
Boqor Burhaan Boqor Muuse "Muuse Biixi waxa uu ka wado Laascaanood, lama mahadindoono waxaan leeyahay dadka Xasuuqa kadaa
..
Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah Madaxda dhaqaka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arimo kala duwan iyo xaalada magaalada Laascaanood.
Wuxuu ugu horayn tacsi u diray dadkii ku dhintay magaalada Laascaanood, wuxuuna farriin u diray maamulka Somaliland.
"Waxaan leeyahay maamulka Somaliland arrintani maaha wax qurux badan, wayna ka tagaysaa arrin maamul iyo wax lamid ah, waxay isku beddeli kartaa weji kale, waa in dadkaasi faraha looga qaado xorriyaddooda iyo sida ay doonayaan, Waana wax keeni karta cawaaqib xummo wayn iyo wax aan la mahadin.” Ayuu yidhi Boqor Burhaan.
"Dadka Reer laas-caanood waxaan leeyahay, alle talo saarta oo noqda dad midaysan oo mowqif leh, wax kasta oo khayr ah alle ha idin siiyo, waxa aad dhibsanaysaan ee dilalka iyo shirqoollada alle ha idinka qabto, waanu idin garab taaganahay” ayuu yidhi Boqor Burhaan.
Boqor Burhaan Boqor Muuse "Muuse Biixi waxa uu ka wado Laascaanood, lama mahadindoono waxaan leeyahay dadka Xasuuqa kadaa
..