HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 19-KA DICEMBAR 2022-KA

0
Monday December 19, 2022 - 08:53:24 in Wararka by
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 19-KA DICEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safar kiisii Labaad Ku Tagay Dalka Qatar.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran uu hog gaaminayo ayaa gaaray magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaasoo si weyn loogu soo dhaw eeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu ca suumay daawashada ciyaarta kama dnabe ysta koobka Adduunka ee Habeen hore wada ciya arayaan xulalka Argentina iyo France, iyadoo madax kala duwan ay dowladda Qatar casuuntay.

Madaxweynaha ayaa la filayaa sidoo kale inuu la kulmo madaxda Qatar iyo kuwa dalalka kale ka socda, isagoo kala hadli doona dagaalka ka dhan ka ah kooxda Al-Shabaab ee dowladiisa hormu udka u tahay.

Si kastaba, waa safarkii labaad uu madaxwe yne Xasan ku tago dalkaasi Qatar tan iyo markii 15-kii May loo doortay xilka madaxtinimo ee Soo maaliya, waxaana mudooyinka soo hagaagaya xiriirka xukuumadaha Doxa iyo Muqdisho.

Madaxweyne Xasan ayaa ka soo duulay dalka Mareykanka, halkaasoo uu uga soo qeyb galay shirka Afrika iyo Mareykanka, isagoo kulan gaar ahna la soo qaatay madaxweyne Joe Biden. Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii labaad ku tagay dalka Qatar

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhig tay Nabaddoon katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Shalay degaanka Furqaan oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ay kusoo bandhigtay Xubin katirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ninka oo lagu Magacaabo Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Nabadoonadii la shaqeyn jiray Al-Shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa de egaanka Guulane ayaa la soo xiriiray Saraakiisha degaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo ugu dam beyn soo dhaweeyay.

Goobta Shalay lagu soo bandhigay isisoo dhii be Saciid, waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Bool iska HirShabelle Col. Xasan Dhicisow, saraakiil kale iyo Agaasimaha waaxda cansuuraha ee wa saaradda Maaliyadda Soomaaliya Muxudiin Xasan Juris.

Saciid Xuseen Raage ayaa sheegay in muddo badan uu la shaqeynayay Al-Shababa, balse ha dda uu isaga soo tegay kadib markii uu arkay inay dhibaateeynayan Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Xubnaha kale ee weli ka tirsan Al-Shabaab inay isaga soo taga an oo ay kusoo biiraan dowladda Soomaaliya si la mid ah sida uu uga soo tegay Al-Shabaab.

Degaannada katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyada oo Ciida mada dow ladda Soomaaliya ay la wareegeen degaano ay gacanta kuhayeen Al-Shabaab.

Raysal Wasaare Barre oo ku dhawaaqay dag aal ka dhan ah musuq-maasuqa

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka, Xamse Cabdi Barre ayaa Shalay Mag aalada Muqdisho kaga dhawa aqay in xuku umaddiisu ay bilaabi doonto dagaal ka dhan ah musuq-maasuga ragaadiyay dal ka.

Raysal Wasaaraha oo ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa, ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa caddeeyay in xukuuma ddu ay bilaabeyso kacdoon lagula dagaalayo mu suq-maasuqa, si sare loogu qaado hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

Raysal Wasaaraha ayaa tibaaxay in musuq-maasuqu uu yahay cudurada ugu xun ee ku dh aca bulshada iyo dowladnimada, kaas oo sababa horumar la’aan dhaqale, inaan laga faa’iideysan khayraadka dalka, inuu hoos u dhaco dakhligii dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha, inay hoos u dhacdo sumcadda qaranka, in bulshadu aamini weyso dowladda, in dadka aqoonta & kartida leh ay waayaan fursad ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo inuu bulshada kala fogeeyo, uuna abuuro dabaqado kala sarreeya.

Raysal Wasaare Barre oo sheegay in Xukuu madda DanQaran ay ka go’antahay ciribtirka mus uq-maasuqa ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo dowladda oo wadajira ay la dagaalaan, oo dhaqan musuq naceyb ah busl ada laga dhex abuuro, maadaama toosinta nida amka dowliga ah keliya uusan ku filneyn la daga alnka musuqa.

Md.Barre ayaa hoosta ka xariiqay in uusan jirin cadow ka weyn musuq-maasuqa oo dalkeenna haysto, marka laga reebo kooxaha argagixisada, sidaa darteed xukuumadda ay dagaalka kula jirto argagixisada ku xijin doonto kacdoon iyo dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa dalka ragaadiyay.

Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ansixiy ay miisaaniyadda 2023

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Shalay shir guddo omiyay Shirka Golaha Wasiirada, oo ka qabso omay Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Mag aalada Jowhar.Madaxweynaha ayaa Golih iisa Wasiirada uga warbixiyay hawlgalada ka socda deegaanada Hirshabelle iyo socdaalkii uu dhaw aan ku soo kala bixiyay deegaano ka mida Gobol ada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa hay’ adaha maamulka faray in adeegyada aasaasiga ah la gaarsiiyo dhu lka laga xoreyay kooxaha ar gagixisada.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa cod gacant aag ah ku meelmariyay miisaan iyadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee sanadka soo socda (2023) oo dhan 24,957, 853.70 oo dollar.

Miisaaniyadda 2023 ayaa dhaqangeli doon to marka ay codka kalsoonida siiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka, Madaxwey nuhuna uu saxiixo.

Galmudug oo soo qabatay macallin dug si qur' aan oo ku eedeysan kufsiga sadd ex gabdhood oo carruur ah

Ciidamada Booliiska ee Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay Shuceyb Cabdi Maxamed oo 27 jir ah oo ah macallin dugsi qur'aan, kaasoo lagu soo oogay inuu kufs aday 3 gabdhood oo da’ doodu kala tahay 9 iyo 7 sano jir.

Taliye ku xigeenka ciidan ka Booliiska Soomaaliya, Gen. Sakiye Xuseen ay aa warkaan ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay bar teeda Twitterka, iyadoo sheegtay inay sha cabku ka qeyb qaateen soo qabashada eedeysanaha.

"Iyadoo la kaashanayo shacabka Soomaali yeed Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay ka dhabayn karaan ballanqaad kooda ku aaddan ilaal inta nolosha iyo ilaa linta sharciga,” ayay tiri Gen. Sakiye Xuseen.

Dhacdadan kufsiga ah ee lagu eedeeyay macal lin dugsi qur'aanka ka dhigayay mag aalada Dhuu somareeb, ayaa dad bad an aad uga argagaxeen, waxaana dhacdadan noqotay mid hadal hayn ka dhalisay Dhuusomareeb.

Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa soo badan ayay kiisaska kufsiyada nuucaan oo kale ah. La ma oga waxa ka dambeeya in macalin dugsi qur’ aan uu kufsi kula kaco ardayda uu waxbarayo.

Puntland oo kamid ah meelaha ay kiisask an oo kale ka dhacaan ayaa dhawaan wasaaraddo oda haweenka waxay shee gtay inay ka fikirayso in gabadha loo sam eeyo digsiyo u gaar ah oo ay dumar macal limiin ka yihiin.

Midowga Musharaxiinta Koofur Galbeed oo soo saaray bayaan ka dhan ah Lafta-Gareen

Midowga Musharaxiinta Koofur Galbeed oo soo saaray bayaan ka dhan ah Lafta-Gar een Gol aha Midowga Musharixiinta Mada xwenaha ee Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay warmurti yeedkii ay soo saareen guddoomiye Aadan Mad oobe iyo Madax weyne Lafta-gareen, kaasoo ka hadlayay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta Koon fur Galbeed.

Golaha Midowga Mu sharixiinta ayaa wars axaafadeed ay soo saa reen waxay ku sheege en in madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen uu mu dd o-xileedkiisu dhamaaday, islamarkaasna uusan haysan wax sharciyad ah wixii ka dambeeya 19ka Disember 2022.

Midowga musharaxiintu waxay sheege en in aanan lagala tashanin war muriyee dka kasoo baxay Aadan Madoobe iyo Lafta Gareen. Waxay kaloo sheegeen inuu fashilmay gogoshii dib-u-hes hiisinta ee ay so dhoweeyeen dhamaan ururada bulsha da, wax-garadka ka soo jeeda KGS, Wasa radda Arimaha Gudaha iyo beesha caalamka.

Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu weli wado cago juglayn ka dhan ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda, iyagoo sheegay inuu u diiday inay kasoo dagaan magaalada Baydhabo.

Maraykanka oo sheegay inay laba du qaymood lala beegsaday maleeshiy aad ka tirsan ururka Al-Shabaab nawaaxiga Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay laba duqaymood lala beegsaday maleeshiyaad katirsan ururka Al-Shabaab nawaaxiga Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska milatariga ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaymuhu kala dhaceen 14-kii iyo 17-kii bishan Diisambar, laguna kala dilay isugayn 15 maleeshiyaad ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM waxay sheegtay in duqaymahan ay ahaayeen kuwo is-difaacid ah, ayna dhaceen kadib markii codsi uu ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya.

AFRICOM waxay sheegtay in qiimayntu ay muujinayso inaan dad rayid ah aysan ku dhiman kuna dhaawacmin duqaymahan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qor sheyn ta Puntland oo la reyay + Sababta

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee maam ulka Puntland, Maxamed Saciid Maxamed (Far oole) ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, kadib warq ad uu soo saaray Sabtidii oo ay ah eyd 17-ka December.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Agaas imaha Wasaaradda Qorsheynta Sha rmaa’ake Xasan Cali inuu sameeyay ku takrifal iyo musuq-maasuq, isagoo amray in baaris lagu sameeyo.

"Laga bilaabo 17-ka December, waxaa shaqa dii laga joojiyay Sharmarke Xasan Cali, Agaasim aha Guud ee Wasaar adda Qorsheynta Horumar inta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalam iga ah, si baaris loogu sameeyo,” ayaaa lagu yiri warqadda shaqo joojinta.

Sidoo kale waxaa la hakiyay dhammaan kootoo yinka bangiyada u furan Wasaaradda Qorsheynta Puntland, inta uu socdo baaritaanka.

Wasiir Maxamed Saciid ayaa sidoo kale ka dalb aday Hantidhowraha Puntland inuu dabagal ku sa meeyo guud ahaan Wasaaradda Qorsheyna, si loo qaado tallaabada ugu haboon.

"Xafiiska Hantidhowrka guud ee dowladda Pun tland waxaa lagu wargelinayaa in baaris maaliya deed iyo maamul lagu sameeyo Wasaaradda Qor sheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka Wasiir Maxamed Saciid.

Go’aankan shaqo joojinta ayaa lagu wargeliy ay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeen kiisa, si da ku cad warqadda oo ku taariikheysay 17-ka December oo ay ku beegneyd Dorraad.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka ee HirSha belle oo xukun adag ku riday nin dhalinyaro ah oo fal dil iyo kufsi isugu jiray gabar da’yar ugu geystay duleedka Magaalada Jowhar

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ee maamulka HirShabelle ayaa Shalay x ukun adag ku riday nin dhalinyaro ah oo fal dil iyo k fsi isugu jiray gabar da’yar ugu geystay duleedka magaalada Jowhar.

Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Daahir Cali ayaa xeer ilaalinta maxkamadda ciidama da ku heshay in dil bareer ah iyo kufsi u geystay Caasho Cabdullaahi Maxamed oo aheyd 17-sanno jir ku nooleyd deegaan dhaca duleedka Jowhar.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad, Gaashaanle Maxamed Aamiin Aadan ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda ay ninkaan ku xukuntay dil toogasho, oo ah qisaasta Caasho Cabdullaahi.

Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay ninkaan Shalay la maxkamadeeyay inay gacanta kusoo dhigaan xilli uu baxsad ku jiray, waxayna kiiskaan ku wareejiyeen maxkamadda CQS oo ugu dam beyn xukun ku riday gacan ku dhiiglaha.

15-kii bishaan ayey aheyd markii u horeysay ee maxkamadda ay u fariisatay dhageysiga dacwa daan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soo maaliya ayaa inta badan waxay xukuno kala du wan ku ridaa rag loo haysto inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ama Daacish oo ay geysteen dilal iyo qaraxyo, balse waxaa aad u yar dad loo maxkam adeeyay inay kufsi iyo dil ay geysteen.

Ruushka oo sheegay in fannaaniin ay geyn doonaan jiidda hore ee dagaalka ay ka wadaan Ukraine, si ay u dhiirri geliyaan ciidanka.

Ruushka ayaa sheegay in fannaaniin ay geyn doo naan jiidda hore ee dagaalka ay ka wadaan Ukr aine, si ay u dhiirri geliyaan ciidanka.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa ku dhaw aaqday diyaarinta kooxda hore ee toddobaadkan bax aysa, iyadoo sheegtay in ay ka koobnaan doonaan fannaaniin iyo muusig-giis teyaal.

Dhanka kale, wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa booqday ciidam ada jiidda hore ee Ukraine.

Hase yeeshee waxay su’aal la galiyay in guut ada cusubi ay dhab ahaantii mashquulin doonto ciidamada, kuwaas oo ugu horayn ka walaacsan aa heerka khasaaraha aadka u sarreeya, hoggaan xumada, dhibaatooyinka mushaarka, qalab la’aan ta, rasaas la’aanta, iyo caddayn la’aanta ujeedoo yinka dagaalka.

Dhanka kale, dagaal xooggan ayaa ka socda agagaarka magaalada Bakhmut ee bariga Donbas Sabtidii, sida ay sheegeen shaqaalaha guud ee Ukraine.

Deegaankan ayaa waxaa muddo bilo ah ka socday dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Ukraine iyo Ruushka, iyadoo Ruushku uu doona yo inuu sii haysto dhulkaas kaddib guul darrooyin is daba joog ah oo ka dhacay bariga Ukraine hor raantii sannadkan.

Moscow ayaa rajaynaysa in ay magaaladaas ka dhigto goob laga soo abaabulo weerarrada ay ku qaadeyso magaalooyinka Kramatorsk iyo Slov insk ee ay Ukraine gacanta ku hayso.

Moscow ayaa riday 76 gantaal maalintii jim caha, iyaga oo garaacay sagaal xarumood oo ko rontada laga dhaliyo, waxaana inta badan Ukraine ay gashay xaalado mugdi ah

Bangiga Adduunka oo Soomaaliya u saxiixay Mallaayiin Dollar

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in uu ansix iyay 70 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loo gu talagalay deeqaha Urur ka Horumarinta Caalami ga ah (IDA) si loogu hor umariyo adeegyada biya ha adkeysiga leh, beera ha, iyo deegaanka ee bul shooyinka miyiga ah ee ku nool dhulka engegan ee Soomaaliya.

Mashruuca u adkeysiga biyaha Soomaaliya ee loo yaqaan "Barwa aqo” oo lagu dhisayo mashru uca Biyoole, ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay wajaheyso abaaro dhowr ah oo aan horay loo arag, isla markaana ay ka sii dar eyso cunno yari.

Khabiir sare oo ku takhasusay Biyo-bixinta iyo Fayadhowrka ee Baanka Adduunka Chantal Ri chey ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu is ku dari doono la qabsiga isbeddelka cimilada iyo tallaabooyinka lagu yareynayo isla markaana uu taageerayo xoojinta maareynta kheyraadka dabii ciga ah.

"Tani waxaa ka mid ah goosashada biyaha iyo kaydinta, ilaalinta ciidda, dhirta, iyo dib u soo celi nta dhul daaqsimeedka agagaarka meelaha biya ha si tartiib tartiib ah ‘cagaaran’ dhul engegan,” Richey ayaa laga soo xigtay hadal uu soo saaray fiidnimadii Khamiista.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan lagu ballaarin doono adeegyada Somaliland, Pu ntland, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed iyadoo la gu kordhin doono laba dowlad Goboleed oo dheeri ah oo ka tirsan dowladda federaalka ah, Hirsha beelle iyo Jubbaland, iyadoo mashruucan diiradda lagu saari doono deegaannada ka fog fatahaada ha Shabeelle iyo webiyada Jubba.

Waxa ay sheegtay in mashruucani uu biyo siin doono 500,000 oo qof, oo u dhiganta ku dhawaad 15 boqolkiiba dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda helaya adeegyo kooban iyo biyo aan hag aagsanayn.

Kristina Svensson, maamulaha Bangiga Add uunka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in mas hruuca Barwaaqo uu ka taageerayo bulshada si ay u dhistaan adkeysi iyo la qabsiga isbeddelka cimilada iyada oo la wanaajinayo helitaanka kheyraadka biyaha ee jawiga qalalan.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in caqaba daha deegaanka, oo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada sannadihii la soo dhaafay, ay gacan ka geysteen xaalufinta in ka badan rubuc ka mid ah gayiga Soomaaliya, taas oo ay weheliso xaalufka iyo luminta ciidda, hab-nololeedyada miyiga ayaa khatar ku jira.

Maamulka Koonfur Galbeed oo in hub lagu dhex qaato ka mamnuucay Baydhabo

Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koo nfur Galbeed ayaa soo saartay amar la xiriira in hub si sharci darro ah loogu dhex qaato Magaa lada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, xilli muddo xileedkii Afarta sano ahaa uu ka dhamdaay Madaxwe yne cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen)

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga Maamulka Koonur

Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo laga duulayo nabadgel yada iyo xasiloonida Shacabka kunool Magaalada Baydhabo in Wasaaraddu amar buuxo ku siineyso Hay’adaha Amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan qof walba oo ka tallaabsada awaamiirta soo socota.

Hoos Ka Akhriso Awaamiirta kasoo baxdayWasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.


Madaxweynaha Uganda oo qaaday dha mmaan xayiraadihii la xiriiray cudurka Ebola

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ay aa Sabtidii qaaday dhammaan xannibaadaha la xi riira xanuunka Ebola, isagoo sheegay in dalka ku yaalla Bariga Afrika uu horumar ka sameeyay xa kameynta cudurka dilaaga ah.

Museveni ayaa mee sha ka saaray xayira addii lagu soo rogay halkii xuddunta u ah ey cudurka ee degm ada Mubende, kaa soo laga diiwaan geli yay 66 xaaladood iyo 29 dhimasho ah, iyo gobolka Kassanda oo laga helay 49 xaaladood iyo 21 dhimasho ah.

"Hadda, ma jiro wax la kala qaado, ma jiro xiriir la socda, ma jiro bukaan ku jira xarumaha karant iilka,” ayuu Museveni ku yiri hadal uu soo saaray.

Bishii Oktoobar, xukuumadda Kampala ayaa soo rogtay xannibaadyo dhanka safarka ah iyo bandow habeenkii ah, waxayna sidoo kale xirtay goobaha cibaadada iyo madadaalada.

Horaantii bishan, Uganda waxay sheegtay inay ka soo saartay xarumaha caafimaadka bukaankii ugu dambeeyay ee Ebola.

Kuuriyada Waqooyi oo laba gantaal ku ridday meel ka baxsan xeebaha bari ee gacanka Kuuriya

Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal oo balli stic ah ku ridday dhanka badda meel ka baxsan xeebaha bari ee gacanka Ku uriya, sida ay shee geen saraakiisha Kuuriy ada Koonfureed iyo Japan.

Madaxa isku dhafka shaqaala ha ee Kuuriy ada Koonfureed ayaa sheegay in diyaara du hu ay ka soo duuleen aagga waqooyi-galbeed ee Tongchang-ri subaxnimadii Axadda.

Waxa ay sheegtay in gantaalada laga tuuray dhanka biyaha Kuuriyada Waqooyi, waxaana la soo riday wax ku dhow 50 daqiiqo, balse ma aysan bixin faah faahin dheeri ah.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa sidoo kale xaqiijiyay riditaanka gantaalkii ugu horreeyay.

Warbaahinta Japan ee ayaa sheegtay in ay ku degtay meel ka baxsan aagga dhaqaalaha gaarka ah ee dalka , iyada oo soo xiganaysa saraakiil dawladeed oo aan la magacaabin.

Qareen Falastiini Ah Oo Laga Musaafuriyay Israa’iil.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Israa’iil ayaa sheegtay in ay dalkeeda ka musaafurisay qareen falastiini-faransiis ah oo u doodayay xuquuqda aadanaha, kaddib markii ay ku eedaysay inuu halis ku ya hay ammaanka.

Salah Hamouri, oo 37 jir ah, ayaa subaxnimadii hore ee Axadda ay booliisku ku dareen diyaarad ku socotay Faransiiska, sida ay wasaaraddu sheegtay.

Ninkan oo horraan ku noolaa magaalada Qud dus, ayaa laga xayuubiyay xuquuqdii degena anshiyaha kaddib markii ay saraakiishu ku eede eyeen inuu ka tirsan yahay urur argagixiso.

Mr Hamouri ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, kooxaha u dooda xuquuqda ayaa cambaareeyay tallaabada israa’iil.

Hase yeeshee war qoraal ah oo ay soo saar tay wasaaradda arrimaha gudaha ayey ku she egtay in Mr Hamouri uu abaabulayay oo uu qorsheeyey weeraro argagixiso oo ka dhan ah muwaadiniinta iyo Israa’iiliyiinta caanka ah. Mr Hamouri waxa uu dhalashada Faransiiska ka helay dhinaca hooyadiis.

Waxa uu u shaqeeyaa Addameer, oo ah hay’ad Falastiiniyiin ah oo maxaabiista ka caawisa dhin aca sharciga iyo xuquuqda oo ay wasaaradda dif aaca Israa’iil u magacawday urur argagixiso bishii Oktoobar 2021 isaga iyo shan urur oo kale oo bulshada rayidka ah ee Falastiiniyiinta.

Bishii Maarso, Mr Hammouri ayaa la xiray, waxaana taliyaha ciidamada Israa’iil ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto uu amray in xabsiga lagu sii hayo iyadoon wax dambi ah lagu soo oogin ama la maxkamadeyn muddo saddex bilood ah taasoo loo marayo waxa loo yaqaanno xarig maamul.

Kadib afar bilood oo uu xirnaa Mr Hammouri ayaa warqad u qoray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo uu kaga codsanayo in la caawiyo.

Ka dib waxaa loo saaray inuu yahay maxbuus khatar sare leh waxaana loo gudbiyay xabsi amm aankiisu sarreeyo oo ku yaal bartamaha Israa’iil.

Dabayaaqadii Sebtembar, waxa uu bilaabay cunto-joojin si uu uga mudaaharaado xariggiisa maamul.

Amnesty International ayaa dhaleecaysay mas aafurintiisa waxayna sheegtay in uu waqti badan ku bixinayo shaqadiisa qareenimo ee u adeegidda Falastiiniyiinta.

MUXUU WABAR CABDILLE KU MUTEYSTAY BILADDA LAGU GUDDOON SIIYAY MUNAASA BADDA HEERKE EDU SARREEYO?

Wabarka oo biladda la guddoon siinayo

Madaxweynaha Dawlad degaanka Soomaalida Itoobbiya Mudane Mustafe Muxumed cumar ayaa bilad sharafeed nabadeed guddoonsiiyay wabar Cabdile wabar Cabdi oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka soomaaliyeed.

Munaasabadda Biladdan oo uu horay ugu hibe eyay wabarka Madaxweynihii hore ee kenya Uhu ro kenyata ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo geeska ah, dadkaas ayaa ka koobnaa madax dhaqameed iyo madax dawladeedba.

Maxay tahay sababta intaan loo sugayay in biladda la guddoon siiyayo wabarka maddaamaa 2019-kii la bixiyay?

Macalin Cumar macalin oo ah afhayeenka wabarka guddoomay biladdan ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay muddadaan u qaatay in wabar Cabdille la guddoonsiiyo biladda ay tahay in la sugayay xilli ku habboon oo la guddoonsiiyo.

"Waxaa intaan loo sugayay in munaasabad tan la mid ah oo heerkeedu sarreeyo lagu guddoonsiiyo sababtoo ah waxaa xafladdaan ka soo qeyb galay Soomaali Sharaf iyo milgo ku dhe leh bulshada kuwaas oo ka kala yimid Soomaaliya, Somaliland, Kenya iyo Itoobiya oo ay munaasabadda ka dhacaday.”SMuxuu ku muteysatay in billaddan la siiyo wabarka?

Wabar Cabulle

Afhayeenka oo su’aashaasi ka jawaabaya ayaa yiri: Waxa uu ku hantay inuu yahay oday dhaqam eed nabad gelyo sidoo kale waxa ay macno ka tahay in Soomaalida uu ku dhex-jiro oday dhaqa meed bilad nabad loo siin karo. Booqashadiisii Taariikhiga ahayd ee Kenya

Wabarka iyo Uhuru Kenyatta

XIGASHADASAWIRKA,

MADAXTOOYADA KENYA

Wabarka beesha Dagoodiye, Wabar Cabdile Wabar Cabdi ayaa dabayaaqadii sannadkii 2019-kii si heer sare ah lagu soo dhaweeyay Kenya markaas oo uu la kulmayay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.

Boqorka ayaa soo dhaweyntiisa iyo hab maa muuska ay u muuqdeen kuwo ka duwan boqorada iyo ugaasyada kale ee Soomaalida.

Wabarka wuxuu markaasi la kulmay madaxweyna hii xilligaas ee Kenya, Uhuru Kenyatta oo sheeg ay: "Waxaan u baahan nahay in aan wada noola ano inagoo walaalo ah oo xushmeyneyno dham maan bulshooyiinka gobolka."

Maxay tahay mas’uuliyadda iyo shaqada wabar Cabdulle?

Wabarka iyo mas'uuliyiin kale

Wabar Cabdile wuxuu hoggaamiye dhaqa meed u yahay dhamaan beesha uu ka dhashay ee ku kala nool bariga Afrika iyo kuwa ku nool qey baha kale ee dunida, Wuxuuna mas'uul ka yahay hawlaha beesha.

"Wuxuu mideeyaa dhammaan reerkaas meel walba oo ay dunida ka joogaan, wuxuu leeyahay wakiilo isaga uu u wakiisho xalinta dhibaatooyinka ka taagan deegaanada reerka uu dego, kuwaas oo u fariista garta deegannaada fogfog ee uusan gaari karin wabarka", ayuu yiri afhayeenka Wabar ka, Macallin Cumar Macallin Bisin.

Waxay beel walba meesha ay deggan tahay ku sameysataa oday dhaqameed hadba ka taliya danaha reerkaas iyo halka ay degan yihiin, waxa ana mararka qaar la arkaa dad isku beel ah oo ku kala nool deegaanno kala duwan in ay yeeshaan odayaal dhaqameedyo badan oo aan isla ho wlgalin, sida ay qabaan dadka khubarada ku ah arrimaha dhaqanka Soomaalida.

Afhayeenkiisa ayaa sidoo kale BBC-da u she egay in Wabarka uu leeyahay gole guurti oo la shaqeeya, kuwaas oo u soo gudbiya waxyaabaha ay tahay in uu go'aan ka gaaro.

Marka ay timaado go'aan gaarista arrimaha bee shiisa, wuxuu sheegay in Wabar Cabdile uu yahay qofka ugu dambeeya ee go'aankaas gaari kara.

Wuxu intaa ku daray in inkastoo odayaasha dha qanka marka hore loo gudbiyo arrintan oo ay soo jeediyaan talada ay u arkaan in ay tahay macquul, haddana wixii uu Wabarka ku qanci waaya, wuxuu xaq u leeyahay in uu gaaro go'aan aanan laga da ba hadli karin, wax racfaan ahna aanan laga qaa dan karin.

Article informationAuthor,Abdikadir Yussuf Ali

Role,Multimedia Broadcast Journalist

Twitter,@Abdikadir_Y_Ali


FAALLO :-DARDAARANKII SH. CUMAR UU IIGU SOO KAA DHIIBAY ADIGA, AKHRISTOW.

Aniga oo ku soo socdo Magaalada Nicosia oo ah Caasimadda Wadanka Jaziiradda ah ee Cy prus ” Qubrus” ayaan ku leexday Tuulo yar si aan Salaadda Casir ugu tuk ado Masjid iiga muuqd ay meel Tuulada xoogaa ka fog.

waxaan ugu tagay hal Nin oo la yiraa Sh. Cumar oo ahaa Caalim dhinaca Diinta Islaamka iyo Culuunta Seyniska ku ah ( F.S:

1aad). Sh. Cumar, Maalintii oo dhan Masjid kaa ayuu ku ciba adeystaa, Habeenkiina waxa uu u hoydaa Tuul ada oo ey joogaan Wiil iyo Gabar uu dhalay oo iyaga oo Rajo ah uu soo koriyay, haddana Xaasas ah. Masjidka dhulka hoostiisa ah waxaa ku aasan 40 Saxaabi.Waxa jiray in wakh tiyadii Dambe in Asaxaabtu ey Turkey qabsadeen, kadibna in 800 ey u soo gudbeen jaziiradaan iya ga oo Doomo wa to si ey Diinta u fidiyaan Dalka Cyprus, kadibna dagaal ayaa lagu laayay badanko odii.

Halkaana waxaa lagu aasay 40 ka mid ah mar kii meydkooda la soo ururiyay laakin Magacyo ku ma qorno. ( F.S: 2-4aad) Sh.Cumar waxa uu ii qal ay Neef Ido ah, Hilib Idaad oo "fresh” ah waaba u baahnaa oo Mu ddo maba arag. Waxa uuna igu yiri: ilaa Makhribkii ma tagi kartiin 5tiinu: Aniga , Sadaxdeydii Gabdhood ee Ardayda ahaa iyo Wiil Baabuurkiisa nagu waday oo isaguna Arday ahaa.

(F.S: 5aad) Dardaa rankii. Sheekadii iyo Dard aarankii uu Shalaytaa ii sheegay waxaa ka mid ahaa.

Somalida iyo Muslimiinta uga dig. Mi raha Abu urka ah ee Yurub laga keeno ee hal mar wax dhalo.

Tusaale, waxa uu yiri: Waxaan leheyn Yaanyo dabeeci ah oo noo baxdo, taranteedu ma badn eyn, waxaana dhax gali jiray Nuuc Tirxi ah oo Ban aanka uga yimaad kadibna bolol ayeey noqon jir tay, Laakin, Miraheeda ayaa dib u Abuura jir nay.

Tirxiguna ma ahan mid Cudur sida. Waxaa na loo keenay Abuur yaanyo oo ka taran badan teenii hore, Tirxina ma galaayo, Laakin Miraheeda dib looma Abuuri karo.Waa in aan Sanad waliba Abuurka ka doonano Yurub.( F.S:6&7aad). Teenii hore Tirxiga maxaa u keenay.Miraha ku dhax jiro yaanyaadeenii hore ayaa lahaa Caraf dabeeci ah oo soo jiidato Tirxiga.Tan cusub waxaa laga dilay wixii Dabeeciga ahaa ee carfayay ee keenayay in ey Tirxiga soo jiitaan iyo in dib loo abuuri karo Mirahaa. 1.Faa’iidada 1aad ee Reer Yurub waxa ey aheyd in aan Suuq u noqono oo aan Abuurka ka doonano oo aan ku tiirsanaano, haddii xiriirkee nu xumaado wax ma Beera karno, Sababta oo ah Miraha Yaany ada iyo kuwa kale oo aan beera no waxaa laga keenaa yurub. khudaarta noo ba xdo Miraheeda dib looma abuuri karo. 2.Faa’iida da 2aad oo ey nagu qabaan ayaa ah waxa ey oga adeen in Yaanyadaan ma dhaliiska ah laga qaado Cudur , waxa ey diyaariyeen Daawadii Cudurkaa.

Mar kale ayaan Suuq Daawo u noqonay, Daa wada ey u soo saareen in aan isaga daweeyno isla Cudurkii aan ka qaadnay Abuurkii ma tarmaha ahaa, Daawadaa ayeey mar kale naga iibiyeen.

Hadda waan joojinay Abuurkii ma tarmaha ah aa iyo Daawadii aan ka soo iibsan jirnay Yurub, waxaan u noqonay Abuurkeenii hore, si aan u hel no Cunto dabeeci ah oo aan Cudur laga qaadeyn. intaa iga gaarsii Beeraleyda Dalkiina ayuu igu yiri: Sh.Cumar. Allaah ayaa iiga markhaari ah in aan soo gudbiyay Dardaarankii Sh.Cumar, in kasta oo aan idin kala soo daahay.

Qore: Yahya Amir .

BOGGA CAYAARAHA

Xulka Argentina oo ku guuleystay koobka kubadda Cagta Adduunka 2022

Xulka kubada cagta Arjentina ayaa ku guuey stay koobka aduunka 2022 ka dib markii ay 4-2 rigoorayaal ah kaga badisay Xulka France ee difaacanayey koobka

Xiligii caadiga ahaa ee ciyaarta loogu talo galay ayaa waxay labada kooxood isla dhaafi wa ayeen barbar dhac 2-2 ah, iyadoo xiligii 30-ka daq iiqo ee lagu daray ciyaartana ay min hal gool iska dhaliyeen taasoo ciyaar ta ka dhigtay ismari waa 3-3.

Finalka Habeen hore ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu xiisaha iyo xamaasada badnaa tan iyo intii la bilaabay ciyaaraha dunida oo afartii san aba mar la qabto.

Laacibka Mbebe ayaa ka yaabsaday Habeen hore malaayiinta qof ee caalamka daafihiisa ka da awanayey koobka aduunka ka dib markii uu labo jeer burburiyey rajada kooxda Arjentiin intii ay soc otay ciyaarta.

France ayaa qeybtii hore ee ciyaarta lagu hog aaminayey 2-0 hase ahaatee Mpepe ayaa dham aadka qeybta labaad ee ciyaarta waxa uu labo da qiiqo gudahood dhaliyey 2 gool oo sabab u noq otay iney ciyaartu ku dhamaato 2-2 barbar dhac ah, isagoo xiliga dheeraadka ah ee ciyaarta lagu darayna rigoore loo dhigay xulkiisa ku barba reeyey gool 3aad oo ay heshay arjentiin taasoo sa babtay in labada kooxood lagu kala saaro rigo oreyaal ama gool ku laad.

Leo Messi oo si weyn ugu hamuun qabay in sa nadkan koobka aduunka la geeyo Arjentina ayey riyadiisii ugu rumowday, Amiirka Qatar, Gudoomi yaha FIFA, Madaxweynaha France iyo madax kale ahaa koobka gudoonsiiyey kooxda Arjentiina.

Dalalka ka qayb galay koobka adduunka oo loo qaybinayo $440 milyan, haddaba dal waliba intee ka helayaa?

Xulka dalka Argentine ee ku guulaystay koobka adduunka ayaa la siinayaa abaal marin lacageed oo gaadhaysa illaa $42 milyan oo dollar oo loo ma rinayo xidhiidhkooda kubadda cagta.

Sidoo kale xulka Faransi iska oo isagu galay kaa linta labaad ayaa isaguna helaya $30 milyan oo dol lar, oo ay ka helayaan lacagaha abaalmarinta ah ee ay bixinayso FIFA sannadkan, kuwaas oo gaadhaya $440 milyan oo dollar.

Sannadkii 2018, waxaa xulka Faransiiska ee ku guulaystay koobka adduunka la siiyey $38 mil yan oo dollar oo laga siiyey sanduuqa abaal mar inta lacagaha ee FIFA, iyada oo sannadkaas guud ahaan lacagaha abaal marinta ah ee la bixiyey ay gaadhayeen illaa $400 milyan oo dollar.

Lacagahan dhammaantood loo qaybin maayo ciyaartoyda, hase ahaatee waxaa loo qoondeeyey in qayb aad u wanaagsan laga siiyo ciyaartoyda.

Xidhiidh kasta oo kubadda cagta ah oo ka soo qaybgalay koobka dunida ayaa helay ugu yaraan $9 milyan oo dollar oo ah inuu ka qaybgalay ko obka dunida ee sannadkan, iyo $1.5 milyan oo dol lar oo loogu talo galay inuu ugu diyaargaroobo koobka dunida.

Halka ay lacag dheeraada helayaan dalalka u gudba wareega 16-ka iyo 8-da. Xulka Croatia oo galay kaalinta saddexaad ayaa isagu helay lacag gaadhaysa $27 milyan oo dollar, halka xulka Ma rooko oo galay kaalinta afraad la siin doono $25 milyan oo dollar. Dakhliga FIFA ee afartii sano ee la soo dha afay ayaa wuxuu ahaa $7.5 bilyan dol lar, kaas oo intiisa badan ay ka heshay dhinaca ba ahinta ciya araha, Sponsorships, iibinta tikidhada iyo adee gyada martigelinta.AP

IMISA LACAG AH AYUU QAADANAYAA DAL KA KU GUULAYSTA KOOBKA ADDUUNKA? KOOBKA ADDUUNKA

XIGASHADA SAWIRKA,FIFA

Cayaaraha Koobka Adduunka ee ka socda da lka Qadar ayaa la soo gabagabeynayaa fiidka Ha been hore ah, xilliga Geeska Afrika.

Shanta dal ee Afrikaanka ah ee soo gudbay ayaa ka la ah Morocco, Ghana, Se negal, Tunisia iyo Camer oon.

Nigeria oo ah dalka ugu weyn Afrika ayaan soo gudbin si la mid ah Masar oo uu ka soo jeedo cayaaryahanka caanka ah ee Mo Salah.

Dalalka ka qeybgala cayaarahan ayaan keliya la hoyan doonin farxadda ah inay cayaareen, balse waxyaabaha uu Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ugu talogalay waxaa ka mid ah lacag.

Imisa lacag ah ayay bixineysaa FIFA?

Koobka Adduunka

XIGASHADA SAWIRKA,FIFA

FIFA ayaa lacag dhan 440 milyan oo dollar ugu talogashay Koobka Adduunka 2022 ee ka dhacaya Qadar. La cagta ay ku bixisay Koobka Add uunka 2018 ayaa ahayd 400 oo milyan oo doollar, halka kii 2014 ay ku baxday 358 milyan oo dollar.

Dalalka u qalma ka qeybgalka Koobka Addu unka Dalalka u qalmay inay ka qeyb galaan Koo bka Adduunka 2022 ayaa midkiiba la siiyay lacag dhan 2.5 milyan oo doollar si ay u diyaar gar oobaan.

Dalalka ku hara heerka group-yada

Dalalka cayaaraha ka qeyb gala balse ku hara heerka group-yada ayaa la siiyaa 9 milyan.

Wareegga 16

Dal walba oo u soo gudba wareegga 16 ayaa qaadanaya 13 milyan oo doollar, iyo lacagtii uu ka soo qaatay group-yada.

Rubuc-dhammaadka

FIFA ayaa sidoo kale 17 milyan oo doollar ugu talo gashay dal walba oo u soo gudba rubuc-dh ammaadka cayaarta.

Nus-dhammaadka

Dal walba oo u soo gudba nus-dhammaadka ayaa la hoyanaya lacag intaasoo dhan ka badan. Balse booska uu dalkaasi ka galo nus-dhammad ka ayaa go’aaminaya inta lacag ee la siinayo.

Booska afaraad, waxay kooxdu la hoyaneysaa 25 milyan oo doollar

Booska saddexaad waxaa lagu bixinayaa 27 Milyan oo doollar

Kooxda kaalinta labaad gasha ayaa qaadaneysa 30 milyan oo doollar

Halka kooxda ku guuleysata Koobka Adduunkana ay la hoyaneyso 42 milyan oo doollar

Argentina iyo Faransiiska ayaa Shalay wada dheelay aa ciyaarta kama dambeys ta ee Koobka Adduunka

Abaal-marinnada kale ee Koobka Adduunka

FIFA ayaa abaal-marinno kale ugu talogashay Ko obka Adduunka. Koob dah ab ah ayaa la siinayaa kooxda ku guuleysata koobka.

Kooxaha soo gala kaalm aha labo iyo saddex ayaa la siinayaa koob bir ah. Waxaa sidoo kale qalab cayaaraha la siinayaa kooxda kaalinta koowaad gasha. Sidoo kale waxay FIFA bixineysaa shahaado heerka diploma ah.XIGASHO:-BBC

6-da laacib ee baalasha dahabka ah lagu qoray ee qarankooda u qaaday Koobka Adduunka?

Lix ciyaartooy oo qaramadooda u qaaday Koobka AdduunkaXIGASHADA SAWIRKA,BBC SPORT

18 Disembar 2022

Argentina ayaa wajihi doonta France ciyaarta finalka koobka aduunka ee Shalay, iyadoo Lionel Messi iyo Kylian Mbappe ay dhiiri galin u yihiin dalalkooda.

Haddaba tartankan ma lagu xasuusan doonaa in uu yahay ‘Koobkii Adduunka ee Messi’, iyadoo xiddiga reer Argentina uu ugu dambayn kor u qaadayo koobka, mise Mbappe ayaa Faransiiska ku hoggaamin doona guulo xiriir ah, iyadoo afar sano ka hor oo uu ku qaaday Ruushka?

BBC Sport ayaa soo bandhigtay lix ciyaaryahan oo kale oo kaalin weyn ka qaatay guulihii dalkooda uu gaaray koobabkii hore adduunka.

Pele, Brazil – 1958

Pele waxa uu ahaa 17 jir kaliya markii Brazil ay ka qeyb gashay Koobkii Adduunka ee 1958 ee Sweden, isagoo raadinayay inuu ku guuleysto tartanka markii ugu horeysay. Markii laga soo tagay labadii kulan ee furitaanka dalkiisa, weeraryahanka ayaa markaas wacdarro dhigay isagoo 2-0 kaga badiyay Midowga Soofiyeeti, waxaana uu dhaliyay goolka kaliya ee ay 1-0 kaga badiyeen Wales wareega rubuc dhamaadka.

Wixii intaas ka dambeeyay, Pele waa la celin waayay. Waxa uu dhaliyay seddexleey, ciyaar ay 5-2 kaga badiyeen semi-finalka France iyo labo gool oo kale oo ay 5-2 kaga badiyeen Sweden.

Koobkaasi waxa uu ahaa koobkii ugu horeysay ee seddexda koob ee aduunka ee Pele, inkastoo uu kaliya ka soo muuqday labadii kulan ee furitaanka 1962, ka hor inta uusan dhaawacmin.

Sannadkii 1970-kii, si kastaba ha ahaatee, waxa uu ahaa cayaar yahankii ugu wanaagsanaa, isagoo dhaliyay afar gool - oo ay ku jirto goolkii ugu horreeyay ee Brazil ay 4-1 kaga badiyeen Italy.

Mario Kempes, Argentina – 1978

Mario Kempes

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Argentina ayaa laba jeer ku guuleysatay Koobka Adduunka, labada jeer, hal ciyaaryahan ayaa qeyb weyn ka qaatay guushooda. waa Mario Kempes.

Weeraryahankan oo markaasi Valencia u cayaarayay ayaa tartankan u ahaa laf dhabar isagoo ahaa gooldhaliyahii ugu sarreeyay horyaalka La Liga laba xilli ciyaareed oo xiriir ah, waxaana uu ahaa ciyaaryahanka kaliya ee ka tirsan xulka Argentina ee aan u ciyaarin dalkiisa.

Kempes ayaa ku guuldareystay inuu gool ka dhaliyo wareeggii koowaad ee group-ka, laakiin wareeggii labaad wuxuu dhalaalay labadii gool ee ay 2-0 kaga badiyeen Poland, iyo kii koowaad iyo seddexaad oo ay 6-0 kaga badiyeen Peru.

Taasi waxay keentay in Argentina ay gaarto finalka, Kempes ayaa laba gool oo kale dhaliyay, ciyaartii ay 3-1 kaga badiyeen Netherlands ee ka dhacay Buenos Aires, maadaama uusan xulkiisa ka caawinin guushii ugu horeysay, laakiin sidoo kale wuxuu ku dhameystay gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka iyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa.

Paolo Rossi, Italy – 1982

Markii uu qeyb galay galay Koobkii Adduunka ee 1982 ee Spain, Weeraryahanka Talyaaniga Paolo Rossi ayaa kaliya ku soo laabtay Garoomada ka dib labo sano oo ganaax ah oo uu ku muteystay fadeexadii ciyaaraha ee Seria A, iyadoo warbaahinta Talyaaniga ay maamulaha qaranka Enzo Bearzot ku dhaleeceeysay inuu liiska ciyaartooyda ku soo daro.

Laakiin ka dib bilow xun, weeraryahanka ayaa kaalintiisa muujiyay kulankii Brazil isagoo dhaliyay seddexley cajiib ah ciyaar uu Talyaaniga ku qasbanaa inuu badiyo si ay u gaaro semi-finalka.

Waxa u xigay labadii gool ee ay 2-0 kaga badiyeen Poland semi-finalka, waxaana uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee Talyaaniga ciyaartii finalkii taas oo ay 3-1 kaga badiyeen West Germany.

Lixdii gool ee uu dhaliyay Rossi ayaa u sahashay inuu ku guulaysto kabta dahabka ah ee ka siiyo gooldhaliyaha ugu sareeya.

Diego Maradona, Argentina - 1986

Maradona

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Kabtan Diego Maradona ayaa hormuud u ahaa Koobkii Adduunka ee 1986-dii isagoo Argentina ka caawiyay inay ku guuleystaan ​​koobkii adduunka ee labaad ee Mexico. Goolkii ugu horeeyay waxa uu ka dhaliyay Talyaaniga ka dib ciyaar ku dhamaatay 1-1 oo ay Argentina ka caawisay in ay ku soo guulaysato Group-ka.

Wareega 8 dhamaadka waxa uu dhaliyay 2 gool oo uu ku garaacay England 2-1. Midka hore wuxuu ahaa goolkii caanka ahaa ee 'Hand of God' - markii Maradona uu kubadda ku dhuftay Peter Shilton - laakiin kan labaad ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah gooldhaliyihii ugu wacnaa ee Koobka Adduunka ee abid, isagoo kubadda ka soo jiiday garoonka qeybta xigta goolkooda ka hor inta uusan soo dhex-marin difaaca England.

Waxa uu ku xigay laba gool oo kale oo cajiib ah ciyaartii ay 2-0 semi-finalka ee ay 2-0 kaga badiyeen Belgium-ka. Ka dibna waxa uu door muhiim ah ka qaatay finalkii 3-2 ee ay kaga badiyeen West Germany.

Isagoo shan gool dhaliyay shan kalena caawiye ka ahaa, Maradona waxa uu ku guulaystay kubbadda dahabka isagoo noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartanka.

Zinedine Zidane, France - 1998

Zinedine Zidane

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee xirfada leh ee Zinedine Zidane ayaa ahaa astaantii koobkii adduunka ee France ee 1998-kii, oo ay marti galiyeen.

Si fiican ku bilowday kadib markii uu caawinaad ka geestay goolkii ugu horeeyay ee xulkiisa uu ka dhaliyo tartanka, kaas oo uu dhaliyay Christophe Dugarry ciyaar ay 3-0 kaga badiyeen Koonfur Africa.

Zidane ayaa markaas door muhiim ah ka qaatay inay hogaanka kala wareegaan Sacuudi Carabiya, laakiin markii dambe karaka casaanka ah ayaa loo taagay taas oo sababtay in laga saaray ciyaartii ay ku badiyeen 4-0, waxaana uu seegay kulankii seddexaad ee Group-ka France oo ay la ciyaareen Denmark, sidoo kale wuxuu 1-0 kaga badiyay Paraguay waqtigii dheeriga ahaa ee wareega 16-ka. .

Sidoo kale kaali ka qaatay ciyaartii semi-finalka ay xulkiisa 2-1 ku garaaceen Croatia.

Ciyaartii Final-ka, Zidane ayaa dhaliyay labo gool oo madax ah taas oo ay 3-0 kaga badiyeen Brazil. Laba sano ka dib, waxaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa Euro 2000, oo Faransiisku sidoo kale ku guuleystay.

Ronaldo, Brazil - 2002

Ronaldo, Brazil - 2002

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Final-kii 1998-dii ayaa la filayay in uu noqdo waqtigii ugu fiicnaa ee weeraryahanka Brazil Ronaldo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa ciyaarta ka hor ku dhacay xanuunka dhanka maskaxda ah, markii hore laguma magacaabin shaxda - kaliya markaas ayuu ku soo bilowday, laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu saameyn ku yeesho guuldarradii 3-0 ee ka soo gaartay France.

Dhaawac halis ah oo ka soo gaaray jilibka sannadkii 1999 ayaa ku hanjabay inuu soo afjari doono xirfadiisa, laakiin wixii ku xigay ayaa ahaa mid ka mid ah sheekooyinka dib u soo laabashada ee ugu weyn kubada cagta.

Tartankii 2002-dii ee Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, Ronaldo waxa uu ahaa mid la yaab leh ka dib markii ay u rumoowday riyadiisii Koobka Adduunka afar sano ka hor, isagoo sideed gool ku dhaliyay todoba kulan oo uu ciyaaray.

Waxa uu saddexdii kulan ee Group-yada ka dhaliyay afar gool – mid uu 2-1 kaga badiyay Turkiga, mid kalena waxa uu 4-0 ku xasuuqay Shiinaha iyo laba uu si fudud 5-2 kaga badiyay Costa Rica. Intaa kadib waxaa yimid hal gool oo ay 2-0 kaga badiyeen wareega 16ka Belgium-ka, goolka kaliya ee ay 1-0 kaga badiyeen Turkiga semi-finalka iyo labadaba finalkii ay 2-0 kaga badiyeen Germany.

Ronaldo waxa uu ku dhameystay gooldhaliyaha ugu sareeya, mana jirin ciyaaryahan ka badan oo koobka aduunka ka dhaliyay, inkastoo Messi iyo Mbappe ay ku jiraan tartanka

sanadkan.XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip