Afar arrimood oo halis ku ah rajada gooni isu-taagga ee Somaliland (Fallanqeyn)

1
Thursday January 26, 2023 - 13:48:05 in Wararka by
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar arrimood oo halis ku ah rajada gooni isu-taagga ee Somaliland (Fallanqeyn)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Magaalada Laascaanood maalintii Isniintii kumanaan ruux ayaa banaanka iskugu soo baxday, dhaqanka sare ee beesha ayaa halkaas gaaray laakiin miisaanka isku soo baxa ayaa diray farriin ka baaxad weyn garaadka lasoo dhaweeyay.

Muddo bil ku dhaw xiisad ayaa ka taagan Laascaanood, Somaliland waxay u muuqata inay ku guul-dareysatay in ay xaliso xiisadda, dhowr isku day oo ay sameeyeen ayaa shaqeynin, wafdi heer wasiir ah oo Laascaanood usoo direen ayaa waji-gabax la noqday.

 

 

Bandhigii Isniintii ee Laascaanood ayaa waxa laga dhex akhristay afar arrimood,kuwaasi oo kala ah;

       1. Midnimo Soomaaliyeed:Dadka iskugu soo baxay magaalada Laascaanood intooda badan waxay siteen calanka Buluuga ah ee mideeynaya Soomaaliyadii xoroowday 1960-kii.

Ka sokow calanka dadkii goobta ka hadlay oo uu ku jiray Garaad Jaamac Garaad Cali waxay si cad u sheegeen in aanay iyagu marnaba diyaar u aheyn in Soomaaliya la kala jaro.

Reer Laascaanood waxay sheegeen inay weligood u dagaalamayeen in la helo Soomaali mideysan oo madax-bannaan, haddana aanay macquul ahayn in ay aqbalaan in Soomaaliya la kala jaro.

Dad tiradaas iyo dhulkaas haysta oo diiddan mashruuca gooni isu-taagga Somaliland waxay Hargeysa iyo inta gooni isu-taagga raadineysaba ku tahay farriin weyn oo aan u fiicneyn.

      2. Isbeddel Beeleed: Marar badan beesha deggan Laascaanood iyo deegaannada u dhow-dhow waxaa lagu eedeynayay inay yihiin dad siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba qeybsan, taasina ay tahay sababta ay u heli waayeen maamul gaar ah.

Laakiin tan iyo markii uu billowday kacdoonku illaa bandhigii Isniintii beesha deegaankaas deggan waxay muujisay in xooggooda uu hal dhinac yaallo oo ay markaan u mideysan yihiin inay wax ka badalaan xaaladda.

 

Inkasta oo siyaasiyiintu ay weli maamullo kala duwan taabacsan yihiin haddana ganacsatada, dhaqanka, dhallinyarada iyo guud ahaan shacabku waxay muujiyeen in uu xooggooda hal dhinac jiro.

       3. In Laascaanood aanay ku jirin gacanta Somaliland: Bandhigii Isniintii wuxuu caddeeyay in Somaliland gacanteeda laga maroojiyay magalaada Laascaanood ciidan ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba.

Tirada dadkii soo baxay, calanka Soomaaliya oo meel walba laga suray, ilaalada oo beesha ka socotay iyo kalmadihii meesha laga yiri oo dhammaan diiddana Somaliland ayaa Soomaalida kale iyo Beesha Caalamka u caddeysay in Laascaanood ay hadda si gaar ah u nooshahay.

 

4. Suurta-galnimada in beelo kale kacaan: Marar kala duwan waxa soo baxay warar sheegaya inay jiraan beelo kale oo iyaguna diidan qorshaha goonni-isutaagga ama wax ka tabanaya hoggaanka Muuse Biixi Cabdi.

 Bandhiga Laascaanood iyo sidii ay dadkeeda u bareereen waxay keeni karta ayay leeyihiin fallanqeeyayaashu inay beelo kale iyaguna ku kacaan maamulka, taasi oo hadday dhacdo sii dhaawici karta rejada Somaliland ee gooni isu-taag la aqoonsan yahay.

Dadka reer Laascaanood weli waxa u socda wada-tashi iyo abaabul, Somaliland-na weli ma hayso xal ka duwan is-maquunin, taasi oo u muuqata mid aan xal u keeni doonin maamulka iyo deegaanka intaba.

By:-Abdullahi Osman Farah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip