HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 24-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Tuesday January 24, 2023 - 08:04:46 in Wararka by
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 24-KA JANNAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed oo Shalay ka furmay Muqdisho

Waxaa Shalay magaalada Muqdisho ka fur may shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horay ugu baaqay madaxweynaha dowladda Feda raalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shir weynahaan ayaa waxaa ka qeybgalaya inta badan Culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka iyo dibadiisa, kaasoo looga arinsan doono doorka Culimada ka qaadan karaan dagaalada ka

dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaana si qoto dheer doono looga hadli doona sixida Fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka.

Waxaa la tilmaanay in Culimada ilaa sadax qodob ay si aad ah uga doodi doonaan oo kala ah, Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab Sixida fah amka saxda ah ee Diinta Islaamka, Sharciyad sii nta dowladda Xukunka Islaamka iyo dowladnim ada casriga ah iyo Dhi sidda Golaha Sare ee Cul umada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharci yeyntiisa.

"Shirka culimada wuxuu noqon doonaa mid is ku keena madaahiibta kala duwan, waxaana raje ynaya inuu noqdo mid uu kasoo baxo wax wanaag san, Diinta waa nasteexo Culimada ayaga ayaa is ku nasteexeyn doona, dowladana u nastexeyn do ono" ayuu yiri Sheekh Usuuli oo ka mid ah Culim ada caanka ah ee ka qeyb galeysa shirka Shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan Shalay Muqdisho uga furmay Culima da Soomaaliyeed ayaa ku soo aadaya xili muhiim ah oo dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaa shaneysa dadka deegaanka ay wadaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo ay dow ladu sheegtay inay sii wadeyso.

Duqa Muqdisho oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Xarunta Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Ji mcaale (Madaale) oo si deg deg ah dalka dib u gu soo laabtay ayaa booqd ay qaar ka mid ah isbitaala da Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyada sha cab waxyeelo kasoo gaar tay weerarkii Al-Shabaab ay Drraad ku qaadeen Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale Guddoomiya ha Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dowladda Hoose kulan kula qaatay Guddoonka Sare ee Maa mulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyey aasha Deg mooyinka iyo Deegaa nada Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Aga asimeyaasha.

Guddoomiyaha oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkaas, isaga oo caafimaad u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay, sidoo kale u hambalyeeyay Ciid amada Amniga ee soo afjaray weerarkii Al-Shab aab ku qaadeen Xarunta Gobolka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Madaale ayaa she egay in weerarkii Xarunta Gobolka ay ku dhinteen ilaa 6 ruux oo ay kamid ahaayeen Agaasimihii Na afada Gobolka Banaadir iyo Askari katirsan Cii damada Ammaanka.

Xasan oo doonaya isbeddel lagu sameeyo dugsiyada qur’aanka ee dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay furay shirweynaha Culim ada Soomaaliyeed ayaa si weyn u dhaliilay in hay ’addaha dowladda aysan xil gaar ah iska saarin dugsiyada Qur’aanka, si lamid ah Iskuulada iyo Jaamacadaha. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in xilligaan ay Dugsi Qur’aanka ka meeqa am sareeyaan Iskuulada iyo Jaam acadaha, taasi oo uu sheegay in ay wasaaraddaha xukuum adihii kala dambeeyay aysan ku baraarugsaneyn, islamarka ana ay hadda xooga wada saari doonaan.

"Jaamacadaha iyo Iskuulladeenu inay qurxoon adaan waa fiican tahay laakiin in Dugsi Qur’aanka uu jidka ku dhex yaallo maahan, asna waa in uu qurxoonaada oo nadiif ahaada oo uu yeesho wixii ay lahaan lahaayeen dad meel iskugu yimid.”

"Iskuul markii meel laga dhiso suuli ayaa loo sa meeya oo meel biyo laga cabo ayaa loo sameeya, Dugsi Qur’aanka muxuu intaas oo kale u yaalan karin oo u muteystay meel ay kala istaagan, daya caad sow maha ahan, meesha aan rabno in aan ka imano meeshaas waaye.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu she egay inuu rabo in Diinta ay xil gaar ah iska saarto dowladda, ayna masuuliyadeedu tahay inay ila aliso oo ay ka hortagto dadka iyo kooxaha raba in ay sida gaarka ah u adeegsadaan.

"Dowladdu markay deegaan qorsheynayso ee Iskuulka u yeelayso ee wax walba u yeelayso, dug si Qur’aanka iyo Masaajidka aysan u yeelayn. Diin ta weli dadkaa iska leh Shalay la joogo waa rabna berri Ilaahay hana gaarsiiyo, laakiin dowladdu diin ta malahan inay lahaato oo ilaaliso waaye.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Ma ahan in wax ka badasho ee waa in ay ilaaliso oo luuq laga soo galin, dowladda masuuliyadeeda u horeysa waa taas.”

Madaxweynaha oo lahaa soo jeedinta shirwe ynaha Culimadda Soomaaliyeed ee Shalay ka fur may magaalada Muqdisho ayaa waxa uu dadaal badan galinaya sidii loo dhisi lahaa Gole sare oo Islaami ah oo hormuud u yihiin Culimadda Soom aaliyeed

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo Isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarka

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliy adda gobolka Banaadir ahna ku simaha guddoomi yaha oo uu wehliyo gudoomiye ku xigeenka laba ad ee gobolka Banaadir ayaa isbitaalka digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa ku booqday dhawaac yadii dadkii ku wax yeeladu kasoo gaartay weera rkii Drraad lagu qaaday xarunta dowlada hoose ee Xamar.

Guddoomiyaasha ayaa mid mid u dul tagay dhaawacyada iyaga oo xaaladooda ka warey stay Allana uga baryay caafimaad taam ah Drraad ayey aheyd markii xubno ka tirsan ururkq Al-Shab aab ay weerar ku bilowday qarax ku qa adeen xar unta Maamulka ay ku dhaawac meen u gu damb eyntiina weerarkaas ay ciidam ada amma anku soo afjareen, isla markaana ay toogteen dhamma an raggii weer aray.

Dowladda Soomaaliya Oo Si Kulul Uga Hada shay Kitaab Qur’aan Ah Oo Lagu Gubay Sweden

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga had ashay falka uu ku kacay nin xagjir ah oo dowladda Sweden u ogolaatay inuu safaarada Turkey hor teeda ku gubo Kitaab kamid ah Qur’aanka Kariim ka. Falkan oo dhacay sabtidii 21-kii bishan ayey wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya si adag u cambaareysay, iyadoo dowladaasi ka dalbatay iney ka feejignaato ficilada noocan oo kale ah.

Qoraalka wasaarada oo afka ingiriiska ku qornaa ayaaa lagu sheegay inay tani ka dhigan tahay xa d-gudub bareer ah oo ka dhan ah xurmada dii meed iyo daandaansi lagu hayo dareenka muslimi inta adduunka oo dhan

"In la ogolaado falkan na ceybka ah ee lagu afla gaa deynayo karaama da iyo qi yamka Islaamka waa gebi ahaanba wax aan la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nac aybka iyo cunsuriy adda wuxuuna u adeegaa xagj irnimada iyo arga gixisada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay was aaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Si kastaba, Rasmus Paludan oo ah hogga amiy aha xisbiga Stram Kurs (Hard Line) oo ay ila alinayaan booliska Sweden ayaa falkan ku kacay bilowgii todobaadkan.

Muuqaalo iyo Sawirro laga qaaday dhacdada asi ayaa abuurtay carro Caalami ah.

Dowladda soomaaliya oo si kulul uga hada shay kitaab qur'aan ah oo lagu gubay sweden

Mas’uul ku baaqay in la baaro Weerarkii Xarunta Gobolka Banaadir

Gudoomiyihii hore degmada Heliwaa Cumar Cabdulle Jacfaan kana mid ah Saraakiisha ciidan ka xoogga dalka ayaa Cambaareeyay Weerarkii Drraad ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee ay qaadeen Alshaba ab.

Md. Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa Marka hore ka tacsiyadeeyay khas aaraha ka dhashay weerar ka,waxaana uu she egay in Alsh abaab looga adkaan karo wada shaq eeyn dhex marta hay’addaha Amniga & Dadka shacabka ah.

Sidoo kale ‘ Mudane Cumar Cabdulle Jacfaan ay aa ku baaqay in Cadaaladda la horkeenno sha qsiyaadkii ka dambeeyay oo Alshabaab u fudude eyay in ay galaan xarunta Gobolka Banaadir.

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka magaalada Kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaare kala duwan oo saacadahii lasoo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Sijngaleyr oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kism aayo ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada Ju bbaland ku leeyihiin deegaanka Siingaleyr oo ka mid ah deegaanada laga ilaaliyo amaanka magaa lada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dha shay dagaalka oo ay dadka deegaanka sheegeen inuu ahaa mid aad u xoogan oo socday ku dha waad hal saac, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar hordhac ah oo laga helay dagaalka ay aa sheegaya in dagaalka uu dhaawac kasoo gaar ay taliyahii ciidanka Jubbaland ee deegaanka Siin galeyr iyo laba askari oo kale. Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah ku qaada fariisimaha ciidamada Jubbal and iyo kuwa ciidan ka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne Deni oo dhagax-dhigay dhism aha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Bosaso

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax-dhigay dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boo saaso waxaa la dhisidoonaa dhismayaal ay ka mid yihiin.

Qaybta Rakaabka Diyaaradaha (Terminal Pas senger

Qaybta Xamuulka (Terminal Cargo) Dhismaha qaybta Dab-damiska Dhismaha Tower Cusub.

Sidoo kale waxaa la dhammaystiri doonaa oo hadda gacanta lagu hayaa dhismaha hoteel casr iya oo uu yeelan doono Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Hooyo Maryan Nuur waxa ay Codsaneynaa Caddaalad iyo in la cadeeyo ninkii dilay Wiilkeeda

Hooyo Maryan Nuur waxa ay Codsaneynaa Caddaalad iyo in la cadeeyo ninkii dilay Wiilke eda, halka Booliiskana ku cadaadinayaan in la du ugo Wiilkeeda (Fadlan sii share garey).

Ilaah ha u naxariistee subaxnimadii Sabtida isgo oska Howlwadaag askari katirsan ciidanka dowl adda ayaa dil arxan darro ah u geestay Maxa med Cabdisalaan Cali ( Xeyle) oo ahaa wade moo to bajaaj, waxaana xilliga la dilayay marxuumka moo tada la saarnaa hooyadiis iyo walaashiis

Ciidamada booliiska ayaa dilka kaddib soo xiray afar as kari oo isugu jirta booliis iyo nabad sugid ku sugnaa isgo oska Howlwadaag xilliga dilku dhacayay, walina booliiska ma cadeyn ninka ras miga ah ee dilka u geestay marxuum Maxamed Xeyle.

Xogta aan helay ayaana sheegeysa in askar ta xiran ay diidan yihiin in iyagu dilka geesteen, waxa ayna qarinayaan in ay sheegaan qofka dilka la ge estay oo la tuhmayo in midkood yahay.

Hooyada dhashay Marxuumka oo lagu magac aabo Maryan Nuur oo tan iyo markii la dilay wiilk eeda aan hurdo ladin ayaa codsaneysa in la cad eeyo ninka dilay wiilkeeda loona marsiiyo cadda alad, waxa ayna hooyada diidan tahay in wiilkeeda la aaso iyada oon caddaalad loo helin lana cadeyn askarigii dilay wiilkeeda.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo qoyska wiilka la dilay kula kulmay isbitaalka Digfeer ayaa ka codsaday in meydka la aaso, waxa uuna taliyaha codsafay in fursad loo siiyo si uu usoo cadeeyo askariga dilka geestay.

Ehelada marxuumka oo lagu cadaadinayo in la aaso meydka ayaan ku qanacsaneyn hadalka taliyaha, waxa ayna sheegeen in warka taliyaha u muuqdo in wali la qarinayo in la cadeeyo gacankudhiiglaha rasmiga ah ee dilka geestay.

Qoyska ayaana ka codsaday madaxda sare ee dowladda in caddaalad u helaan wiilkooda sida gardarada ahaa loo dilay , waxa ayna sheegeen in aysan ku qanci doonin diyo iyo wax lamid ah ayna rabaan in loo ciqaabo askarigii dilka geestay.

W/Q Gacal Ayman

Macallin Mahdi oo farriin culus soo saaray kadib weerarkii gobolka Banaadir

Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Ba naadir, Gaashaanle sare ahdi Cumar Muumin oo loo yaqaano (Macallin Mahdi) ayaa farriin culus soo saaray kadib weerarkii xarunta gobolka Ban aadir iyo gubashadii Suuqa Bakaaraha.

Macallin Mahadi ayaa marka hore uga mahad cel iyay hay’adaha ammaanka sidii ay uga qayb-qaa teen daminta dabkii habeen hore ka kacay Suuqa weyn ee Bakaraha.

Sidoo kale wuxuu uga mahadnaqay ciidamada ammaanka, sidii ay u soo afjareen weerarkaas oo saacado qaatay, laguna beegsaday xarunta dowl adda hoosee ee Xamar.

Taliyaha ayaa si gaar ah u amaanay ciidamada Haramcad oo sameeyay howlgalka lagula dagaala may xubnaha weeraray xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ka tacsiyeeyay geerida Liib aan Maxamed Maxamuud oo ahaa sarkaal xigeen ku dhintay weerarkaas, isaga oo ku dhaawac ah u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka oo dhameyst iran:-

Fariin ka timid Taliyaha qeybta guud ee Boli iska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muu min. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan hay’a daha amiga dalka iyo maamulka Gobolka Banaad ir sidii ay uga qeyb qaateen damintii dabkii ka kac ay suuqa wayn ee Bakaaraha iyo sida ay usoo af jareen weerarkii kooxda Khawaarijta ah ee Alsha baab ku qaadeen xarunta gobolka Banaadir.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ciida mada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo si wa yn uga qeyb qaatay sidii loo soo afjari la haa kooxdii weerarka kusoo qaaday xarunta gobolka Banaadir, waxaana uga tacsiyaynayaa dhammaan ciidanka, ehelka iyo asxaabta Sargaal xigeenkii ku shahiiday intii uu socday howlgalkaas oo lagu magacaabayay Liibaan Maxamed Maxam uud, waxaana alla caafimaad u waydiinayaa dham maan saraakiishii iyo askartii ku dhawaacantay intii uu socday howlgalkaas.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Saraa kii shii iyo askartii ka tirsnayd Taliska qeybta Guud ee Boliiska G/Banaadir, Ciidanka hay’ad da Nab adsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo iyana qeyb ka ahaa howgalkaas iyo dhammaan madaxda maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsana yaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ayna soo gudbiyaan garanwaaga ama wixii ay u arkaan inay lid ku yihiin amniga Gobolka Banaadir.

Taliska qeybta guud ee Boliiska Gobolka Bana adir wuxuu mar walba u taagan yahay sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka ku nool Muq disho.

Mucaaridka SACIID DENI oo ka digay laba arrin oo halis ku ah jiritaanka PUNTLAND

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa si adag uga hortimid qorshaha Deni ee doorashada qof iyo cod, taasi oo ay sheegeen in laga leexiyay hanaankeedii saxda ahaa.

Qoraal kasoo baxay madasha ayaa sidoo kale waxa looga di gay in damaca kooxda Deni u horseedi karo Puntland halis amni iyo xasilooni la’aan siyaa sadeed, sida ay sheegeen.

"Waxaa jirra walaac weyn iyo diidmo ay ka muuj iyeen bulshada gobolada Bari, Karkaar iyo Gar dafu is-diiwaangelinta gacan marooqsiga ah ee xukuumaddu waddo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

"Shacabka deggen gobolladaas oo aan la kul anay waxay dareen wel-wel leh ka muujiy een da maca muddo kororsiga ku dhisan ee madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ku lifaaqan dii waan-gelinta baalmarsan dast uurka Puntland iyo xeerarka doorasho oyinka.”

Waxay sheegeen in madasha u cadaatay in gu ddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka (TP EC) ay baal-mareen xeerarkii u degsanaa han aanka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo doora sho oyinka guud ahaan, ayna bilaabeen diiwaan-gelin aan loo dhameyn xilli uu ji ro khilaaf xoog leh.

"TPEC waxay billowday diiwaan-gelin aan loo dhameyn xilli uu jiro khilaaf xoog leh iyo kala qey bin qabaa’ilka lagu kicinayo oo horseedi karta hal is amni iyo xasilooni la’aan siyaas adeed.”

Qoraalka kasoo baxay madasha ayaa waxa kale oo lagu sheegay in ururka Kaah oo ah midka kooxda Deni uu duruufo dhaqaale uga faa’iidey sanayo dadka barakacayaasha, kuna tumanayo xuquuqdooda.

Intaas kadib waxay madashu ku baaqday shan qoddob oo muhiimad gaar ah u leh xaaladda taagan, kuwaasi oo kala ah;

In Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka (TPEC) aysan halis amni iyo xasilooni la’aan siy aasadeed u horseedin Puntland, islamarkaana ay san baalmarin Dastu urka dowladda Puntland iyo shuruucda dalka u degsan.

In xukuumaddu joojiso afduubka shaqadii loo id maday Guddiga doorashooyinka (TPEC) oo ay hoggaaminayaan wasiirada xukuumadda, gudoom iyaasha gobollada iyo degmooyinka.

In ciidmadda amniga Puntland qeybahooda kala duwan aysan ku milmin siyaasadda una adeegin damac shakhsi sidoo kalana ka fogaadaan wax walba oo dhaawici kara taariikhda iyo sumcada wanaagsan ee ciidamada Puntland leeyihiin isla markaana ku ekaadaan waajibaadkooda dast uuriga ah.

In xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo ku hawlan muddo kororsi ay joojiso marin habaabinta shacabka lagu hayo iyo ku takri-falka dhaqaalaha ummadda oo ay u adeegsanayso da no siyaasadeed iyo kala qeybinta dadka reer Pun tland.

Waxay Madasha Siyaasadda Puntland ugu ba aqaysaa Isimada, cuqaasha, waxgaradka iyo bu lshada qeybahooda kala duwan in laga hortago hubanti la’aanta siyaasadeed ee xukuumadda Siciid Cabdullahi Deni ku hawlantahay si dano shakhsi loogu gaaro.

"Ugu danbayn Madashu waxay ugu baaqaysaa in shacabka Puntland ay ku faro adaygaan nab adda iyo xasiloonida ay haystaan meelna uga soo wada jeestaan cid walba oo kala qey bin bulsho iyo khalkhal amni-darro ku hawlan.”


Arrimaha la gudboon DF kaddib dilalka dha llinyarada MUQDISHO ee sii kordhay

Xoogga Soomaaliya waa dhalinyaro, kuwaas oo tirada guud ee bulshada ka ah 75% laakiin baa ga-muudada haysatana kama yara isla cabirkaas.

Shaqo la’aanta ka jirta Soomaaliya waxay dalka dhaxal-siisay inay dhalinyaro badan u dhaqaaqan dhanka Al-Shabaab oo ay ku qancaan fikrada dadlaynta.

Qaar iyaga oo nolol iyo shaqo raa dinaya ayey badaha ku dhamaadeen, qaarna ist icmaalka daroogada ayay wehel ka dhigteen si ay daruufta shaqo la’aanta keentay fasax uga qaatan.

Dowladihii isaga dambeeyay xukunka Soomaa liya burburkii kadib midna kuma guuleysan inay keento fikrad shaqo abuur u noqon karta ugu yar aan afar meelood meel kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shaqo la’aantu waxay qeyb ka tahay waxyaba ha xoojinaya xasillooni darada ka jirta dalka.

Dhowr sanno ka hor gaadiidka Bajaajta ayaa ku soo biiray suuqyada Soomaaliya, waxay fursad shaqo u noqotay dhalinyaro badan.

Magaalada Muqdisho illaa 50 kun ayaa lagu qiy aasa dhalinyarada Shalay ku xamaalata bajaajta. Markii ay timid fursadan dhalinyaro badan ayaa isaga soo baxay Al-Shabaab, kuwa ayaa dar oo gadii ka tagay, qaarna fikradii tahriibka ayay iska saareen iyaga oo aaminay in bajaajta xal u tahay shaqo la’aantooda.

Wax badan ayay mootooyinkan ka badaleen nolosha shaqo ee dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa caasimadda degan. Laakiin dho wrkii sanno ee ugu dambeysay askarta dowladda Soomaaliya waxay qaadeen tallaabooyin burburin kara shaqo abuurkan ay dadku iskood u sameys teen.

Waa dil, dhac iyo musuq-maasuq joogto ah oo lagula kaco dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta.

Drraad wiil dhalinyaro ah oo darawal bajaaj ah oo hooyadiis iyo walaashiis ay la socdaan ayaa as kari ka tirsan dowladda waxa uu ku toogtay isgoys ka Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Dhaqankan oo muddo soo jiray wuxuu jidgooyo ku sameynaya shaqo abuurkan ay dadweynaha sameysteen.

Dowladdu in aanay shaqo abuur keeni karin, tii ay shacabka keensadayna ay difaaci karin waa nasiib darro weyn.

Maamulka gobolka Banaadir oo durba fashilkii sa uu muuqdo ayaa illaa hadda hayn wax aragti ah oo ciidanka dowladda looga difaaci karo shac abka, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqeysata mootada bajaajta.

Askartii hore u dishay dhalinyarada bajaajta badankood lama ciqaabin, qaar si qoys ah ayaa loo xaliyay, kiisaska qaarna dilaayaashii ayaa la sheegay inay baxsadeen.

Dibad-bax ayey dadweynaha Drraad uga jaw aa been dilka wiilkaas dhalinyarada ah, laakiin cii danka dowladda ee ku sugan isgoyska Howl-Wadaag ayaa rasaas uga jawaabay kacdoonka shacabka, taasi oo iyaduna dhalisay khasaare ka le oo dhimasho ah.

Dowladda Soomaaliya waxaa laga raba inay xal u keento dhibaatada lagu hayo dhalinyarada shaqo abuurka sameysatay, cadaalada oo la dab aqo iyo dhaqanka ciidanka dowladda oo wax laga badalo ayay dadka badi u arkaan xalka arrintaan.

Inay arrintan sii socoto waxay caqabad ku tahay dhalinyarada, shaqo abuurka, amniga iyo bini’ aadannimada. Haddii ay istaagto ku shaqeynta mootooyinkan, dowladduna ay xal u helin dhalinyarada waxa xigi doona uma qurxoona mustaqbalka Soomaaliya. Dadweynuhu waxay ku baaqayaan in dowladda arrintan si dhab ah u qa adato oo xal deg deg ah u keento.

Weerar lagu qaaday saldhig ay ku sugnaaye en Shabaab oo xubno badan lagu dilay

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaci say in duqeymo cirka ah ay ciidamadu ku garaac een saldhig xubno Shabaab ah ku dhuumanay een, kaasi oo ku yaalla deegaanka Beer-faarax oo dhaca Waqooyi-galbeed degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mu dug.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu she egay in duqeynta kadib uu xigay dagaal, islamark aana khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay Al-Shab aab, loogana dilay ku dhawaad 40 dagaal-yahan.

"Ciidanka xoogga dalka ayaa weerar ku qaa day Deeganka Beer-faarax oo dhaca waqooyi gal beed Degmada Xarardheere ee koonfurta Gob olka Mudug. Ciidanka ayaa la wareegay deegaa nka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasa aradda warfaafinta.

Deegaanka Beer-faarax ee Shalay la waree geen ciidamadu ayaa dhaca Waqooyiga degmada Xarardheere oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shab aab, waxaana fariiso muhiim ah ka sameystay cii danka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Gal mudug.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmuu dg, Axmed Qoor-Qoor oo haatan ku sugan magaa lada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa halkaas ka wada dardar-gelinta dagaalka, ayada oo maal mihii dambe ka socdeen howl-galo is-ballaarin ah.

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Max amed Nuur iyo Taliyaha ciidamada dhulka ayaa si doo kale ku sugan Xarardheere oo ah degmo mu hiim ah, waxayna xooga saarayaan kasii duulaan tagida degmadaas iyo sifeynta deegaanada ay ku dhuumaleysanayaan Shabaabku.

Si kastaba, Sheegashada dowladda ayaa ima neysa maalmo uun kadib markii ay sidan oo kale sheegtay inay Al-Shabaab ka dishay 100 dagaal-yahan oo Jimcihii toddobaadkii hore weerar ku qa aday degmada Galcad.

Booliska Baladweyne Oo Soo Saaray Amaro Culus Oo Quseeya Bulshada Magaalada

Booliska Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saacadihii lasoo dhaafaay sameeyay howgallo ay kusoo qab-qabteen tiro dad ah, kuwaasi oo la sheeg ay inay ku hawlanaay een fal allid ku ah ammaanka Maga alada.

Taliska Booliska ayaa shee gay inay gacanta ku hayaan tiro dad ah oo laga soo qabtay xaaafdaha kala duwan ee Magaalad aasi, waxaana Taliye ku xigeenka Booliska Bala dweyene oo warbaahinta lahadlay uu sheegay in howlgalladani ay yihiin ku wo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee Degmada.

Sidoo kale waxaa xiran qaar ka mid ah waddoyin ka M/Baladweyne,waxaana gaadiidleyda la amray inay isticmaalaan oo kaliya, waddooyin cayiman oo Booliska Magaalada ay ugu talagaleen in lag soo galo Magaalada.

Taliye ku xigeenka Booliska Baladweyne ayaa intaasi ku daray in ay adkeeyeen qaabkii lagu soo gali jiray Magaalada, waxaana uu sheegay in gud aha Baladweyne uusan soo gali karin gaadiid aan also hubin oo aan damiin lahayn.

Waxaa sidoo kale uu farriin adag u diray bul shada ku nool xaafadaha kala duwan, waxaana si gaar ah uu farriin ugu diray Garaashleyda magaa lada oo uu sheegay inaysan qaabilin ama aysan xarayn gaadiid waxa ay yihin aysan aqooon.

M/Baladweyne ee xarunta G/Hiiraan ayaa tiro dho wr jeer ah waxaa ka dhacay falal amaanka lid ku ah, oo ay ugu horreeyaan qaraxyo lagu soo raray gaadiid,waxaaana laamaha ammaanka ay horay u sheeg een inay qaaadi doonaan tal alabooyin waxlooga qaban ayo ammaanka magaalada.

Muxuu ka dhigan yahay weerarkii xarunta gobolka BANAADIR?

Kooxda Al-Shabaab ayaa Axadii weerar ku billowday is-miidaamin ku qaaday dhismaha Xaru nta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo saacado badan qaadatay, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof oo kamid ahaa shaqaalaha maa mulka gobolka Banaadir, halka tiro kale oo aan la cayimina ay ku dhaawa cmeen.

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaal ka Soomaaliya oo howlgal culus sameeyay ayaa kadib waxay soo afjareen weerarkaas, ayada oo goobta lagu soo bandhigay meydadka ugu yaraan illaa shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ku waas oo weerarka fuliyay.

Haddaba Muxuu ka dhigan yahay weerarkii la gu qaaday xarunta gobolka Banaadir?

Aqoonyahan Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo falanqeeya arrimaha amniga ayaa ka falceliyay weerarka ay kooxda Al-Shabaab la beegsatay gu daha xarunta maamulka gobolka Banaadir, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Caalam iga ah ee Universal TV.

Cabdiraxmaan Sahal ayaa shaaca ka qaaday in weerarka lala beegsaday xarun muhiim oo dowladeed, isla-markaana uu ka dhigan yahay in shacabka iyo hay’adaha ammaanka aysan laheyn wadashaqeyn rasmi ah maadaama la bartilmaam eedsaday xaruntii gobolka Banaadir.

"In Al-Shabaab ay weeraraan xarunta gobolka Banaadir waxay ka dhigan tahay in shacabka iyo hay’addaha amaanka dowladda aanan la hayn wada-shaqeyn toos ah,” ayuu yiri Sahal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga weerar ka geystay in ay lugeynayeen, isla-markaana ay soo mareen xaafado ka tirsan magaalada Muqdi sho, kahor inta aysan geysan weerarka.

Cabdiraxmaan Sahal ayaa soo jeediyay in la’ isku xiro shacabka iyo ciidamada ammaanka, si loo sugo amniga magaalada caasimada ah ee Mu qdisho.

"Amniga sidoo kale waxaa ka qayb qaadan kara bulshada waxaa weeyaan dhaqaalaha qayb ayuu ka yahay amniga marka waa in hoos loo daadajiyo dowladda,” ayuu sii raaciyay.

Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo dagaallada uga fu ran gobollada dalka, isla-markaana la gaasiiyo gobollada ee dalka, sida Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

"Dagaalka ka socdo gobollada in la sii xoojiyo tuulooyinka iyo meelaha ay ku hareena looga da ba tago, dagaalkana laga fududeeyo aagaga kale, sida South West iyo Jubbaland, kadibna waxay u badan tahay in waa cusub uu baryo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sahal.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, maalin uun ka dib weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir, kaas oo ka mid noqday weeraradii ugu xooganaa ee ka dhaca caasimada

Garaad jaamac: Soomaaliland dhulkayaga hanagoo baxaan innagaa u tashanayna

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC, ayaa Shalay si ball aaran loogusoo dhoweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay ugu dambeeysay sannadkii 2007, xilligaas oo Laascaanood ay la wareegeen Somaliland.

Waxay ahayd soo dhowayntii abid ugu ballaa rnayd ee ka dhacda Laascaanood, iyadoo kuma naan shacab ah oo sita calanka Sooma aliyeed ay soo buux dhaafiyeen waddoo yinka magaalada gudaheeda.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo khudbad ka jeediyay fagaaraha bartamaha Laascaanood ayaa waxaa uu Somaliland ku eedeeyay inay ka damb eeyaan dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Laascaanood.

Garaadku wuxuu sheegay Laascaanood inaan mar dambe laga maamuli doonin Hargeysa. Wux uu sheegay in reer Laascaanood ay yihiin dad wal igood usoo halgami jiray midnimada Soomaaliya, haddanaa ay raalli ka ahaandoonin in Soomaaliya la kala gooyo.

"Soomaali kala go’aysaa ma jirto. Waddan kay agu ka go’imaayo Soomaaliya. Soomaali baanu nahay. Soomaali baanu ahaandoonnaa. Dhiiggii awoowayaasheen bilaash uma uusan daadan. Wuxuu u daatay in la helo jamhuuriyad Soomaa liyeed oo mid ah. Kuwa maqan ayaan doonaynaa kuwo jooga kala goyn mayno,”ayuu yiri Garaadku.

Wuxuu sheegay Garaadku, Somaliland inay san wax wada hadal ah la galidoonin illaa ay ka baxaan deegaannada SSC.

Farqiga weerarada Shabaab ee xarumaha DF iyo Hotellada – Arrin baaris u baahan

Kooxda Al-Shabaab ayaa Drraad weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday xarunta maamul ka gobolka Banaadir, maleeshiyo kooxda ka tirsan ayaa gudaha u galay xarunta, halkaas oo ku dhaw aad 2 saac ka dagaalameen.

Kooxdii Shabaab-ka aheyd ee weerarka soo qaaday ayaa la-laayay, kadibna meydkooda ayaa la iskugu geeyay banaanka xarunta maamulka gobolka Banaadir, halkaas oo saxaafada lagu tusay.

Xubnihii maamulka ee gudaha ku jiray iyo inta badan masuuliyiintii maamulka gobolka Banaadir ayaa laga badbaadiyay weerarka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wa xay sheegtay in weerarkan ay ku dhinteen 5 qof, 4 kalana ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab markay weerar ku galaan hoteellada ku yaalla magaalada Muqdisho waxay ku jiraan ama haystaan saacado badan. Labadii hoteel ee ugu dambeysay ee ay weerar een Hayat iyo Villa Rays waxay mid walba hays teen in ka badan 48 saac, laakiin marka dib ugu laabano dhowr jeer oo xarumo dowladeed ay gal een kuma daahin oo durtaba waa la-laayay.

Weerar ay kal hore ku qaadeen xarunta wasaa radda shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda feder aalka oo ay gudaha u galeen waxaa la xasuusta in degdeg loo soo afjaray.

Drraad xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay qaraxyo kadib gudaha u galeen ayaa sidoo kale saacado yar lagu soo afjaray.

Inkasta oo ay doodda weyn tahay galista xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ah mid aan la aqbali karin in Al-Shabaab xaruntaas ay haweys ato, haddana arrin kale oo weydiin leh una baahan in la dul istaago ayaa ah sababta kooxda saacada ha badan u haysan karto hoteellada, oo ay qolal gaar ah oo si fudud looga saari karin u dagaan balse xarumaha dowladda ayna ugu nagaan karin marka ay weeraraan.

Halkan waxaa ka dhalanaya tuhun ah in Al-Shabaab hoteellada sii dajiyaan kooxda ay rabaan inay weerarka fuliso oo ay halkaas muddo kusii noolaadan si ay u bartaan.

Qof aan aqoon gudaha goobta ugama diriri karo sida Al-Shabaab uga dhex dagaalamaan hoteell ada, haddii ay ciidankooda karaan inay ku naga adan goob ay markaas ugu horeysay gudaha xaru maha dowladda ayay ku nagaan lahaayeen ayey leeyihiin khubarada amnigu.

Baaris cusub ayay arrintaan xasuusineysa DFS, dadka hoteellada dega aad looma hubiyo marka la joogo Soomaaliya, gaar ahaan magaa lada Muqdisho.

Maadama lagu jiro dagaal lagu raadinayo amni iyo badbaado shacab dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda Sird oonka iyo Nabad-sugida waxaa laga raba inay ke eno xeelad lagu ogaan karo nooca dadka degaya hoteellada iyo xogahooda, si looga badbaado dhagarta Al-Shabaab loona badbaadiyo dadka war-mooga ah ee hoteellada degan ama kuwa u cunta iyo sheeko taga.

Al-Shabaab waxay isticmaalayaan kaararkoo da ugu dambeeyay, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu hore u sheegay in maadama kooxda jab weyn kasoo gaaray dagaalka ay dowladda kula jirto inay fulin doonaan qaraxyo iyo weeraro quus ah, wuxuuna shacabka weydiistay dulqaad inta laga soo afjarayo kooxda.

Shacabka magaalada Muqdisho oo ah kuwa ugu badan ee bartilmaameedka u ah kooxda Al-Shab aab waxaa la gudboon taxadar inta lagu jiro maal maha lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya dagaalka.

DFS ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hoysay dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada dhowr kii billood ee lasoo dhaafay, waxaase dhinaca kale hortaalla inay si weyn ugu diyaar-garooban amni ga caasimadda oo ah meesha ay Al-Shabaab mar walba rabto inay ugu aargudo xub naha laga laayay.Xigasho:-Caasimadda.Net

Weerarada lagu haayo Soomaalida ku Ganac satada dalka Koonfur Afrika oo kordhay

Kooxaha burcadda Koonfur Afrikanka ah ayaa sanadkaan cusub ee 2023 waxaa ay kordhiy een weerarada beegsiga ah oo ay ku hayaan Muwaa diniinta Soomaaliyeed ee ganacsi ahaan u tegay dalkaas, iyada oo maalmihii la soo dhaafay Soo maali farabadan lagu weeraray gudaha dalka Koonfur Afrika.

Kooxaha burcadda ah ayaa Shalay weera ray Goob ay ku sugnaayeen muwaadiniin Soom aaliyeed, iyaga oo dhaawacay laba rag Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Mukhtar Abuukar oo ku magac dheer (Abuu) oo taxiile ah iyo Cumar Adduunyo , xilli ay ku sugnaayeen Xaafada Zwide gaar ahaan wadada Booi street Zwide.

Labada Dhalinyarada Soomaalida ah ayaa wa xaa dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Livings tone hospital ee magalada Port Elizabeth, si hal kaasi loogu daaweeyo. Soomaalida kunool Magaa looyinka kala duwan ee adlka Koonfur Afrika ayaa muujinaya walaac xoogan sanadkaan cusub ee 2023 maadaama ay kordheen weerarada lagu ha ayo Soomaalida, isla markaana ay ka dambeeya an Kooxaha Burcadda ah ee u dhashay dalkaasi Koonfur Afrika.

Ciidamada ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo mar walba taga goobaha lagu dilo ama lagu dhaawaco Soomaalida, balse aysan ku guuleysan inay qabtaan Kooxihii ka dambeeyay dhibaatad aas.

Xukuumada Somaliland oo ka hadashay ima anshiyaha Garaad Jaamac ee Laascaanood

Xukuumada Somaliland ayaa imaanshiyaha Garaad Jaamac Garaad Cali 15 sanno kadib ku yi mid Laascaanood ku tilShalayy nin gurigiisii yi mid.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), oo Sahan TV wax ka waydiiyay socdaalka garaadka, ayaa ku tilmaamay in uu garaadku yahay nin gur igiisii yimid, taasina ay caadi tahay.

"Jaamac Garaad Cali waa garaad reer Laascaanood ah, oo garaad guun ah oo taariikh dheer leh, waana Jamhuuriyada Soma liland garaadadeeda ugu waa wayn ayuu kamid yahay, markaa haduu Laascaanood soo gaadhay waa nin magaaladiisii yimid, hadii lasoo dhaweeya yna dadkiisii ayaa soo dhaweeyay" ayuu yidhi Cali Mareexaan.

Cali Mareexaan ayaa garaadka iyo garaadada kale ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadgalya da isla markaana meel looga soo wada jeesto cid kasta oo nabadgalyo daro abuuraysa.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo 15 sanno ka dib Shalay Laascaanood soo gaadhay, ayaa soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacabka Laasc aanood iyo tuulooyinka ku dhow dhow, garaadka ayaa aad uga soo horjeeda gooni isu taaga Som aliland.

Garaadada kusoo qulqulaya Laascaanood ay aa badankoodu aaminsan in la sameeyo maamul hoostaga dowlada Soomaaliya, oo xaruntiisu ta hay Laascaanood.

Maamulka Khaatumo ee garaadadu ay ku taa mayaan ayaa dhowr jeer oo hore suuragaliw aayay, madaama Somaliland iyo Puntland labad ooda midna anay ogolayn, hadaba waxa laga war sugayaa waxa kasoo baxa shirka odayaasha dhaq anku dhawaan ku yeelanayaan Laascaa anood.

MAXAA KALA QABSADAY CALI JAYTE IYO GABA DHII UGU YEERTAY MURTADKA?

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Md.Cali Jayte Cismaan oo ka hadlayey arrimo la xiriira dagaalka ka dhanka ah koo xda Al-Shabaab iyo howlgallada xo reynta ee ka socdo dalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Ugu horreyn Cali Jayte ayaa ka sheekeeyay sheeko dhex-martay is aga iyo gabar yar oo shaah ku iibineysay deegaan laga saaray Al-Shabaab, kadib booqasho uu ku tegay.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in ay gabadha yar ay ka dalbadeen inay siiso shaah, balse ay wacday hooyadeed, kadibna ay weydii say inay shaah ka iibsan karto iyo in kale, ayada oo ku sheegtay ‘inay Murtadiin yihiin’ sida uu shaa ca ka qaaday Cali Jayte Cismaan.

"Gabay yar oo aan is leeyahay ma 13 jirbaa qiy aasta ayaan ku iri adeer shaah naga iibi taleefoon yar inay lasoo baxday ayey hooyadeed wacday markaasee tiri hooyo Murtadiintiiba ileh shaah na ga iibsee ee ma ka iibsan karaan?” ayuu yiri gudd oomiye Jayte.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gabadhaa as yar waxa ay sameysay ay tahay arrin lagu soo barbaariyey, maadaama ay ku nooleyd dhul ay ka talinayeen Al-Shabaab. "Hadda waa isla quman ta hay ee ogow ayada haddii ay is leedahay qofbaa xumeyneysaa way naga yara fogaan laheyd ma cnaha waxa ay ku soo kortay ayaa noocaas ah,” ayuu yiri.

Jayte oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka, si loo xoreeyo deegaa nada weli harsan. "Soomaaliya waa inay cadowg eeda u midowdo, qoray ma heysatid, gaadii ma he ysatid maxaa qabanee ha is dhihin adiga diyaar soo noqo oo halagu helo,” ayuu sii raaciyay.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn Al-Shabaab loogula dagaalamay, waxaana horkacay ey guddoomiye Cali Jayte oo kaashanaya ciidam ada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, waxaana Al-Shabaab looga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla gobolkaasi.

Mareykanka oo billaabay barnaamij ay shaca bka ku keeni karaan qaxooti (Group 5)

Dowladda Mareykanka ayaa billowday barnaa mij u ogolaanaya shacabka inay kafaalo qaadaan (sponsor) oo ay dalka Mareykanka keenaan qax ooti, ayaga oo lac ag isku daraya, taasi oo sare u qaadi karta qaxootiga dalka imana ya, islamarka ana yareyn karta qarashka ka baxa dowladda.

Barnaamijkan cusub ee ay daaha ka rogtay Wa ax da Arrimaha Dibedda oo la gu magacaabo Wel come Corps, ayaa shan qof waxay iska ururin kar aan u gu yaraan $2,275, halkii qofba ee ay dalka keen ayaan, si lacagtaas loogu taageero guri dej inta iyo baahiyaha kale ee aas-aasiga muddda 3 bilood ah ee ugu horreysa ee ay Mareykanka ku cusub yihiin.

Kooxda wax sponsor gareyneysa, ayaa noqon karta muwaadiniin Mareykan ah, ama kuwa degan dalka ee haysta green card, waxaana looga ba ah an doonaa inay maraan hubin shaqsiyeed (back ground check), ayna abuuraan qorshe taageero, si da ku cad website barnaamijka. Xoghayaha Arrim aha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa barnaamijkan ugu yeeray "hi ndisihii ugu dhiirana anta badnaa ee dib-u-dejinta qaxootiga” tan iyo markii uu Mareykanka billaabay soo qaadista qaxo otiga 1980-kii. Waxa uu sheeg ay in kooxo diime edyada, askarta, ganacsiyada iyo jaamacadaha ay ka qeyb-gali karaan barna amijka.

Barnaamijka ayaa ujeedkiisu yahay in la helo 10,000 oo kafaala qaada 5,000 oo qaxooti ah san ad xisaabeedka 2023, oo ku eg bisha September, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Barnaamijka oo la mid ah midka Canada ee loo yaqaan Group Five, ayaa qeyb ka ah dadaal ball aran oo madaxweyne Joe Biden oo Dimoqraadi ah uu shacabka Mareykanka ku siinayo fursad ay ku taageeraan ajaaniibta raadinaya badbaadada.

Maamulka Biden ayaa habkan cusub u arka mid taageero dheeri ah siin kara qaxootiga kadib markii madaxweyne hore ee Mareykanka Donald Trump oo Jamhuuri ah uu ka dhigay kuwo halis amni ah, islamarkaana uu aad u yareeyey keenist ooda, taasi oo weli aan laga soo kaban.

Biden ayaa cadaadis kala kulmaya Jamhuuriga sababo la xiriira siyaasaddiisa ku aadan amniga xuduudda, ayada oo tiro aan horey loo arag oo muhaajiriin ah ay isku dayayaan inay si sharci-da rro ah uga soo tallaabaan xuduudda Mexico.

Hase yeeshee, barnaamijka Welcome Corps ayaan la fileyn inuu saameyn dhow ku yeesho xu duudda, maadaama qaxootiga lagu soo qaadayo ay galayaan hanaan codsi oo muddo dheer qaada naya ayaga oo ku sugan dalal kale, si gaar ah me elaha ay dagaallada ka socdaan.

Maamulka Biden ayaa horraantii Bishan billaab ay barnaamij bani’aadannimo oo tijaabo ah, oo qiyaastii 30,000 oo qof oo muhaajiriin ka kala so cda dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela ay bil walba kusoo geli karaan Mareykanka haddii ay haystaan dad sponsor gareeya, islamarkaana ay kusoo safraan diyaarad. Maamulka ayaa sidoo kale barnaamijkan u ade egsaday in dalka loogu ogolaado dadka Afghanis tan iyo Ukraine ee soo qaxaya.Barnaamijka Welcome Corps ayaa qa xootiga keeni doona ayada oo la marayo Barnaa mijka Dib-u-dejinta Qaxootiga ee Mareykanka, ka asi oo tixraacyada ka hela Q/Midoobe iyo safaar adaha Mareykanka. Biden ayaa sanad xisaabeed kan waxa uu qa xootiga uu Mareykanka keenayo ka dhigay ugu ba dnaan 125,000, taasi oo billaab atay 1-dii October 2022. Waxaa dalka yimid 6,750 intii u dhaxeysay October illaa December, sida ku cad xogta bar naamijka, taasi oo ka dhigan in tirada ay ka yara an doonto hadaf sanadeedka.

Qaxootiga iminka imaanaya Mareykanka ayaa waxaa caawiyaa sagaal hay’ado dib-u-dejin oo isku halleeya maal-gelinta dowladda. Qaar ka mid ah hay’adahaas ayaa hadda qeyb ka ah taageer idda qorshaha Welcome Corps.

Lixda bilood ee ugu horreysa hindisaha cusub, Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa shacabka wax sponsor garaynaya ku xiri doonta qaxootiga kiisas kooda horey loo ansixiyey, sida ay sheegtay Waa xda Arrimaha Dibedda. Bartamaha 2023, dadka wax sponsor garaynaya ayaa awoodi doona inay Waaxda Arrimaha Dibeda usoo gudbiyaan kiisas ka qaxooti si looga fakaro in dib-u-dejin loo sam eeyo.

Tirada Dadka Ku Dhintay Dhismo Ka Kooban Shan Dabaq Oo Sii Korortay

Tirada dadka la og yahay in ay dhinteen ayaa gaartay 16 ruux ka dib markii uu dumay dhismo ka kooban shan dabaq oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee Suuriya.

Qaar kale ayaa loo maleyna yaa inay ku hoos jiraa n burbur ka dhismaha ee M/ Xalab Kooxda la socota xuqu uqda aadanaha Suuriya ee fadhigee du yahay UK ayaa sheegtay in dadka ay dhiba atadu soo gaartay ay ahaayeen dad ka soo barak acay degmada Afrin ee waqoo yiga dalkaasi.Biyo daadad ku yimid oo gaaray aa saaska dhisma ha ayaa lagu soo waramayaa inay sababeen bur burka. Waxaa loo malaynayaa in dad badan oo ku barakacay colaadda Suuriya ay u guureen guryo aan qaab dhismeedkoodu wana agsa nayn.

10 Qof Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay meel qoob ka ciyaarka lagu sameeyo halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale.

Arrinntan ayaa qeyb ka ah weeraro inta bad an ay qaadaan dad hubeysan oo u badan dhallinaro

Ninkii looga shakisa naa in uu weerarka ka geystay meel u dhaw Los Angeles ee dalka Marey kanka ayay booliska hele en isaga oo meyd ah.

Waxaana la sheegay in uu isku dhex toogtay ga ari gudihiisa, Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa hareereeyey gaari mid abkiisa lagu sheegay cadda an oo ku sugan magaalada Torrance ee go bolka Califor nia in ka badan 12 saaca dood ka dib weerar dad badan ay ku dhinteen oo dhacay .

Ninkan ayaa da’diisa lagu sheegay 72 jir, wux uu kasoo jeeda Asia.

Toogashada aan loo meel dayin ayaa ka dhac day goob lagu soo bandhigayay ciyaaraha qoob ka ciyaarka oo ku taalla barxadda Monterey, hal kan waxaa si weyn ugu badan dadka kasoo jeeda qaaradda Asia ee ku nool Mareykanka.

Taageerayaal Koox Kubadda Cagta Ah Oo Sabab Layaab Leh Loo Xiray

Koox gaareysay 20 oo kamid ah taageerayaa sha kooxda Arsenal ee Uganda ayaa waxay boolis ka ku xireen magaalada Jinja, sida uu ku warra may wargeyska The Monitor.

Waxay kooxda u dabbaaldageysay guushii ay xa ley Arsenal ka gaartay Manchester United oo ay 3-2 uga badisay.

Wargeyska ayaa sidoo kale ku warramay in taag eerayaasha la qabtay ay saarnaayeen kolonyo baab uur ah xilliggii ay dabbaa ldegayeen.

Booliska kama aysan hadlin waxa ay geysteen taa geerayaashan la xiray. "Ma garan karo waxa aan sameynay, waxaan u dabbaadageynay guusha aan ka gaarnay Manche ster United” ayuu yiri Bak er Kasule oo uu wargey ska soo xigtay.

Israel oo baaraysa dil ciidamadeedu u gaysten nin Falastiini ahaa oo dhawaan la toog tay

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan ku aadan dilka nin Falastiini ah oo shan iyo afartan jir ahaa oo todobaadkii hore ay toog teen ciidamadu. Askarta ayaa ku toogtay bar kon torool oo ku taal duleedka xaaf adiisa oo ah Daanta Galbeed ee la haysto.

Israa’iil ayaa sheegtay in Axm ed Kahla – oo ka ca rey san dib u dhac uu kala kul may bar ta baaritaann adu ka socdeen uu isku da yay in uu ka dego gaarigiisa. Dagaal ay aa ka dib dhacay markii uu isku dayay inuu la soo baxo qori una adeegsado booliska- waxaana lagu dilay wii lkiisa hortiisa. Mr Kahla ayaa mar kii ho re lagu tilmaa may inuu ahaa Arga gixiso is ku day ay inuu weera ro, balse warbaahin ta guda ha ay aa sheegaysa in warbixintii ugu hore ysay ee mil itariga oo la faafi yay lagu og aaday in si arxan dar ro ah loo dilay. 18 qof oo fal astiiniyiin ah ayay cii dammada Isr aa ’iil dileen 3dii toddoba ad ee ugu horreys ay sanadkan, kuwaas oo ay ku jiraan mal eeshiyaad iyo dad rayid ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip