Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo la sii daayay

0
Thursday December 22, 2022 - 09:51:30 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo la sii daayay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in saaka Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon laga sii daayay xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kadib laba sanno oo uu u xirnaa maamulkaasi.

Wariye Coldoon ayaa soo dhammeystay xukun labo sanno ahaa oo ay 23-kii May 2022-kii ku xukuntay Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargeysa.

Coldoon waxaa markiisii hore xabsiga la dhigay 23/08/2021-kii, ayada oo loo haysto eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.

Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka taabaleysan ayaa marar badan siyaabo kala duwan loogu xiray Hargeysa.

Si kastaba, sii deynta ayaa waxaa aad ugu farxay ehelladiisa, gaar ahaan qoyskiisa iyo carruurtiisa oo uu dib ula midoobayo laba sanno, kadib, isaga oo soo dhammeystay xukunkii ku dhacay.

Xisbiga Waddani oo Maamusay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo shalay xabsiga laga sii daayay | Al Jasiira News Somali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip