Al-Sudani balse taasi ma aysan noqon "suur ta-gal” intii uu howlgalka socday.

Dowladda Soomaaliya oo soo dhawey say dilka Hoggaamiyahii Daacish ee Soomaaliya

Iyadoo dowladda Maraykanka ay shaacisay in howlgal ka dhacay buuraha Cal miskaan ee ku yaala Puntland iney ku dishay hoggaamiyahii kooxda Daa cish ee Soomaaliya iyo 10 kale oo ka mid ah dagaa lamayaasha kooxdaas ayaa waxaa tal aabadasi soo dhaweeyay DFS.

Lataliyaha amniga qaranka ee So omaaliya Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlay Idaacadda VOA-da laant eeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in DFS soo dha weeyneyso howlgalkaas lagu dilay hoggaamiyaha kooxda Daacish iyo xubnaha kale.

"Wax faahfaahin badan ah lagama hayo balse ka DFS waa arrin ay aad usoo dhaweyneyso in kooxaha Argagixisada ah gaar ahaan hoggaankooda madaxa laga guro, dhalinyarada ayay dabka ku shidaan, Da bcan Daacish soomaaliya awood ahan kuma xoog badna Laakiin waa koox marweliba khatartooda soo weynaan kartay” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaran ka Xuseen Macalin Maxamuud Sheekh Cali. Dhul ka Buuraleyda Puntland ayaa la tilmaama in ey ku sugan yihiin hoggaamiyeyaal sar sare oo ka tirsan Kooxda Daacish oo halkaasi ay u tahay Sal dhigooda ugu weyn oo ay ku leeyihiin gudaha dalka Somaia

R/W XAMZA oo Banaanka keenay caqab ado dowladda ay ka wajaheyso qabiilka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Ba rre ayaa markii u horeysay ka hadlay caqabadaha ay dowladda ka wajaheyso qabiilka, isaga oo ka da lbaday culimada Soomaaliyeed inay kala shaqeey aan kor uqaadista wacyiga dowladeed ee bulshada.

Xamza ayaa sheegay in qabiilka uu hortaagan yahay qiimihii uu waddanka yeelan lahaa, islamarkaana uu dhibaato ku hayo ma adama mararka badan qabiil ahaan lagu difaaco dad ka ay tahay in umadda laga qabto.

"Qabiilku waa muhiim laakiin dhibaato ayuu ku ha yaa dalka, oo tuuga lama cayrin karo saf ayaa lasoo galaya odeygii, sheekhii, xildhibaankii iyo wasiirkii wey difaacayaan tuuga xataa hadduu Shabaab yahay,” ayuu yiri.

"Waad ogtihiin waxa ka socda meelahaas la qab tay, anaga dirsanay oo Shabaabka noogu dhex jir oo dadka nooga soo qabqabo ayaa dhahnay, haddana iyagii ayuu laynayaa oo waa isqarxinayaa. In aan is ku dhex wadno ayaa rabnaa, tab aan iskugu wadno inaan helno waaye maadama halkan ay yihiin dadkii wax tarbiyadeeynayay.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu til maamay in loo baahan yahay in qabiilka uusan mee shiisa soo dhaafin oo halkiisa-na lagu hayo, ayada oo dadka la jeclaysiinayo dowladda iyo dalka.

"Waa in dowladnimada iyo dalka la jeclaysiiyo dad ka oo tarbiyada ay gasho oo masaajidka ay gasho waaye. Waxaa u baahanahay in arrimahaan culima deena ay dib u eegto.”

Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xam za Cabdi Barre oo raaceysa siyaasadda madaxwey ne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Shabaab.

Si kastaba, hadalkaan ayaa imanaya, xilli ay dowl adda wado qorshe lagu rabo in dalka uu yeesho Go le Sare oo marjac noqda, kaasi oo ay ku mideysan yihiin Culimada Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay shirweyne ku yeeshay M/Muqdisho.

Mareykanka oo Muqdisho kula kulmay qoyska Gaashaanle Xasan Tuure

Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho, Danjire Larry André ayaa la kulmay qoyska taliye ku-xigeen kii Ciidanka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xa san Maxamed Cismaan (Xasan Tuure), kaas oo Jim cihii lagu dilay weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ka gaysteen Degmada Galcad ee G/Galgaduud.

Wasiirka Warfaafinta Sooma aliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in weerarkaasi ay dhanka do wladda kaga geeriyoodeen toddoba askari, oo uu ku jiro taliye ku-xigeenkii kKumaan dooska Danab.

Safiirka Mareykanka ayaa aabaha dhalay sarkaalkaa si ku qaabilay Xarunta Safaaradda ee magaalada Muqdisho, isagoona xubnaha qoyska uga tacsiyeey ay geerida ku timid. Safiirka ayaa qoyska u sheegay, sida ay ugu han weynaayeen hoggaamintiisa, si bul shooyin badan u ga xoroobaan ayuu qoraal ku sheeg ay dulmiga mal eeshiyada Al Shabaab.

Danjire André ayaa sheegay inay tani sii xoojin do onto go’aanka Mareykanku uu ku taageero Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xoogaga Danab oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dal ka ayaa waxaa tababara Mareykanka, iyaga oo sal dhigooda ugu weyn ku leh Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Danab waa ciidan lugta oo tababar gaar ahi qaba, waxayna fuliyaan hawlgalada qorsheysan ee ka dha nka ah Al-Shabaab, waana ciidanka la hawlgala Cii damada Mareykanka ee Villa Somalia ka taageera weerarada dhinaca cirka ee lagu bartilmaameedsado madaxda iyo maleeshiyada Shabaabka. Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRIC OM) ayaa Shabaabka u arka halista ugu weyn ee Shalay ka jirta qaaradda.

shabaab oo dad shacab ah ka afduu batay deeg aano hoostaga magaalada Baledweyne

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Camal oow, Helabacaad iyo Sugoow oo ka mid ah ah deega anada hoostaga magaalada Baledweyne ee xarunta G/Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi dagaala mayaal ka tirsan Al-shabaab iney dad shacab ah ka afduubt een deegaanadaasi. Dadka shacabka ah ee kooxda ay ka qafaalatay deegaanadaasi oo aan tiradooda la xaqiijin, hayee she wararka hordhaca ay sheegayaan in gaarayaan 10 ruux ayaa isugu jira beeraleey iyo xoolo dhaqato, kuwaas oo la afduubtay xili ay ku sugnayeen guryah ooda.

Kooxda afduubatay dadkaan shacabka ah ayaa la tilmaamay iney kasoo gudbeen wabiga Shabeelle, islamarkaana waxay dadkaan ay wateen ka gudbiy een halka markii hore ay kasoo gudbeen oo ah dhanka Galbeed, maadama uu wabiga kala qeybiyo Bariga iyo Galbeed Hiiraan. Dadkaan Al-shabaab ay ka wateen guryahoodii ku yaalay deegaanada Camal oow, Helabacaad iyo Sugoow ayaa ah dhamaantood kuwa kasoo jeeda Be esha Xawaadle oo Shabaab mudooyinkii dambe ay beegsi gaar ah ku haysay, iy agoo doonaya in beesha asi ay ka baxdo dagaalada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda Hiiraan.

Wixii ka dambeeyay markii uu howlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab uu ka bilaawday gobolka Hiiraan, kaasoo beesha Xawaadle hormuudka ay ka aheyd a yaa kooxda Shabaab waxay kordhisay beegsiga ay ku hayso dadka kasoo jeeda beesha Xawaadle.

Axmed Rashiid oo loo haysto dacwad dil ah oo lagu amray in uu isku soo dhiibo xafiiska dambi baarista Gaarisa ee DCI

Askarigii hore ee Booliska Kenya Axmed Rashiid oo loo haysto dacwad dil ah ayaa lagu amray in uu is ku soo dhiibo xafiiska dambi baarista Gaarisa ee DCI ama haddii uu sidaas sameyn waayo loo jaro warqad lagu soo xirayo. Amarkan ay soo saareen gars ooreyaasha ayaa weji cusub u yeelay kiiska Axmed Rashiid, si da laga soo xigtay telefishinka Citizen ee ka hawl gala Kenya.

Garsooraha maxkamadda sare Kanyi Kimondo ayaa khamiista Shalay ah amar ku siiyay booliska in Axmed Rashiid uu maro baaritaan caafimaad ka hor inta uusan qiran dambiga loo haysto.

Sharci ahaan, garsoore Kimondo ayaa ka codsad ay Qareenka Axmed Rashiid oo lagu magacaabo Dustan Omari inuu hubiyo in macmiilkiisu uu samee yo baaritaanka caafimaadka si waafaqsan xeerarka dalka.

"Baaritaan dhanka maskaxda ah ayaa shuruud la gama maarmaan u ah tuhmane kasta oo maxkamad dil looga soo oogo,” Garsooraha maxkamadda sare Kanyi Kimondo ayaa xukumay.

Si kastaba ha ahaatee, Omari ma uusan xaqiijin in macmiilkiisa uu diyaar u noqon doono baaritaanka caafimaadka sida ay amartay maxkamadda.

Khamiista, Shalay ah oo ay taariikhda ku beegan tah ay 26 Janaayo, Rashid ayaa la filayey inuu qirto dac wadda dilka labada wiil ee dhalin yarada ah ee lagu eedeeyay.

Rashiid ayaa hadda wajahaya dacwad dil ah oo ka dhalatay dilkii Jamaal Maxamed iyo Maxamed Da ahir oo ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nai robi

"Agaasinka danbi baarista (DCI) ayaa ku amray in uu isku soo dhiibo xafiisyadooda Gaarisa.”

"Haddii uu ku guul darreyto se, DCI-da waxay shee gtay inay soo saari doonaan waaran lagu soo xirayo Axmed Rashiid.”

Xaakimka dacwada gacanta ku haya ayaa ilaa 9-ka Febraayo, 2023 dib u dhigay dacwada Rashiid.

30-kii bishii lasoo dhaafay ee November ayuu Axmed Rashiid maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah. Hay’adda dusha kala socota booliska Kenya (IP OA) iyo xafiiska dacwadda oogaha guud ayaa 7aadkii hore dalbatay in Axmed Rashiid uu hortago maxkamadda 8-da December, si uu uga jawaabo dacwadda loo haysto oo ah in March 2017 uu suuqa Islii ku toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah. Hase yeeshee, Askariga ayaa ku doodaya in laba da wiil ee dilkooda loo heysto ay kamid ahaayeen ko ox dhac ka geysan jirtay xaafadda Islii, isla maalin taasna ay dhacayeen dukaamo ku yaalla dabaqa Amal Plaza ee Islii.

"Burcadda oo tiro ahaan gaaraysay toddobo ayaa rasaas ku furay ciidanka amniga iyo dadkii meesha ku sugnaa. Mid kamid ah burcaddaas ayaa watay qori la farsameeyay, waxaana lagu dilay is rasaas eyn dhexmartay isaga iyo booliska,” ayaa lagu shee gay codsiga uu Axmed Rashiid u gudbiyay max kamadda.

"Burcadda oo tiro ahaan gaaraysay toddobo ayaa rasaas ku furay ciidanka amniga iyo dadkii meesha ku sugnaa.

Mid kamid ah burcaddaas ayaa watay qori la far sameeyay, waxaana lagu dilay is rasaaseyn dhex martay isaga iyo booliska,” ayaa lagu sheegay codsi ga uu Axmed Rashiid u gudbiyay maxkamadda.

Muuqaal la sheegay in laga duubay dhacdadaas ay aa u muuqda Axmed oo si bareer ah u tooganaya lab ada wiil ee Maxamed iyo JamaalAd

Dowladda Soomaaliya oo Al-Shabaab ku eedeys ay inay ku howlan yihiin jarista Dhirta

Wasiirka Ddegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xuku umadda Fedaraalka Soomaaliya Khadiija Maxmed Al-Makhzumi oo sheegtay in Al Sha baab ay Mustaqbal la’aan dhigayaa Jiilalka soo socda.

Wasiir Khadiija ayaa tiri "15kii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab wax ay Jaridda Malaayiin Geed oo ay dhuxul u bedeleen kadibna u dhoofiyeen dalka dibaddiisa, si ay ugu ma algeliyaan dagaallada iyo qaraxyada ay ku dilaan da dka, tallaabadan waxay lama degaan u rogtay dhul ballaaran oo markii hore keymo, Dhul-daaqsin iyo dhul-beereed ahaa, lafdhabarna u ahaa wax soo saar dalka”.

Ugu dambeyn Wasiir Khadiija Al-Makhzumi ayaa tilShalayy in ujeedka Al-Shabaab uusan ku koobn eyn dhibaateynta dadka hadda nool oo kaliya, balse ay mustaqbal la’aan dhigayaan jiilalka soo socda, sidaas darteedna loo baahanyahay in loo midoobo ka xoreynta dadka iyo deegaanka.

MAXAA DEMIYEY DEGMOOYINKA WAQOOYI EE MUQDISHO OO SHIDAY KUWA KOONFURTA?

M/Muqdisho oo ah magaalada ugu weyn dalka Soo maaliya uguna dadka badan ayaa dadka yaqaana sida loo dego waxay u kala qeybiyaan ama u kala tilmaama an waqooyi iyo koonfur, tilmaantaas waxaa lagu saleey aa qadkii cagaarnaa ee beri kala qeybi jiray Muqdisho.

Hadda waxaa timid su’aal ah maxay Muqdisho uga kore ysaa koonfur oo waqooyi ay u maalgasha la’yihiin dadka dega oo aan ka dhaqaale yareyn qabaa’ilka dega dhan ka koonfureed ee magaalada.

Weriye Xuseen C/lle Maxamed ayaa warbixin ka diy aariyey arrintaan, isagoo isku maray koonfurta iyo waq ooyiga caasimadda Muqdisho, weliba xilli habeen ah.

Weriyaha ayaa la kulmay ganacsato iyo gaadiidley, wuxuu weydiiyey hanaanka ay u shaqeeyaan, warbixint aan waxaa soo galaya arrimo quseeya amniga oo dad ka reerv Muqdisho ay dhibaato badan ku qabaan.

Isgoysyada KM 4, Dabka, Jubba, Xeebta Liido iyo goobo kale ayuu socod ku marayaa weriyaha diyaariyey warbixintaan oo soo bandhigeysa magaalada oo qeyb ka densan, qeybna aan laga hoyan.

Weriye Xuseen, wuxuu la kulmayaa oo istaajinayaa dhalinyaro wada mooto Bajaaj, waa xilli habeen ah, wu xuu ka dalbanayaa in ay geeyaan Kaaraan, balse wux uu kala kulmayaa diidmo adag, iyagoo u sheegaya inay ka baqayaan tuugo.’

Sidoo kale goobaha uu Bajaajleyda qaar ka dalbad ay inay geeyaan waxaa ka mid ah Carafaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, balse waa ay ka cudur-daaranaya an, iyagoo si cad ugu sheegaya inay ka baqayaan in tuu go dhibaateyso.

In kastoo Muqdisho aysan kala ammaan wanaagsan eyn oo degmo kasta ay tuugadu dhac ka geysato, hada na waxaa jira degmooyin aad looga baqo, kuwaas oo maamullada ka jira aysan xil iska saarin inay wax ka be delaan caqabadaha amni ee bulshadu ay dhibanaha u tahay.

Soomaalida dalka Kenya oo walaac ka muujiyay HADAL kasoo yeeray Raila Odinga

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa dhawaan meel fagaara ah tageerayaashiisa ugu sheegay in uusan aqoonsanayn madaxwaynaha tallada haya ee William Ruto iyo dowladdiisa.

Kenya oo ah dal ay ku nool yihiin Soomaali badan ayaa qaar kamid ah waxay walaac ka mujiyeen hadalka Odinga, iyagoo ka cabsi qaba in hadalkiisu uu rabshado Kenya ka dhaliyo oo ay dhacaan qalalaase siyaasadeed.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Nairobi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xilligaan aan lagu jirin waqti olole doorasho, balse ay tahay mid laga sugayo dowladda cusub in ay la timaado isbedel wax ku ool ah.

"Waxaa u arkaan hadalka kasoo yeeray Raila Odinga waa kasoo horjeeda sababta oo ah xiligaan laguma jiro olole doorasho, Odinga xiligiisa waa dhamaadeen in hadda fawdo iyo khal-khal amni dalka galiyo waxa kasoo horjeeda, waxaana ugu baaqi lahaa in ay dhibaatada wadanka ka daayan,” ayuu yiri wiil kamid ah dhalinyarada ku nool Nairobi oo la hadlay VOA.

"Xukun maxkamadeed in uu kasoo daba hadlo Raila Odinga ma ahayn, in uu sidaas u hadlo ceeb ayay ku tahay sharafkiisa, dadka Soomaali-Kenyanka ku nool Islii dan nooguma jirto qalalaasaha iyo dhibtaas.”

Kadib markii ay soo idlaatay doorashooyinkii guud ee dalka Kenya ka dhacay sanadkii hore, Rail Odinga ayaa qaadacay natiijadii guddiga madax-banaan ee doorashooyinka ugu dhawaaqeen Ruto in uu yahay madaxweynaha guuleystay.

Laakiin maxkamadda sare ee Kenya oo muddo laba toddobaad darseysay dacwada ay mucaaridka u gudbiyeen ayaa 5-tii bishii 9-aad waxay ku raacday guddiga doorashada natiijadii uu hore ugu dhawaaqay ee shahaadada guusha ku siiyeen madaxweynaha haatan talada haya ee William Ruto.

Odinga ayaa xiligaas sheegay in uu aqbalayo go’aanka maxkamadda, balse uusan ku raacsaneyn go’aanka ay gaartay. Raila ayaa waxa uu sheegay in isku soo baxyo kale uu qaban doono maalmaha soo aadan.

Raila oo ah nin saameyntiisa leh, haystana taageerayaal daacad u ah ayaa sii xoojineysa walaaca ay qabaan Soomaalida ku nool dalka Kenya.

DFS oo sheegtay in la dardar gelin do ono howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Waxaa weli dhaq dhaqaaaqyo ciidan iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka ay degaano la wareegayeen.

Taliyaha ciidanka dhulka XDS General Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in Cidianka xoogga dalka ay dar dar gelin doonaan howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab si guud ahaan dalka ay uga saaraan.

Taliyaha ayaa isaga oo Ciidamo farabadan kula hadlayay Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu sheegay in taliska ciidanka xoogga dalka ay marwalba garab taagan yihiin Ciidamada si ay u sii wiiqaan awooda Al-Shabaab.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliyaha ciidanka dhulka XDS General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kusoo aadaya xilli howlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen Ciidamada ay kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay gacata ku hayeen tobankii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab.

Taliska Booliska Koonfur Galbeed” Waa in laama ha amniga ka hortagaan weerar ada Al-Shabaab

Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Gaashaanle Sare Aamiin Mad Daruur ayaa Bulshada Magaalada Baydhabi iyo Gudoomiyayaasha Xaafadaha ugu baaqay in ay si dhow ula Shaqeeyaan Ciidamada Amniga.

Taliyaha oo Ciidamo iyo Saraakiil katirsan booliska kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu faray inay muujiyaan isku duubni, isla markaana ay ka hortagaan weerarada Al-Shabaab si bulshada ay amniga uga wada noolaadaan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in xilligaan Al-Shabaab ay yihiin kuwo aan laheyn awood badan, loona baahan yahay in sida dadka kunool Gobolada dhexe kunool oo kale ay isaga xorreeyaan ururka Al-Shabaab, hadii kale ay mid mid u dili doonaan.

Hadalka Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Gaashaanle Sare Aamiin Mad Daruur ayaa kusoo aadaya xilli siweyn loo adkeeyay amniga magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka socdaan shirar gooni gooni ah oo u dhaxeeya Madaxda Koonfur galbeed iyo mucaaradka Maamulkaas.

XASAN SHEEKH OO TALLAABO GEESINIMO LEH QAADAY XILLI AY AKOONADA DF FAARUQ YIHIIN

Inuu madaxweyne hore kusoo laabto xukunka Soomaaliya waxay ahayd wax aan loo fadhin ama saadaal khilaafaysa diiwaankii soo jireenka ahaa.

Laakiin maadama ay ugu dambeyn taas dhacday waxaa haddana timid dood ah muxuu madaxweynaha kusoo laabtay xafiiska ka dhigan doona bartilmaameedka koowaad.

Jawaabta weydiintaas waqti badan ma qaadan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu far-waaweyn ku qoray bartilmaameedkiisa koowaad oo ah "waa in la tirtiro Al-Shabaab”.

Kooxdan waa caqabada u weyn ee hortaagan Soomaaliya nabad ah, isku filan, caalamka uu maal-gashan karo oo dadkeenu dunida wax la qaybsan karaan.

Markii uu madaxweyne Xasan Sheekh hadafkiisa koowaad ka dhigtay dagaalka Al-Shabaab, waxaa durba dadka arrimaha dowladda Soomaaliya la socda isweydiiyeen maadama dhaqaale jirin sidee dagaalka loo wadi karaa?.

Dadka qaarkii waxay filayeen in Xasan Sheekh iyo dowladiisa marka hore dhaqaale raadis gali doonaan kadibna dagaal qaadi doonaan, laakiin Xasan fooda ayuu daray Al-Shabaab ayada oo akoonada faaruq yihiin, dowladduna ayna awoodin wax mushaar ka badan.

Waxay dadka qaarkii u arkayeen qaris ka-tuurnimo ama in saadka uu dhex ku dhamaan doono, laakiin 70% Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgadu ud ayuu Xasan Sheekh ka eryay Al-Shabaab isaga oo aan caalamka ka helin wax dhaqaale ah.

Xooga hub ah, farsamo iyo diyaaradaha wax duqeeya ayay saaxiibada caalamiga ah qaarkood ku kaalmeeyeen dagaalka socda.

Dalal badan oo kab iyo kaalmo maaliyadeed siin jiray Soomaaliya ayaa lacagahoodii la noqday kadib markii Soomaaliya ay gashay hubanti la’aan doorasho 2021-kii iyo horaantii 2022-ka.

Illaa haddana dalalka iyo hay’addaha caalamiga ah badankooda dib uma soo fasaxin dhaqaalahaas, illaa July 2023 ayay macquul tahay ayaa la leeyahay inuu garabka maaliyadeed ee dowladdu sidii hore kusoo laabto.

Sidoo kale dhamaadka 2023 Soomaaliya waxay sugaysa in deynta laga cafiyo, taas oo iyaduna wax ka badali doonta heerka dhaqaalaha ee dowladda iyo guud ahaan dalka.

Lacago la sheegay inay kasoo xaroodaan qaadka ka yimaada waddanka Kenya ayaa naloo xaqiijiyay in si joogta ah loogu adeegsado dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, oo uu madaxweynaha amray in xagga dagaalka loo leexiyo.Haddaba in Xasan Sheekh uu dagaal aado iyada oo akoonada dowladda faaruq yihiin maxay ka dhigan tahay?.

Dadka arrintaan lafa-guraya waxay ku tilmaamayaan garashada bartilmaameedka iyo go’aan geesinimo leh.

Haddii aad ogtahay in Al-Shabaab yihiin cidda hortaagan nabadda iyo dhaqaalaha dalkaaga oo walibana ay iyagu dhaqaale ahaan ku tiirsan yihiin baadda ay gudaha ka aruursadaan majirto sabab aad u dhowrato kaalmo ajnabi ayay ku hadal qabsadeen dadka gorfeynaya go’aanka Xasan Sheekh ee ah in aan dhaqaale la’aan loo fariisan.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale toos u weeraray dhaqaalihii kooxda Al-Shabaab, waxayna ahayd aragti kale oo xoojisay jabka kooxda.

Dad badan oo xogagaal u ah xaalka hoose ee dowladda Soomaaliya waxay hadda ku qanceen in dagaalka Shabaab uu ubaahna kaliya madaxweyne ay daacad ka tahay in dhibaatada kooxdan laga dulqaado shacabka Soomaaliyeed oo rumeysan in aanay jirin waddo kale oo umadda iyo dowladooda u furan.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Dawladaha Qatar & Soomaaliya oo ka Wada hadlay Arimo muhiim ah

Wasiirka Shaqada ee dalka Qatar, Dr. Cali bin Samiikh Al-Mari waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Shaqada

iyo Arrimaha Bulshada ee dalka Somalia, Biixi Iimaan Cigeh oo Boo qasho Rasmi ah ku jooga Caasimad da ah dalka qatar ee Doha.

Warkan oo aan ka soo xiganay Wakaallada Wararka dalka Qatar (QNA) waxay Labada Wasiir ka wada xaajoodeen Xiriirka labada dal, Iskaashiga Wadajirka ee Arrimaha la xiriira Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Hanaanka Taageerada iyo Horumarinta.

Waxay kaloo Dib-u-eegis ku sameeyeen Wada-shaqayn dhex marta Labada Wasaaradood ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somalia iyo Qatar.

Dhanka kale, Wasiir Biixi Iimaan Cige waxa uu ka qeyb galay Shirweynaha 42-aad ee Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalalka Carbeed oo Shalay ka furmay Caasimadda dalka Qatar ee Doha.

McCarthy oo xubno ay ku jirto Ilhaan Cu mar ka saaraya guddiyada Congress-ka Maraykanka

Kevin McCarthy, Afhayeenka Jamhuuriga ah ee Aqalka Hoose ee Congress-ka Marykanka ayaa toddobaadkan sheegay inuu saddex xildhibaan oo dimoqraadi ah ka hor-istaagi doono ka mid noqoshada guddiyada sirdoonka iyo arrimaha dibedda.

Saddexdan xildhibaan oo kale ah, Adam Schiff, Eric Swalwell iyo Ilhan Cumar ayaa go’aanka afhayeenka ku tilmaamay mid laga xumaado.

Xubnaha Aqalka Congaress-ka ee dalka Maraykanka ayaa isweydaarsaday haddallo kulkul oo ku aadan go’aanka McCarthy, iyadoo go’aankan uu imanayo laba sano kadib markii Dimuqraadiyiintu ay laba xubnood oo Jamhuuriya ka saareen guddiyo

Madaxda Suudaan Iyo Itoobiya Oo Ka Heshiiyay Muranka Biyaha Wabiga Nile

Abiy ayaa waxa uu sheegay in biyo xireenka wa biga Niil uusan "wax u dhimi doonin danaha Sudan, balse uu ka faa’iidaysan doono maamulka Khartoum dhanka korontada”.

11-kii bishan Janaayo, ayaa wasiirada arrimaha dibadda ee Sudan iyo Masar waxay ku heshiiyeen "in la sii wado wada tashiyada” ku saabsan biyo xireenka Itoobiya.

Maamulada Addis Ababa iyo Khartoum iyo Masar, ay aa waxaa u dhexeeya muran dheer oo ku saabsan bi yo-xireenka, kaasoo dowladda Sudan iyo maamulka Qaahira ay ka cabsi qabaan inuu yareeyo saamiga

ay ka helaan biyaha webiga Niil.


Dowladda Canada oo magacowday Ergayga Gaarka ah ee La-dagaalanka Islaam-Nacaybka

RW dalka Canada, Justin Trudeau waxa uu mag acaabay Ergaygiisa Koowaad ee Khaaska ee La-dag aalanka Islaam-Nacaybka, xilli ay dalkaasi dhawaa nahan ka dhaceen Weeraro ka dhan ah Muslimiinta ku nool dalkaasi.

Amira Elghawaby oo ah Saxafiyad iyo U-Ololeeye Xuquu qda Aadanaha ayaa loo magac aabay Xilka asi, iyadoo DFS ee dalka Canada ka la talinayso da daalka La-dagaalanka Islaam-Naca ybka (Islamopho bia), Cunsuriyada Nidaamsan (syst emic racism), Midabtakoorka iyo Dulqaad La’aanta Diimeed.

Amira Elghawaby oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Masar waxay Hooyadeeda Canada la tegtay iyadoo aad u yar oo 2 bilood jir ah.

Haatan waa Saxafiyad wax ku qorta Wargeyska The Toronto Star, waxay Shahaadada Digiriiga ee Saxaafada iyo Sharciga (Journalism and Law) la qaa datay Jaamacadda Carleton University sanadkii 2001-dii.

Amira Elghawaby waxay haatan degan tahay M/ Ottawa, waana hooyo xaas ah oo 3 carruur dhashay.

Dhanka kale, RW Canada, Justin Trudeau waxa uu u hambalyeeyey magacaabista Amira Elghawaby, isagoo sheegay inay tahay Tallaabo Muhiim ah ee La-dagaalanka Islaam-Nacaybka iyo nooc kasta oo Nacaybka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Sanooyinka la soo dhaa fay waxaa dalka Canada ka dhacay weeraro dhima sho badan dhaliyey oo lala beegsaday Jaalliyadda Muslimiinta ku nool dalkaasi.

Bishii June ee sanadkii 2021-dii, 4 qof oo Qoys Muslimiin ah ayaa lagu dilay, markii uu Dareewal jii rsiiyey Gaari Xamuul Gobalka Ontario ee dalkaasi.

Sidoo kale, 6 qof oo Muslimiintl ah ayaa la dilay, 5 kalena waa la dhaawacay kadib, weerar lagu qaad ay Masjid ku yaalla magaalladda Quebec.

Qoraalo ay Amira Elghawaby soo dhigtay Bartee da Twitter-ka waxay ku muujisay Liiska magacyada dadka Muslimiinta ee lagu dilay weeraradii u dambe eyey ee ka dhacay Canada

Waxay kaloo qortay inaan marna la hilmaami doonin Marxuumiintaasi.

Tanzania oo hoos u dhigtay Digiinta Safaarad Shisheeye

Boliska dalkaasi waxay si kulul uga jawaabeen war ka soo baxay Safaaradda Maraykanka oo ay ka ga digtay suurtogalnimada Weeraro ka dhaca gooba ha waa weyn ee dadka isugu yimaad aan, gaar ahaan magaalladda Dar es Salaam oo ah magaalladda Gan acsiga ee ugu weyn dalkaasi oo loo dalxiis tago.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Afhayeenka Boliska Tanzania, David Misime waxa uu ugu baaqay Muwaadiniinta dalkiisa inay is-dejiy aan oo ay sii wataan Hawl-maalmeedkooda caadiga.

Waxa uu intaasi ku daray inay Tanzania xor ka tahay nooc kasta oo Fal Argagixiso ah iyo in la hubiyey Amaanka iyo Badqabka.

Afhayeenka waxa uu ku booriyey dadka u dhash ay Tanzania inay soo sheegaan mar kasta oo ay hel aan wax ay ka shakiyeen ama ay arkaan qof kasta oo ay dabeecadiisa ka shakiyaan.

Waxa uu mar kale xaqiijiyey in cabsi kasta oo w eyn oo ay dadka ka walaacaan la xakameeyey oo ay ku hoos jiraan Kontoroolka (under control).

Hadalka Afhayeenka Boliska dalka Tanzania waxa uu soo baxay, kadib, markii ay Safaarada Maraykank a soo saartay Digniin dhanka Amaanka bishan January 25-dii.

Qoraal la soo dhigay Websaytka Safaaradda ayaa ka digay weeraro Argagixiso oo lala beegsado Goo baha ay inta badan isugu yimaadaan Muwaadiniinta Maraykanka iyo kuwa Reer Galbeedka ee ku sugan magaalladda Dar es Salaam iyo meel kasta oo Tanzania ka mid ah.Qoraalka waxa kaloo laga digay in la beegsan karo Hoteelada, Safaaradaha, Baa rarka, Xaruumaha laga Dukaamaysto, Suuqyada, Sal dhigyada Boliska, Go obaha lagu cibaadaysto iyo me el kasta oo ay inta badan dadka Reer Galbeedka isu gu tagaan.

Midowga Yurub oo dib u eegaya siyaasa daha ay kula macaamilaan muhaajiriinta

Wasiirada socdaalka ee Midawga Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Stockholm ee dalka Sweden si ay dib u eegis ugu sameeyaan siyaasadaha socdaal ka, gaar ahaan muhaajiriinta dib u soo laabanaya ee aan xaqa u lahayn in la siiyo magangelyada.

Shirkan ayaa loo arkaa kulan aan rasmi ahayn oo loogu diyaargaroobayo kulanka ay isugu imanayaan dhammaan madaxda 27-ka dal ee Midawga Yurub, bishan soo socota ee February 10-keeda, halkaas oo la filayo in arrimaha socdaalku ay xagga hore ka gal aan ajandaha laga wada hadl ayo.

Madaxa arrimaha gudaha u qaabilsan Midawga Yurub Ylva Johansson oo la hadashay warbaahinta, ka hor kul anka, ayaa sheegtay in Midawga Yurub uu arkay soo galooti "aan caadi ahayn” oo soo gaadhaya dalalka Yurub, kuwaas oo gaadhay illaa 300,000 oo muhaajir sannadkii hore. Midawga Yurub ayaa sidoo kale diiwaangeliyey illaa 974,000 codsi oo magangelyo doon ah.

Madaxa arrimaha gudaha ayaa sheegtay in tirada magangelyo doonku ay saddex laab ka badan yihiin, tirada muhaajiriinta ee caadiga ah, arrintaas oo cula ys badan saaraysa awoodaha soo dhoweynta ee mu haajiriinta, iyada oo sheegtay in qaar badan oo ka mida [muhaajiriintaasi] inaanay u baahnayn ilaalinta caalamiga ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xi gatay Qaramada Midoobay, in illaa 160,000 oo dad ahi inay sannadkii 2022 ka gudbeen badda Mediter ranian iyaga oo u gudbay dhinaca Yurub, kuwaas oo ka cararaya dagaalada iyo saboolnimada ka jirta Bariga dhexe, Afrika iyo Aasiya.

Dacwad laga gudbiyay Maamulka Madaxweyne Biden

Illaa Labaatan gobol oo ka tirsan Maraykanka oo leh xeer ilaaliyayaal guud oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa ku dacweeyay maamulka Biden, is bedellada waaweyn ee uu ku sameeyey siyaasadda socdaalka taasoo ay sheegeen, inay siyaasadda uu bedelay ay ka hortagaysay muhaajiriinta, balse ay weli u oggolaanaysay illaa 360,000 oo muhaajiriin ahi inay si sharci ah u soo galaan Maraykanka sannadkasta, kuw aas oo ka imaanaya Cuba, Haiti, Nicar agua iyo Venezuela.

Dacwadda, oo loo gudbiyay max kamad federaal ah oo ku taal Texas, ayaa ku eeday say maamulka Biden inuu si sabab la’aan ah u abu uray isbedellada uu sameeyey dhowaan iyo ka tallaabis awoodeed.

Hormuudka kooxda dacwadda gudbiyey waxaa ka mid ah xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Texan Ken Paxton, kaasoo hore ugu guulaystay inuu si ku meel gaar ah u joojiyo sharciyada cusub ee dhinaca socdaalka ee hoosyimaadda madaxweyne Joe Biden.

Waaxda arrimaha gudaha ee Mareykanka ayaan weli ka jawaabin tallaabadaan.

War murtiyeed laga soo saaray Shir weynahii Culimadda Soomaaliyeed ee ka

 socday M/ Muqdisho

Waxaa Shalay magaalada Muqdisho lagu soo ga bagabeeyay Shir weynahii Culimada Soomaaliyeed ee 23-kii bishaan uu daahfuray

madaxweynaha dowladda Fedara alka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ay ka qeyb ga leen Culimaa'udiin ka kala timid dalka gudahiisa iyo dibadiisa. Shirweynahaan Shalay usoo idlaaday
Hoos ka akhriso War murtiyeedka oo dhameystiran:-



 
 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip