
WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH AXAD 5-TA JUUN 2016-KA
Madexweynaha maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ka hor inta uusan duulin garo onka Boosaaso ,ayaa waxa uu sheegay in casuumaad rasmi ay puntland ka heshay imaaraatka Carabta ,islamarkaana uu kala hadli doono arimo ay ka mid yihiin mashaariicda deegaanada maa mulka Puntland ay ka fuliso dowladda Imaaraat Carabta.
Dhinaca kale, Madexweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweyey mad ax ka tirsan maamulka Koofur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madexweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,waxuuna ka qeybgalayey shirkii madasha wadat ashiga Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabayey
CIIDAMADA AMISOM OO DHAQAALE LOOGA RAADINAYO WADAMADA KHALIIJKA CARABTA.
Waakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Francisco Made ira oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in wadamada Khaliijla ay weydiist een inay bixiyaan dhaqaalaha ku baxa hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda kadib markii Midawga Yurub ay jareen inta badan lacagtii ay AMISOM siin jireen.
amisomsoldiersliberateskundayislandsomalia
Danjire Francisco Madeira waxaa uu sheegay in maadaama wadamada reer Yurub ay yaree yeen dhaqaalihii ay ciidamada AMISOM siin jirteen in hadda ay taageero dhaqaale ka raadsan ay aan wadamada Khaliijka si loo buuxiyo awooda ciidamada loona xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Xarakadda AlShabab.
"Waxaanu qaadanay go’aan ah inaaan wadamada Khaliijka aanu weydiisano taageero dhan ka dhaqaalaha oo ay ku bixinayaan hawlgalka AMISOM si loo xoojiyo dagaalka aanu AlShabab ku la jirno maadaama ay meesha ka baxday dhaqaalo ay midawga Yurub na siin jiray” ayuu yiri Franc isco Madeira.
Wakiilka ururka Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxaa uu sidoo kale sheegay in dawlaha xubnaha ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda qaarkood sida Ethiopia, Uga nda iyo Kenya ay ciidamada AMISOM siiyeen diyaarado dagaal oo nooca qumaatiga ku kaca ah si loo wiiqo awooda AlShabab dagaalkoodana la xoojiyo.
Wadamada reer Yurub oo bixiya dhaqaalaha ugu badan ee ku baxa ciidamada AMISOM ay aa sheegay inay qeyb ahaan jareen taasoo culays ku keenaysa shaqada ciidamada midawga Africa ee Soomaaliya jooga sida ay aaminsan yihiin dadka falanqeeya arrimaha ciidamada.
GUDDOOMIYAHA BAARLAMANKA OO LA KULMAY DANJIRAYAASHA DALALKA CARABTA U FADHIYO MUQDISHO
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirrada dalalka carabta u fadhiya magaal ada Muqdisho.
Kulankan uu Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaatay safiirrada dalal ka carabta u fadhiyo magaalada Muqdisho oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku howlgall aan guddiyada iyo guddoonka
Baarlamaanka ayaa waxa uu ku saabsanaa xaaladda dalka gaar ahaanna arimaha door ashooyinka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan dhammaadka sanadkan 2016.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” ayaa inta uu socday kulanka safiirrada dalalka Carbeed u jeediyey in dalalkooda ay Soom aaliya ka taageeraan dhinacyada geeddi socodka Dastuurka, arrimaha dib u heshiisiinta iyo ammaa nka dalka inta lagu jiro doorashooyinka.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay ergeyga xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Meykal Kiten oo isna uu kala hadlay xaaladda dalka.
CIIDAMADA SIIRIYA OO WEERAR KU AH CAASIMADA URURKA IS EE RAQQA
Ciidamada Siiriya ayaa galay gobolka Raqqa iyagoo doonaya in ay la wareegaan caasimada ururka Islaamiga ah ee IS ee Raqqa.
Urur xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska balse si gaar ah ula socda arrimaha dalka Siiriya ayaa sheegay in ciidamada Siiriya ay taageero ka helayaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka, hase ye eshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Siiriya iyo Ruushka.
Isbahaysiga uu taageero Maraykanka oo isugu jira ciidamo Kurdiyiinta Siiriya iyo dagaalyaha no carab ah ayaa bilaabay bishii May olole ay ku doonayaan in ay ugaga saaraan ururka IS magaa lada Raqqa.
Ururka IS ayaa qabsaday magaalada Raqqa sanadkii 2013kii iyagoo ka qabsaday mucaarad ka ka soo horjeeda dowlada uu madaxda ka yahay Bashar alAssad.
IS ayaa xarunteeda ka dhigatay magaalada Raqqa iyadoo ku soo rogtay shareecada Islaam ka. Iskahorimaadyo ayaa laga sheegay in ay ka dhaceen wadada AthriaTabqa iyadoo ciidamada Sii riya ay ka soo guureen gobolka Hama ee Koofur Galbeed Siiriya.
Ciidamada Siiriya ayaa doonaya inay gaaraan Lake Assad iyo wadada muhiimka ah ee isku xirta magaalada Raqqa iyo Aleppo.
Waqooyiga magaalada Raqqa ayaa la sheegay in ay joogaan ciidamo gaaraya soddon kun oo ah dagaalyahanada ururka mucaaradka ah ee SDF kuwaas oo doonaya in ay qabsadaan maga alada Raqqa. Magaalada Raqqa ayaa la sheegay in ay joogaan dagaalyahano daacad u ah ururka IS kuwaasoo gaaraya shan kun.
UHURU KENYATA "KENYA NABAD MA NOQON KARTO IYADA OO AAN LAGU GUULEYSAN XASILOONIDA SOOMAALIYA.”
Phillip Hammond Xoghayaha arrimaha dibadda Britain iyo Madaxweynaha Kenya oo kulan ku wada qaatay magaalada Nairobi ayaa ka wada hadlay ammaanka iyo xaaladda dalka Soomaa liya.
Mas’uuliyiintaas ayaa isla soo hadal qaaday halista Kooxaha argagixisada ay ku hayaan am maanka Kenya iyo sida ay muhiim u tahay in labada dal ay iska kaashadaan la dagaalanka koox aha Argagixisada.
Madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa sheegay in Kenya aysan nabad noqon karin, iyada oo aan lagu guuleysan xasiloonida Soomaaliya, "Waxaan ku baaqayaa in sare loo qaado taageerada caalamiga ah ee wax looga qabanayo nabadda geeska Afrika oo aan daganeen muddo ka badan 20 sano” ayuu yiri Mr Kenyatta.
Dhanka kale Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in loo baahan yahay taageero badan oo xagga maaliyada ah si loo burburiyo AlShabaab loona xoojiyo ciidamada Dowladda Soomaaliya ka hor in ta aysan AMISOM ka bixin Soomaaliya.
FARANSIISKA OO DADAAL UGU JIRA IN DIB LOO BILAABO WADA HADALADII FALASTIIN IYO ISRAA’IIL
Dowladda Faransiiska ayaa marti gelisay shir caalami ah oo looga hadlayo sidii mar kale loo wada hadal siin lahaa dowladda Falastiin iyo Israa’iil, iyado lagu baaqay in la dar dar geliyo heshi iska Nabadda ee labada dhinac.
Shirkan Caalamiga ee ka socda magaalada Paris ayaa waxaa ka qeyb galay illaa 20 dal, wa xaana go’aan lagu gaaray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo cusbooneysiiyo wada hadaladii Falas tiin iyo Israa’iil.
Wasiirka Arrimaha dibadda Faransiiska JeanMarc Ayrault ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in dib loo bilaabo wada hadaladii nabadda ee Falastiin iyo Israa’iil, si loo gaaro heshiis dhab ah oo nabadgelyo labada dhinac ah.
Dhamaadka sanadkan ayuu qorshuhu yahay in la bilaabo wada hadalada, inkastoo shirka ka socda Paris aan labada dhinac lagu casuumin, hase ahaatee waxaa lagu wadaa in laga soo saaro guddi u howl geli doona dhex dhexaadinta iyo dib u bilaabida wada hadalada.
Laakiin Israa’iil ayaa diidan qodobada qaar ee lagu soo bandhigay shirka, waxaana done ysa inay wada hadalo fool ka fool ah la galaan Falastiiniyiinta.
Israa’iil ayaa wali deegaameyn ka wada dhulka ay xoogga ku heysato ee daanta Galbeed, waxaana wada hadaladii horey labada dhinac laga dhex waday uu bur buray, markii Israa’iil ay dar dar gelisay dhismaha deegaameynta ay ka waday Daanta Galbeed.
FEERARYAHANKII CAANKA AHAA MAXAMED CALI
KALAAY OO GEERIYOODAY
Feeraryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaala ma gaalada Phoenix ee gobolka Arizona, halkaasoo khamiistii la dhigay, markii xaalad deg deg ah soo wajahday.
Maxamed Cali Kalaay oo 74 jir ahaa ayaa dhowr jeer ku guuleystay Suunka feerka Miisaan ka culus ee adduunka, waxaana u geeriyooday cudur xaga sambabaha kaga dhacay.
Carruurtiisa ayaa sheegay in ka hor inta aan isbitaalka ay arkeen, neefsashada oo aad ugu adkeyd, taasna xaaladiisa adkeysay, isla markaana Isbitaal ula carareen.
Mr Kalaay ayaa muslimay sanadkii 1964, xilligaasoo markii u horeysay ku guuleystay abaal marinta biladii caalamiga ah ee feerka.
Waxaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Louisville ee gobolka Kentucky, sida ay sheege en eheladiisa.
Maxamed Cali Kalaay ayaa ka mid ahaa feeraryahanadii ugu caansanaa ee soo mara Marey kanka iyo Adduunka, iyadoo lagu xusuusto xeeladihii uu u feertami jiray.
Taariiq Nololeedkii Maxamed Cali Kalaay
Maxamed Cali waa feeryahan caan ah oo u dhashay dalka maraykan. Maxamed Cali oo dad ka soomaaliyeed u yaqaanaan magaca "Maxamed Cali Kalaay” ayaa taariiikhdu markay aheyd 17. January 1942 ku dhashay magaalada Louisville ee gobolka Kentucky oo ku yaal Koonfurta Marey kanka. Kalaay oo ka dhashay qoys heysta Diinta Masiixiga ayaa waxay waalidkiisu ugu wan qaleen magaca Cassius Marcellus Clay jr. M. C. Kalaay waxa uu ku guulaystay Tartanka Feerka Miisaanka Culus tiro sadex jeer ah. Sidoo kale waxuu muddada 20ka sanno ah ee uu ku dhex jiray Cayaaraha Feerka ku guuleystay inuu noqdo Horyaalka Aduunka sanadaha 1964, 1974 iyo 1978. Sanadkii 1999 ayaa Kalaay loo aqoonsaday inuu yahay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee Caalamka soo mara Qarniga 20aad.
Maxamed Cali Kalaay waxa uu caan ku ahaa goysmada ama gasta faraha badan taas oo dhib u keeni jirtay feeryahanada isaga la tartama. Waxa kale uu Kalaay ku caan baxay intii uu feer ka ku dhex jiray feerka degdega ah.
QAADASHADA DIINTA ISLAAMKA
1964 ayay ahayd markii ugu horaysay uu Kalaay si la yaab leh uga guulaystay Feeryahanka ahaa Horyaalka Miisaanka Culus ee lagu magacaabi jiray Sonny Liston. Waxuuna Kalaay isla mar aha antaas la wareegay Suunka cadeynta u ah in uu noqday Horyaalka Aduunka ee Feerka Miisanka Culus. Kalaay oo markaa da’diisu ahayd 22 sanno ayaa noqday Feeryahankii ugu da’da yaraa ee ku guuleysta Suunka Feerka Miisaanka Culus ee taariikhda aduunka soo mara. Muddo yar ka dib markii Kalaay uu noqday Horyaal ayaa waxa uu si lama filaan ah warbaahinta Caalamka uga sheegay in uu qaatay Diinta Islaamka. Sanadkii 1965 markuu Kalaay si rasmi ah ugu biiray Diinta Islaamka ayaa waxuu magaciisa hore ku bedelay magaca islaamka ah ee Maxamed Cali. Kalaay waxa uu qaatay Diinta Islaamka isaga oo aan ka laheyn wax dan qaas ama qarsoon. Waxaana xa taa dhici kartay inuu Kalaay talaabadaas ku waayo taageerayaashiisa aad ka u tira badnaa. Laakiin waxa dhacday taasi bedelkeed oo ah in taageerayaasha iyo shacbiyadda uu Kalaay ku lahaa gudaha dalka Mar eykanka iyo Caalamka intiisa kaleba ee aad u sii kordheen.
DAGAALKII VIETNAM
Sanadkii 1966 ayaa Maxamed Cali Kalaay laga qaaday imtixaan ku saabsan cafimaadkiisa, waxaana la sheegay inuu ka qeyb gali karo dagaal ay Dowlada Mareykanka qeyb ka aheyd oo xilligaa ka socday dalka Vietnam. Taasina waxay la macno ahayd in haddii uu Kalaay dagaalka ka qayb qaadanaayo uu guud ahaan ka tago feerka iyo waxbarashaddiisa kaleba. Laakiin Kalaay oo la gu yaqaan dhiiranaan badan ayaa qaadacay arrinkaas oo waa uu diiday inuu dagaal la galo sida uu hadalka u dhigay dad masaakiin ah oo u dhashay dal ka tirsan dunida soo koraysa. Kalaay waxa uu sidoo kale si cad u sheegay in uu gebi ahaan ka soo horjeedo dagaalka Maraykanka ay ku qaade en Vietnam oo masaafo ahaan aad uga fog dalka Maraykanka, waxuuna sheegay in dagaalkaas uu yahay mid gardaro ku ah shacabka reer Vietnam.
MARKII LAGA QAADAY SUUNKA
Sanadkii 1967 oo ahaa markii Kalaay uu gaaray guulihii ugu badnaa ayeey dawlada Mareykanku ka xayuubisay Suunkii Horyaalka Feerka Miisaanka Culus ee Aduunka. Sababtoo ah waxaa Kalaay lagu soo eedeeyay inuusan wadani aheyn bacdamaa uu diiday ka qayb qaadashada dagaalka ka socda dalka Vietnam. Muddo dhan 3 sanno Kalaay kama uusan qeyb gelin wax tartanfeer ah, laakiin waxa uu feerka mar kale dib ugu soo noqday sanadkii 1970.
Sannadkii 1967 waxaa cirka isku shareeray dagaalkii Vietnam ee mareykanka uu ku lug lahaa wax aana markaas Maxamed Cali Kalaay loogu yeeray in uu shaqada qaranka ka qayb qaato. Kalaay taas wuu diidey asagoo sheegay cudur daar diineed awgeed in uusan dagaalka u aadayn. Waqti gaas wuxuu ahaa imaam Muslim ah. Diidmadiisu waxay dhalisay hal ku dhegga caanka ah ee Cali oo ah "I aint got no quarrel with them Vietcong” – [wax muran ah nagama dhexeeyo anigu iyo iyaga vietnam].
Hal ku dhegaas wuxuu dhalliyey in dhammaan gobolada maraykanka ay waxba kama jiraan ka dhig een shatigii feerka ee Maxamed Cali Kalaay. Feerkii ugu dambeeyey sannadkii 1967 ayaa waxaa dhacday in ninkii la feertamayey oo ahaa Ernie
Terrell uu ugu yeray "Clay”, markas ayaa Maxamed Cali intuu soo boodey ku yiri "Waa maxay magacaygu?!!”
Markaas ka dib Maxamed Cali Kalaay wax feer ah kama qayb qaadan muddo laba sano iyo bar ah waxaana laga xayuubiyey biladihiisii, waxa laga qaaday Basaboorkii, waxaa laga masaxay shati yadii feerka. Waxaana uu qarka u saarnaa in xabsi 5sano ah lagu xukumo. Xilligaas wuxuu Maxam ed Cali Kalaay lacag ka samyn jirey hadalka uu ka jeediyo meelaha machadyada ah. Waxaana uu ahaa qofkii ugu horeeyey oo heerkaas qaranka mareykanka joogey oo kasoo hor jeesta dagaalkii Vietnam.
KUSOO LAABASHADII MASRAXA FEERKA:
Sannadkii 1970,kii ayuu mar kale Maxamed Cali kusoo laabtay masraxa feerka, xilligaas oo aragtidii dagaalka ee Vietnam isbedeleysey, waxaana uu markaas magaalada Atlanta ee Gobolka Georgia kula feertmay Jerry Quarry.
Kaddibna feerkii loo bixiyey ‘dagaalka’ ayaa dhexmaray Maxamed Cali iyo Joe Frazier oo ahaa horyaalka feerka ee aan laga guulaysan, feerkaas oo ka dhacay barxadda loo yaqaan ‘Madison Square Garden’ maalintii ay taariikhdu ahayd Bishii Maarso 8,deedii Sanadkii 1971,kii feerkaas oo Maxamed Cali Kalaay looga guulaystey. Laakiin bilo kadib ayuu ku guulaystey dagaalkiisii ugu wey naa oo ahaa in maxkamada sare ee dalka mareykanka ay baabi’isay dembigii ku oognaa, taasnina waxay kalaay markale awood u siisay in uu u safri karo wadankii uu doono si uu uga qayb qaato tartanada feerka adduunka.
Dhawr feer ayaa taas ku xigey, waxaana ka mid ahaa feertankii aan la fileyn in Maxamed Cali looga guuleysandoono ee Ken Norton iyo guushii aan la fileyn in uu Cali ka gaaray Joe Frazier. Laa kiin dhammaan feerkaasi waxay ahaayeen kuwo hordhac u ah tartankii ugu weynaa ee intii Maxa med Cali ku soo jirey feerka, kaas oo loo bixiyey ‘Gurxankii kaynta’ ee uu la yeeshey George Forem an oo ahaa hormuudka feerka ee laga biqijirey.
George Foreman oo lahaa gacmo aad u xoogbadan oo wax burburinaya, waxana uu ahaa mid kii sida fudud uga guulaystey Ken Norton, isla markaasna halka feer dhulka kula dhigay Frazier.
Feertankii Lagu Qabtay Dalka Zaire.
Ninka qaban qaabiya ciyaaraha feerka ee la yiraahdo Don King ayaa sheegey in labada feeryahan ee maxamed cali kalaay iyo George Foreman ay ku feertami doonaan dalka Zaire ee khaarada afr ika waxaana uu feeryahanada u ballan qaaday lacag aan horay loo maqal oo gaareysa 10 million oo dollar. Maxamed Cali markuu uu tegey caasimada Kinshasa, dadkii Afrikaanka ahaa wuxuu ka helay dhiiri gelin aad u sareysa, aad ayaana halkaas looga jeclaa. Marka uu feertamayo waxay ugu dhawaaqyeen "Ali Bomaye!” oo ah afka reer Zaire taas oo la macne ah "Cali ninka dil”.
Maxamed Cali Kalaay markii uu isu diyaarinayey Feerkii ‘Gurxankii kaynta’ ee u la feertamayey Foreman, Cali dhakhtarkiisii wuxuu u sii diyaariyey diyaarad markiiba u qaada cusbitaal ku yaal dalka Spain oo qaabilsan neerfayaasha. Laakiin makaas kalaay fikrad kale ayuu maskaxda ku hay stey, taas oo ahayd in uu garwaaqsaday in waqtiga uu la feertamayo Foreman uusan sidii hore u ciyaari karayn, lakiin wuxuu markiiba alifay habka loo yaqaan ‘Xarigaku gambo inta qofka kale tab artu ka dhammaaneyso”, taas oo dadkii geeska Cali xigey ay yiraahdeen ‘waar Caliyoow xariga ka fuq’, laakiin Maxamed Cali arintaas wuu ku adkaystay, toddobadii wareeg ee u horeeyeyna sidaas ayuu xarigga ugu gabanayey, laakiin markii la gaarey wareegii siddeedaad oo uu Foreman daalay ayuu Cali inta uu xarigii sii daayey uu feer dadkii ka fajiciyey dhinaca ugu tuuray Foreman, sidaasna uu kalaay mar kale ku noqday Boqorka feerka dunida.Sidaas ayuuna Maxamed Cali kalaay ku no qday mid feerka looga dambeyn jirey.
Gabagabadii Halyeyga feerka dunida Maxamed Cali Kalaay wuxuu ku guulaystey feerka 56 jeer, taas oo 37 ka mid ah uu dhinaca feer ugu tuuray qofkii la feertameyey, 5 jeer ee kalena uu si caadi ah uga guulaystey.
Feeryahan Maxamed cali kalaay waxaa uu hore u soo guursaday saddex xaas, waxana uu leey ahay sagaal carruur ah oo kala ah: Maryum, Rasheeda, Jamillah, Hana, Laila, Khaliah, Miya, Muha mmad Jr., iyo Asaad. Xaaska Maxamed Cali ee hadda waa Lonnie Ali (oo loo aqoonjirey Lonnie Williams) oo ah reer Louisville, Kentucky. Lonnie Ali waxay haysataa shahaadada BA ee jaamac ada Vanderbilt University, iyo shahadada MBA ee jaamacada University of California, Los Angeles. Maxamed Cali wuxuu yaqaaney Lonnie ilaa 6 jirkeedii markaas oo qoyskeedii usoo guureen guri ku yaaley kasoo horjeedka gurigii qoyska Maxamed Cali. Hadda Lonnie Ali waxay agaasime ka tahay qorshaha Maxamed Cali ee ah isu soo dhoweynta iyo isfahamsiinta dadka kala duwan, jaaliyadaha iyo dalalka caalamka.
Maxamed Cali Kalaay waxaa ku dhacey cudurka laleemada ay somalida u taqaan waxaana intii uu feerka ku jirey ku dayday kumanyaal dad ah oo dunida dacaladeeda ku kala nool waxana uu dadka baray geesinimada.
Maxamed Cali Kalaay oo ah Halyeey ku weyn qalbiyada shacabka aduunka ayaa safka hore kaga jira Feeryahanada Waaweyn ee Taariikhdu mar walba xusi doonto.Dhammaad
WAXAA DIYAARIYAY GOLOF IYO CASEYR
MADAXII IYO XOGHAYIHII HORE EE XIRIIRKA KUBADDA CAGTA DUNIDA EE FIFA OO LOO HAYSTO M/MAASUQ
Ururka Kubadda Cagta ee aduunka ee FIFA ayaa sheegay in Madaxii Hore ee Ururka Sepp Blatter iyo Laba Sarkaal oo Sare oo kale ay Sameysteen Mushaar kororsi iyo lacago ay isku Abaa lmariyeen oo dhan 80milyan oo Doollar muddo Shan Sannadood ah.
Garyaqaanadda FIFA ayaa sheegay in Mr. Blatter, xoghayihii hore ee FIFA Jerome Valke iyo xogyahihii hore ee maaliyadda FIFA Markus Kattner ay Sameeyeen Dadaallo wadjir ah oo ay iyagu ku taajirayeen oo ay sameeyeen intii u dhaxeysay 2011kii iyo 2015kii.
Faahfaahinta baaris ka dhex socotay FIFA ayaa la sii daayay jimcihii daraad, maalin kaddib markii boolisku ay weerar ku qaadeen xarunta ay FIFA ku leedahay Magaalada Zuric, si ay halkaa u ga soo qabtaan daliilaha baarista Switzeland ee FIFA ku socota.
Mas'uuliyiinta Switzerland, ayaa baaris ku sameeyay Daruufihii ku xeernaa Tartankii loogu jir ay cidda qabaneysa cayaaraha Adduunka ee Kubadda Cagta 2018ka iyo 2022da.
Iyagoo looga shakiyay wax isdabamarin ay ku sameeyeen Lacagaha FIFA, ayaa Guddiga Anshaxa ee FIFA Waxa uu ka Mamnuucay Mr. Blatter iyo Valke muddo lix bilood iyo 12 sanadood ah inay ku lug yeeshaan arrimaha cayaaraha.Labadan Mas'uul ayaa beeniyay eedaha loo soo jeedi yay ee Musuqmaasuq.
Heya’dda FIFA, ayaa Mushkilad la xiriirta Mususmaasuq waxay heysatay tan iyo bishii May Sannadkii 2015kii, markii baaris ay sameysay Dowladda Mareykanka lagu eedeeyay madaxda ugu sareeysa ururka inay musuq maasuq ku lug leeyihiin. XIGASHO: VOA
SOOMAALIYA OO XUBIN KA NOQOTAY BAHWEYNTA KA HORTAGGA KHATARTA BADAHA SOOMAALIYEED..
Wafdi ballaaran uu hoggaminayo, Ra’isal wasaare kuxigeenka Dawlada Federalka Soomal iyeed, ayaa ka qaybgalay kalfadhigii 19aad ee Golaha caalamiga ee Bahwaynta ka hortaga Khatar ta Badaha Soomaliyeed (The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia – CGPSC), oo lagu soo gabagabeeyay dalka Seycheles.
Ra’isalwasaare kuxigeenka oo kamid ahaa madaxdii furtay shirkan oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan dalalka ku bahoobay "Kooxda Badwaynta India” ayaa waxaa ka mid ah dalalka Ingriiska, Maraykanka, China, japan, Russia, France, Germany, Italy, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dalalka badwaynta Hindya la wadaaga Soomaliya.
Mudane Maxamad Cumar Carte Qaalib, oo hoggaminaya, wafdi heer federal ah, khubarada Amniga Qaranka iyo dawlad goboleedyada xubanaha ka ah, dawlada Federalka Soomaliyeed, ayaa wuxuu qudbadiisa ku soo bandhigay, aragtida shacbiga Soomaliyeed iyo xaalada shalay ee xeebaha Soomaliyeed iyo waliba baahidda wayn ee loo qabo in Dawlada Soomaliyeed cod ku yee lato arrimaha lagaga hadlayo dalkeeda iyo danteeda si loo ilaaliyo jiritaanka qaranimada Soomali yeed gargaarka caalamkuna u gaaro si toosa shacbiga Soomaliyeed.Wuxuu Ra’isalwasaaruhu sawir ka bixiyay, sababaha saldhiga u ahaa burcad badeedka, oo ay kamid yihiin kaluumaysiga sharcidarida ah, qashin qubka walxaha mamnuuca ah ee badaheena iyo isticmaalka sharcidarida ah ee loo isticmaalo marinka tahriibka caalamiga iyo ku ganacsiga hubka sharcidarida ah.
Si taasi looga hortago wuxuu Raisal wasaare kuxigeenku caalamka u soo jeediyay in dawl ada Federalka Soomaliyeed lagu taageero qorshaheeda cusub ee ah sidii ay hormoodka uga noq on lahayd, cod dheerna ay ku yeelan lahayd heer caalamiya arrimaha lagu gorfaynayo amniga iyo badbaadinta xeebaha badwaynta india iyo waliba in la xoojiyo mashaariic kor loogu qaadayo nolol maalmeedka shacbiga degan xeebaha badaha Soomaliyeed.
Waxaa kale oo Ra’isalwasaare kuxigeenku, ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in caalamku taageeraan kaluumysatada Soomaliyeed ee Xeebaha badaha Soomaliyeed Min Lawyac ado ee Ilaa Raaskaanbooni, loona sameeyo qorshe kor loo qaadayo qaabka caluumaysiga casriga iyo xirfadahooda si loo damiyo ama loo joojiyo sababihii dhaliyay budhcad badeednimada haatan gabaabsiga ah.Raisal wasaare kuxigeenku wuxuu si kali kaliya ula kulmay taliyayaasha Maaakiibta ilaaliya Xeebaha iyo badaha Soomaliyeed, oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidamada iskudhafka Ba dd, CDR John Thompson (Chief of Staff, Combined Maritime Forces).
Raisal wasaare kuxigeenku wuxuu si kala gaar gaar ah ula kulmay casuumad gaarana ka ka la helay Madawayne ku xigeenka Dalka Seychles iyo Wasiirka Arrimaha Dibada oo ay isku afgar teen iskaashiga labada shacbi si loo gaaro hadafka horrumarinta iyo amniga Shacbiga Sooma liyeed.
Shirkan oo socday Afar maalmood ayaa warmurtiyeedkiisii lagu aqbalay gunaandkiisii dham aan codsigii dawlada Federalka Soomaliyeed qorshaha dawlada federalka Soomaliye oo ay wheel iyeen, dhamaan xubno ka kala socday maamul goboleedyada xubanaha ka ah dawlada Federalka Soomaliyeed.
Si loo hirgaliyo, himmilada iyo hadafka , hawlgalka guddiga iskudhafka ah ee badbaadinta iyo ilaalinta xeebaha badaha Soomaliyeed (MsCC), oo dhawaan ay ansixiyeen, Gollaha Wasiirada ee Dawlada Federalka Soomaliyeed si gacanta loogu qabto badbaadinta amniga xeebaha badahe ena iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badaheena.
Waxaa Ra’isal wasaare ku xigeenka dawlada Federalka Soomaliya Maxamad Cumar carte ku guulaystay markii ugu horeysay kulankii uu la qaatay kaaliyaha koowaad ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Middobay oo shirka Sanduuqa Hoggaminayay in Xubnaha qaramada middobay isku raacaan xubinimada Dawladda Federalka Soomaliya (FGS) ee Sanduuqa Caalamiga ah ee ka hor taga sababaha dhaliyay budhcad badeedka iyo kaalmaynta bulshada degan xeebaha Badaha Soomaliyeed ee ay saamaysay aafada burcadbadeedku.
Waxaa laysku raacay in Hoggaminta badbaadinta iyo ilaalinta xeebaha badaha Soomaliyeed, lagu taageero si toosa dawlada Federalka Soomaliyeed oo leh qorshayaal saldhigiisu yahay u adeega Bulshada Soomaliyeed Ilaalinta Khayraadkeeda iyo iskaashiga tooska ah ee ay la yeelanayso dalalka ka taageraya badbaadinta horumarinta iyo Ilaalinta Xeebaha, Dekadaha iyo badaheeda.
MAXKAMAD KU TAALLA MN OO KU HESHAY DAMBIYO SADDEX WIIL OO SOOMAALIAMERICAN AH
Sedex wiil oo Somali ah oo ku eedeysanaa inay doonayeen inay ku biiraan Kooxda ISIS ama Daacish, oo Dacwaddoodii ay Xeerbeegtidu ka Baaraan dageysay labadii maalmood ee lasoo dhaa fay ayaa go’aan laga gaaray.
Xeerbeegtida, ayaa si Wadajir ah isugu raacay, In Maxamed Faarax uu galay Dhamaanba Dambiyadii lagu eedeeyay. Guuleed Cumar, ayaa isagana lagu helay dhamaan Dambiyadii lagu soo eedeeyay.
C/raxmaan Daa’uud oo ah Wiilka seddexaad ee go’aanka ay xeerbeegtidu ka gaartay, ayaa hal dambi oo beenabuur ah mooyaane, intii kale lagu helay.
Waalidiinta, qaraabada wiilaasha iyo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee gobalka oo fadhiyay kuraasta dambe ee Maxkamada ayaa markii lagu dhawaaqay go’aanka Xeerbeegtida wax aa la arkayay iyagoo ooyaya, qaar ka mid ah way xamili waayeen inay goobtaas sii fadhiyaan oo way ka baxeen iyagoo ilmeynay. Kuwa kale oohin ayay ku dhameysteen intii ay maxakamaddu soc tay.Qaadiga Maxkamadda, Micheal Davis oo u mahad naqayay xeerbeegtida ayaa ku Amaanay in ay shaqadooda u guteen si sharci ah oo cadaalad ku dhisan.
Garsoore Davis, ayaa Wiilashaan u sheegay inay xaq u leeyihiin in go’aanka Xeerbeegtida is ka soo eegaan, Wixii ay dood ka qabaanna ay isaga kala hadli karaan, ka hor inta aanu ku dhawaa qin go’aanka ciqaabta ay wajahi doonaan.Intii ay socotay maxkamedeynta wiilasha Soomaalida ah, waxay Dowladdu soo bandhigtay caddeymaha eedaha lagu soo oogay oo u badnaa Codadkooda oo uu si Qarsoodi ah uga soo duubay, C/raxmaan Bashiir oo Dowladda si aan la ogeyn ula shaqe ynayay.
Garyaqaanadii Difaacayay wiilasha ayaa iyaguna dhankooda ku doodayay in dhalinyaradu aanay dambi laheyn oo ay ahaayeen kuwo hadal badan aan ku baraarugsaneyn cawaaqibka dam be ee ay keeni karaan hadallada aan laga fiirsan.
Ayaan Faarax oo ah Hooyada dhashay, Maxamed Faarax oo aan iyadu maxkamadda joogin markii Go’aanka Xeerbeegtida lagu Dhawaaqayay, ayaa Sheegtay in ay Sugeysay go’aankan oo aanay la yaab ku aheyn. Ayaan, ayaa xustay in xeerbeegtidu ay ahaayeen dad isku meel ka soo jeeda oo aysan markii horeba ku qancin sida loo soo xulay go’aankoodana aanay rajo wanaagsan ka fileynin.
MAQAAL: WALAAL JIRA ORDOGAAN!
Dad agoon ah oo aan Adeer, Abti iyo Saaxiib lahayn ayaan nahay, hadaan Soomaali nahay!
Adeer ma lihin oo Carabtu dan weyn nagama leh. Mar uun ayaan si kama’ ah ugu biirnay, arima markaa jiray iyo dana jiray owgood. Laakin danqasha iyo dareen weyn noo haayaan, oo waxa aan la mid nahay: faryarta dheeraadka ah ee ka raaracda faryarta rasmiga ah!
Abti ma lihin oo Africa maba noo aqoonsana afrikaanimada ee waxa ay noo arkaan balaaya habawsan oo Carab aan rabin daba ordaysa, Africana ka ordaysa!
Saaxiibna ma lihin oo sida Kenya Ingriisku u koolkooliyo ama Maraykanku Ethopia u koolkooliyo cid noo koolkoolinaysaa ma jirto!
Annaga oo sidaas ah ayaan hadana kufnay oo aan jabnay oo weliba isa sii jejebinay!
Dad badan ayaa ku raaxaysanayay jabkeena, qaarna waxba kama gelin.
Annaga oo carajiifka ku daahnay oo nalaga taltallaabsado oo la yiraa waa kuwii, qaarna iskeen moogaysiiyaan, qaarna xagga dheer naga maraan si aan diifteenu u gaarin ayaa mar qura waxa ishiisu na qabatay nin wayn {Alaa weyne} waa Ordogaan!
Gacantuu na qabtay oo waa na istaajiyay oo caradii naga jafay oo noo qubeeyay oo cuna na siiyay oo biya na siiyay oo dharkii naga bedelay oo na daaweeyay oo quruxdeena adduunka tusay, markaa, ayaa markii quruxdeena la wada arkay, la soo wada cararay: annagaa meesha ku ogayn ee maxaad ka soo doontay? Qaylo iyo sawaxan: ama ha dhinteen ama ha noolaadeen ee maxaa ku keenay adiga? Waa in aad annaga noo daysaa Soomaalia!
TOLOW 25 SANO XAGEY JIREEN WAA YAABE?!
Ordogaan, hadana waa yimid mar 2aad iyo mar 3aad oo waa naga tegi waayay oo daawadii iyo baahitirkii ayuu weli wadaa!
Soo dhowaaw! Walaal jira! Ma moogin waxa aad mudantahay, ma Hilmaami doono weligeen. Ala SW oo dartiis aad noogu timid ayaana kaa abaal marin doona Inshaa’allaah!
Wax kasta oo aan sheegana kugu yar oo adaa ka mudan!
Ordogaan oday jira. Alaha ku dhawro!
W/Qoray Hassan Hundubey Jimale
NATIONLINK TELCOM
BISHAARO BISHAARO BISHAARO
OGEYSIIS
Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK Waxay Macaamiisheeda Sharafta Leh U sameeysay Qiimo Dhimis Ballaaran,taas oo ah ku shubo 1$ Doollar Kuna hadal 140 Daqiiqo oo Gudaha dalka ah Xilli kasta Habeen iyo Maalin intaba, Sidoo kale ku Shubo 1$ Doollar kuna Hadal 16 Daqiiqo oo Dibada ah, waana 35 Dal oo kuwa Soomaalidu ku badan tahay Waaciyo
WIXII FAAHFAAHIN AH WAC NABARKAAN 100/222/333
Nationlink Isku Xiraha Dadweynaha
WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH AXAD 5-TA JUUN 2016-KA
GAAS OO DALKA KA DHOOFEY IYO SHARIIF XASAN OO BAYD-HABO KU LAABTEY Madexweynaha maamulka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaami naayo ayaa shalay u duulay magaalada Dubai ee dalka Iskutaga Imaaraatka carabta.