HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 25-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Wednesday January 25, 2023 - 08:32:23 in Wararka by
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 25-KA JANNAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Md.Xasan oo shaaciyay arrin uu ka seexan waayey kadib weerarkii G/Banaadir

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta gobolka Banaadir ayaa ka sheekeeyey arrin uu ka seexan waayey oo ka dhacday gobolka Banaadir, kadib weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday dhismaha Aqal ka Dowladda Hoose ee Xamar.

Madaxweynaha ayaa sha aca ka qaaday in habeenk aas uu ka seexan waayey nin indhoole ahaa oo ku sugnaa xarunta gobolka Banaadir, markii uu dhacayey weerarka, kaas oo meesha looga kala cararay, isaguna uu garan wa ayey meel iyo albaab uu ka baxo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raga weerarka geystay ay ninkaas indhoolka ah ugu tageen halka uu ku sugnaa, kadibna ay dileen, maadaama uu ka carari waayey goobta weerarka.

"Habeen hore waxyaabaha aan ka seexan wa ayey waxaa kamid ah nin indhoole ah ayaa joogay bug markii uu qaxa dhacay waa la kala cararay qof walba meesha uu aadi karo ayuu aaday wad aadka indhoolka ahaa xagge ayuu aadayaa? meel uu aado ayuu garan waayey? meesha ayey ugu yi maadeen waana dileen,” ayuu yiri madaxweyn uhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si qiiro leh uga hadlay arrintan ayaa su’aallo ka keen ay dhacdadaas, isaga oo sheegay in Al-Shabaab aysan laheyn wax naxariis ah.

"Adiga maxaa ku sifeynee? Maxaa dhehee? Yacni ninaas qofka caadifad yar oo naxariis ah u geli weyday waa indhool meel uu ka baxi ayuu waayey waa carari lahaa,” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriiin u diray guud aha an dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in aan laga baqan Al-Shabaab, isla-markaana meel looga soo wada jeesto.

"Nimanka meeshaas joogo ninka ka cabsanaay ow cabsidaada meel maleh, cudur daarna maleh’ ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Ma xamuud.

Ninka indhoolaha aj ee uu ka sheekeeyay ma daxweyne Xasan Sheek ayaa waxaa lagu maga caabi jiray Axmed Xasan Warsame, wuxuuna a haa agaasimaha naafada ee gobolka Banaadir, ka as oo la sheegay in xubnaha weerarka fuliyay ay ku gowraceen xafiiskiisa.

Weerarka gobolka Banaadir oo saacado badan qa atay ayaa ku billowday qaraxyo, waxaa na ku dhintay ugu yaraan illaa 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladda hoo se ee Xamar.

Shirka Ururka bulshada bariga Afrika oo berrito ka furmaya Muqdisho

qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa berri ka furmaya Muqdi sho, iyadoo Shalay ay dalka imaanayaan wafuud da shirkaas uga qeyb geleysa 7-da wadan ee Ur urka oo gaareysa 50 xubnood.

Ergeyga Soomaaliya u qaabbilsan ku biiridda ururka EAC Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay inay wafdigan joogi doonaan muqdisho maalmaha foodda innagu soo haya, iyagoo u kuur geli doona howl maalmeedyada was aaradaha dowladda iyo sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay ku biirista Ururka.

Danjire, Hanliye oo u warramay warbaahinta Qar anka ayaa sheegay in wada xajood iyo qiimeyn ka dib la samayn doono guddi kasoo baaraandega, wuxuuna intaa raaciyay in ka Dowlad ahaan ay raj eynayaa in sanadkan gudahiisa ay ku biirto Soo maaliya Ururka AEC.

Cabdisalaan Hadliye , ayaa sheegay in ku biir ista AEC ay Soomaaliya u yeelan doonto faa’iidoo yin dhowr ah oo ay ka mid yihiin, maalgashadaya asha Soomaaliyeed inay helaan xuquuq la mid ah tan muwaaddiniinta ay dalalkooda ku ganasanaya an, in waddamadaas aynu isku meel kaga soo wa da jeesanno la dagaallanka argagixisada iyo in xadadka dalalkaas laysu furo si ganacsiyadu ay isaga kala gooshaan waddamada ku bahoobay Ururka.

Ra'iisalwasaare Xamza oo qaabilay Wafdo ka socda Heya'da UNICEF

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sanduuqa Badbaadada Carrruurta ee Qaramada Midoobay, oo uu hoggaaminayay Agaasime Gobolleedka Ba riga iyo Koonfurta Qaar adda Afrika ee UNI CEF, Maxamed Fall.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdiga UNICEF ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha samafal ee hey’adda ku hawlan tahay iyo kor u qaadista taageerada iyo gargaarka bini’aada nimo ee hey’addu siiso shacabka, gaar ahaan car ruurta Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa sheegay in hey’addu ka go’ an tahay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee ay la leedahay Xukuumadda Soomaaliya, si loo hor umariyo badqabka iyo caafimaadka carruurta Soo maaliyeed, isla markaana looga taageeri lahaa la qabsiga isbeddelka cimillada iyo saameynteeda dhinaca Soomaaliya.

Md. Xamse ayaa uga mahadceliyay masuuliyi inta UNICEF taageerada bini’aad animo ee hey’a ddu ku bixiso daryeelka carr uurta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay inay kor u qaadaan dadaalko oda ku waja han sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaa tooyinka jira.

Wefdi ka socda hey’addaha Turkiga ee ka shaq eeya gurmadka deg deg oo booqday xarunta hey’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka

Mas’uuliyiin ka socday Hay’addaha Turkiga u gu waa weyn ee ka shaqeeya Arrimaha Bani-aada nnimada iyo Gurmad deg dega ah ayaa Shalay booqday xarunta cusub ee gurmadka deg deg ee Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee ku taal degmada Cabdicasiis ee Gobolka Bana adir.

Mas’uuliyiintan oo ka kala socday Hay’addaha TIKA, Bisha CAS, iyo IHH ayaa waxaa xarunta gur madka deg dega ee Hay’adda maareynta masii booyinka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Hay ’adda maareynta Musiibooyinka Qaran Maxamuud Macalin Cabdulle, asagoona warbixin ka siiyay marxaladahii ay soo martay dhisida xaruntan, wax aana sidoo kale mahadceliyay Hay’addaha Turki ga sidii wanaagsaneed ee dalka aan walaa laha nahay ee Turkiga ugu soo dhawee yeen asaga iyo wafdigiisa Mas’uuliiyiinta ka socday TIKA, Bisha CAS, iyo IHH Turkiga ayaa ballan qaaday inay Hay’adda maareynta musiibooyinka ka caawin doonaan tababarida shaqaalaha ku shaqeyn do ono xarunta cusub ee gurmadka deg dega, iyagoo ku amaanay shaqada hay’addu u heyso shacabka Soomaaliyeed.

Jeneraal Biixi oo shaaciyey tirada Shaba abkii Dorraad lagu laayey Mudug

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jen eraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bix iyey howlgal Dorraad lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano hoos ta ga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Jeneraal Biixi oo la hadlay Idaacadda Dowlad da ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in la dilay ugu yaraan 39 xubnood oo Shabaab ka tirsanaa, isagoo u mahad celiyey saaxiibada dowladda ka taageera howlgallada Al-Shabaab.

"Waxaan Khawaarijta u geysanay jab aan laga sheekeyn karin, waxaan tirinay meydadka 39 xubnood, waxaan gubnay gaadiidkoodii, waxaan dul istaagnay meydadka 47 Shabaab ah, dhaaw acyada in ka badan 50 kalena waxay geeyeen Joo wle,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Deegaanada ay ciidanka xoogga dalka howlgal kaan ka fuliyeen ayaa galbeed ka xiga degmada Xarardheere, waxayna u dhowyihiin deegaanka Caad oo hadda ay ciidamadu aad ugu dhowyihiin.

Howlgalka waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha da gaalka, waxaana Shabaab-ka lagu baacsaday dho wr deegaan oo hoos tagta Xarardheere, iyadoo la isugu daray duqeymo iyo dagaal toos ah.

"Laba maalin gudahood Shabaab badan ayaan leynay, 47 meydad ah ayaan dul istaagnay, bulsh ada deegaanadaan ku nool waxay si joogto ah noo siiyaan xogta Khawaarijta, waa dad raba in deg deg looga xoreeyo cadowga,” ayuu hadlkiisa ku sii daray.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay in ay Al-Shabaab deegaanka Caad ku gubeen gaadiid ay lahaayeen dad shacabka, sidoo kale gaadiid ay ayagu lahaa yeen oo ka halaabay ayuu sheegay inay dab qaba dsiiyeen.

"Dadkii dhulkaan ku noolaa waa caroodeen, hubkooda ayey la soo baxeen, meel kasta oo Sha baab uu ka joogo Mudug iyo Galgaduud waxaa no oga imaanaya ciwitaano, dadku waxay codsanay aan in aan ka soo gaarno, war naga kiciya hal mar, anagaa dhameystiri doonee ayey na leeyihiin dadku,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Khasaare ka dhashay Hoobiyayaal lagu garaac ay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Dhowr hoobiye oo geystay khasaare kala du wan oo aan weli la ogaan inta uu le’egyahay ayaa lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Mu qdisho.

Qaar kamid ah hoobiyayaasha ayaa ku dhacay agagaarka hotel SYL, wasaaradda wafaafinta iyo Ex-fiyoore oo ah xayndaabka madaxtooyada Soo maaliya, waxaana jira khasaare dhaawacyo ah oo ka dhashay.

Mid ka mid ah madaafiicda lagusoo tuuray dhanka madaxtooyada, ayaa waxa uu ku dhacday dugsi hoose oo ku dhow xarunta degmada Xamar Weyne.

Madfacaas ayaa waxaa ku dhaawacmay labo arday iyo haweeney macmacaan ku iibineysay waddada dhinaceeda.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda, hase yeesh ee weerarada noocaan oo kale ah ee ka dhaca ca asimadda ayaa inta badan waxaa sheegta kooxda Al-Shabaab.

Hay’adaha amnigu weli kama hadlin dhacdad aan oo kusoo beegantay labo maalin kadib weerar kii lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir
Wasiirka isgaarsiinta iyo teknolojiyada Soom aaliya oo ka qeyb galay shirka wa siirrada isga arsiinta ee Jaamacadda Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soo maaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaal ada Qaahira ee dalka Masar.

Shirkan oo ah midkii 26-aad ayaa looga ha dlay adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca Teknolo jiyada ah ee dalalka Carabta, ansixinta istraatiijiy ada Carbeed ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, xo ojinta addeegyda boostada, ganacsiga Elektronic-ga ah, hubinta amniga internet-ka iyo is-dhaafsiga khibradaha cusub.

Kulanka Golaha Wasiirada Isgaarsiinta iyo Wa rfaafinta ee jaamacadda Carabta ayaa ah tallaabo muhiim ah oo ku aadan geedi socodka wada jirka Carabta ee dhanka isgaarsiinta iyo Warfaafinta.

Waa qorshe la doonayo si loo mideeyo dadaallada iyo yoolalka si loo gaaro horumarka dhijitaalka ah ee bulshooyinka Carabta.

Golaha Wasiirada Isgaarsiinta iyo Warfaafinta Carabta ayaa ah mid ka mid ah Golayaasha Was iirada ee sida gaarka ah u hoos taga dalladda Gol aha Jaamacadda Carabta.

Waxay ujeedadeedu tahay in la isku duwo oo la mideeyo dadaalka dawladaha xubnaha ka ah Golaha si loo gaaro iskaashi dhow oo ka dhexee ya dalalka Carabta ee abuuritaanka iyo horumarin ta xarumaha iyo adeegyada tignoolajiyada isgaar siinta, iyo in la horumariyo istaraa tiijiyada Carabta ee qaybta isgaarsiinta

M/W Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dha geys tay Guddiyada Dhaqanka Dib U He shiisiinta Koofur-Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa Shalay inta aanu ka soo ambabixin magaa lada Baydhabo waxa uu kulan la qaatay golaha odayaasha dhaqanka iyo guddiga farsamadda shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed, kuwaas oo wadajir ah ugu wareejiyay warbixin ay kasoo uruuriyeen dhacdadii 23 Diseembar 2022, ka dhac day magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay miro-dhalka wada-hadallada ka socda magaalada Baydhabo, waxa uuna kula dardaarmay guddiga farsamada ee shirka iyo odayaasha dhaqanka in ay masuuliyad iska saaraan sidii xal loogu heli lahaa tabashooyi nka ay qabaan dhinacyada gogosha fadhiya, shirk una u guuleysan lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo kula mo la yeeshay culimada, odayaasha dhaqanka, siyaasiinta iyo qeybaha bulshada Koonfur-galbeed ayaa ka codsaday in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin dib u heshiisiinta, nabadeynta

Madaxweynaha Puntland Oo Boosaaso Ku Qaabilay Agaasimaha Maamulka DP-WORLD Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntl and Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaa lada Boosa aso ku qaabilay wefti balaaran oo uu hogaamin ayo CEO-ga iyo Agaasim aha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaq aajinta balaarin ta shaqo ee Dekedda mag aalada Boosaaso. Waxaa qa yb ka ahaa kulanka Wasaar adda Dekadaha iyo masuul iyiin ka tirsan Goley aasha Dowlad da.

Madaxweyne Xasan oo hal xujo hordhi gay cul umada ku shireysa magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka furay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa xujo adag dul-dhi gay culumada Soomaa liyeed, isagoo tusaaleeyey caqabadaha iyo kala shakiga ay bulshada ka dhex abuu reen khilaafaadka yar-yar ee culumada ka dhaxeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culum ada ka dalbaday inay ku heshiiyaan dhisma ha hey’ addii maamuli laheyd, "In culumadu ay dowladda toosiso, dadkana u sheegto in dowladdu ay masuul ka tahay diinta, wax dambe nagama qaldamayaan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa culumada ka balan qaaday in hey’adda uu dhisi doono hadii ay la yimaadaan naqshad ay he shiis ku yihiin, "Waxaan rabnaa waajibkaan aan idi in wakiilanayo inaad nagu soo celisaan oo dhahd aan intii naloo diray waa tan, markaas dowladdu kaalinteeda ayey guda doontaa,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, "Diinta dowladda wakiil ka ah 4.5 maaha, federaali sim maaha, waa meesha kaliya ee dalkeena laga toosi karo, hadii aan hey’ad diinta maamusha dhi sno waajibaa naga dhacaya.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in markii qeylo yeerto dhinaca Masaajidka loo carari jiray, balse hadda ay qayladii ka yeertay culumada dhexdee da, isagoo culumada ka dalbaday inay isku dulqa ataan.

"Culumoy is aqbala oo haku kala tegina waxya abaha yar yar oo aad ku kala duwan tihiin, wada socda idinkoo ra’yigiinu kala duwan yahay, horta idinku is aqbala,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa culumada Soomaaliyeed ka balan-qaaday in doorkii ku dhaqanka diinta ee dhanka dowladda oo aan sal-dhiya laheyn tan iyo xornimadii Soomaaliya uu toosi doono.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in dowla ddu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharc igii lagu dhisi lahaa hey’adda Culima da Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan dow lada, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka, iyaga oo wakiil uga ah dowladda.

Puntland oo digniin xooggan kasoo saartay sa amaynta ka dhalan karta abaaraha

Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin ka soo saartay cawaaqib xumada ka dhalan karta ab aaraha kusoo noqnoqday qaar badan oo katirsan deegaanadee da, kadib shan xilli roobaad oo xi riir ah oo roobku aad ugu yaraa.

Warbixin cusub oo ay soo saar tay hay'adda Puntland u qaabil san macluumaad ka biyaha iyo dhulka, ayaa lagu sheegay in roo bab yar oo bilihii November iyo December da'ay ay ugasii dareen xaaladda daaq la’aanta horey u jirtay.

Warbixintu waxay sheegaysaa in daaqii yaraa ee ku harsanaa deegaaanada qaarkood ay cagta mariyeen reer guuraa usoo hayaamay deegaan adii roobabku ka da’een

Dooxooyinkii caanka ku ahaa daaqinka sida Nu gaal iyo Dharoor oo ay xooluhu ku baxsan jireen xilliyada jiilaalka ah, ayaa haatan lagasoo sheega yaa xaalad daaq la’aaneed oo aad u darran, sab abtoo ah ma helin roobab ku filan.

Sidoo kale, wuxuu maamulka Puntland ka dig ay biyo la'aan xooggan oo ka jirta deegaanada qa arkood, kadib markii barkadihii ay gureen.

Puntland waxay ugu baaqday hay’adaha max aliga ah iyo kuwa caalamiga ahba in ay diyaar ga row horudhac ah sameeyaan kuna daraan qorsha hooda, si loo yareeyo cawaaqib xumada suurtagal ka ah ee xilliga jiilalalka soo socda.

Puntland waxay bulshada xoola dhaqatada kula talisay in ay u diyaar garoobaan xilliga jiilaal ka islamarkaana ay kaydsadaan calafka, iyo sidoo kale inay si wax ku ool ah u maareeyaan ilaha biy aha si looga fogaado walaaca biyo la'aanta.

Booliiska gobolka Banaadir oo qabtay eedeysa nayaal falal dil iyo dhaawac ah kasoo geystay Garowe

Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaa wac kasoo geystay Magaalada Garowe, Kadibna usoo baxsaday Magaalada Muqdisho.

Kooxdaan oo ka kooban seddex rag ah ayaa ku eedeysan in Magaalada Garowe kusoo dileen Muwaadin lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Jeylaani, sidookale kusoo dhaawaceen Muwaadin Hanad Xasan Cawil.

Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir oo horay luugu soo gudbiyay xogta eedeey-sanya asha ayaa labo kamid ah Habeen hore ka qabtay guri ku yaala degmada Shibis, halka midka kale la ga qabtay Xamar-Jajajb.

War-saxaafadeed kasoo abxay taliska booliiska gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay in eedeeys anyaashan la hor gayndoono Maxkamadaha dalka

Soomaaliya & Masar oo hesiis cusub kala saxiixday

Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee dalalka Somalia iyo Masar ayaa waxay ku kala saxiixdeen Caasimadda dalkaasi ee Qaahira He shiis Is-Faham (A memorandum of understanding (MoU).

Ra’isul-wasaaraha Masar, Mustafa Al-Madb uuli ayaa goobjoog ka ahaa Saxiixa Heshiis kaasi Isfahamka ee Arrimaha Iskaashiga Culuunta Teknoolajiyada, Isgaarsiinta iyo Boostada ee laba da Waddan.

heshiiskaasi waxaa qalinka ku duugay Was iirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee XFS, Jaam ac Xasan Khaliif iyo dhigiisa Masar, Dr. Cumaru Dalacat

Heshiiskaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo Wasi irka Teknoolajiyada iyo Isgaarsiinta ee XFS, Jaamac Xasan Khaliif uu ka qeyb galay Shirka Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee dala lka Carbeed oo lagu qabtay magaalladda Qaahira mudadii u dhexeysay bishan January 22-dii ilaa 23-dii.


Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka difaaca XFS oo kormeeray xarumaha adeegga bulsha da ee degmada Xarar dheere

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka Ga ashaandhiga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo ka ti rsan Dowladda goboleedka Galmudug, ayaa korm eeray xaafadaha magaala da Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoorqoor iyo mas’uuliyiinta kale ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee bulshada reer Xarardheere ee dib ugu soo laabtay magaalada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha dowladda ee bixiya adeegga bulshada sida xarunta degmada, Isbitaalka guud iyo saldhi gga Booliska degmada Xarardheere.

Qalinka: @Ustaad Nuradin Page Xigasho: Warbaahinta Masaarida

Laascaanood oo muujisay midnimadda Soomaaliya iyo waxa xiga

Wararka aan ka heleyno xarunta gobolka So ol ee Laascaanood ayaa sheegaya in xaalad aan caadi aheyn ay ka taagan tahay kadib markii Dor raad dad ku dhow toddobaa tan kun qof oo xirnaa calanka buluuga Soomaal iya ay isugu baxeen.

Isu soo baxan taariikhda galay ayaa lagu soo dho weynaya mid ka mid ah waxgarad ka Soomaaliyeed oo u taagan midni ma da Soomaaliyeed, kana soo jeeda deegaanka.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah waxgaradka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo si diiran loogu soo dhoweeyay Laascaanood ayaa ku baaqay in Garaa daddu shir iskugu yimaadaan Laascaanood si ay ugu tashadaan danta guud ee gob olada Sool, Sanaag iyo Ceyn iyadoo la tixgeli naayo Soomaalinimada.

Maagalada Laascaanood oo maamulka Somal iland ay faarujiyeen shantii Janaayo ayaa waxaa dadweynuhu iyo kooxo dhalinyaro ah ay xoog kaga hortageen maamulka Somaliland oo maam ulayay magaaladaasi (2007) Lix iyo Toban sano, ka dibna kacdoon shacab ay ugu baxeen si xaal ada aysan u noqon mid xunjiro dhiig ah ku daado.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo si Soomaali nimo loogu soo dhoweeyay maga alada ayaa ma gaalada Laascaanood wux uu kaga qeyb geli doo naa shirweyne guud oo waxgaradka SSC kaga tashan doonaan aayahooda, kaasoo lagu go’aam in doono midnimada iyo wadajirka Somaliweyn.

Suxufiga lagu magacaabo Cabdiqani C/llaahi Irbad oo ku sugan magaalada Laacaanood ayaa Caasimada Online u sheegay in Shalay iyo beri magaalada laga sugaayo Garaad C/llaahi Garaad Saleebaan iyo Garaad Maxamed Garaad Abshir oo go’aamin doona mustaqbalka shacabka iyo go bolka Sool aayahooda meesha ay kaga tashan doonaan.

Maamulka Somaliland ayaa walaac xoogan ka qaba shirweynahaasi ay isugu imaan doonaan waxgaradka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, iyadoo magaaladana ay faarujiyeen ciidamadii ma amulkaasi shantii bishii Janaayo oo ay kooxo dha linyaro deegaanka ah ay la wareegeen maam ulka magaalada.

Mowjadaha kacdoon ee ka taagan Laasca an ood ayaa muujinaayo rabitaanka shacab ka gobol ka oo todobaadyadii u danbeeyay maamulka Som aliland uu dad shacab ah ku bartilmaameed saday si xiisadaha taagan loo joojiyo.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Booliiska Soomaaliya oo sheegay iney gacanta kusoo dhigeen Aabbe ku eedey san dilka Gabartiisa

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen Aabe Soo maaliyeed oo ku eedeysan inuu dil u geystay ga bartiisa oo jirtay 6 libood 14-kii bishaan Janaayo ee sanadkan 2023

Aabahaan ku eedeysan dilka gabartiisa yar uu u geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Abuukar Xuseen Culusow, kaasoo la tilm aamay in ciidanka Booliiska de gmada Heliwa ay gacanta kusoo dhigeen, kadib mudo ku dhaw laba todobaad oo ay ciidanka raadintiisa ku raad joogeen isaga oo kasoo baxsaday degmada Dha rkenleey oo aheyd halkuu horay u dagana uu ku soo dilay gabadhiisa.

buukar Xuseen Culusoow ayaa la sheegay in uu gabadhiisa u dilay arimo la xariira maseyr dhan ka xaakiisa ah, waxaana sidoo kale la sheegay in uu dhaawac u geystay xaaskiisii.

"Ciidanka Booliska Taliska Qeybta Guud ee Gobalka Banaadir gaar ahaan ciidanka Saldhigga Degmada Heliwaa ayaa Shalay gacata ku dhigay eedeysane Abukar Xuseen Culusoow oo Degma da Dharke nley dil ugu geestay gabar yar uu dha lay 14-kii January 2023 Sidoo kalana dhaawacay xaaskiisii. Ciidanka Booliska oo ku raad joogay Eedeysanahaan ayaa Shalay ka qabtay Degmada Heliwaa, wuxuuna Haatan ku jiraa gacanta ciidan ka Ammniga ee Booliska" Ayaa lagu yiri qora al ka soo baxay Taliska Booliiska gob olka Banaadir.

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa mud ooyin kii dambe kordhiyay howlgalada ay ka sameynay aan degmooyinka magaa lada Muqdisho oo ay ku baacsana yaan kooxa ha geysta falalka la xariira dilka iyo dhaca dadweynaha.

Danjiraha Maraykanka u fadhida QM oo u safr aysa dalalka Ghana, Mozambique & Kenya, si ay uga wada xaajoodaan horumarinta danaha ay wadaagaan

Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa toddoba adkan u safraysa dalalka Ghana, Mozambique iyo Kenya, si ay uga wada xaajoo daan horumarinta danaha ay wadaagaan iyo mudnaanta shir madaxeedkii hoggaami yayaasha Maraykanka iyo Afrika ee dalka Maray kanka ka dhacay bishii December ee 2022.

Socdaalkeeda ay ku tegeyso qaaradda Afrika ayaa qaadanaya inta u dhexeeya bisha January 25-keeda illaa 29-keeda, waxaana ay diiradda ku saari doontaa arrimaha amniga ee gobolka, haq ab-beelka cuntada, arrimaha bini’aadanimada iyo taageerada Maraykanka ee dalalka Afrika ee lagu yaraynayo isbedelada cimilada, sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maray kanka.

Safarka Thomas-Greenfield ayaa ku soo bee gmaya xilli ay Xoghayaha Maaliyadda Janet Yel len ay socdaal ku joogto qaaradda Afrika, gaar ah aan dalalka Senegal, Zambia iyo South Africa ka as oo qaadan doona illaa bisha January 28.

Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka ayaa Afrika u joogta inay dhidibada u sii aasto xidhi idhka dhaqaale ee Maraykanka iyo Afrika oo ay ku jiraan ballaadhinta ganacsiga iyo maalg ashiga. Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ka badan 15 bilyan oo doolar oo ah ballanqaadyo ga nacsi iyo maalgashi oo laba geesood ah, heshi isyo iyo iskaa shiyo, intii uu socday shirkii Marayk anka iyo Afrika ee ka dhacay Washington bishii December.

Warbixintan waxaa qortay Margaret Besheer

Xukun lagu riday askari ka tirsan NISA oo dilay laba gabdhood oo uur leh

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee So omaaliya ayaa Shalay lasoo taagay Maxamed Ca bdi Maxamuud oo loo heysto dilka laba haween ah oo xaamilooyin ahaa, kaas oo ka dhacay deg mada Cabdicasiis ee Muqdisho.

Labadaan haweenka ah ee askarigaan uu dilay ayaa kala lahaa uur sideed iyo sagaal bilood ah, wuxuuna ninkaan ku dooday in uusan ku talagal u dilin, dilka ayaa dhacay bishii December ee sanad kii tegay.

Maxkamadda ayaa Shalay la hor keenay mar qaatiyaal cadeynaya in askarigaan uu si ku talagal ah u dilay labada ha weenka ah oo mid ay ka tirsaneed booliska, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Goobta uu dilka gabdhahaas ka dhacay ayaa wa xaa macaawino loogu qeybinayey dad barakac ayaal ah. Mar loo ogolaaday Maxamed in uu hadlo ayuu yiri, "Waxaa asal ah in anigu ku talagal aana u dilin gabdhahaas, waxaana maxkamadda ka co dsanayaa in la ii ogolaado in reerkii ay ka dhashe en aan la xaaltamo.”

Xeer ilaalinta ciidamada oo dacwadahaan dil ka ah ku soo oogtay eedeysanahaan oo ka tirsa naa ciidanka NISA ayaa sheegtay in afar qof oo la bo carruur tahay calooshana lagu sido uu bareer u dilay askarigaan.

Xeer ilaalinta ayaa dalbatay in askarigaan dil la gu xukumo, halka qareenada u doodayey ay shee geen in dilkaas uusan u dhicin si ku talagal ah.

Shuuro kadib, guddoomiyaha maxkamadda ciida mada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shu ute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Maxamed Ca bdi Maxamuud.

Askarigaan ayaa ka tirsanaa ciidanka NISA, waxaana sidiisa oo kale xabsiyada ugu jira askar dishay dad shacab ah oo xukun sugayaal ah, dilal ka ay geystaan askarta ka tirsan ciidamada dowl adda ayaa aad ugu badan Muqdisho.

MAALINTA CAALAMIGA AH EE WAXBAR ASHADA

Dalalka caalamka ayaa Shalay u dabbaaldegay xuska maalinta waxbarashada oo xambaarsan xuq uuq aadane, dan guud iyo ma s’uuliyad dadweyne.

Golaha loo dhan yahay

ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay 24-ka Janaayo inay tahay maalinta caalamiga ah ee waxbarashada, iyadoo loo dabaaldegayo doorka waxbarashada ee nabadda iyo horumarka.

"Haddii aan la helin waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay iyo fursadaha nolosha oo dhan, dal kas ta kuma guuleysan doonaan inay gaaraan sinnaan iyo inay jabiyaan meertada faqriga ee ku habsaday malaayiin carruur, dhallinyaro iyo dad waaweyn”ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay UNESCO.

244 milyan oo carruur ah ayaa ka maqan iskuullada, halka 771 milyan oo qaangaar ah ay yihiin kuwa aan waxna akhriyin Shalay.

"waa wax aan la aqbali Karin in la waayo Xaqa ay caruurta iyo dhallinyaradu u uleeyihiin inay helaan waxbarasho” ayaa lagu yiri warbixinta sanadkaan ee ay soo gudbiyeen maamulka hey’adda qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada iyo tacliinta

sare (UNESCO).

Aabbe lagu magacaabo Bakhtiyaar Guul oo la sheegay inuu nafta dhaafsiiyey oo dilay Gabadhiisa oo 18 jir ahayd

Aabbe lagu magacaabo Bakhtiyaar Guul ayaa la sheegay inuu nafta dhaafsiiyey oo dilay Gab adhiisa oo 18 jir ahayd maalintii dorraad oo Axad ahayd.

Dilkaasi waxa uu ka dha cay tuullada Vano Ghari ee degmadda Sardaryab oo 20 KM dhanka W/bari kaga toosan magaall adda Peshawar ee gobalka Khyeber Pakhtunkhwa ee dalkaasi.

Aabbaha waxaa la sheegay inuu bistoolad u adeegsaday dilkeeda, kadib, markii baraha bul shada lagu baahiyey muuqaal ay gabadhiisa ku ci yaarayso qoob-ka-ciyaar daansi (a dancing Video)

Hooyada dhashay gabadha la dilay ayaa u she egtay bioliska degmadda Sardaryab inuu sayge eda ku hor toogtay gabadheeda oo ay dhinac fadhiday.

Waxay sheegtay inuu saygeeda qaaday talla abo xag-jir ah, kadib, markii uu qof kale isaga ku soo caayey muuqaalka gabadhiisa ee dhex waree gayo baraha bulshada.

Dhanka kale, hooyada waxay xustay in gab adheeda la dilay ay kaaliye hawlaha guriga u aha yd Qoys hodan ah oo degan Caasimadda dalkaasi ee Islamabad.

Waxay intaasi ku dartay inuu gabadheeda la shaqayn jirey wiil ka soo jeeda magaalada Swat, kaasi oo Gabadha u soo bandhigay guur, balse ay ku gacan saartay codsigiisa Guurka ahaa , oo ay u sheegtay in iyada mar hore la guursaday oo ay Marwo tahay.

Hooyada waxay ku dooday in Ninkaasi bila abay inuu gabadheeda aflagaadeeyo gaba dha, markii uu ku fashilmay hankiisa guurka, wuxuuna muuqaalkii qoob-ka-ciyaarka ee gabadheeda ku baahiyey baraha Bulshada, isagoo adeegsaday ci nwaan been abuur ah (a fake ID), si uu iyada ugu xumeeyo.

Hooyada waxay kaloo sheegtay isla maalintii uu shilku dhacay inay go’aansadeen inay dacwad diiwaan-gelin lacag la’aan ah ee asaasiga ah u gudbiy aan booliska magaalladda Islamab ad oo ka dhan ah Ninka muuqaalka gabadheeda ku faaf iyey naraha bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, booliska dalka Pakistan ayaan weli si rasmi ah uga hadlin Kiiskaasi iyo in la soo xiray aabaha isagoo caraysan dilay Gaba dhiisa iyo Eedeysa naha iyada ka faafiyey Muu qaalkeeda qo ob-ka-ciyaar ee dhex meereysan ayo aalad aha warbaahinta ee haraha bulshada.Qalinka: Ustaad Nuradin

Xigasho: Pakistan local Media.

Reer galbeedka gaar ahaan maraykanka oo aad uga carooday dhoolatuska Milat ari ay Sa mnaynayaan Ruushka iyo Dal ka Koonfur

Dalka Koonfur Afrika ayaa difaacay xidhiidhka wanaagsan ee kala dhexeeya Ruushka iyo dho olatuska milateri ee ay sida wadajirka ah u sam aynayaan labada dal, xilli uu dalkaas ku sugan ya hay wasiirka arrimaha deb edda ee Ruushka Segei Lavrov, oo ah booqa shadiisii ugu horraysay ee uu halkaas ku tago, tan iyo markii uu dalka Ruushku weerarka ku qaaday dalka Ukraine. Lavrov ayaa sheegay inuu ku far axsan yahay mowqifka dhexdhexaadka ah ee uu qaatay dalka Koonfur Afrika, tan iyo markii uu dag aalku bilawday muddo hal sano laga joogo, wux uuna eedda colaadda uu dusha ka saaray dalka Ukraine iyo wadamada reer galbeedka. "Waxaa la ogsoon yahay in aan taageernay soo jeedintii Ukr aine ee ahayd in wadahadal la galo, isla xilliyadii uu bilaabm ay hawlgalka milateri ee gaarka ahi …. waxaa si fiican loo ogyahay in Maraykanka iyo Ing iriiska iyo qaar ka mid ah saaxiibad eeda Yurub in ay u sheegeen xukuumadda Ukraine inay tahay xi lli aad u horreeya in heshiis la gaadho” ayuu yidhi.

Ruushka ayaa si isdaba joog ah u diiday dal abaadka Ukraine iyo reer galbeedka ee ah inuu ga bi ahaanba isaga baxo Ukraine, taasoo shardi u ah wada xaajood kasta.

Lavrov ayaa sidoo kale beeniyay in Moscow ay beegsaneyso dadka rayidka ah, inkasta oo we eraro badan lagu qaaday dhismayaal la deggan yahay oo ku yaal Ukraine kuwaas oo khubarada ay sheegeen in ay u badan tahay in ay isu geyn noqon karaan dambiyo dagaal.

Wasiirka xidhiidhka caalamiga ah iyo iskaashi ga ee Koonfur Afrika, Naledi Pandor, ayaa ku celi say in Pretoria ay u aragto in xal diblomaasiyade ed iyo wadahadal in lagu gaadho nabadda.

Hase ahaatee, waxa ay difaacday in Koonfur Afrika ay xaq u leedahay in ay xidhiidh laba geeso od ah la yeelato dalalka ay doonayso oo aanay re er galbeedku amar ku siin.

Koonfur Afrika ayaa martigelinaysa ciidamada badda ee Ruushka iyo Shiinaha kuwaas oo ay w ada samayn doonaan dhoolatus milateri oo bisha February ka dhacaya magaalada Durban.

Warbixintan waxaa qortay Kate Bartlett

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan Oo Ka Jawaabay Dalab kii Sweden

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay Sweden inaanay filanin in dalkiisu uu taageero dalabkeeda ku aaddan In ay xubin ka noqdaan isbahaysiga milateriga ee NATO, ka dib mud aharaadadii toddobaadyadii la soo dhaafy ka dhacay magaalada Stoc kholm, taas oo ay dhigeen kooxo ka soo horjeeda Islaamka, isla markaana taagee rsan Kurdiyiinta.

Madaxweyne Erdogan ayaa si kulul u wee raray tallaabadii u siyaasiga reer Sweden ee Ras mus Paludan uu ku gubay kitaabka Quraanka ah Sabtidii, isaga oo sheegay inay tahay tallaabo me el ka dhac ku ah cid kasta, gaar ahaan Musl imiinta.

Turkiga ayaa si gaar ah uga cadhooday mas’uu liyiinta Sweden, in ay oggolaadeen in bannaan baxaasi uu ka dhaco bannaanka safaaradda Turk iga ee Stockholm iyada oo ay "ilaalinayaan” ciida mada ammaanku, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Gubista kitaabka barakeysan ee Quraanka ay aa ka cadhaysiisay guud ahaan shacabka dalka Turkiga, xilli dalalka Sweden iyo Finland ay raadin ayaan taageerada Turkiga si ay xubin uga noqd aan isbahaysiga NATO.

Cambaareyn xooggan oo ka dhalatay falkii Sweden ee ka dhanka ahaa Qur’aanka

Midowga Afrika ayaa si weyn u cambaareeyay falkii ka dhacay dalka Sweden, kadib markii uu nin xag jir ah kitaabka Qur’aan ka Kari imka ku hor gubay dhismaha safaaradda Turk iga ee ku taalla magaalada Stockholm. Guddoomiy aha Midowga Afrika ayaa qoraal kooban oo uu soo sa aray ku sheegay in uu si adag u cambaareynayo falkaasi oo uu ku tilmaamay "mid aad u fool xun”.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa falkii foo sah xumaa ee uu geystay ninka garabka midig ee Swedishka ah ee Rasmus Paludan oo gubay nuqul kamid ah Quraanka Kariimka,” ayuu yiri Ma kcy Sall, oo sidoo kale ah madaxweynaha Sen egal.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri "Islaam nacaybka iyo nacaybka Muslimiinta waa wax laga xumaado waana in lala dagaalamo iyada oo aan tanaasul loo muujinayn.”

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa asa guna tallaabadan ku macneeyay mid tusaale kale u noqoneysa heerka argagaxa leh ee ay gaartay Islaam naceybka, ayada oo Sweden ka codsatay in la ciqaabo kuwa ka dambeeya dambiyada ku sa absan nacaybka.

"Waa fal daan-daansi ah oo lagu beegsa nayo Muslimiinta, laguna aflagaadeynayo qiyamkooda muqadaska ah,” ayey tallaabadan ku tilmaamtay OIC.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhan keeda si adag uga hortimid tallaabadan, ayada oo war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arr imaha Dibadda si kulul loogu cambaareeyay falk aas oo ay sidoo kale ogolaadeen mas’uuliyiinta Sweden.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in falkan uu yahay mid loogu xad gudu bay xurmada diinta, sidoo kale uu kicinayo dareen ka muslimiinta caalamka oo dhan.

"In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu afl agaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacayb ka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dib adda.

Sidoo kale dowladda federaalka ah ayaa ku ba aqday in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fog aado hurinta nacaybka iyo colaadaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

"Soomaaliya waxay ugu baaqeysa Sweden in ay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacayb ka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, wax ayna ku boorinaysa dhammaan jileyaasha beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.”

Dowladda Kenya oo sheegtay inay ciida made edu dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shab aab

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa dilay ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib iska horimaad culus oo ay kooxda kula galeen deegaan ku dhow soohdinta uu la wadaago Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay booliska Kenya ayaa lagu sheegay in hay’adaha amnigu ay weerar ku qaadeen xero Al-Shabaab ay ku leeyihiin Seda hgose oo ka tirsan degmada Gaarisa.

Xerada ayaa waxaa ku sugnaa dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay inay gacanta ku dhigeen hal dagaalame oo nool.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay ciida mada ayaa sidoo kale qabsaday walxaha qarxa, qori PKM ah iyo 1 AK47 ah.Tallaabadan ayaa ima anay sa maalmo kadib markii dowladda Kenya ay boqo laal askar ah geysay si ay u xoojiyaan amm aanka magaalooyinka iyo tuulooyinka ku dhow xadka ay la wadaagto Soomaaliya.


Dal kamid ah AFRIKA oo dhoolatus la samey naya Shiinaha iyo RUUSHKA

Dalka Koonfur Afrika ayaa difaacay xidhiidhka wanaagsan ee kala dhexeeya Ruushka iyo dho olatuska milateri ee ay sida wadajirka ah u samay nayaan labada dal, xilli uu dalk aas ku su gan yahay wasiirka ar ri maha debedda ee Ruushka Segei Lavrov, oo ah booqashad iisii ugu horraysay ee uu hal kaas ku ta go, tan iyo markii uu dalka Ruushku weerarka ku qaaday dalka Ukraine.

Lavrov ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay mowqifka dhexdhexaadka ah ee uu qaatay dalka Koonfur Afrika, tan iyo markii uu dagaalku bilawd ay muddo hal sano laga joogo, wuxuuna eedda colaadda uu dusha ka saaray dalka Ukraine iyo wadamada re er galbeedka. "Waxaa la ogsoon ya hay in aan taageernay soo jeedintii Ukraine ee ah ayd in wadahadal la galo, isla xilliyadii uu bilaab may hawlgalka milateri ee gaarka ahi …. waxaa si fiican loo ogyahay in Maraykanka iyo Ingiriiska iyo qaar ka mid ah saaxiibadeeda Yurub inay u sheeg een xukuumadda Ukraine inay tahay xilli aad u hor reeya in heshiis la gaadho” ayuu yidhi.

Ruushka ayaa si isdaba joog ah u diiday dala baadka Ukraine iyo reer galbeedka ee ah inuu ga bi ahaanba isaga baxo Ukraine, taasoo shardi u ah wada xaajood kasta.

Lavrov ayaa sidoo kale beeniyay in Moscow ay beegsaneyso dadka rayidka ah, inkasta oo we eraro badan lagu qaaday dhismayaal la deggan yahay oo ku yaal Ukraine kuwaas oo khubarada ay sheegeen in ay u badan tahay in ay isu geyn noqon karaan dambiyo dagaal. Wasiirka xidhiidh ka caalamiga ah iyo iskaashi ga ee Koonfur Afrika, Naledi Pandor, ayaa ku cel isay in Pretoria ay u aragto in xal diblomaasi yad eed iyo wadahadal in lagu gaadho nabadda.

Hase ahaatee, waxa ay difaacday in Koonfur Af rika ay xaq u leedahay in ay xidhiidh laba geesood ah la yeelato dalalka ay doonayso oo aanay reer galbeedku amar ku siin.

Koonfur Afrika ayaa martigelinaysa ciidamada badda ee Ruushka iyo Shiinaha kuwaas oo ay wada samayn doonaan dhoolatus milateri oo bi sha February ka dhacaya magaalada Durban. VOA


MAXAA LAGA FILAN KARAA SHIRKA CUL AAM’ UDIINKA UGA FURMAY

 MUQDSIHO? (WARBIXIN)


Shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed oo ka furmay Dorraad magaaladda Muqdisho ayaa qod obadda looga hadlayo waxa ka mid ah sidii dagaal adag loola geli lahaa ko oxdakhawaariijta arxan ka,madashan ayaa wa xaa lagu casuumay Cu lumo Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso in ka badan 300 ah kuwaas oo isaga kala yimid gobolada dalka iyo iyo dibaddiisa , shirkan ayaa waxaa lagu dhisi doono heya’adda sharci ah isla markaana rasmi ah oo ay leyihiin culimadda

soomaaliyeed, maadaama ay qiimo weyn ugu fadhido Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Dalka, waxaa kalo ka mid ah qoddobada Culima du ay ka hadli doonaan ay ka mid tahay diinta, do wladnimada iyo xiriirka ka dhaxeeyo, iyo in la dhi so Gole sare oo ay Culimada ku mideeysan yihiin islamarkaana ah dastuuri, si loo helo dal Soomaa liyeed oo dowladdooda iyo Culimadooda ay mide ysan yihiin, wanaa shir ay u dhan yihiin guud aha an Culima’udiinka Soomaaliyeed.

Culimmada ka qayb gelaysa shirweynahan oo siyaabo gaar gaar ah ula hadlay warbaahinta qa ranka ayaa sheegay in shirkan muhiimad weyn u leeyahay dalka iyo diinta sidoo kalena meel adag la iska taagi doono sidii dalka looga xorayn lahaa kooxda khawaariijta, Sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah Culimada ka qeyb galayso Shirkaasi ka furmay Muqdisho ayaa ka hadalay ahmiyadda shirka uu u leeyahay dalka, wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay mid uu Madaxaweynaha JFS horay ugu baaqay in loo qabto Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, si looga hadlo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo wax ay shareecada islaamku ka qabto xukunka khawaarijta.

Qorane ayaa sidoo kale tilmaamay in ahmiya da weyn shirkan u leeyahay dalka iyo dadka Soo maaliyeed, kuna soo aday xili loo baahnaa, ma daama dalku uu ku jiro dagaalka ka dhan khawaa rijta muhiimna ay tahay in bayaan wad jir ah Cul imada Soomaaliyeed ka soo saraan xukunka kha waarijta iyo sidii dowlada iyo Culimada la isugu xiri lahaa.Waxaa kaloo ka hadlay muhiimadda shirka Sheekha Xasan jaamici oo isna ka mid ah Culi mada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya shirka culi mada ayaa dul istaagay inay muhiim tahay in Culimada Soomaliyeed caddeeyaan dhaqanka gur acan ee ay ku dhaqmayaan kooxda khawaarijtu, in diinta islaamku aysan waxa sal ah ku lahayn Cu limadana bayaan wadajir ah ay ka soo saaraan, iasgoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:-

” Maraynkan ka ayaa uga imid ka qeyb galka Shirka Culimada, ujeedkuna waa inaan hormuud u noqono la dagaallanka Fikirka Khawaarijta”, wa xaa kale ee uu tilmaamay tilmaamay in khawaari jtu seddex qodob lagu cuuryaamin karo qeybna ka ah degaalka lagula jiro khawaarijta in fikira takfi irka lala degaalamo in qaab Ciidan iyo dhanka dha qaalaha loola degaalamo intaas hadeysan culim ada hormuud u noqoto lagama adkaan karo Kooxda Khawaarijta ah.

Sheekha Xaan jaa mic ayaa ka dhawaajiy ay in maalmaha saddex da cisho ee shirku socdo intiisa badan diirada lagu saari doono sidoo kalena la dar aaseeyno asbaab aha keenay fikirkaan xag jirka ah ee qalddan, in la ga doodo xalka ugu sahlan ee arrintaa laga gaari karo uu noqon kara culimada in ay ka doodo ka dibna ay soo saraan bayaan sal u noqon karo howlgalka ay dowladdu ku jirto,lana waa fajiyo Shareecada islaamka.

Muhiimadda shirka waxaa kaloo ka hadlay Shiikh Cabdulqaadir Soomoow oo ka mid ah Culu maa’udiinka Soomaaliyeed ayaa isna yiri "Waxa aan Shalay isugu imaanay waa inaan gudano waa jib diini ah oo ah difaaca diinteenna suubban ee ay ku soo duuleen khawaarijta ka been sheege ysa, Sidoo kale waa in aan ogaanaa in Ciidamada Qaranka ee Jihaadka ku shahiiday waa dhinteen aan la dhihi karin ee waa in la dhahaa waa Shu hado”,

waxaa arrinkani horey uga sheegay Masjidka Shuhadada salaadii Jimcaha ee la soo dhaafay Sheekh Cali Wajiis wuxuuna yiri ‘’Saraakiisha maa linkasta shahiideysa maahan in loogu tacsiyadee yo sida dadka caadiga meelaha ugu dhimanayo ee waa in loo hambalyeeyaa, Saraakiisha iyo Ask arta ay disho Khawaarijtu waa Shuhado, waa in aan u hambalyeyno”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha Culimaa’udiinka Soomaali ye ed ayaa soo bandhigay sida shacabka iyo dowlad da Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen isagoo dib u xusayay Culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, Dorraad oo kale sanadkii 1975-tii, kuwaasi oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khal danayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka, waxa uuna sheegay in dowladnim ada Soomaaliyeed ee Shalay ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaa mka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Khawaarijta Al-shabaab ay xasuuqe en Culimadii iyo wax-garadkii dalka, ayna hor ist aageen nolasha iyo horumarka deegaannada ay xoogga ku haysteen, taas oo sababtay in uu xoog eysto kacdoonka ay shacabka Soomaaliyeed ku di ideen argagixisada, kagana soo horjeesteen fik irka xagjirnimada ah."Qofkii rajo ka qaba Al-shab aab in ay u naxariisanayaan ha ku tusaale qaato wadaadkii Indhoolaha ahaa ee isaga oo meel uu u baxsado la’ ay ku dileen Xarunta Gobolka Benaa dir

. Dagaalka Khawaarijta, muddo dheer ayuu soo socday, waxa uuna soo gaaray Shalay oo dhi baatadoodu ina wada gaartay. Waxaan rabnaa in xal loo helo dabar-goynta fikirkaas, xalkiina shirk aan ayaa laga sugayaa”.

” Khawaarijtu Macallin dugsi Qur’aan oo 92 sano jira ayay Gowraceen waxaana ay xireen dugsiyadii Qur’aanka, Culimada Shalay xujaa ku oogan, waan kala aragti duwa nahay in ummadda loo kala qeybiyo sax maahan, In jaamacadaheena iyo iskuulladeenu guryaha ugu qurxoon ku yaala an Dugsi Qur’aankeenuna Jidka ku dhex yaalo sax ma ahan, diinta dadkaa leh laakiin dowladdu diinta malahan inay lahaato oo ilaaliso waaye”, ayuu yiri Xasan Shiikh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiiji yey in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa Hay’adda Culimada Soo maaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhi imsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda.

Shirweynaha Culimaa’udiinka Soomaaliy eed oo maalintii 2-aad ka socda Muqdisho ayaa Shalay diiradda lagu saarayaa sharc iyadda dagaalka lag ula jiro Khawaariijta.

Shirka ayaa sidoo kale ku qotoma doorka Cul imada ee la dagaallanka fikirka gurrucan ee Khaw aarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qoto-dheer u dul-istaagayaa.

Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: fahamaka saxda ah ee Diinta Islaamka.

Sharciyad-siinta Dawladda: xukunka Islaamka iyo Dowladnimada casriga ah. Dhisidda golaha sare ee Culimaau’diinka Soomaaliyeed: muhiima ddiisa iyo sharciyadiisa.

Dowladda iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa u midoobay sidii meesha looga saari lahaa in laga been abuurto Diinta Islaamka, tallaabadaas oo me esha ka saaraysa in cid kasta oo sheegata magac diimeed aan si fudud lagu aaminin.

Ugu dambeymtii shirkani Culumaa’diinka Soomaa liyed uga furmay Magaalada Muqdisho waxaa lo oga fadhiyaa inay ka soo baxaan qodobo cad cad ee lagu wajaho Kooxda Maleeshiyaadka aruursat ay ee Khawaarijta ah oo aan u naxayn Shacabka Soomaaliyeed sharaftooda iyo cirdigooda, kana been sheegay Diinteenna suuban ee Xanifka ah, waxaa kaloo ay laayaan inta garaadka u saaxiibka ah oo ay ugu horreeyaan Culumaa’uddiinka, wax aa na u rajeyneynaa shirkaasi inuu noqdo kii lagu najaxo, Soomaalidana u horseeda nolol leh ammaan iyo barwaaqo.

Diyaariye C/laahi Ruush



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip