NEWS Garaad Jaamac Oo 15 Sano Kadib Maanta Tagaya Magaalada Laascaanood

0
Monday January 23, 2023 - 10:10:02 in Wararka by
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NEWS Garaad Jaamac Oo 15 Sano Kadib Maanta Tagaya Magaalada Laascaanood

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
Wararka naga soo gaaraya goolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ku wajahan yahay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah isinka guud ee beelaha SSC.

Garaadka ayaa halkaasi uga qeyb gali doona shir looga hadlaho aayaha magaalada Laascaanood oo maanta furmayo, iyadoo shirka go’aan looga gaari doono waxa laga yeelayo rabshadihii dhawaan ka dhacay Laascaanood.

Garaad Jaamac oo gaadiid dagaal oo fara badan wata ayaa ku wajahan xarunta gobolka Sool, waxaana socota diyaar garowgii u danbeeyay ee loogu jiro soo dhaweyntiisa.

Garaad Jaamac Garaad Cali waxaa magaalada Laascaanood ugu dambeysay sanadkii 2007, xilligaas oo Somaliland ay la wareegtay magaalada Laascaanood, kadib dagaallo dhexmaray iyaga iyo maamulka goboleedka Puntland.

Lama oga waxa ay Somaliland ka dhihi doonto imaatinka Garaadka oo hormuud u ah dadka ay ku weyn tagay qadiyadda Soomaali Weyn, wuxuu a qeyb ka ahaa aasaasayaasha maamulkii Khaatumo ee fadhigiisu ahaa magaalada Buuhoodle.

Wararka Maanta: Isniin, Jan 23, 2023-15 sano kadib Garaadka guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali oo tagaya magaalada Laascaanood




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip