Mala socotaa in koobkii uu Messi geeyay dalkiisa uusan ahayn kii dhabta ahaa?

0
Wednesday December 21, 2022 - 17:59:15 in Wararka by
  • Visits: 1042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mala socotaa in koobkii uu Messi geeyay dalkiisa uusan ahayn kii dhabta ahaa?

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Messi iyo kooxdiisa oo kor u haya koobka

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Mid ka mid ah sababihii ay Argentina, halganka dheer ugu gashay ku guuleysiga Koobka Adduunka ee Qatar, waxay ahayd inay kor u qaadaan koobka uu ciyaaryahan kasta oo kubbadda cagta ah ku riyoodo.

Koox kasta waxay u riyaaqdaa oo ay ku riyootaa qaadidda koobka midabka dahabiga ah leh.

Si la mid ah Maradona iyo Zidane, ciyaaryahanka ugu fiican waqti xaadirkan ​​Lionel Messi, ayaa ku guuleystay fiinalka Qatar oo uu ku qaaday koobka, iyadoo ciyaartoyda kooxda la arkayay iyagoo isku sawiraya koobka adduunka markii ay soo gaareen Argentina.

Laakiin ma ogtahay in koobka ku jira gacanta Messi uusan ahayn midkii saxda ahaa? balse uu yahay mid dahab yar oo kali ah lagu dhejiyay.

Koobkii la nashqadeeyay sanadkii 1930- islamarkna sanadkii 1970 lagu qabtay Mexico ayna ku guuleysteen Brazil ay kooxdaasi geeyeen dalkooda .

Koobkan ayaa horay looga xaday carwo ku taalla magaalada London, balse waxaa markii dambe helay ey lagu magacaabo ‘Pickles’ xilli isaga iyo milkiilihiisa ay lugeynayeen meel ku taalla koonfurta London.

Kadib 1983-dii, koobka ayaa mar kale la xaday markii la dhigay magaalada Rio de Janeiro ee caasimadda Brazil, iyadoo ay qaadday kooxdii ku guuleysatay. Koobkaasi la xaday dib dambe indha looma saarin oo lama soo helin.

Sanadkii 1970kii FIFA waxay qabatay tartan koob cusub kaas oo 53 nashqado la soo gudbiyay. Sawir-qaade Talyaani ah oo lagu magacaabo Silvio Gazzaniga ayaa ku guuleystay tartanka nashqadan.

Koobkan la nashqadeeyay waxaa lagu soo bandhigay koobkii adduunka ee 1974-kii, kaas oo ay marti galiyeen Jarmalka galbeed.

 

Hadaba maxay tahay muhiimadda gaarka ah ee uu leeyahay koobka aduunka ee FIFA ?

Waxaa laga sameeyay dahab 18-carat ah, koobkan dhirirkiisu waa 15-inji waxa uu culeyskiisu ka yar yahay lix kiilo.

Maxaa Messi loo siin waayay koobka dhabta ah?

Mess iyo kooxdiisa

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Koobkani waxa uu leeyahay meel u gaar ah taariikhda ciyaaraha adduunka. Sida laga soo xigtay FIFA, dad aad u yar ayaa loo oggol yahay inay taabtaan koobka, oo ay ku jiraan kuwa ku guuleysta iyo madaxwayneyaasha dowladaha.

Koobkan dahabka ah ayaa waxaa la guddoonsiiyaa kooxda ku guuleysatay tartanka koobka, balse waxaa gacanta ku sii haynaya FIFA.

Sida uu dhigayo sharciga FIFA, koobka dhabta ahi waxa uu baaqi ku sii ahaanayaa FIFA oo sii yaalaya, laakiin kooxda ku guulaysata ayaa si ku meel gaar ah loo siiyaa. Koobkii asalka ahaa ka dib waxaa uu la yaallayaa oo gacanta ku haynaysa FIFA.

Sanadkii 2005, FIFA waxay go'aansatay inaysan mar dambe abaal-marinta koobka dhabta ah siinin kooxda ku guulaysata

Markii hore waxaa loo oggolaa kooxda tartanka koobka ku guuleysata in koobka dahabka ah qudhiisa ay qaataan oo ay dalkooda ugu soo dabaaldagaan ka dibna ay FIFA, dib ugu soo celiyaaan.

Balse tan iyo 2006 kooxda koobka ku guuleysatay waxaa koobka lagu siinayaa oo kali ah goobta xafladda lagu abaalmarinayo ka dibna waxaa dib loogu celinayaa gacanta FIFA.

Mark ay xafladda dhammaato ayaa waxaa kooxda koobka ku guuleysatay la siinayaa koob kale oo u ek midka saxda ah, balse aan ahayn kii asalka ahaa ee ay ku guuleysteen.

Sida laga soo xigtay FIFA, koobka ay helaan kooxda ku guulaysata ayaan ahayn mid gabi ahaanba ka samaysan dahab, balse waxaa lagu aslay biyo dahab. Waxaa koobka ku dhajisan sanadka koobka adduunka, dalka martigelinaya iyo magaca kooxda ku guulaysata.

Abaalmarinta lacageed ee Koobka Adduunka

ciyaaryahanada Argentina

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Sida ay FIFA sheegtay, kooxda koobka sanadkan ku guuleysatay ayaa waxaa la sinayaa lacag dhan 42 milyan oo doollar, halka Faransiiska oo kaalinta labaad soo galay ay helayaan 30 milyan oo doollar.

Lacagta abaalmarinta ayaa waxaa laga bixinayaa sanduuqa FIFA oo sanadkan 2022 ciyaaraha adduunka ugu talagashay lacag dhan of $440 milyan oo doollar.

Faransiiska markii ay koobka adduunka ku guuleysteen 2018, FIFA waxay siisay $38 milyan. Xilligaas waxaa lacagtii ay FIFA ugu talagashay koobka adduunka ay ahayd 400 oo milyan oo doollar.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip