HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 2-DA JANNAAYO 2023-KA

0
Monday January 02, 2023 - 08:52:24 in Wararka by
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 2-DA JANNAAYO 2023-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Xasan oo sameeyey ballaan-qaad culus oo sanadka 2023 ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalaytii la hadlay shacabka Soomaaliyeed, ayaa ka warbixiyay gulufka socda ee ka dhan ah Al-Shabaab iyo hiigsiga sanadka cusub ee 2023-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in halganka dib u xoreynta dalka iyo hiigsiga sa nad ka 2023 uu noqon doona sanadkii dalka xoroobi la haa dowladdana ay u jihaysan laheyd adeeg iyo waxqabad.

"Waxkasta oo horumar iyo wanaag ah oo umaddi gaarto waxay ka dambeeyaan marka qofka amni haysto oo gurigi isa inta uu nabad ku seexdo uga soo toosi karo, waana sidaas sida aan muhii mada koowaad u siinay arrimaha amniga,” ayuu yiri madaxweynaha.

"Dadka Soomaaliyeed waxay Dorraad u istaa geen inay iska qabtaan Khawaarijta, dagaalkaasi na meel fiican ayuu maraya oo geba-gebadiisa ay aa dhow. Sanadkaan 2023-ka waxaa rajeynayaa sanadkii Soomaaliya ay u bixi laheyd barwaaqo iyo bash-bash.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda fed eraalka ay dadaal badan ugu jirto sidii ay amniga guud ee dalka ugala wareegi laheyd howl-galka Ex-AMISOM (ATMIS), kuwaasi oo sanado badan ku sugna dalkeena.

"Arrimaha amniga marka la yiraahdo waxaa hii gsaneyna in dowladda Soomaaliyeed iyo dadkee da oo iswata ay xilka amniga dalka iyo dadka si buuxda ula wareegaan bisha December 2024-ka, walaalaheena AMISOM iyo caalamka na-kaal meynayay u mahad-celin oo tusino in aan gaarnay heer aan ku hanan karno amnigeena.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu shee gay in dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedy ada ay siyaasad ahaan ka heshiiyeen arrimaha amniga taabanaya iyo qaab dhismeedka amniga Qaranka.

"Waxaa dhawaan ka heshiinay ayadana oo me el soo gaarsinay arrimaha aan isleenahay amniga ayay taabanayaan oo gadaal idinka soo sheegi doono.”

"Dadka Soomaaliyeed yeysan nagu qiimeyn Dorraad meesha aan joogno, ha la isku qiimeeyo meesha aan u socono,” ayuu hadalkiisa sii raac iyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sh. dadkiisa ka codsaday inay ugu hiiliyaan hal arrin

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay u hiiliyaan, ugu hiiliy aan sidii uu u soo celin lahaa qabkii Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa codsaday in mar dambe aysan dadka Soomaaliyeed hoos isku fiirin, isagoo wacad ku maray inuu xaqiiji doono intii uu karo himillada ay u qabaan inay dunida wax la qeybsa daan.

"Soomaaliyey walaalayaal dhammaantiin wa xaan idinka codsanayaa inaad ii hiilisaan, anigoo ah madaxweynihii aad doorateen ah , waxaan din ka codsanayaa inaad iigu hiilisaan soo celinta sha rafta iyo karaamada aan mudada dheer ka ooman ahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhan kale Wuxuu sheegay in Soomaalidu ay ugu horeeyaan ummadaha ugu sharafta badan dunida, sidoo kale wuxuu xusay in dalkeenna ay barwaaqo buuxdo.

"Soomaaliyey aniga iima muuqato sabab aan u noqon weyno dadka dunida ugu sharafta badan uguna farxadda badan, waa noqo karnaa ee wal aalayaal waxaan idinka codsanayaa inaad iigu hiilisaan mashruucaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Soomalaiyeed ka codsaday in mar da mbe aysan hoos isku fiirin oo khilaafaadka dhexd ooda yaalla ay ka gudbaan, si dunida aan u hiig sano.

Madaxweynaha ayaa codsigaan ku soo gabaga beeyey khudbad uu jeediyey oo uu kusoo kooba ayey hormaradii ay sameysay dowladda uu hogga amiyo 7badii bilood ee uu xafiiska joogay.

Dhammaad

Guddoomiye Aadan Madoobe Oo Mar Kale QM Kala Hadlay A/Dib U Heshiis iinta K/Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaan ka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Dorraad xafiiskiisa kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmayn ta Soomaaliya ee (UN SOM), Anita Kiki Gb eho Kulanka Guddoomiyaha iyo Marwo Anita Kiki ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed, iya doo xustay inay UNSOM taageereyso dadaalada uu garwadeenka ka yahay Guddoomiyaha Gol aha Shacabka BJFS si loo helo isfaham bulsho lo ona sii amba qaado xorreeynta deegaannada Al-shabaab go’doomiyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa gunn aanadka kulanka ayuu Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Ar rimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay hal ka ay mareyso arrimaha dib u heshiisiinta Koo nfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Ku-xigeenka Erg eyga gaarka ah ee Xafiiska QM u qaabilsan Kaa lmaynta Soomaaliya la wadaagay inuu kulamo la qaatay siyaasiyiinta ka aragti duwan K/Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaat ay Safiirka Maraykanka Ee Q/Midoobey

Madaxweynaha J/F/Soomaaliya Md. Xasan Sh. Maxamuud oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doc eed la qaatay Safiirka Maraykanka ee Q/ Midoob ey Marwo Linda Greenfield.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Li nda guulaha laga soo hoyey dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, waxa uuna tilmaamay saameynta cuna-qabateynta dhanka hubka ee sa aran Soomaaliya, isagoo sheegay in si naf hurni mo leh ay ciidamada Soomaa liyeed ku xoreeyeen gobolla da Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.Madaxweynaha Jamh uuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay doorka geesinimada leh iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee ay muujiyeen bulshada deegaan nada la xoreeyey ayaa dul istaagay xaaladda nol oleed ee adag ee ka jirta degmooyinka iyo deegaa nnada laga saa ray argagixisada khawaarijta ah, kuwaas oo burb uriyey kaabeyaasha nolosha iyo adeegyadii dadw eynaha ee ka jiray deegaannad aas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka rajeeyey diblumaasiyadda Maraykanka inay codkooda Golaha Ammaanka iyo Golaha loo dhanyahay ee Q/M. ay ku xoojiyaan qorsheyaa sha dib u dhiska CQS,qaadista cunaqabateynta hubka, ka hortag ga isbeddelka cimilada iyo dib u dhiska deegaan nada laga xoreeyey Khawaarijta Alshabaab

Guddoomiye Madaale” Shacabka Muqdisho waxay go’doon ugu jiraan Amni darro & Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Muqdi sho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa she egay in Shacabka Muqdisho ay godoon galiyen amni darada iyo dagalka al.shabaab lagu jiro taasina ay keentay daqkhliga do wladda in uu hoos u dhaco

Sidoo kale guddoomiyaha ay aa sheegay in loo baahan yahay in Shacabka Canshuurta laga qaa do wax loogu qabto loona baahneyn in Can shu urta laga qaado Shacabka ay ku soo aruurto mu shaar oo kaliya.G/gobolka Banaadir ahna Mu qdisho ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka M/ Muqdisho ay go’doon ugu jiraan amni darrada iyo dhibaatada Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa G/gobolka Banaadir ahna Mu qdisho Yuusuf Madaale waxaa uu ka sheegay mu naasabad uu Maamulka G/Banaadir ku ansixiyay miisaaniyadda Gobolka Banaadir ee sanadka 2023

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha xilka baney naya ee Itoobiya

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaan ka J/F/ Soomaaliya Md. Sh.Aadan Madoobe ayaa Habeen hore kulan isugu jira Casho iyo sagoontin ah la qaa tay safiirka xilka ba neynaya ee dalka Itoobiya ee Cabdifatax Sh.Chi.

Guddoomiye Sh.Aadan ay aa Safiirka xilka ka sii dagaya ee Itoobiya uga ma hadceliyey wada sha qeyntiisii mudadii uu ka howlgalayay Somaliya & sida Dowl adda Itoobiya ay uga go’antahay tag eerada wala alnimo oo soo jireenka ah iyo garab istaaga Dowl adda iyo Shac abka Soomaaliyeed.

Jeneraal ODOWAA oo shaaca ka qaaday xog ku saabsan Al-Shabaab ku jira kaymaha

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odow aa Yuusuf Raage oo ka hadlay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaal-yahaan ada kooxda ay haystaan laba doo rasho oo kaliya.

Odowaa ayaa sheegay in xiligaan ay Shabaab u furan tahay inay isa-soo dhiibaan, haddii ay doonayaan inay helaan badbaado, iyo doora shada kale oo uu ku sheegay inay tahay dhima sho. Jen Odawaa oo la hadlayay boq olaal ka tirs an ciidanka xoogga iyo kuwa dee gaanka ayaa sidoo kale sheegay inay ka warhay aan in dhaaw acyada iyo maydadka Al-Shabaab ay da adsan-yih iin keymaha ay ku dhuumayeen, ayna uga daba tagi doonaan, sida uu sheegay.

"Waxaan ognahay inaad keymaha ku dhiig ba xaysaan, waxaan ognahay in maydadkiinu geeda ha dulsaaran yihiin, waxaa idiin furan labo arrin oo kala ah, imaa inaad isisoo dhiibaan oo aad mart aan hannaanka cafiska dowladda, waa imaa inaan bartiina idin kugu imaano oo idin ku dilno,” ayuu yiri. Waxa kale oo uu tilmaamay in marnaba aan dhex-dhexaad laga noqon karin dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo muddooyinkii dambe la ga gaaray guulo waaweyn.

"Ciddii aan lasoo safan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka waa inay dhinaca kale lasoo saftaan, iskuna diyaariyaan inaan la cafindoonin,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in deegaan ada laga xoreeyay Shabaab aysan ka muuqan wa xay ka qabteen diinta, islamarkaana ay diinteena suuban u geyst een gef aad u weyn, isaga oo xu say in kooxda da gaal la gashay dugsiyadii qur’a anka lagu baran

jiray.

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay Shirka Guddoomiyeyaasha degmoyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shir guddoomiyay shirka Degmooyinka gobolka kaas oo looga hadlay sidii sanadkan cusub ee 2023 hor umara muuqdo oo la taaban karo looga hirgalin lahaa Caasimadda.

Shirkan waxaa goob joog ka ahaa Gudd oomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Gobolka, Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka, Guddoomiyaasha Degmooyinka, iyo Agaasimayaal.

Shirkan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa dardargalinta Amniga, kor u qaadista Daq liga, Nadaafada iyo Horumarinta isdhaxgalka Bul shada.

Duqa M/uqdisho Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shirka ka sheegay in guddoomiye kaste iyo Agaasime kaste lagula xisaabtami doono mas’uuliyadda uu shacabka u hayo.

Hey’adda la dagaallanka musuq maas uqa oo ka dhawaajiyey in lacago Can shuur la dhunsaday

Hey’adda la dagaallanka musuq maasuqa ee Marqaati ee Soomaaliya, ayaa sheegtay inay jira an malaayiin Doollar oo canshuur ahaan loo uru riyey, oo aan la geyn Bangiga Dhexe ee dowladda Soomaaliya.

Hey’adda oo xiganeysa warbixinada Hanti Dhowraha Guud, ayaa sheegtay in laga soo bilaabo sanadkii 2020-kii, ay jirto in lacag ka badan 5 milyan oo Doolar oo maqan.

Lama oga halka ay ku maqan tahay, sida ay hay’ddu sheegtay 14 hey’adood oo aan magacya dooda la shaacin.

Maxamed Mubaarak, oo ah aggaasimaha hay’ adda Marqaati, ayaa carabka ku dhuftay in xis aabaha soo hara, marka sanad dhamado, aan loo gudbinin sanadkii kale

Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Deni iyo Karaash

Wararka laga helayo M/Garoowe ee xarunta G/Nugaal ayaa sheegaya in halkaas laga daree mayo saameynta ka dhalatay xiisadda weli ka taa gan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo la soo wariyay in haatan ay khilaaf ka dhex dhalisay madaxweynaha Puntland iyo si doo kale ku xigeenkiisa.

Saciid Deni iyo Axmed Kara ash ayaa isku qabtay qaabka looga falcelinayo xaaladda adag ee haatan ka taagan Laa scaanood, taas oo gashay todobaadkii labaad oo rabshado ah.

Wararka ayaa sheegaya in natiijo la’aan uu ku soo dhammaaday kulan ay yeesheen labada mas’ uul, kaas oo ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyiin kale, isla-markaana looga hadlayey dhibaatada ka taagan gudaha magaalada Laascaanood oo ay joogaan ciidanka Somaliland.

Karaash ayaa ka carooday qoraal uu habeen ka hor madaxweyne Saciid Deni ka soo saaray xii saddaas, kaas oo u badnaa baaq loogu dirayo ma daxda Somaliland, taas oo uu dhibsaday ku xige enku, sida ay Caasimada Online sheegtay inay u sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Khilaafka labadaan nin ayaa marar badan soo noq-noqday, waxaana ugu dambeeyay oo ay is qabteen xilligii doorashooyinka markaas oo uu mu sharrax ahaa Saciid Deni, inkasto markii dambe xal waara laga gaaray khilaafkaas oo saameeyay hay’adaha maamulka.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in xildhibaano iyo saraakiil ka soo jeeda gobolka Sool, isla-markaana ka tegay Garoowe ay isku uru ursanayaan duleedka magaaladaas, si ay u aadan aaga magaalada Laascaanood oo ay ka taagan ta hay xaalad aad u cakiran.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa haatan faraha kasii baxaysa, waxaana kordhay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay rabashadaha Laascaanood.

Magaaladan waxaa ku soo noq-noqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka hal-doorka u ah bulshada gobolka Sool. Xigasho:Caasimadda.net

A/XMED MADOOBE oo dacwad culus ka gudbiyay Fartaag

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inuu dacwad ka gudb iyay Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare lagana soo doorto dowlad goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa dac waddan toos ugu gudbiyay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Md.Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa yna salka ku heysaa arrinta gobolka Gedo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Axmed Mad oobe ayaa ku eedeeyay Senator Fartaag inuu ku howlan yahay shaqooyin aan aheyn kuwii loo soo doortay, isla-markaana uu dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Jubbaland ka wado gobolka Gedo, sida uu ku dooday Axmed Madoobe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dacwada ka dib uu guddoomiye Cabdi Xaashi xiriir la sameey ay Senatorka, isaga oo ku amray inuu degdeg ah ugu soo laabto Muqdisho.

Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag & wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Mudane Ca bdirashiid Janan ayaa maalmo kahor tegay gobol ka Gedo, ayaga oo halkaas ka bilaabay dhaq-dha qaaq xoogan, taas oo ay si weyn uga hortimid do wlad goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa doonaya in uu dhinac uun u rido xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameys ay illaa doorashooyinkii soo dhammaaday, waxaa na sidoo kale haatan Muqdisho ku xigeenkiisa 1-aad Maxamuud Sayid Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolkaasi.

Labada mas’uul ayaa ujeedkooda waxa uu ya hay inay dowladda federaalka ay kala hadlaan si dii loo soo afjari lahaa arrinta Gedo, si gobolkan uu ugu soo gacan galo Jubbaland.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doona an iyo mowqifka ay dowladda federaalka ka qaad an doonto xiisadda markale kasoo cusboonaatay gobolka Gedo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaan ka oo la wareegay Masagawaay

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dad ka deegaanka ayaa lagu soo warramaya inay Dor raad la wareegeen deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud kadib weerar dhowr jiho ah oo ay ku qaadeen gudaha deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen Masagawaay, isla-markaana ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo lagu xaqi ijinayo amniga. Cidiamada ayaa si doo kale isku ballaariyay daafaha deegaankan oo ay sanado badan ka talinayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ugu dambeyn Dorraad lag saaray.

Qabashada Masagawaay ayaa soo socotay maalmihii u dambeeyay, waxaana howlgalka fuli yay ciidamada milatariga & kuwa deegaanka ee ka tallaabay xadka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxayna saraakiishu sheegeen inay ka warbixin doonaan howlgalka ka socda halkaasi, marka ay xaqiijiyaan amniga guud ee deegaanka.

Masagawaay ayaa billow u ah xoreynta ay wad do dowladda Soomaaliya oo haatan qorshaheeda uu yahay in Al-Shabaab laga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab oo muddo ka badan 15 sano la dagalaameysay dowladda Soom aaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ayaa haatan wajaheysa dagaalkii ugu adkaa ee abid lagu qa ado, kadib markii ay kacdoonka haatan socdo ku biireen dadka deegaanka.

Guddoomiyaha G/ Hiiraan oo la guddoo nsiiy ay Biladda hoggaamiyahii ugu wanaag sana ee sanadkii dhammaaday 2022

Gudoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa munaaaabad ka dhacday M/ Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa lagu gudoonsiiyey Biladda Hogaamiyaha ugu wanaag san sanadka dhamaaday ee 2022, taasoo la shee gay iney u garteen shacab ka Soomaaliyeed, waxaa na gudoonsiiyey Madasha Soomaali Awards.

Madashada Somali Awards iyo shacabka Soo maaliye ed ayaa sheegay in gudoo miye Cali Jey te uu ku muteystay Biladda hoggaam iyaha ugu wanaagsanaa sanadkii dhamaaday ee 2022-ka hogaamintiisii howlaha dib u xoreeynta deegaan ada iyo degmooyinka gobalka Hiiraan lo oga saa ray Ururka Al-shabaab, islamarkaana haa tan ku faaftay gobalo badan oo ay joogeen kooxda Al-shabaab oo ay ka socdaan dagaalo ka dhan ah Shabaab.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cis maan oo ka hadlay madasha lagu guddoonsiinay ay Bilada hoggaamiyaha ugu wanaagsana sanad kii 2022-ka ayaa uga mahadceliyey shacabka Soo maaliyeed garashada iyo dhiirigelinta ay u sa meeyen.

"Wax walba waxay ku dhaceen awooda Alle SWT, aniga hada ma u maleynayo inaan wax weyn qabnay, waana in la sii wadi doono rajadda aay qabaan shacabka soomaaliyeed oo aay horm uudka uga Yahiin madaxda sare ee qaranka, Do rraad war badan masii sheegi karo farxad darteed sababto ah waxaba horay inooga maqneyd kalma da la yiraahdo Garaasiyo ama mahadsanid" ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Gabagabadii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in loo midoobo kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee dalka looga xur eynaayo, isagoona sheegay in Al-shabaab aysan aheyn sida loo maleeyo.

"Aniga Shabaab Bahalo ayaan u maleyn jiray markii hore, balse waxaan soo ogaaday iney yihiin dad kuwa ugu jilcan ee aan sii wadno dagaalka" ayuu yiri guddoomiye Jeyte.


Somaliland oo Amartay in Internet-ka laga jaro Magaalada laas-caanood

Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Somaliland ayaa Dorraad si xoog ah kula wareegay Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ku leedahay ma gaalada laas-Caanood, halkaas oo muddo todo baad ah ay ka socdaan bana anbaxyo rabshado wata.

Wararka la helay ayaa sheega ya in Saraakiisha Ciidamada ay ku amreen in la jaro Isgaarsinta magaalada la as-Caanood iyo degaannada hoostaga, waxaana Sawiro laga soo qaaday lagu arkayay ciidamada oo ku hareereysan Xarunta Shirkadda, qaarkood na ay gudaha u galeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in sababta loo weeraray Xarunta Shirkadda Isgaariin ta Somtel ay tahay in Internet-ka magaalada laas-Caanood la jaro si aan loo again dhibaatada ay Shacabka u geysanayaan ciidamada Somaliland.

Shacabka dibadbaxa dhigayay ayaa dalbanayay in ciidanka Somaliland ay kabaxaan dhulkooda gobalka Sool, xili Isimadda gobalka ay ku dhawaaqeen in maamulkaas uga baxo dhulkooda.

Dawladda Ingiriiska oo si kulul uga hadashay xiisada laascaanood

Safiirka Ingiriiska ee ujoogta Dalka Soomaal iya, Kate Foster ayaa walaac ka muujisay xaalad da ka taagan Magaalada Laascaanood ee Xarun ta Gobolka Sool, iyadoona dhinac yada ugu baaqd ay inaanay xaal adda kaga sii darin.

"Waxaan ka walaacsanahay dha cdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Laascaanood, oo sabab ay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.” Ayay tiri Kate Foster.

Kate Foster ayaa Twitter-keeda ku sheegtay "Wa xaan u soo jeedinaynaa dhammaan dhinacyada in ay is dejiyaan, lagana fogaado khasaare kale, si nabad ahna lagu xaliyo arrinta.”

Dhanka kale Xarunta Xuquuqul Insaanka Mada xabannaan ee Somaliland ayaa cambaareysay in hub loo adeegsado dadka rayidka ee bannaanbax yada ka wada Magaalada Laascaanood.

Xarunta ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku dalbatay in baaritaan lagu sameeyo gacanta adag, ee ay ciidamadu ku wajahayaan dadka shacabka ee ka gadoodsan dilalka ku soo noqnoqday mag aaladaasi.

Xarunta ayaa ku baaqday in la xushmeeyo xa qa bannaanbaxayaasha iyo codkooda, sida uu dastuurka siinayo.

Bannaanbaxyada 7-dii maalmood ee ugu dam beysay ka socday Magaalada Laascaanood ayaa ka dambeeyay, kadib dilkii habeenkii Isniinta mag aaladaasi loogu geystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ku jiray, kana tirsanaa Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Magaalada waxaa ku soo noq noqday dilalka koo xaha aan la garaneyn ay magaaladaasi ugu gays anayaan dadka ugu saamaynta badan bulshada dhexdeeda.

Maamulka Somaliland Oo Ku Eedeysay Puntla nd Sii Hurinta Qalalaasaha Ka Socda Laascaa nood

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe ka dhacaa yay gudaha magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo banaanbaxyadii rabshadaha watay ay dadka de egaan ka ka dhi geen bart amaha magaalada as.

War-saxaafadeed kasoo baxd ay Wasaaradda Ar rim aha dibadda Somal iland oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa lagu cambaaree yey dilal ka qo rsheysan ee loo gaystay mas’uuliyiin kala duwan oo sanadihii u dambeeyey lagu khaa rijiyey La ascaanood.

Somaliland ayaa dilalka ku eedeysay inay ka dambeeyeen Alshabaab, sida waa lagu sheegay Warka, oo sidoo kale Wasaaradda ku cambaareys ay Maamulka Puntland, ayna ku eedeeyeen inay gudbinayaan xogo marinhabaabin ah, oo qalala asaha sii holcinaya.

Sidoo kale Wasaaraddu ayaa ka digtay duulaan iyo farogelinta dibaddeed ee Somaliland lagu soo qaaday, Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somali land ayaa xaqiijisey in 7 qof ay ku dhinteen 21 kal ena ay ku dhaawacmeen israasaaseyn ka dhacd ay magaalada Laascaanood.

Maalintii 5-aad, ayaa magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka dhacaayay banaan baxyo waaweyn oo ay dhigayeen dadka deegaan ka magaalada oo kasoo horjeeda dilalka qorsheys an ee halkaas ka dhaca iyo dhibaatada ciidanka Somaliland ay ku hayaan shacabka banaanbaxya da waday.

Isgaarsiinta magaalada Laascaanood oo haw ada ka maqan xilli halkaasi uu weli ka socdo mudaharaad

I sgaarsiinta internetka ayaa Dorraad hawada laga saaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo uu weli ka socdo mudah araad xooggan oo loogasoo horjeedo joogitaanka Somaliland.

Inkastoo subaxnimadii hore ee Dorraad uu qa dka interenetka joogay, haddana goor dambe oo barqadii ah ayaa hawada laga saaray. Warar ma dax bannaan oo aan helayno waxay sheegayaan in shirkadaha isgaarsiinta lagu cadaadiyay inay jaraan isgaarsiinta internetka.

Lama garanayo ujeeddada ka dambeysa arrint an, hase ahaatee dadka taageersan mudahaarad yada ayaa ku dhaleeceeyay Somaliland inay isg aasiinta u jartay, si loo xakameeyo xogta mudahar aadka oo si toos ah warbaahinta baraha bulshada loogala socday.

Sawirro lasoo galiyay bara ha bulshada, ayaa lagu arkay ay ciidamo katirsan kuwa Som aliland oo gudaha u galayay mid kamid ah shirka daha isgaarsiinta ee kuyaalla M/Laascaanood.

Waxaa la aaminsan yahay inay baraha bulsha du qeyb weyn ka qaadanayeen mudaharaadka magaalada Laascaanood, kaasoo ah mudaharaad kii ugu waqtiga dheeraa ee halkaas ka dhaca abid inta la ogyahay. Dadka mudaharaadaya oo u badan rag iyo ha ween dhallinyaro ah, ayaa si toos ah baraha bul shada usoo dhigaya dadka waxyeeladu kasoo ga artay. Mararka qaarkood waxay soo gudbinayeen ciidamo Somaliland katirsan oo hub nool nool u isticmaalaya shacabka.

Dadaalo ay Somaliland ku doonaysay in xaalad da lagu qaboojiyo weli laguma guula ysan.

Xisbiga WADDANI: Somaliland Laasc aanood kama baxayso

Xisbiga WADDANI, ayaa xukuumada Somali land ku eedeeyay in ay ku fashilantay amniga La ascaanood, dhinaca kale waxa uu xisbigu sheeg ay in Ciidanka Somaliland anay Laascaanood ka bixi doonin.

Xogeeyaha cadaalada ee xis biga Yoonis Axmed Yoonis, oo warbaahinta la hadlay, ayaa she egay in maamulka gobolka Sool ku fashilmay sugida amniga shacabka Laascaa nood, waxa uu cambaareeyay sida booliisku uga jawaabay mudaharaadada, isaga oo sheegay in ka xisbi ahaan anay xukuumada kula socon. "Qor she xumo xukuumada ah ayaa Laascaanood ta ala, madaxweyne kuwaad u igmaday gobolka So ol way ku fashilmeen, may ahayn dadka mudaha raadka salmiga ah sameeynayay ee cowday ee xa qa u leh in la laayo, waanu ka xunahay kulama socono xukuumada" ayuu yidhi Yoonis.

Waxa uu dhinaca kale, sheegay in xisbigu xuk uumada ku taageersanyahay, difaaca ciida Somali land, waxaana uu sheegay in dadka reer Laasca anood ay yihiin dad reer Somaliland ah oo xuku umadooda ka doonaya in ay uga jawaabto cida dilalka gaysanaysa.

"Laakiin waxaanu kula soconaa oonu ciidam ada ku taageersanahay, oonu dowlada ku taagee rsanahay difaaca Somaliland, lakiin Somaliland ci di may soo weerarin dadka yaan been loo shee gin, Laascaanood waa Somaliland, Somaliland ay ay doonayaan oo ay leeyihiin yaa na dilay" ayuu yidhi Yoonis.

Waxa uu sheegay in Somaliland anay Laascaa nood ka bixi doonin, cida isle Somaliland way bax aysaana ay khaldantahay, dhinaca kale, madaxwe ynaha ayuu uga digay in uu ciidamada Laascaan ood ka saaro.

"Somaliland kama baxayso Laascaanood ka ku leh Somaliland ayaa kasoo baxaysa Laascaan ood waa nin aan habeen jirin, haduu madaxweyn uhu waxa ku kaco, danbi qaran ayuu galay oo qar ankii ayuu kala jaray" ayuu yidhi Yoonis.

Xaalada Laascaanood ayaa Dorraad dagan, ciidamo millateri ah ayaa wadooyinka taagan, kha dka internetka magaalada ayaana hawada laga saaray.

Garaad jaamac oo ka mid ah isimada dhaqan ka G/Laascaanood oo Somaliland ugu baaqay inay deg deg uga baxaan M/Laascaanood.

Waxaa Habeen hore Warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Laascaan ood Garaad jaamac garaad is maaciil oo oo kamid ah isimada dhaqan ka Gobolada SSC, Wu xuuna maamulka Somalila nd ugu baaqay inay deg deg uga baxaan magaal ada Laascaano od.

"Ciidamada somaliland deg deg ha uga bax aan Laascaa nood , Xasuuqa ka socda waa mid 15 jirsaday loomana dulqaadan karo,”

" Waxaan ugu baaqayaa 13-ka isim ee Dhulbah ante inay Laascaanood yimaadaan halkan ayaa lagu dhiman ama lagu noolaan”. Ayuu yidhi Gara ad jaamac garaad ismaaciil.

Hadalka garaadka ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay gobolka ka socdeen Kacdoono bulshadu uga soo horjeedo Somaliland dhibaatada ay ku hayso Laascaanood.

Beesha Caalamka oo war cusub ka soo saartay xiisadda Laascaanood

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay be esha caalamka ayaa baaq loogu diray Somaliland iyo shacabka ku nool magaalada Laascaanood, iy adoo qoraalkaan walaac looga muujiyey xiisadda ka taagan magaaladaas.

"Saaxiibada Beesha caa lamka ayaa ka wa laac san rabshad aha Laas caanood ee sab abay dhimashada iyo dhaawa ca dad rayid ah. Ka hor tagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Qoraalka oo aad u koobnaa ayaa intaas ku sii daray, "Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xa kameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.” Dad badan ayaa lagu dilay Laascaa nood maalmihii lasoo dhaafay, waxaana xusid mu dan in rabshadaha ka socda magaaladaas ay mar kii horaba ka dhasheen dilal aan la garaneyn cid da geysata.

Dad banaan-baxyada dhigaya ayaa sheegaya inaysan dooneyn inay Somaliland sii xukunto Laa scaanood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoor kooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin.

Ciidamada Somaliland ayaa awood u adeegsan aya dibad-baxayaasha, waxay maalmihii lasoo dhaafay toogteen dhowr qof, waxayna rabshadah aani socdaan in ka badan todobaad.

Baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laas caanood ayaa iska soo dabadhacaya, waxaana ugu dambeeyey kan Habeen hore ka soo baxay beesha caalamka.

War-saxafadeedkaan waxaa si wadajir ah u soo saaray ururrada iyo wadamada kala ah: Haw lgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiina ha, Denmark, Masar, Ito obiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Farans iiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Masar oo Somalia soo gaarsiisay Shixnad Gargaar ah

Qoraal Dorraad la soo dhigtay Barta Facebo ok ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ayaa lagu sheegay in Markab waday Shixn adaasi uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Munaasabadda la gu kala wareegay Shixnadaasi ay goobjooge ka ahaayeen Safiirka Masar u jooga Muqdisho, Amba ssador Maxamed Al-baas iyo Wasiirka Caafimaad ka ee XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam iyo tiro Mas’uul iyiin ka kala socday Xukuumadda Somaaaliya iyo Wakiil ka socday Ururka Bisha Cas ee Somalia.

Shixnada deeqda ee la soo gaarsiiyey Xukuumad da oo Guud ahaan dhan 240 Tan waxay isugu ji reen Cunto, Qalab Caafimaad iyo qeybo kale oo Gargaar Samafal.

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka XFS, wa xa uu ka mahad celiyey Deeqdaasi oo ay Dowlad da Masar ugu tala-gashay in wax looga qabto Mac luusha ka jirta dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Shixnada Gargaarka ee ka timid Masar ku soo beegantay xilli uu soo ha gaagayo Xiriirka labada Waddan oo horey u day acmay Xilligii Dowladii hore ee afartii sano ee la soo dhaafay.

QM oo laashay Codsigii Itoobiya, xilli ay Soma lia & dalal kale la safteen

Xubnaha QM waxay gaashaanka ku dhufteen Codsi ay Dowladda Ethi opia ku doonaysay in la hakiyo Dhaqaalaha la sii yo Khubarada ka tirsan Golaha Caalamiga ee Xu quuqda Aadanaha ee ka Hawlgala Ethiopia (The International Commission of Human Rights Expe rts on Ethiopia).

Muddadii uu socday Shirkaasi maalintii Jim cihii ee la soo dhaafay waxaa cod loo qaaday Codsigii dowladda Ethi opia, iyadoo 71 Waddan gaashaanka ku dhufteen Codsiga lagu joojinayo Kharajka lagu maalgeliyo Guddiga Khubarada Caalamiga ee baaritaanka ku haya Tacadiyada Xuquuqda Aadanaha ee ka dha cay Gobalka Tigrey ee Waqooyiga dalka Ethiopia.

Dalalka diiday Codsigii Dowladda Ethiopia wax aa ka mid ahaa inta badan dalalka Reer Galbeed ka, iyadoo Qaaradda Africa uu dalka Botswana oo keliya diiday Codsigii Dowladda Ethiopia ee lagu joojin lahaa Kharajka lagu maalgeliyo Guddiga Khubarada Caalamiga ee barayo Tacadiyada Xuq uuqda Aadanaha ee ka dhacay Gobalka Tigrey.

Madasha Cod-bixintaasi waxaa ka maqnaa 50 dal oo ka tirsan QM, kuwaasi oo badankooda ka soo jeeda dalalka Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan dalalka Masar iyo Liibiya.

Dhanka kale, 32 Waddan oo keliya ayaa taag eeray Codsigii Dowladda Ethiopia ee ahaa in la joojiyo Kharajka ku baxa Baarayaasha Khubarada Caalamiga ee Tacadiyadii ka dhacay Gobalka Tigrey.

32-ka Waddan ee isbarbar taagay Mowqifka Dowladda Ethiopia waxay badankooda ka soo jeedaan Qaarada Africa, waxaana dalalkaasi ka mid ah Somalia, Djibouti, Sudan, Kenya iyo Erit rea. Sidoo kale, Dowladaha Raashiya iyo Shiinaha waxay iyagana u codeeyeen in la joojiyo Kharajka Guddigaasi oo ka kooban 3 qof, kuwaasi oo Xa runtooda Dhexe ku taallo magaalladda Entebbe ee dalka Uganda.

Dowladda Ethiopia waxay had iyo jeer codsan jirtay in Kharajka laga joojiyo Guddiga Khubarada Baaritaanka ee (ICHREE) tan iyo markii uu Gola ha QM ee Xuquuqda Aadanaha (The UN Human Rights Council (UNHRC) magacaabeen Guddiga asi bishii December ee sanadkii 2021-kii.

Dowladda Ethiopia waxay kaloo ku eedeysaa Guddiga Khubarada Baarayaasha Caalamiga inay siyaasadeeyaan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, Dalalka xubnaha ka ah QM waxay bishii October ee sanadkii hore ee 2022-kii isku khilaafeen Codeyn ku aadanayd in muddo hal sano ah loo kordhiyo Xilli-hawleedka Guddiga Khubarada Caalamiga oo ku ekaan lah aa bishii December ee sanadkii 2022-kii.

Dowladdaha Ruushka Iyo Ukraine Oo Mar Kale Is-Dhaafsaday Maxaabiis Dagaal

Qeyb kale oo Maxaabiis ayey Ruushka iyo Uk raine isweydaarsadeen sabtidii Dorraad oo lagu soo beegay bilashada san adka cusub ee 2023-ka tirs iga Taariikhda Miilaadiyada.

Qoraal uu Andriy Yerm ak oo ah Madaxa Xafiis ka Madaxweynaha Ukraine An driy dhigay Barta Tel egram ayuu ku sheegay inay Ruushka soo daa yeen 140 Maxaabiis reer Ukra ine ah, kuwaasi oo dib ugu soo qabtay dalkooda. Maxaabiistaasi ay aa wax ay kala aha ayeen 132 rag iyo 8 haween, kuwaasi oo ku dhaa wacmay, lana qabt ay xilligii ay difaacayeen M/ Mariupol iyo Jesiirada Zmiyiny island.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee Ruush ka ayaa waxay shaacisay in la soo daayey 82 As kar Ruushiyaan ah, kuwaa si oo Maxaabiis u ahaa Ukraine.

Hadal-qoraal oo ay Was aaradda Difaaca Ruu shka soo saartay ayaa lagu sheegay in wada-xaaj ood laga galay Maxaabiista la isweydaarsaday oo lagu soo beegay sanadka cusub ee 2023-ka.

Isweydaarsiga Maxaabista labada dhinac waa kii 3-aad ee bishan oo keliya la sii daayey, , iyadoo bishan 6-dii la sii daayey 60 askar Ukraine ah, hal ka bishan 6-dii iyagana la sii daayey 50 Askar Ruu shiyaan ah.

Dad ku dhintay qarax ka dhacay Caasimadda dalka Afghanistan

Qaraxaasi waxa uu ka dhacay Albaabka weyn ee laga galo Garoonka Diyaaradaha Milliteriga dal ka Afghanistan oo ku dhegan Garoonka Caalami ga ee Diyaaradaha (Kabul International Airport).

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ma amulka Taalibaan, Abdul Nafi Takor oo la hadlay Wa rbaahinta ayaa xaqiijiyey inay tiro Muwaadiniin ah ku geeriy oodeen ama ku dhaawac meen Qaraxaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay baarayaan waxa saba bay iyo dadkii ka dambeeyey Qaraxaasi.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inay ugu yaraan 10 qof geeriyootay, 8 kalena ku dhaawacmeen Qara xaasi.

Warar aan weli la xaqiijinin ayaa sheegay in Xafiis ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghanis atan ku leeyihiin meel ku dhow Garoonka uu dab qabsaday.

Ma jirto Koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliy ada Qaraxaasi, inkastoo Kooxda Daacish looga bartay Qaraxyada noocaasi oo kale ah.

Bishii la soo dhaafay, ugu yaraan 5 Muwaadin oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu dhaawacay Hotel ku yaalla magaalladda Kabul, kadib, markii ay Kooxda Daacish (ISIS) weerareeen Hotel ay ku badan yihiin dadka Shiineeska.

Si kastaba, Maamulka Taal ibaan ee Talada dalkaasi dib u gu soo laabtay bishii August ee san adkii 2021-dii waxay shee gaan inuu soo hagaagay Ammaanka Guud ee dalkaasi, inkastoo ay dhace en Qaraxyo iyo Wee raro oo ay inta badan Ko oxda Daacish sheeg atay.

Madaxweynayaasha Ukraine iyo Ruushka ee uu ka dhaxeeyo dagaalka ayaa midba kan kale balla nqaaday in ay guulo ka gaari doonaan daga lada,xilli ay khudbad ku aadan sanadka cusub ka jeefiyen dalalkooda.

Hogaamiyaha mudada dheer Vladimir Putin ay aa khudbadiisa uga mahad celiyay ciidamada Ru ushka, isagoo sheegay in reer galbeedku ay doo nayaan inay "burburiyaan Ruushka” balse aanu marnaba ogolaan doonin inay dhacdo.

Volodymyr Zelenskyy, oo isna khudbad ku aad an sanadka cusub u jeediyay dadkiisa ayaa shee gay in gabagabada dagaalka ay guul gaari doona an dadka Ukrine,balse loo baahan yahay in loo dul qaato culeyska la isaga dul qaadayo gumeusiga Ruusha ayuu yiri. Hadalada labada Madaxweyne ayaa imaanaya xilli qaraxyo badan laga maqlay Kyiv iyo meelo kale oo ku xeeran Ukraine,iyadoo

loo dabaaldega yo sanadka cusub.


JAAMACADDA UPEACE OO KU DEEQDAY 100 KUN OO DHIR AH, SI AY U TAAGEEERTO HINDISAHA DIB U CAGAAREYNTA SOOMAALIYA

Qaar ka mid ah lix kun oo geed oo ay ku deeqday jaamacadda Upeace. Jaamacaddu waxay ballan-qaadday 100 kun oo geed si ay u taageerto dadaalka dib-u-cagaareynta dalka

Muqdisho (SONNA) Ololaha dhiraynta ee Madaxweyne Dr Xasan Sheekh ayaa taageero weyn kadib markii Jaamacadda Nabadda ee Qara mada Midoobay (UPEACE) ay dowladda ugu deeqday in ka badan 6,000 oo geed, waana qeybtii ugu horeysay boqol kun oo geed oo ay jaamacadda balanqaaday in ay ku taageerto hindisa cagaareynta dalka ee uu daahfuray Madaxweyne Xassan Sheikh.

Dhirtan ayaa lagu wareejiyay Wasaaradda Deegaanka, waxaana lagu beeri doonaa mag aalada Muqdisho.

Jaamacadda UPEACE waxay noqotay hay’addii ugu horeeyey ee ka jawaaba hindisaha Madaxw eynaha.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore (2022), Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu daah-furay Hindisaha Dib-u-cagaareynta Qaranka. Mashruucan ay aa ujeedkiisu yahay in 10 milyan oo geed lagu beero guud ahaan Sooma aliya si looga hortago xaalufka dhirta, waxna looga qabto saameynta ba’an ee isbadelka cimiladda, iyadoo ay haatn jiraan abaaro ba’an

"Ujeedada koowaad ee Jaamacadda UPEACE waxay tahay horumarinta nabadda iyo wax ka qabashada colaadaha, saameynta isbadelka cimiladda kuwaasi oo sabab u noqda colaadaha u dhexeeya xoolo-dhaqatada, saba btoo ah biyaha iyo daaqa oo yar,” ayuu yiri Dr Maxamed Yuusuf, madaxa UPEACE oo ka hadlayay xaflad ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho halkaas oo dhirta loogu wareejiyey wasaaradda degaanka.

Agaasimaha Jaamacadda Upeace ee Soomaaliya Dr Maxamed Yuusuf (bidix) ayaa gacan qaadaya Dr Saciid Maxamed Cali oo ah kaaliyaha Was iirka Wasaaradda Deegaanka isagoo ku wareejinaya geedaha ay Jaamac addu ku deeqday.

Dadaalka UPEACE ee ka qayb qaadashada hindisaha cagaareynta qaranka ayaa ah mid la jaan qaadaya hindisaha Midowga Africa ee "Darbiga Cagaaran ee weyne” kaas oo looga gol leeyahay in dib loo cagaareeyo 250 milyan oo hektar oo dhul ah oo xaaluf ah, laguna xoojiyo amaanka wadama da ay colaada ragaadisay isla markaasna lagu joojiyo Tahriibka.

Soomaaliya, waxa haatan dhibaato ba’an ku haya mushkiladu ka dhashay isbadelka cimilada kuwaasi oo ay ka mid yihiin xaalufka dhulka iyo cunno yari, waxay caqabd ku noqdeen dhibaatooyinkan in la gaaro horumar waara Hindisaha Somali-cagaaran waxaa looga gol-leeyahay in xal waara laga gaaro caqabadaha ka jira dalka.

"Anigoo ku hadlaya magaca maamulka sare ee Jaamacadda, waxaan u mahad celinayaa Midowga Afrika iyo Ahay’adaha kale ee nagu taageeray ho wshan sharafta leh, waxaa naga go’an inaan dowladda Federaalka ku garab istaagno sidii ay u gaari lahayd hadafkeeda ah dalka la cagaareeyo, waana sababta aan hormuud uga noqonay hindisahan oo aan ugu deeqeyno boqol ka kun ee geed ee ugu horreeya,” ayuu hadalkiisa ku daray Dr Maxamed Yuusuf.

"Tani waa bilow wanaagsan iyo hindise aad u wanaagsan oo ay samays ay Jaamacadda UPEACE, anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo Jaamacadda iyo Midowga Afrika deeqdan 100-ka kun ee geed ah” ayuu yiri Dr Siciid Maxamed Cali, wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka.

Wuxuu intaas ku daray "in deeqdan ay gacan ka geysan doonto hirgelinta qorshaha Madaxweynaha ee ah in boqol kun oo geed lagu beero Muqdisho. Dhiraynta Soomaaliya waa mudnaanta koowaad ee wasaaradda deegaanka, waxayna wax badan ka tari doontaa caqabadaha ka dhalan kara isbedelka Cimilada”

Xaalufinta dhirta waa dhibaato meel kasta ka jirta, balse Soomaaliya arrint an waxay ka mid tahay mushkiladaha waaweyn. Waxa sanadkii la jaraa ku dhawaad 2.5 milyan oo geed arrintaas oo u nuglenaysay dalka saameynta isbadelka cimiladda

DHAKHAATIIRTU WAXAY U SHEEGEEN IN SANNAD KA DIB UU U DHIMA NAYO XANUUN HAYAY BALSE HADDA WUU KA CAAFIMAADAY

Ninkan oo nolosha ka quustay ayay "fursad albaabkiisa soo garaac aday” taas oo uu si sax ah uga faa’iideystay. XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Qoraalka sawirka,Ninkan oo nolosha ka quu stay ayay "fursad albaabkiisa soo garaacad ay” taas oo uu si sax ah uga faa’iideystay

Ninkan oo nolosha ka quustay ayay "fursad albaabkiisa soo garaacaday” taas oo uu si sax ah uga faa’iideystay.

Waxaa loo soo bandhigay inuu ku biiro tijaa bada dawo cusub oo loogu talagalay xanu unka kansarka ka dib markii loo qabtay keliya 12 bilood inuu sii noolaanayo.

Robert Glynn waxaa laga helay nooc ka mid ah kansarka qanjirarrada xa meetida sanadkii 2020 ka dib markii uu u tagay xarunta lagu baaro xanuunka isagoo uu hayay xanuun daran oo garabka ah.

51-jirka ayaa sheegay inuu aad u nasiib badan yahay maadaama uu kansarka qabay muddo laba sano ah isagoo aan wax fikrad ah ka haysan.

Mr Glynn, oo ka shaqeeya alxanka, ayaa la sheegay in xanuun daran uu ka dareemay garabka, taasoo keentay inuu seexan kari waayo. Wu xuu booqday xarunta GP waxaana lagu sameeyay baaritaanno dhanka dhiigga ah.

'Samee wax kasta oo aad awooddo'

Mr Glynn waxa uu sheegay in uu noloshiisii ​​beddelay ka dib markii laga helay cudurka, isaga oo lumiyay ilaa 31kg, uuna hadda rajaynayo mustaqbalka wanaagsan

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Qoraalka sawirka,Mr Glynn waxa uu sheegay in uu noloshiisii ​​beddelay ka dib markii laga helay cudurka, isaga oo lumiyay ilaa 31kg, uuna hadda rajaynayo mustaqbalka wanaagsan

Maalin ka hor dhalashadiisa 49aad, ee Ogosto 2020, waxaa loo sheegay inuu qabo kansarka qanjirrada, kaas oo heer sare gaaray kuna faafay qanjiraada loo yaqaan adrenal. Qiyaastii 1,000 qof ayaa sannadkii laga helaa kansarka noocaas ah sa nnadkaas gudaha UK.Waxa loo gudbiyay The Christie halkaas oo lagu soo bandhigay fursad uu kaga qaybqaato tijaabada caafimaad ee daawada difaaca jirka ee tijaabada ah ee aan la magacaabin, oo ay weheliso kiimoterabi ga caadiga ah.

Daawaynta ayaa ke entay in buro beerka kaga soo baxday ay ka soo yaraato 12cm ilaa 2.6cm, halka mid da qanjirrada adrenal-ka ku jirta ay hoos u dhacday 7cm ilaa 4.1cm.

Tani waxay la macno tahay in Mr Glynn ay u suurogashay in uu qaliin maro bishii April.Intii lagu guda jiray qalliinka, dhakhaatiirta qalliinka ayaa waxay arkeen kaliya unugyo aan nooleyn, taas oo ka dhigan in daaweyntu ay dishay dhammaan unugyada kansarka.

Mr Glynn ayaa sheegay markii "la siiyay fursad uu kaga qayb qaato cilmi-baarista, ay ahayd mid aan la beerdaryn karin".

"Waxaad samaynaysaa wax kasta oo aad nol oshaada ku bad-baadin karto," ayuu yiri.

"Aad ayaan u nasiib ba danahay maadaama aan kansarka qabay la ba sano oo aan wax fik rad ah ka haysan, mar kaa inaan si cad u ogaado waxay ahayd mid xad dhaaf ah.

"Dorraad halkan ma joogi lahayn haddii aysan tijaabada ahaym."

Tan iyo markii uu qalliinka galay, ma helin wax daawayn ah oo dheeraad ah, waxaana baaritaankii saddexda bilood ahaa ee lagu sameeyay ay mu ujinayeen inuu gabi ahaanba ka nadiif yahay kansarka.

Tijaabada ayaa waxaa maamulayay The Christie's Prof Juan Valle, kaas oo sheegay in natiijada cilmi-baarista iyo daraasad kale oo weyn ay "si weyn u sugayeen asxaabta adduunka oo dhan sababtoo ah waxay hors eedi kartaa isbeddel ku yimaada sida aan ula macaamilno bukaannada sida Robert mustaqbalka".XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip