Maxeey Xarardheere muhiim ugu ahayd Khawaarijta?. (Shan Qodob).

1
Monday January 16, 2023 - 23:05:42 in Wararka by
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxeey Xarardheere muhiim ugu ahayd Khawaarijta?. (Shan Qodob).

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Magaalada Xarardheere, waa magaalo fac wayn, waa mid ka mid ah magaalooyinkii ugu hor qaatay maqaamka Degmonimo Gobolada dhexe, waa magaalo leh Taariikh ilbaxnimo.

Waxaa jira arrimo dhawr ah oo ka dhigay mid ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan Xukunka Khawaarijta, waxaana loo arka in ay ku jirtay shanta Magaalo ee ugu muhiimsanaa Khawaarijta.

Sababo badan ayaa jiray, balse waxaan soo qaadanayaa Dhawr qodob kuwaas oo mudan in loo iftiimiyo Bulshada.

1- dhoofiinta iyo soo dajinta dambiilayaasha.

Khawaarijtu waxa ay Magaaladaan u isticmaalijireen in ay ka dhoofiyaan kana soo dajiyaan dambiilayaasha Caalamiga ah kuwaas oo ka faaiidaysnjiray Dekadaha Nacmalka ah ee ku dhaw Magaaladaas kuwaas oo u sahlan in laga dhoofo lagana soo dago kuna furan Bad waynta India iyo Badda Cas Labadaba.

2- daabulista Hubka iyo Walxaha Qarxa.

Xarardheere sidoo kale waxeey Khawaarijta u ahayd goob ay u isticmaalaan isku gudbinta Hubka iyo Waxyaabaha Qarxa iyaga oo uga faaiidaysanjiray isla dakadahaas macmalka ah, sidaas awgeed waxeey u ahayd Marin aad muhiim ugu ah in ay helaan agabka Dagaal ee ay u baahanyihiin Khawaarijtu.

3- Askaraynta Caruurta.

Khawaarijtu isla Magaaladaan waxeey u isticmaalijireen uruurinta iyo askaraynta Caruurta ay kasoo qafaashaan qooysaskooda taas oo ka dhigaysay Xarardheere Xarun aad muhiim ugu ah Khawaarijta gaar ahaan soo saarista Bini-aadamka ay Khawaarijtu u badashay Bambooyinka Qarxa.

4- cabsi galinta Qabaailka.

Maadaama Xarardheere tahay Magaalo Kulmisa Qabaail badan, Khawaarijtu waxeey u isticmaali jirtay Magaaladaan in ay ku kulmiso kuna cabsi galiso Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Deegaanka iyaga oo markasta halkaas ku gudbin jiray fariimaha Cabsi galinta ah ee beelaha ay u dirayeen.

5- Xoolaysiga Khawaarijta.

Xarardheere, waa Magaalo Kulmisa, Xoolo dhaqato, Beeraleey iyo Kaluumaysato sidoo kale waxaa Magaalo ahaanteeda ku tiirsan dhul aad u balaaran oo dad farabadan ku noolyihiin, sidaas awgeed, Khawaarijta waxa ay u ahayd hal Bawle dhaqaale oo ay ka helaan Baad aad u badan.

Isku uruurinta Qormadayda, Khawaarijtu in ay lumiyaan Xarardheere waxeey ku tahay dhabar jab baaxad leh, waxaana ka xirmaya Marinkii ugu waynaa ee kala gudbinta Hubka iyo Dambiilayaasha, waxeey luminayaan il Dhaqaale oo aad u wayn, waxeey luminayaan Warshad wayn oo soo saarijirtay bini’aadamkii bambaanooyinka noqday, waxaa gacantooda ka baxaya Tobaneeyo Qabiil oo xornimadoodu saamayn ku leedahay dhul Balaaran iyo ugu danbayn waxeey tani siibaysaa Xidiidkii Khawaarijta ee Gobolada dhexe oo dhan.



W/Q: Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

XIGASHO:SONNA.SO

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip