Sawirro: Laascaanood oo muujisay midnimadda Soomaaliya iyo waxa xiga

0
Tuesday January 24, 2023 - 11:32:28 in Wararka by
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Laascaanood oo muujisay midnimadda Soomaaliya iyo waxa xiga

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wararka aan ka heleyno xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa sheegaya in xaalad aan caadi aheyn ay ka taagan tahay kadib markii shalay dad ku dhow toddobaatan kun qof oo xirnaa calanka buluuga Soomaaliya ay isugu baxeen.

Isu soo baxan taariikhda galay ayaa lagu soo dhoweynaya mid ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo u taagan midnimada Soomaaliyeed, kana soo jeeda deegaanka.

 

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah waxgaradka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo si diiran loogu soo dhoweeyay Laascaanood ayaa ku baaqay in Garaadaddu shir iskugu yimaadaan Laascaanood si ay ugu tashadaan danta guud ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn iyadoo la tixgelinaayo Soomaalinimada.
 
Maagalada Laascaanood oo maamulka Somaliland ay faarujiyeen shantii Janaayo ayaa waxaa dadweynuhu iyo kooxo dhalinyaro ah ay xoog kaga hortageen maamulka Somaliland oo maamulayay magaaladaasi (2007) Lix iyo Toban sano, kadibna kacdoon shacab ay ugu baxeen si xaalada aysan u noqon mid xunjiro dhiig ah ku daado.
 
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo si Soomaalinimo loogu soo dhoweeyay magaalada ayaa magaalada Laascaanood wuxuu kaga qeyb geli doonaa shirweyne guud oo waxgaradka SSC kaga tashan doonaan aayahooda, kaasoo lagu go’aamin doono midnimada iyo wadajirka Somaliweyn.
 
Suxufiga lagu magacaabo Cabdiqani C/llaahi Irbad oo ku sugan magaalada Laacaanood ayaaCaasimada Onlineu sheegay in maanta iyo beri magaalada laga sugaayo Garaad C/llaahi Garaad Saleebaan iyo Garaad Maxamed Garaad Abshir oo go’aamin doona mustaqbalka shacabka iyo gobolka Sool aayahooda meesha ay kaga tashan doonaan.
 
Maamulka Somaliland ayaa walaac xoogan ka qaba shirweynahaasi ay isugu imaan doonaan waxgaradka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, iyadoo magaaladana ay faarujiyeen ciidamadii maamulkaasi shantii bishii Janaayo oo ay kooxo dhalinyaro deegaanka ah ay la wareegeen maamulka magaalada.
 
Mowjadaha kacdoon ee ka taagan Laascaanood ayaa muujinaayo rabitaanka shacabka gobolka oo todobaadyadii u danbeeyay maamulka Somaliland uu dad shacab ah ku bartilmaameedsaday si xiisadaha taagan loo joojiyo.

 
XIGASHO:-CAASIMADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip