Ilaah ha u naxariistee subaxnimadii Sabtida isgooska Howlwadaag askari katirsan ciidanka dowladda ayaa dil arxan darro ah u geestay Maxamed Cabdisalaan Cali ( Xeyle) oo ahaa wade mooto bajaaj, waxaana xilliga la dilayay marxuumka mootada la saarnaa hooyadiis iyo walaashiis.

Ciidamada booliiska ayaa dilka kaddib soo xiray afar askari oo isugu jirta booliis iyo nabad sugid ku sugnaa isgooska Howlwadaag xilliga dilku dhacayay, walina booliiska ma cadeyn ninka rasmiga ah ee dilka u geestay marxuum Maxamed Xeyle.

Advertisement

Xogta aan helay ayaana sheegeysa in askarta xiran ay diidan yihiin in iyagu dilka geesteen, waxa ayna qarinayaan in ay sheegaan qofka dilka la geestay oo la tuhmayo in midkood yahay.

Hooyada dhashay Marxuumka oo lagu magacaabo Maryan Nuur oo tan iyo markii la dilay wiilkeeda aan hurdo ladin ayaa codsaneysa in la cadeeyo ninka dilay wiilkeeda loona marsiiyo caddaalad, waxa ayna hooyada diidan tahay in wiilkeeda la aaso iyada oon caddaalad loo helin lana cadeyn askarigii dilay wiilkeeda.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo qoyska wiilka la dilay kula kulmay isbitaalka Digfeer ayaa ka codsaday in meydka la aaso, waxa uuna taliyaha codsafay in fursad loo siiyo si uu usoo cadeeyo askariga dilka geestay.

Ehelada marxuumka oo lagu cadaadinayo in la aaso meydka ayaan ku qanacsaneyn hadalka taliyaha, waxa ayna sheegeen in warka taliyaha u muuqdo in wali la qarinayo in la cadeeyo gacankudhiiglaha rasmiga ah ee dilka geestay.

Qoyska ayaana ka codsaday madaxda sare ee dowladda in caddaalad u helaan wiilkooda sida gardarada ahaa loo dilay , waxa ayna sheegeen in aysan ku qanci doonin diyo iyo wax lamid ah ayna rabaan in loo ciqaabo askarigii dilka geestay.

W/Q Gacal Ayman