Wax badan ka ogow arrinta soo dadajisay jabka Al-Shabaab

1
Thursday January 19, 2023 - 23:20:12 in Wararka by
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax badan ka ogow arrinta soo dadajisay jabka Al-Shabaab

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

In aad maqasho Al-Shabaab ayaa duqeyn lagu laayay, magaalo laga qabsaday ama deegaan ay haysteen iskaga cararay hadda waxay kula noqotay wax caadi ah, laakiin toddoba billood ka hor taasi aad ayay kula adkeyd, xitaa naftaada waxaa laga yaaba inay ka diidi jirtay in aad si adag u naqdiso Al-Shabaab.

Laakiin maanta cid walba ayaa u bareeri karta kooxda gacan iyo af miday noqotaba. Si fudud taasi kuma imaan, geesiyaal badan ayaa godka ugu jira, umad walba oo maanta sharaf ku nool kuwa ayaa u dhintay neecawd ay haystaan.

Waxa laga yaaba in aad isweydiinayso maxay sidan deg-degta ah ugu jabtay Al-Shabaab.

Marka laga tago dhiiga ay hurayaan ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya oo kooxda la dagaalamayay waqti dheer, haddana waxa jira dhowr arrimood oo qeyb muhiim ah ka qaatay waxyaabaha soo dadajiyay jabka kooxda Al-Shabaab

Maanta waxa aynu soo qaadaneyna dagaalka dhaqaalaha iyo sida u saameeyay kooxda.

Al-Shabaab waxay bil walba heli jireen malaayiin dollar, lacagta ugu badan waxay ka qaadi jireen ganacsatada magaalada Muqdisho, lacagtaas waxay bil walba ku dili jireen dad shacab ah oo ganacsi iyo cibaado ku jira.

   Hadda 70% dhaqaale ahaan waa loo wiiqay kooxda Al-Shabaab, markii hore si caadi ah ayaa lacag ahaan loola macaamili jiray kooxda, laakiin hadda waxa xabsiyada hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida ku jira ku dhawaad 30 qof oo lacago kula macaamilay Al-Shabaab.

Hadda xoog iyo xeeladba xoola siinta Al-Shabaab waa xaaraan, kuma fududa maanta in aad baad siiso Al-Shabaab xitaa haddii cabsi darteed u bixin laheyd.

Akoonadii kooxda Al-Shabaab lacagaha loogu shubi jiray waa la xiray, telefoonadii dadka soo wici jiray ee baada weydiin jiray hawada ayaa laga saaray, goobihii ay dadka ugu yeeri jireen waa la burburiyay, cadadka lacagaha jeebka lagu qaato xiliga duulimaadyada gudaha dalka waa la xadiday.

Dadkii amarka dowladda kadib lacagaha la wadaagay Al-Shabaab, badankood waa xiran yihiin xataa dilaalintii dhulalka lacag uma gudbiyaan Al-Shabaab oo taasi waa xabsi dooro.

Dad aan badneyn oo laga yaabo inay weli dhuumasho lacag ku siiyaan Al-Shabaab ayaa sidoo kale hay’addaha amniga ku daba-jiraan sida aan xogta ku helnay.

Arrimahan oo la isku geeyay ayaa wiiqay dhaqaalihii kooxda, taasina waxay wiiqday tabartii kooxda oo aan hadda hub dibada kasoo iibsan karin, ciidan cusub qoran karin, mushaarna u haynin kuwii hore ula jooga, sidoo kale daawo uma hayaan dhaawacyadooda sida ay xogaha sheegayaan.

Maalintii go’aanka laga soo saaray lacagaha la siiyo Al-Shabaab wixii ka dambeeyay qofkii lacag siiyay waxaa loo nisbeyn karaa inuu kooxda ku fikir yahay ayay leeyihiin kooxaha amniga ah ee dowladda federaalka.

In jiritaanka kooxda Al-Shabaab uu soo gaaray dhowr iyo toban sano waxaa loo sababeeya dhaqaalaha ay bixinayeen dadka degan gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dagaalka dhaqaalaha waxaa loo arka mid kamid ah waxyaabaha soo dadajiyay jabka Al-Shabaab.

In dagaalka dhaqaalaha lasii wado, dadka weli dhuumashada lacagaha ku bixinayana gacanta lagu soo dhigo, oo shacabka Soomaaliyeed si weyn ugu midoobaan mowduucan wuxuu soo dadajin doona soo afjarida kooxda.

Al-Shabaab dood la’aan waa dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya taalla maanta, laakiin sanado badan kadib waxaa muuqata fursadii lagu soo afjari lahaa dhibaatadaas.

XIGASHO:-CASIMADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip