HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Wednesday January 18, 2023 - 08:18:57 in Wararka by
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA JANNAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Go’aan culus: Xasan Sheekh oo saacado u qabtay ciidanka ‘Badbaadada K/Galbeed

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa digniin ka soo saaray qorshaha ciidanka la magac baxay badbaa dada Koonfur Galbeed ee isku uruursanaya qeybo ka mid ah magaalada Baydhaba "Ciidankaan waa in deg deg ay Deynuunaay ugu laabtaan,” ayuu yiri.

Ciidankaan waxaa hoggaaminaya siyaasiyiinta qaar, kuwaas oo ka hor yimid mudo kordhintii loo sameey ey madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laft agareen, "Dowladda K/Galbeed waxaan ka rabaa in dadka aan la gaarsiin duruuf ku kalifta inay hubka qaataan, waana ka balanay Madaxweyne Cabdic asiis,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus siiyey ciidanka, isagoo ku amray in qof aan Shabaab aheyn aysan xabad ku ridin, sidoo kale siyaasiyiinta ayuu ugu baaqay in ciidanka aysan kala furfurin oo siyaasadda aysan u adeegsan.

"Ciidanka dowladda lagama aqbali doono inay ku dhex milmaan siyaasadda, oo ay dadka dhibaateey aan, ilaa hadda ma jiro nin maxkamad looga yeeray, waxaan ku amrayaa ciidanka inay xeryahoodii ku laa btaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in ciidanka uu ugu tala-galay inay Shabaab la dagaalamaan, ba lse uusan jirin siyaasi uu ka ogolaanayo in ciidanka dowladda uu mansab xoog ah ama dano u gaar ah uu ku raadsado.

"Wiilasha hubka sita ee magaaladaan soo galay saacado ayaan u qabtay, Shalay ayaan la sugaayey in halkaan aan ka sheego, ciidankaas waa in deg deg uu ugu laabto xeryihiisa” ayuu yiri.

Madaxweynaya ayaa odayaashii dhaqanka ee ka soo qeyb galay shirka dib u heshiisiinta ah ee Baydh aba ka socda wuxuu u sheegay in askarigii Habeen hore u hoya waaya xeradii ay ku ogeed dowladda federaal ka aan berri cabasho laga aqbali doonin oo dowlad du ay tallaabo ka qaadi doonto.

"Dadka ciidamada kala furfuraaya kama ogolaa doono. Nin aan u ogolnahay in qof kale uu xabad ku rido ma jiro, saan ayey aniga ila tahay uma socaney so siyaasi ciidan hubeysan wata,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku goodiyey in la ruqsey doono oo ciidanka laga saari doono askar ta ka mid noqotay ciidanka badbaadada K/Galbeed ee taabacsan siyaasiyiinta qaar, waa hadii aysan deg deg ugu laaban xeryahooda.

"Waxaa jira wilal kale oo jecel inay ku biiraan ciidanka qaranka, kuwaas oo dowladdu ay tabar u weysay, ogaada inta kuwaan ruqseyno, ayaan kuwa as fursad sii doonaahe,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaa shaa ndhigga oo gaaray Degmada Xarardheere

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaa riye (Qoorqoor) oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaan dhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaa mac) ayaa casir liqii Shalay gaaray Degmada Xa rardheere ee Gobolka Mudug, oo Isniintii laga saaray malee shiyada Al Shabaab.

Ciidamada Dowladda, Dar aawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ayaa tan iyo Dorraad degma daasi ka waday hawlgalo amni xaqiijin ah.

Masuuliyiintan oo ka ambabaxay Degmada Ho byo ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Saraaki isha Ciidamada. Socdaalkooda ayaana la xiriiriyay wardargelinta gulufka lagu doonayo in lagu soo afjaro Shabaabka Galmudug.Wasiirka Gaashaandhi gga ay aa mar sii horreysay oo Shalay ah waxa uu dadka reer Galmudug ugu baaqay inay u gurmadaan shacab ka ku dhibaateysan deegaanada la xore yn ayo.Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaa rmay "Mar walba Khawaarijta dhagartooda way soc on doontaa, laakiin shacabka Soomaaliyeed waxaa laga rabaa inaysan ku niyad jabin arrinkaas.”

Xarardheere waa degmadii 2aad ee Dorraad laga la wareego maleeshiyada Shabaabka, waxaana ka sii horreysay Degmada Galcad ee Gobolka Galga duud. Ciidamada ayaana Shalay la wareegay gacan ku haynta Degmada Ceeldheer.

Hawlgalada Shabaabka lagaga sifeynayo Gobol ada Dhexe ayaa haatan si dardar leh uga socdo dee gaanada Galmudug.

Xaad oo baaq cusub u diray DF iyo maamulka gobolka

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Ha wiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo soo dha weeyay kacdoonka Shacab ee dhawaan ka billowday Muqdisho, ayaa baaq u direy madaxda dowladda fed eraalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Xaad ayaa ka dalbaday mada xda dowladda federaal ka iyo kuwa maamulka gobolka in la daadajiyo dowla dda, oo la geeyo gacamaha shacab ka, si looga guuleysto dagaalka Shabaab ka dhanka ah.

"Dowladda waxaa ka codsa neyna hadey dowl adda dhexe iyo gobolka Banaadir tahay in dowladda hoos la geeyo anagu waxaa soo joognay dowladda oo qoysaska guryahooda ku jirta. Dowladda haddii la daadajiyo waxay tagee caruur, hooyo iyo aabe taas ayey dowladda ku dhex jiri jirtay haddana waxaa rabna in meeshaas la gaarsiiyo,” ayuu yiri.

"Dowladda iyo Shacabka waxa u dhaxeeya gaab, sidaas ayey Khawaarijta ku faa’iideen oo dhibaatada ku geysteen waxaa rabna dadka Soomaaliyeed gaar ahaan gobolka Banaadir bulshada ku nool iyo dowl adda in aan gacanta isku galino.”

Nabadoon Xaad ayaa sidoo kale waxa uu she egay in fursada kaliya ee Shabaab looga adkaan ka ro xiligaan ay tahay in bulshada gobolka u midoo baan ciribtirka Khawaarijta, maadama ay ku dhu umaaleysanayaan gudaha caasimadda dalka.

"Waxaa rabnaa in wada-shaqeynta la buuxiyo, haddaan nahay dadka gobolka Banaadir waxaa haysana ciidamadii dowladda oo dhan iyo waxkasta oo adeeg ah oo ay dowladda bixiso, aan ku dhiirano suulintooda (Shabaab).”

"Waa in aan ku dhiirano arrintaas iyada ah, gee sinimadu wax ma disho, fuleynimada nolol ma keen to taas ayaa isku baraarujinayna waxaa inoo ballan ah wada-shaqeyn, isxog-wareysi, isku xirnaan iyo kal sooni. Dowladda waxaa rabna inay dhagaxyada ka soo hoos baxdo oo la is-dhexgaliyo dowladda iyo dadka.”

Shacabka Muqdisho ayaa Khamiista toddobaad kii hore muujiyay sida ay uga soo horjeedaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaatooyin badan ka geysata caa simada dalka, waxaana kacdoonkan loo arka mid muujinaya "in dagaalka uu marayo meel gaba-gabo ah oo Al-Shabaab la jebiyay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo kala duw an la qaatay ka qayb galayaasha Shirka dib u he shiisiinta Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Md. Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan Magaalada Baydhaba ee Xarunta ku meel gaarka ah ee D/Goboleed ka K/Galbeed ayaa ku howlan sidii uu hannaan loo wada dhanyah ay ugu furmilahaa Shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed. Madaxweynaha ayaa Shalay furidoona Shirkan oo ay ka qayb gal idoonaan Madaxda sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta, wax gar adka iyo qaybaha bulshada deegaanka. Madaxwe yne Jamhuuriyadda Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyah Golaha Shacabka Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulamo kala duwan la qaatay ka qayb galayaasha Shirkan oo ay ku adkeeyeen muhiimad deegaanka iyo dalkaba u leeyahay qabsoomidda Shirkani.

Shabaab oo ismiidaamin ku dishay Shalay taliye Abshir Shataqey iyo askar badan

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku billowday qaraxyo oo ay Shalay Al-Shab aab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo ku wa deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in illaa sad dex qarax oo loo adeegsaday baabuur laga soo bu uxiyay walxaha qarax ay Al-Shabaab ku weerareen saldhiggaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka ka dib uu xigay dagaal foolka fool ah, kaas oo u dhexeeyay xubnaha weerarka qaa day iyo ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan, waxaana haa tan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa duleedka degmada Balcad.

Saraakiisha lasoo wariyey in ay ku dhinteen qar axyadaasi ayaa waxaa kamid ah Taliyihii Guutada 3-aad, Qaybta 27-aad ee Milatariga Soomaaliya Kor neel Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) oo sal dhigga maamulayay iyo askar kale oo ku sugneyd xeradaas.

Dhinaca kale war kasoo baxay kooxda Al-Shaba ab ayaa waxaa lagu sheegay in xoogaga weerarka qaaday ay gudaha u galeen saldhigga, ayna qabs adeen hub iyo gaadiid.

Xawaadley oo kamid ah deegaanadii ugu damb eeyay ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa 20 KM u jira degmada Balcad ee Shabeelaha Dhexe.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, ayada oo haatan inta badanAl-Shabaab laga saaray gobolkan oo ho ostaga HirShabelle, waxaana kamid ah meelaha la qabtay degmooyinka Aadan Yabaal, Ruun-nirgood iyo deegaano kale oomuddo fog ay ka talineysay ko oxdu.

Si kastaba, Dorraad uun ayay aheyd markii ay Al-Shabaab is-miidaamin tan lamid ah, loona adeegs aday baabuur ay ku weerareen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo War kasoo saar ay weerarkii ka dhacay Xawaadleey

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xu seen oo ku hadlaya Afka Golayaasha Maamulka iyo Shacabka Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxaristee Taliyihii Guutada 3aad Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliy eed Gaashaanle Sare Marxuum Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqeey) iyo ciidamadii kale ee Shalay ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Xawa adley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa xusay in marxu umku uu geeriyooday xili uu gudanayay waajibaadkii qaran ee ka saarna difaacida Dalka iyo Dadka Soo maaliyeed, waxa uunakamid ahaa saraakiisha hor muudka u ahayd dagaaladii Al-Shabaab looga saa ray Magaalada Muqdisho iyo degmooyinka xorta ah ee Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha tilmaamay in Al-Shabaab khasa aro xoogan kasoo gaaray dagaalada socda, isagoo bulshada Hirshabeelle iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan la dagaalanka Al-Sha baab.Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay marxuumka iyo raggii kale ee la dhintay inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaa

waca ahna uu Eebbe u boogo dhayo

JEN.ODOWAA oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Xawaadley

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka warbixiyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah oo Shalay Al-Shabaab ay ku qaade en saldhigga ku yaalla deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 20 KM u ji ra degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe.

Odowaa oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in ciidamada Xoogga dalka ay iska caabi yeen weerarka uga yimid Shabaab, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la dilay 21 xubno od oo ka tirsanaa xoogagii weerarka ku soo qaaday saldhigga deegaanka Xawaadley, kadib dagaal culus oo ka dhacay halkaasi.

Taliyaha Xoogga dalka oo hadalkiisa sii wata ay aa qiray in dhankooda laga dilay illaa 5 askari oo uu ku jiro Taliyihii Guutada 3-aad, Qaybta 27-aad ee mil atariga Soomaaliya Korneel Abshir Maxamuud Maxa med (Shataqey) oo maamulayey saldhigga la weer aray.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada dowladda ay weli ka wadaan halkaas howlgal ay ku baadi goobayaan xubnihii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab.

"Ciidamada ayaa wali sii baacsanaya firxadka Kha waarijta Al-shabaab ee Shalay soo weeraray dee gaanka Xawaadleey,” ayuu yiri taliye Odowaa Yuusuf Raage.

Dhinaca kale war kasoo baxay kooxda Al-Shaba ab ayaa waxaa lagu sheegay in xoogaga weerarka qaaday ay gudaha u galeen saldhigga, ayna qabs adeen hub iyo gaadiid.

Xawaadley oo kamid ah deegaanadii ugu dambee yay ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo ku wa deegaanka ayaa 20 KM u jira degmada Balcad ee Shabeelaha Dhexe.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, ayada oo haatan inta badanAl-Shabaab laga saaray gobolkan oo hoo staga HirShabelle, waxaana kamid ah meelaha la qabtay degmooyinka Aadan Yabaal, Ruun-nirgood iyo deegaano kale oo muddo fog ay ka talineysay kooxdu.

Si kastaba, Dorraad uun ayay aheyd markii ay Al-Shabaab is-miidaamin tan lamid ah, loona adeegsa day baabuur ay ku weerareen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Ra’iisul wasaarihii hore dalka oo bogaadiyay How lgallada Ciidamada Qaranka iyo xooggaga deega anku Khawaarijta uga xorreynayaan dalka

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Eng Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bogaadiyay Howlgallada Ciid amada Qaranka iyo xooggaga deegaanku Khawaa rijta uga xorreeyeendegmooyinka Xarardheere ,Galcad iyo Ceeldheer.

"Waxaan bogaadin iyo hambalyo u dir ayaa Ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed guulaha waaweyn ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ay ugu danbaysay Xorraynta Xara rdheere, Ceel Dheer iyo Galcad” ayuu yiri Eng Roble.

Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Dowladda Fede raalka ah oo muujisay dadaal dheeri ah iyo Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.

"Waxaan u soo jeedinayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed in loo mido obo ciribtirka Khawaarijta Shabaab oo ah halista ugu wayn ee dalkeennu uu wajahayo.”

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khe yre oo bogaadiyay howl-gallada ka socda Galmu dug

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka MD Xasan Cali Khayre ayaa Bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qa ranka iyo xooggaga deegaanku Khawaarijta uga xor eeyeen Xarardheere,Galcad iyo Ceeldheer. "Wa xa n Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamada Kacdoonka shacabka uga tacsiyaynaa dadka shacabka ahaa, saraakiisha iyo ciidamada ku geeriyo oday qaraxyada iyo weer arada naf-lacaariga ahaa ee kooxda Khawaarij tu ay la eegteen fariisim aha ciidama da iyo Masaajidda” ay uu yiri Mr Khayre

"Waxaan bogaadinayaa Halganka Shacabka iyo CXDS ee deegaanadda wali gacantooda ku jira loo ga xoreynayo dhiig cabyada khawaarijta ah ee umm adda iyo Dalkaba naafeeyay. Waxaanna markale shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in loo midoobo cirib tirka kooxda Khawaarijta ah” ayuu sii raaciyay mudane Khayre.

Wasiirka Ganacsiga oo Shalay hor-tegay Guddi ga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warsha daha, isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BFS

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warsha daha XFS Xildhibbaan Jibril Cabdirashiid Xaji Cabdi, ayaa Shalay hor-tegay Guddiga Dhaqaalaha, Maal iyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dal xiiska ee Aqalka Sare ee BFS, waxaana uu uga war-bixiyey ha wlaha shaqo ee Wasaaradda, qo rshe hawleedka 2023, caqabada ha jira iyo guud ahaan waxyaaba hii u qabsoonay sanadkii hore

Wasiirku, wuxu sidoo kale halkaas guddiga la wad aagay warbixinno ku saabsan horumarada laga sam eeyey dhinacyada horumarinta Ganacsiga iyo War shadaha, Maalgashiga, iyo weli ba sidoo kale hay’ad da tayo-dhowrka Soomaaliyeed. Isaga oo u gudbiyey liiska shuruucda iyo heshiisyada u qorsheysan inay u soo gudbiyaan labada aqal ee Baarlamaanka Fede raalka Soomaaliya kuwaas oo ahmiyad weyn u leh horumarinta iyo fududeynta ganacsiga Soomaaliy eed.

Xildhibaan Sanbaloolshe: "Dagaalka ka dhan ka ah ‘AS’ waxa uu u jiheysan doonnaa Galbe edka Webiga Shabeelle

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalool she oo kamid ah xubnaha hoggaaminaya dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ ayaa sheegay in sababta kordh isay qaraxyada ee Gobolka Hiiraan ay tahay in muu jiyaan in weli saameyn leeyihiin.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in howlg allada ka billawday Gobolka Hiiraan uu gaaray deegaanno ka fog isla ma rkaana gacanta lagu dhigay Magaa looyin waaweyn oo katirsan Gobollada Galgaduud & Mudug oo DG Galmudug ah.

Khasaare ayuu sheegay in ‘AS’ lagu gaarsiiyay dagaallada ka socda Gobollada Dalka balse si ay u aarsadaan ay u sameynayaan qaraxyo uu tilmaamay in laga feejigan yahay marka laga tusaale qaato me elaha qaraxyadaas ka dhaceen.

"Inta badan Webi Shabeelle dhiniciisa bari waa laga xorreeyay ‘AS’, Magaalooyinka qaraxyadu maal mahaan ka dhacayeen waa magaalooyinka ugu waa weyn ee Gobolka Hiiraan sida Jalalaqsi, Buulo burte, Maxaas & Halgan, sababtuna waxa ay tahay in la qabtay Xarardheere, Ceeldheer & Galcad marka way ogaayeen in maalmaha soo socda magaalooyin waa weyn gacanta ka bixi doonaan si ay Dadka u marin-habaabiyaan oo ay u tusaan in ay weli nool yihiin ayay weeraradaan u qaadayaan bacdamaa ay ku gu uldareysteen furimaha & dagaalka fool ka foolka ah wax ku keeni waayeen ayay si cadawtinimo ah uga aarsanayaan Dadweynaha una xanuujinayaan” Xil dhibaan Sanbaloolshe.

Deegaannada dhaca Galbeedka Webiga Shab ee lle ayuu soo jeediyay Xildhibaan Cabdullaahi Maxam ed Cali Sanbaloolshe in loo jiheysto si loo yareeyo dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan si ay u abaabulaan qaraxyo waa sida uu hadalka u dhigay. Dagaalku marna waa sugid ammaan marna waa fool ka fool la iska soo horjeedo, marka hore waa in cadawga la naafeeyo oo la burburiyo saldhigyada uu kasoo du ulo, sida aan aaminsanahay waa rafashadii ugu dam beysay, maalmaha soo socda labo kacleyn ayaa la gu sameyn doonnaa la dagaalanka ‘AS’, Hay’adaha ammaanka waxaa rajeynaa in ay sugaan amniga, Dagaalka inta badan hal dhinac kama socda, marka lasoo gabagabeeyo dagaalka Galmudug in loo jihey san doonno Galbeedka Webiga Shabeelle ee Hiiraan & Shabeelaha Dhexe” ayuu yiri Xildhibaan Cabdul laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka he laya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa ka socda Gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhe xe oo DG Hir-Shabeelle ah, Galgaduud & Mudug oo DG Galmudug ah.

Madaxweyne Deni oo bogaadiyay howlgallada Shabaab looga sifaynayo Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntand Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si weyn u bogaadiyay howlgallada dib u xoraynta ee ka socda Galmudug, kuwaas oo lagu xoreeyay magaal ada Xarardheere iyo deegaano kale oo dhaca gobola da dhexe.

Madaxweyne Deni oo la hadlay warb aahinta ayaa bogaadin u jeediyay ciidamada Galmud ug iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku guu laystay inay Alshaba ab ka sifeeyaan gobola dhexe ee dalka.

" Haddaanan Alshabaab laga xoraynin meelaha ay haystaan, waxay caqabad ku tahay dowlad dhiska Soomaaliya. Waxaan rajeynaynaa meelaha ay ku hareena in meel loogasoo wada heesto oo jabtark aas lasoo xiro,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Deni kama hadlin in ciidamada Puntland ay qeyb ka yihiin dib u xoraynta Galmudug, inkastoo baraha bu lshada ay kasoo muuqanayeen ciidanka PSF oo ku sugan magaalada Xarardheere.

Laammaha Amniga muqdisho oo toogtay Nin hubeysnaa

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir ayaa gordhaweyd toogasho ku dilay mid kamid ah rag la sheegay inay ahaayeen burcadda hubaysan ee dadka dhaca u geesta, kaas oo ay cabasho ka muujiyeen dadka Shacabka.

War kasoo baxay Taliska Ciid anka Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Ninka hubeysnaa xiliga la toognayay uu la daga alamay Ciidanka Ammiga ee qabtay, balse Ciidam ada ay ku guuleysteen inay soo afjaraan

" Ciidanka ayaa burcadkaan ku qabtay xaafada Cara faat isaga oo ka dhaga adeegay amarka Ciidanka Ammiga kadibna isku dayay inuu baxsado, waxa uu watay Moota nuuca Bajaajta ah oo ay hadda hayaan ciidanka Amaanka ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Taliska

Wasaaradda Amniga Galmudug oo Xirtay ilaa amar danbe Waddooyinka kala ah; Wadada ka timaada Ceel-buur ee soo gasha dhusamareeb wadada Miirdugul iyo wadada Ceel Cali iyo Gunsar. .

Wasaaradda Amniga ee dowlad-goboleedka Gal mudug ayaa Shalay soo saartay awaamiir cusub oo la xiriira amniga magaalada Dhuusamareeb, xilli ay maamulkaasi ka billowdeen dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Awaamiirta kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu shee gay in laga bilaabo Shalay la xiray dhamaan waddooyinka ka yimaada dhanka bari ee caasimada Galmudug illaa amar dambe.

Waddooyinka la xiray ayaa kala ah; Wadada aad da ama ka timaada Ceel-buur oo laga xoreeyay cad owga, wadada Miirdugul iyo wadada Ceel Cali iyo Gu nsar, sida lagu sheegay warqada kasoo baxday Was aaradda amniga Galmudug.

"Waxaa dhamaan la farayaa gaadiidleyda mara wadooyinkaas ina ay u hogaansamaan awaamiirta wasaaradda amniga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga Galmuudg.

Sidoo kale waxa la faray hay’addaha amniga caasi madda Galmudug u xil-saaran in ay dhaqan-galiyaan waajibaadkooda amniga.

"Sidoo kale waxaa laga codsanayaa dhamaan bu lshada caasimada iyo nawaaxigeeda in ay qeyb ka noqdaan amniga caasimadda,” ayaa lagu yiri warqad an oo uu ku saxiixna wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga gudaha dowlad-goboleedka Galmudug.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa waxaa si ras mi ah uga billowday howl-galada lagu xoreyn ayo de egaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulk aasi, kuwaasi oo durtaba laga gaaray guulo waa weyn.

Xog: Qorshaha Geelle ugu yeeray Axmed Mado obe oo ku sugan Jabuuti

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland ay aa Axadii gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyada Jabuuti, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Wasiirka arrima ha dibada Jabuuti Mudane Maxa muud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Jabuuti.

Axmed Madoobe oo booqasho rasmi ah uga bilaab atay Jabuuti ayaa waxa uu safarkiisa yimid kadib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha dal kaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, marti-qaad ka uu Geelle u fidiyay Axmed Madoobe ayaa leh labo ujeedo oo kamid tahay in Axmed Madoobe lagu qan ciyo inuu ku biiro heshiis ay hore u wada-galeen Xas an Sheekh, Muuse Biixi iyo Geellaha Jabuuti.

Xogaha aan helayno ayaa intaas ku daraya in khil aafka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdull aahi Deni ay qayb ka tahay sababaha xilligaan loo soo dhaweynayo Axmed Madoobe, oo kal hore ay xulafo siyaasadeed ahaayeen Deni.

Waxaa muddooyinkii dambe si weyn usoo baxday in madaxweynaha dalka Jabuuti uu ku qanciyay Mu use Biixi iyo Xasan Sheekh Maxamuud inay ogolaad aan howl-galka Justified Accord iyo arrimo kale oo aan xog fiican laga wada hayn intii lagu guda jiray munaasibadii aroos siyaasadeedka aheyd ee loo sameeyay gabadha madaxweyne Geelle.

Justified Accord ayaa ujeedada laga leeyahay wa xaa lagu sheegay in sare loo qaado iskaashiga caala miga ah ee wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo ha wl-galada ka hor taga argagixisada iyo in la-diyaariyo ciidamo goboleed qayb ka noqda hawl-galada QM iyo Midowga Afrika. Dalalka howl-galkan ku midoobay oo qeyb ka ta hay Soomaaliya ayaa la qorsheynaya in bisha Febra ayo ee sanadkaan ay dhoola-tus millateri kusoo ban dhigaan magaalada Berbera, taasi oo koox ciidamo iskugu jira oo Mareykan ah oo shaqo wadaag ah ay dhawaan booqasho indha-indheyn ah ku tageen magaalada Berbera. Booqashadan ayaa ku soo be egantay ka hor tababar laylis ciidan ah oo la qorshe ynayo inay ka qayb qaataan dalal badan oo ay hork aceyso dowladda Mareykanka, oo loogu yeeray Justified Accord.

Dhanka kale, waxaa iyadna jira wallaac ka dhash ay arrintan oo la xiriira inuu qorshuhu intaas ka weyn yahay, oo waxaa jira guux faro badan iyo hadal hayn la xiriirta arrintan oo durba dadka qaar ay muujina yaan, taasi oo salka ku haysa in ujeeda guracan oo ‘khayaan ah’ ay ku hoos qarsoon tahay howl-galka loogu magaca daray Justified Accord.

Dadka arrintaan ka walaacsan ayaa qaba in dow ladda Mareykanka ay ku soo galbineyso ciidamada badda ay dhawaan sameysatay dowladda Itoobiya si xeebaha Soomaaliyeed saldhig looga dhigo.

Waxaa dadka qaba doodan ayaa cuskanaya war shaki badan dhaliyay oo bishii la soo dhaafay uu war baahinta ka sheegay sarkaalka ugu magacaaban ci idankan Itoobiya ee la yiraahdo Kundu Ghele, kaasi oo sheegay in ciidamada badda ee ay sameysatay Itoobiya ay ilaalin doonaan xeebaha dalalka deriska ah.

Itoobiya ayaa dhowr jeer ka gaabsatay inay si cad u sheegto in ciidamadeeda ay ka howl-gali doo naan xeebaha Soomaaliyeed, taasi oo hadda u mu uqata in Geelle loo xil-saaray taageero u helida olola haas ee dowladda federaalka iyo maamul-goboleed yada dalka.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Midowga Afrika oo War kasoo saaray la waree gitaanka degmooyinka katirsan Galmudug

Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Maxamed El-Amine Souef, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya xoreynta Ceel-Dheer, Xara rdheere, Galcad oo kamid oo kamid ah degmooyinka Galmudug.

"ATMIS waxay sii wadi doontaa bixin ta taageerada loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay ka xorowdo argagixisada iyo hawlaha la xiriira,” ayuu yiri danjire Souef.

"Al-Shabaab waa ay lumisay dhulkii, annagoo kaash anayna walaalaheenna Soomaaliyeed waan sii wadi doonnaa in aan argagixisada ka sifeyno Soomaaliya si shacabka loo siiyo amni, xasillooni iyo nabad kuw aas oo muhiim u ah horumarka dhaqaalaha iyo bulsh ada,” ayuu ku nuux-nuuxsaday Danjiraha.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay labo katirsan Alshabaab

Axmed Sahal Cali Maxamuud iyo Qudaama Xamsa Yuusuf oo ahaa labo xubnood oo katirsanaa Al shabaab ayaa Shalay lagu xukumay dil toogasho.

Labadan xubnood oo katirsanaa amniyaadka kooxda Alshab zaab, ayaa dabayaaqadii bishii Octobar ee san adkii 2022 gacanta lagu dhigay, kaddib mar kii ay de gmada Kaaraan ku dileen askari katirsa naa Bool iiska.

Maxkamadda ciidama da qalabka sida oo Shal ay la horkeenay, ayaa sidoo kale ku he shay dambiyo kale oo la xiriiray ka qeyb qaadashada dilal ka dha cay Muqdisho oo loo gey stay askar katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Axmed Sahal iyo Qudaama Xamse ayaa Alsha baab ku kala biiray sanadihii 2017 iyo 2020. Waxaa la sheegay inay kasoo qeyb qaateen dagaalo ka dha shay meel katirsan gudaha dalka iyo dalka Kenya.

Maxkamadda ciidamada ayaa ku riday xukun qisaas ah oo ah dilkii ay u geysteen Shuuke Caddaawe Maxamed oo askariga ay ku dileen Kaaraan.

Aabbe maseeray oo gabadhiisa si arxan darro ah ugu dilay MUQDISHO

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday magaalada Muq disho, kadib markii Aabe Soomaaliyeed oo lagu mag acaabo Abuukar Xuseen uu gabadhiisa si arxan da rro ah ugu dilay magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday guri ku yaalla xaafadda Badbaado ee degmada Dharkenley, waxaana gabadha la dilay ay jirtay 6 bilood, sida ay sheegeen ehelladeeda.

Aniso Maxamed Cabdi oo ay walaalo yihiin gab adha yar oo la hadashay Shabelle TV ayaa ka war bixisay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay in bir iyo garaa ciis uu gabadha yar ku dilay Aaba heed, ayada oo arrintaan lala xiriiriyay maseer ama hinaaso darteed.

"Walaashey oo kor loo qaaday oo dhulka lagu dee yay oo bir madaxa looga garaacayo ayaan guriga soo galay,” ayeu tiri Aniso Maxamed Cabdi.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in gab adha yar oo aan waxba Shalaysan si silac ah oo arxan darro ah loo dilay, sida ay ku dooday

"Saqiir ayey aheyd 6 bilood ayey jirtay waxba ma Shalaysanin qof ay wax ka haleysana ma lahan. Wala ashey xaqeeda in loo soo dhiciyo ayaan rabaa,” ayey sii raacisay Aniso.

Waxa kale oo ay baaq u dirtay dowladda federaal ka oo ay ka codsatay inay cadaalad u raadiyaan qo yskeeda oo ka kooban 9 carruur ah oo iyo hooy adood.

"Dowladd sharaf leh ayaan ka codsaneynaa inay wax noo qabato, xanuunka qalbiga iga haayo ayaa wax weliba iiga daran oo walaashey iga dilay,” ayey markale tiri.

Dhinaca kakel qaar ka mid ah ehellada qoyskan oo ka soo muuqday muuqaalka ayaa sheegay in ay weli handadaad kala kulmayaan Aabaha, isla-marka ana ay isaga qaxeen gurigooda, cabsi ay ka qabaan darteed inuu markale ku soo weeraro xaafaddooda.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana sidoo kale walaac iyo murugo ay ku reebtay ehellada gabadha yar iyo dadka dariska la ah qoyskaasi.

Wafdi ka socda dowladda Yemen oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Arrimaha dibadda XFS ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Dhiggiisa dalka Yemen oo Booqasho maalmo qaadan doonta ku soo gaaray Muqdisho.

"Dalka Yemen oon wadaagno xiriir qoto dheer oo leh dhinacyada Dadka, Taariikhda, dhaqanka iyo dhaqaalahaba waxaan iska kaashanaynaa sidii aan usii xoojin lahayn xiriirkaas soo jireenka ah.

Inta uu wasiir Dr Axmed joogo dalkeenna waxaan wada yeelan doonnaa wadahadalo la xiriira arrimaha labada dal. Sidoo kale wasiirku wuxuu booqan doonaa qaar ka mid ah xarumaha dawladda, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda sare ee dawladda qaarkood.”ayuu yari Wasiir Arrimaha dibedda Soomaaliya

Erdogan oo ka dalbaday Sweden iyo Finland inay u soo gacan geliyaan 130 qof

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay tahay in dalalka Sweden iyo Finland inay dib ugu soo celiyaan dalkiisa Turkiga, illaa 130 qof oo ay xuk uumadda Ankara ay la xiriirineyso falal argagixiso,

Madaxwryne Erdogan ayaa shur uud uga dhigay labada dal inay raggaas u soo gacan geliyaan ka hor inta aan baarlamaanka Turkigu aanu ansixinin ku soo biiritaankooda ururka NATO.lama oga inay dalabkaas aqbali doonaan iyo inay diidi doonaan dowladaha Sweden iyo Finland, kuwaas oo xiriir fiican la leh dalkaasi Turkiga.


Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo eedaymo dhul ballaarsi ah usoo jeedisay Oromiya iyo Canfarta

Shir jaraa'id oo uu Shalay qabtay Madaxa Xafiiska Arrimaha degaannada deriska ah iyo Xall inta isku dhacyada ee degaanka Soom aalida Cali Samire Sigad ayaa waxa uu kaga waramay arrimo dhawr ah oo ku saabsan dhin aca xuduudda uu degaanka Soomaalidu la leeyahay degaannada Canfarta, Orom iya iyo Diridhabe.

Cali Samire ayaa ugu horreyn sheegay oo caddeey ay inay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo mid dagaal oo ay wadaan Canfarta iyo Oromiya kaas oo ka socda dhinaca xuduudda uu degaanka Soomaalidu la leeyahay degaannada Oromiya, Canfarta iyo Diridhabe.

Cali Samire waxa kale oo uu sheegay in degmoo yin dhawr ah oo kamid ah gobolka Faafan uu ka jiro dhaqdhaqaaq uu ku sheegay inay wadaan Siyaa siyiin Oromiya ah " Dhinaca Tulli guuleed oo kamid ah gobolka Faafan gaar ahaan Maraar waxaa ka jira dagaal ay dad badani ku dhinteen, koox Siyaasiyiin ah oo Oromada ah oo dhul ballaarsi raba ayaa raba in biyo xidheen aan lagu heshiinin ka dhisaan Maraar oo kamid ah Tulli guuleed" ayuu yiri Cali Samire oo ah Madaxa Xafiiska Arrimaha degaannada deriska ah iyo Xallinta isku dhacyada ee degaanka Sooma alida.

Masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Shacabka Oromadu ay yihiin dad wanaagsan, balse dhibka ay wadaan dad uu ku sheegay Siyaasiyiin Or omo ah oo dano kale wata.

Dhinaca kale gobolka Siti ee degaanka Soomaal ida ayuu Masuulku sheegay inay iyadana ay dhibaa to ka jirto, oo Canfartii ay weerar cusub soo qaaday " Labadii degmo ee dhawaan xukuumadda degaanka Soomaalidu u ansixisay gobolka Siti mid kamid ah oo Dhuunyar la yiraahdo waxaa haysta oo la wareegay Ciidamada Canfarta iyo jabhadooda" ayuu yiri Mada xa Xafiiska Arrimaha degaannada deriska ah iyo Xal linta isku dhacyada ee degaanka Soomaalida.

Sidoo kale degmooyin kamid ah gobollada Liiba an, Daawa, Erar iyo Afdheer oo dhamman xuduud la leh degaanka Oromiya, waxa uu Cali Samire sheeg ay in aaggaas uu ka jiro damac dhul ballaarsi ah oo ay wadaan Oromadu, waa siduu hadalka u dhigay Madaxa Xafiiska Arrimaha degaannada deriska ah iyo Xallinta isku dhacyada ee degaanka Soomaalida Cali Samire Sigad.

Ugu dambayn Cali Samire Madaxa Xafiiska Arri maha degaannada deriska ah iyo Xallinta isku dhac yada ee degaanka Soomaalida waxa uu dhaliil usoo jeediyay Madaxda dowlad degaanka Soomaalida, oo uu sheegay in arrimahaa uu sheegay ay dhammaan xukuumaddu ka war haysay balse aysan wax jawaab ah oo ku haboon aysan ka bixin, waa siduu hadalkau dhigay masuulku.

Shirkan jaraa'id ayaa kusoo beegmaya xilli ma almahan ay jireen warar la isla dhexmarayay oo she egaya inay colaad hor leh kasoo cusboonaatay dhan ka xuduudda kala duwan ee degaanka Soomaalidu la leeyahay degaannada Oromada iyo Canfarta.

Waxaa xusid mudan in Shirkan jaraa'id oo uu qabtay Xafiis hoostaga dowlad degaanka Soomaalida, inay san kasoo qayb galin Warbaahinta ay maamusho do wlad degaanka Soomaalidu, halka ay si wada jir ah uga soo qayb galeen Shirkan jaraa'id Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ka howlgasha degaanka Soomaalida.

Nin Soomaali ah oo loo xiray inuu ka dambe eyay weerar lagu qaaday Kaniisad kutaala dalka Congo

Dowladda Congo ayaa xirtay nin Soomaali ah, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerar lagu qaaday kaniisad ku taal waqooyiga gobolka Kivu oo ay ku dhinteen 10 qof maalintii Axadii.Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta dalka Kongo, Ninkan oo Soomaali Kenyan ah ayaa looga shakisan yahay inuu xubin ka yahay kooxda argagixisada ah ee Uganda, Allied Democratic Forces (ADF).

Mas’uuliyiinta Kongo ma ay san shaacin magaciisa markii la xiray Axadii, balse Waaxda Bilayska Kenya ee La-dagaalanka Argagaxisada (ATPU) ayaa Isniintii ku sheegtay inuu yah ay C/ris aaq Muqtaar Garaad oo 29-jir ah, ka asi oo ka soo jeeda degmada Wajeer ee Waqoo yiga Kenya.

Dhacdadan oo ka dhacday magaala da Kasindi ee Waqooyiga Kivu, una dhow xuduudka Uganda ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 39 qof, sida ay sheegayaan ciidamada Congo (FARDC).

Weerarka ma sheegan kooxaha argagixisada ah, balse militariga Congo ayaa ku xidhiidhiyay kooxda ADF, kuwaas oo hore u weeraray tuulooyin ka tirsan DRC. Bishii Janaayo 2022, nin kale oo Kenyan ah, Salim Rashid Mohamed aka Chotara, ayaa lagu xiray DRC ka dib bilo ay ku raad joogeen mas'uuliyiinta Ko ngo oo lala xiriirinayo

Somaliland oo weerar ku qaaday safiirka Mareyk anka ee Soomaaliya kadib markii…

Somaliland ayaa si weyn uga hortimid in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uu Somaliland uga hadlo sidii gobol kamid ah Soomaaliya, kadib qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dib adda Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay wasaar adda ayaa waxa lagu sheegay "in arrintaas ay tahay wax aan la aqbali karin”, maadama uu Larry indhaha ka lalinayo gooni isu-taagga iyo ma dax-banaanida ay ku doodo Somaliland.

"Waa wax aan la aqbali karin in Larry Andre oo ah safiirka Mareykanka ee Muqdisho uu si joogto ah uga fogaado in uu Somaliland ugu yeedho magacee da saxda ah oo uu ku tilmaamo gobol ka mid ah Soomaaliya, uuna Berbera la xi dhiidhiyo Soomaaliya in kasta oo uu si fiican u og yahay in Somaliland aanay ahayn gobol ka mid ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Qoraalka kasoo baxay Somaliland ayaa daba soc da qoraal ay Axadii soo saartay safaarada Mareykan ka ee Soomaaliya, kaasi oo lagu sheegay in Marey kanka iyo xulufo kale ay Berbera ku samayn doona an dhoolatus millateri, kaasi "oo aan meelna lagaga xusin magaca Somaliland.”

Sidoo kale waxa qoraalka Mareykanka lagu she egay in dhoolatusyo lamid ah ka Berbera ay ka dhici doonaan waddamada Botswana, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Rwanda, kaasi oo ay ka qayb-gali doona illaa 20 waddan oo Soomaaliya ku jirto.

Mareykanka ayaa waxa uu Berbera u arka goob hoy u noqon karta abaabulka howl-galada uu ku sug ayo amaanka gobolka, isaga oo aaminsan mabda’a midnimada Soomaaliya, taasi oo ay diidan tahay So maliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka mad ax-banaan Soomaaliya.

Somaliland iyo Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhawaan yeeshaan iskaashi millateri iyo mid siy aasadeed, kadib markii uu madaxweyne Biden saxi ixay xeer ogolaanaya in labada dhinac yeeshaan wa da-shaqeyn noocaan ah.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weeraray Al-Shabaab ka geysteen duleedka Mandheera

Haweeney ayaa ku dhimatay sideed kalena waa ay ku dhaawacantay kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaaye en dad shacab ah oo maray ay wadada isku xirta Banisa iyo Mandheera ee ismaamul ka Maanddeera.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa 12 qof markii dableyda ay weerartay, sida ay sheeg een booliiska iyo dadkii ka badbaaday weerarka.

Dadka deegaanka ayaa she egay in kooxaha wee rarka ge ystay ay rasaas ku fureen Ga ariga xilli uu marayay inta u dhaxeysa Sarman iyo Olla oo ah tuul ooyin hoostaga magaalada Mandheera ee dalka Ke nya, halka rakaabkii kale ee saarnaa gaariga ay bax sadeen iyagoo dhaawac ah.

Degaanka uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa uu u dhow yahay Xadka dalalka Soomaaliya iyo Ken ya, waxaana Mas’uuliyiinta deegaanka ay sheegeen in ay ku arkeen aaggaas kooxaha weerarka qaa day. Axadii, Janaayo 15, kooxda argagixisada islaami ga ah ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa isku da yay in ay weerar kooxeed ku qaado Takaba iyaga oo beegsaday gaari kale oo PSV ah balse waxaa ka soo horjeestay bulshada muslimiinta ah ee deegaanka.

Taliyaha booliska gobolka waqooyi bari George Seda ayaa sheegay in Ragga weerarka geystay ay baxsad een, isla markaana dadka dhaawaca ah lagu daawee ynaayo Isbitaalka Magaalada Mandheera, sidoo kale na ay jirto cabsi laga qabo weeraro kale oo la qorshe ynayo in lagu qaado deegaankaasi iyadoo feejignaan dheeri ah la geliyay Ciidamada.

Taliyaha Sirdoonka Turkiga Oo Wadahadallo La Yeeshay Madaxda Militeriga Ee Suudaan

Taliyaha sirdoonka dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa wadahadallo la yeeshay madaxda militeriga ee Suudaan, waxay ka wadahadleen in la is-weedaar sado xogta sirdoonka iyo arrimo kale oo dan u ah labada dal.

Hakan Fidan wuxuu kulan ga ar ah la yeeshay madaxa golaha sare ee ka taliya Suudaan , janar aal Cabdul Fataax Al Burhaan iyo ku xigeenkiisa, Ma xamed Xamdan Dagalo, wax aana goob joog ka ah aa taliyaha sirdo onka Suudaan Axmed Ibraahim Mufadal.

Taliyaha sirdoonka Turkiga uu siday farriinta ah in dalkiisa uu taageerayo heeshiiska ay dhinacy ada Suudaan ka gaareen qaab dhismeedka heshiis lagu soo afjaro xiisadda siyaasadeed.

Turkiga ayaa ka mid ahaa dalalka beesha caa lamka ee taageeray heshiiskan, kaas oo loogu talagalay in lagu soo celiyo xukunkii rayidka ahaa ee Suudaan.

Hoggaamiyayaal Carbeed oo ka arrinsan doona Colaadda Falastiin & Israel

Boqorka dalka Urdun, C/llaahi bin Xuseen bin Dalaala iyo Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Max amuud Cabaas Abu Maasin ayaa lagu wadaa inay Shalay gaaraan Caasimadda dalka Masar ee Qa ahira, halkaasi oo ay Kulan Saddex-Geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha dalkaasi, C/Fataax Saciid Xuseen Khaliil El-sisi.

Shirkaasi waxaa Ajendayaasha lagu gorfeyn doo na ugu muhiimsan: Colaada Falastiin iyo Israel iyo Xukuumadda Israel ee Midigta Fog ee xilka la war eegtay , Mideynta Siyaasada lagu wajahday Israel, Dib-u-eegista dadaalka Nabadda ee u dhexeeya Falastiin iyo Israel.

Sida laga soo xigtay Sar aakiisha Masaarida waxaa ka loo Kulankaasi lagu eegi doo naa hadalkii ay Xukuumadda cusub ee Israel ku sheegtay inay ballaaran doonaan ballaarinta Deegaamaynta dadka Yuhuuda ee dhulka La-haysto ee Daanta Galbeed ee Reer Falastiin.

Saddexda Hoggaamiye ee Masar, Urdun iyo Falastiin waxay kaloo Shirkooda ku eegi doonaan Dib-u-heshiisiinta Kooxaha Reer Falastiin, gaar ahaan Dhaqdhaqaaqa Garabka Al-Fatax ee haya Maamulka Reer Falastiin, kuwaasi oo uu Fadhigooda Dhexe yahay magaallada Ramala ee Daanta Galb eed iyo Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ee xukumayey Marinka Qasa tan iyo sanadkii 2007-dii.

Dhinaca kale, Kulankii u dambeeyey ee ay ye eshaan Saddexda Hoggaamiye Carbeed ee Masar, Urdun iyo Falastiin waxay ku yeesheen magaalladda Qaahira bishii June ee sanadkii hore ee 2022-kii, balse, Kulankooda Shalay waxa uu ku soo beegmay iyadoo dib loo doortay RW Israel ee Midigta Fog, Benjamin Netanyahu.Si kastaba ha ahaatee, Dowl adda Masar waxay Heshiisyo Nabadeed la saxiixde en Israel sanadihii 1979-kii, halka ay Dowladda urdun ay Israel la saxiixatay Heshiis Nabadeed

sanadkii 1994-kii.Dowladda Maraykanka ee jaalka

zdhow la ah Israel ayaa garwadeen ka ahayd

Taabagelinta Saxiixa Heshiisyadaasi.

Aqalka Cad iyo waraaqaha sirta ee laga helay guriga Biden

Xafiiska la taliyaha sharciga ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay Isniintii inaanu jirin wax ku saabsan ‘diiwaanka martida’ oo yaalla guriga madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware. Arrintan ayaa daba socotay, ka dib markii uu mudane ka tirsan xisbiga Jamhuur igu uu codsaday in lala wadaago diiwaanka martida booqatay guriga Madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla Delaware, halkaas oo laga helay waraaqo sir ahaa oo dawladdu lahayd.

Axaddii ayaa xafiiska James Comer oo ah guddoomiyaha cusub ee guddida kormeerka ee Aqalka Wakiillada Maraykanku, wuxuu ka codsa day Ron Klain oo ah madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad inuu macluumaad ka siiyo, ku saabsan baadhita ankii lagu sameeyey waraaqihii sirta ahaa ee laga helay xafiiska Biden ee ku yaalla magaalada Washi ngton iyo weliba gurigiisa Delaware.

Waxyaabaha uu codsaday waxaa ku jiray, faahf aahin la xidhiidha dadkii booqday guriga tan iyo intii uu Joe Biden madaxweynaha noqday, oo ahayd Jan uary 2021.

"Sida madaxweyne kasta oo soo maray Maray kanka tobanaankii sano ee ugu dambeeyey ee taar iikhda casriga ah, guriga gaarka ah ee madaxweynu hu waa kuwo isaga u gaar ah” sidaas waxaa yihi xaf iiska la taliyaha sharciga ee Aqalka Cad.

Ciidanka ilaalada ee u xilsaaran ammaanka madax weynaha ayaa sheegay, inkasta oo ay ilaaliyaan ammaanka guriga madaxweynaha, haddana inaanay si joogto ah u diiwaangelin, cidda baxaysa ama soo gelaysa.

"Si madaxbanaan uma ilaalino diiwaanka martida sababtoo ah waa guri gaar ah,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay ciidanka ilaalada madaxweyn aha.

Xubnaha cusub ee Jamhuuriga ee la wareegay aqal ka wakiillada ayaa haatan dalbanaya macluu maad dheeri ah oo ku saabsan cidda heli kartay macluum aadka sirta ah ee laga helay guriga Biden, tan iyo markii xafiiska ka degey sannadkii 2017.

Biden ayaa sheegay inuu aad ula yaabay in war aaqo sir ah lala helay goobo isaga lala xidhiidhinayo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Merrick Garland ayaa u magcaabay sarkaal gaar ahi inuu baadho sida madaxweyne Biden uu u maamulay waraaqaha sirta ah, tan iyo markii uu ka degey xafiiska madax weyne ku xigeenka, iyo sidoo kale sarkaal kale oo baadha, sida madaxweyne Trump uu u qaatay in ka badan 300 oo waraaqo sir ah oo uu u geystay guriga uu ka degan yahay gobolka Florida.

Biden ayaa waraaqaha sirta ah ee laga helay dhis mayaashiisa wuxuu ku wareejiyey xafiiska kaydka qaranka, sida uu dhigayo sharcigu.VOA

Kooxo Islaamiyiin Ah Oo Burkina Faso Ka Afduu been Ku Dhawaad 50 Haween Ah

Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan dalka Bur kina Faso ayaa 12-kii iyo 13-kii Jannaayo waxay afdu ubeen ku dhawaad 50 haween ah oo cunto u doon tay gobolka Soum ee waqooyiga dalka Burkina Faso oo ah goob ay ka hawlgalaan kooxaha Islaamiyiintu, sida ay sheegtay dawladda dalkaasi.

Afduubkan ballaadhan ayaa ah kii ugu horreeyay oo ka dhaca Burkina Faso, iyada oo kooxaha Islaamiyiintu ay kaga yimaadeen dalka ay deriska yihiin ee Mali laga soo bilaabo sannadkii 2015, inkasta oo ay jiraan dedaalo caalami ah oo aw ood badan la geliyey sidii loo xakamayn lahaa.

Inkasta oo mararka qaarkood la afduubto dadka u dhashay wadamada reer galbeedka ama dadka deegaanka, ayaa haddana dhacdadani waxay noq onaysa markii ugu horraysay ee dumar intaas le’eg la afduubo. Dhacdadan ayaa dad badan soo xas uusisay, tii ay ururka Boko Xaaraam ay ku afduubteen haweenka tirada badan ee u dhashay dalka Nigeria. Kumanaan qof ayaa ku dhintay rabsh adaha la xidhiidha kooxaha Islaamiyiinta, iyada oo ay barakaceen dad gaadhaya illaa 2.7 milyan oo qof oo ku nool guud ahaab gobolkaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

KABTANKA XULKII KUBBADDA CAGTA EE ARJENTINE MES SI OO KU BIIRAYA OLOLE LAGU CAAWINAYO DADKA ARAGGA NAAFADA KA AH EE ITOOBIYA

Qoraal la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in kabtanka xulkii kubbadda cagta ee Arjentine ee dhowaanka ku guuleystay koobka Adduunka Leonel Messi uu sheegay in lagu sharfay in uu ku biiro dadaal ay waddo shirkad lagu magacaabo OrCam oo qalabka aragga caawiya igu deeqeysa Itoobiyaanka aragga naafada ka ah.

La’aanta aragga ayaa ka mid arrimaha dhinaca caafimaadka ee ugu daran dalka Itoobiya iyadoo daraasadaha qaar ay muujiyeen in dhacdooyinka indhoolenimada ee dalkaa ay yihiin in ku dhow 2% dadka dalkaas.

Sida ay shirkadda OrCam ay sheegtay qalabk ooda caawiya aragga waxaa uu hagaajiyey sida ay sheegtay shirkadda nolosha shaqsiyaadka indhool eyaasha ah ee aragga la’ ee akhriska aan awoodin.

Sanadkii hore iyagoo gacan laga helayo deeqbix iyeyaasha ayaa marwada ra’iisul wasaaraha Itoobiya xafiiskeeda waxay ku deeqeen qalab caawiya aragt ida oo la gaarsiiyey 2000 oo qof oo u badan arday iyo shaqaalaha dowladda.

Haatan waxaa farsamadan OrCam ku biiray Me ssi oo lagu wado in uu ku caawin doono indhooley aasha Itoobiya lacago loogu iibiyo qalabkan caawi naya indhooleyaasha Itoobiya iyadoo saraakiisha xaf iiska shirkaddaasi ay sheegeen in haddii ay indhool eyaashu helaan qalabkaas ay awoodi doonaan in ay akhriyaan farta Amxaariga oo ah luuqadda looga sha qeeyo dalkaas iyo sidoo kale Ingiriiska .

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa dalka Itoobiya Meaza Ashenafi iyo ku xigeen keeda Sol omon Areda oo si lama filaan xilkii isaga casilay.

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa dalka Itoobiya, Meaza Ashenafi iyo ku xigeenkeeda Solo mon Areda ayaa si lama filaan xilkii isaga casilay.

Ma aysan sheegin sababta ay isku casileen.

Meaza Ashenafi oo horey ugu ololeyn jirtay arrim aha haweenka ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay xilkan, waxaana loo arkay tallaabo isb addal ah oo uu waday Abiy Axmed markii uu xilka qabtay.

Tan iyo dabayaaqadii 1980s waxay aheyd garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Itoobiya, waxay mar kii dambe sameysay urur ay ku mideysan yihiin hawe enka qareenka ah ee Itoobiya si ay u caawiyaan haweenka u baahan adeegyada sharciga ah.

Meaza Ashenafi waxay ku lug laheyd kiis caan ahaa oo xitaa lagu soo bandhigay filimka Hollywood-ka ay soo saare ka aheyd Angelina Jolie

Hoos u dhac ku yimid tirada bulshada Shiinaha markii ugu horreysay muddo 60 sano ah iyadoo diiwaanka carruurta dhalaneyso uu gaaray heerkii ugu hoseeyay

Hoos u dhac ayaa ku yimid tirada bulshada Shii naha markii ugu horreysay muddo 60 sano ah iyadoo diiwaanka carruurta dhalaneyso uu gaaray heerkii ugu hoseeyay- tusaale 1000 qof waxay dhalaan 6.77 carruur ah.

Tirada bulshada Shiinaha san adkii hore waxay gaartay-1.4118 billion- tiradaas oo ka yar 850,000 qof tiradii la diiwa angeliyay sanadkii 2021-ka.

In muddo ah waxaa uu hoos dhacayay tirada carr uurta Shiinaha, arrintaas oo keentay in isbaddal lagu sameeyo siyaasaddii ilma dhalidda lagu yareyan ayay. Markii ugu dambeysay uu hoos dhac yimaado tira da dadka Shiinaha waxay aheyd lixdamaadkii markaasoo uu dalkan la daalaa dhacayay dhibaatoo yin ka dhashay macluul.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip