Sawirro: Meydadka Shabaab-kii maanta weeraray xarunta gobolka oo lasoo bandhigay

0
Sunday January 22, 2023 - 21:17:14 in Wararka by
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Meydadka Shabaab-kii maanta weeraray xarunta gobolka oo lasoo bandhigay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Saacado badan kadib dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in lasoo gabagabeeyey weerarkii ay maanta Al-Shabaab ku soo qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyadoo lasoo bandhigay meydadka Shabaab-kii weerarka fuliyey.

Afhayeenka booliska Soomaaliya iyo guddoomiyaha dhanka maaliyadda ee maamulka gobolka oo warbaahinta kula hadlay bannaanka hore ee xarunta maanta la weeraray ee dowladda hoose ayaa shaaciyey khasaaraha ka dhashay weerarkii Al-Shabaab.

Ugu yaraan 6-qof ayey xaqiijiyeen masuuliyiintaan in lagu dilay weerarka, kuwaas oo kamid ahaa shaqaalaha maamulka gobolka, halka tiro kale oo aan la cayimina ay ku dhaawacmeen.

    Sidoo kale goobta waxaa lagu soo bandhigay meydadka ugu yaraan shan xubnood oo Shabaab ah, kuwaas oo lagu dilay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir oo saacado badan ay ka dagaalamayeen.

Ragga weerarka soo qaaday oo la sheegay inay gaarayeen lix nin ayaa ugu horeyntiiba waxaa is qarxiyey hal nin 12:10 duhurnimo ee maanta, iyadoo markaas kadib 5-ta kale ay gudaha u galeen xarunta oo bilaabeen dagaal toos ah.

Xubnahaan Shabaab-ka ah oo dagaalamayey ugu yaraan afar saacadood ayaa la sheegay in xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ka soo galeen dhabarka dambe ee xiga dhismaha xarunta wasaaradda maaliyadda.

"Waxaa afartii galabnimo lagu guuleystay in lasoo afjaro weerarkii Khawaarijta, 5 qof oo weerarka soo qaaday ayaa la dilay, hal qofna markii hore ayuu is qarxiyey, shacabka lix qof ayaa dhimatay, waana loo gurmaday dadkii ku dhaawacmay weerarkaas,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ciidamada ammaanka uga mahad celiyey sida ay ugu guuleysteen inay yareeyaan khasaaraha oo dadkii xarunta joogay laga badbaadiyo kooxda weerarka soo qaaday.

Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa loo soo bandhigay warbaahinta, iyadoo la isugu keenay banaanka hore ee xarunta ay weerareen ee maamulka gobolka Banaadir.

Kooxda ayaa maanta aad u adeegsaneysay qaraxyo jugtooda meelo fog laga maqlaayey, waxayna dagaalamayeen in ka badan afar saacadood, hase yeeshee dadka goobta ka ag dhawaa waxay kuu sheegayaan in khasaaraha uu wax badan ka yaryahay intii loo maleynayey inay geysa karaan, taas oo lagu amaanay ciidamada ammaanka.

Hoos ka eeg sawirrada

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip