
Lafta-Gareen Oo Bedelay Mowqifkiisa, Dalabna U Jeediyay Mucaaradka
C/casiis Lafta-gareen ayaa tilmaamay iney ku nool yihiin xabsi 5KM ah, wuxuuna dadka dhaliilsan xasuusiyay in Shabaab ay deegaanada maamulkaasi ku hareereysan tahay, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii kooxdaasi loo dabar goyn lahaa.
"Waxa la isku haysto waxaa waaye, labo nin oo aan timo lahayn oo shanlo isku dagaalayso. Ninkii la siiyo wuxuu ku shanlaysto maleh. Marka aan timo helno, ayaan shanlada isku qabsan karnaa. Timaha aan helayno waxaa weeye dalkii, dadkii iyo deegaankii Koonfur Galbeed,” ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed.Si kastaba, waxaa maalinkii lanaad galay shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed oo uu shalay furay madaxweyne Xasan Sheekh, qorshaha ayaa ah sidii loo xalin lahaa dooda mudo kororsiga, Villa Soomaaliya ayaa la soo sheegayaa iney ogolaatay halka sano ee loogu daray maamulkaasi
Lafta-Gareen Oo Bedelay Mowqifkiisa, Dalabna U Jeediyay Mucaaradka
..