HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 26-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Thursday January 26, 2023 - 08:22:13 in Wararka by
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 26-KA JANNAAYO 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xamza oo Muqdisho ka daahfuray mash ruuc ay ku kaceyso malaayiin dollar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Shalay magaalada Muqdisho ka daahfuray Mashruu ca Barwaaqo oo ay ku kacayso Malaayiin dollar.

Mashruucan ayaa waxaa fulineyso Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaa laha, oo kaashaneya Baanka Adduunka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaa raha.

Masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha qaabka looga faa’iide ystay wejigii hore oo la oran jiray Biyooley iyo barna amijyada u qorsheysan shanta sano ee soo socota, iyada oo wejigan ay ku jirto daryeelka deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa mash ruucan ku tilmaamay "fursad aan uga faa’iideyn kar no dadkeena iyo xoolaheena” si aanay biyo la’aan ugu dhicin.

"Maadama la galay xilli Jiilaal ah oo adag, oo ay ta hay in loo diyaar garoobo, waxaan mashruucan uga faa’iideysaneyna si ay biyo la’aan u dhicin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in wejiga hore si wanaagsan looga faa’iideeyay shacabka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku ammaanay masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta.

Mashruuca Barwaaqo ayaa socon doona muddo sanooyin ah, ayada oo ay ku baxayso lacag malaayi in dollar ah, wuxuuna xoogga saaraya horumarinta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaybaha ku dhaqan miyiga, Beeraleyda, Xoolaha iyo Deegaanka.

Sheekh Bashiir oo sheegay waxa ay ka dhigan ta hay la-macaamilka Al-Shabaab

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo kamid ah Cul imada Soomaaliyeed ee qeybta ka ah shirweynaha ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxa uu she egay in la-macaamilka Shabaab uu xaaram yahay Diin ahaan.

Sheekh Bashiir ayaa xusay in Shabaab ay shaqadooda tahay dilka iyo dhaca umadda Sooma aliyeed, sidaas awgeed uu d embi weyn yahay qofkii kaalmee ya kooxda ee xoola siiya, kaasi oo ka dhigan in uu qeyb ka no qday gumaadka dadka aan wax Shalaysan, sida uu hadalka u dhigay.

"Nimankaas la-tacaamulkoodu Diini ahaan iyo Waddaniyad ahaanba waa xaaraam, wax kale uma joogaan oo waxay ka shaqeynayaan in ay meel wax dhigaan oo loo layn lahaa dad Muslimiin ah oo wax ba Shalaysan. Diinteena muqadaska ah wey xaaraam tiyeysay in qofka dambiilaha ah lagu kaalmeeyo dam biga,” ayuu yiri.

"Wanaagga isku kaalmeeya laakiin ha isku kaalm eynina dambiga Ilaahay laga galayo iyo xad-gudubka dadka lagu xadgudbyo, nimankaan Diintii meel ayay kaga dhacayaan oo dadkiina waa ku xad-gudbayaan. Haddii la siiyo xoolo la siiyo, baad la siiyo ama waxay ku magacaaban Zako la siiyo kuligeed kaalmo ayay ahaaneysa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in awoodda Shaba ab xilligaan la arkay, ayna tahay in loo wada midoo bo la-dagaalanka kooxdan oo sanadihii u dambeeyay dhib farabadan u geysatay bulshada Soomaaliyeed.

"Shalay maalinteedii ma ah, oo Shalay waa maalin nimankii cabsidooda la tijaabiyay oo awoodooda ay burburtay oo dagaal ku socda, qofka Shalay lacag la weydiiyo ee laga baaddayo waa qof aan wax ogeyn oo doqon ah wixii hore Allaha naga dhaafe hadda fursada iyo jaaniska waa salaxan yahay waa in ha lmar Maya la wada yiraahdo oo loo diido lagana joo jiyo.”

Dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda qe ybo badan oo dalka ah ayaa tan iyo markii uu billow day waxaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, ay ada oo lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dagaalka tooska ah barbar wada dadaalo ay ku dooneysay sidii ay ku wiiqi laheyd awooda dhaqaale ee Shabaab, waxaana bilihii dambe si weyn hoos u gu dhacay lacagaha baadda ah ee kooxda ka qaadi jirtay ganacsatada, gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Koonfur Galbeed iyo waxa xiga

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa weli ka socdo shirweynaha dib u heshiisiinta ee Koonfur Galbeed, kaas oo u dhexeeyo maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka ku ah ee maamulkaasi.

Maxamed Xuseen Xasan (Joon) oo kamid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbe ed oo la hadlay Telefishin ka Universal ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay shir ka ka socdo Baydhaba iyo natiijada illaa iyo hadda la ga gaaray, maadaama wada-hadalladu galeen hal todobaad.

Siyaasigan ayaa shaaca ka qaaday in wejiga koowaad ee shirka uu weli socdo, isla-markaana lo oga hadlayo tabashada mucaaradka iyo dhacdooyin kii u dambe eyay.

"Maalmahan waxaa socday wejiga koo waad ee dib u heshiisiinta oo looga hadlay ey tabashooyinkii ay qabeen siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed oo ay hoggaamina yaan Midowga Musharixiinta,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah Maxamed xuseen Xasan (Jo on).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wejiga laba ad oo ah mid muhiim ah la guda-geli doono todobaadka soo socdo, isla-markaana looga hadli doono arrinta doorashada.

"Arrinta ku saabsan siyaasadda iyo doora shooyin ka waa innoo dhiman tahay, waana ku ballan sanah ay in la galo isbuuca soo socda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Joon ayaa sidoo kale xusay in waxa shirka kaliya ay noqon doonto in la jaan gooyo doorashada, si loo ga gudbo xiisadda kala dhalatay muddo kororsiga Lafta-gareen.

"Waxaan rajeyneynaa muddo xileedka madaxwey naha sida uu u dhammaaday, isla-markaana doora sho lagu jiheyn doono gogoshaas” ayuu markale yiri.

Koonfur Galbeed ayaa haatan ku jirto xaalad kacsan aan ah oo ka dhalatay doorashada maamulkaasi, ka dib markii ay isku qabteen madaxtooyada iyo xubna ha mucaaradka ah.Xigasho:-caasimadda.net

Culimada ku shirsan Xamar oo caddeey ay xukun ka sharciga ah ee Al-Shabaab

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii 3xaad ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa waxaa lagu cadeeyay xuku nka sharciga ah ee Al-Shabaab.

Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo shirka ka hadlay ayaa ugu horeyntii waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwa ku socda "dariiq halowsan oo aan aheyn Islaamka saxda ah.” Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay tahay Khawaarij, ayna tahay in loogu yeero marka la eego dhinaca gaaleysiinta Muslimiinta, ku dhiirashada dhiigooda iyo hantidoo da.

"Hadda ka qiimeyno dhanka kale ee waxay same ynayaan waxa ay u eegyihiin dawaa’if kale oo kuw aas ka duwan, waxay dhaqanka aad ugu eegyihiin niman la yiraahdo Al-Xashaashiin ee Ismaacilayada ahaa ayaa dhaqanka noocaan ah lahaa in dadka masaajida lagu laayo oo waxay gaadheen in illaa Salaaxudiin Al-Ayyubi ay gurigiisa galaan oo u muu jiyaan in uu ‘muhadad yahay’,” ayuu yiri.

Sheekh Cismaan Usuuli ayaa sidoo kale iftiimiyay in xaq uu yahay dagaalka lagula jiro Shabaab, ayna tahay in culimada ay ka qeyb qaadato dagaalka ay ku cadeynayaan xaqa maadama kooxdan ay fikir qa ldan ku duufsadeen dad dhalinyaro ah.

"Laba aan u kala qaadno Shabaab, ninka qoriga qaatay ee duurka galay oo raba in uu umadda laayo kaas sharcan iyo caqlan xukunkooda waa in la iska dhiciyo cid isweydiineysa malaha, dowladda ka mas uul ah oo ayada qori u qaatay Allaha kheyr ha siiyo ciidamada waa kuwa furinta ku jira, Ilaahay ha ku gar ab-galo dowladda,” ayuu yiri.

"Waxa jira kuwa aan dagaalka ku jirin oo fikir ahaan iska aaminsan oo meel kasta jooga kuwaas anaga ayay masuuliyadooda na-saaran tahay. Qolo oyinka afkartaas wata ee mugdiga kula jira, anaga in aan Ilaahay ugu dhawaano weeyi, masuuliyadaas waa la isweydiinaya.”

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen culimo gudaha dalka iyo dibadda isaga kala timid ayaa waxa uu ku saabsan yahay doorka culimada ee la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab, inta uu socdana waxay dood ka yeelan doonaan saddex qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Sixida faham ka saxda ah ee Diinta Islaamka

Sharciyad siinta dowladda: Xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah iyo

Dhisidda Golaha Sare ee Culumada Soomaali yeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.

Si kastaba, shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa wuxuu muhiim u yahay jiheynta dalka, ayada oo culimadu kasoo saari doonto bayaan guud oo ku socda madaxda do wladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo shacabka.

Shirka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fed araalka Soomaaliya Abshir Axmed Haruse, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho, uga furay Shirka Han naanka Xaqiijinta Shuruudaha looga baahanyahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka gobaleedka Iskaa shiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (The East African Community-EAC) ayaa dha waan bilowday hannaanka sida rasmiga ah loogu aqbalayo dalka Soomaaliya inuu xubin buuxda ka noqdo ururka, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu balaariyo fursadaha dhaqaale ee gobolka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka socota Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana looga hadlayaa sida ugu fudud ee Soomaaliya uga mid noqon karto Ururka iyo arrimo kale.

Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sharaxay Ahm iyadda Shirka Shalay ka furmay Muqdisho, wuxuu na sheegay in Shirkaan laga ogaan doono halka ay Shalay ka taagan tahay ku biirista Ururka.

Hey’adda duulista hawada Soomaaliya oo Hab een hore gaareysa guul taariikhi ah

Hawada Soomaaliya ayaa heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka, muddo dheer ayey dowladda Soomaaliya u soo xusul duubeys ay aqoonsiga ay he shay Habeen hore, s ida uu shaaciyey Maareeyaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Maareeyaha hey’adda duulista Axmed Macalin Xasan oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in qiimeynta isku laheynta duulimaadyada caalamka ay Soomaaliya ka joogtay heerka ugu hooseeya, balse wixii Habeen hore ka dam beeya ay Soomaaliya ku biirtay wadamada ugu sar eeya.

"Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee lasoo dhaaf ay waxay joogtay qiimeynta caalamka heerka ugu hooseeya, Habeen hore ayaan ku guuleysanay in aan gaa rno heerka ugu sareeya qiimeynta caalamka,” ayuu yiri Maareeyaha hey’adda duulista rayidka Soomaa liyeed.

Axmed Macalin ayaa sheegay in mudo hal sano ay hey’addu ka shaqeyneysay in heerkaan ugu sare eya qiimeynta duulimaadyada caalamka au soo gaar to, isla markaana ay hadda taas ku guuleysteen.

"Bahda hey’adda duulista rayid Soomaaliyeed waxay Habeen hore ula mid tahay habeenkii ay Soomaaliya xorni mada qaadatay, waxaa mira-dhalay dadaalkeenii, kel igeena maahane Habeen hore dunida oo dhan ayaa nala dabaal-degeysa,” ayuu yiri Maareeye Axmed Mac alin.

Mar la weydiiyey caqabadaha ay markii hore ku qabeen qiimeyntii heerkeedu hooseeyey ayuu she egay in duulimaadyada qaar ay ka wareegsa jireen hawada Soomaaliya, maadaama qiimeynta heerka badqabkeedu uu hooseeyey.

"Lacagtii aan soo saari jirnay in ka badan ayaan soo saari doonaa, diyaarado badan oo hadda ka lee xda hawada Soomaaliya ayaa soo mari doona haw adeena,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.

Wadamo, hey’ado, shirkado duulimaad iyo ururro caalami ah ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyeen inay soo gaarto heerkaan.

"Tani waxay ka dhigan tahay Soomaaliya Habeen hore wixii ka dambeeya waxay awood u leedahay inay maamu lato hawadeeda, waxaa la aqoonsaday inay heysato quburo ku filan, waxaana guushaan ka shaqeeyey qu buro Soomaali ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Galmudug oo jaadka ka mamnuucday in la geeyo furimaha dagaalka

Wasaaradda amniga gudaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka mamnuucday deegaannada ay howlgalalda ka dhanka ah Al-Shabaab ka socdaan in la geeyo Qaad/Jaad, sababo la xiriira caqabad uu ku yahay howlgallada socda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa looga di gay ganacstada, gaadiidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta qaad degaannada iyo degmooyinka ay ka socdaan howlgallada dib u xoreynta Galm udug, sida Xarardheere, Ceel dheer, Galcad iyo deegaannada hoos taga.

Wasaaraddu waxa ay ogeysiineysaa dhinacyada kor ku xusan in gaarigii lagu qabto isagoo wado Qa ad/Jaad ay dowladda Galmudug la wareegi doonto, Qaadka saaran la gubi doono, wadaha gaarigana uu ciqaab adag la kulmi doono.

Ugu dambeyn, waxa ay wasaaradda amniga farey saa laammaha ammaanka Galmudug in ay ka how lgalaan dhaqan-gelinta amarkaan, gacantana kusoo dhigaan cid walba ee u hoggaansami weyso.

Ammarkaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galm udug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Quburo amni iyo mas’uuliyiin dowladeed ay sheegeen in Cii damada howlgallada kujira ay habeenkii jaadka aad ugu dhafraan, balse xilliyada dambe ee habeenkii markii ay seexdaan ay weeraro xoogan kala kulmaan Al-Shabaab.

Taliska xoogga dalka oo war kasoo saaray arrin laga faafiyey ciidanka ka yimid Eritrea

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomalaiyeed ay aa war ka soo saaray hadalheyn ka dhalatay rasaas xoog leh oo saacadihii lasoo dhaafay laga maqlay xerada ciidamada xoogga ee Jeneraal Goordan ee Muqdisho.

Warar aad loogu faafiyey baraha bulshada ayaa tilmaamayey in ciidamadii tababarka ku soo qaatay dalka Eritrea ee Muqdisho la keenay ay dagaal gale en, kadib markii ay gadoo een.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa war ka soo saa ray arrintaan, waxaana qor aalka ka soo baxay lagu cadeeyey in wax dagaal ah aysan dhicin ee xabada ha la maqlay ay ahaayeen dabrid ama carbis ay sam eynayeen ciidanku.

"Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa uu dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ah aan kuwa ku sugan caasimmada gobalka Benaadir ee Muqdisho la socodsiinaya in rasaastii Shalay ay maqlayeen ay tahay dabrid iyo carbis ay sameynaye en cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soom aaliyeed, kuna sameenayeen guddaha Dugsiga Tababarka General Goordan XDS,” ayaa lagu yiri qor aalka taliska ciidanka xoogga dalka.

Dab ridkaan ayaa ka dhacay xerada ciidamada xoogga Soomaaliya ee Jeneraal Goordan oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halkaas oo tababarro yaryar oo barashada shuruucda ciid amada qaranka ay ugu muhiimsan yihiin ciidanka lagu siiyo.

Xerada Jeneraal Goordan waxaa lagu xareeyey oo degan kumanaan ciidan ah oo dhawaan laga soo daabulay dalka Eritrea, halkaas oo tababar adag oo afar sano ah ay ku soo qaateen.

Cidiankaan oo gaaraya shan kun oo askari ayaa waxaa weli socota soo daad-gureyntooda, waxaana la sheegay in dhamaadka bishaan lasoo dhameys tirayo.

Labo maalin ka hor dowladda Soomaaliya waxay ciidanka ATMIS ka saartay xeradii Maslax ee degm ada Heliwaa, halkaas oo la dejinayo cutubyo ka tir san ciidankaan ka imaanaya dalka Eritrea.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dishay in ka badan 300 oo Shabaab ah

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo Shalay shir jaraa’id u qabtay Wa riyeyaasha, isaga oo uu hareer taagan yahay Erg eyga Midowga Afrika ayaa ka warbixiyay howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Daa’uud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in ciidam ada dowladda ay guullo waaweyn ka gaareen howl gallo ka dhacay Galmudug, HirShabelle,Koonfur Galbe ed iyo Jubbaland.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga kala dhacay gobol lada Galgaduud, Mudug, Shabeelaha Dhexe, Sha beelaha Hoose iyo Baay, sida uu sheegay Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in howlgallad as lagu dilay in ka badan 300 oo xubnood oo ka tirs anaa kooxda Al-Shabaab, isla-markaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda.

"Isu-geynta tirada Khawaarijta laga dilay howlga lladii dhacay todobadii maalmood ee la soo dhaafay waxay gaareysaa 323 xubnood,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabo oyinkan ay muujinayaan in dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ay guul weyn ka gaareen dagaal ka Al-Shabaab"Taas waxay muuj ine ysaa in ciidamada dowladda oo kaashanaya shac abka ay horumar weyn ka gaareen dagaalka lagula jiro Khaw aarijta,” ayuu mar kale raaciyay. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgall adan ciidam ada huwan ta ay kooxda Al-Shaba ab uga soo furt een hub iyo gaadiid dagaal.

Dhanka dowladda waxa uu xaqiijiyey in ay 7 askari uga dhinteen weerarkii Galcad, kaas oo uu ku jiro tali ye ku xigeenkii ciidanka Danab iyo 5 askari oo looga dilay weerar kale oo ka dhacay deegaanka Xawaad ley kaas oo isna ku jiro sarkaal sare oo la yiraahdo Shataqey.

Wasiir Daa’uud Aweys oo sii hadlaya ayaa sha aca ka qaaday in howlgalladu ay ka sii billowdeen Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, ayada oo laga duul ayo baaqii madaxweynaha.

Illaa 10 deegaan oo ka tirsan maamullad aas ayuu xaqiijiyay inay soo galeen gacanta dowladda, wax aana ka mid ah deegaanadaas Janaay Cabdalle oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Aqoonyahannada Reer Aw Xasan oo dig niin ka soo saaray doorashada kursiga HOP86

Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan ayaa war-saxaafade ed ay Habeen hore soo saar een uga digay farogel in iyo xadgudub ay sheegeen in madaxda sare ee dalka ay ku hayaan doorashada kursiga xildhibaan ee beeshan ee HOP86.

Kursigan ayaa ah midkii uu ku guuleystay taliyihii hore ee Nabad-sugidda Fahad Yaasiin balse ay dii deen guddiga doorashada, haddana la qorsheeyey in dib loo doorto dhowaan.

Si kastaba, Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan ayaa shaaca ka qaaday in madaxda sare ee dalka iyo wasiirka waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo beesha kasoo jeeda ay doonayaan in kursiga loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

Hoos ka aqriso qoraalka golaha.

Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan waxay aad uga xun yihiin in xafiisyada ugu sarreeya dalka ay faragelin toos ah ku hayaan xal u helista arrimaha ku gadaaman Kursiga ay beeshu leedahay ee tirsigiisu yahay 86.

Waxaa noo muuqata in hannaanka haatan la doonayo waxyaabihii ka dhashay doorashadii kurs igan in lagu xalliyo inay tahay mid aan caddaalad ku dhisnayn, iyada oo la doonayo in awood qeybsiga reerka lagu xadgudbo, loona xiro Musharax ay wada to kooxda haatan haysa talada dalka.

Waxaan ka digeynaa tallaabada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Waxbarashada Fed eraalka ay ku doonayaan inay ku afduubaan rabitaan ka jifooyinka iska leh kursigan, waxaana cod dheer ugu sheegeynaa in odayaasha dhaqanka ee beesha kursigan iska leh ay u madax bannaan yihiin hanna anka xulista ergada iyo in ay qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxaan caddeynaynaa in kursigan oo kamid ah aa kuraasta fara ku tiriska ah ee sida hufan loogu tar tamay loo dhigtay isbaaro siyaasadeed, sidaas dar teedna aan la aqbali karin in mar kale lagu xadg udbo xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee saami qey bsi ahaan uu ka dhaxeeyo kursigan.

Waxaan ku wargalinaynaa qeybaha kala duwan dhaqanka beesha iyo daneeyeyaasha arrimaha doo rashooyinka inay si dhaw isha ugu hayaan habdhaq anka ugubka ah ee ay ku kacayaan masuuliyiintii dal ka ugu sarreysa kuwaasoo doonaya inay wareegto ku magacaabayaan musharax iyaga xulafo la ah.

Waxaa jira hanjabaado toos ah oo loo diray odayaa sha dhaqanka beesha iyo aqoonyahanno kala duwan oo arrimaha kursigan ku diidan qaabka uu doonaayo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wixii dhibaato ah oo soo gaar

ana isagaa masuuliyadda qaadaya.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Puntland oo Goob fagaaro ah ku burbu risay waxyaabaha maanka dooriya

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Puntland ayaa goobjoog ka ahaa goob fag aaro ah oo lagu burburiyay Khamri Gaaraya ilaa 850 Dhalo iyo xashiish Dhan 26 Duub.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay Cii damadii khamrigan tirada badan iyo xashiishadan ummadda ka soo qabtay.

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa Waalidiinta ugu baaqay inay Gurya hooda,Gadiidkooda iyo Caruurtooda la socdaan si waxay quudanayaan iyo sadaqada ay la baxayaan xalaal ugu noqoto.

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xuseen Cali ay aa sheegay in Gurigii dambe ee lagu qabto Mand ooriye inay dowladu la wareegayso sida Gaadiidkii lagu qabtay Mandooriyahan Dowladdu ula wareeg tay.

Puntland ayaa sanadihii la soo dhaafa dagaal ad ag kula jirtay Maandooriyeyaasha kala duwan, waxa ana dhowr jeer la xiray dad lagu qabtay maandooriye iyo kuwo ka Ganacsanayay.

laba Ruux oo lagu dilay Buulo-Burde & faah faahin laga helayo

Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa Shalay degmada Buulo-Burde waxaa ay kudileen laba ruux halka mid kale ay ku dhaawaceen, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

labada Ruux ee la dilay ayaa goobjoogayaal shee geen inay kala ahaayeen Nin katirsan Cii damada Mabad sugida M/Beled weyne, balse fasax ku jo ogay degmada Buulo-Burde & qof Shacab ah aa oo la socda halka qof kale la dhaawacay, kaas oo Mooto Bajaaj ku waday.

Ciidamo katirsan laamaha Amniga Buulo-Burde ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka labada Ruux iyo dhaawaca qofka kale balse aysan ku guuleysan inay qabtaan ragga dilka geystay.

Wararkii ugu dambeeya6 ee naga soo gaaraya de gmada Buulo- Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa she egaya in Ciidamadu ay wadaan howlg allo kala du wan oo ay amniga ku xaqiijinayaan maadaama dil uu ka dhacay degmadaas.

Ruwanda oo toogatay diyaarad laga leeya hay DR Congo iyo xiisad ka dhex bilaab aday labada dal

Dowladda Rwanda ayaa sheegay inay ‘qaadday tallaabo ay isku difaaceyso’ oo ka dhan ah diyaarad ay leedahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ‘oo kusoo xadgudubtay hawadeeda’ Talaadadii.

Sawirro lagu baahiyay bar aha bulshada ayaa muu jin aya diyaarad militeri oo la toogtay xilli dul marey say inta u dhexeysa hawada Goma ee DR Congo iyo magaalada Gisenyi ee dhinaca Rwanda.

Sawirro kale ayaa muujinayay diyaaradda oo bu rburtay-taasoo nooceedu ahaa Sukhoi-25 laguna soo sameeyay Soofiyeet xilli biyo lagu daminayay dab ka kacay diyaaradda garoonka diyaaradaha ee Goma.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaaf inta ee DR Congo ayaa lagu cambaare eyay dhacdada.

Waxayna beeniyeen in diyaaradda ay dul mareysay hawada Rwanda.

Masuul Soomaali ah oo loo magacaabay mid ka mid ah xilalka u sarreeya ee dowladda Itoobiya

Wareegto Shalay kasoo baxday Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Ciid Daahir oo kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida loo magacaabay Madaxa Hay'adda Maalgashiga ee dalka Itoobiya.

Cabdiraxmaan Iid Daahir ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumadda degaanka Soomaalida, isagoo markii u dambeeyay ku xigeen ka ahaa Xafi iska Shalay looga dhigay Madaxa, horey waxaa Xafii skan Masuul ka ahaa Maamo Hibrat oo dhawaan Abiyi Axmed u magacaabay Madaxa Bangiga Qaranka ee Itoobiya.

Magacaabistan ayaa kusoo haga agaysa xilli Ra'iisal Wasaaraha Ito obiya Abiyi Axmed uu horey u she egay inuu isbaddal ku samayn doono qaar kamid ah hoggaaminta xuk uumaddiisa.

Masuulkan Shalay xilka loo magacaabay ee Ca bdiraxmaan Iid Daahir ayaa kamid noqonaya dhowr masuul oo kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaa lida kuwaas oo haya qaar kamid ah xilalka u sarre eya ee dowladda Itoobiya.

Cabdiraxmaan Ciid Daahir ayaa ah wiil uu dhalay Ciid Daahir oo kamid ahaa Madaxweyna yaashii hor ey u soo maray xilka Madaxweynimo ee dowlad deg aanka Soomaalida.

Madaxweynaha Masar oo lagu soo dha weeyay dalka Hindiya

Madaxweynaha dalka Masar C/Fataax Alsisi ay aa ka degay Caasimadda dalkaasi ee New Delhi, wa xaana si diiran u soo dhaweeyey Ra’isul-wasaare Narendra iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda dalkaasi Hindiya.

Madaxweynaha Masar waxa uu noqday Hoggaa miyihii u horeeyey ee dalkaasi u tegayMunaa sabad aha Maalinta Xorri yada ee Jamhuuriyadda Hindiya (India’s Republic Day celebrations) oo isb uucan loo dabaal degi doono.

Wafdiga Madaxweyne Al-sisi oo ay ka mid yihiin 5 wasiir iyo Saraakiil Sarsare waxaa Shalay Munaasa bad Soo-dhaweyn ah loogu sameeyey Guriga Haw eeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Hindiya, Droupadi Murmu.

Qaabilaadaasi waxaa kale oo joogay RW Naren dra Modi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Cii ddan Masaari ah ka qeyb galeen Salaan Sharafta lagu soo dhaweeyey Madaxweyne C/Fataax Al-Sisi.

” Hindiya iyo Masar waa Labo ugu da’da weyn Ilba xnimada Caalamka, waxaan leenahay Xiriir Taariikhi ah, iydoo uu xiriirkeena sii xoogeystay dhowrkii sano ee la soo dhaafay” ayuu yiri RW Narendra Modi.

Dhanka kale, Madaxweynaha Masar iyo RW Hindi ya waxay yeesheen Kulan looga hadlay Xiriirka lab ada dal oo ay ku jirto La-dagaalanka waxa loogu yee ro Argagixisada, Arrimaha Caalamka iyo kuwa Man diqada.

Si kastaba ha ahaatee, Shalay oo ay Taariikhdu tahay 25-ka January waxay ku beegan tahay 74-gu uradii ka soo wareegtay Maalinta Xorriyada ee dalka Hindiya.

Xukuumada, mucaaradka iyo madax dhaqameed ka Somaliland oo si isku mid ah uga hadlay arrin ta Laascaanood

Xukuumada, madaxda mucaaradka, qaar kamid ah madaxda dhaqanka iyo saraakiil kale oo warb aahinta si wada jir ah ula hadlay, ayaa sheegay in loo bahanyahay in xal wax ku oola laga gaadho arri nta Laascaanood.

Wasiirka Waraada Bi ya ha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa shee gay in xukuumadu ay rabto in ay gogosha xal u helista arrinta Laascaanoodbalaadhiso, isla marka ana talo loo dhanyahay xalka lagu galo.

"Xukuumadu markii horena iskuma koobin imika na iskuma koobayso, waxay ila tahay in gogosheedu ay balaadhantahay, oo la balaadhiyo oo talo qaran laga yeesho, xisbiyada mucaaradka ahna kaalin baa uga furan in ay kasoo qaybqaataan talada" ayuu yidhi Cali Mareexaan.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xa san, ayaa soo jeediyay in talo midaysan laga yeesho xaalada Laascaan ood, isagoo madax dhaqameedka usoo jeediyay in ay Laascaanood tagaan.

"Madaxda dhaqanka waxaan usoo jeedin ayaa in ay baaq midaysan, oo urursan oo midaysan Laasca anood ay la tagaan, oo ay kaga qayb qaataan qadiy ada iyo dajinte eda" ayuu yidhi Xirsi.

Musharaxa Madaxweyna ha Xisbiga Waddani Ca bdiraxmaan Maxamed Cab dill aahi Cirro, ayaa shee gay in mucaaradku ay diya ar u yihiin in ay qaybtooda ka qaataan xal u helista xaa lada Laascaanood, waxa anu madaxweynaha ku eed eeyay in uu wali doorkiisii maqanyahay.

"Hore ayaanu u sheegnay in aanu diyaar u nahay in aanu qayb ka noqono, qarani madana is garab ta agno, lakiin arrint aasi xal ayay u baahantahay kama danbaystii, waxanan isleeyahay wali waxa maqan kaalintii madaxweynaha" ayuu yidhi Cirro.

Mudaharaado Laascaanood ka qarxay dhamaad kii bishii hore, ayaa isku badalay doonis ay shacabka magaalada iyo cuqaa sha deegaanadaasi ay ku doonayaan in ay ku yagleelaan maamul Somaliland ka madaxbannaan.

DDS oo beeni say inay jiraan dad gaajo & harraad ugu dhintey tuulooyin hoosta ga D/ Ceelkarri ee G/Afdheer

Xukuumadda dowlad degaanka Soomaal ida ayaa waxba kama jiraan ku tilShalayy warar maali nimadii Dorraad lagu baahiyay Warbaahinta oo sheegayay in degmada tuuloo yin hoostaga degmada Ceelka rri ee gobolka Afdheer ay aba arta hal kaa ka jirta darteed dad badan ugu geeriyoodeen, sida ay sheegeen dadka ku dhaqan degmada Ceel karri.

Haddaba Guddoo mi yaha degmada Ceelk arri Ax med deeq Gaa bow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin dhima shada la lee yahay dad ayaa gaajo darteed ugu geeriyoodeen tuu looyin hoostaga degmada Ceelkari, guddoom iyuhu wuxuu qiray inay jirto Abaar daran balse waxa uu be eniyay in Abaarta jirta iyo gaajo darteed ay dad ugu dhinteen tuulo oyinka hoos yimaadda degmada Cee lkarri.

Dhinaca kale guddoomiyuhu waxa uu xusay inay degmada Ceelkarri iyo tuulooyin hoos yimaadda ay wakhti xaadirkan ka jirto Abaar daran oo isku bada shay macaluul, isla markaana waxyeelaysay dad iyo duunyaba, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay inay xaaladaha ay keenayso Abaarta ka jirta aagaas ay yihiin kuwo ay Xukuumadda degaanka Soomaalidu la socoto, oo hadba waxay dadkaasi u baahan yihiin oo gargaar iyo gurmad kaleba la gaarsiiyo, waa si duu hadalka u dhigay Guddoomiyaha degmada Ceelkarri Axmed deeq Gaabow.

Ugu dambayn guddoomiyaha ayaa xusay in xaa ladda Abaareed ee ka jirta degmada Ceelkarri ay siy aasadaynayaan dad uu ku sheegay inay la shaq eeyaan cadow shisheeye, waa siduu hadalka u dhig ay Axmed deeq Gaabow Guddoomiyaha degmada Ceelkarri.

Meelo kale duwan oo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka jirta Abaar si xooggan u saameysay dad iyo duunyaba.


Arrimaha aan weli lagu baraarugsaneyn ee soo cel-celiya gubashada Bakaaraha

Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa saddex habeen kahor gubtay markale, dab socday ku dhawaad saddex saacadood oo aan la ogeyn wa xa uu ka billowday ayaa galaaftay hantida ganacsato badan oo ah kuwa danyarta ah ee suuqa Bakaaraha.

Gaadiidka Dab-damiska ee shirkada Hormuud, dad aal ay sameeyeen ganacsato kale iyo dowladda ho ose ee magaalada Muqdisho ayaa sababay in dabka la damiyo, wallow dad Dorraad xoolo haystay ay Shalay caydh ka yihiin.

Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa isla xaaladan gubashada ah la kulmay dhowr jeer shan iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay. Gubasha dan ay ku hantida waayeen boqollaalka qof ayaa mar walba lagu kala aragti duwana waxa sababay.

Suuqu marwalba waxa uu ka gubtaa dhanka gan acsatada yaryar, ma dhicin mar uu dabka ka bill owday dhanka maalqabeenada waaweyn ee suuqa Bakaaraha marka laga reebo marmar uu kusoo fiday.

Tusaale, dabkii ugu dambeeyey waxa uu saam eeyay ganacsatada maacuunta, harqaa nlayaa sha, kuwa malabka iibiya, qeybaha ud goonka, maqaa yado iyo tukaamo yaryar oo dhar lagu iibiyo.

Dab-kasta oo suuqa Bakaaraha ka kacay shan iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay wux uu barakac iyay ganacsato yaryar, kuwaas oo markii ay xoolo beeleen boosaskii ay deganaa yeen lagala wareegay oo ay ganacsatada waa weyn u badaleen dhismay aal iyo shirkado waaweyn.

Waxaa la hadalnay qaar kamid ah ganacsa tada suuqa Bakaaraha, waxay noo-sheegeen in uu jiro walaac ku saabsan in dabka soo noq-noqday uu la xiriiro is-barakicin ganacsi oo tujaarta qaar ku qaad anayaan boos suuq leh oo ay hadda degan yihiin ganacsato yaryar.

Waxay daliilsanayaan laba arrimood; mid waa dabka oo aan marnaba ka bilaaban dhanka milyanee rada iyo midda labaad oo ah dhulka gubta oo ay mar ka dambe tujaarta badankiisa la wareegaan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli ma baa rin gubashada taxanaha noqotay ee suuqa Baka araha, wax si dabiici ah iskaga yimid lagana soo ka ban doono ayna tahay in hore looga socdo ayay ka soo qaadan, laakiin dad badan waxay qabaan in arr intaan sidaas loo sahashan.

Ganacsatada aan la hadalnay waxay leeyihiin wa xaa la jooga xilligii si dhab ah loo baari lahaa cilaaq aadka ka dhaxeeya gubashada soo noq-noqotay ee suuqa Bakaaraha iyo danaha ganacsatada kala heerka ah.

Bakaaro waa caloosha ganacsiga Soomaal iya, waa suuqa ay bulshada Soomaaliyeed u dhan tahay, khasaarihiisa waxa uu saam eynaya cid walba oo Soomaali ah wuxuuna mudan yahay ilaalin, nidaamin iyo horum arin.

Maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha baari sta & daba-galka ee dowladda Soom aaliya waxaa horyaalla inay dul istaagaan oo baaris dhab ah ku sameeya an gubashada soo noq-noqotay ee suuqa Bakaaraha iyo walaaca ganacsatada.

Hoobiyeyaal lagu weeraray xaafado ka tirsan magaalada

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in Habeen hore we erar loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu qaaday xaafa do ka tirsan magaalada.

Xaafadda Xaawo-taako, gaar ahaan degaanka Nu ur-xawaad ayaa la sheegay in Habeen hore madaafiicda ugu badan ay Al-Shabaab ku garaaceen, waxaana la soo weriyey in dhaawacyo ay ka dhasheen mada afiicdaas.

Sidoo kale qeybo ka mid ah xaafadda Buundo-weyn ee isla magaalada Beledweyne ayey Habeen hore ho obiyeyaashaani ku soo dhaceen, waxayna magaal adu gashay xaalad kala carar ah.

Weerarkaan kadib ciidamada ammaanka ayaa magaalada ka bilaabay howlagllo culus oo Habeen hore ka socda Beledweyne, kuwaas oo lagu baacsanayo rag gii weerarkaan fuliyey oo la aaminsan yahay iinay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Inkastoo dadka reer Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ay si adag isaga difaaceen kooxda Al-Shabaab oo dagaal qaraar ay la galeen, hadana Al-Shabaab waxay weerarro ka geystaan deegaano aad ugu dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhinaca galbeed ee magaalada ayey deegaano badan ka joogaan Al-Shabaab, waxayna geystaan weerarro iyo afduub ay ku ugaarsadaan beelaha go’a ansaday inay si dhab ah isaga dhiciyaan kooxda.

Beesha Xawaadle oo ah beesha ugu balaaran beelaha dega gobolka Hiiraan ayaa toos ula dagaashay kooxda Al-Shabaab, waxaana be eshaas u suurtay ga shay in dhamaan dhul ka ay degto ay ka xor eysato Al-Shabaab.

Go’aanka beesha Xawaadle wuxuu caro badan ku abuuray Al-Shab aab, waxayna kooxdu joogto u ugaarsataa qof kasta oo ka soo jeeda beesha, waxaana xusid mudan in dad u dhashay beesha Xawaadle ay u afduuban yi hiin Al-Shabaab, kuwaas oo lagu haayo deegaano dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne.

Inkastoo la sheego in 95% dhulka HirSha beelle laga saaray Al-Shabaab, hadana dhul u badan miyi oo dhinaca galb eed ka xiga wabiga Shabeelle ee gob ollada Hiiraa n iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle ayey weli ku dhuumaaleystaan Al-Shabaab.

Howlgal Guri Guri ah oo ka billaawday Muqdisho kadib weerarkii Xarunta Gobolka

Howlgalkan oo aha mid loogu magac daray qof iyo guri ayna sameeynayeeen laamaha ammaanka Muqidisho ayaa waxaa Habeen hore laga samayeeyay qaar ka mida degmooyinka gobalka Banaaadir.

Howlgalkaan oo ay sameynayeen ciidanka Nabads ugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA iyo booliiska ay aa waxaa laga sameeyay degmada Xamar weyne ee ka mida degmooyinka bartamaha magalada, waxa ana ujeedkiisa lagu sheegay xaqeejinta amniga deg mooyinka bartamaha ee kala ah Xamarweyne, War ta-Nabada, Boondheere, Cabdicasiis iyo Shangaani waxa uuna wejigiisa koowaad ka billaawday deg mada Xamarweyne.

Howlgalka oo ay horboodayeen Shanta guddoom iye degmo ee bartamaha gobalka ayaa intii uu soc day waxaa lagu soo qa qabtay dhalinyaro fara badan kuwaasi oo ay masuuliyiintu goob fagaara ah kula hadleeen, sidoo kalena waxa ay ciidamadu gacanta ku dhigeen maandooriyaal sida qamri iyo xashiish iyo dadkii ka ganacsanaayay. Ugu horeyn waxaa markii uu howlgalku soo dha maaday ka dib warbaahinta la hadlay gudoomiyaha degmada Xamarweyne waxa uuna sheegay in how lgalkaani uu ahaa mid amni xageejin ah uuna wej igiisa kowaad uu bilaawday uuna sii socon doono, sidoo kalena waxa uu sheegay in uu yahay mid looga jawaabayo hoobiyaashii ku soo dhacay dega mooyinka Warta-Nabada iyo Xamarweyne ee dadka shacabka ah ay ku dhaawacmeen.

Dhankooda waxaa warbaahinta la dhadlay gudd oomiyaasha degmooyinka Warta-Nabada, Shanga ani iyo Cabdicasiis iyagoona sheegay inay muhiim ta hay wada shaqeyn dhaxmarta hay’adaha amniga iyo shacabka si loo sugo amniga caasimada si looga hortago dadka geysanaya falalka amniga lidiga ku ah.

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalama haan amniga Muqdisho uu ahaa mid sii xumaanayay ayna Dorraad tira hoobiyaal ah oo garaya ilaa 7 ay ku soo kala dhaceen degmooyinka Xamarweyne iyo Warta-Nabada Kuna dhaawacmeen ilaa 7 qof, sidoo kalena maalintii Axada weerar ku bilawday qaraxyo lagu qaaday xarunta maamulka gobalka Banaadir.

Halis aad u wiiqi karta qorshaha DF Soo maaliya oo ka taagan furimaha dagaalka

Kooxda Al-Shabaab oo dagaal xoogan uga soc do gobolada dalka ayaa waxaa soo baxeysa in weli kooxda ay madaxa ciidda ka ceshaneyso ayada oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka, islamarkaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Arrinta halista ah ee laga soo warinayo furimaha dagaalka ayaa ah in ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas ay rasaasta ku bedashaan ama ku iib sadaan qaadka, oo isagu ah dhibaato horleh oo wiiqi kara haddii aan wax laga qaban guulaha laga gaaray Shabaab.

Ganacsatada Qaadka geysa deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada huwanta ayaa lasoo sheeg aya in ciidamada ay qaadka kaga iibiyaan rasaasta, waxaana rasaasta qaadka looga badasho ciidamada dib looga sii iibiya kooxda dagaalka lagula jiro ee Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga ayaa sidoo kale xaqiijiyay jiritaanka arrintaan, isaga oo she egay in arrintan ay timid maadama aysan lacag hay san ciidamada ku sugan furinta si ay ugu iibsadaan qaadka oo ay kusoo jeedaan habeenkii oo dhan, sida uu sheegay.

"Jaadlayaasha markay geeyaan meesha waa la qarinayaa waa sheegayna oo madaxdana waa u sheegayna waxaa la leeyahay rubuca jaadka waa 5 xabadood rasaas ah shan nin oo cadow ah ayaa ku dili laheyd, qeybta jaadka waa marduuf badhkeed waa 10 xabadood, marduufka waa 20 xabadood,” ayuu yiri."Marka ciidanka, guutada dhan ee meesha degan ay jaadkaas muddo ku socdaan maalinta da mbe rasaastaas kuligeed Shabaab ayay gaareysa oo laga gadaya, markaas adiga ayaa berri subax lagugu soo weeraraya.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Marka ay is ogaa daan in midkiiba shan xabo ama toban xabo uu hay sto qiyaastii, inta aad ka gaarin sanaaduuqdii rasaas ta in la furo ayaad arkaysaa iyaga oo dhuunta kasoo galay.”

Arrintaan ayaa halis ku ah qorshaha dagaalka socda oo ah in muddo kooban lagu wiiqo kooxda Al-Shabaab, ayna tahay in si degdeg ah wax uga qab ato dowladda federaalka oo dagaalkan ku hogaam ineysa dalka, sida ay qabaan dadka ka

Faaloonayadagaalka

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

WASIIRKII KENYA EE AY HADDA KA HOR MUSL IMIINTA ISUGU DHACEEN GABAR SOOMAALI AH DARTEED OO GEERIYOODAY


Magoha iyo hoggaamiyeyaasha Muslimiinta 

XIGASHADA SAWIRKA,DAILY NATION

Wasiirkii hore ee waxbarashada Kenya, George Magoha ayaa geeriyooday isagoo ay da’diisu ahayd 71 sano. Waxa uu ahaa ruug caddaa ka tagay dhaxal aqooneed oo ballaaran in kastoo aysan taariikhdiisa ka marneyn dhacdooyin muran dhaliyay.

Magoha ayaa Talaadadii ku dhintay isbitaalka Nai robi ka dib markii uu kusoo booday wadne xanuun.

Maalmo ka hor geeridiisa degdegga ku timid ayuu amar ku bixiyay in la qoro taariikhdiisa iyo waayo aragnim adiisa shaqo, sida uu qoray wargeyska Daily Nation oo sidoo kale tebiyay in aad loola yaabay qaabka ay isugu beegmeen dhimashadiisa iyo diyaarinta buugga taariikh nololeedkiisa.

Waxyaabaha sida weyn loogu xasuusto waxaa ka mid ah inuu goob jog u ahaa isbedello adag oo lagu sa meeyay hannaankii hore ee waxbarashada Kenya mu ddo tobaneeyo sanao ah.

Magoha oo ahaan jiray dhakhtar qalliin ayaa kusoo shaac baxay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Uhu ru Kenyatta.

Shaqooyinka uu dhaxal ahaanta uga tagay waxaa ka mid ah sida uu waxbarashada Kenya u hoggaamiyay xilligii uu jiray fayraska corona.

Geerida Magoha waxa ay qoyskiisa ku noqotay musiibo laba jibbaarantay maadaama ay markii horeba isku diya arinayeen aaska walaalkiis oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Xurguftii dhex martay Magoha iyo Muslimiinta Kenya

Bishii July ee sanadkii 2022 ayey madaxda Muslimiinta Kenya ku baaqeen in xilka laga qaado Magoha oo xilli gaas ahaa Wasiirka Waxbarashada ka dib markii lagu eedeeyay in uu hadal gef ah ku yiri gabadh Muslim ah oo Soomaali ah oo u shaqeysa telefishinka NTV ee laga leeyahay Kenya.

RUQIYA BUULLE

Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkayay wasiirka oo weydiinaya gabadha we riyaha ah qofka ay tahay ka hor inta uusan ka jawaabin su’aal ay weydiisay.

"Marka hore halkeed ka timid? Yaad mat aleysaa? Maxaa yeelay haddii aad Al-Shabaab ka socoto, kama jawaabi doono su’aashaada,” ayuu yiri Mogoha.

Wuxuu markaas ku sugnaa iskuul lagu magacaabo Pumwani Boys oo ku yaalla meel u dhaw xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Dadka sida weyn uga carooday arrintaas waxaa ka mid ahaa Aadan Ducaale oo xilligaas ahaa xildhibaan balse hadda ah wasiirka Difaaca ee Kenya.

"Ma ahaan kartid wasiir Waxbarasho. Maxaad u do oneysaa in carruurteennu ay kugu daydaan adiga oo aabbe ahaan kuugu daydaan adigoo doonaya inaad u heyb soocdo saxafiyad da‘ yar oo lagu magacaabo Ruq iya sababo la xiriira bulshadeeda iyo diinteeda," ayuu yiri Ducaale.

Magoha ayaa markii dambe raalligelin ka bixiyay dha cdadaas, isagoo hadlkii uu ku yiri gabadha wariyaha ah ku tilmaamay kaftan.

Kumuu ahaa George Magoha?

George Magoha

Shakhsi ahaan waxaa lagu tilmaami jiray nin cod kar ah oo aan qaadan waxyaabaha mcno darrada ah, had alkiisana aan la gabban. Intii uu ahaa wasiirka waxbar ashada waxa uu fuliyay qorshe looga hortagayay qishka lagu sameeyo imtixaannada qaran.

George Albert Omore Magoha waxa uu dhashay sanadkii 1952.

Magaciisu wuxuu soo ifbaxay markii uu noqday ku xigeenka madaxa Jaamacadda Nairobi, waxa uuna xilkaas hayay intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2015. Markii uu ka tagay Jaamacadda Nairobi waxaa loo magacaab ay madaxa Guddiga Imtixaanaadka Qaran oo uu hog gaaminayay intii u dhaxeysay 2016 ilaa 2019-kii.

Kowdii bishii March ee sanadkii 2019 ayuu madaxweyn ihii xilligaas ee Kenya, Uhuru Kenyatta, u magacaabay xilka wasiirka waxbarashada.

Waxa uu jagadaas kala wareegay Aamina Maxamed oo loo baddalay in ay noqoto Wasiirka Ciyaaraha. XIGASHO:-BBC


LUUQAD AY KU XIRIIRAAN DAANYEE RRADU OO LA FAHMAY WAXA AY ISUGU SHEEGAAN


Laba daanyeer oo xiriiraya

Bani'aadanka ayaa markii ugu horreysay fahmay qaar ka mid ah luuqadda "midaarka" ama tilmaamaha gacmaha ee ay adeegsadaan danyeerradu si ay u wada xiriiraan.

Tani ayaa ah natiijada daraasad muuqal ku salaysan oo dadka loo oggolaanayey inay turjumaan dhaqdhaqaaqa midaarka amaba waxa loo yaqaan luuqadda dhagoolka oo ay daanyeerradu sameynayaan. Daraasadda waxaa sameeyay jaamacadda St Andrew ee ingiriiska.

Waxaa xogta daraasaddan lagu daabacay jariiradda sayniska ee 'the scientific journal PLOS Biology'.

Madaxa cilmi baarista Jaamacadda St Andrew Dr Kirsty Graham oo sharraxaya arrintan ayaa yiri: "Waxaan ognahay in dhammaan noocyada daanyeerrada sida noocyada loo yaqaan [chimps iyo bonobos] ay leeyihiin midaar 95% isku mid ah marka ay wada xiriirayaan.”

Cilmi baaristan ayaa qayb ka ah hawl gal guud oo lagu doonayo in lagu ogaado asalka luuqadaha iyada oo si taxaddar leh loo daraaseynayo hababha isgaariinta ee ay adeegsadaan noolaha uu daanyeerku ka mid yahay.

Turjumada qaar kamida midaarka daanyeerka

Kooxdan ayaa sannado badan ku bixiyey u fiirsashada daanyeerka duur joogta ah. Waxay horay u ogaadeen in dhammaan noocyada daanyeerku adeegsadaan luuqad guud oo ka dhaxaysa taas oo ka kooban ilaa 80 tilmaam oo kala micno ah si ay u wada xiriiraan.

Farriimaha sida "ii xoq” ayey isku fahansiiyaan tilmaan xoqitaan oo dheer; afka oo la dhuubo ayaa asna ka dhigan "cuntadaas isii” iyo caleenta geedka oo laga jeexo oo ka dhigan damac shukaansi.

Turjumada af daanyeerka

Saynisyahannada ayaa isticmaalay daraasadda muuqaalka ku salaysan, sababtoo ah habkan waxaa loo adeegsadaa si loo tijaabiyo fahanka isgaarsiinta ee noolaha aan aadmiga ahayn. Daraasddan ayaase aadanaha loo soo weeciyay si loo ogaado in dadku fahmi karaan midaarka nooleyaasha kale.

Dadka ka qayb qaadanayey tijaabada ayaa daawaday muuqaal loo shiday oo ku saabsan daanyeerka nooca chimps-ka iyo bonobos-ka oo bixinaya tilmaamo, ka dib na waxaa la siiyey dadka inay ka doortaan sida ay u fahmeen mid ka mid ah dhowr micno oo loo soo bandhigay.

Ka qayb qaatayaasha ayaa soo bandhigay natiijo ka wanaagsan sidii la filayey, iyaga oo si sax ah u turjumay in ka badan 50% tilmaamaha ay kuwada xiriirayeen daanyeerradu.

"Runtii filan waa ayey natiijadu nagu noqotay," ayay tiri Dr Catherine Hobaiter oo ka tirsan jaamacadda St Andrews. "Waxaa soo baxday in aan si degdeg ah u fahannay dhammaanteen micnaha tilShalay, taasoo cajiib ah hadii dhan laga fiiriyo, dhanka kale hadii laga eegana iga cadhaysiisay madaama aan ahay saynisyahan sannado badan u tababaranayey fahanka midaar kan.” ayey ku kaftantay. Tilmaamaha ay dadku wada fahmeen ayaa ka kooban waxa uu Dr Graham ku tilma amay "Tilmaam aha ay wadaagaan dham aan daanyeerrada & dad kuba”.

XIGASHO:-BBC


MUUQAAL LAGA SOO DUUBAY DHAG AX 'MUCJISO AH' OO DAB KORONTO AH DHALINAYA





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip