Arrimaha sababa dibbirada caloosha iyo nooc ka mid ah kansarka

0
Thursday January 19, 2023 - 13:58:41 in Wararka by
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arrimaha sababa dibbirada caloosha iyo nooc ka mid ah kansarka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dibbirada

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waa wax iska caadi ah inaad dareento in calooshaadu ay sida banooniga u taagan tahay, dareen ah inay calooshu ku buuxdo adiga oo laga yaabo inaadan wax badan cunin.

Barar waa weynin la dareemi karo oo caloosha ah. Caloosha waxaad ka dareemeysaa inay ku buuxdo mana dareemeysid nafis.

Waxaa intaa dheer isbeddel jireed oo muuqda, waxaana laga yaabaa inay wehliyaan calool-xanuun, diiqad amaba dhawaaq.

Arrintan waxaa laga yaabaa inay sababeen waxyaabo badan. Qaarkood waa kuwo fudud, oo la daweyn karo, waxaa ku filan inaad wax ka beddesho cuntadaada. Kuwa kale ayaa laga yaabaa inay adag tahay in la fahmo iyagoo laga yaabo inay la xiriiraan dhibaatooyin dhanka difaaca jirkeenna ah amaba ay astaan u yihiin nooc kansarka ka mid ah.

Waxaan halkan idinjugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah sababaha dibbirada, waa kuwee calaamadaha ay tahay inaan ku baraarugno iyo waxa ay tahay inaan beddelno si aan uga taxadarno dibbirada.

Ma la dhihi karaa Hawo? Maya

Sababta ugu weyn ee dibbirada ayaa ah in gaas badan uu ku jiro mindhicirradaada. NHS, Waaxda Caafimaadka Qaranka ee UK, ayaa tilmaameysa in tani ay sababi karaan cunnooyin iyo cabitaanno amaba inaad qaadatay hawo badan.

Sababta labaad ee ugu badan ayaa ah calool-istaag, taasoo laga yaabo inaynaan ka war helin sababtoo ah ma aha keliya inaadan in badan saxaroon.

Xarunta Caafimaadka Johns Hopkins ayaa sheegtay in haddii aad la daalaa dhacayso inaad saxarooto, haddii saxaradaadu ay sida dhagaxa tahay, amaba haddii aadan dareemin in calooshu eber ku tahay kaddib markaad saxarooto, inay markaas calooshu ku fadhiso.

Dhammaanba waxyaabahan ayaa sababi kara calool-xanuun iyo dibbiro. Sababtoo ah muddada dheer ee ay saxaradu ku daahdo caloosha, waa inta ay fursad badan u siineyso bakteeriyadu inay ku dhalato caloosha, taasna waxay keentaa gaas iyo dibbiro.

Bakteeriyo badan amaba saxaro la’aan

Sabab kale oo ka dambeysa dibbirada ayaa ah SIBO, amaba bakteeriyo yar oo mindhicirrada ku dhalata. Waa bakteeriyo dheei ah waxayna timaaddaa marka bakteeriyada mindhicirka ay u gudubto kuwa yaryar.

Dibbirada

SIBO ayaa timaadda kaddib dhibaato ka dhalatay qalliin caloosha ah amaba dhibaato ka jirta hannaankeenna dheef-shiidka, sida laga soo xigtay Mayo Clinic.

Irritable bowel syndrome, oo ah xaalad inta badan saameysa dheef-shiidka, ayaa dadka qaba waxay u nugleyn kartaa gaaska iyo xanuun badan, sida calool-qabad, shuban amaba calool-fadhi iyo dibbiro.

Waxa dhabta ah ee sababa irritable bowel syndrome lama yaqaan, balse NHS ayaa sheegeysa in lala xiriiriyo sida cunno si boobsiis ah ku gashay caloosha, neerfooyin xasaasi ah oo caloosha dhexdeeda ah, qulub amaba dhaxal dhanka qoyska ah.

Sabab kale oo keeni karta inaan dibbiro dareenno ayaa ah gastroparesis, oo ah cudur saameeya murqaha caloosha sababana in dhaqdhaqaaqoodu uu is beddelo. Waxaa laga yaabaa in dhaqdhaqaaqoodu uu yaraado amaba istaago, taasoo keenta in calooshu ay waqti dheer ku qaadato inay marnaato.

Lama yaqaan waxa sababa gastroparesis, balse Mayo Clinic ayaa sheegtay in kaddib qalliinka, dhibaatooyin xanuunka macaanka uu keenay amaba qaadashada dawada isku-buuqa, dhiig-karka amaba xasaasiyad ayaa sababi kara xanuunkaas.

Waxyaabaha qaar oo qofka dhibaya iyo hoormoonnada

Mararka qaar, kaddib bararka, waxaa jiri kara cuntooyinka qaar inaadan u dulqaadan. Ma aha keliya inaad cabtay cabitaannada sida kookada, balse cuntadan waa mid ay adag tahay inay shiiddo caloosheenna.

Wxyaabaha qaar ee caadiga ah ee ka dambeeya dibbirada waxaa ka mid ah cunnooyinka ay ku jiraan maaddooyinka lactose, fructose, carbohydrates sida qamadi, amaba digir.

Sidoo kale, sida ay qeexeyso NHS, waxay calaamad u noqon kartaa cudurka celiac, oo ah xaalad sababeysa in difaaca jirka uu weeraro xiidmihiisa haddii aan cunno wax u uku jiro gluten, oo ah borotiin inta badan laga helo badarka, sida qamadiga.

Tan ayaa dhaawaceysa xiidmaha yaryar, taasoo u diideysa inay nuugaan nafaqooyinka, wuxuuna qofku isku arkayaa calaamadaha sida shuban, xanuun caloosha ah iyo dibbiro.

Sida gaaska oo kale waxaa ah bararka ka dhasha hoormoonnada caadada haweenka. Ilaa saddex ka mid ah afartii haween waxay isku arkaan dibbiro kahor amaba inta uu u joogo dhiigga, sida laga soo xigtay Cleveland Clinic. Waxaa sidoo kale jira is bed bedelka hoormoonnada kahor inta aysan haweeneydu caadada ka guurin.

Hoormoonnada dumarka ayaa keeni kara dibbiro iyadoo dhowr sababood loo aaneynayo. Tusaale ahaan, hoormoonka estrogen ayaa sababa dheecaanka oo caloosha ku negaada, isla hoormoonkan iyo progesterone ayaa dedejin kara amaba hoos u dhigi kara dhaqdhaqaaqa murqaha caloosheenna, taas beddelkeedna, waxaa jira weynaanshaha minka kahor dhiigga caadada.

khudaar

Mararka qaar bararka aan degeyn ayaa calaamad u noqon kara arrin khatar ah, sida dhibaatooyin minka ka jira, amaba xitaa kansarka ku dhaca ilmo-galeenka, marka waa muhiim inaan mar walba sameyno baaritaan joogto ah.

Sidee loo dejiyaa bararka?

Haddii aadan weli ogeyn sababta aad u dareemeyso dibbiro, waa muhiim in marka ugu horreysa aad sameyso isbeddel ku saabsan waxa sababi kara.

Waaxda Caafimaadka UK ayaa ku talineysa in la sameeyo jimicsi joogto ah si loo hagaajiyo dheef-shiidka iyo in la duugo caloosha iyadoo midig laga bilaabayo oo bidix lagu geynayo si looga saaro hawada ku xannibmatay haddii sababtu ah gaas tahay.

Haddii aad lacalla dareemeyso calool-fadhi, inaad cunto cunnooyinka ay ku badan tahay fiber-ka iyo khudrad iyo inaad cabto biyo badan ayaa ku caawin kara.

Waxyaabaha ay tahay inaad ka fogaato waxaa ka mid ah cabitaannada fudud, aalkolada amaba kafeyga, shaaha, cunnooyinka dufanta leh iyo kuwa la warshadeeyay, kuwa sokorto ku badan tahay amaba basbaaska.

Marka cuntada la cunayana, waxay dhaqaatiirtu ku talinayaan inaan cunno badan hal mar la cunin, balse in yaryar loo qaato waqtiyo kala duwan, in lagu dhex calaliyo afka si looga fogaado inaad hawo liqdo, iyo inaan cunno la cunin markaad seexaneyso.

Haddii ay jiraan cunnooyin ku dhibaya, isku day inaad marba iska deyso cunooyinka aad is leedahay way ku dhibayaan kaddibna eeg sida aad dareemeyso.

Goormee ayaad dhaqtar u tagaysaa?

Bararka ayaa caadi ahaan iskii u taga amaba inaad isbeddello fudud sameyso.

Balse haddii aad isku aragto barar aan degeyn iyo calaamado kale, waxaa lagula talinayaa inaad dhaqtar u tagto.

Shuban, xanuun joogto ah oo daran oo caloosha ah, saxaro dhiig uu la socdo amaba isbeddel kalarka saxarada ah, iyo sidoo kale isbeddel dhanka aadidda suuliga ah, miisaanka oo kaa dhaca, cuntada oo aad hammad u weyso amaba inaad dareento caloosha oo ku buuxda mar walba, waxay xarunta Mayo Clinic leedahay waa calaamadaha ay tahay inaynu fiiro u yeelanno.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip