MW Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiyada Dhaqanka Dib U Heshiisiinta Koofur-Galbeed

0
Tuesday January 24, 2023 - 09:56:03 in Wararka by
  • Visits: 135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MW Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiyada Dhaqanka Dib U Heshiisiinta Koofur-Galbeed

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa saaka inta aanu ka soo ambabixin magaalada Baydhabo waxa uu kulan la qaatay golaha odayaasha dhaqanka iyo guddiga farsamadda shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed, kuwaas oo wadajir ah ugu wareejiyay warbixin ay kasoo uruuriyeen dhacdadii 23 Diseembar 2022, ka dhacday magaalada Baydhabo.

 
Madaxweynaha ayaa adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay miro-dhalka wada-hadallada ka socda magaalada Baydhabo, waxa uuna kula dardaarmay guddiga farsamada ee shirka iyo odayaasha dhaqanka in ay masuuliyad iska saaraan sidii xal loogu heli lahaa tabashooyinka ay qabaan dhinacyada gogosha fadhiya, shirkuna u guuleysan lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo kulamo la yeeshay culimada, odayaasha dhaqanka, siyaasiinta iyo qeybaha bulshada Koonfur-galbeed ayaa ka codsaday in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin dib u heshiisiinta, nabadeynta





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip