HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 21-KA DICEMBAR 2022-KA

0
Wednesday December 21, 2022 - 11:28:25 in Wararka by
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 21-KA DICEMBAR 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Shacabkana Ugu Baaqay In ay La Shaqeeyaan Ciidammada

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal ku aaddan sana d-guurada ciidanka, kaasi oo uu hambalyo ku aadd an xuska sanad-guurada 79-aad ee aas-aas ka ciid anka booliska Soo maaliyeed ugu diray Saraak iisha iyo dhamMaan qeybaha kala duwan ee ciidanka bool iska iyo qoysaskooda.

Xasan Sheekh ayaa xusay in ciidanka booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaali yeed, isagoo sheegay in markasta ay naftooda u hu raan ciidda iyo calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa markale shacabka Soomaa liyeed ka dalbaday inay xoojiyaan garab istaaga ciida mada dowladda, xili uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ka kooxda Al-Shabaab.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku ad keeyey in ay ku garab istaagaan Cii dankeenna geesiyaasha ah gudash ada waajibaadkooda Qaran, gaar ahaan wakhtigan oo dalka uu u jiheystay dabar-goo ynta argagixisada Alshabaab oo sannado badan cur yaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed iyo horumar ka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiis ka madaxweynaha.

20-ka December ayaa ah astaan kamid ah maal maha qaran ee loo dabbaal-dego xusuusta dhaxal-galka ah ee umadda, gaar ahaan aasaaska ciidama da booliska oo kamid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka.

Sanadkii 1943-diii ayey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan boolis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn, islamarkaana laga ma maarmaan u ah aasaaska dhismaha dowladd Soomaaliyeed oo wax la wadaagta wadamada caalamka.

Raysal wasaare Xamse: Dalkan masii jiri karo had dii aan lala dagaalamin musuqa

Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xa mse Cabdi Barre ayaa wacad ku maray inuu xoojin doono dagaalka ka dhanka ah musuq maasuqa, maadaama Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sameynta xeerar lagula dagaalam ayo musuqa, isagoo sheegay in dalka uusan sii jiri karin haddii aan la helin hufnaan iyo hay’ado wax ilaaliya.

"Waxaan u baahanahay inaan la dagaalano mus uqan, haddii aan u baahanahay inaan gaarno bar waaqo oo aan gaarno yoolkeena. Dowladdaydu wax ay dadaal dheeri ah ku bixin doontaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqmaasuqa,” ayuu yiri RW Xamse

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid, bil ka dib markii warbixin uu soo saaray Hanti dhowraha gu ud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye, taasoo lagu sheegay in la lunsaday lacago badan, isagoo sheeg ay in ka badan 96 milyan oo dollar aan la ogayn meel ay ku baxday lacagtaas.

Warbixinta uu daabacay Maxamed Cali Afgooye, ayaa waxaa lagu faah faahiyay in lacagta maqan ay ka mid tahay 21 Milyan oo Doollar oo deyn ahaan loo qaatay sanadka 2021-ka, iyadoo uusan waxba kala socon Hanti dhowrka guud.

Afar tiir oo uu ku dhisan yahay wada-xaajoodka ku saabsan in Soomaaliya ay ku biirto Ururka Ba riga Afrika ee EAC Hadliye

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo hadda hoggaaminaya ololaha ay dowladda Soo maaliya ku dooneyso in ay ku biirto ururka ay ku bah oobeen dalalka Bariga Afrika ee EAC, Dr Cabdisala an Cumar Hadliye ayaa BBC-da uga warramay halka uu marayo dadaalka muddada dheer soo jiitamayay.

Muddo shan bil ah ayaa kasoo wareegtay markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaa bay Dr Hadliye xilka ergeyga qaabilsan howlaha la xiriira sidii ay Soomaaliya xubin uga noqon lahayd Dalladda Waddamada Bariga Afrika.

Su’aasha ay dad badan isweydiinayaan ayaa ah waxa ilaa hadda ka qabsoom ay dadaalkaas.

"Waxa ugu horreeya ee muhiimka ah in la garto waa in la sameeyay codsi, codsig ana madaxweynaha ayaa sameeyay markii uu Caru usha tagay, shaqadu halkaas ayey markii ugu horre ysay ka billaabatay. Aad baa naloo soo dhaweeyay, inanga ayey nagu xiran tahay sida aan u dooneyno inaan uga qeyb galno iyo sida aan rabno barnaam ijka inaan u riixno,” ayuu yiri.

Wada-xaajoodka ku saabsan in Sooma aliya ay ku biirto Ururka Bariga Afrika ee EAC

Waxa uu Dr Cabdisalaan Hadliye sharr axay talla abooyinka muhiimka ah ee loo qaadayo si loo hirgel iyo in Soomaaliya ay ku biirto dalladda EAC.

"Qorshe ayaa la dejiyay waxaana haray ilaa afar tallaabo oo kale oo muhiim ah, kuwaasoo hubinta ay ugu horreyso bisha January. Waxaa xiga wada-xaaj ood.”

Afar tiir ayuu ku dhisan yahay wada-xaajoodka, sida uu sheegay Dr Hadliye:

1-Sidii loo mideyn lahaa canshuuraha

2-Sidii loo furi lahaa suuqa ganacsiga

3-Sidii lacag loo wada sameysan lahaa

4-Sidii looga wada-shaqeynlahaa in xagga siyaasa dda

Sameynta lacag ka dhaxeysa dalalka urur gobol eedka EAC ayu uku tilmaamay mid "uusan waqtige edu dhaweyn hadda”.

Muxuu yahay ururka EAC?

Uhuru Kenyatta iyo Yoweri Museveni

Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaal ada Caruusha ee Tanzania, kaasoo dhismay sanadkii 2000, ka dib heshiis ay gaareen qaar ka mid ah dal alka uu hadda ka kooban yahay, oo kala ah: Burundi, Jam huur iyadda Dimuqraaddi ga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, Suudaanta Koonfure ed, Tanzania iyo Uganda.

Suudaanta Koonfureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, hal ka J.D./Congo ay ururkan ku biirtay bishii April ee sanadkan.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigee ga xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, ilaa iyo haatanna ma jirto jawaab laga siiyay arrinkaas.

Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan ururka, waxaana taageera deeda ay muhiim u tahay damaca Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC.

Wareysi: Mursal oo is barbar dhigay mudo koro sigii Farmaajo iyo kan Laf tagareen

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baar lamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cab diraxmaan ayaa oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed ayaa ka hor yimid mudo kororsigii uu sameystay baarlamaanka maamulkas, isagoo fariin u diray Madaxweyne Laftagareen.

"Cabdicasiis Laftagareen waxaan kula talinayaa afar sano ayaa meesha joogtay, ha daa wax qabatana ma qarsooma yaan, mudo kororsi in uusan so caneyn waad aragtaa, dood iyo muran ha gelin, isuguyeer siya asiytiinta oo doorasho qabo, hadii aad tartameysana mar kale isku soo sharax,” ayuu yiri Maxamed Mursal. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa sheeg ay in muran badan uu ka jiro mudo kororsiga Laftaga reen, isagoo ku tilmaamay mid aan soca karin oo aan macquul aheyn, isagoo tusaale u soo qaatay mudo kororsigii ay hadda ka hor ku fashilmeen.

"Baarlamaanka markaas fadhiya mudo ma kororsa karo, anaga waad xusuusataan 2021-kii mudo ayaan kororsaneynaa toos uma aanaa dhihin ee waxaan dhahnay doorashada ayaa dib loogu noqonaa, ma rka madaxweyne xukunka haaya oo mudo kororsi sameeyey meelo badan oo ay ka hir-gashay ma jirto,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Mursal oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa ku taliyey in dib u heshiisiin loo furo siyaasiyiinta iyo beelaha tabashada qaba ee reer Koonfur Galbeed.

Dib u heshiisiintaan ayaa waxaa hore ugu dhawaaq ay guddoomiyaha golaha shacab ka Sheekh Aadan Madoobe, oo maalmihii tegay ku sugnaa magaalada Baydhaba.

"Dib u heshiisiintii uu iclaamiyey Sheekh Aadan Madoobe waxaan u arkaa mid muhiim ah oo loo ba ahan yahay in laga dhabeeyo, dib u heshiisiintaan waxaa loo sameynayaa nidaamka hadda talada ha ya, qabaa’ilada deegaanka iyo siyaasiyiinta ka soo je eda deegaankaas,” ayuu yiri Mursal.

Qoorqoor Oo Dib Ugu Laabtay Dhuusa mareeb Iyo Soodhweyn Loo Sameeyay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ay aa Shalay dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusa mareeb ee Caasimadda Galmudug, kadib safar gaa ban oo ku tagay dalka dibad iisa.

Masuuliyiin uu ugu horree yo Madaxweyne ku xigeenka xigeenka Galmudug Cali Da hir Ciid, Gudoomiyaha Ba arlamaanka Galmudug Ma xamed Nuur gacal, xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Galmu dug, maamulka caasim adda iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay ma daxweynaha iyo wafdigiisa Garoonka Diyaarad aha ee Ugaas Nuur ee magaal ada Dhuusamareeb.

Degaanada Galmudug ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay ka bilowdaan dagaallo ka dhan ah AL-Shabaab,iyadoo Horay qoorqoor uu u sheegay in ay degaanada laga haysto dhulka ka Galmudug ay ka bilaaban doonan howgallo ka dhan ah AL-Shabaab

Xog: Ilhaan oo toddobaadkan kusoo wajahan Soomaaliya

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wak iilada dalka Maraykanka ayaa la filayaa inay timaado Soomaaliya toddoba adkan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ilhaan Cumar, oo ah gabadhihii ugu horre ysay ee Muslim ah iyo Soomaali ee loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa la filayaa inay Khamiista tagto magaalada Gar oowe ee caasimad da Puntland.

Sida ay wararku sheegaya an, Ma daxwey naha Puntland Saciid Cab dullaahi Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaa sha dowladda Puntla nd ayaa soo dhoweyn doona Ilhaan.

Ilhaan Cumar oo laga soo do orto Gobolka Minnesota ee wad danka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada Punt land.

Mss.Ilhaan ayaa sannadkii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Booqashadan ayaa noqon doonta tii ugu horreys ay ee Ilhaan ay ku timaado Soomaaliya tan iyo markii xilkaas loo doortay.

Waxay toddobaadkii tegay ka qeyb-gashay soo dhoweyn madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud loogu sameeyey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka laga soo doorto.

Khudbad ay halkaas ka jeedisay oo ay si weyn ugu

amShalayy madaxweynaha oo ay ugu yeertay "ade

er” ayaa qabsatay baraha bulshada.


Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo sha aciyay de egaano laga fulin rabo weerar cir iyo dhul ah

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa fariin digniin ah u diray shacab ka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada ka tali yaan kooxda Al-shabaab, isago ona ugu baaqay iney isaga fogaa daan.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheeg ay in haatan bartilmaameedka 1a ad ee weeraro la xariira cirka iyo dhulka ah laga fulin doono deegaano ay ka mid yihiin Ceel Boore iyo Ce el god, islamarkaana loo baahan yahay in dadka sha cabka ah ay isaga fogaadaan deegaanadaasi.

"Sida uu horay ugu dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya deegaanada ay dagan yihiin nimankan shayaadiinta ah ee Al-Shabaab waa in laga fogaado, dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay nimankaa joogaan waa inay ka fogaadaan, qaasat an deegaanada Ceel God, Ceel Boore iyo meelaha la mid ah, waxaa laga fulin doono weeraro cir iyo dhul ah” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cisma an ayaa ahaa shaqsiga hormuudka u ah gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ku baahay qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa tilmaamay in uje edkooda uusan eheyn in la dhibaateeyo dadka shac abka ah, islamarkaana sababta hubka ay u qaateen ay tahay sidii loo bad baadin lahaa nolosha dadka Soomaaliyeed.

"Nimankaan Shabaabka waa nooc ka mid ah Fa yriska, waxayna rabaan inay dadka ku dhex dhuuma aleystaan, anagana waxaan rabnaa in shacabka Soo maaliyeed uu badbaado, iyagana aan burburino had dii Alle Idmo" ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa imaanaya, iyadoo mudooyinkii dambe Ururka Al-shabaab ay jab xooggan kala kulmeen ho wlgalada ka socda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Jamaal Cismaan oo sharraxay arrintii ku qabsat ay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle

Jamaal Cismaan oo saaran diyaaraddii uu dib ugu noqoayay London, Jamaal Cismaan oo saaran diyaa raddii uu dib ugu noqoayay London

Axaddii la soo dhaafay Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya waxay huteel ku ya alla gu daha garo onka Aadan Ca bdulle ee magaalada Muqdi sho ku xannibtay we riye Jamaal Cisma an oo ka tirsan telef ishinka Channel 4 News ee fadhigiisu yahay wad danka Ingiriiska.

Wuxuu sheegay in markii uu ka soo dagay garoonka siddeeddii subaxnimo uu u gudbay huteelka, kadib ay labo nin oo dhalinyaro ka soo dabagaleen huteel ka iyaga oo u sheegay inay hubinayeen in uu isaga yahay iyo inkale.

Mar uu BBC-da la hadlayay ayaa Jamaal wuxuu intaas ku daray in labada nin ay u sheegeen in ay ka socdaan Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya (NI SA). Kadib dhawr sarkaal oo kale ayaa gudaha u soo galay huteelka iyaga oo fariistay miis yaallay ban naanka qolkiisa, sida uu yiri Jamaal.

"Ujeedkoodu wuxuu ahaa in ay iga hor istaagaan shaqadeyda wariyennimo iyaga oo adeegsanaya hanjabaad iyo cabsi galin” ayuu yiri Jamaal.

Dhowr saacadood kadib ayuu xusay in mid kamid ah taliyeyaasha NISA uu qadka taleefanka kala hadlay, una sheegay in sababta ay u xannibeen ay tahay ma addaama uu bartamihii sanadkaan barnaamij ka soo sameeyay Ururka al-Shabaab, wareysina la yeeshay madaxa Amniyaatka kooxda, Mahad Karatee. Sark aalka NISA ayaa si kooban iigu sheegay: "Haddii aad sameyso sheekooyin aan dhibsanno – waxaad mari doontaan cawaaqibkeeda. Waxa ku qoran warqad aha [sharciga] muhiim ma ahan”.

Wuxuu sheegay in mar dambe ay ku amareen in uu dib ugu noqdo London. Subaxii isniinta ayuu Muq disho ka raacay duullimaadka Turkish Airlines. Jam aal ayaa intaa ku daray in uu Muqdisho u yimid si uu u sameeyo barnaamij la xiriira tacaddiyada lag ula kaco haweenka.

Ciidamada Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Dhowr bil ka hor markii uu billowday dagaalka u dhaxeeya dadka deegaanka oo garab ka helaya cii damada dawladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo dhanka kala ah, da wladda Soomali ya waxay soo sa artay amarro ku aaddan si da ay warbaahintu u tabin doonto wara rka la xariira dagaallamayaasha Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka warfaafin ta Soomaaliya Cabdirax maan al-Cadaala, ayaa ku amray warbaahinta in aysan tabin ka rin wararka falalka ay geysta an Al-Shabaab, isaga oo u cuskaday in ay buunbu unin u tahay ururka.

Al-Caddaala ayaa yiri "Waxaan rabnaa inaan wa rbaahinta iyo dadka Soomaaliyeedba u sheegno, ina an u aqoonsaneyno faldambiyeed, nuuc kasta oo la xariirta baahinta falalka aragagixisada”.

Cabdalla Muumin

Qaar ka mid ah weriyaasha iyo ururrada u dooda saxaafadda ee Soomaaliya waxay go’aankaan ku til maameen mid xaddidaya madaxbanaannida warba ahinta.

Cabdalla Muumin oo ah Xogha yaha Ururka Somali Journalists Syndicate ayaa kamid ah dadka dhaliilay go’aankan. "Wareegtada dawladda, waxaa laga yaabaa inay dhaliso in la xannibo awooddii ay saxafiyiintu u lahaayeen in ay si xor ah u tabiyaan hawlgallada socda ee ka dhanka ah al-Shabaab” ayuu yiri Cabdalla oo shir jaraa’id ku qab tay gudaha Muq disho.

Laakiin maalmo kadib markii uu ha dalkaan yiri, ayaa la xiray isaga oo ka dhoofayay garoonka diyaa radaha ee Aadan Cadde.

Waxaa la geeyay maxkamad, laguna eedeeyay inuu jabiyay go’aankii ay soo saartay dawladdu. Mar dambe ayaa damiin lagu siidaayay, iyada oo aan go ’aan kama dambeys ah laga gaarin dacwaddiisa. Cabdalla wuxuu sheegay inuusa hadda xor u ahayn inuu ka safro magaalada Muqdisho.

Maxaa hadda u qorsheysan Jamaal?

Jamaal Cismaan

Jamaal ayaa sheegay inaysan dembi ahayn in la wareysto hoggaamiyeyaasha Alshabaab, isla markaana ay bulshada dan u tahay in su’aalo la weydiiyo dagaal-yaha nnada sida Alshabaab.

"Arrintan igama hor istaageyso inaan gutohowsh eyda saxaafadeed, inaan booqdo Soomaaliya oo ay ka mid yihiin mee laha ay Alshabaab maamusho iyo inaan wareysto hoggaamiyeyaasha kooxda.

Soomaaliya waxay u ba ahan tahay warbaahin xor ah in ka badan intii ay ho re u baahn eyd.” Ayuu yiri Jamaal XIGASHO:-BBC

USTAAD MAXAMED "WAXBARASHADU, MUHIIM UMA AHAN OO KELIEYA KOBACA DHAQAALA HA EE WAXAY KALOO MUHIIM U”

Ustaad Maxamed Xassan C/qaadir oo ka tirsan guddiga qii mynta waxbarashada Soomaal iya ayaa ku booriyay in dib u eeg is lagu same eyo manhajka wax barashada iskuulada hoose/ dhexe & jaamacadaha, wuxuuna tilmaamay in qeybo ka mid ah mana ahijtaasi ay yihiin kuwa duug ah oo aan la jaan-qaadi karin dunidda casriga ah.

Waxbarashadu, muhiim uma ahan oo keliya koba ca dhaqaalaha ee waxay kaloo muhiim u tahay in bul shadu wacyigeeda kor loo qaado, manaahijteenu is beddel ayeey u baahan yihiin” Ayuu yiri Ustaad-ka oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho, wuxuuna soo jeediyay in maadooyinka sida taariikhda,joqoraafiga & Soomaaliga in dib u eegis lagu sameeyo, laguna daro maadada waddani yada, iyada oo ardayda la barayo kheyraadka dalkoo da, lana jecleysiinayo.

Waxbarashadu, waa tan go’aamisa guusha iyo ho rumarka dalka, si gaar ahaaneed ee qofka shakhsiga ah iyo bulshada uu ku dhex nool yahayba, sidaa dar aaddeed, haddii la doonayo in waxbarashada la siiyo mudnaanta ay leedahay, waxaa loo baahan yahay in loo arko inay tahay mas’uuliyad wadareed oo aan qeyb gaar ah lagu haleyn.

Bulshadu marka ay ku ba dan tahay dadka wax bartay xittaa waxay ku dhici kar aan in ay ku fikiraan inay wax kasta oo aan u qalmin ay si wadajir ah kaga wada dhiidhiyaan” Ayuu yiri Ust aad Maxamed Xass an, isaga oo intaasi sii raaciyay in hay’adaha waxbar ashada ee dalka in ay muhiim tahay in ay isu arkaan warshadii soo saareysay jiilasha mustaqbalkan dalka wax u qaban lahaa dalkeena.

Ustaad Maxamed wuxuu ammaan u jeediyay ma amulka Jaamacadda Accord, isaga oo ku tilmaamay ashqaas isu tegay oo horumar ballaaran ku soo kor dhiyay heerkii waxbarshada Soomaaliya.

"Prof. C/qaadir Bashiir & team-kiisa & guud aha an howlwadeenada Jaamacadda Accord waxay bah da waxbarashada ku soo kordhiyeen waxbarasho ca sri ah oo la jaan-qaadi karta dunidda” Ayuu yiri Ust aad Maxamed, isaga oo ku booriyay in ay dedaalk ooda halkaasi ka sii wadaan.

Dhoobo-Daareed iyo Saciid DENI ‘oo heshiis gaaray’

Guddoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo-Daareed oo haatan dib ugu laab tay magaalada Garoowe ayaa ka warbi xiyay ujeedka safarkiisa oo haatan kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Dhoobo-Daareed oo muddo ka badan saddex sanno ka maqnaa Garoowe ayaa shaaca ka qaaday inay wax badan iska beddaleen xaaladda Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

"Puntland waxaan moogahay saddex sanno iyo laba bilood meela haas wejiga aan kaga tegay iyo kan aan Shalay ugu imid waa kala duwan yihiin,” ay uu yiri Dhoobo-Daa reed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay khilaafkii kala dhe xeeyay madaxweyne Saciid Deni ee gacan ka had alka sababay, wuxuuna xaqiijiyey in haatan ay ka he shiiyeen wixii horay u dhacay.

"Waa wax dhaca siyaasadda in lagu kala shakiyo oo la’isku qabto, waana ka heshiinay aniga iyo mad axweyne Saciid Deni” ayuu markale yiri Cabdixakiin Dhoobo-Daareed.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Punt land oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday ujeedka safarkiisa la xiriiro arrimaha doorashooyinka iyo u diyaar garowgeeda.

"Aniga iyo wafdiga siyaasiyiinta ah ee ila socda waxaan u soconaa inaan reerka wax ka rarno,” ayuu sii raaciyay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Pu ntland.

Puntland ayaa haatan isku diyaarineysaa door ashooyin guud oo kusoo foodleh, waxaana deega anada maamulkaas kusii qul-qulaya siyaasiyiin fara badan, walow uu weli is mari-waa ka taagan yahay doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxtooyada iyo ururada siyaasadda.


Duqa Muqdisho Oo La Kulmay Madaxa UNHCR Ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Ma gaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR) u Qaabilsan Soomaaliya Mudane Magatte Guisse. Iyagoona ka wada hadlay xaalada Barakac ayaasha ku sugan Magaalada Muqdisho iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu warbi xiyay Mudane Magatte in Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Barakacay aasha ugu badan ee kasoo barakacay Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Gobolada dalka, iyadoona Maamu lka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Bulshadiisa ay gacan ka geysteen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa, balse ay dadkaasi u baahan yihiin wax dhaafsiisan gargaar oo ah in xal waara loo helo.

UNHCR iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isla qaatay in Qorshe hortabineed oo wadajir ah ay ka yeeshaan sidii dib-u-dajin iyo shaqo abuur loogu sameen lahaa dadkaasi, isla markaana caruurtooda ay u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Caafimaad si ay ula mid noqdaan bulshada inteeda kale.

RW Barre oo guddoomay qorshe howleedka Wasaaradda Amniga ee sanadka cusub

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xam se Cabdi Barre ayaa Shalay ka guddoomay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ahna Kus imaha Wasiirka, Maxamed Cali Xagaa ballanqaadka qorshe howleedka wasaaradda ee sanadka cusub ee 2023.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ah miyad gaar ahi siineyso sugidda amniga dalka, si maleeshiyada Al Shabaab looga saaro dhulka ay ka arrimiyaan.

"Waxaana uu kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda inay xaqiijiya an, sidii looga gun gaari lahaa qorshooyinka howleed ee wasaaraddu soo bandhigtay Shalay, si shacabka Soomaaliyeed ay sanadka cusub ee 2023 u helaan amni sugan iyo kala dambayn.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Barre.

R/Wasaare Barre ayaa toddobaadkan bilaabay barnaamij uu wasaaradaha kaga guddoomayo qorshe howleedkooda ee sanadkan foodda inagu soo haya.

Wasiir Fiqi Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Boo qasho Todobaad Ah Uga Bilaabatay Pakistan

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Guda ha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa booqasho todobaad ah waxaa ay u ga bilaabatay Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistaan.

Wafdiga wasiirka oo ay qe yb ka yihiin Wasaaradda Cad aal adda iyo Dastuurka, Wasiir rada Arrimaha Gudaha ee dow lad goboleedyada Soomaaliya iyo hay’adda diiw aangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa inta ay joogaan dalkaasi waxaa ay geli doonaan kulam mo iyo doodo la xiriira arrimaha federaalka, dastuur ka, maamul daadejinta, dowlad dhiska iyo diiwaan ge linta dadweynaha.

Md. Ahmed Moallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gud aha iyo mas’uuliyiinta la socotay waxaa ay Shalay kulan gaar ah la yeesheen hay’adda diiwaangelinta Pakistaan ee NADRA, taas oo dowladda Soomaaliya ka gacan siin doonta aqoonsiga qaranka iyo diiwaa ngelinta dadweynaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo khudbad kajeediyay kulankaasi ayaa waxaa uu ugu horreyn ka hadlay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Pa kistaan tan iyo 1960-kii, iyada oo labada dal ay ahaa yeen xubnihii wax ka aasaasay ururka Iskaashiga Isl aamka iyo sida dalkaasi qeyb u ahaa dadaalladii na bad ilaalinta xilligii dagaallada sokeeye.

Safarkan ayuu mudane Ahmed Moallim Fiqi ku sheegay in ay wax badan uga faa’ideysan doonaan khibradda Pakistaan ee la xiriirta federalism-ka, nid aamyada dowladaha hoose iyo hannaanka diwa angelinta iyo aqoonsiga.

Kulanka waxaa sidoo kale ku jiray hay’adaha UNDP Soomaaliya iyo UNDP Pakistaan, waxaana xu sid mudan in muddada ay Wasiirka Arrimaha Gud aha mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wafdigiisa ay dalkaasi joogaan la kulmi doonaan wasiirro iyo mas’ uuliyiin sare oo ka tirsan Pakistaan.

Guddoomiyihii muddada u kordhiyey Lafta-gar een oo fasiraad yaab leh bixiyey

Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Koonfur Gal beed Cali Saciid Fiqi, oo hadda ah xildhibaan ka tir san baarlamanka Soomaaliya ayaa fasiraad cusub ka bixiyey muddo kororsiga uu sameystay madaxwey naha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Fiqi ayaa intii uu ahaa guddoomiy aha baarlaman ka Koonfur Galbeed waxay kordhiyeen muddo xileed ka madaxweynaha, waxayna gaarsiiyeen shan sano, halka uu markii hore ahaa afar sano.

Guddoomiye Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in tall aabadaas ay aheyd mid ay isku waafajiyeen muddo xileedka baarlamaanka iyo kan madaxweynaha Ko onfur Galbeed, balse aanay aheyn muddo kordhin.

"Waxaan u arkeynay arrin sharci ah ee mudo kor orsi ma aheyn, markii aan tallaabadaas qaadnay wax aan muhiim u arkeynay in la is waafajiyo mudo xilee dka madaxweynaha &baarlamaanka,” ayuu yiri Fiqi.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka K/Galbeed wuxuu sidoo kale sheegay in go’aankaas si weyn lo oga dooday inta aan la qaadan, isla markaana la go ’aamiyey in madaxweynaha hal sano loogu daro.

"Arrintaan markii laga dooday waxaa la isku qabtay in baarlamaanka 3-sano lagu soo kobo iyo in madax weynaha sanad loogu daro oo baarlamaanka uu la dhameysto, marka waxaa batay fikirka ah in Madax weynaha sanad loogu daro, sidaas ayuuna go’aanka an u dhacay,” ayuu yiri Cali Saciid Fiqi.

Fiqi oo la weydiiyey waxa ka jira in kursiga guddoomi yaha baarlamaanka K/Galbeed uu weli quud-dare ynayo ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aash aas.Ugu dambeyntii Cali Saciid Fiqi ayaa ku baa qay in laga feejignaado in xukunka lagu diriro oo K/Galb eed qalalaase la geliyo, isagoo soo jeediyey in qof kasta uu masuuliyadiisa qaato.

Wasiirada cusub ee Maamulka Galmudug oo xilka la wareegay

Munaasabad gelinkii dambe ee Shalay lagu qa btay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayay xilka kula wareegaan Wasiirada cusub ee Galmudug.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmu dug, Cali Daahir Ciid ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiiradii hore iyo kuwa cusub, ee uu 5-bishan magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Wasiiradii hore ee Wasaaradaha Kalluumeysiga & Khayraadka Badda, Boostada & Isgaarsinta iyo Xanaanada Xoolaha uga mahadceliyay shaqadii ay u soo qabteen shacabka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Galmud ug ayaa Wasiirada cusub kula dardaarmay inay si karti iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadkooda sha qo, una adeegaan shacabka iyo maamulkaba

Dil ka dhacay Muqdisho & faah faahin laga helayo

Koox ku hubeysnaa bustoolado ayaa xalay ma galada Muqdisho ku dilay Nabaddoon Xersi Cali Dii rshe oo kamid ahaa waxgaradka kunool degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, xilli uu kasoo baxay masjidka uu salaad kusoo dukaday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dil ka oo ka dhacay mid kamid ah xaa fad aha degmada Hiliwaa ay baxsade en raggii dilka geys tay, balse ay mey dka goobta ka qaadeen ehelladiisa.

Ciidamo katirsan Booliska degma da Hiliwaa ayaa tegay halka dilka uu ka dhac ay, ku waas oo sameey ay howlgallo aan dad lagu qaban, balse ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Maamulka iyo laamaha Ammaanka degmada Hili waa ee Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin dilka Ninka Odayga ahaa, balse Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda dilka ay sheegeen in Mabaddoon Xer si Cali Diirshe uu kamid ahaa mas’uuliyiinta Maamu lka degmada Hiliwaa

TPLF oo shaki galisay heshiiskii ay la galeen dowladda Itoobiya

TPLF ayaa shaki galisay sida uu u fulayo heshiis kii ay dhawaan gaareen iyaga iyo dowladda Itoobiya ee lagu kala saxiixday Koonfur Afrika iyo dalka Ke nya.

Sida ay baahiyeen Warbaahi nta gobolka Tigray Hoggaamiyaha TPLF ahna Mad axwaynaha gobolka Tigray Debretion ayaa baarlama anka gobolka Tigray u sheegay inay dawlada Itoobi ya ayna wali si buuxda u fulin inta badan waxyaabihii lagu heshiiyay, isagoo xusay in dhinacooda waa TPLFee ay fuliyeen heshi iskii intii badnayd.

Dhinaca kale dowladda Itoobi ya ayaa sheegtay inay wada an howlo badan oo qayb ka ah waxyaabihii lagu heshiiyay oo ay kamid tahay howlaha horumarinta sida Adeeg ga Korontada, Isgaarsiinta oo ay dowladdu sheegtay in inta badan lagaarsiiyay gobolka Tigray.

Gobolka Tigray ayaa wixii heshiiska ka dambeey ay waxaa gaaray gargaar kala duwan oo isugu jira Raashin iyo muXalayno kale oo ka kala imanayay hay'adaha gargaarka bixiya, kuwaas oo horey aysan ugu suurtagalin inay gargaar raashin gaarsiiyaan gobolka Tigray.

Bilo ka hor ayay TPLF iyo dowladda Itoobiya he shiis ay garwadeen ka ahayd Midowga Afrika ku ga areen Koonfur Afrika iyo Kenya, halkaas oo lagu kala saxiixday heshiis taariikhi ahaa oo horey aysan labada dhinac isugu iman, kaas oo soo afjaray col aad muddo labo sano ahayd ka socotay gobolka Tigray.

Wasiir Ka Tirsan Koofur Galbeed Oo Xilkii Ka Qaaday Oday Dhaqameed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guda ha, Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshii siinta Dowlad Gobole edka Koofur Galbeed Sooma aliya ayaa xilkii Mala aqnimo ka qaadey Malaaq (Oday dhaqameed) Moha med Adow Mohamed.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka ayaa lagu sheegay in Mad Eddow oo mal aaq u ah mid ka mid ah beelaha koofur Galbeed xilka looga qaaday takrifal awoodeed iyo kala qaybin uu ku sameeyay beeshiisa, wuxuuna faray beeshaas in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo doortaan mal aaq cusub., waa sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday Wasiirka.


Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka gobolka Hiiraan

Ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta ee ku sugan deegaanka Taresh ante oo dhinaca Koo nfureed magaa lada Baledweyne kaga beegan qiy aastii 27 KM ayaa waxaa isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaa sha Ururka Al-shabaaab.

Sarkaalkaan isa soo dhiibay ayaa magacii sa lagu sheegay Cabdi Xas an Ibraahin, kaasoo Al-shabaab u qaabilsana dhanka Gaadiidka kana mid ah kooxda mudo 6 sano ah.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidan ka xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamuud Xasan Ibraahin Baakaay oo ka hadlay isa soo dhiibista sarkaalkaan Shabaabka ka midka ahaa ayaa ugu baaqay kuwa la midka ah ee wali u dagaalamaya kooxda Shabaab iney fursad heystaan oo ay isa soo dhiibi karaan.

"Waxaan ugu baaqaya kuwa wali ku taagan fiki rka qaldan iney isa soo dhiibaan, waxaan u balan qa adeyna ineysan jiri doonin cid waxyeeleynaysa, wax aa hada garabkeyga midig taagan Cabdi Xasan oo go'aansaday inuu ka tanaasulo fikirkii xagjirnimada ahaa, qof walba oo fikirkiisa camal soo qaatana waa nooga sokeeyo kuwa dhuumaaleysana ee wali qory aha wata" ayuu yiri Taliye Baakaay.

Sarkaalka isa soo dhiibay Cabdi Xasan Ibraahin oo dhankiisa hadal kooban jeediy ay ayaa u mahad celiyay ciidanka dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaa nka oo uu sheegay iney si wanaagsan u soo dhaweey een, isagoona ugu baaqay kuwa la midka ahaa iney isa soo dhiibaan.

Maalmaahii dambe waxaa si weyn usoo kordha ayay saraakiisha iyo shaqsiyaadka ka tirsan kooxda Shabaab oo isku soo dhiibaya ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo ku howlan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Guddi ku taliyey in dacwad afar dambi ah lagu soo oogo Trump

Guddiga Aqalka Wakiilada Mareykanka, ee baar aya weerarkii 6-dii Janaayo 2021 lagu qaaday xar unta Congress-ka, ayaa Isniintii weydiistay dacwad-oogayaasha inay dacwado la xiriira afar dambi kusoo oogaan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Codsiga uu guddigan ay hogga amiyaan xisbiga Dimoqraadiga u diray Waaxda Cadaaladda – ka dib markii ay wareysteen in ka ba dan 1,000 marqaati furayaal ah iyo ururinta boqolaal kun oo dokumenti – ayaa ka dhigan markii ugu horr eysay taariikda ee Congress-ka dalbado in la max kamadeeyo madaxweyne hore.

Codsigan kuma qasbayo dacwad-oogayaasha in ay tallaabo qaadaan, hase yeeshee wuxuu imanaya xilli la-taliye gaar ah uu sidoo kale maamulayo laba baaritaan oo kale oo federal oo ka dhan ah Trump, kuwaas oo la xiriira isku daygii uu ku doonayo in lagu baabi’iyo natiijada doorashadii madaxweyne ee 2020, iyo inuu dokumentiyo sir ah ah ka saaray Aqal ka Cad.

Guddiga ayaa weydiistay Waxada Cadaal adda inay Trump kusoo oogto afar dambi oo suurtagal ah, kuwaas oo kala ah; carqa ladeynta tallaabooyinka ra smiga ah ee Con gress-ka, shirqoolidda qiyaameynta Marey kanka, sameynta hadallo been ah iyo caaw inta ama kicinta kacdoon.

"Kacdoonku waa diidmo ka dhan ah sharciyadda Mareykanka. Waa gef weyn oo federaal ah, oo ku qotoma dastuurka," waxaa sidaas yiri Jamie Raskin, oo xubin ka ah guddiga kana tirsan xisbiga Dimoqr aadiga.

Waaxda Cadaaladda ayaa diiday inay arrintan ka hadasho.

Dhinaca kale, Donald Trump ayaa guddiga ku eede eyey "eedeyn been abuur ah” taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay isku day la doonayo in looga hor-istaago inuu mar kale isku sharxo xilka madaxweyne.

"Dacwooyinka been abuurka ah ee ay sameeye en guddiga aan la dooran ee halka dhinac ah ee 6-dii Janaayo mar hore ayaa la gudbiyay, dacwad lasoo oogay sidoo kalena maxkamdeyn la sameeyey, wax ayna aheyd Impeachment Hoax #2 [mooshinkii xil-ka-xayuubin ee Aqalka Wakiilada]," Trump ayaa sid aas ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social. "Waxaan uga guuleystay si muuqata."

"Ganacsigan oo dhan ee dacwad igu soo oogi sta ah, wuxuu la mid yahay mooshinkii xil-ka-xayuubi nta -- isku daygaas oo hal dhinac-ahaa oo la doonay ey in aniga iyo xisbiga Jamhuuriga na lagu curyaami yo,” ayuu yiri.REUTERS, AFP

Eedaysanayaal Loo Haysto Ka Ganacsiga Maan dooriyaha Oo Xukun Lagu Riday

Maxkamdada Ciidamada Puntland ee Puntland u qaabilsan Gobolada Sool iyo Nugaal ayaa Xukun ku ridday Eedaysana yaal loo soo xiray inay ka ganacs iga Maand ooriyaha,kuwaasi oo horay ay Ciidanku ammaanku gcanta kusoo dhig een.

Maxkamadda oo Shalay xu kun rasmi ah ka soo saartay kii ska askar ku eedaysan ka ganacsiga Khamriga ayaa ku ridday xuku nno kala duwan

Shakhsiyaadka eedeysanayaasha ah ayaa waxaa ka mid ahaa rag ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo baxsad ku maqan kadib markii gaariga laga qabtay, waxaana Maxkamaddu ay sheegtay in ay ka ganacsanayeen maandooriyaha Khamriga.

Waxaana sidoo kale Maxkamadda la hor-keenay gaari NOAH ah oo ay ku raran yihiin 54 dhalo oo kha mri ah, taasi oo Ciidamada amamanka ay soo qab teen, xili la doonayay in la siaga kala gudbiyo dega aanada Maaamulka Puntland.

Maxkamadda ciidamada ayaa min shan sano oo xabsi ah iyo $2000 kun oo ganaax ah ku xukuntay dhammaan eedaysanayaasha maqan waxaana ay sheegtay in xukunkoodu ka bilaaban doono maalinta la qabto.

Sidoo kale Gaariga Khamriga lagu soo qabtay waxaa ay maxkamaddu u xukuntay DowLad Gobole edka Puntland, waxaana la wareegaya maamulka, halka dhalooyinka khamrigana la burburiyay.

Degaaanda Dowlad Goboleedka Puntland inta badan waxaa lagu soo qabtaa ganacsato iyo mas’uuliyiin ku lug leh ka ganacsiga maandooriyaha, iyadoo Ciidan ka ammaanka Howgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ay kusoo qabteen khamri aad u farabadan oo la do onayay in degaan ada maamulkaasi la isaga kala gudbiyo.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degm da Doo low oo deg deg looga qaaday

Waxaa isbedel lagu sameeyay Ciidamada Itoob iya ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATM IS, kuwaas oo ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow Soom aal iya ee gobolka Gedo. Ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa Itoobiya ayaa lagu warejiyay Garo onka Doo loow halka dalkooda dib loogu celiyay kuwii horay u joogay, wax aana munaasabadda lagu bedel ayay Ciidamada ku sugnaa Taliy aha nabads ugida Gobolka Gedo dha waan loo Magacaabay ee Janeraal Jamaal Xasan Sareey.

Taliyaha ayaa Ciidamada ka ga mahad celiyey si da ay uga qe yb qaateen amniga Garoonka, isagoona kuwa cusub ku soo dhaweeyey Degmada sheegayna in si weyn ay uga qeyb qaataan Ammaanka guud ee Garoonka iyo Degmada intaba.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wadash aqyen dhow wada yeelan doonaan Ciidamada Itoob iya iyo kuwa Nabadsugida Gobolka Gedo si amniga guud ee Gobolka looga wada Shaqeeyo sidoo kal ena loola dagaalamo Al-Shabaab.

Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay siweyn loga dareemayay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed kadib markii ay halk aasi tage en Wasiirkii hore ee Amniga Jbbaland Cab d irashiid Xasan Cabdinuur ( Janan) iyo Sanoter Far taag oo kamid ah Xidhibaa nnada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soo maaliya.

Maxbuus Falastiini oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Israel

Dagaalame Falastiini ah oo lagu magacaabi jirey Naasir Abu Xamiid ayaa la xaqiijiyey inuu Shalayto oo Talaado ah geeriy ooday.

Marxuumka oo 50 jir ahaa, kana soo jeeda Xerada Qaxootiga ee Al-amcari ee ka tirsan magaallada Ramalah ee Daanta Gal be ed ee Dhulka Reer Falastiin ayaa la sheegay inuu Shalay ku geeriyoo day Isbitaalka Asaaf Horofiya.

Qoraal ka soo baxay Xarakada Al-Fatax ee Reer Fal astiin (Alfatah Movement) ayaa lagu sheegay in si ku-talagal ah loo dilay Maxbuuska, iyadoo dilkaasi qeyb ka yahay Siyaasadda "Dilka Daaweynta”.

Xarakada Al-Fatax waxay ku baaqday Dibadbax Guud oo hal maalin ah oo ka dhici doona Deegaana da Daanta Galbeed oo ay ku jirto magaallada Qudd us-ta La-haysto, si loogu muujiyo inay dadka Reer Falastiin kaa soo horjeedaan dilkaasi.

Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim iyo RW Maxamed Shitayyeh waxay ka tacsideey een Geerida Maxbuus Naasir Abu Xamiid.

Marxuumka oo maxbuus u ahaa Israel waxaa la sheegay inuu Cuddurka KansarkaSambabada ( lung cancer) la il-darnaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxayna xaalladiisa ka sii dartay bishii Aug ust ee sanadkii hore ee 2021-kii.

Guddiga Arrimaha Maxaabiista Falastiin (The Pale stinian Prisoners’ Affairs Commis sion) waxay sheegeen inuu Marxuumka xaallad miyir-beel (coma) ku jirey muddo muddo 2 cisho ah, ka hor inta aan Dorraad oo Isniin ahayd laga wareejinin Rug Caafi ma ad oo ku dhex taalla Xabsigii uu ku xir naa ee Ramle.

Dhanka kale, Marxuumka Hooyadiisa iyo Walaal kiisa ayaa Habeen hore loo oggolaaday inay ku booqdaan Isbitaalka, ka hor inta uusan Waaberigii hore we Shalay geeriyoonin, iyadoo ay Hay’adda Laanqeyrta ee Red Cross faragelin ku samaysay si ay Qoyskaasi u arkaan maxbuuska.

Si kastaba ha ahaayeen, Xabsiyada Israel wax aa ku xiran 600 Maxaabiis Reer Falastiin oo wada xanuunsan, iyadoo ay 24 ka mid ah la il daran yihiin Cuddurada Kansarka iyo Burooyin heerar kala duw an leh (tumors of various degrees).

Sweden Oo Turkiga Ka Diiday Inay U Gacan Galiso Wariye Eedeysane Ah

Maxkamadda Sare ee dalka Sweden ayaa jooj isay in dalka Turkiga loo gacan galiyo weriye Turki ah oo lagu eedeeyey in uu ku lug lahaa isku daygii af gambi ee ka dhacay Turkiga sanadkii 2016kii.

War ay soo saaraty maxkamad da ayaa lagu sheeg ay in tallaaba daas la joojiyey iyadoo sabab loo ga dhigay in dambiyada lagu soo eedeyey Bülent Kenes ay ahaayeen kuwo siyaasa deed uuna ninkaas haysto aqqoonsi qaxootinimo oo dalka Sweden ah.

Turkiga ayaa ku hanjabayey in uu Sweden ka horj oogsan doono in ay ku biirto NATO isagoo ku eede ynaya waxa ay ku tilShalayy ururo argagixiso

Kenes ayaa tafaftire ka ahaa wargeys afka Ingiriis ku soo baxa oo la yiraahdo Zamana oo ay albaabada isugu dhufatay dowaldda Turkigaka dib afgambigii dhicisoobay .

MAXAY KA MACNO TAHAY MARADA MADOW EE LOO XIRAY MESSI EE MURANKA DHALISAY?

Messi oo loo xirayo marada ama khamiiska Ma dow Messi oo riyadii 36-da sano ee Argentina rume eyay sidoo kale ciyaartii uu soo bandhigayna ay noqotay mid kheyral caadi ah. Hadal hayn badan ay uu dhaliyay, gaar ahaan markii loo xiray marada madow ee xafladdii abaalmarinta.

Messi ayaa gool dhaliyay wareeg kasta oo ka mid ahaa koobka adduunka, sida wareegga guruuby ada, wareega 16-ka, rubuc dhammaadka, semi-finalka iyo finalka.

Messi ayaa koobka aduunka dhaliyay 13 gool wa xa uu sidoo kale caawiyay 8 gool. Goolkii uu dhaliyay daqiiqaddii 98-aad ayaa ahaa mid laga sheekeyn doono.

Messi oo ku guuleystay koobab badan oo kuba dda cagta ah ayaa Argentina u qaadi waayay koobka adduunka muddo dheer.

Ciyaarta ayaa waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay 2-2. Ka dib markii waqtiga dheeriga ah lagu darayna barbaro 3-3 ah ayay ku soo idlaatay. Xulka Argentina ayaa ugu dambeyntii ku badiyay 4-2 oo rigooreyaal.

Wuxuu noqday halyeeygii habeenka taariikhiga ah ee ku guuleystay Koobka Adduunka. Waa nin ay xusuusan doonaan jiilasha soo socda ee reer Argentine.

Messi waa ciyaartoy isku darsaday maareyn caqli ku dhisan iyo xirfad heer sare ah marka loo ba rbardhigo ciyaartoy kasta oo haatan dunida ka ciyaara.

Waa 35 jir karti badan oo deggan isla markaana aan cadaadis dareemin, wuxuuna Argentina ku hoggaa miyay inay qaadaan Koobkan ay muddada dheer sugayeen.

Wuxuu noqday ciyaartoyga ugu safashada bad an Koobka Adduunka, isagoo kasoo muuqday 26 kulan.

Wuxuu haatan jebiyay rikoorkii Diego Maradona maa ddaama sanado la lahaa Messi ma wuxuu awoodi waayay in uu dalkiisa u qaado Koobka Adduunka?

Ka dib guushii Argentina kaamirada waxaa lagu aadd iyay wajiga Messi. Waxaa la arkayay isagoo indhisi isa oo ay ilmo ka qulquleyso. Taageerayaasha Arge ntina ee garoonka ku sugnaa magaciisa ayay ku dhawaaqayeen. Messi ayaa marxabbeeyay ciyaartoo yda qarankiisa guusha ka dib.

Laba jeer ayuu ka soo muuqday masraxa markii abaalmarinta la bixinayay. Marada madow ee uu xir naa markii uu koobka qaadayay ayaa waxay dhalisay hadal hayan ballaaran.

Markii koowaad ee uu masraxa fuulayay waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Kubadda Dahabka taas oo la siiyo ciyaayahanka ugu fiican tartanka.

Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo u dhashay dalka Qatar ayaa ka dib markii uu guddoonsiiyay bila dda waxa uu guddoonsiiyay Messi khamiis madow. Dharkan ayaa dood ka dhaliyay baraha bulshada.

Aynu si sax ah u fahanno waxa uu lebiskani yahay iyo waxa loo yaqaan.

Maxay tahay marada madow ee loo yaqaan bisht?

Messi iyo ciyaartooyda kale oo dabbaal degaya

Hassan Al Thawadi, oo ah xoghayaha guud ee gu ddiga qabanqaabada tartanka Qadar, ayaa BBC Spo rts u sheegay in uu yahay dhar xafladeed oo rasmi ah. Waxaa labiskaan loo siiyay ka qeyb qaadashada guusha ee Messi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, "Koobka Adduunka sanadkan waa dhankeenna waxa uuna isku xirayaa dalalka Carabta iyo dhaqanka Muslimka iyo caalamka. Dharkan la siiyay Messi ma aha oo kal iya astaanta Qadar laakiin sidoo kale waxay astaan ​​​​u tahay munaasabad Koobka Adduunka laga soo aba abulay goobtan."

Dharka la siiyay Messi waxaa sidoo kale loo yaq aan Bisht. Waa lebbiska dhaqanka ee dalalka Carab ta. Dharkan waxaa la xirtaa oo kaliya waqtiyo gaar ah.

Laakiin markii Messi la siiyay dharkaan oo uu xirtay ma uusan garaneynin sida loo xirto. Sheikh Ta mim bin Hamad ayaa ka caawiyay Messi xirashada marada madow. Messi ayaa markaas u soo dhaq aaqay dhanka kooxda isagoo koobka wata, ka dibna waxa uu bilaabay inuu kor u qaado.

Dadka baraha bulshada isticmaala maxay ka yirahd een marada Madow?

Jonny Ward oo u dhashay dalka Ireland oo wax ku qora baraha bulshada ayaa qoray in dharka ma dow ay qariyeen funaanadda caanka ah ee Messi ee lambar tobanka ah ee Argentina.

"Riyada Messi waxay ahayd inuu qaado koobka. Shawik Banerjee ayaa qoray inay hubaal tahay in dharka madow aysan ku jirin riyooyinkiisa.

Baluma ayaa isagana qoray in dharka madow uu dhacay Messi waqtigan.

Qof kale oo magaciisa lagu sheegay BDM ayaa qo ray inuu doonayo sawirka Messi oo ku jira funa anadda Argentina oo aan lahayn shaadhka madow.

Adi Shah ayaa qoray ma jiraa qof tirtiri kara dharka madow?

Rob Wegner ayaa Twitter-ka ku soo qoray, "Mes si waxa lagu qasbay in uu xirto maro madoow waq tigii ugu wacnaa ee xirfaddiisa ciyaareed. Hoggaam iyayaasha siyaasadda, madaxada dhaqanka waa in aan lagu martiqaadin xafladda abaalmarinta ee ciya araha ka dib.

Dadka qaar ayaa xitaa ku ammaanay Messi inuu oggolaaday inuu xirto marada bisht-ka. Waxaa jiray qoraallo badan oo dhanka Twitter-ka ah ayaa tibaax ayay in aan loogu talagalin in Messi inuu xirto bisht, laakiin qofna ma qorin arrinta goolhayaha Argentina Amy Martinez ee weerarka cad ahayd.

Qof kale baraha bulshada isticmaala oo lagu magacaabo Mohammad Muthir Ali ayaa qoray in Qatar ay Messi ku maamuustay Bisht-marada. Laak iin qaar ka mid ah saxafiyiinta reer galbeedka ayaa u arkayay dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu wiiqayo Qadar. XIGASHO:-BBC.


SHAN FAA’IIDO UU MARAQU U LEEYAHAY

 CAAFIMAADKA?


Maraqa ayaa ah mid caan ka ah maqaayadaha iyo xaafadaha Soomaalida, wuxuu ka mid yahay cuntooyinka maalinlaha ah.

Maraqa waxaa inta badan laga sa meeyay lafaha ama hilib si fiican loo kariyay gaar ahaan kuwa lo'da , ariga, digaagga ama idaha.

Soomaalida qaar maraqa waxay u adeegsadaan caa fimaad ahaan gaar ahaan marka uu qofku hergebka ku dhaco.

<



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip