Wararkii Ugu Danbeeyay Khasaaraha Gaari Bas Ah Oo Maanta Ku Dhacay Webi

0
Sunday December 25, 2022 - 21:16:37 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyay Khasaaraha Gaari Bas Ah Oo Maanta Ku Dhacay Webi

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay kadib markii bas uu ku dhacay webi isaga oo ka gudbayay buundo gobolka Galicia ee waqooyi-bari Spain, sida uu Axadda maanta ah sheegtay hay’adda Adeegga Gurmadka degdegga ah.

 

Shilkan ayaa habeenkii xalay ka dhacay meel u dhow magaalada Vigo oo aan ka fogeyn xuduudda dalka Portugal. Wargeyska gobolkaasi ee La Voz de Galicia ayaa wariyay in baska uu siday dad booqanaya ehelladooda oo ku xiran xabsiga ku yaalla Monterroso oo ah bartamaha Galicia.

Adeegga Gurmadka Degdegga ah ayaa sheegay in laba meyd laga soo saaray wabiga, iyadoo laba qof oo uu darawalkii basku ka mid yahay la soo samata bixiyay laguna daweynayo isbitaal.

Adeegga Gurmadka Degdegga ah ayaa farriin uu ku qoray Twitter-ka ku sheegay in ay jiri karaan dad intaas ka badan oo baska la socday, waxaana ay baahiyeen sawirka baska qalibmay oo wabiga ku dhex jira.

Saddex qof ayaa la la’ yahay sida ay warineyso warbaahinta Spain, inkastoo warkan aysan saraakiisha dowladdu xaqiijin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip