
Daawo: Xasan Sheekh oo sheegay arrin aan laga aqbali doonin askarta Soomaaliyeed
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegay in aan marnaba la aqbalayn in askarta oo ilaalin laheyd shacabka in ay iyagu ku xad-gudbaan.
Madaxweynahay ayaa hadalkaan ka sheegay xarunta tababarka ciidamada taliska 60-aad ee xoogga dalka ee magaaalada Baydhabo oo maanta uu kormeer ku tagay, halkaas oo dufcadda 15-aad ee ka qalin-jabisay dugsigan.
Xasan ayaa sidoo kale kula dardaarmay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan anshaxa ciidannimo, masuuliyadda koowaadna ay ka dhigtaan badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxa kale oo uu xusay in wajiga labaad ee xoreynta deegaanada uu ka bilaabanayo Koonfur Galbeed, sidaas awgeed looga baahan yahay maamulka, bulshada iyo laamaha ammaanka Koonfur Galbeed in ay dardar-geliyaan abaabulka iyo diyaar-garoowga howlgalka xoreynta.
Digniinta uu madaxweynaha siiyay markale askarta ayaa imanaya xilli ay kordheen dilalka ciidamada dowladda ka geystaan gudaha caasimada, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.
Shalay ayey aheyd markii uu askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dil ugu geystay magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo waday Mooto, kaasi oo xilliga la dilayay mootada ku waday hooyadiis iyo walaashiis oo lasoo wariyay inay goobta ku suuxeen, kadib dilka wiilkooda.
Madaxda sare ee dowlada ayaa marar badan ka digay dilal ay geystaan askarta dowladda, waxaa markii ugu dambeysay go’aan ka soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh oo amar culus siiyay Maxkamadda Ciidamada si tallaabo adag looga qaado dambiileyaasha.


0 



Daawo: Xasan Sheekh oo sheegay arrin aan laga aqbali doonin askarta Soomaaliyeed
...