Arrimaha aan weli lagu baraarugsaneyn ee soo cel-celiya gubashada Bakaaraha

1
Wednesday January 25, 2023 - 13:44:08 in Wararka by
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arrimaha aan weli lagu baraarugsaneyn ee soo cel-celiya gubashada Bakaaraha

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa saddex habeen ka hor gubtay markale, dab socday ku dhawaad saddex saacadood oo aan la ogeyn waxa uu ka billowday ayaa galaaftay hantida ganacsato badan oo ah kuwa danyarta ah ee suuqa Bakaaraha.

Gaadiidka Dab-damiska ee shirkada Hormuud, dadaal ay sameeyeen ganacsato kale iyo dowladda hoose ee magaalada Muqdisho ayaa sababay in dabka la damiyo, walow dad shalay xoolo haystay ay maanta caydh ka yihiin.

 

 

Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa isla xaaladan gubashada ah la kulmay dhowr jeer shan iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay. Gubashadan ay ku hantida waayeen boqollaalka qof ayaa marwalba lagu kala aragti duwana waxa sababay.

Suuqu marwalba waxa uu ka gubtaa dhanka ganacsatada yaryar, ma dhicin mar uu dabka ka billowday dhanka maalqabeenada waaweyn ee suuqa Bakaaraha marka laga reebo marmar uu kusoo fiday.

Dab-kasta oo suuqa Bakaaraha ka kacay shan iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay wuxuu barakaciyay ganacsato yaryar, kuwaas oo markii ay xoolo beeleen boosaskii ay deganaayeen lagala wareegay oo ay ganacsatada waaweyn u badaleen dhismayaal iyo shirkado waaweyn.

Waxaa la hadalnay qaar kamid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha, waxay noo-sheegeen inuu jiro walaac ku saabsan in dabka soo noq-noqday uu la xiriiro is-barakicin ganacsi oo tujaarta qaar ku qaadanayaan boos suuq leh oo ay hadda degan yihiin ganacsato yaryar.

Waxay daliilsanayaan laba arrimood; mid waa dabka oo aan marnaba ka bilaaban dhanka milyaneerada iyo midda labaad oo ah dhulka gubta oo ay marka dambe tujaarta badankiisa la wareegaan.

     Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli ma baarin gubashada taxanaha noqotay ee suuqa Bakaaraha, wax si dabiici ah iskaga yimid lagana soo kaban doono ayna tahay in hore looga socdo ayay kasoo qaadan, laakiin dad badan waxay qabaan in arrintaan sidaas loo sahashan.

 

      Ganacsatada aan la hadalnay waxay leeyihiin waxaa la jooga xilligii si dhab ah loo baari lahaa cilaaqaadka ka dhaxeeya gubashada soo noq-noqotay ee suuqa Bakaaraha iyo danaha ganacsatada kala heerka ah.

     Bakaaro waa caloosha ganacsiga Soomaaliya, waa suuqa ay bulshada Soomaaliyeed u dhan tahay, khasaarihiisa waxa uu saameynaya cid walba oo Soomaali ah wuxuuna mudan yahay ilaalin, nidaamin iyo horumarin.

       Maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha baarista & daba-galka ee dowladda Soomaaliya waxaa horyaalla inay dul istaagaan oo baaris dhab ah ku sameeyaan gubashada soo noq-noqotay ee suuqa Bakaaraha iyo walaaca ganacsatada.

xigasho:-caasimadda.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip