,,
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Boosaaso ku qaabilay wefti balaaran oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqaajinta balaarinta shaqo ee Dekedda magaalada Boosaaso. Waxaa qayb ka ahaa kulanka Wasaaradda Dekadaha iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

Madaxweynaha Puntland Oo Boosaaso Ku Qaabilay Agaasimaha Maamulka DP-WORLD
,,