HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 21-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Saturday January 21, 2023 - 08:38:51 in Wararka by
  • Visits: 413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 21-KA JANNAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Taliye kuxigeenkii Ciidanka DANAB

Dowladda Federaalka ee Sooma-aliya ayaa tacsi u dirtay shacabka, Ciida-nka Xoogga Dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Max-amed Xasan (Xasan Tuure) oo Shalay ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Galc ad ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe-deraalka Soom aaliya Xasan Sheekh Maxa-

muud ayaa sheegay in geerida Taliye Xas-an Tuure aysan marnaba niyad jebin karin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka u mid oobay inay la dagaa;amaan A;=Shabaab.

"Taliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan do ono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya. Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xor-reeyo Khaw aarijta, kaalintiisana waxaa bu-uxin doona geesiyaa sha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan dif aaca waddankooda” ayuu yiri Madaxweynaha.

Taliye Xasan Maxamed Xasan (Xa-san Tuure) ay aa ku dhintay weerar Shalay ka dhacay Galcad, hal kaas oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dowladdu sheegtay inay ku dishay 100 katirsan Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ka badan 100 Alshabaab ah in lagu dilay dagaalkii Galcad

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 100 ka tirsan kooxda Alshabaab in Shalay lagu dilay markii ay weerar ku soo qa adeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka xoogga oo ku yaa lla Magaalada Galcad.

Sida ay dowladdu sheeg tay, dagaal culus oo halka as ka dhacay ayaa lagu jabiyay kooxda Alshabaab, waxayna sheegtay inay meydadkooda daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay.

Dowladdu waxay kaloo sheegtay in Alshabaab dagaalka looga gubay ilaa shan gaadiid oo daga alka ah, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaam an oo ay Alshabaab xilli hore ku qabsatay dagaa lo dha cay. CXDS wax aa dagaalka uga dhi ntay 7 askari oo uu ku jiro sar kaal ka tirsanaa Danab. Goobta waxaa si buuxda ga canta ugu haya Ciidam ada Xoogga Dalka. DFS waxa ay sheegtay inay dagaalka kala qeyb qaateen Saaxiibada Caalamiga ah, kuwaas oo gacan ka gaystay jabinta kooxda Alshabaab

Aadan Madoobe oo hal arrin ku qancinaya mucaa radka madaxweyne Lafta-gareen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa Habeen ho re kulan muhiim ah la qa atay qaar ka mid ah Midow ga Musharraxiinta iyo Mad asha Samata-bixinta Koonf ur Galbeed.

Guddoomiye Aadan Ma doobe ayaa midowga siy aasiyiinta mucaaridka kala hadlay arrimaha shirka dib-u-heshiisiinta oo maalmihii dambe ka socda mag aalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu sa aray sidii loogu guuleysan lahaa gogosha taala maga lada Baydhabo ee looga arrinsanaayo dib-u-heshii siinta deegaannada Koonfur Galbeed. Guddoomiy aha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo Baydhabo ugu sugan shirka dib-u-heshiisiinta Koon fur Galbeed ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uguuleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamu lka Koonfur Galbeed oo dhulkeeda inta badan gacan ta ugu jira Al-Shabaab.

"Arrinta dib-u-heshiisiinta laab la-kac ma ahan, ujeedo kalena lagama laha ee waa helista Koonfur Galbeed oo mid ah,” ayuu Aadan Madoobe ka she egay furitaankii shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmay magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Dorraad la kul may odayaasha dhaqanka, ayaa wuxuu u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee mud dooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono.

Golaha Wasiirradae Soomaaliya oo ansixiyay heshiis ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar

Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Shalay ansixiyay heshiiska is af-garad-ka ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee ay horay u kala saxiixdeen dowladaha Soomaa liya iyo Masar Heshiiska ay goluhu qalinka ku duu geen ayaa la filayaa in uu qeyb weyn ka qaato dib u dhiska kaab ayaasha dhaqaalaha ee Soo maaliya.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu hoggaaminayay Raysul Wasaa re ku xigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Raysul Wasaaraha ee xilligan, Saalax Axmed Jaamac ay aa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciy eed ka dhowriska maalgashatada iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cullimada Baydh abo kala hadlay xoreynta degaannada Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe-deraalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxa-muud oo Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah culimaa’udiinka Ko ofur Galbeed ayaa ka dalbaday in ay doorkooda ka qaa-taan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta iyo wadajirka bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa culi mada ku bogaadiyey door kooda wanaagsan ee fidin ta diinteenna suubban, wac yigelinta iyo toosinta bulsh ada isaga oo ku adkeeyay in ay kaalin muuqata ku yeeshaan halganka dib u xor eynta dalka gaar ahaan dabar go-ynta fikirka Al-Shabaab.

Dhankooda, culimada ayaa la wa-daagay Mad axweynaha talooyin ku aaddan dib u heshiisiinta, do wlad dhiska iyo la da-gaallanka fikiradaha xagjirka ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday xor-eynta, xasilinta dalka iyo dowlad-wanaa-gga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa-muud ayaa culi mada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan kob-cinta wacyiga bulshada, ayna horm uud u noqdaan xaqiijinta Soomaaliya xor ah, xa-sillan isla markaana Barwaaqo ah.

Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray amar ku socda Milkiiyalaasha Guryaha iyo Daaraha ku yaala magaalada Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa shaaca ka qaaday iney dib u bilaa bayaan qaadista Canshuurta Guryaha iyo daaraha ka dhisan magaalada Muqdisho oo horay loo joojiyay bishi Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay 2022.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Ho ose ee Xamar laga bilaabo Shalay oo Khamiis ah in Milkiilayaasha guryaha Caasimadda ku yaala iyo daa raha waa weyn laga qaadi doono Canshuurta gurya ha, isagoona sheegay in maamulka gobolka uu ka codsanaayo Milkiilayaasha guryaha iney si dhaw ula shaqeeyaan laamaha qaabilsan qaadista Cabsh uurta.

"Laga bilaabo Shalay oo Khamiis ah Taariiqduna tahay 19-01-2023 maamulka gobolka iyo dowladda hoose ee Xamar waxay dib u babayaan qaadista Ca nsuurta guryaha iyo daaraha ku yaala Muqdisho oo horay loo hakiyay bishii Oktoobar ee sanadkii dham aaday 2022, sababo la xariira xalinta Maaliyadda" ay uu yiri Afhayeen Saalax Dheere.

Dhinaca kale Afhayeenka Saalax Dheere ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo Dowl adda Hoose ee Xamar ay ugu baaqayaan Milkiilaya asha iska leh guryaha burbursan ee ku yaala meel aha faras magaalaha iney dib u dhisaan, si bilicda magaalada Caasimadda ah dib loogu soo celiyo oo ay ula tartanto Caasimadaha kale ee Caalamka

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay weerarkii lagu dilay Taliye kuxigeenkii DANAB

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soo-maaliya, do wlad Goboleedyada, Siyaasiyiin iyo Xuldhibaano kati rsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii ka dhacay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu dilay Ta-liye kux igeenkii Ciidanka Kumaandooska xoogag dalka ee DANAB.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka G-olayaasha Maamulka iyo Shacabka Hirsha-belle ayaa ka tacsiyeeyey gee ridii ku timid Allaha u naxar istee Taliye Xigeenkii Ciida-nka Kumaandooska Danab ee Xoogga Da-lka Soomaal iyeed Gaashaanle Marxuum Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) iyo Ciidam adii Shalay ku dhintay dagaal ku biloowday qaraxyo oo Al-Shabaab ku qaadeen Degmada Galcad Gob olka Gad-aduud ee Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku ahaa geesi qaran oo naftiisa u huray difaaca dalka iyo dadka, isagoo laf-dhabar u ahaa howlgalladii Al-Shabaab lo-oga saaray deegaanada iyo degmoo yinka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga bary ay marxuum Xasan Tuure iyo geesiyaashii la dhintay inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dha awaca ahna uu Eebbe u boogo dhayo, dhamaan qoy saskii, qaraabadi iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay ka baxeen samir iyo iimaan Eebbe haka siiyo.

Sidoo kale weerarka Galcad ayaa waxaa ka had lay Guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan maxamed Nuur Madoobe, Xildhibaano katirsan lab ada Aqal , iyaga oo tacsi u diray Taliye kuxigeenkii Ciidanka DANAB iyo Ciidamada kale ee weerarka lagu dilay.

Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada qaraxyada ku billaawda oo ay la beegsanayaan dega-annadii iyo degmooyinkii laga saaray, wa-xaana weeraradii ugu dambeeyay ay kudi-leen saraakiil kala duwan oo katirsan Ciida-mada dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Cada wgu tab isku mid ah ayuu ciidankii ku laynayaa

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa gaashaanle Xasan Tuure ku sifeeyay inuu ahaa geesi aan xabb adda ka gaban, laf-dhabarna u ahaa dagaalka

Alshabaab.Ergayga abaaraha ayaa sheegay Alshab aab inay tab isku mid ah ciidankii ku laynayaan.

Maalmo ka hor ayuu C/C/shakuur ka hadlay sida xowliga ah ee saraaki isha hoggaaminaya howlgallada dib u xoraynta loogu laynayo weeraro gaadmo ah oo aan wax casharo ah laga baranin. Mar uu ka hadlayay dil kii Kornayl Abshir Maxamuud (Shataqeey) oo kamid ahaa saraakiishii lagu dilay weerarkii Xawaadley, ay uu sheegay inay gabood fal tahay in halyeeyada naf tooda u huray dag-aalka argagixisada si fudud lagu ugaar-sado.

"Waa in igu sawirta baraha bulsh-ada qarqisay la gu beddelaa muuqaalo dhab ah oo laga soo tebiyo geesiyada dagaalka ee naf, maskax, itaal iyo waqti u huray halganka argagexiso la dirirka, si halyeeyada dhabta ahi u helaan billadda geesinnimo ay mudnaay een, shacabkuna aysan uga lumin qiimiga iyo qadda rinta ay u hayaan naf huridda iyo halyeeynimada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Illaa shan sarkaal oo kamid ahaa saraakiishii laf dha barta u ahaa howlgal-lada dib u xoraynta Galmudug iyo Hirsha-belle ayaa labo todobaad gudihiis lagu dilay weeraro ka kala dhacay, Muqdisho, Hal-gan, Hil owle-Gaab, Xawaadle iyo Galcad.

Somalia oo mar kale loo oggolaaday Xuquuqda Cod-bixinta Golaha Guud ee QM

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay mar kale go’aamiyeen in Somalia ay weli leedahay Xuqu uqda Cod-bixintooda, inkastoo aysan weli bixinin Qaaraankii QM ee lagu lahaa labadii sano ee la soo dhaafay.

Waana sanadkii Labaad ee Somalia iyo dalalka Como ros, Sao Tome and Principle laga caafiyo Kharajka Miisaaniyada Sanadlaha ee QM.

Dhinaca kale, 6 Waddan ayaa lumiyey Xuquuqdooda Cod-bixinta QM,kadib, markii ay bixin waayeen Qaaraankii laga rabay.

Dalalka Lubnaan, South Sudan, Gabon, Venezu ela, Dominican Republic iyo Equatorial Guinea ayaa wada lumiyey Xuquuqda Cod-bixinta ee 193-ka Wad dan ee xubnaha ka ah Golaha Guud ee QM.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Lubnaan waxay sheegtay inay bixin doonaan 1.8 million oo Dollar oo ah Qaaraanka kaga soo aaday Miisaaniy ada hawl-gelinta QM.

Golaha Guud ee QM oo ay xubno ka yihiin 193 dal ayaa go’aamiya Go’aanka dalalka aan bixinin Kharajka Miisaaniyada lagu socodsiiyo hawlaha QM.

Aqriso: SHARCIGA doodda badan dhaliyay ee BF uu ‘hab sharci darro ah’ ku ansixiyay

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dhawaan la gu eedeeyay in uu hab sharci darro ah u ansixiyay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, ayada oo xildhib aanada qaarko od ay si adag uga hor yimaadeen meel-mar inta sharcigaan.

Ansixinta hindise-shar ciyeedkan ayaa timid kadib markii guddoomiyaha guddiga Maaliyada & Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada ay xildhibaanada ka codsa deen in ay anisxiyaaan, sida uu guddoonka Golaha Shacabka ku sheegay qoraal kasoo baxay 14-kii bishaan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Sha cabka BJFS ayaa cod galiyay sharcigaaan, waxaana u codeeyay 140 xildhibaan, halka ay diideen 3 xildh ibaan wax ka aamusayna majirin, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay guddoonka Golaha.

"Haddaba iyada oo aheyd aqrintii labaad oo lixda meeyo Xildhibaan ay Golaha ku hareen, kooram sha rci ansixin karaa aanu fadhiyin waxa uu guddoonkii shirka ku dhawaaqay in sharcigii Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman la ansixiyay, aqrin sadaxaad iyo kooram ku filan midna aan loo baahneyn,” ayuu yiri Xildhibaan Macallimuu oo kamid ah xildhibaana da sida weyn uga horyimid sharcigan.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Waxaa muuqata sharciyo kale oo badan oo hadda Golaha horyaalla oo liddi ku ah Dastuurka, Diinta iyo Qawaaniinta kale ee dalku leeyahay in waddadan ay mari doonaan.”

Haddaba, maxay tahay dooda ka taagan sharcigan ee keentay in xildhibaanada qaarkood si adag uga horyimaadan?

Hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyad eed ee Cayiman oo asagu ah mid lagu xakameynayo dhaqaalaha la-siiyo argagixisada, sida ay qabto wa saaradda soo gudbisay, ayaa waxa walaac laga muu jiyay in loo adeegsado shaqsiyaad ama shirkado mar kaas dano gaar ah laga leeyahay.

"Marka qof ama hay’ad ay asteeyso wasaaradda Maaliyada ama Golaha Ammaanka ee QM, waa in islamarkiiba la xayiraa lacagta ama hantida shaqsiga la asteeyay,” ayuu dhigaya sharcigan cutubkiisa sad dexaad, qoddobkiisa 4-aad. Sidoo kale waxa uu sharcigan awood u siinaya wasaaradda Maaliyada iyo hay’addaha daba-galka iyo kormeerka inay geli karaan dhismo iyo meelkasta si ay u baaran, ula wareegaan ama nuqullo ugu sam eeystaan dukumtiyo ama warbixino lagama maarm aan u ah ujeedooyinka asteeynta shaqsiyaadka, aya da oo markaas aan fasax haysan ama ogeysiin cid kale.

"Wasiirku waa inuu soo saara xeer-nidaamiye jid eeynaya habraaca xayiraada hantida iyo lacagaha shaqsiyaadka iyo hay’addaha la asteeyay,” ayuu leey ahay sharcigaan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 6-aad, faqradiisa 3-aad.

Sharcigan ayaa sidoo kale dhigaya in shaqsiga ‘wa dahadal’ ka gali kara ama dib u eegis ku sameyn kara in xayiraad laga qaado shaqsi ama shirkad uu yahay wasiirka Maaliyada, ayada oo hindise-sharci yeedkan lagu xusay in maxkamadda sare ee dalka ay tahay marjaca go’aamada ka dasha sharcigan.

"Wasiirku waa in uu ogeysiiyaa hay’addaha daba-galka iyo kormeerka, xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka iyo golaha amaanka, haddii ay wax iska bed delayaan xayiraadda lagu sameeyay lacagta ama ha ntida shaqsiyaad ama hay’ad horay hantidooda ama lacagtooda loo xayiray.”

Hindissharciyeedkan doodda dhaliyay, uuna me el-mariyay Golaha Shacabka ayaa waxay mataano yihiin sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maal gelinta argagixisada ee 2016-kii.Xigasho:-caasim ada.ned

Sarkaal katirsanaa waaxda canshuuraha oo lagu dilay gudaha Muqdisho

Koox hubeysan oo bistoolado watay ayaa waxay ku dileen degmada Kaaraan sarkaal katirsanaa qey bta canshuuraha qaada iyadoo lasoo sheegayo inay baxsadeen.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Liibaan Duduble ayaa waxa uu muddo ahaa mid canshuurta ka qaadi jiray ganacsatada Suuqa Degmada Kaa raan.

Meydkiisa ayaa daqiiqado ka dib waxaa meesha kasoo qaada y ciidamada booliska degmada Kaaraan,iyadoo baaritaan la sa meeyey balse aysan jirin cid loo soo qabtay dilkaasi.

Kooxda Al shabaab ayaa bartooda internet-ka qo raal ay soo geliyeen waxay ku sheegteen in iyagu ka dambeeyeen dilka sarkaalkaasi canshuuraha qaadi jiray ee degmada Kaaraan lagu khaarajiyey Shalay oo khamiis aheyd.

Kaaraan oo muddo la daalaa dhaceysa dhalinyar ada ciyaal weerada loo yaqaano ayaa hadda waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheysan xilli ciidamo ho wlgalo sameeya ay xaafadaha degmadaasi habeena dii dambe lagu arkayey.

Ciidanka booliska ooqabtay burcadda hubay san kaasi oo muwaadin Soomaal iyeed ka dhacay Mooto Bajaaj uu lahaa kadibna ka badalay taargada.

Ciidanka booliska saldhigga degmada Cabdicas iis ayaa Shalay qabtay mid kamid ah burcadda hub aysan, kaasi oo muwaadin Soomaaliyeed oo dhallin yaro ahaa ka dhacay Mooto Bajaaj uu lahaa kadibna ka badalay taargada.

Ninkan burcadka ah ayaa ciidamada ammaanka qabteen xilli uu watay mootadii uu dhacay oo horey loo raadinayay, waxaana ninkan si aan loo aqoonsan mootada ka be delay taargada iyo astaamo kale oo lagu aqoonsan karay.

Ciidanka booliska degmada Cabd icasiis ayaa nikaan ka qabtay dhabarka danbe ee garoonka ciyaaraha Eng Yariis oow, waxaana haatan lagu soo xiray saldhigga deg mada oo baaritaano dheeraad ah lagula sameenayo.

Saldhigga degmada Cabdicasiis waxaa sidoo ka le gaaray milkiilihii lahaa mootada la dhacay ee laga badalay taargada, waxa uuna dhibanaha saldhigga geeyay cadeemo muujinaya lahaanshiyaha moot adiisa.

Ciidamada booliiska oo maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howlgalada xaqiijinta amniga caasimadda ayaa ku guuleestay in ay soo qabtaan kooxo burcad hubeesan oo dadka shacabka ah dhac iyo dhibaato oyin kalaba ku

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay Dr. Fanax oo ahaa nin ku shaqeysan jiray dhqatartnimo ahaana Amniyaadka Alshabab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil too gasho ah ku xukuntay nin ku shaqeysan jiray dhqatartnimo iyo sarkaal sare oo ciidan oo lagu helay inuu Alshabaab ka mid ahaa, kana shaqeeyay qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax) ayaa lagu soo eedeeyay inuu ka tirsanaa Alshabaab, isla mar kaana wuxuu magaalada Muqdisho uga soo shaqeeyay inuu yahay dhaq tar neerfaha ah, islamar-kaana wuxuu mararka qaar xiran jiray darajada sar kaal oo ah gaashaanle, isagoo sidoo kalena heystay aqoonsiga wasaar-adda caafimaadka dowladda federaalka.

Ninkan ayaa lagu soo eedeeyay in-uu Al-Shaba ab ka tirsanaa illaa sanadkii 2009, isagoo fuliyey ka na qeyb qaatay qa-raxyo ka dhacay magaalada Muq disho, sida qarixii Isgoyska Jubba 2019, 2021, wee rar ka dhacay Garasbaalley, Qarixii ergadii Doora shada Gobollada Waqooyi iyo qaraxyo kale.

Maxkamadda ayaa lagu soo bandh-igay sh aqoo yinka Maxamed Cabdinuur Ji-irow ayaa muuqaal ay baahisay Maxkam-adda ciidamada ku qirtay inuu Alshabaab ka mid ahaa, isagoo lagu xukumay dil to og-asho ah.

Muuqaal laga duubay ayuu ku she-egayaa inuu wajiyadaas kala duwan u istic-maali jiray inuu ku qar iyo kamid ahaan-shihiisa Al-Shabaab iyo falalka uu geysto.

Maxkamadda ayuu ka qirtay inuu ku lug lahaa we eraro ay dad badani ku dhin-teen.

Dr. Fanax ayaa Waxaa lagasoo qa-btay magaal ada Baladweyne sanadkii hore kadib doorashadii ma daxweynaha, ka gad-aal markii uu iska dhigay gaashaanle Mil-itari ah

Madaxweyne DENI oo war kasoo saaray tallaabo ay qaadeen DF iyo Galmudug

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Sa ciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysay ka had lay guushii ay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa Isniintii Al-Shabaab kala waree gay degmada Xarardheere oo aheyd marin muhiim ah oo kooxda u isticmaali jirtay howlaheeda argagi xiso.

"Waxaa halkan hambalyo uga diraya dowlada Galmudug iyo ciida mada federaalka ah ee dhawaan magaalooyinkii mudada dheera ay haysteen ee Xarardheere ka saar een Al-Shabaab,” ayuu yiri.

"Waxaa u rajeynaya dhamaan bulshada iyo ciid amada qeybahooda kala duwan ee Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan ciribtirka iyo la-daga alanka argagixisada si dalkan xuquuqda muwaadin ka Soomaaliyeed ugu naaloodo amaan iyo dagana ansho.”

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu til maamay in Al-Shabaab ay caqabad ku tahay dowlad dhiska Soomaaliya iyo horu-socodka dalka, ayna aad u adag tahay in sida uu sheegay.

"Bulshada Soomaaliyeed iyo dowladda oo iskaa shanaysa in dhamaan deegaanada kale ee ay ku jiraan (Shabaab) meel looga soo wada jeesto, chapt er-kaasna Ilaahay idinkii dhawaan lasoo xiro.”

"Marka taas laga gudbo dabcan geedi socod dowlad dhis ah ayaa dalkeena ka jira, Puntland waxay nasiib u heshay in 24 sano ka hor ay go’aansatay in nidaam kala dambeyn iyo dowladnimo dhistaan waana midda dhaxal-siisay in dadkeedu nabad-galyo iyo kala dambeyn ku noolaadan.”

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga dee gaanka ayaa Isniintii si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere, kadib markii dag aal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna ay faar ujiyeen.Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shab aab ay aa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo mar kii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Maamulka Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sacuud iga oo ka qeeyb-galay bandhig dhaqameed

Maamulka Qunsuliyzadda Soomaa-liya ee Dalka Sacuudi Carabiya ayaa ka qeybgalaymahrajaan sa nadeed ka dhacay Magaalada Jiddah oo kagu soo bandhiga-yey Dhaqamada iyo caadooyinka 35 dal .

Bandhigaan oo ay soo gudbiyeen ardayda wax ku barata Jaamacadda maalik Ibnu Cabdi Casiis ,waxaa kaloo ka qeybg-alay maamulka Xarunta Jaamacaad da ee Jiddah, Amiirka Mandiqada Maka Al Mukar-ama iyo marti dharaf kale.

W/Waxbarashadda oo xariga ka jartay qeybo cusub oo la gu soo kordhiyay Jaamacad da Ummadda

W/Waxbarashadda oo xariga ka jartay qeybo cusub oo lagu soo kordhiyay Jaamacadda Ummadda

Guddoomiye ku xigeenka Qunsuliy-adda Sooma aliya Yuusuf Xasan Caddaan , la taliyaha Qunsuliyad da Cali Nuur Macalin iyo xubno kale oo ka socday Qunsuliyadda Somaaliya ayaa sidoo kale ka qeybga lay munaasabaddaasi sanadlaha ah.

Qeybaha rdayda ee jaamacaddaasi ayaa munaasab addaasi ku soo bandhigay dhaqamo iyo caadooyin ka tarjumaya dalal-ka islaamka.

Cutubyo Ka Tirsan Ciidamadii Laga Keenay Erit rea Oo Jubaland La Geynayo

Cutubyo ka tirsan ciidamadda lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa la filayaa in la geeyo Jubaland, si ay kaalin uga qaat-aan howlgalka Shabaab looga xor eynayo maamulkaasi.Sida xogaha ay cadeyn ayaan, go’aankan ayaa qalinka lagu duugay kadib heshiis la ba geesood ahaa oo dhexmaray madaxweynaha Jub aland Axmed Madoobe iyo madaxweyne Xasan She ekh, iyadoo fadhiga heshiiskan uu joogay ra’iisul was aare Xamze oo deegaankaasi ka soo jee-da.

Ilaaa Kun askari ayey qorshaha ta-hay in la geeyo maamulkaasi, iyagoo how-lgalo ka sameyn doona degmooyinka Jilib iyo Afmadow, waxeyna ka bar bar dagaa-lami doonaan ciidamadda kale ee maam-ulka Jubaland oo loo diyaariyay ciribtirka Shabaab.

Haatan dalka waxaa dib loogu soo celiyay ilaa 500 askari oo kamid ah ciida-madda lagu soo tabab aray dalkaasi, waxa-ana lagu wadaa in dhamaadka bishan la soo wada celiyo, sida uu hore u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kooxda Al-Shabaab ayaa deegaano badan ka he ysata maamulka uu hoggaa-miyo Axmed Madoobe, waana maamulka kaliya ay Shabaab ka heystaan gobol dhan waana gobolka Jubbada Dhexe.

W/Waxbarashadda oo xariga ka jartay qeybo cus ub oo lagu soo kordhiyay Jaamacadda Ummadda

Maamulka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxb arashadda XFS iyo maamulka Jaamacadda Ummad da Soomaaliyeed ayaa xarigga ka jaray dhismaha qe ybo cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta Jaamaca dda ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho.

Dhismaha qeyba haan oo ay maalgali yeen maa mulka Wa kaaladda TIKA ee Tu rkiga waxaa loogu ma gacdaray Abuk-aate Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa qare enadii ka qeybgalay dacwadii ba-dda ee u dhaxeet say Soomaaliya iyo Kenya.

Labadaan dhismo ayaa mid kamid ah loo qorsheey ay in lagu qabro xafladaha qalin jabinta, halka midka kale loo asteeyay garoon kubadeed.

Munaasabaddaasi xarigga looga jaray dhismaha cusub ee hoolalkaa-si,waxaa ka hadlay Agaasimaha Tacliinta Sarre ee Wasaaradda Waxbarashadda X-FS Ismaaciil Yuusuf Cismaan iyo Guddoomiyaha Ja amacadda Umadda Dr.Xasan Cumar Mahad-alla, kuwaas oo ka mahadceliyay dadaalka Dowladda Turkiga,gaar ahaan Wakaaladda Dhismaha ee Tika. Faadumo iyo Ismaaciil oo ah car-uurtii uu dhalay qar een Saalixi,ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdaasi .Waxaa kaloo xafladdaasi ka hadlay Madaa Wakaal

adda Dhismaha ee Tika Ilhaami Turus,isagoo shee

gay in ay sii hoo-fteyn doonaan howlaha gurmadka ah ee lagu taagee raayo umadda Soomaaliya.

Laamaha Amniga Puntland oo baadi goobaya Nin dil geystay

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa soo bandhigay Magaca iyo Sawirka Nin ku eedeysan dilka laba qof oo mas’uuliyiin ahaa, kuw aas oo Maalmo ka hor lagu dilay degm ada Bursa-lax ee Gobolka Mudug.

War kasoo baxay Talis ka Ciidanka Booliska Punt land ayaa waxaa lagu she egay inay raadinayaan nin lagu eedeeyay inuu dil ka geystay Degmadda Bursa alax ee Gobolka Mudug, kaasoo Magaciisa lagu she egay Bashiir Cumar Cig aal Cilmi ( Ina Cumar Jawa an).

Booliska oo Ninkaan baahiyay sawi-rkiisa isaga oo hubeysan ayay sheegeen in uu ku lug lahaa dil 15-kii Bishaan degmada Bursaalax ee Gobolka Mu dug Puntland lo-ogu geystay Guddoomiyihii hore ee degma-da Bursaalax C/raxmaan Shiikh C/laahi iyo Ganacsade Mukhtaar Maxamed Aw Khalaf.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in 49 katir san Shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeeladda dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dish ay 49 ka tirsan Alshabaab, tiro kalana lagu dhaawa cay kaddib dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabe ellaha Dhexe.

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoog ga dalka, kuwa deegaanka, Ciidanka Nabad Sugidda iyo Saaxiibada Caalamka, ay aa waxaa lagu beegs aday Shabaab isku abaabulayay dhulbeereedka Sheekh Qaa sim.

Dowladda Soomaaliya waxay kaloo sheegtay in goobta laga fuliyay weerarka ay Shabaab ku hayste en dhaawacyo badan oo horay ugu soo dhaawacm ay dagaallada dalka looga xoraynayo.

Howlgalka inta uu socday Shabaab waxaa laga soo celiyay gaadiid dagaal oo uu ku jiro gaari uu saar anyahay qoriga Zuu-ga, wax aana sidoo kale howlg alka lagu burburiyay gaadiid daga al iyo saanad cii dan.

Hal asakari oo ka tirsan ciidanka Qaranka ayay dowladdu sheegtay inuu ku geeriyooday inta uu socd ay howlgalka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray saddex kale.

Alshabaab ayaa maalmo ka hor weeraray tuulada Xawaadley, halkaas oo la sheegay inay kula ware eegeen saldhig ciid an, iyagoo halkaas ku laayay askar ciidan ka dowladda katirsan.

DOWLADDA YEMEN OO DIB U FUREYSA SAFAARADEEDII MUQDISHO IYO KULA MO SOCDA

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Qu-rbo-Joogta ee dalka Yemen, Dr. Axned Cawad Bin Mubarak oo ma almahan booqasho ku joogay Muqdisho waxa ay is aga iyo dhigiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac si wadajir ah u dhagax-dhigeen As-aaska Dhismaha cusub ee Safaarada Yem-en ee magaalladda Muqdi sho. Dhagaxdhiga waxaa kaloo goojoog ka ahaa Danjiraha Yemen u jooga Somalia, Ambassador Fa dal Al Xanaq iyo qaar ka tirsan Ergada Diblomasiyiin taYemen ee joogta Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibed da iyo Qurbo-Joogta ee dalka Yemen oo ka had-lay Munaa sabadaasi waxa uu tilmaa may inuu aad ugu faraxsan yahay Dhismaha Wejiga 1aad ee Safaaradda Cusub ee Yemen, isla markaa na ay ka dhigan tahay Asta an muhiim oo Cusub oo ku wajahan Hiigsiga Iskaa shiga iyo Isdhexgalka Laba-da dal ee Walaalaha ah ee Somalia iyo Yemen

Wuxuu muujiyay sida uu ugu fara-xsan yahay furitaanka shaqada ee wajigii koowaad ee dhismaha cusub ee Safaar-adda iyadoo tani ay ka dhigan tahay astaan ​​muhiim ah iyo bar cusub oo ku wajahan Kor dhinta Iskaashiga iyo isdhexgalka lab-ada dal ee Walaalaha ah. Kulan ay dhawaan Muqdisho ku yee sheen Wasiirka Arrimaha Dibadda So-omaaliya Absh ir Cumar Jaamac, iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Qurbajoogta eYemen Dr. Axmed Cawad ayay u ga wada hadleen qadiyadaha labada dal wadaagaan sida Muwaadiniinta labada dhinac ku kala nool,a mmaanka Badda Cas iyo inaan iskaashi ka yeelano fagaarayaasha caala-miga ah.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo awaa mir culus kasoo saaray la dagaa llanka Musuq maasuqa

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo Shalay furay Shir qiimeyn ahaa oo loo qabtay masuuliyiinta gobollada uu degaanku kakooban yahay ayaa si adag uga hadlay Musuq ma asuqa iyo ciqaabta uu yeelanayo masuulkii musuq lagu helo.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sheegay in masuulka wax musuqaya uu xeelado badan adeegsan karo, " qofka wax musuqaya ama isdaba ma rinaya awa amirtii la faray ayuu ka lee xanayaa, Qandaraas masoo dhaji na yo oo wuxuu rabaa inuu si hoos ah aaneed u siiyo mid uu rabo inuu la cuno, markaa aw aamirtii la is far ay oo uu ka leexdaa waa musuq wa ana in lala xisa abtamaa" ayuu yiri Madaxweyne Mus tafe Cagjar.

Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wakhtigii hore masuulka Musuq lagu helo xilka un laga qaadi jiray, balse hadda waxa uu amar ku bixiyay in xilka qaadista loogu daro xarig, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Arrimaha Musuq maasuqa ayaa qorshe guud loo qaa tay guud ahaan dalka Itoobiya, iyadoo Ra'iisal Wasa araha Itoobiya Abiyi Axmed oo dhammaan Madaxda dowlad degaannada dalka Itoobiya faray in si adag ula dagaallamaan Musuq maasuqa oo uu sheegay inuu wax u dhimayo horumarka Itoobiya.

Sweden oo sheegtay inay wax ka bedde leyso shuruucda muhaajiriinta

Dalalka Yurub waxaa ku soo badanaya xisbiyada midigta fog oo aalaaba ka soo horjeeda muhaajir iinta, isla markaana u ololeeya in la qaado tallaabo oyin adag oo la xiriira dadka magang elyo doonka ah.

Haatan, ra’iisal wasaaraha dalka Swe den ayaa wuxuu cadaadis kala kulmay baarlamaanka Midawga Yurub oo su’a alo adag ka weydiiyey ku tiirsa naanta xukuumaddiisa ee xisbiyada midigta fog.

Ra’iisal wasaaraha Sweden ayaa isa gu ku dooday inay dalalka Finland, Denmark iyo No rway ay ka dhisan yihiin xukuumado la mida kuwa dal kiisa ka dhisan, isla markaana aanay jirin sabab si gaara loogu eego xukuumaddiisa.

Hoggaamiyayaal Carbeed Oo Kulan Ka Yeeshay Barwaaqada & Xasiloonida Gobolka

Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta Mid owday (UAE), Sheekh Maxamed Bin Zayed Al-Na hyani ayaa waxa uu ma rti-geliyey kulan wadata shi oo ay ka soo qeyb galeen Madax ka kala socotay 5 Waddan oo ka tirsan Golaha Iskaa shiga Ga canka Carb eed (GCC) iyo da lka Masar.

Kulankaasi oo lagu qabtay Caasimadda Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi ay aa waxaa isku wada arkay Mada xweynaha Martida loo ahaa, Sheekh Maxamed Bin Zayed Al-Nahyani, Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani, Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Saciid Xuseen Khaliil Elsisi, Suldaa nka dalka Cumaan iyo xubno kale.

Hadafka Guud ee Shirka wadatashiga ee lixda Hoggaamiye Carbeed waxa uu ahaa inay wada lafa-guraan Ajende Cinwaan kiisu ahaa: Barwaaqada iyo Xasilloonida Gobalka

Hoggaamiyayaasha ayaa waxay kaloo isla eeg een xiriirada Walaaltinimo ee u dhex eeya Dowlada hooda, gaar ahaan Horumarinta Maalgashiga, Barw aaqada iyo deganaanshaha Mandiqada iyo hawlaha Wadajirka, Iskaashiga iyo Isdhexgalka Bulshada Gobalka. Hoggaamiyayaasha waxay kaloo isku raac een ìn ay La-Tashiyo ka yeeshaan Arrimaha ku soo kordha Xaallada Mandiqada iyo Caalamka, iyo in la dhowro Deris wanaaga, la ixtiraamo Madax-banaani da dal kasta iyo in laga fogaado Faragelinta Arrim

aha Gudaha ee dalal kale


145 qof oo la la’yahay ka dib markii ay degtay doontii ay la socdeen

Ugu yaraan 145 qof oo rakaab ah ayaa la la’ yahay, waxaana laga cabsi qa-baa inay dhinteen ka dib markii ay degtay doon si xad dhaaf ah loo raray oo ay sa-arnaayeen dadkan rakaabka ah iyo weliba alaab iyo xoolo. Doontan ayaa ku degtay webi ku yaa lla Woqooyiga Galbeed ee Congo-Kinshasa, sida ay sheegeen masu-uliyiinta dalkasi.

Sida saraakiishu ay sheegen wax-aa masiibad aas ka badbaad ay illaa 55 qof. Doonta ayaa u socotay Jamhuuriyadda Co-ngo, xilligii ay ku degaysay webiga Lulonga oo u dhow ma gaalada Basankusu.

Jean-Pierre Wangela, oo ah gudd-oomiyaha uru rada bulshada rayidka ah ee deegaanka ayaa u shee gay suxufiyiinta in ugu yaraan 145 qof la la’yahay. Wuxuuna sababta keentay degitaanka doontan ku eedeeyey inay tahay rarka xad dhaafka ah taasoo sabab u noqotay burburka doonta, laakiin wuxuu she egay in dadka deegaanku aanay haysanin wax kale oo ay sam-eeyaan, marka laga hadlayo safarka doo-nyahan halista badan.

Wuxuu sheegay inaanay jirin habab kale oo fudu daynaya isku xidhka dhulka ee Basankusu ee deega anada kale, hase aha-atee doonyahan halista badani ay ka mid yihiin kuwa keliya ee la heli karayo.

Bishii Oktoobar, in ka badan 40 qof ayaa ku dhintay webiga Congo ee gobolka Equateur xaalado sidan oo kale ah.

Kenya oo sheegtay inay dagaal ku di shay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa la she egay in 10 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen bariga Ken-ya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowl-adda Kenya.

Waxa ay sidoo kale soo furteen hub ay ka mid ah aayeen baasuukayaal iyo wal-xaha qarxa, kadib ma rkii ay kula dagaa-llameen Al-Shabaab tuulada Gal magalla ee ismaamulka Gaarisa, sida uu yiri Tho-mas Bett, oo ah guddoomiye ku xigeenka deegaanka Bura.

"Howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ku sugan gobolka waxaa fuli-yay kooxdeena hay’ adaha kala duwan ah…waxana ay ku guulaysteen in ay ka takhalusaan 10 ka mid ah, waxana ay soo furteen hubkii ay weerarka kusoo qaade-en,”ayuu u sheegay Reuters.

Al-Shabaab ayaa weerarro ku qaa-dday goobo ay ku sugnaayeen gudaha Ke-nya muddo sannado ah si ay ugu cadaa-diyaan inay ciidamadooda kala bax aan So-omaaliya, kuwaas oo ka caawinaya dowl-add a dhexe ee Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al- Shabaab.

7baadkii hore, Al-Shabaab ay-aa dishay afar ka mid ah shaqaalaha ma-amulka waddooyinka waaw eyn ee Kenya, kadib markii qarax lala eegtay baab uur ay wateen oo marayey wad do ku taalla degmada Gaari sa.

In kabadan 70 qof oo lagu soo warrama yaa in ay qabow ba’an ugue dhinteen gudaha dalka Afqaan istaan oo hadda uu ku dhuftay baqow ba’an.

In kabadan 70 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay qabow ba’an ugu dhinte-en gudaha dalka Afqaani staan oo hadda uu ku dhuftay baqow ba’an.

Gobolka bartamaha ku yaal ee Gh-or ayuu dhaw aan heerkulku gaaray -33 dig-irii, waana heerkul aad uga hooseeyo hee-rka ay biyuhu ku fariistaan ama ku bara-foobaan.Wararka maxalliga ahi ayaa sheeg-aya in tirada dhimashada ay suurtagal tahay in ay intaasi ka bad an tahay. Mas’uul ka tirsan waaxda saada-asha haw ada ee dalkaasi Afqaanistan ayaa sheegay in qabo wga xilligan xagaaga ahi uu noqonayo kii ugu ba’naa sanaddadii dhawaa. Wasaaradda ka hortagga masiib-ooyinka dalkaasi ayaa sheegtay in qiyaastii 70 kun oo neef oo lo’ ah ay qabowga u dhi-nteen dal kaasi tobankii maalmood ee la soo dhaafay. Dhawr waddo oo muhiim ah ayaa waxaa xiray baraf xoogg an oo waddoo-yinka fariist ay.

Maraykanka oo bilaabaya barnaamij la dhaho "Welcome Corps” oo sida Group 5 Canada

Maraykanka oo bilaabaya barnaamij la dhaho "W elcome Corps” oo sida Group 5 Canada cml ah, sida ay Dorraad ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Barnaamijkan, wuxuu u shaqeeynayaa sida Group 5 Canada cml, dadka Maraykanka jooga wax ay kafaalo qaad "Sponsorship” u sameeyn karaan dadkooda ama saaxiibadood qa xootiga ah ee ku nool qaaradda Afrika iyo iwm.

Barnaamijkan waxaa markii hore dowladda maraykanka kala shaq eeyn jiray hay’addo aan faa’iido doon ahayn (Non-profit organizat ions) laakiin hadda dowladda ay aa gacanteeda ku wada sida uu shee gay Xoghaya ha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Ant ony Blinken.

Barnaamijkan waxaa lagu tijaabiyay dadkii ka soo cararay dalalka Afgaanistaan iyo Ukraine, waxaa na uu noqday barnaamij guuleystay.

Barnaamijkan wajigiisa koowaad waxaa lagu bilaa bayaa 10,000 qof oo Maraykan ah oo ka kafaalo qa ad "Sponsorship” u sameeyn doona 5,000 oo qaxooti ah, kadibna tartiib-tartiib ayey dowladu u kordhin tira da qaxootiga iyo dadka kafaalo qaadka sameynaya.

Haddii aadan qaxooti ahayn barnaamijkan wax shaqo iyo shuqul ah kuma lihid.

Xigasho Isaaq Macalin

Muwaadin Falaeestiini Ah Oo 40 Sanno U Xirnaa Israa’iil Oo Xabsiga Laga Sii Daayey…

Mahir Younis oo 63 jir ah ayaa Khamiis Dorraad aheyd laga sii daayey Xabsiga Kidar ee ku yaalla Koonfurta Israel, sida laga soo xigtay Hay’adda Mujt amaca ama Naadiga Maxaabiista Reer Falastiin (PPS).

Maxbuuska ayaa waxa uu mu ddo 40 sano ku xirnaa Xabsiyo ku yaalla Israel Halganka uu ka ga soo horjeeday Qabsashada Israel ee Dhulalka Reer Falastiin.Maher Younis waa Maxbuuskii ugu mudda da dheeraa Caalamka oo dhan.

Waxa uu dib ugu laabtay gurigiisa oo ku yaalla Deg madda Carbeed ee Ara ee Bartamaha Israel, xilli Askar badan oo Israeli ah la dhigay Hoygiisa, si ay uga hortagaan nooc kasta oo isaga loogu dabaal degayo.Tiro badan oo dad ah ayey u suurto-gashay inay gaaraan Gurigiisa, soona dhaweeyaan. Maher Younis isagoo 22 jir ah ayaa laga qabtay Degmadda uu ka soo jeeda, waxayna Maxkamad Israeli ah Xukun ku riday bishii January 18-dii ee sanadkii 1983-dii, isagoo muddo 40 sano an ku soo nolol qaatay Xabsiyada Israel

Maraykanka iyoe xulafada Yurub oo Ukraine u ballan qaaday hub dheeraad ah

Maraykanka iyo qaar ka mid ah xulafadiisa Yurub ayaa ku dhawaaqay deeqo cusub oo hub ah oo la siinayo Ukraine, ka hor kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo difaaca dalkaasi oo muddo ku dhow sanad la dagaalamaya Ruu shku.

Mareykanka wuxuu sheeg ay in xirmada taageerada militari – oo ay ku jiraan ga waarida gaashaaman, nida amyada difaaca hawada iyo tobanaan kun oo gant aallo ah iyo madaafiic qiimaheedu dhan tahay $2.5bn la siinayo Ukraine.

Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken ayaa sheegay inay tahay "xirmo cusub oo muhiim ah oo dhanka amniga ah si looga caawiyo Ukraine inay sii wado inay iska difaacdo dagaalka arxan darada ah ee Ruushka. Goor sii horreysay, Boqortooyada Ingiri iska oo si wadajir ah u soo saartay warbixin ay si wada jir ah u soo saareen wasiirrada difaaca iyo wak iillada sagaal waddan oo Yurub ah ayeey ku sheeg tay inay 600 oo gantaal oo Brimstone ah u diri doon to Kyiv, halka Denmark iyo Sweden ay ballan qaade en nuucyo kale oo hub ah.

Ra’iisul Wasaaraha NEW ZEALAND oo is-cas ishay kadibna ilmeysay (Warbixin)

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ar dern ayaa Khamiista Shalay ah si lama filaan ah ugu dhawaaqday in aysan "wax niyad ah u heynin” inay sii hoggaamiso dalkeeda, ayna xilka ka degayso ugu dambayn horraanta Febraayo, isla markaana ay san raadin doonin dib u doorasho.

Ardern oo ilmada isku celina ysa ayaa sheegtay in shan sa no iyo bar oo ay ra’iisal was aare ahayd ay soo martay dhi baato aad u adag, waxayna sheegtay inay tahay qof damiir leh oo bini’aadam ah, loona baahan yahay in ay xilka ka dagto.

Ardern, oo 42 jir ah, ayaa ku sheegay shir jaraa’id inay isku diyaarisay in aysan ka qeyb qaadan doo rasho kale sannadkan.

"Waan ogahay in ay jiri doonto doodo badan oo ka dhalan doona go’aankan aan qaatay oo la is we ydiin doono, sababta aan xilka uga degayo, laakiin waxa kaliya ee lasoo heli doono waa inaan ahay qof bini’aadam ah oo la soo gaaray xilligii uu xilka ka degi lahaa” ayay tiri Ardern.

Ardern waxa ay sheegtay in aanay xilka uga de gin in shaqadu ay ku culus tahay, balse waxay she egtay inay aaminsan tahay in dadka kale qaban karaan shaqo ka wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka New Zealand Grant Robertson, oo sidoo kale ah wasiirka maaliyadda, ay aa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuusan raadin doonin inuu noqdo hoggaamiyaha xisbiga shaqaala ha oo ay hadda hoggaamiso Ardern.

Ardern ayaa kusoo biirtay masraxa siyaasadda ad duunka sannadkii 2017 markii ay noqotay haweeney dii ugu da’da yareyd ee madax ka noqota adduunka xilligaas oo ay aheyd 37 jir.

Hannaanka hoggaamineed ee Ardern ayaa lagu tilmaamaa inuu ahaa mid naxariist leh, waxaa lagu xasuusta jawaabtii ay ka bixisay toogashadii ka dha cday laba masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch sannadkii 2019, kuwaas oo lagu dilay 51 qof, 40 kalena lagu dhaawacay, iyada oo weerarkaas markiiba ku tilShalayy mid argagixiso ah, isla markaana xiratay jalbaab markii ay la kulmeysay Muslimiinta dalkeeda. VOA

Waxaa lasoo gabogabeeyay xaraash lagu iibina yay boqollaal qaleab ah oo yaallay xarunta shirka dda Twitter ee magaalada San Francisco.

Waxaa lasoo gabogabeeyay xaraash lagu iibinay ay boqollaal qalab ah oo yaallay xarunta shirkadda Twitter ee magaalada San Francisco.

Taallada astaanta caanka ah ee Twitter-ka oo u sameysan sida shimbirta ayaa lagu iibiyay lacagtii ugu badneyd, iyadoo lagu qaatay $100,000 (£81, 000) Dadka munaasabaddan ka daawanayay dhina ca online-ka ayaa gartay in qalabka la isticmaalay uu san qiimahooda gelin wax gorg ortan ah, maadaama lagu iibin ayay lacag ka badan tan tafa ariiqda.

Xaraashka ayaa la samee yay xilli milkiilaha Twitter-ka Elon Musk uu jaray khar ashkii ku bixi jiray shirkaddan wixii ka dmabeeyay markii uu lacag dhan $44bn ku iibsaday sanadkii lasoo dhaafay.

Tan iyo markii uu Mr Musk Twitter-ka la wareegay bishii October waxa uu sidoo kale dhimay kala bar ka mid ah shaqaalihii Twitter-ka, isagoo

shaqada ka eryay ilaa 7,500 oo qof

ARRIMAHA SABABA DIBBIRADA CALOOSHA IYO NOOC KA MID AH KANSARKA


Waa wax iska caadi ah inaad dareento in calo oshaadu ay sida banooniga u taagan tahay, dareen ah inay calooshu ku buuxdo adiga oo laga yaabo ina adan wax badan cunin.

Barar waa weynin la dareemi karo oo caloosha ah. Caloosha waxaad ka dareemeysaa inay ku buuxdo mana dareemeysid nafis.

Waxaa intaa dheer isbeddel jireed oo muuqda, waxaana laga yaabaa inay wehliyaan calool-xa nuun, diiqad amaba dhawaaq.

Arrintan waxaa laga yaabaa inay sababeen wax yaabo badan. Qaarkood waa kuwo fudud, oo la daweyn karo, waxaa ku filan inaad wax ka bedd esho cuntadaada. Kuwa kale ayaa laga yaabaa inay adag tahay in la fahmo iyagoo laga yaabo inay la xiriiraan dhibaatooyin dhanka difaaca jirkeena ah amaba ay astaan u yihiin nooc kansarka mid ah.

Waxaan halkan idinjugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah sababaha dibbi rada, waa kuwee calaamadaha ay tahay inaan ku baraarugno iyo waxa ay ta hay inaan beddelno si aan uga taxadarno dibbirada.

Ma la dhihi karaa Hawo? Maya

Sababta ugu weyn ee dibbirada ayaa ah in gaas badan uu ku jiro mindhicirr adaada. NHS, Waaxda Caafimaadka Qaranka ee UK, ayaa tilmaameysa in tani ay sababi karaan cunnooyin iyo cabitaanno amaba inaad qaadatay hawo badan.

Sababta labaad ee ugu badan ayaa ah calool-istaag, taasoo laga yaabo inaynaan ka war helin sababtoo ah ma aha keliya inaadan in badan sax aroon.

Xarunta Caafimaadka Johns Hopkins ayaa sheegtay in haddii aad la daa laa dhacayso inaad saxarooto, haddii saxaradaadu ay sida dhagaxa tahay, amaba haddii aadan dareemin in calooshu eber ku tahay kaddib markaad saxarooto, inay markaas calooshu ku fadhiso.

Dhammaanba waxyaabahan ayaa sababi kara calool-xanuun iyo dibbiro. Sababtoo ah muddada dheer ee ay saxaradu ku daahdo caloosha, waa inta ay fursad badan u siineyso bakteeriyadu inay ku dhalato caloosha, taasna wa xay keentaa gaas iyo dibbiro.

Bakteeriyo badan amaba saxaro la’aan

Sabab kale oo ka dambeysa dibbirada ayaa ah SIBO, amaba bakteeriyo yar oo mindhicirrada ku dhalata. Waa bakteeriyo dheei ah waxayna timaadd aa marka bakteeriyada mindhicirka ay u gudubto kuwa yaryar.

Dibbirada

SIBO ayaa timaadda kaddib dhibaato ka dhalatay qalliin caloosha ah amaba dhibaato ka jirta hannaankeenna dheef-shiidka, sida laga soo xigtay Mayo Clinic.

Irritable bowel syndrome, oo ah xaalad inta badan saameysa dheef-shiid ka, ayaa dadka qaba waxay u nugleyn kartaa gaaska iyo xanuun badan, sida calool-qabad, shuban amaba calool-fadhi iyo dibbiro.

Waxa dhabta ah ee sababa irritable bowel syndrome lama yaqaan, balse NHS ayaa sheegeysa in lala xiriiriyo sida cunno si boobsiis ah ku gashay caloosha, neerfooyin xasaasi ah oo caloosha dhexdeeda ah, qulub amaba dhaxal dhanka qoyska ah.

Sabab kale oo keeni karta inaan dibbiro dareenno ayaa ah gastroparesis, oo ah cudur saameeya murqaha caloosha sababana in dhaqdhaqaaqoodu uu is beddelo. Waxaa laga yaabaa in dhaqdhaqaaqoodu uu yaraado amaba istaago, taasoo keenta in calooshu ay waqti dheer ku qaadato inay marnaato.

Lama yaqaan waxa sababa gastroparesis, balse Mayo Clinic ayaa sheeg tay in kaddib qalliinka, dhibaatooyin xanuunka macaanka uu keenay amaba qaadashada dawada isku-buuqa, dhiig-karka amaba xasaasiyad ayaa sababi kara xanuunkaas.

Waxyaabaha qaar oo qofka dhibaya iyo hoormoonnada

Mararka qaar, kaddib bararka, waxaa jiri kara cuntooyinka qaar inaadan u

dulqaadan. Ma aha keliya inaad cabtay cabitaannada sida kookada, balse cuntadan waa mid ay adag tahay inay shiiddo caloosheenna.

Waxyaabaha qaar ee caadiga ah ee ka dambeeya dibbirada waxaa ka mid ah cunnooyinka ay ku jiraan maaddooyinka lactose, fructose, carbohydrates sida qamadi, amaba digir.

Sidoo kale, sida ay qeexeyso NHS, waxay calaamad u noqon kartaa cud urka celiac, oo ah xaalad sababeysa in difaaca jirka uu weeraro xiidmihiisa haddii aan cunno wax u uku jiro gluten, oo ah borotiin inta badan laga helo badarka, sida qamadiga.

Tan ayaa dhaawaceysa xiidmaha yaryar, taasoo u diideysa inay nuugaan nafaqooyinka, wuxuuna qofku isku arkayaa calaamadaha sida shuban, xanuun caloosha ah iyo dibbiro.

Sida gaaska oo kale waxaa ah bararka ka dhasha hoormoonnada caada da haweenka. Ilaa saddex ka mid ah afartii haween waxay isku arkaan dibbi ro kahor amaba inta uu u joogo dhiigga, sida laga soo xigtay Cleveland Clinic. Waxaa sidoo kale jira is bed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip